Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Maayarka Berbera faan weynaa sowkii ilka la’a markii la doortay

$
0
0

Maayarka Berbera ayaa ku faanay in uu xoolo uu aabihii iyo awowgii ka dhaxlay haystay intaan xilkan uu hayo lo dooran oo uu sidaa darteed Muse Biixi u hayo qaadhaankii uu ku balan qaaday. Maayarku miyuu waalanyay sowkii isaga oo ilkaha hore qaar maqan yiin la doortay ee markuu mudo gaaban joogay Suuri Hargiesa fadhiya ka gashaday ilkaha maqan. Cidinow hadii sidaad sheegtay aad maayar nimada ka hor xoolo lahayd horaad ilko u gashan lahayd ee waatii baqtigu kuu xalaasha ahaa ee afku ku daloolay yaa kadaab. Dhaqaalaha aad Muse Biixi uugu balan qaadayna waa cashuurtii danyarta bacadka kulul ee Berbera wax ku iibisa laga soo ururiyey. Lacagta aad ilkaha ku samaysatayna isla taas uun bay ka timi. Weli youtubeka wey ka buuxaan adigoo ilkaha qaar ku maqanyiin oo xafladaha ka hadlaya. Isku soo wada duub, Maayor sidan kuma miyir qabtid ee xoolo xaaraan ah ayaad adna ilkaha ku samaysatay Musena uugu balan qaaday ee ha soo caban marka ilaahay kugu salido wakiilada degaanku ee ay ku laa-laadiyaan ee ay daaqada kaa tuuraan ileyn xaaraan baad faraha kula jirtaa waa beryaba e. Maamulkii dowlad nimo ayaa buray ee hadii dowlad qaynuun ku socotaa jirto intaad fagaare isa soo taagto adoo maayar ah oo dadka u dhexeeya kumaad dhawaaqdeen nin siyaasi ah baan lacagta ummada ku taageerayaa. Xoolaha xagaaga Berbera danyarta bacadka fadhida laga soo qaaday ayaad adna kaga dhigtay badh-cabnay, bad-qubnay, badh-ku maydhanay, badhna ilko ku samaysanay, badhna muse siinayaay. Bal maayarka Berbera iyo karaamada danyarta lacagtoodii lagu loofaray aynnu isu eegno wuxuu Cidin ku mutaysto awal wuu ilko la’a ee la arkee isagoo luga la’na in ilaahay bulshada reer berbera tuso. ilaahay dulmiga ma jecla.
Islaamaha danyarta ee reer Berbera waxay yidhaahdaan, maayar cidinow cudurna qaaxo ayaannu ku siinay ee qalbiga u sheeg. Subxaan.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>