Bismillahi raxmani raxiim s/c.ku soo dhawaw.
Kelmada Carabiga ah ee ‘INSAN’oo macnaheedu yahay ‘DADKA,hadii laga tirtiro xarafka ”N,,kelmadii waxay noqotay ,INSA,oo macnu noqonayo ‘HILMAANKA,u fiirso kelmada Hilmaan waxay ka soo dhex baxday kelmada ‘Dadka’.Illahay marku abuuray maskaxdena iyo qulubtena,wuxuu oga in aynu si dhib yar oo deg-deg ah u ilaaweyno tariikhdena iyo duruufihii adkaa ee ina soo maray.
Dadku xikmad wax ha ku badho,yanay halmamin sababtan,hayska xidho Ilbabka kulmiye.
1-Bulshadu wax badan ayay ka baratay,Xukunka Siilanyo iyo Xisbiga kulmiye.waxay ina soo mariyeen oo aynu ka soo gudubnay duruufo adag,ay ka mid tahay cadaala-daro iyo dulmi xogeystey iyo qabyaaladii oo xadhkihii goosatay.
2-Waxay hilmameen tariikhdii iyo duruuftii umada soo martay,waxay noqden Koox hadafkodii noqday urursiga hantida umada.bulshadana waxay u raran marakiib Been ah,hadana waa magacdon.waxaan u aqan Rag waalan oo shandado ku cabeynaya Hawo,oo Magacodiina ku xardhay Biyo.
3-Bulshada waxay gadhsiyen dhawacyo badan,waxay dudsiyeen xuquqdii Bulshadu lahayd xukumada kulmiye may ixtiramin xuquuqdii Bulshada,mana ixtiramin xoriyata-qawlkii mana ixtiramin xoriyadii ganacsiga mana ixtramin xuquqda gaarka ah ee shakhsigu xaqa u laha,waxay sii fogeysey himiladii ay umadu lahayd.
Khaladkii ugu danbeeyay ee ay Bulshadu gasho ,uxu ahaa macalinkii inogu fiicna ee ina baray Madaxweynaha Talada haya.
Suurta gal maaha in aan ka midha dhalino himiladena,hadii Bulshadu anay bedelin maskaxdooda.waxa ino muhiim ah in aynu bedelo,caqligii keenay xukumada talada haysa.Bulshadu yanay ka biqin Isbedel siyaasiya oo dalka ka dhaca,wuxu keeni maskax cusub iyo feker cusub wixii qabsomay ayu wax ku dari wuxuu keeni wax ka wanaagsan waxa inoo qabsomay.
Bulshadu haday donayso in ay hesho wax anay weligeed hore u helin,waa in ay yeesha oo ku talabsata wax anay hore ugu talabsan.hadii aynu donayno in aynu ka midha dhalino Himiladeen,waxa daruuri ah in aynu Naftena wax ka bedelo.marka hore dawladnimada ka bilow naftaada,naftana ku edbi sharciga illaahay,marka xiga cilmiga Hub uga dhig lakiin qabiil Hub hawga dhigin.
Go’aan qadashadu way culustahay,marka aad ka fekeraysid isbedel Bulsho.ee aad kala doranaysid xalada Bulshadu ku jirto,iyo Mustaqbalkeda danbe ee ay hiigsanayso.laba Nin oo laysku bedelo qiimo inoma samaynayso,nidaam isbedela iyo Bulsho wacan oo cilmiyan iyo akhlaqiyan iyo diniyan u dhisan ayaa muhiim ah.
Bulshada dhexdeeda waxa ku nool Rag u karkarinaya SUN,iyagoo halmansan in ay iyagu yihiin ragii ugu horeynayay ee dhadhamin lahaa.dariiqa ugu fudud ee aan kaga carari karna mushkiladoda,waxa weye caloosheena oo aan shaqayn lakiin caqligu shaqeeyo.
Indhaha Bulshadu way beeniyan xumaanta qofka ay isku qabiilka yihiin,Dheguhuna way rumaystaan qofka anay isku qabiilka ahayn xumantiisa.Indha Bulshadu ma arkaan dhegtuna ma maqasho ceebta iyo xumanta shakhsiga ay isku qabiilka yihiin ee Sunta u karkarinaya Bulshada iyo Umada.
Waxan shaki ku jirin in xulashada Hugaanku yahay su’aal adag,wayo masiirkii umada kii aad ku aamini lahayd ayad xulanaysa.Bulshadeena way u fududahay in ay Hugaanka qabiil ku xushaan ama dan kale oo la culus.waxan leyahay Nafta yaan laga fekerin,lakiin jiilka danbe aan ka fekero.waxad ka fekerta Jiilasha sii tarmaya iyo kuwa ay awowe u noqon donan.
Gebo-gebo maqaalka.
Dalka waxa joga laba Tuug ‘tuug yar-yar, iyo ‘tuug wa-weyn’.
Bolisku wuxu eryada tugta yaryar,lakiin tugta waweyni waxay
ilaaliyan Booliska.
Amiirka Muse Gaadhane.
BirminhamUk duale@hotmail.com