Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Doorashooyinka Somaliland Ee La Filaayo, Iyo Xaaladaha Ku Gadaaman

$
0
0

Waxa sii kordhaaya walaaca laga qabo doorashooyinka la filaayo inay dhacaan bilawga sannadka soo aadan, iyadoo ay walaacyadaas ay ugu wacan yihiin dib udhacyada soo noq-noqday ee badhi furka ah, kuwaas oo keenay kalsooni daro soo kala dhex gashay labada xisbi mucaarid ee Wadaani iyo Ucid iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye oo dhinac ah.

Dawladaha ka teegeera Somaliland xaga doorashooyinka ayaa walaaca la qaba xisbiyada mucaardka ah oo aad iyaba moodo inay si isku mid ah aanay wax u rabin, waa mide’ xisbiga waddani waxa uu muujiyey mucaaridnimadiisa iyo inuu cadaadis ku saaro xisbi xaakimka in la mudeeye xilliga rasmiga ah ee ay doorasho ka dhici karto dalka isaga oo garabsanaaya beesha caalamka gaar ahaana dalalka aynu soo sheegnay ee Somaliland ka caawiya arimaha dooroshiynka iyo hanaanka dimuqraadiyada.

Balse doorka xisbiga guunka ah ee Ucid aya la mooda inuu barkinta dheereystay iyadoo su’aalo la iska weydiinaayo ma mucaarid baa, mise waa muxaafid, kaas oo si weyn ugu milmey xukuumada talada dalka haysa iyo xisbigeeda muxaafidka ah oo u codka HAA la garab taagan yahay.

Xisbiga Ucid waxa ka dhex taagan muran siyaasadeed cida musharax madaxweyne u noqonaysa iyada oo ay xisbigaas ka muuqato awood daro xaga kala danbeynta ah iyo si jiid-jiidasho mararka qaarkood ay saxaafada isu mariyaan masuuliyiinta Ucid hadalo cay iyo aflagaado qaawan ah, kuwaas oo necbaasho iyo inuu sii kala fogaado mooyaane aan xal keenaynin wakhti xaadirkan la joogo.

Ka dib go’aan laga sugaayey Madaxweyne dalka inuu mudeeyo xilliga doorashooyinka la qabanaayo si wada jir ah, doorashooyinkaas oo kala ah mida Madxweyne iyo tan Baarlamaanka ayaa madaxweynuhu wuxu soo saaray qoraal u ku sheegaayo in la kala qaaday doorashooyinka oona ay soo horeyn doonto mida madaxtooyadu, wixii ka danbeeyana ay mudeyn doonto cid xilka qabata. Baarlaamanka oo hadda in ka badan toban sanno fadhiyey guriga shacabka codkooda matala balse ilaa iyo haatan aan soo saarin qaraaro waxtar u ah bulshada marka laga reebo kuwo far ku tiris ah. Si kastaba waxa looga fadhiyaa dawlada cusub ee la filaayo inay timaado badhtamaha sannadka soo socda inay dedejiso doorashooyinka shacabka looga hor kaxrynaayo wajiyada isku mashquulsan ee danihii qaranku u doortay kaga jeestay mida gaar ahaaneed.

Sidoo kale waxay su’aal weyni ka taagan tahay sida dawladu ay beesha caalamka iyo dalalka ka saacida doorashooyinka uga dhaadhicin lahayd kala qaadista doorashooyinka waxay ku fadhido iyo ujeedka ka danbeeya. Waxa sidoo kale laga warsugayaa halka uu ku danbeeyo khilaafka wakhtiga dheer qaatay ee Ucid iyo inuu muujiyo mucaaridnimo wax dhisaysa iyo muxaafidnimo ka fog daneysi, waxaana laga war sugayaa halka ay ku danbeyso dedaalka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee kali socdka ah iyo garabyada, siyaasiyiinta ah ee ugu soo biiraaya siyaabaha kala duwan, halka ay geediga ku furaan bilawga sannadka soo aadan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>