Hargeysa,(Qaran-news)- Ilo wareedyo ku dhow dhow wasiirka arimaha dibada ee Somaliland ayaa noo xaqiijiyay in wafti balaadhan oo ka socday dalka Maraykanka oo dalka soo gaadhay una yimid sida ay dawlada Maraykanku uga xuntahay inla kala qaado labada doorasho ee wakiilada iyo madaxtooyada ee Somaliland ay soo gaadhsiiyeen madaxweyne Siilaanyo iyo xukumaddiisa, waftigani oo maanta dalka ka dhoofay ayaa wararku sheegayaan in ay cadho kala laabteen madaxweyne Siilaanyo oo ah shaqsi aan dalka maamulin isla markaasina ay dalka ka taliyaan qoyskiisa oo ay ugu horayso habarta uu qabo iyo wiilka ay sodoga u tahay ee Bashe Cawil Omar (Morgan).
Waftiga ayaa kulan dheer oo ay la qaateen madaxweyne Siilaanyo iyo xubnaha ku hareeraysan waxa ay u sheegeen in hadii aan la fulin doorashada golaha wakiilada oo ayna shicibku wax soo dooran oo ayna helin cidii matli lahayd meel lagaga dhacaayo dimuquraadiyadii mudada dheer ay Somaliland soo dhisaysa.
Masuul ka tirsan xukumadda Siilaanyo oo diiday in uu magaciisa sheego ayaa arintaasi ku raacsan wadamada Somaliland ka taageera doorashooyinka, waxna uu xusay in dalku u baahnyahay in ay doorasho ka dhacdo oo waliba la is raaciyo labada doorasho, caalmkuna sidaasi ayuu ogolyahay shicibka Somaliland guud ahaana sidaas ayay taageersanyihiin.
Isu soo baxii shalay ee ardayda beenta loogu soo saaray waxa dhoolatus been ah looga dhigaayay waftigani oo dalka ku sugnaa, waana mid ka mid ah calaamadahii aynu ka dhaxlnay dawladii kali taliska ahayd ee Siyaad Bare Siilaaanyona waxa uu noqday arday ka mid ah ardaydii macalinkaasi.
Waftigan Maraykanka ah oo ay xukumaddu qarisay imaatinkooda, waxa ay saaka ka dhoofeen magaalada Hargeysa, lamana hayo ilaa hada saxaafad ay la hadleen xitaa kuwa dawlada taageera iyo warbaahinta dawladu toona waxba kama ay sheegin imaatinkooda iyo bixitaankooda.