Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Xoghaya xisbiga Waddani oo u caqli celiyay Cabdishakuur Cabdi Qaadir

$
0
0

Hargeysa (Qaran news)-Mid ka mid ah siyaasiyiinta beesha Hawiye Cabdishakuur Cabdiqaadir ayaa bogaadiyay gudiga doorashooyinka qaranka Somaliland mudaynta ay mudeeyeen doorashooyinka isi saaran, qoraalkiisa oo qaladaad ay ku jiraan  waxa markiiba ka jawaabay xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Maxamuud Adan Jaamac Galaal.

Waxana qoraalkiisu u dhignaa sidani hoos ku xusan.

Mucaarad & muxaafidba waanu ka midaysan nahay qaranimada & madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
@AAbdishakur
ka waantaaba isku dayga kala qaybinta shacabka JSL & qoraalada liita ee dhalamashka ah! Maamulka Muqdisho Gobolka Banaadir ma wada gaadho ee tiina dayacan ku ekaada!.

Qoraalka ama hadalka uu ka dhiidhiyay xoghayaha xisbiga Waddani ee Cabdishakuur Cabdi Qaadir oo uu soo dhigay baraha bulshada waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan.

 


Sidee ayaad xilli hore ugu baraarugi kartaa calaamadaha cusub ee dhiig-karka?

$
0
0

Guud ahaan, dhiigkarka looma heysto xanuun halis ah. Balse bahda caafimaadka adduunka ayaa ka digaya in haddii aan joogto loola socon cudurkan uu sababi karo xanuunno kale oo badan.

Hase yeeshee daraasad dhowaan ay dhiigkarka ka sameeyeen kooxda Machadka Baaritaanka Caafimaadka Hindiya (ICMR) ayaa lagu ogaaday in dadku aysan aad uga hadlin cudurkan.

Daraasadda oo lagu daabacay joornaalka caalamiga ah ee (IJPH) ayaa lagu sheegay in ilaa boqolkiiba 30 dadka dalkaas aysan iska baarin xanuunkan.

Waxaa jira dad kale oo badan oo daafaha dunida ku nool, gaar ahaan dhalinyarada oo dhaqaatiirt sheegayaan inaysan la socon xaaladdooda xanuunkan.

Waxaa jira dad qaba xanuunka balse iskala socda iyaga oo aan si joogto ula socon xaalkooda caafimaad.

Dhaqaatiirta ayaa sheegaya in haddii dhiigkarka aan joogto loola socon, ay imaan karaan cudurro badan oo khatar ah. Wuxuu horseedi karaa cudurro sida kuwa wadnaha ama xitaa dhimasho.

Dhaqaatiirta ayaa sidoo kale sheegay in dhiigkarka haddii si dhow loola socdo laguna daro habka qofku u nool yahay, aysan ka imaan karin khatar.

Xilliyadii hore, dhibaatada dhiigkarka ayaa bilaaban jirtay kadib da’da 50-60 sano. Haatan xitaa carruurta ayaa la daalaa dhaca dhiigkarka.

Cayilnaanta ama buurnida ayaa ah sababta ugu weyn. Isla markaana, dhiigkarka sare ayaa sidoo kale waxaa keeni kara isku buuq, hurdo la’aan, cunidda cunno ay cusbadu ku badan tahay amaba kuwa dufanta leh.

Cilmi baaris ay sanadkii hore samaysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba afartan iyo lix dadka Afrikaanka ah ay qabaan dhiigkar heerkiisu aad u sareeyo, arrintaas oo keenaysa in qaaraddu ay kaalinta koobaad ka gasho caalamka oo dhan.

Cilmi baaristu waxay sheegtay in habka aan caafimaadka waafaqsanayn ee loo nool yahay ay ka dhigan tahay in dadka Afrikaanka ah ee u dhimanaya xanuunnada halista ah ay ka badnaan doonaan kuwa u dhimanaya xanuunada lakala qaado marka la gaaro sanadka 2030-ka.

Soosaaraha warbixintan ayaa sheegay in arrintan la ogaaday ay tahay wax la yaableh maadaama uusan filaynin in uu arrintaas oo kale arko mudo tobanaan sano ah.

Magaalooyinka ay dadku ku soo badanayaan, cuntooyinka aan caafimaadka u wanaagsanayd, khamrida sida xad dhaafka ah loo cabo iyo jimicsi la’aan ayaa lagu sababeeyay dhibaatadan.

Calaamadahee mudan inaad degdeg dhaqtarka ugu tago?

Cadaadiska dhiigga ee caadiga ah ee qofka caafimaadka qaba ayaa ah 120/80 mm/Hg.

Tani waa xaaladda cadaadiska dhiigga ee wadnaha. Waana marka wadnuhu dhiigga ku shubmayo iyo marka uu sii deynayo una qeybinayo qeybaha kale ee jirka.

Balse haddii uu cadaadiska dhiiggu gaaro 140/90, waa inaad degdeg u raadisaa talo caafimaad. Haddii aad qabto dhibaato dhanka dhiigkar sarreeya ah waxaa lagama maarmaan ah inaad ka fiirsato cunnada iyo jimicsiyada aad sameyneyso.

Isla mar ahaantaa, daawooyinka uu dhaqtarku kuu qoray waa inaad joogto u qaadataa. Ha badsan hana yareyn xaddiga dawada uu dhaqtarku kuu soo qoray. Sidoo kale, dhiigkarka waa in joogto loo baaraa oo loola socdaa.

Sidee ayaad gurigaaga isaga baari kartaa dhiigkarka?

Dhaqaatiirta ayaa adeegsan jiray mercury sphygmomanometers. Balse haatan qalab koronto ku shaqeeya ayaa sidoo kale la heli karaa si loo baaro dhiigkarka.

Qalab tayo fiican leh ayaa lagu iibsan karaa lacag yar. Inkastoo qaabka loo isticmaalayo ay tahay in lagala tashto kalkaaliyeyaasha ama dhaqaatiirta sida meesha lagu xirayo iyo sida loo dhuujinayo.

Guud ahaan, qofku waa inuusan aalkolo cabin amaba sigaar cabin 20 daqiiqo kahor inta uusan iska baarin dhiigkarka.

Aad isu deji marka aad iska baareyso dhiigkarka. Si fiican ugu fadhiiso kursiga. marka aad iska baareyso dhiigkarka, ha u fadhiisan adiga oo lugaha isku laabay.

bbcsomali

Khilaaf aan xal lahayn oo ka dhex qarxay Muuse Biixi iyo Saylaci

$
0
0


Hargeisa,(Qaran news)- Waxa dibada u soo shaac baxay khilaaf mudo dheer huursanaa oo u dhaxeeyay madaxweynaha Somaliland iyo ku xigeenkiisa mr Cabdiraxmaan Saylici.

Khilaafkani waxa ay sheegayaan dad ku dhow dhow Saylici in uu ka soo bilaabmay hanka Saylaci ee ahaa in uu musharax madaxweyne uu ka noqdo xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi dabadii.

Markii uu khilaafkii arinkaasi salka ku hayay uu xadhkaha goostay ee madaxweyne Muuse Biixina uu qaatay in uu mustaqbalka soo dhiso oo uu ku badlo Saylaci mid ka mid ah golahiisa wasiirada Mr Saajin ayaa sabtay in aan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu uu sii xoigaysto khilaafkoodu, waxana uu Muuse Biixi uu bilaabay in uu xukumadiisa ka sifeeyo xubnaha xilalka culus ka haya xukumadiisa tiraba ilaa hada waxa uu tuuray laba xubnood oo mihiim ah, taasi oo iyana sii shiday buuqii taagnaa.

Hadaba khilaafkani xadhkaha goostay waxa isna daboolka ka qaaday Cawaale Shirwac oo ay Saylaci isku deegaan ka soo jeedaan horena u ahaan jiray wasiir ka tirsan xukuumadda Muuse oo xilka laga qaaday.

Waxana uu yidhi Cawaale Shirwac way soo dhaaftay wax la qarin karo khilaafka u dhaxeeya Saylaci iyo Muuse, waxana uu sheegay in Saylaci uu deegaanada uu ka soo jeedo u sheegay in uu xisbiga Kulmiye uu dayacay taasi oo dhirbaaxo ku ah Muuse Biixi.

Hadaba arinkani oo si kasta la isugu dayo in la xaliyo waa mid lagu guul daraysan doono iyada oo arinkani foosha xun ee lagula kacay Saylaci ay aad uga dharagsan yihiin tageerayaasha Saylaci ee ku sugan Awdal iyo Salal isaga u sheegay in aan Kulmiye waxba u oolin oo xisbigaasi dayacay iyaga.

Maamul xumo laga soo sheegaayo wasaarada caafimaadka ee gobolka Awdal

Ethiopia: Five civilians killed, 18 homes burned in clashes between Fano militants and government forces

$
0
0

Ethiopia: Five civilians killed, 18 homes burned in clashes between Fano militants and government forces

At least five civilians lost their lives, and 18 homes were burned down amid clashes between #Fano militants and government forces in the rural town of Agona, Estre District of South Gondar Zone, #Amhara Region, according to local residents and eyewitnesses who spoke with the BBC.

The incident occurred on April 15, 2024, when Fano militants and government troops “unexpectedly encountered” each other on a road and exchanged gunfire, residents stated. Following this initial clash, the government forces allegedly attacked civilians in the area for allegedly supporting Fano.

Eyewitnesses reported that the forces opened fire, killing a woman and four men they came across on roads and in the village. Among the deceased was a 22-year-old student who was also killed while taking shelter in a local pool house, according to a religious leader in the community.

Residents identified the perpetrators as government defense forces based on their attire and vehicles. They cited a belief that the violence stemmed from the perception that they supported Fano.

In addition to the casualties, residents claimed that 18 houses were set ablaze by government forces later in the day after they had initially left the area. Videos circulating online appeared to show burning houses, though their authenticity could not be independently verified.

https://shorturl.at/bHZ39

Why Does the United States Operate Blind in Yemen?

#US awards $25 million construction contract to Djiboutian businesses

$
0
0


US awards $25 million construction contract to #Djiboutian businesses

The United States Department of Defense has awarded a $25 million construction contract to five companies based in Djibouti. The contract, facilitated by the U.S. Naval Facilities Engineering Systems Command Europe Africa Central (NAVFAC EURAFCENT), is part of the “Africa First” initiative aimed at fostering economic growth and stability in the region.

The multi-year contract will involve infrastructure enhancements at Camp Lemonnier and other U.S. military installations within Djibouti. It was awarded under the “Africa First” legislation, which gives procurement preference to local firms, promoting job creation and business development in the host nation. The contract has a five-year term with no extensions.

U.S. Navy Capt. Eilis Cancel, commanding officer of Camp Lemonnier, emphasized the long-standing partnership between the United States and Djibouti, stating, “This enduring partnership underscores our shared regional security goals and positively contributes to the Djiboutian economy.”

Mid ka mid ah siyaasiyiintii u ololaysay Muuse Biixi doorashadii hore oo hadlay


Xukuumadda Somaliland oo Xasan Sheekh ku Eedaysay Dilkii Cabdinaasir Dahable

$
0
0

Xukuumadda Somaliland oo Xasan Sheekh ku Eedaysay Dilkii Cabdinaasir Dahable

Hargeysa (Qaran news) Xukumadda Somaliland ayaa ka hadashay Dilkii Cabdinaasir Muuse Dahable iyo dhallinyaro reer Somaliland ah oo lagu jidh dilay Muqdisho.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in masuuliyiin ka tirsan Soomaaliya ay ka dambeeyeen dilkii ALLE ha u naxariistee Cabdinaasir Muuse Dahable, iyadoo sheegtay inay tallaabooyin qaadi doonto haddii la soo dayn waayo dhalinyaro reer Somaliland ah oo la sheegay in lagu jidh dilay Muqdisho.
Sidoo kale xukuumada JSL, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu amray dilka aqoonyahan Cabdinaasir Muuse Dahable oo Xamar lagu dilay bishii February ee sannadkan.
Wasiir ku xigeenka arrimaha Guddaha Cabdillaahi Xuseen Maxamed, ayaa sheegay in dilka Cabdinaasir uu amray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay in uu adeegsaday saraakiil ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo Hay’adda Sirdoonka ee NISA.
Waxa uu sheegay in baadhis ay sameeyeen ay ku ogaadeen cidda dilka gaysatay isaga oo sheegay in 7 nin oo budhcad ah loo adeegsaday dilka Dahable.
“Amarka waxa bixiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo laamihiisa amniga amar ku siiyay inay arintaasi tallaabo deg deg ah ka qaadan, oo ninkaas la waayo, waxa uu amarka ku siiyay maareeyaha madaarada ee Koonfurta iyo madaxii NISA, labadaas ayuu amar deg deg ah ku siiyay inay tallaabo deg deg ah qaadaan, oo ay dilka geystaan, nagamana qarsoona, godobtayadu halkay taallana waanu garanaynaa, waxaana fuliyay maareeyaha duulista iyo hawada iyo madaxii NISA.
Toddoba nin oo kale ayay u direen kuwaas oo guriga galay, ee iyaguna dibedda u taagnaayeen iyagana magacyadooda waanu haynaa, xogta baadhistii wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland sameysay waataas
Wasiir ku xigeenku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray “Madaxda Dowlada Federaalka ee Soomaaliya waxay leeyihiin dhaqan mujrim, waxa aynu ka warhayna in danbiilayaasha dadka laaya lasii daayo, kadibna dad kale oo masaakiin ah oo kasoo jeeda Baydhabo, Jilib ama Shabeelada Hoose ayaa la soo qabtaa oo lagaga hadliyaa”
Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay dhallinyaro 5 ah oo Muqdisho ugu xidhan dilka Dahable, kuwaasi oo dhawaan la sheegay in jidhdil loo gaystay, isaga oo sheegay si arxan daro ah loola dhaqmay.
Waxaanu yidhi. “Waxa aanu ogaanay in 5 tii inan ee Cabdinaasir la shaqaynayay in ay maalin walba xiniinyaha kalbad kaga qabanayaan, oo cidiyaha ka saarayaan, oo dhagaha kaga qabanayaan, oo ay figaynayaan”
Dowlada Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ay baadhis ku hayso dilka dahable, iyada oo xabsiga la dhigay qaar kamid ah dhallinyaradii ay isku shaqada ahaayeen Dahable.

Muuse Biixi 7 Sano ayuu madaxweyne ka ahaa dalka hadii uu Awdal wax u qabanaayo uu ragaadiyay Daawo

Dawlada Turkiga oo markab dagaal keentay xeebta Muqdisho

$
0
0

Markab dagaal oo hordhac u ah heshiiskii difaaca iyo dhaqaalaha ahaa ee dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta yimid magaalada Muqdisho. Imaanshaha markabkaan dagaal ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ku soo beegmaya xilli xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay gudaha Soomaaliya iyo gobolkaba.

Heshiiskan oo ay Ankara ku kala saxiixdeen labada wasiir ee gaashaandhig ee Soomaaliya iyo Turkiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Yaşar Güler 8-da bishii Febraayo ayaa lagu tilmaamay heshiis ‘‘difaac iyo iskaashi dhaqaale ah’’.

Waxaa la la xiriiriyay is-fahamka Hargeysa iyo Addis Ababa ay kala saxiixdeen iyada oo siyaasiyiin Soomaali ah iyo xubnaha baarlamaanka ba ku tilmaameen in heshiiskan in dowladda Turkiga ku difaaci doonto xeebaha Soomaaliya muddo dhan toban sannadood waxayna sidoo kale dhisi doonaan sida heshiiskaas oo uu baarlamaanka Soomaaliya meel mariyay lagu sheegay ciidamada badda ee Soomaaliya.

Heshiiskaas oo aan cidi nuqulladiisa iyo sida uu u dhigan yahay la arag ayey golaha wasiiradda Soomaaliya ku ansixiyeen hab gacantaag ah, kadibna waxuu u soo gudbay Baarlamaanka Soomaaliya oo iyaguna meel mariyay.

Soomaaliya ayaan yeelan ciidan badeed oo suga amniga xeebaheeda tan iyo burburkii xukuumaddii dowladii dhexe oo uu madaxweyne Maxamed Siyaad Barre hoggaaminaayay mudadii labaatanka sano ahayd.

Tan iyo xilligii burburka waxaa xeebaha Soomaaliya siyaabo kala duwan ugu sugnaa maraakiib ka socda quwadaha reer galbeedka oo siyaabo kala duwan u joogay xeebaha Soomaaliya uguna badnaayeen kuwii howlgalkoodu ahaa waxii loogu yeedhay la dagaalanka budhcad badeedda oo golaha amaanka ee qaramada midoobay u soo diray Soomaaliya.

Soomaaliya waa dowlad badeed, kheyraadkeedu xoogiisu badduu jiraa hase yeeshee baddii kheyraadkii ay Soomaaliya ku lahayd wayka faa’iidaysan la’dahay sababo badan oo nabadgelyo xumadu u weyntahay.” Admiral Faarax Cumar (Qare) Guddoomiyaha Hay’adda Cilmbibaadhista Baddaha Soomaaliya horeyna u noqday Taliyaha Ciidanka Badda ee Soomaaliya ayaa sidaan qaba,

Admiraalku waxuu sidoo kale qabaa in Soomaaliya tallaabo kasta oo ay dhan walba u qaaddo, samo iyo xumaanba ay uga iman karto xagga badda. ‘‘Soomaaliya wanaag kastana badduu uga iman karaa, dhib kastana badduu uga iman karaa” ayuu yidhi isaga oo sharaxaya muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay baddu.

Imaanshaha markabkaan dagaal ee yimid magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale tilmaamaya habka dhaqangalka ah ee heshiiskii ay dhawaan wada galeen labada dowladood ee Turkiga iyo Soomaaliya. Admiraalku waxuu qabaa in tani tahay caddeyn muujinaysa in dhaqangalka heshiisku uu yahay mid haddaba sidaas ku bilowday.

“Markabku arrintii lagu heshiiyay in horey loo sii waday ayuu tilmaamayaa xaqiiq waaqici ah oo heshiiskii in uu bilaabanaayo ayuuna ku tusinayaa

Cabdullahi Maxamed Cabdullahi Sharciyaqaan Shuruucda Caalamiga Badaha bartay ayaan wax ka weydiinay imaanshaha in ciidamada badda ee iman doona xeebaha Soomaaliya iyo heshiis la’aanta inta badan soo noqnoqota ee maamul goboleedyada dalka ay si uun saamayn ugu yeelan karto heshiishkaan oo si toos ah u hirgala.

“Dowladaha deriska ah oo marar badan damac uu ka yimid dhankooda in ay fili karaan inuu khatar ku yahay heshiiskan laakiin Soomaaliya iyada ayaa iska leh biyaheeda, ilaalinta iyo cidda ay kala kaashanayso iyadaa u madax bannaan.” ayuu sheegay Cabduulaahi oo aan wax ka weydiiyay saamaynta uu gobolka heshiiskan ku yeelan karo.

Dhanka kale khilaafyada soo noqnoqday ee siyaasadeed inta badana saameyn ku yeesha jidka dalka mar walba ku dhaqaaqayo ayuu tilmaamayaa iyagana in ay muhiim u tahay in muhiim u tahay midho dhalka heshiiskaan.

“Soomaaliya horumarkeeda iyo dowlad dhiskeedaba waxaa mar walba saamayn ku leh khilaafyada soo noqnoqda ee Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, waana laga yaabaa in ay caqabad ka timaado arrinkaan.” ayuu yidhi Cabdulaahi oo ka hadlaya maangalnimada ah in hirgelinta heshiiskan difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya ay si’uun u samayso caqabadaha gudaha Soomaaliya ka jira iyo khilaafka siyaasadeed ee joogta ah.

“Waan arrin khusaysa Soomaalida dhexdeeda in ay ka heshiiyaan waxyaabaha iyaga ka dhex jira, isla markaana khilaafyada danahooda mustaqbalka saamaynaya ay ka heshiiyaan.” ayuu yidhi isaga oo sii wata sharaxanaya ahmiyadda ay leedahay in khilaafyada gudaha Soomaaliya saamaynayana mustaqbalka dalka Soomaalidu ka heshiiso

Heshiishkaa waxuu yahay nala gama wargelin waxuuna u baahan yahay heshiisku in waxuu yahay iyo shaqadda uu qabanayo laysla arko, oo Soomaali isla aragtee wax habeen madoow la yidhaahdo heshiis baa la saxiixday maxuu inoo tarayaa.?”

Warraysi aan dhawaan la yeelanay Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland – Cabdirisaaq Cabdulaahi Xagaa. Oo aan wax kaga weyddiinay sida uu arku heshiiska difaaca badda iyo dhaqaalaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay turkiga ayuu sidaan kaga jawaabay.

Heshiiskan ay dowladda Soomaaliya la gashay Turkiga ayaa kusoo beegmay xilli Somaliland ay heshiis is-af-garad ah ah la gashay dowladda Itoobiya kaas oo dhigaya sida la sheegay in Somaliland ay ka hesho aqoonsi dowladnimo Itoobiya taas beddelkeedana ay Itoobiya heli doonto saldhigciidamo badeed oo sida la sheegay 20km dhan.

Waxayna horey u sheegtay Somaliland in uusan khuseyn heshiiska ay wada galeen dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Todoba qof ayaa ku dhintay ka dib markii dhisme ay daganaayeen uu ku soo dumay Addis_Abeba

$
0
0

Itoobiya: Todoba qof ayaa ku dhintay ka dib markii dhisme ay daganaayeen uu ku soo dumay Addis_Abeba

Addis Ababa, (Qaran news)-Todoba qof ayaa ku dhimatay ka dib markii dhisme ay daganaayeen uu ku soo dumay magaalada Addis Ababa, Addis Kifle Ketema (xaafad hoosaadka) ee degmada 12, oo ku taal meel gaar ah oo lagu magacaabo Masjidka Tero.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa maamulka sare ee degmada Aida Awol ayaa sheegtay in dadka dhintay ay ku dhinteen kadib markii uu dumay guri ay daganaayeen oo uu ku dul dhacay guri kale oo ku yaala dhabarka dambe. Shilkan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe saacadu markii ay aheyd 11-kii habeenimo ee xiliga geeska Afrika.

Warku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dadka dhintay, waxa sababay burburka iyo khasaaraha kale.

Maxaa ka qaldamay Madaxweyne Muuse Biixi

$
0
0

Maxaa ka qaldamay Madaxweyne Muuse Biixi

Aan ku bilaabo’e: Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxu uu saxeexay warqaddii ugu muhiimsanayd ee dhammaadka muddo xileedkiisa, waa warqaddii in doorasho loo dareero. Haaaaa, halkaa waxa ku soo dhammaanaya 7 sanadood oo Muuse hayey xukunka Somaliland. Saacadda madaxweyne saxeexo in doorasho loo dareero waa saacadda qiyaamuhu dhaco oo kale ee aan madaxweynayaasha xil iyo xoolo toona loo doonan, xitaa telefoonada aan laga qaban, dadkuna sida daruuraha u guur guuro. Taliyayaasha ciidamaduna iska xaadiriyaan xarumaha mucaaradka.

Aan ku yara noqonno 2017kiiye, anigu Muuse imaatinkiisii baan wax ku lahaa, weliba hawl badani iga soo martay. Sababta oo ah waxan ka filayey in uu noqon karo geed weyn oo damal ah oo iska daa Soomaali e’ Afrika ka shaqeeya ururinteeda iyo midnimadeeda. Xilligii ololaha marka la’ i weydiiyo aragtida iyo hoggaaminta Muuse waxan cod bixiyayaasha ku odhan jirey “Muuse waa Paul Kagame, madaxweynaha Rwanda oo kale, ninkaas uun buu ku bannaan yahay”.

Si aan taa u xaqiijiyo bal aan inyar kula wadaago dhibtii aan u maray. Marka laga tago ololihii, marka laga tago wax ka dejintii qorshaha guusha, marka laga tago is barbar taaggii xilligii uu dhawrka qof haystay, marka laga tago dooddii iyo dirirtii aanu dad badan isku seegnay, marka aanan xusin safaradii dhaadheeraa ee maalin-gaalka iyo guuraha lahaa ee Sool, Sanaag illaa Awdal, xitaa kuwii qurbaha iyo qaboobaha. U codayntiisii oo keli ah saddex jeer baan England uga soo dhoofay. Saddexda jeer waxa ay kala ahaayeen:
Kow; Is-diiwaan gelintii koowaad oo aan maalintii ugu dambaysay iska diiwaan geliyey tuulada Coodanle oo ka tirsan Degmada Buuhoodle.
Laba; kaadh qaadashadii oo inta aan maalin Khamiis ah ka soo baxay London, flydubai subax hore ku imi Hargeisa, baabuur Landcruser ah ka kaxaystay, Jimcihii 4tii galabnimona aan noqday qofkii ugu dambaysay ee card kiisa ka qaata Qorulugud.
Saddex: Codayntiina aniga oo 3 Habeen iyo 3 maalmood u soo jeeday ololihiisa, maalintii doorashada oo dhanna aan shaqaynayey, baan casar gaabkii tuulada Balli Calanle oo Burco u jirta 150km ka soo codeeyey, si aanu codkayga ugu dhicin, sababta oo ah Balli Calanle waa meeshii 2003 sanduuqii yaallay ee Siilaanyo codka u badan lahaa la kansal gareeyey, sidaasna uu ku waayey Madaxweyne-nimadii. 14 sanadood ayaa u dhaxaysay galabtaas iyo galabtan aan dul taaganahay sanduuqii Balli Calanle laftiisii.
Habeenkaas waraaqaha codaynta la soo daad guraynayeyna intiisii badnayd waan soconayey oo baabuur baan waday, hawsha oo badnayd darteed, iyo in aan wax khilaaf ahi dhulkan oo ah dhulka gobolka Togdheer ugu cod badan aanu ka dhicin. Balli-dhiig illaa Burco ayaan marba tuullo tegeyey, aniga oo weliba inta badan hurda ayaan haddana baabuurka waday, waan xasuustaa si aan indhaha u kala qaado marba inta aan istaago baan caagad biyo ah madaxa iskaga shubayey.
Waxan hubaa in ragga maanta Madaxweyne Muuse la jooga aanu ku jirin nin qudha oo intaa u maray doorashadiisii oo celcelis ahaan illaa Europe illaa Hawd 30,000 oo kiiloomitir u socday in uu Muuse noqdo madaxweyne.
Sababtaas baan uga gaabsaday in aan Muuse Biixi iyo todobadiisii sanadood ee taariikhiga ahaa wax ka sheeg sheego oo aan marba fartayda dhinacyada ka eego. Maantana ku fogaan maayo ee si aanu madaxweynaha ka dambeeyaa ugu dhicin qaladaadkii oo kale ayaan u qorayaa dhawr qalad oo waaweyn oo Muuse ku dhacay. Waa cashar ee ma’aha siyaasad.

Madaxweyne Muuse wuxu sameeyey qaladaad badan, fursado badanna wuu lumiyey. Xitaa waxa soo martay mar bilowgii 2020kii loo cumaamaday in uu noqdo boqorka 30ka malyuun ee Soomaaliyeed, oo ahayd meeshii aan la’ jeclaa, laakiin ay taladu seegtay oo uu qaadan kari waayey.

Hadda kama hadlayo arrimahaas iyo qaladaadkii odaygu uu galay oo dhan oo ay ugu weynayd tii Laascaanood. Sidoo kale ka hadli maayo qaladaadkii maamul, maaliyadeed, milateri, cadaaladeed iyo horumarineed ee maalinlaha ahaa, inkasta oo aanay ahayn in ay dhacaan haddana way dhacaan, waana laga kabtaa. Laakiin qaladaadka laf jabka ah ee istaraatiijiga ahi waa jab iyo fashil. Halkan waxan kaga hadlayaa 4 qalad oo waaweyn oo gudaha Somaliland ah. Bal ila eeg 4 tan qalad oo ahaa kuwii dhalay wixii ka xumaaday oo dhan.

1.Qaladka Koowaad: Madaxweyne Muuse marnaba muu dhisan, mana uu lahayn “cabinet” ama Gole Wasiirro oo run ah todobadaas sanadoodba. December 2017kii ayuu dhisay Golaha Agaasimayaasha, 2022 kiina waabu ka maarmay agaasimayaashii. Madaxweyne Muuse, markii uu xukuumadda dhisay kaddib ayaa guddoomiye kamid ah xisbiyada mucaaradku weydiiyey wuxu ku falay dadkan uu ku sheegay wasiirada ee Muuse laftiisa haddii la’ weydiiyo aanu qaar badan oo uu wasiiro u magacaabay garanayn ba (illaa todoba kamid ah weligii muu arag, iyaguna weligood TV moojaane toos umay arag). Muuse wuxu ku yidhi guddoomiyahaas “waar ma rabo dad ila murma”. Taas waxaaba ii sii xaqiijiyey nin ku magacaaban wasiir laakiin ah agaasime wanaagsan baan maalin ku idhi waar maxaad u hadli weydeen ee madaxweynahan iyo xisbigan dhulka la jiidayo u difaaci weydeen, wuxu igu yidhi haddii aan hadlo madaxweynaha ayaa i xasuusanaya.

Halka Madaxweyne Muuse soo dhisay xukuumaddaas aan la’ murmayn ee uu doorbiday in uu noqdo keli-jire, halkii uu ka noqon lahaa wadar-jire, waxan anigu goob joog u soo ahaa oo aan wada garanayaa dowladdihii ay soo dhiseen madaxweynayaashii Muuse ka horreeyey, illaa madaxweyne Cabdiraxman Tuur iyo xukuumaddiisii dhammayska ahayd. Bal mid kamid ah xukuumadahaas aan tusaale u soo qaato: Madaxweyne Cigaal 1997kii wuxu soo dhisay xukuumad ahayd mar la’arag. Wuxu golishiisa wasiirada isugu keenay madaxweynayaal, waxannu ku naanaysi jirnay xukuumaddii madaxweynayaasha. Daahir Riyaale ayuu markii koowaad-ba madaxweyne ku xigeen u xushay, Ambassador Fagadhe oo cilmiga diblomaasiyadda aqoon durugsan u lahaa, muddo dheerna kamid ahaa madaxda sare ee hay’adda ILO, Kofi Anan, Beutrous Qali, Isayas Afawerqi, Meles Zenawi iyo madaxda kale oo gobolkubana ay aad u dhegeysan jireen ayuu Wasaaradda Arimaha Dibadda u dhiibay. Axmed Yuusuf Ducaale oo 1967kii ahaa Wasiirkii Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayuu Tacliinta u dhiibay, Madaxweyne Siilaanyo ayuu ka dhigay wasiirkiisa Maaliyadda, Dr Gaboose oo shirkii Cigaal lagu doortay guddoonkiisa iyo qabsoomiddiisaba lahaa ayuu Arimaha Gudaha iyo Amniga u dhiibay, Cabdillahi Darawal ayuu ka dhigay Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta, Dr Cabdi Aw Daahir caafimaadka, Prof Caynab Gaashaandhigga, liiska goluhu waa dheeraa Prof. Gees, Ambassador Abdullahi M Ducaale, Siyaasi Cali Warancadde, iyo xitaa aftahankii Jaamac Gaas Macaawiye oo 21 sano Wasiir ka soo ahaa dowladdii Maxamed Siyaad ayuu wasiiro ka dhigtay oo waaya aragnimadiisa ka maarmi waayey. Cigaal wuxu ahaa another level. Madaxweyne Muusena, Shukri Bandare oo 14 sano ku magacawnayd Wasiirka Environment ka oo intay daashay daashay boqol jeer ku tidhi in aan nasto baan rabaa ee i beddel ayuu dhegeysan waayey, oo beddeli waayey, iyada oo ay suuqa joogaan 100 siyaasi oo karti iyo aqoon leh oo reer Oodweyne ah, oo boqol meelood wax uga tari lahaa. Sacad oo ku magacaaban Wasiirka maaliyaddu 2 sano kahor ayuu codsaday shaqo ka tegis, laakiin Dowladi waxa ay ku shaqaysaa aqoonta, ilaalinta, kartida iyo xil kasnimada goleheeda wasiirada. Isku shaandhaynta iyo is beddelkeeduna waa sida saliidda olyada baabuurta ee ay waajibka tahay in muddadiiba mar la kala beddelo. Muuse adduunka wuxu ugu necbaa kelmadda isku shaandhayn, waxa laga sheegay “hebel ku beddel hebel maxay soo kordhinaysaa”. Dabcan, Dowladnimaduba waa hebel oo shaqayn waayey ku beddel hebel oo ka karti badan, laakiin waa marka shaqo la rabo.

Qaladka Labaad: Madaxweyne Muuse wuxu bilowgiiba joojiyey wareeggii lacagta ee suuqa. Kelmaddii “Handaraab” ma ahayn kelmad u fiican dhaqaalaha, maalgashiga iyo wax kala iibsiga. Qofka yaqaanna inta ugu yar ee cilmiga dhaqaalaha wuu fahmayaa in haddii aad joojiso wareegga lacagta ay saamaynayso miisaaniyaddaada oo dakhliga iyo cashuurtuba ay hoos u dhacayaan, dadkuna aanay wax nafleh kala iibsanayn. Waa sidii qasabadda biyaha oo aad dhexda ka jartay, afkana ka sugayso in biyo kaaga soo dhacaan. Xukuumadaha Ingiriisku marka dhaqaaluhu yara liico waxa ay sii daayaan mashaariic badan si lacag fiicani suuqa u gasho oo wax loo kala iibsado. Haddaba handaraabkii Muuse, aafadii ka dhalatay waa tii Sheekh Aadan Siiro “Allah yarxamhu” inoo sharxi jirey ee odhan jirey “waa la soo ootay”, busaarad aawadeed.

2.Qaladka Saddexaad: Madaxweyne Muuse wuxu guurey geeddi qaldan. Dunida kale oo dhan qofka ku doorta waa la sharfaa oo la weyneeyaa, oo loo abaal gudaa, taladaa wax laga siiyaa, adiga oo isaga haysta ayaa la raadiyaa inta kaa maqan. Muuse dagaalkii koowaad wuxu ku qaaday xisbigiisii, taageerayaashii, u codeeyayaashiisii, iyo power base kiisii, weliba iyaga oo jecel, oo aan kursiga ku haysan, codkoodana mar walba ula diyaar ah. Bari illaa galbeed madaxweyne Muuse taageerayaashii xisbigiisa wuu tuuray, gaar ahaan boqolaalkii kun ee uga codeeyey Togdheer, Sool, Sanaag iyo Saaxil. Qoladii galbeedna muddo dheer ayay ahaayeen gacmo ku gabbad. Fartiinnaa eedeysaan waxay ahayd farriin ku cusub taariikhda siyaasadda adduunka, mana tirmayso weligeed.

Nin reer Hargeisa ah oo aqoon durugsan u leh culuumta siyaasadda ayaan weydiiyey hal shay oo uu ku xusuusan doono madaxweyne Muuse. Ninkaas political scientist ka ahi wuxu igu yidhi: “Sidii David Axelrod u ahaa madixii ololaha madaxweyne Obama ayaa Muuse Biixi na todoba sanadood u ahaa madixii ololaha ee Cabdiraxman Cirro”.

Arrintaas professor-ku waxay i xasuusisay qiso ku dhacday nin shiidaalka ka ganacsada, ninkaas oo kamid ahaa dadkii aad ugu ololeeyey Muuse Biixi ayaa bilowgii xukunka Muuse dalka keenay markab shiidaal. Markii shiidaalkii Berbera yimi ayuu Madaxweynuhu diiday in la shubo, 45 maalmood markii uu markabkii badda taagnaa ee ganaax ku socday ayaa waxa madaxtooyada tegey mid kamid ah dadkii ka codeeyey ee mucaaradka ahaa, markaas buu ku yidhi madaxweyne markabka ii sii daa waxbaan ku leeyahaye. Sorry buu yidhi waxan moodayey in ay leeyihiin qoladii kursiga i saartay. Sidii buu ku sii daayey markabkii oo dekedda berbera uu ugu ogolaaday. Waxa taa ka sii yaab badnaa sida uu u fogeeyey saddexdii ganacsade ee waaweynaa ee kala ahaa Maxamed Aw Siciid, Maxamed Siciid Ducaale iyo Axmed Cismaan Geelle, kuwaas oo saamayn aad u badan ku lahaa guud ahaan shacabka Somaliland gaar ahaannna u codeeyayaasha Kulmiye. Ganacsiga kale ee faraha badan ee ay lahaayeen dadkii doortay ee uu xannibay, qaarkoodna illaa maanta xanniban yihiin idinba waad wada ogtihiin.

Waxa iyana la’ yaab ahayd oo waxaba ka sii darnayd maalintii ninkii Maxamuud Xaashi ee aanu weligii Muuse madaxweyne noqdeen la’aantii uu yidhi xisbiga Kulmiye ma’aha oo kama tirsana, dad badan baa yidhi oo haddaa yaa ah Kulmiye! Xilligii daraawiish ayaa wiil isku darsaday karti, geesinimo, cilmi, aftahanimo iyo akhlaaq, niman Sayidka la joogay ka masayreen. Kaddib aabihii bay ku yidhaahdeen wiilkaagu waa caasiyoobay oo sayidkii ayuu xukunka ku haystaa, ee intaanu xujoobin wax ka qabo. Odaygii waxba ma hubsane wiilkiisii oo iska hurda ayuu xabbad ku soo dhuftay. Kaddibna Sayidkii ayuu warkii kula soo kallahay oo ku yidhi wiilkaygii kugu caasiyey anigaa gacantayda ku soo dilay. Sayid Maxamed wuxu yidhi hadal taariikhda galay oo ahaa: Hebelow, haddii anigu aan wiilkaas oo kale dhali lahaa iskama dileen. Nin raba in dowladdiisu guuleysato Maxamuud Xaashi oo in badan diyaar u ahaa in uu la shaqeeyo ma dayriyeen, kumana beddesheen “waxba”. Kolley anigu, waa halkii Sayidka e’ iskama fogeeyeen Ina Xaashi oo kale. Ugu yaraan waxan is lahaa marka uu laba sano xilka hayo “midterm” kiisa marka xaalku ku adkaado ayuu sidii Raisal Wasaaraha Ingiriiska ee Rishi Sunak odhan doonaa “waar intii aan garanayey way dhaaftay ee ninkii gaadhigan wadi jirey ee David Cameron ii doona”.

Runtii arrimahaas oo dhami may ahayn qaladaad siyaasadeed ee waxay ahaayeen strategic mistakes, weliba qalad istaraatiiji ah oo hoggaanka soo socda ee Kulmiye saamayn ku yeelan doona.

3.Qaladka 4aad: Jidkii qodxaha lahaa

Madaxweyne Muuse wuxu 30 sano kahor indhaha siyaasadda ku kala qaaday Madaxweyne Cigaal. Kaddibna farsamo u shaqaysay Maxamed X Ibraahim Cigaal ayuu manaam iyo riyo ku arkay in isagana ay u shaqayn karto. Waxa hubaal ah haddii aanu dhici lahayn dagaalkii October 1994kii ee Jaamac Maxamed Qaalib hoggaaminayey in Cigaal kursiga waayi lahaa doorashadii dhici lahayd sannad kaddib 1995. Siilaanyo wuxu nagu yidhi “Jaamac Yare aad baan ula hadlay oo ku idhi haddii dagaal dhaco doorasho dhici mayso, haddii doorasho dhici weydana Cigaal baa joogaya oo kursigu bannaanaan maayo ee adigu Cigaal ha ka dhigin “President for life”Madaxweyne aan weligii dhicin”. Runtii sidii Siilaanyo sii saadaaliyey bay u dhacday. Dagaalkii wuu dhacay, waxaana ka dhashay madaxweynihii 6da bilood u hadhsanaayeen in uu kursiga ku sii fadhiyo 9 sanadood oo kale illaa uu ka geeryooday. Muuse Biiixi illaa bilowgiiba sawirkaas baa maskaxdiisii ku wareegayey, iyo sidii uu mar kale u ciyaari lahaa ciyaartaas duugga ah ee 30 jirka ah. Arrintaasina waqti badan, fikir badan iyo dhaqaale badan bay ka khasaarisay Madaxweyne Muuse. Laakiin wuxu qaldayey in isaguna aanu ahayn Cigaalkii 1994kii, mucaaradka maantuna aanu ahayn kii Salbalaar ee xaafadda Tarabuunka ee Xamar laga hoggaaminayey, isbahaysigii marya aloolka ee 1994/1995 na aanu maanta jirin, xitaa aanay suurtagal ahayn in la sameeyo, siyaasadda maanta ee gobolkuna aanay ahayn tii iska hurudday ee jirtay 30 sano kahor. Fikrikaas ku dayashada aan suurtagalka ahayni waxa ay i xasuusisay sheekadan: Bilowgii sagaashamaadkii ayaa waxa xaafadda Shola Manganaaya ee Addis Ababa noogu sheekeeyey ninkii ku dayday madaxweynihii Masar ee Jamaal Cabdinaasir. Ninkaasi wuxu ahaa nin weyn oo reer Cadmeedkii hore ahaa, wuxu yidhi sanadihii kontomaadkii waxan indhaha ku kala qaaday Jamaal Cabdinaasir oo ah hoggaamiyaha Carab ugu saamaynta badan, wuxu dhalinyarada carbeed u ahaa tusaale ay ku daydaan, waa run oo Mucammar Al Qaddaafigii Liibiyaba wuxu ku riyoon jirey in uu mar uun noqdo Jamaalkii yaraa ee carbeed. Xiligaas ayuu yidhi baa waxa nalooga sheekeeyey in Jamaal aqoon durugsan u leeyahay dabbaabaadka ama kaarayaasha, kaddibna waxan jeclaystay in aan barto dabbaabaadka si aan u noqdo Jamaalkii Soomaalida. Warqad dheer baan u qoray buu yidhi Madaxweyne Jamaal Abdulnaasir, xilligu waa 1958kii, Masar waxa ay Cadan ku lahayd xafiis sida qunsiliyadda u shaqeeya, warqaddii markii aan dhammeeyey waxaan geeyey buu yidhi qunsiliyaddii Masar ee Cadmeed si ay ugu gudbiyaan madaxweynahooda, maaddaama ay adag tahay in warqad caadi ah oo aan boosta ku diraa u tagto Madaxweyne Jamaal. Bil kaddib qunsuliyaddii waxay ii soo dirtay farriin ah in ay ii hayaan jawaab ka timi Qaahira. Aniga oo u qaadan la’ baan u tegey buu yidhi, waaba warqad ka timi Madaxtooyadii Masar. Madaxweyne Jamaal Abdinaasir wuu iiga soo mahad celiyey salaantii iyo ammaantii aan u diray, laakiin wuxu ii sheegay in Soomaaliya aanay xor ahayn, isla markaana lahayn dabaabado, laakiin Masar diyaar ula tahay in ay baraan culuumta kale ee uu rabo in uu barto. Haddaba, sidii ku dhacday ninkaa iska jibbooday ee Jamaal Cabdinaasir iskaga dayday ayaa Madaxweyne Muusena ku dhacday.

Bilowgiiba waxay ahayd in Muuse Biixi aanu waxaas waqti iskaga lumin, sababta oo ah xilligan la joogo ee dunida uu hago social media-hu dagaalku waa sida kayn dab qabsaday oo aan la’ xakamayn karin, waad bilaabi kartaa laakiin ma joojin kartid, sidoo kale ma ogid haddii xabbadi dhacdo meesha ay ku dambayn doonto xabbadaasi. Xilliyadana in Somaliland dagaal ka dhaco waxa ku ducaysta xoogagga argagixisada ee Al Shabaab iyo Daacish, oo habeen iyo maalin ilaahay ka barya, iyaga oo ka dhex raadinaya fursad shaydaan oo ay ku xasuuqaan shacabkeeda, sida ay u xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed ee kaleba. Xilligana waxa ka hortaagan nabadda, maamulka dowliga ah oo iyaga hortood dhismay iyo shacabka oo iskaashaday ayaa maanta ka hortaagan soo dhex-galka bulshada.

Sidaas darteed inta uu dagaal sokeeye fursad ka raadinayey waxa ay ahayd in Muuse uu shantiisa sano iyo labada suubbiska ah, 7dii saas sanadood si xasilloon oo xarrago iyo waxqabad leh u qaato, kaddibna 2024 Xisbigiisa Kulmiye ka soo sharraxo nin miisaan leh oo Galbeedka Burco ah. Isaguna maaddaama uu 2025 noqonayo 80 jir uu si sharaf leh u ritaayaro, oo xurmo iyo taariikh xasiloon oo lagu xusuusto ka tago. Sidiisaba, madaxweyne, dirham iyo diinnaar toona lagama dhaxlo oo kama tago, xitaa 30 sano kaddib guryaha aynu maanta ku jirno dadkii koowaad ee lahaa lama xasuusan doono, tan rasmiga ahina waxa ay tahay madaxweyne wuxu ka tagaa taariikh iyo legacy. Laakiin macal asaf, i am so sorry! hadda wax kastaa way talo xumaysteen, waqtigiina wuu dhammaaday. Ciilow ba’ay talo xumaan cudur ka weynayne.

ii oggolow in qormadan aan ku soo afmeero beydad kamid ah maansadii Hadraawi ee Galangal ee soo baxday 1983kii oo aad mooddo in ay maanta taagan tahay. Hadraawina wuxu yidhi:
Gebegebada sheekada
Gabaygaygan kama wado
Gaaxnuug la talintii
Gabbal dhacay ka hadalkii
Hadda galabta sheekada
Waxan uga gol leeyahay
Samihiyo is garabsiga
Berri yaan la gees marin
(Hadraawi, Galangal 1983)

WQ: Senator Cismaan Dubbe

Dhalinyaro ka soo jeeda Gabiiley iyo Hargeisa oo maanta ku soo biiray xisbiga Waddani

$
0
0

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan ayaa qaabilay dhallinyaro ka soo jeeda magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley oo xisbiga WADDANI ku soo biiray.

Guddoomiyaha ayaa si kal-furan xisbiga ugu soo dhaweeyay dhallinyarada oo u diyaar ah in dalka isbedel hoggaamineed ka dhaco.

Wasiirka maaliyada Djibouti oo sheegay in Muuse Biixi Khiyaameeyay Ismaciil Cumar Geele Dhegayso


Muwaadiniin ka soo jeeda Somaliland oo muqdisho Xasan Sheekh ka afduubay Qaarna jidh dilay

$
0
0

Waxa maanta magaaladda Muqdisho lagu jidh dilay qaarna laga afduubtay dad shicib ah oo ka soo jeeda Somaliland kuwaasi oo ku shiraayay mid ka mid ah Hotel-da Muqdisho.

Dadkani oo ka koobnaa dhalinyaro iyo waayeel lahaa rag iyo dumarba waxa weerar hubaysan ku soo qaaday xukuumadda Xasan Sheekh ee ka talisa qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dadkani waxa ay ka war warsanaayeen oo ay doonayeen in ay ka hadlaan isla markaasina ka tashadaan dhalinyaro ka soo jeeda Somaliland oo ay saxiibo ahaayeen marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo xukuumadda Xasan Sheekh ku dal dashay magaalada Muqdisho kaasi oo ka shaqayn jiray duulista iyo hawdda Somalia dilkii marxuumkaasi kadib ayay xukuumadda Xasan Sheekh qab qabatay dhalinyardii ay wad shaqaynayeen ee ka soo jeeday Somaliland kuwaasi oo dilkii saxiibkood lagu masabiday.

Dhalinyarada hada u xidhan ee la jidh dilo ayaa lagu khasbayaa in ay qirtaan danbi ayna galin si indhah looga jeediyo cidii dishay marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable

Maamulka Muqdisho xataa Naftooda Run uma sheegaan, dadka ay sheegtaan inay u taliyaana Run uma sheegaan.

$
0
0

Maamulka Muqdisho xataa Naftooda Run uma sheegaan, dadka ay sheegtaan inay u taliyaana Run uma sheegaan.

Markab yar oo Turkigu lahaa oo Wadamo kala duwan soo maray oo shalay Muqdisho tegay, ayay Shalay oo dhan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirradiisu dadka u sheegayeen Been cad oo qayaxan oo ay yidhaahdeen Markab Dagaal oo Turkigu leeyahay ayaa u yimi Difaaca Badda Soomaaliya isaga oo fulinaya heshiis ay dhawaan sheegeen inay Baddooda Soomaaliya ay Turkiga ku wareejiyeen si uu ugu ilaaliyo.

Waxaa cajiib ah in qoraalkan hoose ay soo saartay Safaarada Turkiga ee Muqdisho oo sheegtay inuu Markabkaasi u socday u dabaaldega Maalinta Carruurta iyo Qaranimads Turkiga.  Waxaa yaab leh in Waji-gabaxa ku dhacay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Beenta ay dadka u sheegeen ee lagu qabtay, ay ku kaliftay inay Warsaxaafadeed labaad oo English ku qoran ay Villa Somalia soo saarto oo ay ku sheegtay ujeedada Markabku u socday, taasi oo ka duwan Warsaxaafadeedka ay Af-soomaaliga ku soo saareen.

Inkasta oo aan wax Run ahna waligood looga baran kooxda Villa Somalia oo ay yihiin dad khiyaali iyo Been ku caan baxay, hadana waxaa yaab leh in xataa Turkigii uu ka yaabay Beentooda oo ay kaliftay in Safaarada Tutkigu ay soo saarto Warsaxaafadeedka hoos ku qoran oo caddaynaysa ujeedada uu Muqdisho u yimi Markabka Turkiga ee ay maamulka Soomaaliya ka been sheegeen.

Halkan hoose ka akhriso labada Warsaxaafadeed ee Somaliya iyo ka Turkiga ee is khilaafsan.

Horta yaa odhan jiray markuu qof Been ku sheekaynayo arko “ Warka Xamar dhaaf”

Amb Kaysar Maxamed

Golaha Ammaanka ee Itoobiya ayaa wacad ku maray inuu xallin doono ‘fikradaha siyaasadeed ee xagjirka ah, dambiyada abaabulan iyo dhaca soo ifbaxaya

$
0
0

Golaha Ammaanka ee Itoobiya ayaa wacad ku maray inuu xallin doono ‘fikradaha siyaasadeed ee xagjirka ah, dambiyada abaabulan iyo dhaca soo ifbaxaya

“Dowladdu waxay wadaa shaqo ballaaran oo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqyadan khalkhal gelinaya nabadda guud ee miyi iyo magaalaba,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ay soo saareen goluhu kaddib shir ay maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Hadalka Goluhu waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay jiraan warbixino sheegaya in meelo kala duwan oo dalka ka mid ah ay ka jiraan dhaqamo baahsan oo la xiriira #afduubka madax-furasho iyo #dhac ay u geysanayaan xubno hubeysan.

Goluhu wuxuu sheegay iyada oo qayb ka ah wax ka qabashada dhibaatada ka jirta degmooyinka iyo tuulooyinka miyiga, “dadka deegaanka si sax ah loo tababari doono si ay u ilaaliyaan nabadda deegaanka” taas oo qayb ka ah dadaalka dawladda ee ilaalinta nabadda iyo amniga.

Iyadoo lagu amaanayo hindisayaasha gobollada qaarkood, waxay iftiimisay in dal “ballaaran oo dadku ku badan yahay” sida Itoobiya, maleeshiyooyinka maxalliga ah iyo hay’adaha kale ee taageera nabad ilaalinta ay door muhiim ah ka ciyaaraan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida heer deegaan.

Somaliland’s frankincense brings gold to companies. Its women pay the price

Somalia Turkey maritime deal is a win for both countries and not a power play for the horn of Africa

$
0
0

The recent defence pact between Somalia and Turkey marks a significant step for regional security, focusing on land and maritime cooperation to bolster Somalia’s defence capabilities.While it symbolizes a move towards enhanced partnership, its immediate implications should be tempered.

Turkey’s motivations lie in solidifying its role as a key security ally in sub-Saharan Africa, aiming to elevate its stature internationally and domestically. With plans to extend maritime training and potentially provide arms to Somalia, Turkey seeks to broaden its influence while aiding Somalia in projecting force in its territorial waters.

For Somalia, hampered by limited capacity to police its maritime territories, the agreement offers a pathway to enhance its defence capabilities. By partnering with Turkey, Mogadishu aims to address challenges such as illegal fishing and piracy, ultimately asserting its authority over its territorial waters.

Despite its significance, the pact’s impact may be constrained by its limited scope and capabilities offered. It does not signal the onset of broader regional alliances, despite recent diplomatic shifts such as the Ethiopia-Somaliland deal. Instead, it underscores the pursuit of national interests by regional actors.

The agreement reflects the evolving dynamics of regional engagement, driven by Somalia, Ethiopia, and Somaliland’s pursuit of territorial sovereignty. While Turkey’s involvement is primarily opportunistic, focusing on short-term gains, it aligns with Somalia’s objectives of bolstering its defence capacities.

Foreseeing a gradual realization of its strategic value, the pact emphasizes the long-term nature of regional security developments, devoid of immediate confrontational scenarios. Thus, while symbolically significant, the agreement represents one among many steps towards potential strategic outcomes in the distant future.

Channel 16

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>