Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Madaxweyne ku xigeen kii hore Axmed Yassin aamuska ayuu ku fiicanyay

$
0
0

Madaxweyne ku xigeenadii hore ee Hassan Issa Jama iyo Abdirahman aw Cali warbaahinta may laasimin oo dad mutacalimiin ah oo garanaya in aan loo baahnayn in ay shaa-shadaha had iyo jeer ka muuqdaan kol haday xilkii ka degeen oo pension galeen. Waxa wax lala yaabo ah Ahmed Yassin warbaahinta ayuu intaa taaganyay isaga oo si dadban doonaya in uu u taageero inaadeertii Amina Weris. Arinka uugu danbeeyey ee uu difaacayay wuxuu ahaa gudi aan sharci ahayn oo hayada maxaliga ah ee SONSAF ay samaysay oo Ahmed Yasssin na lagu daray oo la yidhi marka doorashadu murugto ayay xisbiyada kala saarayaan. Subxaan!!! Waxa dhawaan si cilmiyeysan uuuga horyimi gudida komishanka oo ku tilmaamay in aanay SONSAF lahayn awood ay ku samayso gudidaa aan sharciga ahayn ee ay iyaga yihin kuwa qaynuunku u fasaxayo inay xisbiyada kala saaraan. Hadaba bal madaxweyne ku xigeenkii hore in uu qaldanyay oo uu agende qarsoon leeyey halkuu ka soo geli karaa. Haduu se shaqo doonayo, waxa dhawaan geeriyooday ninkii hayay furaha qabriga Shiekh Isaxaaq ee shaqadaa ha doonto ileyn waakii awalba bil walba siyaaran jiray qubuuraha maidh ee qaxwaha kula dul wareegi jiray e. Mida kale wadanka wuxuu ka qaataa lacag ah pension hadaannu taa doonayn oo uu shaqo tag yahay ummada ha u daayo lacagtaa u fadhiga ku qaato. Awalba Dahir Riyaale kumuu dooran culuun sare iyo Digriiyo ee abaalkii Egal u galay uun buu yidhi beesha ciise Muse ku yidhi nin ii keena madaxweyne ku xigeen ii noqda. Ahmed Yaassin Siyaasada dib ha uuga fadhiisto ama ha joojiyo lacagta uu fadhiga ku qaato oo si toosa ha u soo galo waxba yaanay Amina Weris kolba dabada ka soo riixin waadaadkan waalan e. isku soo xoori oo waxa Axmed Yassin u qaaliban in uu iska aamuso ha la tuhmo e.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>