Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Waa Kuma Sarkaalka Bixiyay Amarkii Lagu Horjoogsaday Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani?

$
0
0

Waxa ay ahayd 07dii Mey 2017ka markii wefdi ka socda Xisbiga Waddani oo ku mid yahay Md Xirsi Cali Xaaji Xasan Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee gobolka Saraar laga horjoogsaday in ay kaalmo gaadhsiiyaan Cusbitaalka Guud ee magaalada Caynabo. Taasna waxa lagu sheegay amar uu bixiyay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Saraar Gaashaanle Dhexe Mursal Warsame Sugulle.

Waxa aan muddo dheer aqaannay Mursal Warsame Sugulle oo ahaa macallin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, waxaanu bare ka noqday dugsiyo ay ka mid yihiin Gacan-libaax iyo Dayib-Gurey. Hilaad ku siman 2009ka ayaa aan arki jiray isaga oo gelaya Saldhigga Axmed-Dhagax, halkaasna waxa uu u fadhiisan ciidanka nabadgelyada waddooyinka.

Anigu markaas waxa aan macallin ka ahaa Dugsiga sare ee Aljasiira oo dhismihiisu ku dhegsan yahay Saldhigga Waaxda Axmed-Dhagax ee Caasimadda Hargeysa. Ma uu ahayn qof xil haya, waxa uu se u shaqaynayay sidii karraani wax u qora ciidanka nabadgelyada waddooyinka Somaliland. Laakiin markii ay Xukuumadda KULMIYE talada la wareegtay ayuu ku durkay xagga booliska, illaa uu ka gaadhay jago loogu gacal-miisay.

02dii March 2014ka oo la helay meydka haweenay lagu nolol-aasay bariga Hargeysa ayaa aan ogaaday in Gaashaanle Dhexe Mursal Warsame Sugulle uu ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska ee Bariga Hargeysa. Falal uu sameeyay xilligii la baadhayay kiiska Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle ayaa sababay in shaqada laga caydhiyo. Waxa uu dhawr jeer sii-daayay gacan-ku-dhiiglihii dilka fulisay oo lagu soo xidhay saldhigga New Hargeysa. Aniga oo u riyaaqay xil-ka-qaadistiisa, waxa la-yaab igu noqotay in aan arko isagii oo loo magacaabay kaalin ka culus halkii uu hore ugu fashilmay.

Waxa ay ahayd 20kii Disember 2016ka markii aan arkay Mursal oo haddana ah Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Saaxil, kolkaasna waxa aan booqasho ku tegay magaalada Berbera. Waxa aan indhaha saaray isaga oo jooga Maxkamadda Gobolka Saaxil iyo xafiiska duqa Berbera, waxaana dhararaarahaas taagnaa muran ka aloosan masaajidka Sheekh Isaxaaq ee Berbera oo ay isku hayeen Culimada Qaaddriyada iyo qoyskii uu awowgood/aabbahood masaajidka dhisay ee reer Xaaji Yuusuf Iimaan.

Ayaamahaas waxa uu muran weyni ka dhexeeyay Gaashaanle Dhexe Mursal Warsame Sugulle oo diiday in uu tallaabo ka qaado dad uu ganacsade caan ahi si sharci-darro ah u dejiyay dhul ku yaalla magaalada Berbera. Falkaasna waxa si weyn uga biyo-diiday Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin). Xilliyada qaarna waxa la ii sheegay in uu dagaal gacan-ka-hadal ahi uu dhex maray Duqa Berbera iyo Taliyaha Booliska ee Gobolka Saaxil. Dadweynuhu waxa ay sarkaalkan ka bixinayeen cabashooyin kala duwan.

Isku shaan-dhayn lagu sameeyay hoggaannada iyo taliye-qaybeedyada ciidanka Booliska Somaliland dabayaaqadii bishii hore (Abril 2017) ayaa Mursal Warsame Sugulle loogu magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Saraar. Amarkii kowaad ee uu bixiyayna waa diidmada kaalmadii loo waday dadka tabaalaysan ee ku jira dhakhtarka Caynaba. Macallinka noqday Gaashaanluhu waxa uu cusbitaalka moodayaa fasalkii uu maamulka ahaa ee uu ardayda ku odhan jiray “Joog. Soo gal. Fadhiiso. Aamus. Bax” IWM.

Gaashaanle Dhexe Mursal Warsame Sugulle waxa uu tusaale u yahay caddaaladda lagu bixiyay derejada ciidanka Booliska Somaliland. Waa macallin illaa gaashaanle. Isaga oo aan lahayn aqoon iyo waayo-aragnimo dhinaca askarnnimada ah ayaa loo taxay billado iyo garaaddo waaweyn, halka dad badan oo kaalintan u qalmayay aan wax qaddarin ah la siinnin.

Maadaama oo uu ciidanka boolisku yahay meel sidan fudud looga gaadhi karo dallacaad, waxa aan diyaar u ahay in ku biiro ciidanka Booliska. Taliyaha Guud ee Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan waxa aan leeyahay, “Abti diyaar ayaan u ahay in aan kula shaqeeyo, haddii aad igu maamuusto Gaashaanle Sare. Xilal badan ayaan ka qaban karaa Ciidanka Booliska”

Siciid Maxamuud Gahayr

siciidgahayr@gmail.com


Sawirka todobaadka Siyaasiga caalmka iyo ka Somalida

Daawo:Michael Keating oo Soo bandhigay Arimo & Mawduucyo xasaasiya oo lagu lafaguri doono Shirka Somalilada ee London

Daawo 10 Dowladood Ee Dunida Ugu Awooda Badan Sanadkan 2017

Statement attributable to the Spokesman for the Secretary-General on the attack against a convoy of the United Nations Multidimensional Integrated Stabilization Mission in the Central African Republic

$
0
0

NEW YORK, United States of America, May 10, 2017/APO/ — The Secretary-General strongly condemns the attack perpetrated by suspected anti-Balaka against a convoy of the United Nations Multidimensional Integrated Stabilization Mission in the Central African Republic (MINUSCA) on 8 May, on the Rafai-Bangassou axis, in the south east of the Central African Republic. The attack led to the death of four peacekeepers while ten others have been evacuated to Bangui. One peacekeeper is still missing.

The Secretary-General offers his deepest condolences to the bereaved families and the Governments of the concerned troop contributing countries, and wishes a swift recovery to the wounded. The Secretary-General would like to underline that attacks against United Nations peacekeepers may constitute a war crime. He calls on the Central African Republic authorities to investigate the attack in order to swiftly bring those responsible to justice.

The Secretary-General would like to reiterate his support to the actions of MINUSCA to protect civilians and stabilise the Central African Republic, and call on all parties to heed President Faustin Archange Touadéra’s call to cease violence and work together towards the stability of the country.

Distributed by APO on behalf of United Nations – Office of the Spokesperson for the Secretary-General.

The European Union celebrates Europe Day 2017 in Liberia in tune with the “eat what you grow, grow what you eat” campaign

$
0
0

MONROVIA, Liberia, May 8, 2017/APO/ — Europe Day, held on 9 May every year, celebrates peace and unity in Europe. This year the European Union Delegation in Liberia has decided that the annual diplomatic reception to celebrate Europe Day will be organised in tune with the “eat what you grow, grow what you eat” promoted by the Ministries of Agriculture and Commerce.

In practice this means that almost all of the ingredients that will be used for the preparation of the food served at the reception have been sourced directly from Liberian farmers. The chicken for example has been purchased from Ms Anatta of Margibi County, the pork from Ms. Martha Gbanekan of Montserrado County, the cassava from Ms Grace N. Philip of Grand Bassa County and the vegetables from Mr Abraham Gaye of Grand Bassa county and Ms Sam G. Hill of Montserrado County. There will also be innovative products, such as moringa tea and soup prepared by Mama Morris from FTI Community, Bomi County.

These farmers groups are supported by EU funded projects in agriculture, implemented by BRAC and the Food Security and Livelihood Consortium (ZOA, Action Against Hunger, Welthungerhilfe). Some of them will also be present at the diplomatic reception with their products for display and sampling by the EU guests.

In presenting this initiative, EU Ambassador to Liberia Tiina Intelmann stated that “This is only a small gesture, but we would like to demonstrate that it is possible to develop a commercially viable agriculture in Liberia. Consuming local products is good for the local economy and for the environment, as they have a much smaller carbon footprint. We hope that the authorities and all our Liberian guests will appreciate this initiative and follow it”. Despite the best efforts of the staff of the EU Delegation, the wines for the event will still have to be sourced from Europe.

Distributed by APO on behalf of Delegation of the European Union to Liberia.

Daawo:Gudoomiyaha Gudiga Qabanqaabada shirka London oo ka hadlay Natiijooyinka laga doonayo inay ka soo baxaan Shirka & Qaadista Cunaqabateynta Hubka saaran Somalia

$
0
0

Daawo:Gudoomiyaha Gudiga Qabanqaabada shirka London oo ka hadlay Natiijooyinka laga doonayo inay ka soo baxaan Shirka & Qaadista Cunaqabateynta Hubka saaran Somalia

FDI flows to Africa threatened by global economic uncertainty – governments and investors gather to discuss possible solutions

$
0
0

PRESS RELEASE

For African governments part of what is at stake are much needed foreign direct investments and access to affordable financing necessary to spur development and, specifically, to close the estimated USD900 billion infrastructure gap
NAIROBI, Kenya, May 10, 2017/ — At a Roundtable event in Nairobi, Ministers from across Africa sat together with investors and the private sector to determine how best to tackle the investment and credit risk hurdles in order to make African risks bankable. Participants to the Roundtable see the event as timely because it comes at time of geopolitical uncertainties which, according to The World Bank, could lead to “higher borrowing costs or cut off capital flows to emerging and frontier markets”.

For African governments part of what is at stake are much needed foreign direct investments and access to affordable financing necessary to spur development and, specifically, to close the estimated USD900 billion infrastructure gap. Equally, the private sector stands to lose billions of dollars in lost opportunities if the requirements for a favourable investment environment are not adequately addressed.

The half day forum, the 4th Roundtable to focus on Political and Credit Risks in Africa, took place on the side lines of the African Trade Insurance Agency’s (ATI) (www.ATI-ACA.org) Annual General Meetings. The event opened with pointed remarks from H.E. Patrice Talon, President of Benin:

« Le partenariat public-privé s’impose donc comme la réponse aux besoins d’investissement structurants de nos États. Se présente alors la nécessité de disposer d’outils appropriés permettant des investissements malgré la persistance de la perception de risque élevé en Afrique. Dans ce contexte, l’assurance-crédit constitue entre autres un outil efficace pour répondre à ce défi. »

Subsequent discussions focused on possible solutions to the challenges facing governments from the private sector and export credit agencies from panellists such as:

Hon. Patrick Chinamasa, Minister of Finance & Economic Development, Zimbabwe
Hon. Romuald Wadagni, Minister of Economy & Finance, Benin
Hon Felix Mutati, Minister of Finance, Zambia
Chamsou Andjorin, Director Government Affairs & Market Development, Boeing Intl.
Helen Mtshali, Syndication Lead – Sub-Saharan Africa, Industrial Finance Solutions, GE
Nisrin Hala, Sr. Director, Global Trade Finance Bus. Devpt. Emerging Markets, SMBC
Investors are not immune to political and social developments in emerging regions like Africa. In fact, with reduced earnings – the benchmark emerging-market stock index has lost approximately 4 percent annually since 2010 from a high of 22 percent annual return in the preceding decade – investors are now focusing on more than the bottom line in these markets. During the boom years of the last two decades, Africa was experiencing unprecedented GDP growth rates but depressed commodity prices have seen growth in the sub-Saharan Africa region slow to 1.5 percent rate in 2016. According to World Bank estimates, oil exporters account for most of the slowdown owing to their two-thirds contribution to regional output.

In a Bloomberg article published in March 2016, emerging market investors from some of the most prominent companies noted the dramatic change in their investing tactics due to global fragility, which they see as unveiling institutional weakness, corruption, poor governance and efficiencies. In this current climate, investors are now keenly tracking social indicators such as corruption rankings, gender parity and the extent that rule of law is respected within emerging markets.

“Africa is in a period of realignment in this new global order but I don’t think anyone should bet against its resilience. We are still home to some of the fastest growing economies in the world – as of 2017, the World Economic Forum ranks Côte d’Ivoire, Tanzania and Senegal on the list of the top ten fastest growing economies in the world,” notes George Otieno, ATI’s CEO.

In this climate, it is more imperative than ever for African governments to focus on economic diversity to maintain growth while addressing risks to investors. As an internationally respected African institution, the African Trade Insurance Agency (ATI) offers the ideal solution precisely because the company has strong relationships with governments and because its risk assessments and mitigation solutions are seen as credible by global financiers and investors. With ATI involved in a transaction, governments are able to provide security to investors and suppliers against a range of investment risks.

In 2016, ATI insured close to USD2 billion (KES202.8 billion) worth of trade and investments and the company is increasingly supporting some of the continent’s most important transactions such as Ethiopian Airline’s fleet expansion and a USD660 million investment in Lake Turkana, Africa’s largest wind farm and, to date, the single largest investment in Kenya.

In this environment, ATI’s products are being seen as a valuable tool to enable lenders to take sub-investment grade risk in Africa thus allowing governments and corporates to access more affordable financing. Importantly, in its role as an investment insurer of last resort, ATI is also providing the necessary comfort to support continued investments into the continent amidst a period of uncertainty.

Distributed by APO on behalf of African Trade Insurance Agency (ATI).
View multimedia content

SOURCE
African Trade Insurance Agency (ATI)


Halkani ka daawo wararkii xisbiga Waddani ee maanta oo dhamaystiran iyo xaalada taagan

Investing in energy projects in Africa: the deal makers are gathering at African Utility Week

$
0
0

Investing in energy projects in Africa: the deal makers are gathering at African Utility Week
7000+ energy and water experts to meet in Cape Town

Six months of Trump, de-risking renewable energy investments and country project pipelines are just some of the key sessions during the upcoming African Power Finance & Investment Forum that is part of the African Utility Week conference and expo at the CTICC in Cape Town from 16-18 May.

Says African Utility Week event director Evan Schiff: “we developed the African Power Finance & Investment Forum in response to a strong demand from investors and project leaders, to provide a unique insider’s perspective on the outlook for African energy. The forum will feature expert speakers who will identify the key trends impacting project finance in regional energy markets with updates on and insights into market opportunities, sources of capital, financing instruments and access to project finance.”

Some of the leading speakers and sessions at African Power Finance & Investment Forum:

African utilities in an upside down world
– Dr Jerome Booth, leading expert investor in emerging markets, author of ‘Emerging Markets in an Upside Down World’; Chairman of New Sparta Asset Management; co-founder of Ashmore, UK:
“I shall be talking about the failure of finance theory, which has led to massive distortion in risk perceptions and asset allocation globally. This has impeded capital flow to private markets in Africa, to the detriment of both African economies and global savers”.

The big three: Nigeria, Kenya, Ghana
– Gavin Serkin, Managing Editor, Frontier Funds Consultancy, author of ‘Frontier: Exploring the Top Ten Emerging Markets of Tomorrow’, UK:
“When you compare against the UK and US, most of Africa is doing the right thing! It’s all relative. The biggest opportunities occur where there is opportunity to scale access by consumers to services taken for granted by the rest of the world, and in this respect nowhere comes close to Nigeria.”

Courting Capital: All investment dollars are not created equal
– Subha Nagarajan, Managing Director for Africa, OPIC, USA:
“Investors seeking opportunities in Africa should not have outsized return expectations, and should be willing to take a long term view of market evolution when balancing their risk-return expectations. One of the biggest challenges to investing in Africa continues to be the dearth of infrastructure required to support project construction and implementation.”

Understanding of risks and their pricing – how can the supply of long-term local currency financing and hedging be improved?
– Harald Hirschhofer, Senior Advisor, The Currency Exchange Fund (TCX), The Netherlands:
“I think there is too much fear about the uncertainty of some renewable business models which drive up credit spreads. For example, solar technology is well tested now, project implementation risks are low in many countries, and pay as you go schemes work with low default rates. Bankers do not yet fully appreciate this.”

The art of the deal (How Trump’s policies impact Africa)
– Andrew Moorfield, Head of Natural Resources, Exotix Partners, UK:
“We are finding that there is appetite for emerging and frontier market projects. They just have to be structured appropriately and hit the return requirement for investors”

The full interviews with these and other speakers can be viewed here: http://www.african-utility-week.com/expertinterviews

Award-winning energy platform
The 17th annual African Utility Week will gather over 7000 decision makers from more than 80 countries to source the latest solutions and meet over 300 suppliers. Along with multiple side events and numerous networking functions the event also boasts a five track conference with over 300 expert speakers.

The conference programme will address the latest challenges, developments and opportunities in the power and water sectors: ranging from generation, T&D, metering, technology and water.

The African Utility Week expo offers an extensive technical workshop programme that are CPD accredited, free to attend, hands-on presentations that take place in defined spaces on the exhibition floor. They discuss practical, day-to-day technical topics, best practices and product solutions that businesses, large power users and utilities can implement in their daily operations.

Industry support
The leading global advisory firm KPMG is this year’s diamond sponsor for the event while industry stalwarts EPG, GE, Huawei, Landis+Gyr, Lucy Electric, Ontec and Shell are platinum sponsors. The gold sponsors are Aberdare Cables, Conlog, Oracle Utilities, SAP, SBS Tanks, SNPTC and Vodacom.

African Utility Week and Energy Revolution Africa is the flagship energy event organised by the multi-award winning Spintelligent, leading Cape Town-based trade exhibition and conference organiser, and part of Clarion Events Ltd, based in the UK. Other well-known energy events by Spintelligent are Future Energy Nigeria (formerly known as WAPIC), Future Energy East Africa (formerly EAPIC), Future Energy Uganda and Future Energy Central Africa.

Earlier this year, Spintelligent won four major awards at AAXO’s ROAR Organiser and Exhibitor Awards, with African Utility Week named the joint winner for Best Trade Exhibition 6001-12000 sqm category (with the World Travel Market).

Dates for African Utility Week and Energy Revolution Africa:
Conference and expo: 16-18 May 2017
Awards gala dinner: 17 May 2016
Site visits: 19 May 2016
Location: CTICC, Cape Town, South Africa

Somaliland ma Dulugleh cad baa dusha kaga soo degay mise waa laga dhex-toosay si Hablaha dhaqan Celinta u jooga loo soo furto?

$
0
0

Boowe !..Ma…Weecsintii iyo Beegsintii baa taasi inoo raacday !. Mise Alooskii iyo Agaasinkii Gudaha iyo Debeda ayaa isku gedmaday !! Mise Qataabsi iyo Qurbaani baa lagu jeedaa.. Mise Xaalku waa ka sii laac iyo Qudh-Qudho joogto ah ? Mise Gown iyo Maquuno qaybsigeedaa gorada lays geliyey !! Boowe …Malaa….Waa Qaliban !! Mise ….Waaba Suke ! Mise …Dalkaba hoostaa laga hagaa? Mise Xaalku waa Doog dhabasho iyo Doogsin carar oo caad iyo ciiro qarsoon baa laynagu indho sarcaadinayaa !! intaasina waa iga arar dadab-galkeedii ee bal aan hoos u soo dego !!……. !!

inaga oo bud-dhig iyo baleysin la inoogu garaabo uga dhigayna hadaladii iyo hawraartii maalmahan dawladu kaga hadleysay Hablihii Dhaqan celinta dalka loo keenay ee dib loogu celiyey dalalkii ay dhalasha u haysteen ee waalidkood kala soo cararay, inaga oo sii tix-raacayna tixdii iyo tiraabtii aan mariibneyn ee haw-wadeenadii dawlada ee hawshan qaabilsanaa ay mikirifoonada kaga hugmeen, bal aan Tooshka ugu yara shidno ummadda wixii meesha ka dhacay !

La’ye Hablo tiro badan oo dhaqan celin ah oo ka kala yimi wadamada USA, UK, Denmark, Sweden iyo Canada ayaa Somaliland la keenaa sanad kasta
La’ye Sirdoonkii reer Galbeedka ee dalalkaa ayaa helay sir ku saabsan in Goobaha wax lagu baro Hablahaasi sida boodhinada iyo Madarasadaha in lagu waxyeeleeyo
La’ye Hablahaasi waxay da’doodu u dhaxaysaa 15 jir ilaa 19 oo waxaa dalka loo keenay in ay bartaan dhaqanka suuban iyo diinta islaamka
Ku’ye Markii Sirdoonkii reer Galbeedku ay xog khaldan heleen ayaa dawladu ufududeysay in Ciidamada RRU ay Goobihii habluhu ku sugnaayeen galaan.
Ku’ye Hablihii oo ilaa 17-21 ruux ah ayaa goobtii laga soo daabulay oo 15 hablihii ka mid ah ayaa dib loogu celiyey wadamadii ay dhalashada u haysteen.

Hadaba Arntani waxay mushatamaca reer Somaliland iyo waalidiintii caruurta dhalay ay daaha uga faydaysaa in uu Dalkii Somaliland uu sii fashilmaayo mudooyinka danbe
Waxaa ummadda u cadaatay in Nidaamkii amni iyo Nidaamkii sharci ee dalka ay Hayado xoogani ay soo faro geliyeen oo ay xoog ku leeyihiin arimaha gudaha ee dalka.
Waxaa ummadda u cadaataya in Xukuumadii ummadu dooratay ay noqotay nugul si fudud Amaawiirta Shisheeya u fulisa maadaama shuruuc ay la shir tagto aanay hore ugu sii sameyn khataraha ku gedaaman caruuraha naftoodu isweyday ee qurbaha laga soo dhaqan celiyo

Waxay aheyd in Dawdaha reer Galbeedku ay sharciga Somaliland ay qadariyaan sida Somaliland ay u qadariso Shuruucdooda. Waxaa Meesha yaala wuxuu ahaa iswaafajinta iyo hab-nololeedka iyo hab-dhaqanka habluhu tirsanayeen markii Goobta Habluhu degan yihiin la tegay. Markii Goobta la tegay ee Hablaha la wareystay waxaa Cabashada habluhu ku soo ururtay nabadgelyadooda iyo sidii loola dhaqmayey intii ay Goobta Joogeen ( Health and safety and Safeguarding issues )
Waxay aheyd in markii la ogaaday in aanay wax xag-jirnimo ah oo khatar ku ah Dawladaha Galbeedka, Somaliland iyo nafta Hablaha qudhooda in cidii dacwad qabtaa ay dacwad ka furato hayadaha ay arintani khusayso , Laakinn taasina may dhicin waana Nasiib-daro.Waxaana halkaa ka muuqata in Hayadihii Dawlada ee hawshaas lahaa ay halkaa ku fashilmeen. Waxaana ay arintani noqon doontaa Wado-Halaq Mareen ah.. Waana loo joogi doona hadii aan laga sii tashan!

Bayaamin

Dawladaha reer Galbeedka Caruurta ku dhalataa waxaa sharcigoodu siinayaa in ay caruurtaasi leedahay xuquuq buuxda iyo xasaanad badan oo ugaar ah
oo ay ula baxeen ( Child Protection Policy and Safeguarding legislation ) )
– Waxay indho qudhaanjo ku eegaan in caruurta la ciqaabo ama la faro xumeeyo oo ciqaab maskaxda ah ama jidhka ah lagula kaco.
-Waxay ka soo hor jeedaan in Caruurta la garaaco, la karbaasho ama la jidh-dilo ama la xidho oo la cabsi geliyo.
– Waxay ka soo horjeedaan in Caruurta maskaxdooda la masaxo oo Xag-jir laga dhigo ama cunsiriyad guud ama mid gaar ah lagu abuuro.
– Ma ologa in Caruurta lugaha laga xidho oo sil-silado ama xadhko lagu xakameeyo oo xidhiidha qoyskooda iyo asxaabtooda laga jaro.
– Waxaana ay wadamada reer Galbeedku u sameysteen arinkan shuruuc Caalami ah oo adag sida ( United Nations Convertion of the rights of the Children UNCRC )
– Caruuraha Wadamadan reer Galbeedka ku dhasha ama ku koraa waxaa lagu barbaariyaa in aanay qarin dhib kasta oo loo gaysto waxaana ay yaqaanaan goobihii iyo surimadii ay ka dacwoon lahaayeen ee ay la xidhiidhi lahaayeen iyo sifihii ay ula xidhiidhi lahaayeen. Sidaa daraadeed waxa Caruurtani ay si yar oo siliq ah ay ubixin karaan xogo ama (information ) khaldan taas oo dhibaatooyin aan la mahadin gaadhsiin karta Goobaha Iskuulada ama madarasadaha ay wax ku bartaan iyo Caruuraha kale ee ay wax la bartaanba. – Dawladaha Reer Galbeedka waxaa dal walba u qaabilsan arintan Sarkaal dhul jiif ah oo qarsoon oo Hayadaha aynu gacmaha hoos dhigano ku dhabacda kuna dhuunta oo hawshiisa hoosta ka wata.

Talo Soojeedin Muhiim ah.
1- Waxaa Xukuumada Somaliland looga fadhiyaa in ay Gudi hawshan Baadha ay u saarto sida ugu dhakhsaha badan inta aan hadana laga dul toosin iskuulada kale ee boodhinka ah ee caruurta qurbuha ee dhaqan celinta ujooga ay ka buuxaan ee dalka ku filiqsan.
2- Waxaa Xukumada looga fadhiyaa in ay u sameyso guud ahaan dalka , gaar ahaan Schoolada Boodhinka ah shuruuc iyo xeerar lagu bad-baadiyo Caruurta ( Child Protection ) laguna xakameeyo cid kasta oo caruurta dhibaataysa..
3- Waxaa looga fadhiyaa in ay sharci adag oo qabta u sameyso cid kasta oo la xidhiidh toos iyo mid dadban caruurta la sameysa, sida Macalimiinta, iyo shaqaale hoosaadka goobaha ay ku sugan yihiin ka hawl-gala. si aanay u soo huluulan goobaha caruurtu ku sugan yihiin macalimiin fikirkooda bedela ama duulkale oo faraxumeeya caruurta.
4- Waxaa looga fadhiyaa Xukuumada in si deg-deg ah ay hoos ugu naaqishto Manaahijta laga dhigo iskuulada boodhinada ah iyo madarasadaha dalka, lana waafajiyo Manaahijta Wasaaradda Waxbarashada ee qaranka.
5- Waa in shariyada ay xukuumadu Sameysaa ay waafaqsanaadaan Shuruucda Caalamiga ah ee Badbaadada Caruurta ( United nations Convension of the rights of the Children ( UNCRC)- Waana in Xukuumadu Sameysaa Gudida Daba-galka iyo Bad-baadada Caruurta Dayacan ee dalka ku sugan.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
inafidhinle@gmail.com
Qoraa Madax banaan
Intensive Education BD PA
United Kingdom
London

Cali Mareexaan iyo Maxamuud Xaashi oo gurigii agoonta Abdiraxmaan Ducaale ka saaraaya kana xaraashaaya….

$
0
0

WASIIR CALI MAREEXAN IYO MOHAMOUD XASHI OO GURIGII MADAXWYNE CIGAAL SIIYEY AHN GUD HORE BAANKA ABDIRAXMAAN DUCAALE KA IIBINAYA DOWLADDA ETHIOPIA KANA SIINAYAA 1000,000 (HAL) million dollar
Ayaan daradda qaranka heysta Waxaad mooda iney Tahey Qabyladda Aad moodo wasiiradda Xukumadda Hadda maamulkeeda hayaa iney Dad gaara Ugu awood sheeganayaan awooda qaranka.
Waxaan u sheegaya cali Marexaan iyo Maxamoud Xaashi labaaduba Abdirahman DUCAALE Si fiican bey u GARANAYAAN.
Haduu noolaan Lahana Kumey dhaceen iney guriga soo ag istagaan iska daa iibe.
Maxamoud Xaashi Markuu dalka ka soo tahriibey ee UK usoo socdey Ninka Madaxeyne ula hadley ee yidhi Xildhibaanka iyo Caruurtii Aan Anba bixino ee waliba Isagu jeebkiisa sooryo gaara ka siiyey. Gudomiye Abdirahman DUCAALE Buu ahaa.
Ragga Ugu shaxaadka badan ee Malin walba odhan jirey Abti Noo Cassee Accounkayagga SANADKA soo socdda gaar Baa naloo cadaadinayaa xisbul MUCARAD baanu nahee. Waxey ahayeen Cali mareexaan iyo Maxamoud xashi oo Abdirahman ku odhan jirey Abti.
Maanta Marku dhintey caruurtiisii iyo Dumarkisii iney tv soo tubaan oo guriga la siiyey kagaa daba yimadaan oo hantidda qaranka ee la boobayo ku daraan ee xaraashka dalka oo dhan wadda galiyaan oo Aam Cidna la karameyneyn.
Waxaan u arkaa in ey Tahey fadeexadd Madaxwyne Siilaanyo Dul taal Inuu Maanta isagoo jooga agoonta ciidamo la Dul keeno gurigana laga saaro iyadoo guryahii kale ee Aan Cidna laga qaadin.
Maanta guriga Madaxwyne Siilaanyo ku jiraa Cid siisey Ma jirto isagoo Mucaradd ah Waxa loogu qabsan wayay waxey aheyd ixtiraam ah Inuu yahey Nin qaranka usoo shaqeeyey. Waliba isagoo Ina Buuba Lahaa guriga.
Hadaba Arintan Waxaan odhan Lahaa Dowladdu Haka noqoto. Hana laga xishooto arimahan noocan oo kale. Labadan Wasiir Waxaan u sheegaya in Marba xukunka dowliga ah xukunkisa rag hayaan. Balse Hadii ey isleeyahiin waligiin kuraastaad fadhiyeysaan
Waxa kaga filan Ragii Ugu awooda Weyna iney suuqa fadhiyaan.
Waxan ku soo gunanayadda
Idinka saban Inaga tagey
Sidii Aad ka baqi jirteen
In xukumaddii idin boobaan
MAANTANA Hadaad tashkii
Xukumadda idinku sidataan
Hadaad Saaka ladan tihiin oo
Sax iyo khaladuba idin suurto galayaan
Seetadda ha luminina Imisa slaaan Jabey
Imisa Nin kula siman laga qubey sareedada
Walliam saajin Baa dilley.
Waa Xaal Addunyo in Maanta agoontii
Ciidan la Dul geeyo Kama duwana beri
Oo Amina Weris laga saaro guriga ey Hadda
Ku jiraan ee Madaxwyne Siilaanyo degena Marku mucaaraddka ahaa. Mise Beri Waxaad odhan doontaan Madaxwyne Siilaanyo Isaga
Isu saxeexey oo Marku Madaxeynaha isa siyey

Abdirizak Diinaari

OGAYSIIS: SHIRWAYNAHA BEELAHA WALAALAHA AH EE “ HABAR JECLO & HABAR YOONIS” OO LAGU QABAN DOONO LONDON

$
0
0
OGAYSIIS:   SHIRWAYNAHA BEELAHA  WALAALAHA AH EE  “ HABAR JECLO & HABAR YOONIS”  OO LAGU QABAN DOONO  LONDON ,SABTIDA 13TH MAY,2017.
Salaanta Islaamka ka bacdi ,waxa si xushmad leh  loogu martiqadayaa dhamaan Jaaliyadaha  deggan U.K ee kasoo  jeeda beelaha walaalaha ah  ee HY & HJ  inay si mug-leh uga soo   qayb galaan Shirwaynahaa lagu qaban doono London,U.K. Ajanadaha shirku wuxuu ku koobanyahay :  Horumarinta deeganadda ay wada degaan labada beelood  ee Saaxil, Sanaag, Sool,  Saraar, Toghdeer & Kilidhka Shanaad; dhiirigelinta maalgaashiga & wax-wada lahaanshaha; fududaynta  isdhexgalaka iyo wax wada qabsiga bulshada rayidka ah; adkaynta nabadgelyadda  & jiritaanka  qaranimadda Somaliland. Waxa kale oo kasoo qayb galayaasha  shirka “ Participants “ la ogaysiinayaa in madasha  lagu qaban doono “ FUND RAISING  lagu maamulo doono  shirarka  isdaba-joog ah  ee ka dhici  doono gudaha Somaliland iyo kiraynta guryaha loogu tallo galay isdhex-galka bulshada rayidka ah siiba dhalinyaradda.
GOOBTA : TREDGAR COMMUNITY CENTER, 333 MORVILLE STREET ,BOW LONDON E32DZ LONDON.
WAQTIGA : 2-9 PM , SATURDAY, 13TH MAY. 
WAA BILAAHI TOWFIIQ.
GUDDIDA QABANQAABADA

Daawo:F.C.Waraabe oo canbaareeyay,si qaawana u weeraray Dawlada UK,Farmaajo,Ra’iisal-wasaare Khayre & Shirka Somalida London uga socda

Daawo:Mawqifka Xisbiga Kulmiye ee Shirka London & Cunaqabateynta Hubka Somalia laga qaadayo


Daawo:Xukumada Siilanyo oo baaq u dirtay Dawlada UK & EU-da,kana Codsatay inaan Cunaqabteynta hubka laga qaadin Somalia

$
0
0

Daawo:Xukumada Siilanyo oo baaq u dirtay Dawlada UK & EU-da,kana Codsatay inaan Cunaqabteynta hubka laga qaadin Somalia

Daawo:Ra’iisal-wasaare Xigeenka Farmaajo oo shaaciyey in Wadahadalada Somalia & Somaliland Bilaabamayaan & Natiijada laga doonayo+Midnimo Somaliyeed

$
0
0

Daawo:Ra’iisal-wasaare Xigeenka Farmaajo oo shaaciyey in Wadahadalada Somalia & Somaliland Bilaabamayaan & Natiijada laga doonayo+Midnimo Somaliyeed

Shicibku wuxuu ogaa 35% Somaliland, 65% DP World goormaa Ethiopia la siiyey19%

$
0
0

Hore waxa loo sheegay in Dekeda Berbera 35% Somaliland leeday, 65% na shirkada DP World la siiyey. Maanta War xukuumada ka soo baxay oo BBC da laga sheegay wuxuu wasiirka wasaarada ganacsiga sheegay in Ethiopia na la siiyey 19%. Waa xaaja uguba oo bulshada ka wareerisay. Ethiopia iyadoon cidiba wax u diidanayn oo ay degenyiin dad ku dhow boqol million oo lala baayaca mush tarayn karaa, hadana markii hore laguma darin shicibkana looma sheegin. Taasi waxay cadaynaysaa in xukuumadan hulaabta xun lihi aanay banaanka u soo saarin saami qeybsiga saxa ah ee Dekeda Berbera oo inta la ogyay qoyska Silaanyo na ku leeyey 8%. Waxa taaba ka sii daran DP World lacagtii ay ku balan qaaday inay dkeda ku balaadhisaa waxay isu bedeshay in ay horta labada samadood ee hore dekeda maamushu wixii dhaqaale ka soo baxana gacanta ku dhigtu. DP World diyaar uuma aha sida muuqata inay lacag iska geliso Dekeda ee waxay wadaan inay ku macmalaan wixii ka soo baxa. Ta sadexaad ee waxaan oo dhan ba ka sii foosha xumi waxa weeye Deked aan hore loo ogayn oo laga ag dhisayo madaarka Berbera oo loogu tala galay inay ciidamada carabtu wax kala soo degaan ayaa rag ajanebi ihi dhismaheedii bilaabeen. Fool xumada iyo Khasaa-raha iyo hagar daamada ay Amina Weris iyo Morgan Saaxil ka wadaan maaha mid sahlan ee waa
mid goor ay noqotaba laga jari doono. Dadka kale waa shaqaale iyo guulwada yaal sida Maxamoud Xaashi iyo Cali mareexaan oo wax qaraara kuma laha amuurahan is dhaafaya. Silaanyo na hadal kiisaba daa oo tiisii baaba cusleysay. Labada qof ee Somaliland eeday waa marwada iyo Morgan. Hase yeeshee Morgan waxa reer Somaliland kaga ciil baxeen magac aan weligii ka hadhayn oo ah mid tilmaamaya fool xumo ayay ku dhejiyeen. Amina Weris na dalka iyo dadka uun bay ciil iyo cadho ka kacday waagii xisbiga Kulmiye guuldaraystay bay kula dhacday ee cimri sidaasa oo u hadhay ma jiro waxan ay boobaysana waqti ay ku istic maashaa uuma laabna oo dadka dib looma abuuro. Hadal hayn waxay u leeday Amina Weris Somalidu waa sida soodhaha oo sadex cisho uun bay qayliyaan ee boobka inoo wada. Waxay se ilaabaysaa in xisaabtii ilaahay hadhsantay oo dadkaa ay sidaa ku leeday ilaahay tusi karo iyadoo xaalad adag ku jirta. Nin agoon qalin ku xaday qaaxo kama fogaado.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com

Daawo: Sidee Baad Uga Gaashaaman Kartaa Cadowtinnimada Shaydaanka Iyo Waswaasintiisaba?

$
0
0

Daawo: Sidee Baad Uga Gaashaaman Kartaa Cadowtinnimada Shaydaanka Iyo Waswaasintiisaba?

Shaydaanku waa cadowga koobaad ee ilaahay ballan ugu qaaday inuu beni’aadamka xaqa seejinayo oo uu naar ku hubsanayo, inta xadhiga ilaahay qabsata ee dariiqa toosan ku hagaagta ee ka badbaada mooyee.

Sidaa darteed, In qofka muslimka ahi ka gaashaanto dhagarta shaydaanka iyo waswaasintiisaba waa biyo kama dhibcaan. Qodobkan waxa si faahfaahsan uga hadlaya sheekh Maxamuud Maxamed Shibli.

Waana muqaal uu idiinku talo galay barnaamijka MIDHAHA DIINTU. Ka faa’idaysi wanaagsan oo ku camalfal fiican. Ilaahay xaqa ha innagu sugo. Sheekhana ajar iyo xasanaad ha ka siiyo.

Daawasho wacan oo ku camal-fal fiican.

 

https://www.youtube.com/watch?v=14iLVD92HnE&feature=youtu.be

Daawo:Nuxurka 31 Qodob oo Ka soo Baxay Shirkii London Oo Soo Xidhmay

$
0
0

Daawo:Nuxurka 31 Qodob oo Ka soo Baxay Shirkii London Oo Soo Xidhmay

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>