Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Xirsi maxaa loo xifaalaynayaa………Xildhibaan Guruuje

$
0
0
” Kaftanka caawa, Xirsi maxaa loo xifaalaynayaa” .
Sheekaba sheeko ayay keentaaye , sanadkii 2002 ayaa Ahmed siilaanyo furtay ururkii kulmiye,dabeeto siyaasiyiin badan oo muuse biixi ka mid yahay ayaa ku biirtay.
Isla sanadkaas 2002 waxaa siyaasadda soo galay cumar carte qaalib oo gudoomiye u noqday ururkii hormood, sidoo kale xisbigga udub waxaa gudoomiye ku xigeen ka ah axmed yuusuf yaasiin dabcan madaxwayne ku xigeena ah, sheekh ibraahin waa gudoomiyaha guurtidda.
Doorashaddii 2002 muuse biixi wuxuu si adag ula shaqeeyay siilaanyo, waxaanu kaalinta labaad ka galay degmadda hargaysa iyo gobolka maroodi jeex, ururkii hormood iyo cumar cartena sidaasay ku dhaceen.
Mar kale doorashadii 2003 muuse wuxuu sutidda u qabtay xisbigii udub oo madaxwayne ku xigeenkiisu yahey sheekh Axmed, ismaaciil yarena wasiiru daakhili, kulmiye cod xooga buu heley.
Ugu danbayn doorashadii 2005 iyo 2010 muuse wuxuu muquuniyay siyaasiyiintii beeshiisa ee udub oo madaxwayne ku xigeenkii wadanku hogaaminayo.
Sidaas oo ay tahey muuse gudoomiye ha kulmiye muu ahayn laakiin marna siyaasi cadaysimo ah buu ahaa marna gudoomiye ku xigeen xisbi.
Si kastaba ha ahaatee xirsi maanta waxaa laggu xifaalaynayaa, waxaa lagga rabaa
1 in uu maxamed kaahin u muquuniyo sidii muuse u muquuniyay axmed yuusuf yaasiin , ismaaciil yarre iyo cabdilaahi cirro.
2 in uu gaashaanka u daruuro ururka kaah iyo maxamuud xaashi sidii muuse gaashaanka ugu daruuray cumar carte Iyo ururkii hormood.
3 ugu danbayn waxaa lagga rabaa in uu cirro ula soo baxo sidii muuse siilaanyo ula soo baxay ilayn flight bay wada saaran yihiine .

Daawo:Ma Jiro Dhaawac Ka Wayn Oo Gaadha Madaxweynaha  Marka La Yidhaa Kuma Aqoonsaniin, Xisbiyadda Mucaaridka Ahi Waxa Ay Matalaan Kala Badh Shacabka S/land

Daawo:Mujaahid Doolaal oo si adag u duray Wasiir Max’ed kaahin

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda oo General loo dallacsiiyay kadib markii uu ku hanjabay in muddo yar uu ku qabsan doono Kenya

$
0
0

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda oo General loo dallacsiiyay kadib markii uu ku hanjabay in muddo yar uu ku qabsan doono Kenya

Lt. Gen. Muhoozi Kainerugaba, son of Uganda's President Yoweri Museveni, attends a "thanksgiving" ceremony in Entebbe, Uganda, May 7, 2022.
Lt. Gen. Muhoozi Kainerugaba, son of Uganda’s President Yoweri Museveni, attends a “thanksgiving” ceremony in Entebbe, Uganda, May 7, 2022.

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Muhoozi Kainerugaba, ayaa loo dalacsiiyay Jeneraal, sida uu Talaadadii ku dhawaaqay afhayeenka ciidamada Uganda.

Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa maalin kadib markii Kainerugaba uu soo dhigay qoraalo dhowr ah oo uu kaga hadlay duullaanka uu ku qaaday dalka Talyaaniga iyo dalka Kenya ee deriska la ah. Waxa uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ciidamada dhulka ee dalkiisa ay ku qabsan karaan magaalada Nairobi laba toddobaad gudahood, hadalkaas oo ka caraysiiyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka Uganda iyo dad badan oo Kenyan ah.

Wasaaradda arrimaha dibada Uganda ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay iskaga fogeysay hadalkaasi.

Kainerugaba ayaa loo arkaa inuu yahay ninka bedeli kara madaxweyne Museveni oo 78 jir ah, oo dalka Uganda xukumayay in ka badan 35 sano.

Kainerugaba, oo hore u ahaa gaashaanle, ayaa laga qaaday xilkii taliyaha ciidamada dhulka ee Uganda kadib markii la dalacsiiyay, laakiin waxa uu sii wadan doonaa shaqadiisa la taliyaha sare ee madaxweynaha ee hawlgallada gaarka ah.

Kainerugaba oo 48 jir ah ayaan waligiis caddeyn inuu doonayo inuu aabihiis kala wareego madaxweynaha wadanka ku yaal bariga Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, isagoo u dabaaldegaya dhalashadiisa bishii Abriil, wuxuu ka hadlay ku guuleysiga awoodda dalkaass, wuxuuna sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono barnaamijkiisa siyaasadeed.

Siyaasiyiinta iyo kooxaha mucaaradka Uganda ayaa Museveni ku eedeeyay inuu wiilkiisa u diyaariyay si uu xilka ugala wareegoo marka uu isagu ka dego.

Museveni ayaa Uganda xukumayay tan iyo 1986-kii.

Daawo Riwaayad Qosol,Maad & Xiiso leh oo lagu mesaalay Muddo-kordhintii Saleebaan Gaal

Daawo:Afhayeenka Beelaha Harti Somaliland oo ku gacansaydhay Mudo-kordhinta M/weyne Muuse Biixi & Guurtida+Eedo kale oo ku saydhay…….

Beesha caalamka oo ka soo hor jeedsatay mudo kordhinta loo sameeyay xukuumadda Muuse Biixi

Daawo:Mujaahid Daaha ka feyday Ballandarooyinka saleebaan Gaal,Raaligelina ka bixiyey Hadallo Qadafa oo uu Hore ugu saydhay Gudoomiyaha Waddaniin


War-saxaafadeed:Qoraal Rasmiya oo Xoghayaha Arimaha Debeda Xisbiga Waddani u kala diray Bulshada Caalamka &…

$
0
0
Xoghayaha Arimaha Dibada Iyo Iskaashiga Caalamiga Ee Xisbiga Waddani Ayaa War Saxaafadeed Ka Soo Saaray Mudo Kordhintii Loo Sameeyay Madaxwaynaha Somaliland Iyo Kordhintii Ay Golaha Guurtidu Samaysatay Sidoo Kalena Waxa Uu War Saxaafadeed Kiisa Kula Socod Siiyay Beesha Caalamka Iyo Dunida Kale In Mudo Kordhintu Ay Burburinayso Dimoqraadiyaadii iyo Midnimaadii Umadda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Daawo:Gudoomiye Baashe Cabdi Gaboobe oo Kulan kula qaatey Taageerayaasha Urur siyaasadeedka Daljir

Safiiradii ugu badnaa ee ka socoda Beesha Caalamka oo Hargeysa ku soo socda+Sababta

$
0
0

Safiiradii ugu badnaa ee ka socoda Beesha Caalamka oo Hargeysa ku soo socda

Safiiradan oo intooda badan fadhigoodu yahay Moqdisho ayaa Hargeysa u imanaaya sidii ay xukuumada ugu cadaadin lahayeen Muddo kordhinta aan heshiiska lagu aheyn ee Dhawaan Golaha Guurtidu sameysay .
Qaar ka mid safiiradan oo uu ka mid yahay safiirka dalka Sweden ayaa Hargeysa soo gaadhey .

F.C.Waraabe oo ka hadlay Ujeedada Safar uu ku joogo UAE

$
0
0
Gudoomiye Faysal Cali waraabe oo ka hadlay sababta uu dalka uga dhoofay ayaa yidhi:-
“Muwaadiniintayda, waxaan u sheegayaa in aan booqday UAE oo aan u tegay hubintayda caafimaad ee sannadlaha ah halkii aan Filand tegi lahaa Dubai ayaan tegay si aan u soo gaabiyo maalmaha aan dalka ka maqanay wakhtigan Muhiimka ah .
Waxaan sameeyay inta badan baaritaanada caafimaadka shalay, inta hadhayna berri ayaan marayaa”.

Ujeedada Shirar Xisbiga Waddani & Taageerayaashiisa Uga socda Gobollada S/land

$
0
0
Murashax xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa bilaabay shirar hoose oo ay la yeelanayaan dhalinyarada taageersan xisbiga.
Shirarkan oo aan xogtooda la baahin ayaa hada ka dhacay magaalooyinka hargeisa iyo Boorama oo ay madaxda xisbigu hadda ku sugan yihiin.
Todobaadka soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in madaxda xisbigu ay tagaan gobolada bariga somaliland si ay ula kulmaan taageerayaasha goboladaasi.
Ujeedada shirarkan aan ka helay ayaa ah in xisbiga WADDANI uu la ‘tashiyo la sameeyo taageerayaasha gobolada dalka,
La’tashigaas oo ku saabsan talaabada kama danbaysta ah ee ay kaga hortagayaan muddo kordhinta loo sameeyey Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa iyo Jidka kale ee ay halkan uga dhaqaaqayaan .

Wasaarada arimaha dibada Somaliland oo sii daysay qoraal malmaluuqan oo aan laga fiirsan

$
0
0

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, oo ahayd War-saxaafadeed lagaga hadlayay arrimaha doorooshiyanka Somaliland iyo muddo kordhintii Guurtidu sameysay ayaa lagu arkay hadallo is burinaya, oo u muuqda inaanu ka soo bixin hal meel, si gaar ahna uu muuqda hadal qof ka dhex baxsan dawladda Somaliland qoray ama ka dhex hadlayo.

Warqaddan oo lagu baahiyay baraha bulshada Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa tuducyada hore waxay Wasaaraddu taageeraysaa go’aankii muddo kordhinta iyo go’aankii Komishanka.

Hase ahaatee, tuduca ama paragraph-ka labaad ayaa waxa soo dhex gelaya qof si shakhsi ah u hadlaya, isagoo leh: “Waxaan soo dhawaynayaa go’aankii Guurtida…”. Halka tuduca saddexaadna isla qofkaasi uu leeyahay: “Maamulkaygu wuxuu la shaqayn doonaa Somaliland, si doorashooyinka soo socdaa si habsami leh ugu qabsoomaan”.

Hadalka noocan ah ayaa tusinaya inaan warqaddani ka soo bixin Wasaaradda oo kaliya, ee uu jiro qof ama dhinac kale oo si toos ah warqadda uga dhex hadlaya. Iyadoo warqaddani jahawareer ku ridi karta beesha caalamka ee loo qoray, la isna weydiin karo cidda hadlaysa.

Warbixin Xasaasiya:Tacabka Muuse Biixi!

$
0
0
Tacabka Muuse Biixi!
Dadalada ilaa hadda uu Muuse sameeyay ee “horumarinta” Somaliland, iyo “ilaalinta” sharciyada waddanku, natiijo muuqata ayaa ka soo baxday, waxaanan ku soo ururiyay lix dan qodob:
1 – In baarlamaanka Maraykan ay joojiyaan hanaankii la gu meel marin lahaa sharcigii is kaashiga Maraykan iyo Somaliland, ka dib markii looyarro u dhaqdhaqaaqa dimuquraadiyadda iyo xuquuqda aadamuhu ay si faahfaahsan u gu sharaxeen sida dugaagnimada ah ee bilayska iyo askarta dharcadda ah ee sirdoonku ay rasaasta nool u la dhaceen shacbigii mudaharadaayay; iyo in boqolaal dad ah jeelasha loo gu guray sabab la’aan iyo maxkamad la’aan. Looyarada ololahan wada ee Washington degen waxa uu baarlamanku u xaqiijiyay in aan sharcigaas la meel marinayn, iyo in luqadda uu ku qoranyahay xoog loo khafiifiyo. Taas tacabkeeda iyo mahaddeeda oo dhan waxa leh Muuse-barkhadle, Madaxweynaha sharciga ku adag.
2 – Mr. Michael Rubin, oo ah cilmi-baadhe galangal ka ku shaqaysta (lobbyist) oo fadhigiisu America yahay, Taliska Muuse na lacag ka ga qaata shaqooyin aanay muhiimaddoodu caddayn, ayaa isaga oo ay xataa jeebabku u buuxaan, hadana sida muuqata xamili waayay dhaqanka Muuse, waxaanu shalay baahiyay qormo la gu faafiyay mareegta Machadka daraasaadka ee American Enterprise. Qormadaas waxa uu cinwaan u ga dhigay, Somaliland waxa ay halis gelinaysaa maqaamkeedii akhlaaqeed – Somaliland Risks Its Moral High Ground. In kasta oo Michael uu ku dadaalay in uu aad u ga mastuurto ninka lacagta siiya, oo eedihiisa na uu dadka kale la wadaajiyay, hadana mid uu sinaba Muuse u ga leexan kari waayay ayaa jirtay. Muddo-kordhin laba sanno ah, iyo doorashadii madaxtooyada oo la dhaafiyo inta ay Gudiga Doorashooyinku codsadeen ayuu ku tilmaamay mid khasaare dhab ah Somaliland u keenaysa, oo aan sinaba loo micnayn karayn. Somaliland doorasho iyo dimuquraadiyayd ayay gadaysay, hadii taasi Meesha ka baxdo na, waxa Meesha ka muuqanaaya uun, ayuu yidhi, nin kale oo kelitaliye ah (Another african strongman), taas oo dhab u dilaysa fursadaha Somaliland. Imika, Mr Michael waa in loo sheego in uu qaran dumis yahay, oo Waddani iyo Muqdisho ka dambayso.
3 – Dawladaha Reer-galbeed oo Maraykan iyo Midowga Yurub ba ku jiraan, ayaa shalay walaac ka muujiyay ku tumushada sharciga Somaliland ee Muuse uu wado, iyo muddo-kordhisashada aan sharciga iyo caqliga toona waafaqsanayn ee uu samaystay, iyo iyaka oo ku baaqay in loo soo noqdo mudadii ay asteeyeen Gudiga Qaran ee Doorashadu, dhakhso na loo abuuro heshiis doorashooyinka ku saabsan oo la is la ogolyahay. Laakiin sida ay ku jawaabeen taagerayaasha Muuse, Somaliland Reer-galbeedku ma xukumo, hadalkoodu na micno ma laha. Ninkii hadlayaa ha is ka hadlo weeye micnuhu.
4 – Qurbejoogga Reer-Somaliland oo ay mar walba saamayn ku leedahay waxa gudaha ka socda, oo si joogto ah isu abaabulaaya, wadamada ay ku dhaqanyihiin oo Maraykan u horeeyo na joogto u gu faahfaahinaaya ku tumushada shuruucda wadanka iyo dhaqamada kelitalisnimada ah ee dib u abuurmay. Taladii Suldaan Muuse iyo, tacabkii Maygaag dheh – halkan ‘Maygaag’ waxa ah Saleebaan-gaal.
5 – Ganacsatada iyo bangiyada wadanka ka jira ee gaarka loo leeyahay, oo joojiyay in ay sameeyaan maalgelin amaba ay bixiyaan daymo hor leh, iyaka oo dareemaaya hubaal la’aan mustaqbalka ah. June 2022 ayay u gu yaraan laba ka mid ah bangiyada iyo ganacsatada qaarkood ee Somaliland ii xaqiijiyeen in ay wax walba hakad geliyeen, xaalka na ay isha ku hayaan. Ganacsatada midkood, oo weliba ah kuwa xukuumadda ku dhowi waxa uu I gu yidhi, Somaliland waa ka dhaceen waxyaabihii xabadda ka horeeyay oo dhami.
6 – Waxa uu dhaawac weyni gaadhay midnimada iyo wadajirka dadweynaha Somaliland, kaas oo hore ba u jiray, imika na sii xumaaday. Ku tumasho sharci, xabsi aan loo aabo yeelin, eex iyo qaraabo kiil, sicir barar iyo kelitalisnimo badheedh ah ayaa dhalisay niyadjab aad u daran oo aan Somaliland tu la jaad ah hore loo gu arkin, xataa in la rumaystaa na ay adagtahay. Tusaale ahaan, wiil liinta iibiya oo loo xidhay keliya in uu joojiyay in uu beerta Muuse macmiil u ahaado, oo meel kale liintii ka iibsaday, Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo aan xasaanaddii la ga qaadin, oo loo xidhay in uu hadlay, liisas la gu ururiyay dad ay tahay in la xidhxidho oo is ku wada hayb ah, dad dhulalkooda iyo guryahooda xoog lagaga qaaday, xabad na loo gu daray dhinaca Galbeed ee magaalada Hargeysa, hdhalinyaro sirdoonka ka tirsan oo suuqyada dadka ku caydhsada, mararka qarkoodna xabadeeya cidda ay doonaan, iwm! Intaasi waa in aad u yar, oo aan boqolkii hal na ka ahayn foolxumooyinka Somaliland ka socda.
Intaas oo dhan oo jirta, ooh wadaa xaqiiqo ah, Muuse iyo in yar oo raacsani waxa ay si xishood la’aan ah u gu doodaan, in wax waliba saxanyihiin, dhulka na nimco fadhido. Qof kasta oo sheega in ay wax qaldanyihiin, hadii aanu Muuse la reer ahayn waxa loo gu jawaabaa cuqdad iyo reer nacayb baa kaa hadlinaaya, hadii uu Muuse la reer yahay na, waxa la gu yidhaahdaa, cadow iyo shisheeye kalkaal baad tahay. Besba.
Waxa Qoray:-

Ururka WAABEERI oo uu Horgalka u yahay Wasiirkii hore ee Jidadka ee Xukumada Muuse Biixi oo Taageeray Muddo-kordhinta M/weyne Biixi

$
0
0

Ururka WAABEERI oo uu Horgalka u yahay Wasiirkii hore ee Jidadka ee Xukumada Muuse Biixi oo Taageeray Muddo-kordhinta M/weyne Biixi 

Urur siyaasadeedka Waabari oo taageeray Muddo kordhinta loo sameeyey madaxweyne Muuse Biixi .
Ururku waxaa uu muddo kordhintaas ku tilmaamay mid macquul ah
Gudoomiye ku xigeenka Ururkaas Cumar Shucayb ayaa sidaas warbaahinta u sheegay .
Waabari waxuu noqdey Urur siyaasadeedkii Labaad ee Taageera Muddo kordhinta aan heshiiska lagu aheyn ee loo sameeyey Madaxweyne Muuse Biixi
Hore Ururka KAAH ayaa isna taageeray .

Xafiiska Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo markii ugu horaysay ka hadashay arrimaha cakiran ee doorashooyinka Somailand

$
0
0

Xafiiska Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo markii ugu horaysay ka hadashay arrimaha cakiran ee doorashooyinka Somailand isla markaana adkeeyey in la dajiyo JADWAL Doorasho la isla oggol yahay.

Musharaxa & Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo Kulamo Gabiley kula yeeshay……

$
0
0
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa gaadhay Magaalada Gabilay ee caasimada gobolka Gabilay.
Xoghayaha xidhiidhka gobollada iyo degmooyinka ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Bookh iyo masuuliyiinta xisbiga ee Gobolka Gabiley ayaa magaalada Gabiley ku soo dhaweeyay Masuuliyinta sare ee xisbigaasi.
Masuuliyinta ayaa gobolka Gabilay u tagay kulamo wada tashi ah oo ay layeelanayaan bulshada ku dhaqan gobolada dalka kuwaaso ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Af-hayeenka Gudida Diiwangelinta Ururada Siyaasada oo ku dhex milmay Xukumada & Xisbiga Kulmiye

$
0
0
Afhayeenka Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka (GDUS&AAQ) Mukhtaar Cabdi Jaamac ayaa ka soo dhex-muuqday shir ay Masuuliyiinta Xukuuumada Biixi iyo Xubno ka mid ah Xildhibaanada la dhacsan siyaasada Kulmiye ee Beesha Garxajis ay dib ugu soo lad-qabaynayeen Xildhibaan Khadar Guun oo muddoba ka dibad-meer ka ahaa tageerada Muuse Bixi.
Haddaba, sidee loogu kalsoonaan karaa xubintan? Miyaanu ogayn in uu yahay Garsoor!
May be an image of 15 people, people sitting, people standing and suit

Tahriibayaal Soomaali u Badan oo Dooni la degtay

$
0
0

Tahriibayaal Soomaali u Badan oo Dooni la degtay

Wararka laga helayo Giriiga ayaa sheegaya Tahriibayaal kasoo baxay Turkiga kuna sii jeeday Giriiga ay la dagtay doontii ay la socdeen.
Musiibadan ayaa dhacday ka dib markii doon ay saarnaayeen 40 qof ay ku degtay meel ka baxsan biyaha Lesvos ee waqooyi bari xalay, ayaa meydkooda la helay, kuwaasi oo 10 ka mida la badbaadiyay, ugu yaraan 13 ayaa weli la la’yahay.
Doonta ayaa ka timid dalka Turkiga kuna sii jeeday magaalada Lesvos iyadoo ay ku jirtay xaalad cimilo xumo.
Dadka badbaaday iyo kuwa qarqamay labaduba waa haween da’yar oo Afrikaan oo u badan Soomali, haddii dhammaan rakaabkii saarnaa ay dumar ahaayeen ilaa hadda ma cadda.
Waxaa socda baadigoob iyo samatabbixin lagu raadinayo 14-ka qof ee soo hadhay ee maqan.
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>