Dulmi Doon oo Dulmi Diidaan Aragnee,
Dulmi Diidow Dulmi Doon Ha isku Noqon
Yusuf Adan (AHUN) 1991
Weedha kor ku qoran Alla ha u naxariistee waa hees uu tiriyey Abwaan
Yusuf Adan 1991. Xiligaa ayuu abwaanku iiga sheekeeyey waxa ku kalifey
inu heestan tiriyo. Wuxu ii sheegey in markii dagaalku ka dhacey Xamar
dhamaadkii 1990 iyo bilowgii 1991 oo ay marka ay dhowr maalmood ka
dhimanyihiin inu Siyaad Barre ka baxo magaalada, ayuu guriga uugu
yimid nin korneyl ah oo aad u kibir badnaa oo ay Siyaad Barre is
xigeen. Wuxu ku yidhi Yusufow waan baqanayaa waana la I dilayaa ee I
badbaadi, meel kale oo an galo mahayee. Ninkaasi wuxu ahaa buu yidhi
nin baadilka had iyo goor ku dhaqma oo kibir dadka la doonta. Gurigii
ayaan ku hayey ayuu yidhi ninkii muddo 10 cisho ka badan.
Markii dagaalkii qaboobey ayuu ninkii yidhi bal isku day inad hesho
dad ad ku kalsoontahay oo magaalada iga saara oo I geeya illa
deegaankeygii oo an lacagna siiyo. Yusuf waxa uu la soo hadley qolo
jabhaddii Ceydiid aheyd oo ay aad iskugu fiicanaayeen, waaney ka
aqbaleen iney kexeeyaan lacagtaana qaataan. Markii ay ninkii soo
kexeeyeen ee ay marayaan meel aan gurigii Yusuf ka fogeyn oo u dhow
Tiyaatarka Xamar ayaaa intey ninkii gaadhiga ka dejiyeen meeshii ku
toogteen. Yusuf ayaa rasaastii maqley oo ku soo ordey, mise wuxu arkey
ninkii oo meyd ah iyo nimankii uu u dhiibey oo ag taagan. Markaasuu
heestan tiriyey. “Dulmi doon waa ninkan la dilay”. “Dulmi diidna” waa
kuwan wax dilay, waxaanu yidhi: Dulmi doon oo dulmi diidaan aragnee,
waxaanu ka waday, ninkii dulmi doonka ahaan jirey ayaan maanta
naftiisii la soo baqey oo dulmi diid ah. Dulmi diidow, dulmi doon ha
isku noqon oo uu ka waday kaagii jabhadda ahaa ee dulmi diidka ahaa,
iminka markaad guuleysatey dulmi doon ha isku noqon.
July 1989 waa maalin muwaadiniin 50 tiradoodu ku dhowdahay si xaqdarro
ah loogu dilay Xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho. Dadkaasi waxa ay
ahaayeen inaga oo kale oo leh ardey, odayaal, dhalinyaro, aqoonyahanno
iyo xoogsataba. Waxba mey galabsan ee inta guryahoodii laga soo
ururiyey iyaga oo hurda ayaa badda xeeligeeda lagu toogtey. Dulmi ayaa
lagu diley oo waa loo xoog sheegtay oo dad awood sheeganaya oo hubna
wataa ayaa naftoodii gooyey. Waxba mey galabsan ee inaga oo kale
ayuunbey ahaayen. Boqolaal kale oo dad ah ayaa xaqdaro lagu diley
welina laga yaabaa in maalinkasta ay ku dhimanayaan gacan ka gardaran.
Fataxada ayaynu u mareynaa inu Ilaahey janadii ka waraabiyo kuligood
inagana inooga daba naxariisto.
Waxa muhiim inan kuligeen diidno oo ka soo horjeedsanno dulmiga intu
doon haleekaadee. Dhacdooyinka dulmiga ku fadhiyaa maaha iney ina
geliyaan dareen aargoosi iyo naceyb toonaa. Dulmigu beel malaha,
shisheeye iyo sukeeyana malaha. Kuwa wax diley laftooda waxa laga
yaabaa iney ku jireen qaar dulman oo amar la siiyey balse aan niyadda
ka jecleyn iney dhagrtaa galaan. Dulmiga waxa dhaliya kibirka,
kibirkuna waxa uu ka yimaadda awood qof yeeshey oo uu sida qaloocda u
isticmaaley. Inta badan qof aan awood laheyni ma kibro. Dadka kibraa
waxa ay u badanyihiin dad ama awood xukun ama awood maamul ama awood
maal ama awood aqooneed Ilaahey siiyey.
Waxa waajib ah inad diido dulmiga noocuu doono ha noqdee. Waxa ka kow
ah inaadan kibrin oonad dadka dulmin. Waxa iyana waajib ah inaadan ka
aamusin dulmi lagu hayo shakhsi ama dad laga itaal roonyahay xataa
haddii ay yihiin dad iyaga laftoodu hore wax u soo dulmay. Waxa
muhiim ah inad ogaato in qofka dulmiga geysanayaa inu marar badan aanu
ogeyn inu dulmi ku taaganyahay waayo awoodiisa iyo magaciisa ayaa weyn
oo maba dareemi karo iney dhaceyso in amarkiisa ama kuwa daba socdaa
ay magaciisa ku dulimiyi karaan cid kale. Macalinka ayaa u yar oo
haddii aanu u fiirsan ficilkiisa iyo sida uu wax u dhigayo ee uu
ardeyda u maamulayo ay dhici karta in isaga oo aan is ogeyn oo dulmiyo
ardey yar oo miskiin ah oo aan markaa laheyn karti uu iskaga caabiyo.
Waxa an ku jirey dhalinyaradii guryaha lagala baxey habeenkii 17 July
1989 ee la geeyey xeebta Jasiira. Ilaahey ayaa naga badbaadiyey dilka,
balse asxaab iyo dhalinyaro an garanayo ayaa ku jirety dadkii la
dilay. Waxa an soo jeedinayaa in maalinta 17 July loo aqoonsado
maalinta dulmi diidka. Dabcan, waxa waajib ah in maalinkastaa ay
noqoto maalinta dulmi diidka, balse taariikhdani waa is xasuusin iyo
in faataxada loo maro intii ku dhimatey gacan ka gardaran, iyo
muslinka dhammaantii. Inagana Ilaahey inooga daba naxariisto
Bile – Aqoonta Iyo Nolosha
bileaqoontaiyonolosha@gmail.com