
Dulqaad:
Cidkastaa qalad kiisiyo qaloociisa ha keento eh
Haddii uu qab qab dhaafo qoonsimaadba yimaaddo
Qardoofooyin dhacaan waa ninkaa iska qoslaayee
Deb-nahoo la qaniiniyo qamoonyaysi aqoon
Deeq:
Hadii ay rag qadoodiyo quutarayni timaadana
Martiduu qadiya iyo quduuc layguma sheeginoo
Qirrakeed ma hayo
Dood/Diplomacy/Geeladaaqda
Haddii dooddo qadhaadhiyo qulubaa geddi keento
Haddba qaar u dekaanto Isaga oon qabqablayn
ninna quusta u gayn Qunyarbuu dejiyaayoo
Qosolbay ku dhamaan
Dagaal:
Dagaal qayladu yeedhay uu qoraan iyo waaniyo
Waloolaw kala quustay Uu qaboojin ka daalay
Ina aanu qabsoominoo uu qayuur yahay miiggan
Janaankaa ka qisoonoo qiire qiire mar gaadhay.
Diinta:
Ifkaba qaayaha aguud Waa qiyaame badbaadoo
Ha qisaasin naftaadee Qabrigaagu ha nuuroo
Malahayga qiyaasna Cirro waa nin qarsoonoo
Dadku qayb u aqoonnoo nafta geed qabadsiiyayoo
Qowlka eebe rumeeya yoo qaaddirkeenna agtiisa
Qiimo weyn ku lahaadayoo Marka ay qasanto
Ay qirinqiirka timaaddana Xadhko aad u qarsoon
Hadba taab qabsanaayo Abidkii ku qabaabta
Mise waa qayo yaabe Qamaamuurta ilaahoo
Dad qarsoodi ku laayiyo Weli qaaliya weeyee
Bulshoow qiiro bilaasha qoomamaa xigidoontee
Qofna howgu qushuucin ee qiimaha ninka yeeshay
Qaaid waa qulmaa qaran waa ku banaanyee
Qof kalaa la qiyaas ah qalbigaaga ka saar.
Dalka qaaradihiisiyo Qabalee iyo Howd
qurbajooggu dhamaan Sida daad qulqulaaya
Qormo yaa wadanii Si qiyaas li ah
Dadku waa ku qamaamoo Qayb ilaahiya weeyoo
waa sidaan u qiyqasoo welina waa la qoraa
ee Intuu qaadi karaa ma badh buu qubayaa
Ee Qafqaflow urur quustay isha yuu ku qaloocine
Qul acuudu dhahaada
HUSSEIN YUSUF
husseiniy.ismail@gmail.com