Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa bannaan ee Somaliland waxay cambaraynaysa xadhiga Aare Saleebaan Cowleed Aare.

$
0
0

Warsaxaafadeed 21/05/2022

Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa bannaan ee Somaliland waxay cambaraynaysa xadhiga Aare Saleebaan Cowleed Aare.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si xoogan u cambaraysa xadhiga lagula kacay Aare Saleebaan Cowleed Aare oo booliska Somaliland 20/05/2022, Gebilay ku xidheen.

Aare waa muwaadin Jabuutiyaan ah balse hadda degan oo ku nool Somaliland gaar ahaan magaalada Gebilay. Aare xadhigiisa looma marin sifo sharciga waafaqsan.

Sida ay eheladiisu xarunta u sheegeen xadhigiisa waxa uu la xidhiidha haddalo uu maalmahan baraha bulshada u marinaayey madax weynaha dowlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Xaruntu waxa ay ka walaacsan tahay xadhiga Aare, waxana ay ka digaysaa in ay Somaliland dib ugasho khaladkii sharci ee ay gashay 2014, kaas oo ay muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisu yahay Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim Jabuuti ugu gacan galisay iyada oo aanay jirin xeer ama sharci ay raacday kaas oo ilaa hadda Jabuuti ku xidhan, arrinkaas oo ahaa mid bini’aadanimada ka baxsan.

Dhanka kale majiro wax mucaahado caalami ah oo dhex maray Somaliland iyo Jabuuti oo ku saabsan isu celinta eedaysanayaasha iyo danbiilayaasha toona.

Sidoo kale Qodobka 35 (3) ee dastuurka Somaliland waxa uu dhigayaa “Jamuuriyadda Somaliland waxay dib u celin kartaa danbiile ama eedaysane dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshiis dhex maray Jamuuriyadda Somaliland iyo dal ka waydiistay celintiisa”

Ugu danbayn xaruntu waxay dowladda jamuuriyadda Somaliland ugu baaqaysaa in ay si dhaqso ah xoriyadiisa ugu soo celiso Aare Saleebaan Cowleed Aare, isla markaana xaqdhowrto oo tixgaliso dastuurka dalka u yaala.

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka


Daawo:Xukumada Muuse Biixi waxba kama qaban Musuqa Dul-hoganaya Wasaarada Warfaafinta S/land

Waraysi xasaasiya:Ex-wasiir Cadaani oo ka hadlay Arrimo xasaasiya

Daawo:Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta S/land oo la baafinaayo+Eedo Culculus oo lagu saydhay

Warar kala duwan oo ka soo baxaya muwaadin Jabuutiyaan ah oo Xukumada Muuse Biixi ku xidhay Gabilay

$
0
0

Warar kala duwan oo ka soo baxaya muwaadin Jabuutiyaan ah oo Xukumada Muuse Biixi ku xidhay Gabilay

Aare

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

Waxaa maalintii labaad ku xiran degmada Gabilay ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Aare Saleebaan Cowleed oo ah muwaadin u dhashay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana xiray ninkaan sida wararku sheegayaan ciidamada ammaanka Somaliland, inkasta oo ilaa iyo hadda aysan dowladdu ka hadlin sababta loo xira, haddana waxaa la tilmaamayaa inuu yahay nin babaraha bulshada ka dhaliila madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Xarigga ninkaan waxaa xaqiijiyay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland oo ku booqday Saldhigga uu ku xiranyahay ee Gabilay.”Waxaan soo xaqiijinay in ninkaa gacanta Somaliland iyo saldhigga dhexe ee degmada Gabilay, ku jiro oo aan melena loo qaadin iminka sharcigeenuna ma oggala,” ayuu yiri Xamse Khayre oo ka tirsan Xisbiga mucaaradka ha ee Wadani .

Xubnahaan booqday ayaa Xukuumadda Somaliland ku adkeyay in Aare Saleebaan Cowleed, haddii uu dambi galay lagu maxkamadeeyo gudaha Somaliland maadaama sida ay sheegeen uu haysto dhalashada Somaliland iyo tan Jabuuti,waxaana booqashadooda iyo soo xaqiijintooduba ay meesha ka saarayaan warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in ninkaan dalka Jabuuti dib loogu celiyay.

Xarunta madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa iyana war ka soo saartay kiiska ninkaan–“Xaruuntu waxa ay ka walaacsan tahay xadhiga Aare, waxana ay ka digaysaa in ay Somaliland dib ugasho khaladkii sharci ee ay gashay 2014, kaas oo ay muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisu yahay Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim Jabuuti ugu gacan galisay iyada oo aanay jirin xeer ama sharci ay raacday kaas oo ilaa hadda Jabuuti ku xidhan, arrinkaas oo ahaa mid bini’aadanimada ka baxsan.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xaruunta Xuquuqul Insaanka Somaliland.​

Muuqaal dhawaan uu soo dhigay baraha bulshada Aare ayuu kaga dalbaday dowlada iyo shacabka Somaliland inay u hiilayaan oo aan loo gacan galin dowladda Jabuuti, isla markaana uu iyaga magan u yahay. Markii uu muuqaalkaasi faafay waxaa aad uga falceliyay oo baraha bulshada sheekada Aare ku wadaagay dadweynaha reer Somaliland oo muujiyay in ninkaan la garab siiyo si aan loogu dhiibin dowladda Jabuuti.

Inkastoo aan sharraxada laga bixin ninkaan xarigiisa haddana waxaa isa soo taraya walaaca laga muujinayo in dib loogu celiyo Jabuuti. Sidoo kale faah-faahin dheeri ah lagama hayo xogihiisa gaarka ah ninkaan, hase- yeeshee waxay wararku sheegayaan inuu caan ka yahay baraha bulshadu ay ku xiriirto uuna aad u dhaliilo madaxweyne Geelle. Aare oo ka soo jeeda Jabuuti ayaa muddooyinkii u dambeyay ku sugnaa Somaliland,waxaana jira warar is khilaafsan oo ka soo baxaya sida u Gabilay ku yimid.

Xogaha qaar ayaa sheegaya inuu ku yimid qaab magangalyo doon ah maadaama uu ka soo horjeeda madaxweynaha Jabuuti, warar kalana waxay sheegayaan in ehelkiisa ay deganyihiin oo sidaasi uu halkaa ku joogay ka hor inta aan la xirin.

Wariye Ruug cadaaya oo BBC-da ka tirsan oo diyaarad lagaga dhex tagay

$
0
0

Wariye Ruug cadaaya oo BBC-da ka tirsan oo diyaarad lagaga dhex tagay

Weriyaha BBC Frank Gardner
Weriyaha BBC Frank Gardner

Weriyaha BBC-da ee arrimaha ammaanka Frank Gardner ayaa isaga oo careysan bartiisa Twitter-ka so dhigay qoraal uu ku sheegay in looga dhex tagay diyaarad gudaha diyaaradaha caalamiga ah ee Heathrow ee ku yaalla London.

Frank oo lugaha naafo ka ah ayaa sheegay in shaqaalaha diyaaradda ay ku guul dareysteen inay u keenaan baaskiilka ay adeegsadaan dadka naafada ah si uu diyaaradda uga dego.

Waa dhibaato ay la kulmeen dad badan oo naafa ah, markaa maxaa sabab u aha arrintani?

“Mar kale ayay arrintan dhacday. Waxaan ku dhex go’doonsanahay diyaarad faaruq ah gudaha garoonka Heathrow muddo dheer ka dib oo ay dadkii rakaabka ahaa diyaaradda ka dageen,” ayuu yiri Frank isagoo xanaaqsan xilli habeenkii Axadda aheyd uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha UK xilli uu kasoo laabtay Estonia iyo Helsinki.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Ma jiro qof ka tirsan shaqaalaha garoonka oo ii soo qaaday baaskiileyga si aan u dego, aad ayaan u niyad jabsanahay.”

Waxaa qoraalkan uu soo dhigay barta Twitterka sii baahiyay dad badan oo siyaabo kala duwan uga hadlay sida ay uga argagaxeen waxa ku dhacay weriyaha.

Dad badan oo naafa oo adeegsada baaskiilka ayaa BBC u sheegay in dhibaato noocan ay la kulmeen.

Ben Furner waxa uu la kulmay wax la mid ah dhacdadan toddobaadyo ka hor gudaha madaarka Ingiriiska. Waxaa looga tagay gudaha diyaaradda iyadoo loo raadinayay qalabka ka caawiya socodka.

Waxaana markii loo keenay baaskiilka loogu talagalay dadka naafada ah inkasta uu diiday in uu adeegsado maadama uu codsaday in loo keeno qalabka socodka ka caawinayay ee uu sitay, waxaana markii xaaladda faraha lasoo galay mas’uuliyiinta diyaaradda oo amar ku bixiyay in la siiyo qalabkiisa si uu diyaaradda uga dego ninkan lagu magacaabo Ben Furner.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta duulista hawada ee UK, mas’uuliyadda waxay saaran tahay maamulka garoonka si ay u ilaaliyaan badaqabka rakaabka, waxaa taas kamid ah in qofkii rakaabka ahaa loo keeno baskiilkiisa si asagoo nabad ah uu usoo dego

“Maamulka gegida dayuuradaha ee Heathrow wuxuu doonayay in dhammaan rakaabka ay galaan “safar aan kala go’ ‘lahayn” tallaabadaas oo “Niyad jab” ku ahayd weriye Frank. “Raalli gelin ayaan ka bixinay arrintan” ayuu yiri maamulka isaga oo sabab uga dhigay dhibaatada jahwareeka iyo saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19.

“Maadaama garoonka lagu sameynayo dib u dhis kadib saameynta ka dhalatay cudurka, dhammaan hay’adaha ka hawlgala garoonka waxay sare u qaadayaan adeegyada si howsheena ay si caadi ah ugu soo laabato”

We can no longer afford to eat’: Ukraine war pushes hundreds of thousands into famine

The arrest of a Djiboutian Citizen in Gebilay Arreh Suleyman Awled Arreh

$
0
0

The arrest of a Djiboutian Citizen in Gebilay Arreh Suleyman Awled Arreh

Press release 21/05/2022

Aare is a social activist who lives in the city of Gebilay, a Djiboutian national for four years. He is a social activist whose primary work elucidates the problems in Djibouti at the hands of the president of dijbouti, Ismail Omar Geele.

His work highlights socio-political issues of the Djiboutian government, specifically human rights issues in the country. Human Rights Center was able to get in contact with his family and can report that he was arrested without proper procedure and without a warrant as indicated in Somaliland constitution, nor charges that he is accused of.

HRC is concerned the previous history where Somaliland government handed over to the Djiboutian government a Somaliland citizen on 2014, will repeat itself here.

We are requesting that the same actions are not applicable to this case and are requesting the government to follow the constitution, specifically article 35(3) which states “The Republic of Somaliland may extradite to their countries convicted or accused foreigners if there is a treaty between the Republic of Somaliland and the country requesting their extradition.”

We have reason to be concerned as Abdullahi Sheik Abdirahman Ibrahim is still in prison in Djibouti presently. Therefore, we are urgently requesting that Somaliland authorities follow proper procedure in a fair and justified way and be reminded that Somaliland government does not have any treaty with Djibouti in place regarding accused citizens.

It will be morally unethical if the Somaliland government hands over Aareh Suleyman Awled Arreh. The center would like to request his immediate release and freedom.

Yasmin Omar H. Mohamoud

The Chairperson of Human Rights Center


Wasiirka caafimaadka S/land oo ka baaqsaday inuu ka qaybgalo xafladii 20 guurada xisbiga Kulmiye isaga oo ku sugan Hargeisa+Sababta

$
0
0

Wasiirka caafimaadka S/land oo ka baaqsaday inuu ka qaybgalo xafladii 20 guurada xisbiga Kulmiye 

Wasiirka caafimaadka somaliland Xasan Gaafaadhi ayaa saaka ka baaqday in uu ka qaybgalo xafladii 20 guurada xisbiga Kulmiye isaga oo ku sugan Hargeisa.
Xogo aan helay ayaa xaqiijinaya in gaafaadhi uu shirka kaga maqnaa cadho uu ka qaaday heshiiska ay wada gaadheen siyaasiga miisaanka culus ee maxamuud xaashi iyo madaxda xisbiga kulmiye.
Gaafaadhi oo uu hunguri ka hayay gudoomiyaha kulmiye ayaa hada quus ka taagaan xilkaasi maadaama la rumaysan yahay in gudoomiyaha xisbiga lagu dhisi soono Jookar Siyaasada Mr. Xaashi.

Daawo:Ex-M/weyne Daahir Rayaale oo si adag ugu jawaabay Siyaasiyiinta Kulmiye Max’ud Xaashi & C/casiis Samaale

Daawo:Xildhibaan naqdiyey Hadallo ka soo yeedhay Wasiir Max’ed Kaahin & Saleebaan Koore

Masaajidada Hargaysa qaarkood kuma tukan kartid safka hore waayo?

$
0
0

Masaajidada Hargaysa qaarkood kuma tukan kartid safka hore waayo?

Masaajidada Hargaysa qaarkood kuma tukan kartid safka hore waayo waxa uu u xidhan yahay kooxo gaara.Xilikasta oo aad timaado waxaa yaala cimaamad sijaayad iyo wixii la mida waxaana suuragal ah qofka dhigtay ama loo siihayaa in uu suuqa ama gurigiisii jiro.Haddii aad soo gasho safka hore kooxdani waxa ay bilaabaysaa huruuf jidhdiid iyo sidii aad tahay qof soo xad gudbay.
Dharw jeer ayaan culimada u sheegay wilise waxba lagama qaban waana arrin aan ku fiicnayn diinteena islaamka.
Haddii caddaalad daradu gasho masaajidka maxaad u malayn meelaha kalena?
Abwaan Yuusuf Shaacir

Booliska Burco oo joojiyey diiwaan-galin qarsoodi ah oo Jaamacada Barwaaqo  ka waday Gudaha Magaalada Burco.

$
0
0
Booliska Burco oo joojiyey diiwaan-galin qarsoodi ah oo Jaamacada Barwaaqo  ka waday Gudaha Magaalada Burco.
Booliska G.Togdheer ayaa joojiyey diiwaan-galin qarsoodi ah oo ay magaalada Burco ka bilaabeen macalimiin ka socday Jaamacadda Barwaaqo, Macalimiintan oo maanta duhurkii soo gaadhay magaalada Burco ayaan wax ogolaanshiyo ah ka qaadan maamulka Wasaarada waxbarashada ee G.Togdheer iyo laamaha amaanka midna.
Ilo xog-ogaal ah ayaa ii sheegay in wasaarada waxbarashada heer-qaran aanay sidoo kale ku war-galin safarkooda waxaana la amray in ay ka baxaan magaalada Burco.
Xigasho: Khaalid Bakayle

Madashii Maantu Waxaan u Fahmay in ay ahayd Mid la doonayay uun in lagu aflagaadeeyo Madaxda Qaranka.

$
0
0
Yuusuf Kayse :-
Madashii Maantu Waxaan u Fahmay in ay ahayd Mid la doonayay uun in lagu aflagaadeeyo Madaxda Qaranka.
( Cimri tagay Ceeb laguma sagootiyo )
Maanta Waxaa ka dhacay #Huteel_Maansoor ee Magaalada Hargeysa’ Munasaasibad ay u Bixiyeen 20 Guuradii Ka soo Wareegtay Aas Aaskii Xisbiga Kulmiye oo waliba Madaxweynihii Qaranka iyo ku Xigeenkiisiiba goob joog ka ahaayeen ma odhan karno waxay ahayd Munaasibad Xisbi qaran Aas Aaskiisii lagu Xusaayey balse waxaan ku tilmaami karaa Madal Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisu ugu Badheedhay in lagu Aflagaadeeyo Madaxwaynihii Hore Qaranka JSL #Md_Daahir_Rayaale_Kaahin Iyo #Madaxda_Axzaabta_Qaranka isla markaana Xisbiga Kulmiye ku Furfurayay Xadhigii u dambeeyey ee Wada jirka iyo wax wada lahaanshiiyaha Beelaha Walaalaha ah ee ilaa halgankii ilaa maanta dhiigooda u soo shubay ee tacabka badan ee Naf huritaanka ahi ka soo galay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland .
Waxaanse Illaahay ka baryayaa dhagaraha Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisu maanta ay Daboolka inooga qaadeen ee kala Sheegashada iyo shaambadaynta Deegaano iyo Beelo ka mid ah ay ku beegsanayaan in Alle ka badbaadiyo oo aanay ahaan tooda iyo sida ay qorshaysteen ee dalkan ku lidiga ah Balse wada jir iyo nabadgelyadiisa aynu wada ilaashano hadii aynu nahay Shacbiga JSL
oo yaynaan marin Wadada ay inala doonayaan ee ah qaybinta iyo qoqobka Waayo Kulmiye Wuu ka quustay hogaamin danbe oo dalka ah Maadaama waxaas oo Aflagaado ahi ka soo yeedhayo ee Madaxdii qaranka lagu aflagaadeynayo.
May be an image of 1 person

Daahir Rayaale  wuxu markhaati ka furay laba qodob oo waaweyn

$
0
0

Daahir Rayaale  wuxu markhaati ka furay laba qodob oo waaweyn

Daahir Rayaale Kaahin wuxu markhaati ka furay laba qodob oo waaweyn, in badana ay xukumada kulmiye ugu been abuurto xisbiyada Mucaaradka gaar ahaana xisbiga Wadani.
1. In aanaan hanayn doorashadii 2017 oo aanu weli hibanayno.
2. Iyo In aanaan kala qaybgelin xukuumada dabaaldega 18may.
Labadan qodob labaduba waa labada uu ku marag furay Madaxweyne hore Daahir Rayaale Kaahin.
In hogaanka Kulmiye in badan hadal hayo doorasho laga joogo 19 sanadood oo lagaga guulaystey, taas oo ah in aanay doorashadaa ka samrin.
Iyo ta labaad oo iyana ah in hogaanka kulmiye, Siilaanyo, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin aanay Madaxweyne Daahir Rayaale weligood kala qayb gelin xaflada 18 may.
Mararka ay shirar qaran oo somaliland dibada ku lahayd diideen ka qaybgalkooda iyo taageeradoodaba.
Qodobka 3aad na anigu aan raaciyo waana ceebta u weyn ee kulmiye leeyahay hadana cid kale ku dhaliilo.
Waa kala qaybinta bulshada iyo qabyaalad cad oo toos ah.
Markii somaliland laga bilaabay hanaanka xisbiyada si looga maarmo haybta qabiilka oo dalku xisbiyo isku abaabulo.
Xisbigii u horeeyey ee beelnimo dadka geliya, xisbigii u horeeyey ee beeli ku biirtay wuxu ahaa kulmiye.
Xisbigii u horeeyey ee isku dara xildhibaanada qaranka ee 3 da xisbi iyagoo isku beel ahna xero u wada ooda, ugana faa’iidaysta inay u midoobaan taageerada Axmed Siilaanyo waxay ahayd 2008, waana xildhibaanadii qabtay shirkii Garadag oo kulmiye daaha dabadiisa ugu jirey.
Todobyaadii ina dhaafay ee bisha may horaanteedii 2022 waxaynu baraha bulshada ku arkaynay xildhibaano laba ardaa oo somaliland ah ka soo jeeda oo la yidhi waxay ka ariminayaan hogaanka xisbiga kulmiye, hada xildhibanadaasi ma ahayn kuwii kulmiye keliya waxay ahayen 3 dii xisbi ee beelaha xulafo wadaagta ku ah kulmiye.
Marna waa risaaq marna waa rashiid dadka kale ma rooti baa!
Weedhaasi waxay soo shaac baxday xukuumadihii rayidka ahaa ee lixdamaadkii oo cabdirisaaq xaaji xuseen iyo cabdirashiid cali sharma’arke isaga dambeeyey raysalwasaarenimo iyo talada wadanka iyagoo isku beel ahaa.
Xisbiga kulmiye wuxu ku ololeeyey Jeegaan laba beelood ah inta kalena ogolaysiiyey inaan qofkale han sare ka yeelan karin kulmiye.
Xisbiga laba jeer lagu doortay jeegaan qabiil ku dhisan hadana mar saddexaad la soo shir tegaya weeye xisbiga kulmiye, xeerarkiisa aan qornayna(unwritten law) ay ku jirto inaan cid kale geyin kursiga gudoomiyaha kulmiye iyo sidoo kale madaxnimada dalka xisbigaas baa kitaabkii xoorkii Cabdikariin Xinif isagoo dhex galgalanaya xadladii kulmiye ka lahaa Cirro beelo gaar ah buu maagay.
Dadka kale ha joogee maxaad dalabow ii maagtay.
Xisbiga wadani waxa gudoomiye ka ah Xirsi Cali xaaji xasan oo tacabkiisa, kartidiisa iyo xisbiyahan nimadiisa ku helay kursiga u sareeya.
Miyay dhici kartaa Kulmiye in hebel kastuu yahay iyo haybad kasta uu leeyahay inuu gudoomiye ka noqon karo nin aan ka soo jeedin labada beelood ee metelaya midabka Calanka xisbigu ka kooban yahay gacmaha isa salaamayana ku gudoon saday inaan taladu weligood iyo waqood labadaa beelood dhaafin.
Hada anigu labadaa beelood weliba ta siyaanada koowaad isu tirinaysa baan ka soo jeedaa.
Lakin Cadaalad daradu ima deeqdo.
Wallee ina ragow tallo aduun taada qudha maaha.
W/Q Xoghayaha Biyaha ee Xisbiga WADDANI Bashiir Cumar Gelle

Siyaasi Max’ud Xaashi oo Luuqad adag ku duray Af-hayeenka Kulmiye

$
0
0
Siyaasi Max’ud Xaashi oo Luuqad adag ku duray Af-hayeenka Kulmiye
Max’ud Xaashi wuxu yidhi:-
“Ragaan Kulmiyena ku jirin oo markan duday soo galay oo xataa meeqamkayga aan garanayn ayaa warqada akhriyay la igu eryay, taarikhdaydoo dhan wuxuu ka soo qaaday Maxamuud taageruu ahaa.
Ragga ii jawabayay iyo waxaa igaga danbeeyay oo dhan dee meelaha aan qawadayay ee aan saluugayay ayay ahayd, Lakiin Kulmiye waxbaa ka khaladamay hadii aan wax ka khaldamin isqabadkuba muu yimaadeen.
Wiixii khaldamayna waanaga wadna inaanu toosino “.
Maxamuud Xaashi oo si adag u duray Afhayeenka Kulmiye wareysi uu siiyay Weriyaha BBC Xasan Galaydh.

Haweenay si adag ugu jawaabtay Hadallo ka soo yeedhay Siyaasi Max’ud Xaashi Cabdi

$
0
0

Haweenay si adag ugu jawaabtay Hadallo ka soo yeedhay Siyaasi Max’ud Xaashi Cabdi

 
Iska hadlow ina iigare Allah ha u naxariiste Qaasim Qodax wuu kawayn yahay qof lagu xuso (DAAS) ee aan ku sexee wuxuu ahaa Taajir, marka labaadna wuxuu ahaa Mujaahid hantidiisi,ubadkiisi iyo naf tisiiba ku waayay jirtaanka Qaranimada Somaliland oo ah taa aad maanta ku raxaysanayso Ina Xaashi yoow ha ka dhicin salamada..”
Hinda Qaasim Qodax.

“Gudoomiyaha Hay,ada shaqaalaha Ahna Xubin kamida Gudiga Cadaalada Sinaba uguma banaana inuu ka qayb galo Shirarka iyo Xafladaha Xisbiyada waana sharci daro…Xildhibaan Abiib

$
0
0
“Gudoomiyaha Hay,ada shaqaalaha Ahna Xubin kamida Gudiga Cadaalada Sinaba uguma banaana inuu ka qayb galo Shirarka iyo Xafladaha Xisbiyada waana sharci daro.
Xus oo soo qabo Shaqaale iyo hay,ado kale oo aanu sharcigu u ogolayn ka qayb galka Shirarka iyo Xafladaha Xisbiyada oo maanta Xaadiray 20 Guuradii Xisbiga talada haya ee Kulmiye”.
Xildhibaan Maxamed Abiib.

Gudoomiyaha & ku-xigeenkii Gudida M/weyne Biixi u xushay Diiwangelinta Ururada siyaasada waayey codka kalsoonida Golaha Wakiilada S/land 

$
0
0

Gudoomiyaha & ku-xigeenkii Gudida M/weyne Biixi u xushay Diiwangelinta Ururada siyaasada waayey codka kalsoonida Golaha Wakiilada S/land

Golaha wakiilada oo diiday inay ansixiyaan 3 xubnood oo ka mid ah 7 xubnood ee guddida diwaangalinta ururada siyaasada
Saddexdan xubnood ayaa kala ah
1.Gudoomiyaha Guddida diwaangalinta ururada siyaasada
2. Gudoomiye ku xigeenkii Guddidaas
3. . Xubin ka tirsan Guddida diwaangalinta ururada siyaasada
Dhamaan xubnahan ayaa gaadhin codadkii kalsoonida ee ay uga baahnayeen Golaha wakiilada Somaliland waxaana u codeeyey midkiiba 41 Xildhibaan
4 Xubnood ee kale ayaa iyagu ka gudbay ansixintii golaha wakiilada waxaana ay gaadheen codadkii kalsoonida ee loo baahnaa iyada oo ay u codeeyeen 43 Xildhibaan .
Xubnahan la diiday in la ansixiyo waxaay dib ugu noqon doonan madaxweynaha Somaliland oo isagu hore u soo magacaabey
1. Gudoomiyihii guddida Diwaangalinta Siciid Maxamed Siraadle
2. Gudoomiye ku xigeenkii Guddida Maxamuud Axmed Obsiiye
3 . Mukhtaar – Xubin

War Bug & Beena oo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada S/land ku soo dhextuuray Baraha Bulshada

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live