Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Xoggo ka soo baxaaya safar la filaayo in Madaxweyne Siilanyo ku tago France dhawaan!.

$
0
0

War-weyn : Xoggo ka soo baxaaya safar la filaayo in Madaxweyne Siilanyo ku tago France dhawaan!.

Hargeisa-(Qaran-news)-Warar Qarannews ka heshay ilo wardeeyo u dhuun daloola Qasriga iyo Qoyska Madaxtooyada ayaa tibaaxaaya in la filaayo in dhawaan Madaxweyne Siilanyo u baqooli doono xagaa iyo dalka faransiiska.

siilaanyo1

Xoguhu waxay intaas ku dareen in Madaxweyne Siilanyo halkaas uu u tegi doono ama  loo geyn doono arrin caafimaad ka dib markii xubno ka mida Qoyskiisu go’aansadeen inay faylkiisa caafimaad ka wareejiyeen Dhaqtar uu awel hore xidhiidh la lahaa oo degan London-UK,asalkiisuma Eeshiyaan (Asian) yahay, xaaladiisa caafimaadna muddo dheer gacanta ku hayey.

Madaxweyne Siilanyo ayaa la sheegay inuu markuu tago faransiiska la marsiin doono baadhitaan caafimaad islamarkaana lagu sameyn doono camiliyad  iyo daaweyn xagga  Borostaytka ama kaadimareenka.

Madaxweyne Siilanyo ayaa beryahan danbe qaadanayey daawooyin uu kula tacalayo xanuun ka asiibay  Kaadihaysta isagoo awel horeyba qabay xanuuno dhowra oo isku kaashadey sida Macaanka iyo xanuun xagga xasuusta maskaxda la xidhiidha (Momery loss) iyo xanuuno kale oo xagga da’da amaba da’du wadato.

Isku soo wada duuboo xanuunadaa xogaha Qarannews heshay sheegayaan in Madaxweyne Siilanyo daaweyntooda la daladhacaayo ayaa suurtogeliyey in taladii Qaranka gacantiisa ka baxdo oo koox koobani awoodihii Qaranka siday doonto ugu takri fasho.

Qarannews

Hargeisa


Su’aalo Wasiirka A.Debeda S/Land si weyn uga cadhoodey + Magacyada Xildhibaadii weydiiyey su’aalaha+kuwii ku oriyey+weedhihii qaawanaa ee uu ugu jawaabay!.

$
0
0

Su’aalo Wasiirka A.Debeda S/Land si weyn uga cadhoodey + Magacyada Xildhibaadii weydiiyey su’aalaha+kuwii ku oriyey+weedhihii qaawanaa ee uu ugu jawaabay!.

Wasiirka wasaarada arimaha Somaliland Maxamed Cabdilahi Cumar oo shalay ka soo hor muuqday  Golaha Barlamaanka ayaa si weyn uga damqaday, si cadho  lehna uga jawaab celiyey dhawr su’aalood oo ku taxaluuqa shaqada wasaaradiisa iyo shirar qarsoodiya oo uu keligii ka qeyb galay oo ay halkaas ku weydiiyeen qaar ka mida xildhibaanada golaha wakiilada oo ka soo jeeda xisbiga Wadani ,halka kuwa ka soo jeeda xukumada Kulmiyena orin iyo qaylo ku qalindarayeen xildhibaanada Wadani iyo su’aalahay weydiinaayeen.

MaxamedCabdilaahiNayroobi

Wasiirka arimaha debeda ayaa markuu ku asqoobay su’aalihii si badheedha,oo ula-kaca u duray  gudoomiyaha golaha wakiilada iyo xisbiga Wadaniba,  wuxuu kaloo si badheedha u aflagaadeeyay xildhibaanadii su’aalaha weydiiyey, welibana u istcimaaley luuqad ka baxsan dhaqanka iyo anshaxa heerka wasiirnimo oo muujinaysa inuusan weli u bislaan in lala xisaabtamo ama wax laga weydiiyo xilka wasaarada arimaha debeda  ee Mmadaxweyne Siilanyo u xushay

Su’aashii u horeysay ee uu ka xanaaqey ayaa waxaa weydiiyey xildhibaan Bashiir Tukaale ooka tirsan xisbiga Wadani  hase yeeshee ay wasiirka isku gobol iyo beel hoose ka soowada jeedaan ,waxayna u dhignayd:-

Su’aasha xildhibaan Bashiir Tukaale : “ Wwasiir had iyo jeer keligaa baad socotaa oo shirarka tagtaa, waxaana jirta xan odhanaysa  wasaarada arimaha debeduba waa wasiirka oo keliya ee arinkaasi ma dhabaa?,Tu kale  waxaa dhacda inaad madaxda Somaliya si qarsoodi ah ula kulanto keligaa, maxaa kugu kelifay kulamadaa qarsoodiga  iyadoo wadahadlo toos ah oo aan qarsoodi ahayni idiin socdaan,maxaadse kala sheekaysataa madaxda Somaliya  markaad kulanto,arimo idiin gaara miyaad kala hadashaa?.

tukale

Markay arini halkaas maraysay ayaa Xildhibaano ka tirsan xisbiga kulmiye oo golaha hoganaayey oo Nacnac gadhwadeen u yahay Or,buuq iyo sawaxan ku fureen Su’aalhii Xildhibaan Bashiir weydiinaayey Wasiirka arimaha debeda Maxamed Cabdilaahi isagaan hadalku weli xagiisa ka soo dhamaan.

Yeelkeede xildhibaan Bashiir ayaa u Jawaabey Xildhibaanadii wasiirka taageersana ee bahda Nacnac wuxuuna yidhi “ Mudanayaal shaqsi ammaan umaynaan iman golaha ee shaqadeena aan gudano” wuxuuna xildhibaan Bashiir intaas raaciyey su’aal kale oo ahayd  “Wasiir shirkii Nairobi ee Dawalada Somaliya Gadhwadeenka ka ahayd,hagaysayna  waxaa jiray  waraaqo aad qeybisay inaan ganasatada Somaliland ka qeyb galin shirkaa ,Adiguna waad dhex fadhiisatey ee maxaad arintaas ku macnaynaysaa?

 

Halkaas marka arin maraayo wasiirka arimaha debeda si weyn ayuu uga gubtay su’aashii xildhibaan bashiir Tukaale wuxuuna ku jawaabay “Su’aashaasi waa khalad,hase yeeshee markaan debeda u baxaayo inaan cid kaxaysto iyo in kale waa go’aan aan anigu wasiir ahaan leeyahay taasina uma baahna jawaab kale”.

Sidoo kale wasiirku wuxuu ku cawday inaanu golaha wakiilada uga fadhiyin su’aashan oo kale in la weydiiyo, wasiirku wuxuu kaloo si toosa u qirtay inuu gacansatada reer Somaliland u qoray warqadaas xildhibaanku sheegay ,kuna amray inaaney tegin shirka Nairobi wuxuuna ku andacooday inuu shirkaas ugu muuqday isaga midaan ganacsatada iyo Somaliland toona waxba u tarayn,danina ugu jirin.

Su’aal kale oo iyana wasiirku si weyn uga cadhooday ayaa  waxaa weydiiyey xildhibaan Mahdi Buubaa oo u dhignayd  “Waxaan halkan ku hayaa Go’aan aad tidhi ganacsatada Somaliland kama qeyb geli karaan shirkii Nairobi,waxaanad sheegtay in laba cisho ka hor aad ogaatey Ajeendaha shirka, ma jirtaa warqad danbe oo aad u qortay gacastada inay ka qeyb galaan shirka maadaba aad go’aansatey inaad ka qeyb gasho” .wuxuuna xildhibaan Buubaa intaas ku daray miyaaney wasiir khiyaamo ahayn inaad shirkaa keligaa ka qeyb gasho,ganascsatadan u diido?.

buubaa

Markay arini halkaas marayso ayey xildhibaanadii Kulmiye ee taagersanaa wasiirka sawaxaan iyo buuq bilaabeen,wasiirkiina si weyn ayuu uga cadhooday su’aasha, hadalo ayaana afkiisa ka soo dulduulay inkastoo codkiisu xabeeb badan leeyahay oo markuu xanaaqeyna hadalkiisuba XUU-XAA noqday oo la fahmi waayey .

Hase yeeshee xildhibaan Buubaa ayaa su’aalihiisii sii watay oo  yidhi  “Wasiir marka masuul la saluugo siyaasadiisa dunida wuu is casilaa  ,markaa miyaaney kugu haboonayn inaanad istiqaaladaada madaxweynaha u dhiibto”

DrMohamed-414x570

Marka xaajadu halkaas maraysay ayey haddan orin,buuq iyo qaylo bilaabeen xildhibaanada taageera xukumada Kulmiye ee madasha ku sugnaa, yeelkeede wasiirkii ayaa u jawaabey xildhibaanadii orta iyo qaylada ku taageerayey wasiirka laftiisa wuxuuna yidhi “Anigu ma ahi nin su’aal looga baqo ee suga”.

Wasiirku su’aalihii la weydiiyeyba kamuu jawaabine wuxuu weeray xildhibaankii ( Ibraahin Mahdi Buubaa) weydiiyey su’aasha  wuxuuna yidhi “B ubaayow  intii aan ku maqnaa Nairobi waxaad uga hadashay saxaafada si aada oo ayna uga hadlin masuuliinta kale ee Qaranka ee kaaga haboonaa ee arimaha khaarajiga u qaabilsan Barlamaanka ,waxaanad u dhaqantay si xilkasnimo daro ah,inaad hadalkaaga la sugto munaasibada maanta oo kale ayey ahayd”.wasiirku wuxuu intaas ku daray in su’aalaha Buubaa weydiiyey khalad yihiin, islamarkaana aanu isaga iyo xisbiga WADANI ruqsad uga baahnayn ee golaha wax ka dhexeeyaan

Wasiirku wuxuu ku afgobaadsadey in xildhibaan Buubaa gudoomiyaha goluhu  (Cirro) siiyey waqti ka badan ka xildhibaanada kale oo su’aalo ku weydiiyo ,wuxuuna intaas raaciyey in su’aaluhu weydiiyey khalad ahaayeen,wuxuuna sheegay in xildhibaan Buubaa iyo xisbigiisa WADANI oo qaban waayey  ay u dhaqmeen si khalada.

Isku soo wada duuboo wuxuu wasiirku ka gubtay dhawr su’aalood oo Xildhibaanada golaha Wakiiladu ka weydiiyeen shirkii Nairobi ee Dibushiska iyo Maalgashiga Somaliya ee uu sida qarsoodiga ah u dhex fadhiistay,ganacsatada reer Somaliland-na u diiday ee saxaafada madax banaan ee Somaliland ee Qarannews ka mid tahay kashifeen. Sidoo kale wuxuu si qaawan u weeraray ama u aflagaadeeyay xildhibaanadii wax ka weydiiyey shirkaas isagoo si weyn uga cadhoodey su’aal ku saabsanyd in mar hadii uu ku fashilmay siyaasadii arimaha debeda is casilo.

Qarannews

Hargeisa

GOORMA AYAA KORODHKA LACAGTA SHILLINKA LOO ISTICMAALI KARAA MAALGELINTA MASHAARIIC HORUMARINEED?

$
0
0

GOORMA AYAA KORODHKA LACAGTA SHILLINKA LOO ISTICMAALI KARAA MAALGELINTA MASHAARIIC HORUMARINEED?

Hordhac

awrali

Falsada cilmiga dhaqaalaha ee buugaagta lagu dhigtaa inta badan wuxuu ku sallaysan yahay fikirka (theory) ka jira waddamada reer galbeed ee xaga dhaqaalaha horey ugmaray sida Maraykan iyo Yurub. Waana falsadda loo yaqaano (capitalism) ama Hantigoosadka. Falsafadaasi dhibkeedana way leedahay, haddana inta badan waa falsafad laysla qaatay oo manta dawladaha adduunka badidoodu ay ku hogaamiyaan siyaasadooda dhaqaale.  Qoraalkan waxaynu ku eegaynaa qayb falsafadaasi dhaqaalaha ka mida oo loo yaqaano Money Supply Management ama Maaraynta Korodhka Lacagta

Shaqada Bankiga Dhexe

Maaraynta Korodhka lacagta ama maamulka lacagta waddanka waxa dawladda u qaabilsan bankiga dhexe. Bankiga dhexe shaqadiisu waxa ugu muhiim 5 shaqo oo waaweyn.

Shaqada kowaad, bankiga dhexe waxa uu dawladda u qaabilsan yahay maamulka lacagta wadanka oo haddii ay suuqa ku yaraato waa inuu ku sii daaya suuqa, haddii ay suuqa ku badatana waa inuu badh suuqa kasoo celiyaa si markaasi qiimaha lacagta loo ilaaliyo oo looga ilaaliyo isgedgediska.

Shaqada labaad, bankiga dhexe waxa uu maareeyaa “rate of interest” ama reetka ribada. Maadaama Somaliland aanu ka jirin reetka ribadu bankiga dhexe ee Somaliland tani hawl u taala maaha.

Shaqada saddexaad, bankiga dhexe waxa uu maamulaa bankiga ganacsiga ee bulsho weyntu ay lacagta dhigtaa. Sida caadiga ah, bankiyadda ganacsigu waa inay lacag dhigtaan bankiga dhexe ee dawladda. Lacagtaasi oo uu bankiga dhexe damaanad ahaan u haynayo, xaddiga waxa xadididaya bankiga dhexe isagoo ku sallaynaya heerka dhaqaale ee wadanka.

Shaqada afraad,bankigha dhexe isagoo ay wada shaqaynayaan wasaarada maaliyadda waa inuu ka shaqeeyaa xisaabinta dhaqaalaha waddanka.

Shaqada Shanaad, bankiga dhexe waxa uu ka masuul yahay ilaalinta sarifka ama qiimaha lacagta waddanka marka loo eego qiimaha lacagaha qalaad. Wadamada horumaray sarifka lacagtooda inta badan waxa u daayaan in lagu go’aamiyo suuqa xorta ah. Laakiin wadamada soo korayaa jaangoynta sarifka lacagtooda waxa ugu masuul ah bankiga dhexe.

Shaqada lixaad, wadamada qaar baa bankiga dhexe u igmada inuu qaybaha kala duwan ee dawlada inuu miisaaniyadooda uu gacanta ugu hayo oo akoono ufuro. Shaqada lixaad, bankiga

Maareynta Korodhka iyo Qiimaha Lacagta

Lacag waxa lagu qeexaa inay tahay kaydka qiimaha. Waxa kale oo lagu qeexaa inay tahay waxa wax-lagu kala bedesho. Bulshooyinka caalamku intii aanay bilaabin isticmaalka lacagata waxa jiri jirtay in labada qof e waxkala iibsanayaa inay isku bedelan jiren oo keliya labada shay ee ay kala iibsanayaan. Dhib badan baana arrintaasi ka jiri jiray maadaama marwalba labada shay ee laysku gedisanayaa aanay isku qiimo ahaan jirin. Nidaamkaasi waxiskugediska oo af Ingiriisiga loo yaqaano BARTER SYSTEM bariga Africa wuu ku soo dhawaaday oo magaca IIDOOR oo ah qabiil kamida qabiilada reer Somaliland waxa magacaasi loogu bixi waa isla nidaamkaasi waxkala iibsi ee badeecadaha laysku iibsan jiray. Dunida casriga ahi lacag bay waxkukala iibsataa markaa lacag maamulkeed sidaan hore ku soo sheegnay waxa iskaleh bankiga dhexe. Intii aanay soo bixin lacagta waraaqda ahina waxa lacag ahaan loo isticmaali jiray dahabka. Waqtigaa lacagta wadamadu ay dahabka ahaydna, badeecad kasta waxa qiimaheeda xadidayay dahabka ay u dhigantaa intaa uu leeg yahay. Lacagti markay waraaq noqotay ayaa waxa soo kordhay mashaakilka ah side loo ilaaliyaa qiimaha lacagta. Qiimaha lacagtaasi waraaqda ah waxa xadidaya dhaqaalaha wadanku inta uu leeg yahay oo markaasi keenaysa aaminaada ay dadku ku qabaan lacagtaa waraaqda ah. Qiimaha lacagta waxa kale oo xadidaya inta ay leegtahay lacagta uu bankiga dhexe suuqa ku soo daayay. Waxa kale oo xadidaya baahida kolba ay loo qabo lacagtaasi.

Bankiga dhexe waa inay u xisaabsan tahay xaddiga lacagta marwalba suuqa ku jirta. Waxa kale oo loo baahan yahay in ugu yaraan hal mar inuu bankiga dhexe suuqa kusoo daayo lacag xadigeeda ay xisaabiyeen dhaqaala yahanada bankigu. Lacagtaasi sanadkii hal mar suuqa lagu soo daynayo waxa loogu baahan yahay laba sababood. Sababta kowaad, waxa dhacaysa in dhaqaalaha wadanku uu kordhayo; sidaa darteed waa in lacag u dhiganta korodhkaasi suuqa lagu sii daayaa. Sababta labaad, waxa dhacaysa in lacagta suuqa ku jirtaa ay gabawdo oo markaasi bankiga dhexe dib loogu soo celiyo.

Xilliyo ay Dawladu ay ka Faaiidaysan Karto Korodhka  Lacagta

Marka laga reebo korodhka loo baahan yahay bankiga dhexe inuu sanadkii hal mar ku sameeyo lacagta wadanka, waxa jira laba xilli oo si aan caadi ahayn loogu baahdo korodhka shilinka Somaliland. Labadaa xilli waxay kala yihiin xilliga fasaxa xagaaga ee qurba joogtu ay fasaxa ku yimaadaan wadanka. Xilliga kalena waa xilliga xajka ee xoolaha badani ay wadanka ka dhoofaan. Labadaa xilliba waxa dhacda in si aan caadi ahayn loogu baahdo shillinka Somaliland maadaama ay labadaasi xilli lacagaha qalaad siiba doolarku ay aad u soo galaan wadanka. Labadaa jeerba waxa dhacda in dhaqaalaha wadanka ay ku dhacdo korodh aan xiliyada aan wadanka ka jirini. Labadaasi xilliba waxa si muuqata kor ugu booda shillinka. Bankiga dhexe ee Somaliland si 100% ah uma ogaan karo xadiga lacagaha qalaad ee labadaasi xilli Somaliland soo gala. Laakiin bankiga dhexe waxa uu samayn karaa inuu sameeyo ESTIMATION ama qiyaas aad looga baaraan degay oo ay ka taliyeen dhaqaale yahanada bankigu. Qiyaastaasi marka ay sameeyaan dhaqaale yahannada bankigu ayaa ay noqonaysaa in bankiga dhexe uu lacag shillin ah oo u dhiganta qiyaastaasi uu ku sameeyey lacagta qalaad ee wadanka soo gashay uu ku sii daynayaa suuqa. Sida uu ugu sii daynayaana waa isagoo lacagtaasi ku shubo akoon ay dawladu leedahay oo loogu talo galay horumarinta. Markaa waxa imanaya laba faaiido oo kala ah: kow, qiimihii shillinka oo laga ilaaliyey isgedgedis aad u sareeya . faaiidada labaadna waxay tahay iyadoo ay dawladu heshay kaash ay ku hirgeliso mashruuc horumarineed oo ummada waxtara. Xilliyada kale ee doolarku uu suuqa ku yaraado ee markaasi shillinka qiimahiisu uu hoos u dhaco, markaasina bankiga dhexe waxaa laga rabaa inuu suuqa ku soo daayo lacag doolar ah isagoo markaasi sarif layaasha kala wareegaya shillin Somaliland oo markaasi ugu bedelaya lacag qalaad siiba doolarka Marayka. Ogooda oo marka walba waxa laga duulayaa ilaalinta qiimaha shillinka Somaliland oo haddii uu gu yimaado isgedgedis xad dhaaf ahi uu markaasi shlillinku waayayo sifihiisii ahaa meel lagu kaysado qiimaha, oo markaasi uu imanayo dulmi ku iman kara dadka aaminay ee xoolahoda ku kaydsadayinay haystaan shillin Somaliland. Mid kalena waa muhiim oo bankiga dhexe waa inuu marwalba ku dadaalaa ilaalinta qiimaha shillinka si markaasi uu shillinka Somaliland u helo kalsoonida bulshada reer Somaliland, oo markaasi haddii maal maalmaha ka mida doolarka uu khalkhal ku yimaado Somaliland aan jaahwareer ugu dhicin oo shillinku u noqdo lacagta wadanka ee doolarka imanka Somaliland xukuma loogaga maarmaarmi karo.

Abdirashid Ahmed Guleid (abdirashidaa@gmail.com)

OGEYSIIS- OGEYSIIS

$
0
0

 

 

OGEYSIIS- OGEYSIIS

 

Waxaanu Dhamaan Bulsho-weynta Ciise Muuse ee Qurbo-Joogta ah la-la Socod-siinaynaa in Shir-weynihii Beeshu uu ka dhici doono Magaalada London Taariikhdu Marka ay tahay  Sabti 22/6/2013 iyo Maalin Labaada oo ah Axad  23/6/2013. Ciwaanada ama Goobaha uu Shirweynuhu ka dhici-doono Hadii alleh idmo  Waa: Sidan Hoose:

 

- Maalinta 1aad oo Sabti ah Taariikhduna Tahay 22/6/2013 Wuxuu Shirku ka dhici-doonaa Hadii alleh raali ka noqdo Ciwaankan:

Copland Community School, Ceceli Avenue, Wembley Middlesex, HA9 7DU,

Waqtiga: 12- 10 pm.

 

- Maalinta 2aad oo Axad ah Taariikhduna Tahay 23/6/2013  Wuxuu Shirku ka Dhici-doonaa  Hadii Eebe-raali ka noqdo Goobtan hoose:

Bridge Park Community Leisure Centre; Brentfield, Harrow Road. London, NW10 ORG

Waqtiga : 3 – 9 pm

 

Shirkaasi Wuxuu Noqon-doonaa Shir-dhaqan ah oo ku-saleysan Horumarinta Degaanada  Beesha alleh ku-abuurey.

Shirkani Wuxuu  Mar-walba Waa-faqsan yahay  Jiritaanka iyo Gooni-isu-taaga Qaranka Somaliland.Waxaana ay Beesha Ciise Muuse ay si Mug-leh ay kaalin-teeda u-buuxineysaa  Mar-kasta ,Sugida iyo Ilaalinta Nabad-gelyada Guud ee Qaranka Somaliland.

 

Wixii Faah-Faahin ah  Fadlan La soo Xidhiidha Telefoonadan Hoos ku-Qoran:

 

Mobile : 07950 341 347

Mobile: 07961 444 102

Mobile: 0780854 7764

 

Tusan iyo Tixgelin

Wehelkiina Waa Alleh iyo Nebi (scs)

Gudida Qaban-Qaabada Shirka ee Kulan UK.

ENGLAND

Hadhimo Wasiirka arimaha debeda u sameeyay Dhalinyarada Gobolada Gabiley & Hargeisa oo gacanka-hadal iyo dagaal foolxun ku dhamaatey!.

$
0
0

Hadhimo Wasiirka arimaha debeda u sameeyay Dhalinyarada  Gobolada Gabiley & Hargeisa oo gacanka-hadal iyo dagaal foolxun ku dhamaatey!.

m.hotel

Hargeisa-(Qaran-news)-Dhalinyarada Ciyaartoyda gobolada Gebilay iyo Hargeysa uga qeyb gelaaya tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland ayaa maanta Duhurkii dagaal gacan ka hadal ahi ku dhexmaray Hoolkii ay ku qadaynayeen ee Maansoor Hotel .

Ciyaartoyda labada gobol ayaa waxaa si wadjira Hool keliya qado ugu sameeyay wasiirka wasaarada arimaha debeda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar oo Asal ahaan ka soo jeeda Degaanka Gabiley.

Labadan kooxeed ee Ciyaartoyda Kubada Cagta gobolada Hargeysa iyo gabiley ayaa maalmaha soo socda la filayaa in ciyaar adag oo kubada cagta ah fooda isku daraan Hargeisa Stadium halkaas oo kii laga badiyaa salaanka tartanka ciyaaraha ka siiban doono.

Ciyaartoyda labada gobol ayaa markii dagaalkoodu bilaabmayba Wasiirkii Casuumay u dalbaday Gurmad ciidamada booliiska kuwaas oo degdeg u soo gaadhey,kuna guulaystay inay la tacalaan inay yareeyaan khasaare soo gaadha ciyaartoyda naftooda iyo hudheelkaba halkaas oo kuraas iyo miisaan badan oo laysku adeegsaday burbureen.

Qarannews

Hargeisa

Statement by Kofi Annan on G8 – Tax avoidance and company ownership

$
0
0

STATEMENT BY KOFI ANNAN,

FORMER UN SECRETARY-GENERAL AND CHAIR OF THE AFRICA PROGRESS PANEL

G8 must tackle tax avoidance and anonymous company ownership

“In this time of change, the G8 can make a difference. For example, company ownership – as well as revenue flows – can and must be made completely transparent thereby shining a light on a widespread method for hiding corruption. The G8 must establish registries on ownership of companies and trusts in all tax jurisdictions – and the registries need to be publicly available. Closely linked, tax avoidance and evasion are global issues that affect us all. The impact for G8 governments is a loss of revenue. But in Africa, it has direct impact on the lives of mothers and children.”

“Throughout the world, millions of citizens now need the G8 leaders to take action on tax avoidance. Not just because of the palpable injustice of enormous tax avoidance by major multinationals including many headquartered in G8 countries. But also because to do so could save many, many lives around the world. Tax authorities in all regions struggle to prevent the erosion of their tax bases, but Africa struggles more than most. A G8 deal on the automatic exchange of tax information must include African authorities, giving them full access to relevant tax information.”

“These demands may seem ambitious. But a shared agenda is emerging. This is critical, as mutually beneficial agreements are the only ones that will stand the test of time. And by the way, it is not just governments who are moving ahead, but several companies too. Given this enormous momentum towards a fairer world, where unethical tax avoidance and corrupt deals become harder to hide, the leaders of G8 can be on the right side of history, swimming ahead of the tide to make the world a safer, fairer place.”

The Africa Progress Panel is calling on the G8 to tackle tax avoidance and anonymous company ownership. Secret companies – often incorporated in tax havens, or in the world’s key financial centres – are a key means by which corrupt leaders and irresponsible businesses hide the proceeds of their crimes and misdemeanours. The G8 must crack down on the use of secret companies by putting in place public registries of who owns and controls companies and trusts

Gabawga hadheyay madaxweyne Siilaanyo oo awoodi dalka gacanta u galiyay wasiir Xirsi Xaaji Cali, by Saleban Cali Bille

$
0
0

Waxa hubaal ah in Madaxweyne Siilanyo uu maanta ayhay nin way oo dadiisu ku socoto ilaa 90 jir hadaba dada iyo xanuuno soo food saray madaxweyne Silanyo ayaa waxay ku keentay ilawshiyo anu xasuusan karin balamaha iyo shaqo maalmeedka u taala,
taas ayaa waxay keentay in madaxweyna silaanyo uu qaban kari wayo shaqada faraha badan ee u tala ee uu masuulka uga yahay umada rer Somaliland.

Hadaba dhibatooyinkan sameeyay madaxweyna , ee xaga dada iyo cafiimaadka ayaa waxa ay meel u banaysay wasiir Xirsi Xaji Cali, hadaba waxa maanta ay taladii dalka iyo masuulayadii dadkan rer somaliland gacanta u gasahay wasiir Xirsi xaji ali , qof aanay umada rer somaliland u idman ama u soo dooran , oo ay sababtay dhibato xaga cafimad iyo gabawga oo so hadahaysay madax weynaheeni Mohamed Ahamed Siilayo,
hadaba su’aashu waxa weye .

1, Waa kuma Xirsi XAJI ALI
2, Ma hanankara oo ma qaban kara shaqadii loo id maday madaxweyne silaanyo
3, Halkay la maraysa awoodii dalka ee sida fudud ugu gacan gasahay

1, Wasiir xirsi xaji cali waxa anu wada og soonahay in uu ka mid ahaan jiray , ururkii la odhan jiray al itixaad waxa aynu wada og soonahay in uu xadhig ku mutayasatay xiligii xukuumadi Daahir riyale kahin isaga oo laxidhay in uu ka mid yahay ururda mayalka adag

2, Ma hanan karaa ? maya, ma qaban karo wasiir xirsi ,masuuliyada intaa leeg, wayo ma laha aqoonteedi iyo dublamaasiyadeedii iyo dul qaad keedii midna , ma laha wayaa argnimo ku filan iyo aqoon ku filan oo uu ku hagi karo awooda in taa leeg , ma buuxin karo halkii loo doortay madaxweyna waya araga ah ee Siilaanyo .

3, Waxa ay lamaray awoodi sida qaldan gacanata ugu gasahay wasiir xirsi in uu u is istici malo si qaldan oo uu ku is tici malo , matadii iyo dumarkii iyo bir magaydhadii , waxay lamaraysa in uu ka abuuro qabyalaad qawan dalkii iyo dakii walalaha ahaa ,waxay lamarayasa in ilaa iyo labada qof ee suuqa ku wada hadla in uu u yeedho uu u kala hiliyo oo awoodii ku istici malo ,

Hadaba awoodan gacanta u gasahay wasiir Xirsi waxa ay samay ku yeelanaysaa geedi socdkii siyaasadeed ee soomaliland iyo nabad galayadii dalka oo dhan .waxanu dalku khatar u yahay bur bur gudaha iyo mid debadeedba,

Hadaba waxan umada reer Somaliland kula talinaya in ay ilaa shadan nabad gelyadooda inta abaday ay u soo samrayeen inta u hadahay dawaladan itaalka daran ee uu hogan keedi gacanta u galay cid ayanan doran ,

By Salebaan Cali Bille

sabille@hotmail.co.uk

Shabakada qarannews, kama masuul ah rayiga iyo fikradaha akhristayaasha, waxana lagala xidhiidhikaraa qoraha iska leh maqaalkani ee ku xusan xagasare, yaalaaba maqaalada shabkadani ku soo baxaa ma aha qaar ay shabakadu iska leedahay.

Somaliland to stand by Ethiopia over any Nile water conflict

$
0
0

The Ethiopian and Somaliland people are among the Cushites that inhabit in the Horn of Africa . Both countries share boundary and similar culture . Thousands of Somalilnders live and have business in Ethiopia while more number of Ethiopians work in Somaliland mainly in the fields of agriculture and domestic services.
The people of Somaliland have special regard for Ethiopia for the support that the Ethiopians gave to the people of Somaliland during the Siyad Bare dictatorship in Somalia .

In the early 80s till 1991 the Ethiopian government supported the SNM struggle against the Siyad Barre regime by allowing the SNM to wage guerilla war against the dictatorship from Ethiopia soil .
The struggle caused an exodus of refugees from Somaliland to Ethiopia at its peak in 1988. Dul’ad camp immediately became the largest refugee camp in East Africa in the late 80s and 90 s and almost all of those refugees were the people of Somaliland fleeing the genocide of the government of the late socialist dictator, Siyad Barre .
In 1988 the airplanes that flew from Hargeisa airport were bombing the masses of Somalilanders fleeing Hargeisa . Among the main target areas was Geed Deeble where people had to congregate and then start their long trek to Ethiopia through the Maqaahida Inanta and all the way to Dul’ad refugee camp.
Egypt has been threatening the upper stream Nile countries since the signing of the 1929 Nile water treaty which gave it more than 90 percent of the Nile waters mainly because the British wanted to protect the water supply for its cotton plantations in Sudan and Egypt .
Now that the Ethiopia has come off the feudal system of the Menelik family and suppressive socialist government that followed in 1974 , the people and the leadership of Ethiopia have decided to stand up for their rights to utilise the Blue Nile waters. The construction of Grand Ethiopian Renaissance Dam has provoked the Egyptians who again started the rhetoric of war against Ethiopia.
The people of Somaliland will pay back the favour to the Ethiopians by standing with them on any Egyptian aggression . This could include the free follow of weapons to Ethiopia through Berbera port or the use of Berbers airport ( which is the largest in Africa ) by the Ethiopian war-planes. Somaliland could also supply plenty of meat to Ethiopia keeping in mind that Somaliland has tens of millions of livestock with millions exported to the Gulf States.
Both Ethiopia and Egypt may not start war over the Nile waters but if it happens , then the people of Somaliland will side with the Ethiopians.
Read also :

Medeshi: Why is Egypt supplying heavy weapons to Somalia ?


Muxuu ku soo idlaadey kulankii xalay Qasriga Madaxtooyada ku dhexmaray Xukumada Siilanyo iyo Ururka Xaqsoor

$
0
0

Muxuu ku soo idlaadey kulankii xalay Qasriga Madaxtooyada ku dhexmaray Xukumada Siilanyo iyo Ururka Xaqsoor

Hargeisa-(Qaran-news)-Kulan garnaqsi siyaasadeed oo mudo dheer qaatey oo u dhexeeyay madaxda urur siyaaseedkii Xaqsoor ee ku hadhay doorashooyinkii golayaasha degaanka Somaliland ee dalka ka dhacday dabayaaqadii sanadkii hore 2012-kii iyo xukumada Siilanyo ayaa gudidii labada dhinac wadahadalada u metelaysey Warbaahinta u sheegeen inay soo afjareen wixii khilaaf,turxaan iyo is-afgaranwaa dhexyaaley.

xaq

Guddi Lix xubnood ka kooban oo labada dhinac ee Xukumada Siilanyo  iyo ururka Xaqsoor garnaqsiga u metelaayey ayaa xalay shir jaraaid oo ay ku qabteen Qasriga Madaxtooyada Warbaahinta u sheegay inay Xasan Ciise Jaamac iyo Siilanyo is horfadhiisiyeen,oo wadahadalsiiyeen.

Sida gudidaasi labada dhinac metelaysay oo ay afkooda ku hadleen Wasiirka maaliyada Samaale oo dhinaca xukumada Siilanyo ka soo jeeday iyo gudoomiye ku xigeenka Ururka Xaqsoor Cali Sandule sheegeen waxay ku heshiiyeen inay heshiiyaan oo keliya balse may soo bandhigin  qodobo lagu heshiiyey iyo waxay ku dhameeyeen doodihii qarada weynaa ee dhexyaaley ee ahaa codadkaygaad boobtay oo ku shubatey iyo waa been,codadkayagaad dooxa ku daadisey oo gubtay iyo waa beentaa,doorashada dawladaha hoose halagu celiyo iyo lagu celin maayo!.

Wasiir Samaale ayaa waxaa ka mid ahaa erayadii uu shirka jaraaid ka yidhi “ Muddo dheer ayaanu soo wadnay hawl culus oo xukumada iyo ururkii Xaqsoor noo igmadeen,Anagoo ahayn guddi lix xubnood ka kooban oo laba dhinaca oo min sadex xubnooda, Hawshaa caawa ayaanu soo gabo-gabeynay oo meel wanaagsan gaadhsiinay,waxayna noogu dhammaatay is-afgarad” ,Wuxuu kaloo wasiir Samaale intaas ku daray “Madaxweyne Siilanyo iyo Gudoomiyihii Xaqsoor caawa way wada joogeen oo kulan ayay yeesheen”.

Geesta kale waxaa dhinaca Ururka Xaqsoor Afkooda ku hadlay Gudoomiye ku xigeenkooda koowaad Cali Sandule waxaana erayadii uu shirka jaraa’id ka yidhi ka mid ahaa “Waxaanu la socodsiinaynaa dadweynaha in wadahadaladii noo socday sadexda bilood noogu soo dhammaadeen is afgarad oo hadal dambe iyo hawl dambe oo ka dabo imanaysaa midna aanu jirin”.

Isku soo wada duuboo Gudida wadahadalada u metelaysay labada dhinac oo ka koobnaa lix xubnood ayaa kala ahaa:-

Wasiirka Maaliyada Samaale,Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan iyo wasiir ku xigeenka Arimaha debeda Mawliid Maxmuud Karaani oo ka socday dhinaca xukumada Siilanyo iyo Gudoomiye xigeenka koowaad ee Xaqsoor Cali sandule,Gudoomiye ku xigeenka labaad Casoowe oo ka socday dhanka xaqsoor.

Qarannews

Hargeisa

 

 

Diiwaan-gelin Haabkeed Lama Hayo,Siilaanyo-na Wuxuu Doonayaa Mudo Kordhin, Somalilandna Waxay Doonaysaa Madaxweyne Talinaaya oo Jidh ahaan Iyo Maskax ahaanba…

$
0
0

Diiwaan-gelin Haabkeed Lama Hayo,Siilaanyo-na Wuxuu Doonayaa Mudo Kordhin, Somalilandna Waxay Doonaysaa Madaxweyne Talinaaya oo Jidh ahaan Iyo Maskax ahaanba Bad Qaba Qormadii 1 aad:

 

mudadii uu siilaanyo uu xilka hayay golihii deegaanka ee hore waxaa loo kordhiyey hal mar, inkasta oo ay mudadii loo kordhiyey ku darsadeen mudo lix bilood ka badan oo sharci daro ah,golaha wakiilada mudadii uu siilaanyo xilka hayay waxaa loo kordhiyey laba jeer oo labadaa jeer hadii la isku daro mudada loo kordhiyeyna ay tahay shan sanadood,waana muadadii la doortay mudo la mid ah ,golaha guurtida mudadii uu siilaanyo xilka hayay waxay isu kordhiyeen mudado laba jeer ah oo labadaa jeerna waqtiga ay korarsadeen hadii la isu geeyana ay ka badan tahay lix sanadood.

 

hadaba saaxiibayaal dhacdooyinkaa hore waxaan idinku soo qaaday nin horaa yidhi iyada oo ay goor subaxnimo ah ay tahay cadceeduna ay siideysay falaadho uu heer kulkoodu sareeyo Alla saaka cadceedu kululaa markaasuu nin kalena ugu jawaabay bal xayta xageeda u dareertayna ka waran ,akhristow waxaad is weydiisaa meesha waxaaso mudo kordhin ahi ka dhacday mudadii koobnay ee uu siilaanyo xilka hayay iyo maanta oo nin siilaanyo mudo kordhin uga baahani aanu jirin, marka la eego jidh ahaan iyo maskax ahaanba.

 

dhinaca kale hadii aynu iska taagnana labada doorasho ee dhabarka la isugu xidhay doorashada golaha wakiilada iyo doorashada madaxtooyada ee umada loo sheegay inay dhacayso bisha juun ee 2015-ka waxaa shardi looga dhigay labada gole baarlamaana ay ansaxiyeen in aan labadaa doorasho lagu geli karin diiwaan gelin la´aan waxaana markiiba soo dibad baxday in la ma jaro habaabiyey diiwaan gelintii oo la yidhi waxaa diiwaan gelinta qabanaysa oo maamulaysa wasaarada arimaha gudaha halkii ay diiwaan gelinta masuuliyadeeda qaadan lahaayeen komishanka qaranku ,arintam ujeedadii laga lahaana akhtirow waxay ahayd in ay qaadacaan oo ay diidaan xisbiyada mucaaradku waxayna aynu og nahay in ay xisbiayada mucaaradku diideen diiwaan gelintaa ay wasaarada arimaha guduhu wado.

 

waxaana hubaal ah iyada oo ay arintu halkeedaa  taagan tahay ay dhamaandooto mudada laabda sanno ahi ka dibna la odhan doono mudada kordhintu waa xal ee mudada ha la kordhiyo, gudoomiyaha golaha guurtiduna waa saleebaan gaal oo  ah nin ay qabyaaladu ku talaalan tahay ,waxaanu saleebaan gaal ahaa ninkii tegay magaalada burco sanadkii 1995-kii oo beeshooda ku yidhi magaalada waxaa ka dhacaaya dagaal kooban oo laba sacadood qaadan doona oo magaalada lagaga sifeynayo maleeshiyo beeleed ee idinku albaabada uun xidha laba sacadood oo kaliya albaabada xidha wixii ka dhacayna waa la ogaa.

 

waxa kale oo xusid mudan horaantii sanadkii 2002-dii oo uu saleebaan gaal mucaarad ku ahaa madaxweyne cigaal wuxuu ka hadlay isaga oo jooga magaalada burco idaacada BBC-da waxaanu yidhi mudadii cigaal la doortay way dhamaatay dawladina ma jirto dadkana waxaan ugu baaqayaa in aysan cashuurta bixin ,waxaaba se intaa ka sii darnayd markii ay marxuum cigaal wadaado ka soo jeeda beesha siilaanyo iyo saleebaan gaal ay warbaahinta ka weerareen marxuum cigaal markaa ka dibna cigaal wuxuu ka hadlay khariyada hargeysa isaga oo si guud mar ah umada ugu sheegaya in saleebaan gaal iyo wadaada beeshiisa ka soo jeedaa ay qabyaalad isku soo raaceen,waxaanu marxuum cigaal yidhi anigu reer hebel odhan maayo laakiin saleeban gaal iyo wadaada beeshiisa ka soo jeeda hadii ay sidan wax ka bedel waayaan hadalka kiisa adag baanu idin kula hadli .

 

hadaba saaxiibayaal waan dhacdadaa hore idinku soo qaaday todobaadkan aynu ku jirno mar aan booqasho ku tegay magaalada burco ayay ragga aanu ehelka iyo asxaabta aanu nahay ee ka soo jeeda beesha siilaanyo iyo saleebaan gaal waxay igula kaftameen in aan beeshooda ku fara kululahay ,aniguna waxaan xasuusinayaa hadii raggaa ila hadlayay ay ku indho dilaacsadeen saleebaal gaal oo gudoomiyaha guurtida ah  nin aan u sheego in uu shalay hogaamiye kooxeed ahaa iyo in aan u xaqiijiyo dadweynaha sugaya doorasho la qabto laba sanno ka dib in aysan ahayn mid ay siilaanyo iyo saleebaan gaal u fadhiyaan , iyada oo marxalada uu maanta siilaanyo ku sugan yahay lagu qarin karo mudo kordhin kaliya hadii se ay doorasho uu isu soo taago ay noqoto ay soo dibad bixi doonaan waxa umada laga qarinayo oo ah in aanu Siillaanyo miyir qabin ee uu yahay shaqsi asaasaqay maskax ahaan iyo jidh ahaana aanu u bedqabin, waalidiisana ay qaraniyaa xirsi oo xidhiid la leh urur Asha-baab iyo Aamina Weris oo hantidii dalka boobaysa, saaxiibna ay la tahay Xirsi, awooddii odayguna ay I gacan gashay xirsi iyo Aamina Weris labadoodaba waxaa ka dhexeeya xidhiidh qarsoodi ah friendship, taasoo xirsi xidhiidhka Aamina Weris uu ku helay hanti aad u badan.  waxaanan idinku dhaafayaa mid ka mid ah suugaantii  Allaha u anxariistee Abwaankii Yuusuf Xaaji Adan (Qabile) ee uu yidhi

 

Sidan Waan Naqaanaa Sidanna Waanu Garanaa

 

Haday Gacantu Sidan Tahay Sir bay Cidhib Ku Leedahay.

 

hadaba isku soo wada duuduboo Diiwaan-gelin Haabkeed Lama Hayo,Siilaanyo-na Wuxuu Doonayaa Mudo Kordhin, Somalilandna Waxay Doonaysaa Madaxweyne Talinaaya oo Jidh ahaan Iyo Maskax ahaanba Bad Qaba.

 

la soco taxanaha danbe ee qormooyinka

 

Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur

 

Tel:4425243

 

Email:suudi88@gmail.com

 

Hargeysa/Somaliland

Nuxurka War-murtiyeed Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen si adag ugu duray Xukumada Siilanyo

$
0
0

Nuxurka War-murtiyeed Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen si adag ugu duray Xukumada Siilanyo

gml

Hargeisa-(Qaran-news)-Musharaxa madaxweynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa soo saarey war murtiyeed kooban oo uu si adag ugu duray qaababka xukumada Siilanyo ula dhaqanto ama u wajahado saxaafada madax banaan ee Somaliland,wuxuuna carabka ku dhuftay wargeyska Hubaal oo xukumadu xayiraad saartey dhawaan,islamarkaana ay ku fashilantey inay cadaalad soo hor tubto dablay hubaysan oo goor habeenimo ah Hujuun dhicisoobey la beeegsaday.

War murtiyeedka Jamaal Cali xuseen oo Nuqul ka mida heshay Qarannews wuxuu u dhignaa sidatan:-

Xikmad ayaa jirtay ka soo maaxday nin Carab ah oo ahaa dadka aragtidda dheer lahaa ee noollaa xilligii casri jaahiligga ee aanay diinta Islaamku soo gaadhin wadamadda Carabta. Ninkani wuxuu ka tegay xikmad kooban laakiin wadata miisaan culus ilaa haddana nolosha aynu ku dabaqi karno oo aynu maalin walba aragno. Haddaba ninkaasi wuxuu yidhi:

 

Khataraha jira ee uu qofku iska ilaaliyo ee uu ninkaasi tilmaamay oo dhowr ahaa ayaan ka soo qaadanayaa labadda ugu muhiimsan ee la xidhiidha qoraalkaygan maanta maadaama ay saxaafadda khusayso. Haddaba ninkaasi xikmaawiga ahaa ayaa yidhi labadan shayba weligaa iska ilaalli:

 

1. Qofka wanaagsan haddaad intaad ku gardarootid oo aad la dagaalantid, isaguna wuu iska kaa celinayaa oo dadkuna way soo raacayaane weligaa ruux wanaagsan ha bahdilin oo ha ku gardaroon. Maalin ay noqotaba wuu kaa aarsanayaa ee khatar iyo godob meel kuu taalla weligaa ha sameynin ayuu yidhi ninkani. Aniguna waxaaban ugu sii daray haddii aanu Ilaahayba kaaga soo horeynin oo aanu u aar gudin qofkaa aad ku gardarootay oo iyaddan ta Ilaahay xisbaata ku darso.

 

2. Waxa kale oo yidhi ninkani: Doqonka weligaa ha amaanin run buu moodayaaye. Taasina waa khatar ku iman karta bulshadda iyo adigaba.

Haddaba labadaasi qodob ee halkan ku qorani waxay salka ku hayaan xaaladda maanta ka taagan Somaliland saxaafadeedda. Saxaafaddii madaxa banaaneeyd ee Somaliland lagu majeeran jiray ee aynu ku faanni jirnay laba kooxood uun bay kala noqotay. Middi waa Hubaal iyo dirkeedda oo mayal adag oo guntiga dhiisha isaga dhigay diidayna in ay dalka mawqifkiisa iyo guul wadaynta diidaan. Middina waa mid jeebka lagu shubtay oo gawskoodda dhaafsadday dhex-dhexaadnimaddii lagu yaqaanay saxaafadda maddaxa banaan oo u nuglaadday cago jugleeyntii ay xukuumadda Kulmiye ku haysay saxaafadda. Qaarna ay maal iyo hanti kale ku heleen guulwadayntii.

Kolay dadku way wadda ogsoon yihiin waxa dalka ka dhacaya kuwa is leh waxan aad sameeynaysaan waad ku liibaanaysaana waxaan leeyahay haddaanay ciddi idinku maqnayn been baa naftiina u sheegteene Ilaahay baa idinku maqan. Dadka aad hagardaameeyseen ka sokow; shicibka, mucaaradka iyo Ilaahayba wuu idinku maqan yahay ee laabta u sheega in aan marnaba waxan aad waddaan aanay sii socon doonin. Dad horaa waxan ku haligmay oo ay taariikhdu qortay. Haddalka badin maayee; xagee baa laga dheellaa in Hubaal inta askar dirayskii qaranka loo diro oo hagardaamo loo geysto haddana iyagii la xidho maadaama ay daabaceen maqaal af-Ingiriisi ah oo ka waramaayey dhaliilaha xukuumadda Kulmiye oo uu qoray nin Maraykan ahaa. Dalka miyaanay cadaaladdi jirin? siddee baa warageys madax banaan inta la soo weeraro haddana layskaga xidhaa miyaaney ahayn in wixii dacwad u qabaa Wargeyska inta maxkamadda la geeyo oo dacwadooda la dhegaysto ka dibna la xidho. Haddii kuwii sharciga daryeeli lahaa ay iyagii jebiyaan miyaaney ahayn mid laga jidhiidhicoodo. Shacabka waxaanu u sheegaynaa in arrinkani laga dhiidhiyo oo aan marnaba loo dul qaadan. Waxan maanta dalka ka dhacayaa waa markii ugu horeysay ee dhacdadan oo kale ay dalka ka dhacdo ee hoos halaysugu noqdo.

 

Saxaafadda kalena waxaan leeyahay sharaf iyo magac bulshaddiina kula dhex noolaadda Ilaahay mooyaane cid kalena ha ka baqina oo haw habranina oo daacadnimo ummadda ugu shaqeeya. Dadkaa geesi lagu yahay ee inta gawska dhaafsatay sharaftana ha u soo noqoto milgaha qofka bini aadamka ah taasaa in badan aad ku ceeshi doontaane maaha dan yar oo gaara oo madaxtooyadda kaaga xidhan inaad xadka u dhaaftaan.

 

Guddoon dhacayna waa doqon ninkii, gaar u faashadaye

Guri ba’ayna waa cadow ninkii, raarta sii guraye

Gobannimana waa quus ninkii, gawska dhaafsadaye.

Tuducyo ka mida gabaygii Hadraawi ee Gudgude.

 

Waxaanan baaq u dirayaa in xukuumadda Kulmiye dib isu xisaabiso oo saxaafaddu noqoto mid madax banaan oo Hubaal milgaheedii loo soo celiyo, jawaabo deg-deg ahna laga keeno weerarkii ku dhacay xarunteedda magaaladda Hargeysa. Waxa kale oo aan xukuumadda ugu baaqayaa in ay sii deyso dhamaan weriyayaasha u xidhan sida xaqdaradda ah ee lagaga aar goosanayo iyagoo fikradooda ka hadlaya. Weriyayaashaasi oo faro badan oo haatan xidhan. Dalku yaanu inaga noqon mid dadka hadlana la xidhayo, ka wax dilana la sii deynaayo. Ilaahay baa idin arkaaye xukun caadila ummadda u horseeda Kulmiyoow intaad talladda haysaan oo intii xukuumaddi hore sameysay haynaga burburinina. Ilaahay baa mahad leh.

 

Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen

Qarannews

Hargeisa

 

Xaqsoor waa la mustafeeyee birtu waxa ay dul’saarantahay Dalsan, Rays iyo hadhaagii UDUB

$
0
0

Hadii ayno yara milicsano hab dhaqanka siyadeed ee madaxweyna Somaliland mudane Axmed Maxmed Siraanyo, waxaa uu ku caanyahey sameyta guruubyo ama kooxo siyasadeed oo iska soo hor jeeda  aadna u kala fikir fog, isagoo kolba  koox hoosta gashada inata uu meesha uu doono gaadhayo takalena fogeeya, hadana tii uu shaley uu cadow u arkayey soo kaxeysta tii uu la socdeyna codow ka dhigta meeshana ka saara, waxaan intas u dheer isagoo guruubka uu u arko inuu khadar ku yahey kala fur fura oo fitir iyo fatir u tuura.

Hadii aynu dib u eegno taariikhda mudane siiranyo oo mudo ka badan 40 sano umada hortaagnaa, waxaa uu ahaaaaaa abuurihii labadii guruub ee ay u kale qeybsanaayeen mujaahidiin (SNM} ee la kale oran jirey {shiish iyo khaakh} kuwaasi oo ragaadiyey halgan kii hubeysanaa, isagana dhaxal siisey inuu uu noqdo gudoomiyahii ugu wakhtiga dheeraa ee snm.

Hadii aynu sii yara wadno tariikh xumada macalinka waxaa uu ahaa kii keeney ama u ololeyneynayey gudoomiyahii isga xilka kala wareegey ee C/raxmaan Axmed Cali ilahey how raxariistee 90′kii, hadana waxa uu ahaa masuulkii ugu horeeyey ee yidhi ma jirto Somaliland sanadkii 91′kii huriyeyna dagaalkii sokeeyo ee ugu horeeyey Burco.

Xukuumadii marxuun cigaal mucaarid ayuu ku ahaa , hada wasiir ayuu ka noqdey, iley bahal qeydhiin ma daayo nin caadadii ma baajo, waxaa uu sameeyey xisbiga kulmiye u gudoomiye ku xigeen iyo madaxweyne ku xigeen u watey mujahid c/raxman aw cali, hadana seylici ayuu    kada daba keeney oo uu ku badaley.

Madaxweynahu markii ku guuleystey kursiga waxaa ka bilaabey xisbigii mucaridka la ahaa ee ucid hadana hogaankii sare ee xisbigas ayuu hoosta soo gashadey oo ah C/raxmaan Ciro ee uu xisbiga wadani u furey, isagoo xisbigii guunka aha ee udubna daaqada kala baxey.

Gudoomiyahii xisigiisii Kulmiye ayuu ku wareejiyey mujahid Muuse Biixi hadana waxa uu kadaba wadaa Samaale.

Doorashooyinkii dowladaha hoose ee u danbeeyey ayuu mudanaho ku galgashey isagoo ururadi qar soo dhaweytey qaarna reebey,dalsan ,reys iyo xaqsoor ayuu u tuurey hadana reys iyo dalsan ayuu soo kaxeystey oo uu kulmiye ku darey.

Hadaba ururka xaqsoor oo ahaa ururadii aad u qaadacey natiijadii dorashooyinka dhibka badana ka soo gaadhey taageerayaashiisa in badana dulmi sheeganaayey ayaa caawa sheegey in uu afgar buuxa ga gaadheen khilafkii ay sheegayeen iyagoo wax tafasiilka ka bixin waxa lagu heshiiyey iyo halka ay ku danbeyn doonto rajadooda siyasadeed.

Hadaba waxaa xaqiiqo ah in aano aheyn madaxweyne siinraayo mid isku wadi kara ama isku hoganmin kara siyasiyiin kala fikira, sidii cadadiisa aheynd bilaabi doona isku badalkisa siyasiyiinta iyo xisbiyada,ayaa waxa is weydin leh, xaqsoor waa la mustafeeyee, yey birto dul taalaa dalsan,reys iyo hadhagii udub?

By Ahmed Lucky

Axmed Yusuf Cabdi
lucky571@hotmail.com

Wasiirka arimaha dibadu wuxu garan la’ yahay inu xildhibaan Ibrahim Buube yahay xildhibaan la so doortay oo codka shacabka ku hadali kara‏

$
0
0

Wasiirka arimaha dibadu wuxu garan la’ yahay inu xildhibaan Ibrahim Buube yahay xildhibaan la so doortay oo codka shacabka ku hadali kara‏

Waxan maanta aad iyo aad ugu faraxsan nahay sida geesinimada leh ee golihii wakiiladu heeryadii xumeyd ee guulwadeynta isaga rogeyn, waxan leeyahay mudanyaasha heeryada tuurey halka ka wada shacabkaad matashaane wa waajibaad idin saaran inaad toosisan maamulkeena qaloocday, ”

 

waxan maanta leeyahay NOOLATEY IDIDIILADII NAXASHKA SAARNEYD. waxa hambalyo iyo bogaadin iga mudan Xildhibaan Ibrahim M Buuba, Xildhibaan Bashiir Tukaale iyo Xildhibaan Hoori oo runtii maanta waajibaadkoodi si geesinimo leh u gutey waan mid ay taarikhdu qori doonto, mudo badan bu golahan wahabsaarna oo guulweyntu badneyd o uu shacabku amakaagsanaayeen, waase guul maanta inoo kowsate haddii ad kaga yoomiseen wasiirkii arimaha dibada ee warbixinta xaqiiqda ka fog idinla yimid..

 

Waxan talo ahaan odhan laha mudanyaasha kale ee wali heeryadu saarantahay waxan leeyahay waar shacabkaad matashan oo idin soo doortey codkooda ku fadhidan golayaasha qaranka ee wa inaad waajibaadkiina kaso baxdan o ad ogaatan wixi la idin igmadey iyo hawsh qaranbku idinka sugayo,

 

 

Waxa qoraalkan gaaban igu kalifey markii aan saxaafada iyo warbaahinta ku arkey habdhaqanka wasiirkeena arimaha dibada somaliland md M A Omar oo warbixin siineyay golaha wakiilada JSLand,  Waxa runtii nasiib daro ah oo an markale aad uga xumahey wasiirkii oo ku margaday su’aalihii xildhibaanadu weydiineyeen islamarkan u adkeysan waayay su’aalihi islamarkan uu jawaab waafiya u waayay inu ka bixiyo su’aalahaasi.

 

Waxa iyduna mid laga xumaado ah marku wasiirku kala garan waayay xildhibaanadu shaqada ey qaranka u hayaan. waxa ka mid aha hadaladii ee uu ku dureyay xildhibaanada adigu xildhibaan shacabka uma hadali karti ee shakhsiyadaada u hadal intaasa inagaga filan wasiirku in anu garneyba mas’uuliyada xildhibaanada golaha wakiilada iyo cida soo doortey cida ay tahay, miyaanu ogeyn inu xildhibaanku yahay mid shacabku soo doortey o codkii shacabku hadali kara, wa nasiibdaro in maanta madaxdeeni aqoontoodu heerkaasi mareyso, waxba kusii dheeran maayo wasiirka iyo maamulkeena qalcoon waxaad kaga bogon doonta qoraalka hoostiisa sheekadii dhex martey wakiilada iyo wasiirka arimaha dibada.

 

Waxa na hadalkeyga kuso gabagabeynaya xildhibaan waajibaad ba kusaaran ee ka soo bax shacabku adigu ku igmaday ee wa inaad toosisa maamulka iyo shuruucada qaranka oo anad cidna uga habran.

 

Waxan halkan idinkuso lifaaqey sidu aha jawiga golaha wakiiladu maalintaasi wasiirku warbixinta la hore yimid golaha wakiilanda iyo sida u ha jawiga wasiirku iyo xildhibaanadii geesiyada aha ee ku boobey su’aalaha

 

 

Omar Darood Hassan

Norway

 

markii an dhageyste tababarihi iyo kaptankii gobolka Togdheer oo warbaahinta si fiican uga sheekeyay sababtii keentey khilaafka dhalinyarada iyo guuldarada gobolka ku habsatey, tababaraha iyo kaptanku waxey ka dhawaajiyeen in mashkalada ba aabo uu yihiin laba wasiir oo kala ah wasiirka arimaha gudaha iyo wasiirka ciyaaraha wa kuwo cayaartoyga qabyaalada kuso kala xushey ee GOBOLKA KA DHIGAY LABA DAAMOOD kuna so xushey cayaartoyga hab qabiil kuna qeybsaday.

Somaliland’s role in potential Egyptian-Ethiopian War

$
0
0

Tension is increasing as Ethiopia and Egypt continue to butt heads over the Nile River. Ethiopia remains firm on building the $42 billion Grand Ethiopian Renaissance Dam. Egypt is determined to stop Ethiopia from building the dam, claiming that Egypt is the “gift of the Nile” and water supply will decrease by 20% and hydroelectric power would decrease by 40%.

The battle over the Nile has already drawn neighboring countries into the dispute. Sudan and South Sudan have expressed their support for Ethiopia’s dam, while Somalia declared their allegiance to Egypt.

Earlier this month, Egyptian army officials arrived in Somalia to discuss revamping the Somalia National Army and building a possible Egyptian military base. It appears that if Egypt & Ethiopia do go to war, Egypt is relying on Somalia’s strategic location to attack Ethiopia. In order to do so, they will need to go through Somaliland first – with the help of Somalia.

Which comes to the question: What is Somaliland’s stance on this issue and what role would they play?

The people of Somaliland will never forget the role Egypt played during the struggle years against Siad Barre’s regime. Egypt armed and supplied military hardware that was used to slaughter the people of Somaliland. After reclaiming our independence in 1991, Egypt has been using their influence in the Arab/Africa world to hinder any chance of us getting recognition.

Somaliland’s strongest ally in Africa is Ethiopia. Since reclaiming the independence we were granted in 1960, Ethiopia and Somaliland have shared an unbreakable bond. Both countries have operated on issues such as trade and security. A close relationship – but not close enough considering the fact they have yet to recognize Somaliland as a sovereign nation.

Regardless, Somaliland remains loyal to their brothers of Ethiopia. If the two countries do go to the war we will support them through thick and thin.

The Somaliland government has made their stance on this issue clear and expressed their commitment to defend Ethiopia. That being said, we need Ethiopia to meet us half-way and take the lead of granting us our rightful recognition. It’s time we stop lying in bed with each other and make our relationship legal and official.

Ethiopia has every right to use the Nile waters to develop their nation and provide for their citizens just like other countries situated on the Nile. It’s in Egypt’s best interest to diplomatically resolve this issue with Ethiopia and reach a common solution that will benefit both countries. If Egypt insists on stirring chaos, Ethiopia can definitely count on the people of Somaliland to help them fight off any potential threat.

The author of the article can be reached at robleh.m@gmail.com or on twitter – @RM_Laf

Golaha Guurtida Oo Siyaasada Khaarajiga Go’aano Ka Soo Saaray, Kuna Baaqay In….

$
0
0

Golaha Guurtida Oo Siyaasada Khaarajiga Go’aano Ka Soo Saaray, Kuna Baaqay In Talo Qaran Laga Yeesho Ajaanibka Sida Sharci Darada Ah Dalka Ugu Soo Qulqulaya

Hargeysa,(Qaran news)–Guddiga siyaasada arrimaha dibada golaha Guurtida ayaa go’aamo ka soo saaray xaalada siyaasada khaarajiga Somaliland halka ay marayso iyo doodihii goluhu ka yeeshay qodobka 3′aad ee siyaasada arrimaha dibada ee kalfadhiga 50′aad. Guddiga arrimaha dibada golaha guurtida ayaa fadhiga shalay oo uu gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad Siciid Jaamac Cali waxay golaha soo hordhigeen go’aamada siyaasada arrimaha dibada Somaliland iyo duruufaha ku gadaaman.Gudoomiyaha guddiga siyaasada arrimaha dibada golaha guurtida Sahal Iidle Dirir oo warbixintaasi ka hor akhriyay gole-weynaha nuxurka warbxintaasi iyo go’aamada guddiga siyaasadu waxa u dhignaayeen sidan:- “Guddida siyaasada arrimaha dibada iyo iskaashiga xidhiidhka caalamiga ah oo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee uu faraayo xeer hoosaadka goluhu qodobkiisa 7aad waxa ay ka bilowday hawsheeda shaqo ajandaha ka;lfadhiga 50aad qodobkiisa 3aad oo u dhigan:-

a) Siyaasada arrimaha dibada

b) Siyaasada arrimaha gudaha

Iyo doodii mudanayaasha goluhu ka soo jeediyeen in warbixin ka soo samayso guddida siyaasada arrimaha dibadu.

Sidaas darteed guddidu waxay yeelatay kulan qaatay laba maalmood 12/06/2013 iyo 15/06/2013.

Siyaasada guud ee dalka:-

Siyaasada arrimaha guduhu waa ta laga dheehan karo sugnaanta amanka, dawlad wanaaga, maamul daadajinta iyo isku xidhnaanta bulshada iyo xukuumada iyo gabi ahaanba horumarka bulshada sida waxbarashada , caafimaadka, biyaha iyo dhiska ciidanka Qaranka, Booliska iyo Asluubta iyo Sirdoonka. Siyaasada arrimaha guduhu waa muraayada laga daawado arrimaha dibada, inkastoo aynaan odhan Karin wax waliba waa dhamaystiran yihiin hadana maanta waxay siyaasada arrimaha guduhu maraysaa meel fiican oo ay tahay in laga sii amba qaado. Hadaynu yara milicsano siyaasada guud ee dalku marayo waxa jira shirar badan oo dawladu ka qayb gashay, kuwaas oo loogu arriminayay wada hadalo siyaasadeed oo dhex mara Somaliland iyo Somalia, iyadoo lagu wada hadal siinayo meeqaam ah laba dawladood oo siman, kuwaas oo ku yaala Geeska Afrika. Waxa xusid mudan in bishii may 2013 uu taageero u muujiyay raysalwasaaraha Itoobiya Mr Hailemerian Dessale shacaka Somaliland khudbadi dheerayd ee uu ka jeediyay aqalka Baarlamaanka dalkiisa, taas oo u baahan in qiimayn lagu sameeyo Hab-dublamaasiyadeedna looga jawaabo, iyada oo mar kasta maanka lagu hayo danteenu halka ay ku jirto. Intaa ka dib waxaanu soo jeedinaynaa wixii talooyin ahaa ee ka soo baxay doodii mudanayaasha iyo kulankii guddida arrimaha dibada iyo siyaayada.

1. Waa in shacab iyo dawladba la taageero go’aanka ay xukuumadu kaga arriminayso hawadeena, badeena, iyo dhulkeena sida sharcigu dhigaayo, qaramada midoobayna ay aqoonsataa Distoorka iyo shuruucda kale ee dalka Somaliland leedahay.

2. In siyaasada debeda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee ay xukuumadu wado lagu garab istaago si looga midho dhaliyo ictiraaf raadinta JSL.

3. In wada hadaladii u socday labada dal Jamhuuriyada Somaliland iyo Somalia la sii amba qaado haddii aanay Somalia si cad uga bixin wadahadalada dhinaceeda.

4. In wasaarada arrimah debedu dardar galiso xafiisyada uga furan dalalka debeda jaaliyadahooduna loogu xidhi lahaa xafiisyadaas.

5. Si looga gudbo carqaladaha nabadgalyo, siyaasadeed iyo dhaqaaleba waa in shacabka reer Somaliland gacanta is qabsadaan meel uu joogaba.

6. Waa in laga yeesho siyaasad cad oo ku wajahan dadka badan ee aanay duruuf dhaqaale inoo keenin iyo dagaal toona oo inagu soo qulqulaya isuguna jira dad gaboobay, Curyaamiin, Indhoolayaal, Bukaan iyo caruur yaryar, kuwaas oo dhibaato weyn oo dhaqan dhaqaale inagu haya.

7. Xukuumadu ha samayso dad aqoon-yahano ah oo caalamka ka dhaadhiciya qadiyada Somaliland.

15/05/2013 waxay Somaliland soo saartay go’aan daba socda qaraarkii ay Qaramada Midoobey Hawada Somaliya iyo Somaliland-ba ugu wareejisay dawlada Muqdisho, go’aankaas oo u dhigan:- “Somalilan waxay si adag u mabnuucday duulimaadyada Qaramada Midoobey waxaanay sheegtay hawada Somaliland inaan Muqdisho laga xukumi Karin, talaabada Qaramada Midoobey qaadaysana waxay ku tilmaantay mid lagu degdegay” Hadaba laba cisho ka dib 17/05/2013 waxay qaramada midoobey qirteen in go’aankii Somaliland ku xayirtay hawadeeda uu ahaa mid Dawladnimo aanay u hogaansami doonaan wadahadalo arrintaa lagu xalinayana la bilaabi doonaan xukuumada Somaliland.

Haatuf


Salaadiinta Sacad Muuse iyo Gudida dhex- dhexaadinta oo dib u dhigay,mar kalena mudeeyay shirweynahii beesha

$
0
0

Hargeisa-(Qaran-news)- kulankii u danbeeyay ee lagu soo af jarayay shirka sacad muuse oo ay goob joog ka ahaayeen salaadiinta beesha Sacad Muuse iyo gudidii dhex dhexaadinta ayaa soo saaray in shirkii Sacad Muuse laqabandoono 17-ka bisha 8aad ee 2013-ka. Sidoo kale waxa ay go’aamiyeen gudida qaban qaabada in ay salaadiintu soo xuli doonto, tiradooduna noqon doonto 39 xubnood, iyadoo shirka laga fogeeyay arrimaha siyaasadda oo uu noqon doono mid dhaqan oo ay madax dhaqameedku hogaamiyaan.

sa

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudida dhex dhexaadinta Beesha yidhi Muxumed Aw-Axmed waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Halkan waxaa fadhiya madax dhaqameedkii iyo Salaadiintii Beesha sacad muuse iyo Gudi khilaafaad yar oo jiray si ay u xaliso u soo dhexgalay oo Gudiga khilaafsaarka la yidhaa runtii arinku wuxuu u dhacay si aad u qiimo badan khilaafkiina wuu naga baxay  si wanaagsan oo aan turxaan lahayn ayaa loo heshiiyey waxaana lagu heshiiyey in shirkii la qabto oo uu socdo ayaa lagu heshiiyey oo shirqudha ahi uu qabsoomo markii hore khilaafaad baa jiray, hada meesh wuu ka baxay oo shir qudha ayaa lagu heshiiyey iyo gudi qudha oo qaban qaabo iyo madax dhaqameedka oo wada”. Ayuu yidhi Muxumed Aw-Axmed
sa1
Dhanka waxa isna halkaasi ka hadlay Suldaanka Guud ee Beeshaasi waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaanu shacabka yaga u sheegaynaa inuu shirkii najaxay  oo uu noqonayo shir wanaagsan oo qiimo badan, waxaa kale oo aanu u sheegaynaa dhan walba markaanu ka eegnay waxaanu ka fikirnay maadaama oo bilo cibaado la galayo in aanu shirkii dibu dhigno oo hore ugu mudaysnaa 24-ka June oo aanu ka dhignay 17-ka bisha august hadii alle idmo, waxaanu leeyahay shacabka guud ahaan gudo iyo dibad reer ka labeentisii wataa fadhida ee ay  Guurtidiisii, madaxa dhaqameed kii sii, iyo salaadiintiisii halkaa wada fadhiyaan”.

 

 

 

Suldaanku isaga oo Hadalkiisa sii wata waxa uu beeleha kale ee Reer Somaliland u soo jeediyey inuu shirkan noqondoono mid walaaleeya waxaanu yidhi “waxaanu beelaha kale ee shacbiga reer Somaliland-na u sheegaynaa shirkaasi inuu noqondoono shir aanu kaga shaqayno walaalaynta, oo aanu beelaha dariska-na kula noolaano walaaltinimo kuna dhisno Qaranka oo danta Guud ee Qaranka ee Caamka ahna waafaqasan”. Ayuu yidhi Suldaan ku.

 

Salaadiinta iyo gudida xalinta arrimaha shirku waxa ay meesha ka saareen guddiyadii hore ee kala taageersanaa garabyada siyaasada isku hayey ee khilaafku hadheeyay, waxaana guddida cusub ee ay salaadiintu soo xulaysaa noqon doonaan kuwo tusmo kaga yimaada jilibyada beeshu ka kooban tahay.

Wahen

 

 

 

 

Shidaal La’aan soo foodsaartey Somaliland + Doorkii xukumada Siilanyo oo banaan+Takaasidii oo kordhisay qiimihii+Kaalimihii Shidaalka oo joojiyey iibinta Bedroolka.

$
0
0

Shidaal La’aan soo foodsaartey Somaliland + Doorkii xukumada Siilanyo oo banaan+Takaasidii oo kordhisay qiimihii+Kaalimihii Shidaalka oo joojiyey iibinta Bedroolka.

Hargeisa-(Qaran-news)- Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafey Waxaa magaalada Hargeysa iyo qaar ka mid ah Magaalooyinka kale ee Somaliland oo aanu xidhiidh xagga Isgaadhsiinta la sameynay soo foodsaartey shidaal yaraan si weyn loo dareemay siiba Badroolka oo ay aad u iscticmaalan baabuurta yaryar  iyo Takaasidu.

Kaalmaha shidaalka (Gas Station) iibiya ayaa intooda badani joojiyeen iibinta Badroolka markay dareemeen inuu gabaabsi ku dhaw yahay,waxayna lacag qaali ah kaga iibinayaan dadkay yaqaanaan ama macaamiisha u ah oo keliya. Tusaale ahaan kaalimaha shidaalka ee sida qarsoodiga ah u iibinayaa Badroolka ayaa Tobankii Litir ee Bedroolka ah  ku gadaaya $15 ilaa & $19.

Badrool yaraantan soo foodsaartey Caasimada Hargeysa iyo gobolada kale qaarkood ayaaney ka hadal xukumada Siilanyo oo ku mashquulsan xaflado bilaa macne u badan oo ka socda Hoteelada Hargeisa.

Ilaa shalay ayaa dadka Isticmaala   ama noloshoodu ku tiirsan tahay Takaasida yaryar dareemeen  Qiimaha lagu kiraysto Takaasida oo si  tartiib tartiib ah u kordhayaa.

Geesta kale gaadiid badan oo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ayaa Bedrool la’aan awgeed layska dhigay markii loo waayey galaan Bedroola.

Tu kale kaalimaha shidaalka iibiya ayaa si ay macaash badan u helaan joojiyey iibinta shidaalka bedroolka islamarkaana si qarsoodiya uga iibinaya dad gaara iyagoo kaga iinbinaya lacag qaali ah.

Isku soo wada duuboo sababta keentay shidaal yaraanta ayaa loo sibirsaarinayaa xukumada Siilanyo oo aan sameyn kayd shidaal iyo siyaasad shidaal oo lagaga badbaado marka marxaladaha noocan oo kale ahi yimaadaan ama shidaal yarin soo wajahado dalka.

Qarannews

Hargeisa

Somaliland Recognition Is The Solution Of The Somali Problem

$
0
0

TO:  CENTER FOR STRATEGIC

& INTERNATIONAL STUDIES

 

 

SOMALILAND RECOGNITION IS THE

SOLUTION OF THE SOMALI PROBLEM

 

The international community has made several brave efforts to rescue and reconstruct the disintegrated State of Somalia.  All these brave efforts had however failed and Somali proper still lies in ruins and is still a theatre for marauding warring militants.  All the experts, the political analysis’s and the experienced anthropologists called to help, have in their turn also failed to diagnose accurately the causes of the dilemma.

These experts have for the first time came up against native problems, which defied their pet theories, their quaint conclusions and their misinterpretation of the abstract indices of native cultures.

 

The poor eminent men and women could not admit that all their learned treaties were wrong, it was more convenient to accuse the leopard of changing its spots.  The search for a solution of the Somali problem was always dogged by anomalies and ambivalences, which in one form or another emasculated every reconciliation effort.  To understand those anomalies and ambivalences we must go back to the recent history of the Horn of Africa.

In 1943 after the defeat of the Italian Colonies in East Africa a British Military administration took over all the Somali inhabited territories in the Horn of Africa.  For the first time in one hundred years the Somali people were under one common administration, with a common currency and a common tariff.  With the help of the huge military expending of the conquering British forces, there was an unprecedented boom in the Somali territories.  The idea of remaining united and holding on to this bonanza of the union took hold over the minds of Somali leaders.

 

The British Labor government of the time welcomed the Somali aspirations and proposed an expanded British Protectorate over all the Somali territories except the French Somali Coast; as the present Republic of Djibouti was known then.  The proposal never found support in the council of the great victorious powers but the Somali clung to their hope and Greater Somalia was over since then the centerpiece of their political aspirations.

 

In 1960 British Somaliland Protectorate and the Italian Trust territory of Somalia gained their independence and immediately united as the first step towards Greater Somalia.  In 1963 the third step was almost taken when the British conservative Government of Harold Macmillan showed some sympathy and undertook to ascertain the wishes of the people of the NFD, Kenya and promised to act according to those wishes.  Then an alarmed emperor of Ethiopia appealed to President Kennedy and a phone call from the Oval Office in the White House to No 10 Downing Street upset the Somalis for good.   Consequently a disappointed and a bitter Somalia took up unrelenting confrontation with its neighbors and Horn of Africa had never known peace or constructive development.  Eventually the rebellion against the Siyad Barre Dictatorship broke the spell of extreme nationalism.

 

Now all the great powers, the AU, and the Government of the Horn of Africa countries, who is the 1960s denied Greater Somalia and made it into a pernicious concept, are now talking in a confused ambivalence about the Territorial integrity of Somalia.   The Territorial integrity of the Democratic Republic, which was ruled by Mohamed Siad Barre “Af-Weyne”, is that of Greater Somalia but the Territorial integrity of Somali is that Territory which was once an Italian Colony.  What is required for the solution of the Somali Problem is clarity of objectives and expressions.  The politics of the Nile River must not be allowed to bedevil the Somali reconciliation and the Ethiopian ambivalence over Somalia and Greater Somalia must be resolved.  A truncated Greater Somalia composed of the former Italian colony and the British Protectorate is impractical and unacceptable.

 

What then?  I am proposes that if the Territorial integrity of the Democratic Republic of Somalia is to be preserved, then I am asking that the Government of United States of America, The Government of UK, and the Government of the Republic of South Africa should form a panel to organize the formation of a state of the Somali inhabited Territories in the Horn of Africa.   Then were a golden opportunity, which was missed in 1960, and a humanitarian mission of the first category.    The problem of the warning factions will immediately evaporated at the moment this mission is announced and a new grateful nation will appear in the Horn of Africa, bringing constructive contributions to the region and an everlasting peace to the Horn of Africa.  We abjectly beg this Government to pity the agony of this tortured nation and to do the right thing at long last

Without embracing this noble scheme of building the only homogeneous nation in Africa, the nation of any other territorial integrity is a blasphemy, under such circumstance SOMALILAND DEMANDS RECOGNITION of its sovereignty and resents vehemently and equation of itself with the factions of Somalia.

 

 

ANIIS A ESSA…..DIRECTOR

SOMALILAND ADVOCACY GROUP

WASHINGTON DC.

ANIIS@YAHOO.COM

Maxaa looga Cabsadaa Mugdiga iyo Mustaqbalka?

$
0
0

Habeenku uu ka cabsi badanyahay maalinta, iydoo laga yaabo in khatartu badantahay maalintii. Marka laga reebo xayawaanka qaarkii, wixii kale ee naftaada khatar gelin kara oo dhami maalintii ayay socdaan, haddii ay tahay dad iyo haddii ay tahay gaadiidba. Haddaa maxaa habeenkii marka ay madowdahay ay u cabsi badantahay. Nin an saaxiibnahay ayaan saaka weydiiyey su’aashan waxaanu iigu jawaabey “habeenkii markey madowdahay si fiican wax u arki meysid oo laga yaabee in meesha ad mareysu uu qof fadhiyo geedka hoostiisa adna aanad iska arkeyn. Waxan ku idhi haddii geedka ad sheegtey uu qof hoos fadhiyo dharaar cad miyaad ka baqeysaa, wuxu yidhi maya. Hadda maxaad habeenkii uuga baqeysaa haddii uu qof hoos fadhiyo geedka?

Waxa cabsida keeney habeenkii markey mugdiga tahay maaha habeenimada, mana aha madowga. Marka ay meeshu iftiintahay ama ay dharaar tahay taladu adiga ayay gacanta kuugu jirtaa marka ay madowdahayna talada wax yar ayaa gacanta kuugu jira amaba talaba gacanta kuuguma jirto ee nasiib ayaad ku socotaa. Maalintii waxa ad arkeysaa dadka iyo gaadhiidka hortaada socda, kuwa ku weydaaranaya, kuwa kale ee meel taagan, cadceeddu dhinaca ay kaa xigto. Waxan oo dhan ee kuu muuqdaa waad ka cabir qaadaneysaa. Waxa ad sii arkysa waxa kugu soo socda waanad ka beydheysaa ama waad ka ordeysaa ama waad u diyaargaroobeysaa inad iska celiso haddii ay khatar tahay. Dad kale ayaa kuu soo gurmanaya xataa haddii ad khatar gasho dharaartii, balse habeenka madow qof walbaa isagaa naftiisa u werwersan.

Marka ay mugdiga tahay, waxa ad ka baqeysaa waa in wax fajisiciso ihi kula kulmaan. Ninka geedka ad ag mareyso hoos fadhiya dharaartii waxa ad arkeysa dharka nooca uu xidhanyahay oo kuu sheegi kara inu waalanyahay iyo inu miyir qabo. Waxa kale oo ad arkeysaa inu nin xoog weyn yahay oo khatar ku gelin kara iyo caruur yahay ama qof gaboobey. Habeenka madowse dhinaca xun ayaa wax kastaa kuugu khaakhaayirayaa.

Mustaqbalka laftiisa waa laga baqaa sida mugdiga looga cabsado, waayo waxa soo socda ee uu wato ayaadan garaneyn. Horta wax kasta oo noloshaadaa sameynayaa waxa uu kaa jiraa dhinaca mustaqbalka, markaa waa kugu qasab inad markasta mustaqbalka ka fikirtaa. Baqasho uu leeyahay oo waxaaba ku xidhan wadkaagii oo ad ogtahay inu kaa jiro dhinaca mustaqbalka oo wakhti kugu soo socda ad dhiman doonto. Noloshii reerkaaga, mustaqbalkii caruurtaada, imtixaankii ad gashey oo natiijadiisii aanad weli ogeyn, baayacmushtarkaagii oo dhan ayaa natiijadiisu ku xidhan tahay mustaqbalka.

Bal waxa ad ka warrantaa, haddii la sameeyo muraayad la xidhan karo habeenkii oo wax kasta sidii dharaarta oo kale kaaga dhigeysa. Dabcan maad cabsateen oo wax kasta oo kuu dhow iyo wax kasta oo kaa fogba waad arki laheyd. Dhibaatada kugu soo socotana waad sii ogaan laheyd wand ka sii gaashaaman laheyd oo meeshii ad ku socotey adoo nabad qaba ayaad gaadhi laheyd. Balk a warran haddii muraayaddaa mugsiga dharaarta kaaga dhigeysa iminkaba la sameeyey oo la isticmaalo. Diyaaraduhu habeenka madow inta ay cirka maraan iyaga oo ku socda xawli aad u sareeya ee daruuraha iyo roobabka dhex jibaaxaya inada oo markiiba boqolaal kun oo diyaaradood hawada ku wada jiraan ee aan hadana isjiidheyn ama aan lumeyn. Mid walbaa sida ay cirkaa madow u socoto ayay halkii ay ku socotey fadhiisataa. Diyaaradahaasi habeenka madow socdaa iyaga ayaa ka khatar yar gaadhiidka dhulka socda dharaarta cad. Waxay diyaaraduhu heystaan wax la mida muraayadda an sheegey ee ku sii tuseysa wax kasta oo kuu dhow iyo wax kasta oo kaa fog, sida darteedna inkasta oo ay mareyso meel madow haddana direewalka wadaa cabsi ma qabo oo taladu gacantiisa ayay ku jirtaa.

Oo haddii cabsidii madowga xal loo helay, miyaan cabsida mustaqbalkana xal loo heli karin? Ka warran haddii ad leedahay karti ad ku garan karto mustaqbalka oo ad wax ku sii ogaan karto. Dabcan taa lafteeda cabsidu wey kaa yaraan laheyd. Haddii masalan ad sii ogaan karto natiijada ad imtixaanka keeneyso, ama meesha ad aqoon ahaan gaadh kartid 10 sanadood dabadood. Ama shaqada nooca ad dooneyso inad ka shaqeyso, amaba haddii ad tahay hoggaamiye dal ama umadeed halka ad rabto inad gaadhsiiso 5 sanadood gudahood. Ka warran haddaad awoodaaba leedahay ama ad heysato wax kuu sahlaya inad tidhaa umad yahay shan sanadood dabadood halkaa iyo halkaa ayaan idin gaadhsiinayaa, dhaqaalahana sidaa ayaan ka yeelayaa.

Muddo an ku qiyaasayo laba sanadood ka hor ayaan daawadey barnaamij ka socdey TV-ga, weliba an u maleynayo inu ahaa HC-TV oo ka warramaya xidgiska iyo sida Soomaaliladu xidigaha uuga sii garan jirtey waxa ku soo socda. Weriyihii barnaamijka sheegayey kolba waxa u soo dhaca tilifoon ay soo dirayaan dad TV-ga daawanaya oo ku leh, waar waad danbaabeysaa ee qeybka waxba haka sheegin, Ilaahey mooye qofna ma oga waxa soo socda e. Dadkaa tlifoonka soo diraya qaarkood London ayay ka soo dirayaan. Anigii ayaa yaabey oo idhi dadkani miyey is yeelyeelayaan mise ogaal la’aanta mustaqbalka ka heysa ayaa waxan oo cabsi ah ka keentey. Waa dhab oo Ilaahey mooyee cid wadka sii ogi ma jirto, balse wax kasta oo kale waa la sii ogaan karaa. Sowtan TV-gu sii sheegayo asbuuca soo socda oo dhan sida ay hawada London noqon doonto ee qofku u sii diyaar garoobayo haddii ay dhaxan tahay ama haddii uu roob imanayo saddex maalmood ka dib. Sowtan malaayiinta qof meelaha qaarkood laga daad gureynayo ee la odhanayo maalin heblaayo duufaan ayaan meel heblaayo ku habsanaya.

Mustaqbalkaaga iyo ka umaddaada inad ka taliso aqoon uun baa kaa xigta, caqli iyo maskax ayaa la isu geeyaa oo macluumaadka sii shiili kara oo kala shaandheyn kara oo ka soo saari kara sawir ama si cad kuu tusaya sida ay wax noqon karaan amase aad uugu dhow sidaasi. Waxa kasta oo qalin iyo bug loo qaato lagana dood, si cilmi ah, natiijo ayaa ka soo bixi karta wanaagsan. Wixii tegey wey tegeen oo tiigsimaad malaha, marka laga reebo sida ay muhiim u tahay inad cashar ka barato oo meelihii ad wanaagga kala kulanteyna sii adkeyso, meelihii ad qaladaadka ka sameyseyna ad isku deydo inaaney mar kale kuu dhuuman ee ad ka diyaar garowdo.

Marka siyaasadda laga hadlayo, waxa maanta jooga wax yar ayaa laga qaban kartaa amase waxba kama qaban kartid. Waxa ad arkeysaa waa natiijadii wax soo bilaabmey xilli hore. Waxa maanta jooga waxa keliya ee ad ka qaban kartaa waa inad iska ilaaliso inaaney khasaare badan kuu keenin iyo inad dhinaca faa’iidada lehna sii balaadhiso. Waxase gacantaada ku jiraa waa mustaqbalka oo u baahan inaanad marti u ahaane ee ad adigu sida ad rabto u xukunto. Waxa muhiim ah inad leedahay Kambas (Jiheeye) kuu sheega dhinaca ad u socoto inu yahay dhinicii saxa ahaa iyo inu yahay dhinicii kale. Waxad u baahantahay inad leedahay wax kuu sheegaya inad xawligii ad rabtey ku socoto iyo inad gaabineyso si ad u gaadho meeshi ad ku socotay wakhtigii ad ku talo gashey.

Haddii ad tahay ardey jaamacadda dhameynaya waa inad si cad kuugu muuqataa halka ad dooneyso inad gaadho shan sanadood gudahood. Haddii ad ganacsade tahayna waa inay kuu qorsheysantahay halka ad dooneyso inu ganacsigaago gaadho. Haddii ad hogaan umadeed heysana waa inay kuu caddahay oo ad sii sheegi kartaa halka umaddaada iyo dalkaagu gaadhayo wakhtiga soo socda, ka soo qaadba 5 sanadood ee soo socda. Haddii aanad hadafyadaa si cad u sii sheegi Karin maanta, waxay u badantahay inaadan meel fog gaadheyn.

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com

Halkan ka akhri kiisaska Xeer Ilaalinta Xukumada Siilanyo ku soo oogtay Maareeyaha iyo Tifaftiraha wargeyska Hubaal xiili weli xafiiskooda xayiraad saaran tahay.

$
0
0

Halkan ka akhri  Laba kiis oo Xeer Ilaalinta Somaliland  ku soo oogtay Maareeyaha iyo Tifaftiraha wargeyska Hubaal xiili weli xafiiskooda xayiraad saaran tahay.

Hargeisa-(Qaran-news)-Waxaanu halkan idiinku soo gudbinay nuqul ka mid ah ee gal-dacwadeed ay xeer ilaalinta Somaliland ku soo oogtay Maareeyaha iyo tifaftiraha wargeyska Hubaal xilli wargeyskooda iyo xafiiskoodaba xayiraadi saran tahay.

Yeelkeede hoos ka daalaco gal dacwadeedka eedaa aan weli maxkamada Hargeysa mudayn xilliga rasmiga ah ee la dhegaysanaayo.

Maareeyaha-iyo-Tifaftiraha-Hubaal

 

hub

Qarannews

Hargeisa

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>