Hargaysa(Qaran-news)- Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali waraabe ,ayaa shalay gaadhay magaalada Jabuuti ee dalka jabuuti,waxaana wararku sheegayaan inuu halkaa kula kulan qarsoodi ah kula yeeshay xubno wasiiro oo ka socda dhinaca dawlada Xasan sheekh.ee Soomaaliya.
Wararka laga helayao magaalada Jabuuti ayaa tibaaxaya in kulankan labada dhinac uu ka dhacay huteel Sharton ,islamarkaana muhiimadiisu la xidhiidho sidii Gud.Faysal uga shaqayn lahaa sidii xukuumada Somaliland gacan u siin lahayd doorashada Xasan sheekh ,sidoo kalena ay gacan uga gaysan lahaayeen xulista xubnaha Somaliland uga mid noqon doona Gollaha baarlamaanka Soomaaliya.
Faysal Cali Waraabe ayaa la sheegay inuu kulan ku wehelyay Ambasador Xuseen Cali Ducaale(Cawil),iyadoo xoguhu sheegayaan in maalmaha soo soo socda xubno Wasiiro Somaliland ahi u kicitimi doonaan Jabuuti si ay xoojiyaan hawlaha Faysla cali waraabe u igmatay Xukuumadu ee la xidhidhiidha dhinaca arimaha Soomaliya.
Xukuumada kasocda dhinaca Soomaaliya ayaa la sheegaya inay horkacayaan Maareeye wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Dekadaha Nuur Faarax.
ilaa hada lama oga xogaha dhabta ah ee labadan dhinac ka wada hadleen balse Gudoomiye Faysal ayaa hore madaxtooyada dhexdeeda uga sheegay in loo bahaan yahay in somaliland kaalin ka qaadato Doorashooyinka Soomaaliya,taas oo la tuhun sanyahay in xukuumada Siilaanyo hoosta ka dirtay Faysal.
Geesta Kale, Xukuumada Xasan Sheekh oo werwer weyn ka qabta musharaxa kula tartamaya doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Md.Sh.Shariif ayaa taageero ka doonayasa dhinaca Xukuumada Siilaanyo.
Arimahan oo dhami waxay muujinayaan Sida Faysal Cali Waraabe iyo Xukuumada Siilaanyo ay hada u Dilaalayaan Qaranimada Somaliland islamarkaana ilaaway inay ku timi Doonista iyo Dhiiga Shacabka Somaliland.