Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Daawo:Xaflad Balaadhan oo ay abaabuleen Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka Ucid & Waddani UK+Ujeedada & Hadal-jeedintii Munaasibada


Daawo:Haweenay Caanka ah Somaliland oo Luuqad adag kula hadashay M/weyne Muse Biixi

Daawo:Riwaayad lagu Duraayo mid ka mid ah Maayirada Magaalooyinka Somaliland

Hogaanka Sare ee Xisbiga Waddani oo Tegay Maxkamada Hargeysa+Sababta

$
0
0

Hogaanka Sare ee Xisbiga Waddani oo Tegay Maxkamada Hargeysa+Sababta

Madaxda Xisbiga WADDANI oo ay hoggaaminayaan musharraxa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiye Xirsi Cali X Xasan, Mudane Cabdiqaadir Jirde iyo masuuliyiin kale ayaa saaka Maxkamadda gobolka Maroodijeex u tagay dhegaysiga dacwadda Xoghayaha Ciyaaraha Waddani Yuusuf Tadhase iyo guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Mawliid Qaro oo saaka Maxkamadda la hor keenay.
dhegaysiga dacwadda ayaa markii ay bilaamaysay la sheegay in xeer ilaaliyihii dacwadda ku qornaa xanuunsanayo sidaasna uu ku baaqday dhegaysiga dacwadda oo ahaa fadhigii labaad.

Somaliland:Daawo,Haweenkii oo Khilaafka Siyaasadeed ee Dalka ka oogan ku soo biiray+weedho kulul

Somaliland: 31 sanno ka dib Arday Sariibad Hilib dhexdeed wax ku barata+Sababta

Fadeexad Weyn:Daawo,Wasiir ka tirsan Xukumada Muuse Biixi oo loogu baaqay inuu iscasilo

Liiska 11 Dal ee Afrika ugu waddooyinka Wanaagsan+Mid waliba kaalintay Waddooyinka Adduunka kaga jirto”

$
0
0

Top 11 African Countries With Quality Road

1: Namibia🇳🇦 (score 5.2) world ranking 23
2: Egypt 🇪🇬(Score 5.0)world ranking 28
3: South Africa🇿🇦 (score 5.0) world ranking 29
4: Rwanda🇷🇼 (score 5.0) world ranking 31
5: Ivory Coast🇮🇪 (score 4.7) world ranking 42
6: Mauritius🇲🇺 (score 4.7) world ranking 44
7: Morocco🇲🇦 (score 4.4) world ranking 55
8: Kenya🇰🇪 (score 4.2) world ranking 61
9: Botswana🇧🇼 (score 4.1) world ranking 64
10: Cape Verde🇨🇻 (score 4.1) world ranking
11: Senegal🇸🇳 (score 4.0) world ranking 71
🌐Source: World Economic Forum’s Global Competitiveness Report Index
Remember to watch this before playing DV lottery 2024👇🏿 https://youtu.be/qk1VgLxIJNY
May be an image of sky, street and road

Magaalada NewYork ee dalka Mareykanka oo xalad degdeg ah la geliyay

$
0
0

Magaalada NewYork ee dalka Mareykanka oo xalad degdeg ah la geliyay

Duqa magaalada New York Eric Adams ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah si wax looga qabto “xaalad qalalaase” oo ka dhalatay qulqulka muhaajiriinta.

In ka badan 17,000 ayaa magaalada ka soo galay xadka koonfureed tan iyo bishii Abriil.

Gobollada Jamhuuriga sida Texas, Arizona iyo Florida waxay soogalootiga u diri jireen aagagga Dimuqraadiga bilihii la soo dhaafay.

Mr Adams ayaa shir jaraa’id ku sheegay Jimcihii in ilaa Sebtembar, celcelis ahaan shan ilaa lix bas ayaa imanayay magaalada maalin kasta.

Wuxuu sheegay in mid ka mid ah shantii qof ee ku nool nidaamka hoyga magaalada uu hadda yahay magangalyo doon.

Qaar badan oo ka mid ah kuwa yimid waa qoysas wata carruur da’dii dugsiga gaadhay waxayna aad ugu baahan yihiin daryeel caafimaad, ayuu yidhi.

Magaalada NewYork ee dalka Mareykanka oo xalad degdeg ah la geliyay

Macluumaad ku saabsan Qatar & u diyaargarowgeeda Koobka Adduunka 2022

$
0
0

Macluumaad ku saabsan Qatar & u diyaargarowgeeda Koobka Adduunka 2022

FILE - The tournament's official logo for the 2022 Qatar World Cup is seen on the wall of an amphitheater, in Doha, Qatar, Sept. 3, 2019.

Tirada shacabka ee dalka Qatar ayaa kor u kacday illaa 13.2% sannadkii la soo dhaafay, sida ay muujisay xog rasmi ah oo ay soo saartay dawladda Qatar. Dalkan ayaa haatan isu diyaarinaya inuu martigeliyo koobka adduunka ee bilaaban doona bisha November ee foodda innagu soo haysa.

Dalka Qatar ayaa sannadihii ugu dambeeyey wuxuu shaqaaleeyey kumanaan ajnebi ah, si ay u diyaariyaan goobaha lagu qabanayo koobka adduunka.

Tirada dadka ee ku nool dalka Qatar ayaa gaadhay 2.94 milyan oo qof, ka dib markii ay dalkaas u guureen illaa 370,000 oo qof oo dheeraad ah sannadkii hore, iyada oo lagu salaynayo xog la ururiyey bishii September ee sannadkan oo ay soo saartay hay’adda tiro-koobka ee Qatar toddobaadkii hore.

Shaqaalaha soo galootiga ah ee dakhligoodu yar yahay iyo ajaaniib kale ayaa inta badan ah shacabka dalkaas ku nool, halka dadka u dhashay Qatar ay gaadhayaan illaa 380,000.

Inkasta oo dalka Qatar uu qaatay shaqaale aad u tiro badan, haddana qabanqaabiyayaasha koobka adduunka ayaa sheegaya inay haysato shaqaale yaraan, maadaama la filayo inay dalkaas gaadhaan dad lagu qiyaasay 1.2 milyan oo qof, inta uu socdo koobka adduunku, taasoo la filayo inay culays badan ku keento kaabayaasha dalkaas, adeegyada martigelinta iyo weliba dhinaca ammaankaba.

Hawlwadeenada hotelka Accor ayaa qoranaya illaa 12,000 oo ah shaqaale cusub oo ku meel gaadh ah, oo ay debedda ka keensanayaan, si ay uga hawlgalaan illaa 65,000 oo qol, oo ku kala yaalla guryo iyo degsiimooyin kale oo loogu talo galay inay degaan taageerayaasha kooxaha ka qaybgelaya koobka adduunka.

Qatar ayaa kula heshiisay dalka Turkiga inuu dalkaas u soo diro, in ka badan 3,000 oo ah ciidamada rabshadaha ka hor taga, sidoo kale waxaa Qatar ay heshiis amni la gashay dalka Pakistan, si uu ciidamo ugu soo diro, inta uu socdo koobka adduunku.

Qatar ayaa dhistay waddooyin waaweyn, illaa toddoba garoon oo kubadda cagta ah, hoteello iyo dhismayaal dhaadheer, iyada oo dhismaha iyo maalgeinta kaabayaashaas ku bixisay lacag gaadhaysa illaa $229 bilyan oo dollar, sida lagu xusay warbixin maaliyadeed ay dawaddu soo saartay.

Ugu yaraan kala badh, dadka ku nool Qatar waxay ka shaqeeyaan dhinaca dhismaha.

Marka koobka adduunku dhamaado waxaa la filayaa in tirada dadka ku nool Qatar inay hoos u dhacdo illaa 1.2%, waxaana la filayaa sannadka 2027 ay tirada shacabka ee Qatar inay noqoto illaa 2.5 milyan oo qof, sida ay saadaalisay hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

Daawo:Muuse Biixi & Mawqifkiisa Dibu-u-dhiga Doorashada

Waxaan halkan ka qirayaa inuu Cabdiraxmaan Cirro badelay siyaasaddii Somaliland….Siyaasi Jamal Cali xuseen

$
0
0
Waxaan halkan ka qirayaa inuu Cabdiraxmaan Cirro badelay siyaasaddii Somaliland
Maahmaah ay leeyahiin dadka ku nool waddanka Trinidad and Tobago ee ku yaala Jasiiradaha Carribeanka ayaa tidhaahda: ” Eat little, and you will live long” taasoo micnaheedu yahay ” In yar cun aad in badan noolaatide”. Taasoo ka dhigan hadaad dadka wax uga tagto sumcadaadu Waxay noqonaysaa mid weyn oo in badan jirta oo waarta.
Qofku hadduu la yimaado siyaasad cusub waa loo haneeya Oo lagu hanbalyeeya. Siyaasaddii Somaliland ee khiyaamadda iyo anaaniyadda ahayd wuu ka leexday Cabdiraxmaan Cirro. Maanta isagoo aan kursigii Madaxweynaha fuulin ayuu fuliyey balantii uu la galay laba siyaasi Oo hore Ugu soo biiray xisbiggii uu aasaasay ee Waddani. Midi waa Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Oo uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay siduu Ugu dedaali lahaa inuu Cabdirisaaq Khaliif ku guuleysto jaggadaasi. Mar labaadkii Wuxuu dhawaan ciyaaray shax siyaasadeed Oo wuxuu gudoomiyihii xisbigga ku wareejiyey Xirsi Xaaji Xasan. Labaddaba waxaan Ugu hanbalyeeynayaa jagooyinkaa loo doortay iyo inay la shuraakoobeen hogaamiye Ilaahay ka baqanaya Oo balantii uu la galay sideeddii uga soo baxay isagoon fuulinba kursigii Madaxweynaha.
Somaliland siyaasiyiin badan ayaa u haysta in ay siyaasaddu tahay khiyaamo iyo balan ka bax, laakiin kolka danbe Waxay ku danbeeyaan in ay cidla soo istaagaan Oo aanay cidiba dib u aaminin oo aanay ka biyeysan. Kuwaasina waynu soo aragnay Oo if iyo aakhiraba waxba may dhigan. Murashaxa madaxweynaha ee xisbigga Wadani mudane Cabdiraxmaan waan hanbalyeeynayaa waxaanan leeyahay kursiga Ilaahay baa hayee kolay nin if iyo aakhriba u diyaar garoobay baa tahay, balantii aad ka soo baxdayna kolay bulshadda in badan ayaa qiimeysa qofka kelmadiisa iyo qawlkiisa ilaaliya.
Shacabku waa in qofka balanta ka baxa ee beenalaha ah aanu yeelan waji danbe ee uu ummadda la soo hor istaago. Indhaha waa in la furo, siyaasadana la furfuro Oo sharciyadda dalka la dhowro Oo xisbiyadda xilligooda la doortay ee 10 ka sanadood aanay dhaafin. Haddii kale dimuqraadiyadda aynu ku faanayna Waxay noqonaysaa hal bacaad lagu lisay. Kolay markaan dalka dib Ugu soo noqdo inshallah ayaan waxyaabo badan oo arrimaha bulshadda iyo siyaasadaba si qoto dheer uga hadli doonaa maadama aan in badan ka aamusnaa arrimaha siyaasadda. Kheyr Baan u rajaynayaa shacabka.

10 sano oo uu socday iyo $70 milyan oo doolar, mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa, ma ka jawaabayaa suaalahan?

$
0
0

10 sano oo uu socday iyo $70 milyan oo doolar, mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa, ma ka jawaabayaa suaalahan?

0. Xisbiga Kulmiye wuxuu yimid Hargeysa oo bilaa biyo ah ma ka tegayaa Hargeysa oo biyo ku filan oo nadiif ah haysata..
1. 64% biyo qasabad ah ma helaan reer Hargeysa, intee baa hoos loo dhigay tiradan oo maanta helay biyo qasabadeed ah oo nadiif ah kuna filan?
2. Imisa degmo oo aan hore biyaha wakaalada u helin jirin baa hadda biyaha la gaadhsiiyay?( iyada oo aanay waayin xaafadihii hore u heli jiray biyihu)
3.Dhuuntii biyaha ka keenaysay Geedeeble ee cusbayd ma hawl gashay?
4. Shan (5) Kayd oo cusub oo biyaha ah oo laga dhisayay qaybaha kala duwan ee Hargeysa maxaa dhamaaday?
5 Laba iyo toban (12) Ceel oo cusub oo lagu kordhinayay biyaha Horahaadley iyo Geed-deeble imisaa lagu guulaystay oo hadda shaqaynaya?
6. Muxuu maanta madaxwaynuhu xadhiga ka jarayaa? Waa markii imisaad ee halkaa uu maanta xadhiga ka jarayo hore looga jaray?
7. Natiijadii tijaabaddii biya balaadhinta ma lala wadaagi kartaa dadka, ma se la ogolaan karaa wariyayaal madax-banaan oo ka soo warbixiya mashruuca min Geedeeble ilaa Hargeysa?
Jawaabaha suaalahan toddobada ah ayaa sheegaya guusha iyo guuldarrada biyo balaadhinta Hargeysa.
Waxa Qoray

Madaxda Xisbiga Ucid oo kulan la yeeshay Safiirada Uk u Fadhida Somalia+waxyaabahay ka wadahadleen

$
0
0
Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga UCID Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax, oo ay weheliyaan qaar kamid ah masuuliyiinta sare ee Xisbiga, ayaa maanta magaalada Hargaysa kulan kula qaatay Safiiradda UK ee Somaliland iyo Somalia Kate Foster iyo Wakiilka UK ee Somaliland Lizzie Walker.
Kulankan ayaa lagaga wada hadlay, xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo masuuliyiintuna uga warbixiyeen mawqifka xisbiga ee ku aaddan Xaaladda Siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Biixi, oo ay sheegeen in ay tahay mid loo maray dariiq sharci darro ah.
Sidoo kale waxay uga warameen dib u dhaca ku talo-galka ah ee Madaxweynuhu ku sameeyay Doorashada, iyagoo u sheegay in marka la gaadho 13-November aanay aqoonsanaan-doonin xukuumadda Madaxweyne Biixi.
Masuuliyiinta xisbiga ee ka qeyb-gashay kulankan ayaa kal ahaa, Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga Xil Cumar Jaamac Faarax, Xoghayaha guud ee xisbiga Ibraahim Cabdi Xuseen, Xildhibaan Maxamed Jaamac koodbuur, Xoghayaha arrimaha gudaha Jaamac Maxamed Cabdi, Xoghayaha abaabulka Maxamed Xuseen, Xoghayaha waxbarashada C.casiis Qaasim, Af-hayeenka xisbiga Maxamed Axmed Bilaal Iyo Xoghayaha gaarka ah ee Gudoomiyaha Maxamed Galool.
May be an image of 10 people, people standing and indoor

Imisa tallaabo oo socod ah ayaad u baahan tahay maalin kasta?

$
0
0

Imisa tallaabo oo socod ah ayaad u baahan tahay maalin kasta?

Oday lugeynaya

Ma jiro jimicsi ka fiican socodka. Socodku waa furaha jir caafimaad qaba. Oraahdaan waxa laga maqlaa inta badan fasallada waxbarashada jir-dhiska ee dugsiga dhexe. Qof kasta wuu ogyahay in aan soconno ugu yaraan waqti maalintii.

Maalmahan, haddii aad subaxdii lugayso magaalooyinka, waxaad si fudud u arki kartaa tirada sii kordhaysa ee dadka lugaynaya. Tan kaliya ma aha, laakiin bulshooyinka oo isugu jira dad da’ yar iyo kuwo waaweyn ayaa lugeeya xilliga cashada kaddib.

Khubarradu waxay aaminsan yihiin in socoshada ugu yaraan 100 tallaabo, kaddib markaad cashayso, ay hagaajinayso caafimaadkaaga guud.

Hadda waxaa jira qalab kala duwan oo lagu cabbiro inta tallaabo ee uu qofku socdo maalin kasta. Waxaa jira saacado casri ah iyo apps telefoonnada gacanta lagu haysto. Marka tirada 10,000 lagu arko mobile-ka dadka isticmaalaya app-kan, farxad ayaa ka muuqanaysa wejiyadooda, sababtoo ah socodka 10 kun oo tallaabo maalintii ayaa loo tixgeliyaa bar-tilmaameed wanaagsan oo dhanka caafimaadka ah.

Si kastaba ha ahaatee, saacadahaan waxaa kale oo ay leeyihiin naqdin badan, oo mararka qaar lama oran karo waa sax waxa ay sheegayaan.

Haddii aad tirinayso tallaabooyinka, intee tallaabo ayaa muhiim ah? Inta badan qalabka saacadaha ah ee lagu tiriyo tallaabooyinka waxay leeyihiin bar-tilmaameed aan toos ahayn oo ah 10,000. Tani waa tiro aad muhiim ugu ah kuwa xisaabiya socodka maalinlaha ah.

socodka malain kasta ah  jirka ayaa ka hela caafimaad

Markaas si dabiici ah, waxaad u malaynaysaa in cilmi-baaris badan ay ku baxday ogaanshaha tirada saxda ah ee tallaabooyinka ay tahay inaad qaaddo iyadoo ujeedku yahay raadinta caafimaad.

Sawirka ku saabsan 10,000 oo tallaabo wuxuu ku dhashay olole suuqgeyn ahaa oo la sameeyay dhowr maalin ka hor ciyaarihii Olombikada Tokyo ee sanadkii 1964-kii.

Shirkad ayaa soo saartay Pedometer-ka oo ah saacad lagu xisaabiyo qaadista saamaha ama tallaabooyinka. Qalabkaan ayaana caan noqday maaddaama adeegsigiisu uu batay.

Tan iyo markaas, cilmi-baarisyo kala duwan ayaa is barbardhigay 5,000 oo tallaabo ah iyo 10,000 oo tallaabo. Dabcan, tirada badan ayaa guuleysatay. Laakiin, ka warran tirooyinka u dhexeeya labadan lambar? Ilaa hadda laguma sameyn cilmi-baaris.

Ai-Min Lee, oo ah aqoonyahan ku takhasustay cilmiga caafimaadka oo la shaqeysa kulliyadda caafimaadka ee Harvard ayaa iyada iyo saaxiibbadeed waxay  cilmi-baaris ku sameeyeen 16,000 oo ah haween ay da’deedu gaarayso toddobaatameeyo.

Cilmi-baarayaashu waxay isku dayeen in ay oggaadaan xiriirka ka dhaxeeya socodka iyo cimri dheerarka. Haweenka ayaa la weydiistay inay xirtaan pedometer-ka muddo toddobaad ah.

Qiyaastii 4 sano iyo 3 bil kaddib, cilmi-baareyaashu waxay qaateen xogta haweenkan. Waxaa ku jira 504  haween ah oo geeriyooday. Immisa tallaabo ayaad u malaynaysaa in kuwa nool ay socdeen maalin kasta? Dhab ahaantii, haweenka nool waxay socdeen celcelis ahaan 5,500 oo tallaabo, waxayna warbixintu muujinaysaa in kuwa socday iyo kuwa aan sameyn socodka badan uu u dhaxeeyo farqi.

Dumarka qaarkood waxay socdeen tallaabooyin wakhti yar

Haddii aad aaminsantahay in socodka dheer aad ku helayso cimiri dheeri, waxarbixintu waxay soo jeedinaysaa inaad aad joojiso sababtoo ah sax ma aha aragtidaas. Laakin in socodku uu jirka caafimaad u yahay waa arrin la isku wada raacsanyahay.

Xaqiiqdi cillad baa ku jirta cilmi-baaristan. Ma oran karno dumarkii dhintay cudurro uma dhiman ee waxay u dhinteen socodkii yaraa. Cilmi-baarayaashu waxay daraasadda ku soo dareen kaliya dumarka kuwaas oo socon kara meel ka baxsan guriga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa sidoo kale suurtogal ah in qaarkood ay awoodeen inay socdaan. Laakin, waxa laga yaabaa in aanay aad u dheerayn.

Si kale haddii loo dhigo, dumarka qaarkood waxay socdeen tallaabooyin wakhti yar, sababtoo ah horeba way xanuunsanayeen, dhibna ma laha inta tallaabo ee ay socdeen.

Xilliga cashada waxaa dhaqaatiirtu ku taliyaan in ila aboqol tallaabo qofku qaado.

Hal shay oo daraasaddan lagu ogaaday ayaa ah in dumarka da’daan ku jira ay tahay inay socdaan 7,500 oo tallaabo maalintii. Waxaa laga yaabaa in xitaa socodka badan uu kaa caawin karo cudurrada qaar.

Haweenka waqtiga badan socda waxay u badan tahay inay firfircooni jireed helaan noloshooda oo dhan, tanina waxaa laga yaabaa inay kordhiso rajada noloshooda. Socodka 10,000 oo tallaabo maalintii waa yool aad u wanaagsan. Hase yeeshee xaqiijiinta hadafkan ayaa mudan joogteyn.

Marka laga soo tago sheekadaan socodka u gaarka ah waxaa jira talooyin caafimaad oo dhaqaatiirtu ay u jeedinayaan bulshada, kuwaas oo la xiriira jimcsiga guud.

.

Talooyin jimicsi oo loogu talagalay dadka ay da’dooda u dhaxeyso 19-64 sano.

Isbuucii samee ugu yaraan 150 daqiiqo oo jimicsi fudud ah ama 75 daqiiqo oo jimicsi culus ah.

Samee jimicsiyo xoog leh oo qaata labo maalin ama ka badan isbuucii, kuwaasoo kala furfuraya murqaha.

Iska jooji fadhiga badan, beddelkiisana gali dhaqdhaqaaqyo sahlan.

Waa maxay Jimicsi fudud?

Socodka oo la boobsiiyo.

Dabaasha.

In baaskiil lagu kaxeeyo dhul siman iyo dhul xoogaa kor u kacsan.

Ciyaarta tennis-ka.

Buur-fuulista.

Kubbadda kolayga.

Iyo noocyada kale ee ciyaaraha fudud ah.

Maxaa ka mid ah jimicsiyada culus?

Rucleynta ama orodka.

Dabaasha degdegga ah.

In baaskiil loo kexeeyo si xawaare dheer ama in dalcad la saaro.

Tennis-ka halka ruux.

Kubbadda cagta.

Kubbadda Rugby-ga.

Iyo noocyada kale ee ciyaaraha adag.

Dalalka ay dhaqdhaqaaq-la’aanta heerka ugu sarreeya ka joogto ayaa kala ah:

Kuwait 67%

Sacuudiga 53%

Ciraaq 52%

Dalalka ugu hooseeya ee dhaqdhaqaaqooda uusan heer xun joogin waxaa ka mid ah:

Uganda iyo Mozambique 6%

Khubarrada ayaa dowladaha dalalkaas ku boorriyay inay dadaallo u sameeyaan sidii halistaas wax looga qaban lahaa.

Dr Melody Ding oo la shaqeeya jaamacadda Sydney oo isagu aan daraasaddan ka qeyb qaadan ayaa sheegay in diiradda la saaray sare-u-qaadista dhaqaalaha, taasina ay beddeshay hannaanka nolosha.

Dr Mike Brannan oo hoggaamiya hay’adaha u dhaqdhaqaaqa jimicsiga dadweynaha ee dalka Ingiriiska ayaa isagana ka dhawaajiyay in natiijada laga soo saaray daraasaddan ay muujineyso sida loogu jiro khatarta.


Che Guevara: Maxamed-cali gii Kuubba!

$
0
0

Che Guevara: Maxamed-cali gii Kuubba!

Maanta oo kale (9 October) 55 sanno hortood, ayaa la dilay Che Guevara! 8 October ayay qabteen ciidanka Bolivia isaga oo hor kacaaya koox jabhad ah, ka dib markii ay sida la sheegay, xog ka heleen sirdoonka Maraykan, maalintii xigtay na, rasaas ayaa la gu dilay isaga oo 39 jir ah. Givara si loo xiqiijiyo dilkiisa, labada gacmood ayaa cadayn ahaan loo ga soo jaray, waxaana la gu aasay xabaal aan la calamaadin. Soddon sanno ka dib dilkiisii, oo ku beegnayd 1997kii, ayaa hadhaagii maydka Guevara la ga helay Bolivia, si sharaf leh baana loo gu aasay Kuubba, halkaas oo Madaxweyne Fidel Castro iyo kumanaan shacbi ahi ka ga qayb galeen duugtiisa. Maalintii dilkiisu (October 9, 1967), mid madow ayay u ahayd jabhad kasta oo xaq u dirir ah iyo cid kasta oo kibir iyo adiyad ka dhiidhiyaysay caalamka guud ahaan! Dad ka la duwan, oo ka la af, dhaqan iyo diin ah baa u baroor diiqay dhimashada halyaygaas. Hadaba, Guevara qofkee buu ahaa? Muxuu taariikhda ku galay? Doctor Guevara, horayso iyo dambayso ba jabhad buu ahaa, Latin-America ilaa Afrika na, waxa uu ku la dagaalamay kuwa dhergay iyo dhiig-miiratada. Malahayga, dhinaca Soomaalida waxa dhigiisa ahaa Maxamed-cali. Noloshiisa oo dhan jabhad buu ahaa – la ga soo bilaabo Falastiin iyo Suuriya ilaa Itoobiya inta ka dhex leh, ayuu xabad xaq-u-dirirnimo ka riday, aakhirkii na ku dhintay Madheera 1988kii. Dr. Ernesto Rafael Guevara de la Serna, 1928kii ayuu ku dhashay Argentine. Qoys ladan buu ka soo jeeday, waxaanu Jaamacadda Buenos Aires 1953kii ka qaatay Digriiga 1aad ee caafimaadka. Ka dib, wadamada Koonfurta Maraykan ee saboolka ah ayuu badankood ku galaa-bixiyay safar uu adeegsanaayay motto ama dhugdhugley, waana halka ay ka unkantay iniinta u horaysa ee fikirkiisa siyaasiga ahi. Dadkii danyarta ahaa ee qaaraddaas badankeed oo beerka dhulka ku haya, iyo isticmaarkii Yurubiyaanka (Isbaanish, Boortaqiis iwm), oo xoog u dhergey sidii ay dhiigga dadkaas u jaqaayeen baanu indhaha ku ka la qaaday. Maalintaas buu goostay in aanu salka dhulka dhigin ilaa danyartu xaqeeda hesho, kuwa dibiray iyo dhiig-miiratada na la muquuniyo. Balan uu naftiisa la galay buu ahaa, waanu fuliyay. Dadka marka ay wax arkaan aan dan iyo heelllo ka gelin, ee sidooda is ka ga dhaafa ma ahayn. Qofba abuurtiisu caynad gooni ah ayay tahay, Guevara na sidaas buu ahaa. Halgamaaga Che Guevara markii aan u gu dhawaa, waxa ay ahayd mar aan December 2014kii la kulmay inantiisa Dr Aleida Guevara. Aleida qudheedu waa dhakhtarad, waxaanay ka hawl gashaa cisbitaal caruureed ku yaalla Havana, oo la gu magacaabo William Soler. 8 sanno hortood habeenkaas aan Sheffield (UK) ku la kulannay, waxa ay noo ga sheekaysay aabaheed iyo saamaynta joogtada ah ee uu ku leeyahay nolosheeda iyo fikirkeeda. Xasuus-qorkiisii in ay akhrido oo aad moodid in uu dhab u la hadlaayo iyada ayay sheegtay, waanay ku camal fashaa. In badan ayay ka shaqaysay cisbitaallo Afrika ku yaalla, oo badbaadada caruur Afrikaan ah ay sabab u noqotay. Angola, Liberia, Ecuador, iyo Nicaragua meelo ay ka mid yihiin ayay si nafhurnimo iyo hagrasho la’aan ah u ga hawl gashay, tabtii aabaheed oo kale. Habeenkaas aan la kulannay, waxa ay ka soo noqotay shaqo ay u tagtay Liberia oo waagaas uu Ibolla ka dilaacay. Sida ay ku qortay buugeeda Chávez, Venezuela and the New Latin America, waxa saamayn weyn ku yeelatay shaqadii ay Angola gaar ahaan ka qabatay mar ay ka mid ahayd Koox dhakhaatiir Kuubaan ah oo meeshaas loo diray. Waxa ay qortay: “Badbaadada nafaha ubad badan ayaan ku guulaystay, marar aan waxba awoodi waayo na waa dhacdaa. Uur-ku-taalada iyo qoomamada ay taasi ku gu reebtaa, abidkeed xasuustada ka bixi mayso. Mararkaas oo kale tamar-darada aan dareemo, ayaa ah ta I gu dhiirisa in aan diido oo la diriro midab-takoorka, dhaqamada dhiigmiiradnimada ah ee aadmiga la gu la kaco, iyo wahsiga joogtada ah ee kuwa wax kasta sidooda ay yihiin is ka ga aqbala.” – (I managed to save many children’s lives, but sometimes I just couldn’t. The sorrow and regret stay with you forever. The impotence felt at the time motivates me to act against racism, the exploitation of human beings, and the frequent indolence of those who accept things as they are.) Is ku soo wada duub, tan iyo bilowgii dunida, iyo ilaa maalinta u dambaysa, gar iyo gardarro ayaa is garab socda, mid walibana dadkiisa ayuu leeyahay. Dadka gardarada u samaysan abuur ahaan, iyo kuwa luqunta hoos u dhiga ee is ka aqbala, labaduba waa abuur oo ma isu tag helayaan. Kuwa taas diida ee ka dhiidhiya, iyo kuwa ku taageera na, sidoo kale waa dhalan oo ma isu tag helayaan. Keliya waxa ka la duwan uun meelaha ay ku noolyihin, casriga ay noolyihiin iyo magacdooda, ee labada qolo ba gaarkooda ayay ehel u yihiin, oo ruuxdooda ayaa is taqaanna. Shaki la’aan, Che Guevara iyo inantiisa Aleida ba qolada dambe ayay ka mid yihiin. Mabda’ooda waxa la gu soo ururin karaa maansada Gaariye ee Mandeella: – Rag hadday murmaan, – Mabda’eenu waa, – Isagoon mugdiyo – Madmadoow ku jirin, – Maantiyo berriba – Malafsade ha dhaco; – Xalaal-maal ha jiro; – Dadku waa masee – Ha mudh-baxo cadligu!

 

Maxamed Haaruun Biixi

Diblomaasiyiin ka niyad jabay mudo kordhinta loo sameeyay xukuumadda Muuse Biixi

$
0
0

Diblumaasiyiin Maraykan ah, ayaa ka hadlay Muddo-kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha Somaliland.
Marka koowaad, Ambassador Tibor Nagy oo hore u ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka u qaabilsan Afrika isla-markaana soo noqday Safiirka Maraykanka ee Itoobiya, ayaa sheegay in saaxiibbada Caalamka ee Somaliland ka niyad jabeen Muddo-kordhinta 2-da Sanadood ah ee Golaha Guurtidu u sameeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ambassador Tibor Nagy waxa kale oo uu ka faallooday hadal uu Madaxweynaha Somaliland ka yidhi Go’aankii Golaha Guurtidu uu muddada 2 sanadood ah muddo-xileedkiisa ugu kordhiyey, ka dib markii Guddiga doorashooyinka Qaranku ku dhawaaqeen in aanay doorashada  qaban karin xilligii ay hore ugu muddaysnayd.

Diblumaasigan Maraykanka ah oo qoraal uu arrintan kaga hadlay ku baahiyey boggiisa Twitter-ka, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waa Wax Wanaagsan in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu caddeeyay (sida uu u arko) go’aanka Aqalka Sare ee Guurtida ee dib u dhaca doorashada, isagoo sheegay in doorashadu ay u dhici doonto sida ugu dhakhsaha badan, iyadoo loo hoggaansamayo habraaca guddiga doorashada.”

Ambassador Tibor Nagy wuxuu sheegay in Saaxiibbada Somaliland ku leedahay Caalamku ka niyad-jabeen Muddo-kordhinta “Saaxiibbadii Somaliland waxay ka niyad-jabeen 2 sano ee Guurtidu u kordhisay (Madaxweynaha)..” ayuu yidhi.

Marka labaad, Micheal Rubin oo ah diblumaasi u dhashay Maraykanka isla-markaana dhawaan socdaal ku yimid Somaliland, ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Mr. Rubin oo qoraal ku baahiyey internet-ka, ayaa ka warramay Maraaxilkii uu soo maray hanaanka dimuqraadiga ah ee Somaliland ka hirgalay,  doorashooyinka iyo khatarta ay xidhiidhka dibedda ku keeni karto Dib u dhaca doorashadii inay dalka ka dhacdo sannadkan aakhirkiisa qorshaysnayd “Somaliland waxay halis ugu jirtaa in dib u dhac kasta oo doorasho waxay dhaawac ku noqon kartaa xidhiidhka dibadda ee Somaliland..” ayuu yidhi Micheal Rubin, waxaanu intaa ku daray oo uu ka warramay doorka dimuqraadiyadeed ee Sonaliland ugu jirto gobolka Geeska Afrika “Somaliland waxa ay ku soo caanbaxday in ay qaadato dimuqraadiyadda, waxaana ka soo muuqday dhaqankeeda nabadda iyo dulqaadka ah. Halka ay Soomaaliya hoos ugu dhacday tobannaan sano oo dagaallo sokeeye iyo dawlad la’aan. Taa beddelkeedana Somaliland waxay ku sii jirtay nabad iyo dimuqraadiyad waxayna dib isu soo dhistay iyada oo aan haysan taageero dibadeed.”
Rubin waxa kale oo uu sheegay “Somaliland waxa u qabsoomay 7  doorasho baarlamaan iyo Madaxtooyo. In ka yar 100 cod oo ka mid ah ku dhawaad ??500,000 oo cod ayaa go’aamiyay doorashadii Madaxtooyada ee 2003, iyadoo Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” uu si niyad ah u aqbalay in laga guuleystay. Waxaanu ku guulaystay doorashadii ku xigtay ee Madaxtooyada ee dhacday 2010.

Sidoo kale, isbahaysi mucaarid ah ayaa ku guulaystay doorashadii baarlamaanka ee 2021, natiijadiina Madaxweyne Muuse Biixi wuu aqbalay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Somaliland waxa kale oo ay noqotay waddankii ugu horeeyey ee lagu sugo diiwaan gelinta codbixiyayaasha oo lagu sameeyay sawirka bu’da indhaha. Iyadoo Soomaaliya ay heshay balaayiin doollar oo taageero dibedda ah, balse si joogta ah ay ugu guul darreysatay in ay qabato doorashooyin la isku halleyn karo, Somaliland waxay muujisay in dowladuhu ay guul gaadhi karaan marka ay damcaan.”

Rubin wuxuu sheegay in siyaasadda Somaliland ku dhisan tahay shaqsiyaad “Siyaasadda Somaliland ee maanta ee shakhsiyadda ku dhisan ayaan la mid ahayn dagaalka ka socda dalka Ciraaq ee kheyraadka ku dhisan. Taas beddelkeeda, waxay ka tarjumaysaa is-afgaradka bulshada dhexdeeda ee ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee ku xeeran jihada dalka.”

Ugu dambayn, Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo ku muddaysnayd 13-ka Bisha November ee sannadkan 2022, ayaa dib u dhacday, ka markii Komiishanka cusub ee doorashooyinku sheegeen inay ku qaban karaan muddo 9 bilood gudahooda ah, balse Golaha Guurtida oo go’aan gaar ah qaatay, ayaa Toddobaadkii hore Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa u kordhisay muddo 2 sanadood ah, taasi oo ay ka hor-yimaaddeen Xisbiyada Mucaaradka ah oo ay sheegeen in ayna aqoonsan doonin xukuumadda wixii ka danbeeya 13ka November oo ku eeg xiliga ay dhamaanayso mudo xileedka madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi

Somaliland: Diplomats disappointed with the extension of the Muse Bihi government

$
0
0

American diplomats spoke about the term extension for the President of Somaliland.
First of all,  Ambassador Tibor Nagy, who was the former Assistant Secretary of State for Africa and now the US Ambassador to Ethiopia, said that the international friends of Somaliland are disappointed with the 2-year extension of the Senate. done by President Muse Bihi Abdi.

Ambassador Tibor Nagy also commented on the President of Somaliland’s decision to extend his term of office by two years after the National Elections Committee announced that they could not hold the election during the previous period.

The American diplomat, who spoke about this issue on his Twitter page, said, “It is a good thing that the President of Somaliland, Muse Bihi, has clarified (as he sees it) the decision of the Upper House of the Senate to re the election, saying that the election will take place as soon as possible , while complying with the procedure of the electoral commission.”

Ambassador Tibor Nagy said that Somaliland’s friends in the world are disappointed with the extension of the term “The friends of Somaliland are disappointed with the 2 years that the Senate has extended to (the President)..” he said.

Second, Michael Rubin, a diplomat from the United States who recently visited Somaliland, spoke about the delay in the Somaliland presidential election.

Mr. Rubin, who published a text on the internet, told about the progress of the democratic process in Somaliland, the elections and the danger that the foreign relations could bring about the delay of the election that was scheduled to take place at the end of this year, “Somaliland is in danger.” that any delay in the elections could be damaging to Somaliland’s foreign relations.. Michael Rubin said, adding that he talked about the democratic role of Sonaliland in the Horn of Africa region.”Somaliland has become famous for adopting democracy, and its culture of peace and tolerance has appeared. While Somalia has been reduced to decades of civil war and anarchy. Instead, Somaliland remained peaceful and democratic and rebuilt itself without foreign support.”
Rubin also said, “Somaliland has held 7 parliamentary and presidential elections. Less than 100 votes out of nearly ??500,000 votes decided the 2003 Presidential election, with Ahmed Mohamed Mohamud “Silanyo” willingly accepting defeat. We won the next presidential election in 2010.

Also , an opposition coalition won the 2021 parliamentary elections, and President Muse Bihi accepted the results. He said, he added, “Somaliland has also become the first country to secure the registration of voters through the photo of the eyes. While Somalia has received billions of dollars in foreign aid, but has consistently failed to hold credible elections, Somaliland has shown that governments can succeed when they want to.

Rubin said that the politics of Somaliland is based on individuals. “Today’s Somaliland politics based on personalities is not the same as the war in Iraq based on resources. Instead, it reflects the consensus within the community on key issues surrounding the direction of the country.”

Finally, Somaliland’s presidential election, scheduled for November 13, 2022, has been delayed since the new Electoral Commission said they could hold it within 9 months, but the Senate made a special decision. , last week extended the President and his government for a period of 2 years, which was opposed by the opposition parties who said that they will not recognize the government after November 13, which is the end of the term of office of the president of Somaliland, Mr. Muse Bihi. Abdi

Fannaan Caana oo shaaciyey in wasaaradda Warfaafinta S/land oo uu ka tirsanaa muddo dheer mushahar yar oo uu ka qaadan jiray ay qayb ahaan ka jartay markuu xanuunsaday

$
0
0
Fannaanka Cabdinaasir Macallin Caydiid, oo warraysi murugo ka muuqato siiyay Horyaal TV ayaa sheegay in ummaddiisu dayacday xilli uu u baahan yahay oo uu xanuun la ildaran yahay.
Fannaanka ayaa sheegay in wasaaradda Warfaafinta oo uu ka tirsanaa muddo dheer mushahar yar oo uu ka qaadan jiray ay qayb ka jareen markii uu xanuunsaday waxa ay ugu daraan daayee.Sida uu sheegay waxaa lagu bedelay oo la siiyey lacagtiisii  ama mushaharkiisii qeyb ka mid ah qof kale
Cabdinaasir, waxa uu sheegay in kiradii guriga lagu leeyahay laba bilood, Carruurtiisana uu u werwerayo.
Xanuunka haya Cabdinaasir, ayaa dhakhaatiirtu sheegtay in aan dalka gudihiisa waxba laga qaban karin.
Soomaalida ayaa caan ku ah in qofku markuu dhinto ay Aas Qaran u sameeyaan oo taariikhdiisa ka sheekeen balse Fannaanku maanta ayuu gacan qabad u baahan yahay sida uu sheegay.

Labo shardi oo ku xidhan lacagta lala soo geli karo Kenya iyo Cadadka la oggol yahay

$
0
0

Labo shardi oo ku xidhan lacagta lala soo geli karo Kenya iyo tirada la oggol yahay

Lacag

Waxaa weli dalka Kenya ka taagan kiiska lix haween ah oo Soomaali ah oo dhawaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Nairobi, ee Joma Kenyaatta, kuwaasoo watay lacag ka badan $850,000 oo dollar.

Saraakiisha waaxda canshuuraha ee garoonka ayaa sheeegay in lacagtaas lagu soo qariyay boorsooyin ay ku jireen dhar iyo kabo, si sharci darro ahna lagu soo geliyay Kenya, sida ay tebiyeen warbaahinta Kenya oo ay ka mid yihiin wargeysyada Daily Nation iyo The Standard.

Lacagtaan ayaa la qabtay kadib markii baaritaanno lagu sameeyay boorsooyinkii ay wateen haweenkan oo la sheegay in ay kasoo degeen diyaaradda Ethiopian Airlines oo ka timid waddanka Hindiya.

Bayaan ay soo saartay Waaxda Canshuuraha Kenya oo magaceeda loo soo gaabiyo “KRA” ayaa lagu sheegay in dumarkan loo gudbiyay booliska si ay ugu sameeyaan baartiaan dheeraad ah, kaas oo lagu ogaanayo Meesha ay ka keeneen lacagta iyo caddeymo kale oo ku gedaaman arrintooda.

Booliska ayaa laga dhowrayaa in ay la xiriiraan dowladda Hindiya, si loo ogaado cidda iska leh lacagtan.

Kenya waxaa mamnuuc ka ah in xuduudaheeda lala soo galo lacag caddaan ah oo aan oggolaansho loo heysan.

Shuruudaha ku xiran lacagta lala safro

Garoonka

Qodobka 12-aad ee xeerka ay dowladda Kenya u sameysay dembiyada la xiriira lacagaha ayaa dhigaya in qof walba oo waddanka soo galaya ama ka baxaya lagula xisaabtamo lacagaha uu wato.

Labo shardi oo ku xiran la safridda lacagta ayaa kala ah:

  • In lacagtu aysan ka badan $10,000 oo doolarka Mareykanka ah aha lacag u dhiganta intaas
  • In lacagta ka badan tiradaas loo qaato fasax ka hor inta aan lala soo safrin

“Qofkii si ulakac ah u bixin waaya xogta ku saabsan lacagta uu wato ee uu la galayo ama kala baxayo Kenya, ama bixiya xog marin-habaabin ah oo ku saabsan tirada lacagta, waxa uu galay dambi,” ayaa sidoo kale lagu yiri xeerka.

‘Dhibku lacagta ma aha’

Caadiyan dambi ma aha lacagta ay wateen dumarka lagu qabtay garoonka diyaaradaha, hase yeeshee sida ay qabaan dadka arrimahan aqoonta u leh waxay ahayd in haweenkan ay horey ugu wargaliyaan mas’uulyiinta garoonka, ayna ahayd in ay caddeeyaan tirada lacagta ay wateen iyo sida ay ku heleen.

Doolar

Sharaxaadaas in ay bixiyaan qudheeda ayaa la aaminsan yahay in mararka qaar ay  si guud u keeni karto cabsi  la xiriirta in lacagta laga qaato.

“Sababaha sida guud ku qasba dadka in ay qarsadaan lacgta  ayaa ah amni xumo, markii aad lacaga tira badan ku dhahdo dalalka Afrika, lacagtaan ayaan wataa qofkii wuu baqayaa oo wuxuu is leeyahay armaa lagaa qaataa,” ayuu yiri Sulaymaan Bashiir Saalax oo ka hawlgala maxkamadda sare ee Kenya.

Sidoo kale waxyaabaha keenaya in dadku lacagaha qarsadaan ayaa ah in dadka qaarkood aaney fahmsaneyn sharciga, sida uu khabiirku u sheegay BBC-da.

 Qodobka lagu haysto dumarka Soomaalida ah

Hadda waxa lagu heystaa dumarkan in hab sharci darro ay lacag ku soo geliyeen dalka Kenya, lacagtaas oo aaney caddeyn meesha laga keenay iyo sida lagu helay.

Sulaymaan Bashiir Saalax ayaa qaba in haddii ay baaritaanka ku caddeyaan isla markaana ku sheegaan halka ay lacagta ka keeneen iyo waxa ay ka shaqeeyeen aysan dambi yeellan doonin.

“Baaritaanka haddii ay dowladda ugu caddaato in lacagtaan ay si xalaal ah ku keensadeen ama ay caddeyn karaan sida ay lacagtan ku abuureen markaas adambi malahan,” ayii yiri qareen Suleymaan oo BBC-da u warramayay.

 Lacagta maxaa laga yeelayaa?

Lacag

Inta badan marka ay dhacdo arrintan oo kale waxaa xoogga la saaraa in ay ka wada hadlaan lacgta labada dowladood oo midna lacgta dalkeeda lagu qabtay midna laga keenay markii hore.

Haweenkan maadama ay hadda ka yimaadeen dalka Hindiya, waxaa suurtagal ah in dowladda Kenya ay xiriir la sameyso dalkaas si loo ogaado lacgtan iyo waxa ay tahay.

Qareen Suleyman ayaa aaminsan in haddii dalkaasi khalad looga soo saaray lacgtan uu sharcigu qabo in iyaga dib loogu celiyo, waase haddii ay haweenku caddeyn waayaan halka ay lacgtaan ka keneen iyo ganacsiga ay ka sameeyeen.

Haddii aan Hindiya loo celin oo aysan wax shaqo ah ku laheyn haweenkuna ay soo bandhigi wayaan caddeymo sax ah, waxaa lacagta la wareegeysa dowladda Kenya.

“Haddii aaney lacagta Hindiya shaqo ku lahayn haweenkuna sharaxaad fiican ka bixi waayaan lacagtaan sida ay ku heleen, marnaba dowladda Kenya uma celinayso iyaga,” ayuu yiri Sulaymaan Bashiir.

Bishii February ee sanadkan ayaa garoonka JKIA lagu qabtay nin u dhashay Kenya oo kasoo safray dalka Burundi, kaasoo watay lacag dhan $2 milyan oo doolar.

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>