Wuxuu ku saabsan yahay ina aan tabto ariimo dadka reer sanaag garanayaan in ay mayiriintii iyo badhisaabyadii gobolka soo maray 22 sano ugu dambeeyey inay ku fashilmen shaqadoodii, taaso keentay kolba badhisaab walba inan lala xisabtamin muxu sameeyey inta uu xilka hayay?!! jawabyuna waa zero waana waxyalaha ka dhigay gobolka ka ugu Liita xagga maamulka.
Shakhsi ahaan waxaan qabaa in uu mayarku aanu kaligii dhaliil lahayn,dhalilooyinka way badan yihiin laakin ta ugu weyn Waxaa leh badhi saabyadda soo maray gobolka sanaag xukuumadan imika joogtana way ka liidata kuwi hore , waayo umay magacaabin qofki ku haboona gobolka sanaag , xukuumaduna ila wakhtigan umay qorshayn wax miisanyada oo lagu horomariyo mashariicadda gobolka, waayo gobolkan waa gobolka ugu wayn somaliland kana baxsan sami gaybsiga dawladda .
Waxaana jira bahiyo farabadan sida wado laa’aanta oo runti ah caqabada ugu wayn ee haysata gobolka ,taaso ka rebtay gobolada kale, iyo adeegyadda caafimadka,waxbarashadda , iyo wasaaraddihii dawladda oo aansidi logu tala galay aan wax xafisyo cusub ka furan taaso soo kordin lahayd shaqo abuur, sida darteed waa inay xukuumaddu qimaysa badhi-sabyadda ay magacawday waxqabadkooda , waayo iyaaga masuul uga ah xukuumadda.
Gabo gabo gobolka sanaag iyo bulshadiisaba waxay u baahan yihiin badhisaab waxqabad dhab ah la yimada , xukuumaddana uu ka soo qaado waxay xaq u leeyihiin gobol ahaan , xukuumaddana u soo gudbiya baahiyaha gobolka ka jira , fuliyaana horumark bulshada uu ka masuulka yahay.
Mukhtar Cilmi
Khadar2244@hotmail.com”>Khadar2244@hotmail.com