Wasiirka Ciyaaraha oo Xilalkii Kaga Qaaday Masuuliyiin ka tirsan wasaaradiisa Iyo Sababta Kaliftay.
Burco-(Qaran-news)-Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Cali Siciid Raygal ayaa shaqadda ka fadhiisiyay masuuliyiintiisii Ciyaaraha gobolka Togdheer oo uu hormuud u yahay isuduwihii gobolkaasi Mr Fagadhe .
Wasiirka Ciyaaraha ayaa shaqada ka fadhiisiyay masuuliyiintan ka dib markii xulka Kubadda cagta gobolka Togdheer khilaaf gaamuray oo wasiirka laftiisu ku lug lahaa ka dhex qarxay,taas oo sababtay in gobolka Togdheer lagaga dhawaaqay laba Xul (Koox) oo mid waliba dhinaceeda u xusul duuban tahay inay ka qayb gasho tartanka ciyaaraha Somaliland. mid ka mid ah labadan kooxood ayaa ku abtirsata beesha wasiirka ciyaaraha iyo madaxweyne Siilanyo Hayb ahaan ka soo jeedaan,wasaaraduna sida xoguhu sheegeen waxaa laga soo xigtay inay taageersan tahay inay tartanka ciyaarha gobolada ka qeyb galaan kooxda Madaxweyne siilanyo isku beesha yihiin.
Wasiirka ciyaaraha iyo masuuliyiintiisa wasaaradda oo isku beel ka soo wada jeeda oo markii hore ku wada socday qorshe qabyaaladaysan oo odhanaayay bahda isboortiga gobolka Togdheer ee ciyaaraha 2013 ha laga soo xulo beesha Madaxweyne Siilaanyo oo qudha ayaa burburay ka dib markii shir ka dhacay galbeedka Burco go’aamo waaweyni ka soo baxeen ,kuwaasi oo wasiirka ku khasbay in uu Burco gaadho isla markaana masuuliyiintiisii shaqada ka fadhiisiyo si aaney u galaafan .
Shirkan ka dhacay galbeedka Burco oo ay ku kulmeen ciyaartoyga xaafadaahasi ayaa sida wararku sheegayaan laga dhawaaqay gudi suurtogalisa go’aamo ay ka midyihiin saami qaybsiga dhinaca xilalka wasaaradda ciyaaraha Somaliland gaar’ahaan gobolka Togdheer oo qoys noqotay ,Tabobarida iyo ambabixinta xul galbeedka Burco leeyahay oo ka qaybgala tartanka ciyaaraha Somaliland oo Hargeysa taga iyo dhaqaalahooda .
Khilaafkan iyo qabyaaladan Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland ku kala qaybisay ciyaartoga gobolka Togdheer oo bilawday markii wasiirkani shaqada la wareegay ayaa sababay markii u horeysay taariikhda in gobolkaasi lagaga dhawaaqo laba xul oo ka qaybgala tartanka ciyaaraha Somaliland .
Sidoo kale xasaradan ayaa khatar galisay amniga magaalada Burco iyo isusocodka bulshadda isla markaana waxa muuqada in Wasiirku gaadhsiiyay meel aan la maarayn Karin .
Geesta kale iyadoo aynu ka war hayno Wasiirka Ciyaaruhu Cali Siciid Raygal in uu gobolka Togdheer ka soo jeedo ayaa waxa bulshadu iswaydiinaysaa su’aalo ay ka mid yihiin tolow wasiirku xalinta khilaafkii ciyaaraha ee gobolkiisa ayuu ku fashilmee ,gobolo kale siduu ka yeele-doonaa ?.
Qarannews
Burco