Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Fariin ku socota Madaxwaynaha Jamhuuridda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

$
0
0

Fariin ku socota Madaxwaynaha Jamhuuridda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

Waxan madaxwayne kugula talinaya inaad raaligalin ka bixiso jawaabtii aad 5/04/2019 u soo dhiibtay Afhayeenka Madaxtooyada JSLMaxamuud Warsame. Af hayeenku Wuxuu ku hadlaayay afka xukuumada, cidna shaki Kama saarna inuu Madaxwaynu warqada u soo dhiibay ama ay soo martay.

Waayo warqadaasi waxay gaf wayn ku ahayd Jamhuuridda Somaliland iyo Shacbiga Somaliland iyo jiritaanka Somaliland iyo tayadda shaqaalaha dawlada iyo milgaha hogaaminta JSL.

Waxay gafwayn ku ahayd muwaadinka Axmed Cismaan Geele oo aad tuug iyo dambiile si gaara ugu xukuntay isagoo sheegtay in la dulmiyay.

Waxaad aflagaado aan gabasho lahayn u gaysatay madax dhaqmeedka beesha ganacsaduhu ka soo jeedo oo aad waxmqgarato ku sheegtay.

Waxaad ku gaftay shacbiga Somaliland oo aad dareenkii ay ka muujiyeen ka bixisay jawaab aad ula dhaqmayso sidii ay yihiin dad aan garaad lahayn oo caalamka ka dambeeya. Xukuumadu dib haw eegto warqadii ay ugu doodaysay Baanka Jabuuti iyo France laga leeyahay.

Somaliland inay dad Jabuuti ama Itoobiya u dhiibto wax ugub maaha laakiin in Xukuumadu SL dal kale af hayeen u noqoto waa sharci jabin iyo ceeb ugub.

Dastuurkana ha ilaaliso xaqa Ganacsade Axmed Cismaan jabuuti ka haysato iyo muwaadin kasta oo xaq kaga maqan yahay Jabuuti hawga soo qaado. Waa waajib saaran xukuumada.

Xukuumadda Somaliland raaligalin buuxda ha ka bixiso oo Shacbiga Somaliland ha siiso.

Wa Billaahi Tawfiiq

Calikhadar Muse


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles