Iyadoo ay Xukuumadda Somaliland fasaxday Dibed baxyadda Dimuquraadiyad doonka ah ee shacabka iyo taageerayaasha Xisbiyaddu si salmi ah ugu soo bandhigaan mawqifyadooda ay kala taagan yihiin kala qaadista Doorashooyinkii isku lamaana ee Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka ayaa Waxa caawa kulan xasaasi ah arrimaha ka yeelanaya hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani, kuwasoo kulanka ku darsaaya inay mawqifka xisbigooddu kusoo bandhigaan Mudaharaadyo waaweyn oo ka dhaca goboladda dalka oo dhan.
Kaddib markii Maanta Xisbiga Kulmiye dad uu soo abaabulay dhigeen Mudaharaad, ay iyaggu ku taageersan yihiin kala qaadista labad Doorasho, waxa xisbiyadayada mucaaridkuna uu waqti xaadirkan qorsheynaayo Xaaladda dhabta ah ee dalku gelaayo hadii la kala qaado doorashooyinka dalka, maadaama oo beesha caalamku iyagguna baaqyo culus kasoo saareen qadiyadda kala qaadista labada doorasho, sidoo kalena waxa la filayaa in kulankan uu kasoo baxo baaq xoojinaaya xidhiidhka beesha caalamka iyo Somaliland.
Hoodo Abdi Maxamed
hoodo4244@gmail.com