Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Wasiir Cukuse oo ka dhex toosay shirkii Kulmiye ee Birmingham oo uu gudoomiye Muuse Biixi xaadirka ka ahaa weerarna ku qaaday…..

$
0
0

Birmingham,(Qaran-news)- Kulan balaadhan oo habayn hore lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay joogeen wasiiro iyo kaadiriin ka mid ah xisbiga Kulmiye ayaa waxa goobtaasi waxa dadkii ka hadlay ka mid ahaa wasiirka xanaada xoolaha Somaliland C/laahi Cukuse.

Wasiir Cukuse oo qudbad kooban halkaasi ka jeediyay ayaa markii uu masraxa istaagay gabi ahaanba ka leexday mawduucii shirka waxna uu weearar qaawan ku qaaday wasiiro ka mid ah xukumadda uu ka tirsanyahay waxana uu ugu horayntii weearar toos ah ku qaaday wasiirka madaxtooyada pp uu dhaliilo ku miisay waxna uu ku dhaleeceeyay dadka sida baaxada leh looga shaqaalaysiiyay xukumadda Siilaanyo ee ka soo jeeda ama yimid magaalada Birmingham in uu wasiir Maxamuud Xaashi uu ka danbeeyo oo uu isagu dadkaasi ku soo daabulay xukumadda oo u shaqaalaysiiyay.

Waxana uu weerarkaasi ku xigsiiyay wasiirka caafimaadka Xaglo’toosiye oo uu sheegay in uu shalay ahaa mucaarid halis ah maantana uu yahay muxaafid u daacad ah Somaliland isla markaasina uu ka faa’iidaystay dumuquraadiyada Somaliland ka hana qaaday, waxna sidoo kale uu Cukuse weerar ku qaaday oo goobtaasi joogay Maxamuud Raage, oo hada ka mid ah shaqaalaha madaxtooyada ka hawlgala horena u ahaan jiray sarkaal ka tirsan xukunadda Siilaanyo dhawaana ka baxay xisbiga Waddani ka hor int aanu mar kale ka mid noqon xukumadda Siilaanyo, waxna uu Cukuse Maxamuud Raage ku dhaliilay ma sheegay nin samir daran oo deg dega.

Hadalada weerarka ah ee uu wasiir Cukuse ka jeediyay goob mihiim u ahayd xisbiga Kulmiye, xili ay xisbigaasi la daalaa dhacayeen xubnihii garabkii is bahaysiga Kulmiye ee ku biiray xisbiga Waddani ayaa uu wasiir Cukusena lugta ku sii walaaqay shirkii balaadhnaa ee uu gudoomiye Muuse Biixi xaadirka ku ahaa ee uu kula hadlaayay tageerayaal aad u tiro badan oo isga kala yimid magaalooyin dhowr ah oo ka mid ah dalka UK.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>