Hargaysa(Qaran-news)- Maalmaha soo soo socda ayaa la filayaa in xubnihii isbahaysiga ee ka baxay xisbiga Kulmiye ay ku biiri doonaan xisbiga wadani.
Talaabadan ku biiritaanka xubnaha isbahaysiga , ayaa walaac xoogan ku abuuray xukuumada iyo xisbiga Kulmiye islamarkaana ergo u diray xubnaha isbahaysiga, kuwaasoo ka dalbanaya inay wada hadal la furaan xukuumada iyo Xisbigeeda Kulmiye.
xubnahan Isbahaysiga oo lagu tilmaamay xubno miisaan culus ku leh saaxada siyaada Somaliland ,ayaa wararku sheegayaan inay xukuumadu werwer weyn ka muujisay ku biiritanka xisbiga wadani.
Sidoo kale waxa wararku sheegayaan in wasiiro xukuumada ka tirsan iyo xisbiga Kulmiye aya telifoon badan oo codsi u direen xubanaha isbahaysiga balse xubnahaasi aanay dheg jalaq u siin.
Xukuumada ayaa ka sii walaacsan taageerada xoogan ee xubnaha isbahaysigu ku biirin doonaan xisbiga Wadani,taasina ay keentay in fadhi iyo jiifba ay diiday xukuumada.
Xubanaha la filayo inay ku biiraan xisbiga wadani ayaa magacyadoodu kala yihiin:
1- Maxamed Biixi Yoonis
2- Xirsi Cali Xaaji Xasan.
3-C/risaaq Khaliif,
4-Xuseen Axmed Caydiid.
5-C/raxmaan Talyaanle.
6-Prof.Faarax Geedoole.
7-Xildh.Maxamed X.Yuusuf.
8-Cali Cabdi Saayiq.
9-Bashiir Cabdi Xariir Iyo Xubno Klae oo Miisaan Leh.