Daawo:Cali Khaliif oo ka hadlay ujeedada Shirkii London & Wixii ka soo baxay,Doorka S/land & Khaatumo,Puntland-na Kabaha la dulmaray
Daawo:Cali Khaliif oo ka hadlay ujeedada Shirkii London & Wixii ka soo baxay,Doorka S/land & Khaatumo,Puntland-na Kabaha la dulmaray
Daawo:Shir Ergooyin ka socday Beelaha H/Jeclo & H/yoonis ku yeesheen London+War-murtiyeed ay soo saareen & Wuxu daaran yahay
Daawo:Shir Ergooyin ka socday Beelaha H/Jeclo & H/yoonis ku yeesheen London+War-murtiyeed ay soo saareen & Wuxu daaran yahay
Wasiirka madaxtooyada oo dhawaan aqal dowladeed ka iibsaday qoys reer
Wasiirka madaxtooyada Maxamoud Xaashi ayaa iibsaday guri dowladeed oo ay ku jireen qoys reer Samatar ah oo ku yaala meel u dhow aqalka la odhan jiray State House. Maxamoud Xaashi oo heerka u musuq maasuqu ka gaadhay weli xukuma madaarka Hargiesa oo lacag badani isaga iyo marwada uuga soo xarooto oo acoount gooniya ay uugu dhacdo ayaa laba wasiir kaga bedelay markay sua’alo ka keeneen lacagaha sida gaarka ah madaarka uuga socda wasiirka madaxtooyada iyo marwada madaxweynaha. isaga oo lacagta uu lunsaday lagu sheego inay taahay 8 million oo dollar oo baanan Dubai ku yaala uu kku qarsado ayaa wiigii hore waxa soo dirtay marwada madaxeynaha oo ku tidhi iiga saara oo ii soo iibiya guriga ay ku jiraan agoontii uu ka dhintay Abdirahmana Maxmaed Ducale ee Banka dhexe heysan jiray. Waxa kale oo jira in Amina Weris qudheedo ay haysato guri dowladeed oo ku yaala afaafka laga galo halka uu ku yaalo guriga State House ku oo ay iyada iyo Silaanyo iibsadeen markii dalka lagu soo noqday. Waxa kale oo la wada ogyay inay 500 kor u dhaafeen guryaha dowlada ee dad shicib ihi ku jiraan oo laga iibiyey. Hadaba Amina Weris maxaa deeqa?? Wadan dhan bay dekediisii iyo madaarkiisii iyo guryihiisii iyo dhulkiisii ay xaraashtay. Marnaba marwadu sidan ay wax u wadaa caadi maaha ee ma la hubaa inay fayowday. Waxa laga dheregsanyay Amina Weris tay ku dhigtay walaal keed Cali Jirde oo soo koriyey inay isaga oo nool xoolihiisii damaaciday oo ay maxkamada Hargiesa ay ka ash-kateysay iyadoo ku dacwiyeysa in uu asaasaqay hase yeeshee markuu qaadigii maxkamada Cali la hadlay wuxuu cadeeyey in aannu waxba qabin dabeed halkii bay Amina ku khasowday kana huleeshay. markii uu dhintay waxay wada iibisay xoolihiisii oo dhan dadkii dhaxalka wax ku lahaana badan koodii dhabarka ayay u jeedisay. Fooqii Cali Jirde ee ay hudheelka ka dhigatay qasab bay ku heysataa oo wey diiday in la dhaxlo. Amina Weris Somaliland iyo qoyska ay ka soo jeedaba wax xil le ayay ku samaysay laakiin sua’ashu waxa weeye halkay ku noolaan marka ay xilka ka degto sow reer Jirde oo dhan oo cadho u diglihi soo doonan maayaan dhaxal koodii oo maxkamada geyn maayaan sidii ay waal keed u geysay.What goes around comes around. Isku soo xoori oo qofkii xoolihii ummada dhacay waxa hubaal ah isagoo nolosha ku goo goa’y in shicibku daawan doonaan. Taariikhda aduunka ayaa sidaa dhigeysa diinta islaam kuna way til maantay. Agoomaha ilaahay baa ilaashada oo madaxtooyadu ma mahadin doonto haday aqalka dibada uuga tuuraan oo loo wer-weri maayo.
Abmustafe123@gmail.com
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo golaha hortiisa ka sheegay in Somaliland sii degayso
Hargeysa,(Qaran-news)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay inuu aad uga walaacsanyaay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Somaliland ee madaxweynaha iyo baarlamaanka, waxaanu sheegay inay dib u dhacyadan soo noqnoqday si tartiib-tariib ah u burburinayaan sumcadii iyo aamnimadii Somaliland ee dimuqraadiyadda.
António Guterres, wuxuu sidan ku sheegay warbixin ku saabsan Somaliland iyo Somaliya oo uu 9 May u gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo si rasmi ah loo baahiyay, waxaanu dawladda Somaliland ugu baaqay inay dejiso jadwal cad oo wada tashi ku yimid oo ku saabsan qabsoomida doorashada.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, isagoo ka hadlaya dib u dhaca doorashooyinka Somaliland, wuxuu warbixintiisa ku yidhi “Waxaan aad uga walaacsanahay dib-u-dhaca soo noqnoqday ee ku yimid doorashada madaxweynaha iyo baarlamanka Somaliland. Arrintaas oo si tartiib-tartiib ah u burburinaysa ballantii iyo aaminaddii marka hore soo xoogaysanaysay ee lagu qabay geeddi-socodkeeda dimuqraadiyadda Somaliland. Waxa aan maamulka Somaliland ugu baaqayaa, in ay dib u eegis ku sameeyaan wareegga doorashada oo ay u dejiyaan jadwal ku yimid wada tashi loo dhan yahay.”
Xoghaye António Guterres, wuxuu sheegay in golaha guurtida Somaliland ay bishii March muddo kordhin u sameeyeen madaxtooyada, baarlamaanka iyo guurtida, lana go’aamiyay inay doorashada madaxtooyadu qabsoonto 13 November sannadkan, doorashada baarlamaankuna qabsoonto 28 April 2019, ta’ guurtiduna 28 April 2020. “Shacabka Somaliland iyo xisbiyadu mucaaradku si balaadhan ayay u cambaareeyeen dib u dhacdyada, iyadoo ay deeq bixiyayaashuna cadeeyeen inay bixin doonin kharashaadka doorashada eek a soo baxay dib u dhacyadan.” Ayuu yidhi xoghayaha guud ee Qaramada Midooay.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu kaloo dawladda Somaliland iyo dawladda Somaliya ugu baaqay inay bilaabaan wada hadaladii hore loo bilaabay, waxaanu yidhi “Waxa aan ugu baaqayaa dawladda Federaalka ah iyo maamulka Somaliland in ay dib u bilaabaan wada-hadalladii, oo ay xal ka gaadhaan arrimaha taagan iyo in xidhiidh isfaham uu dhex maro.”
Wuxuu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay warbixintiisa ku sheegay in ay Hargeysa iyo Berbera ka dhaceen mudaharaado lagaga soo horjeedo saldhiga milatari ee dawladda Somaliland Imaaraadka Carabta ka siisay Berbera intii u dhaxaysay 13-15 February. Tirada dadka arrintan loo xidhay wuxuu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay 13 ruux. Sidoo kale wuxuu xoghayaha guud sheegay in la xidhay xubin ka tirsan hay’ada xuquuqal insaanka madaxabanaan ka dib markii uu shacabka ka ururiyay saxeexyo ku saabsan ciidamada Booliska.
Waxa kale oo uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay warbixintiisa ku soo hadal qaaday dareenka didmada leh ee ay dawladda Somaliya iyo Baarlamaankeedu ka bixiyeen saldhigan Berbera ee dawladda Imaaraadka Carabta la siiyay.
Geeska
High-Ranking German Presence at Lutheran World Federation Assembly
WINDHOEK, Namibia, May 16, 2017/APO/ — From 10 till 11 May 2017, Hon. Bodo Ramelow, Minister-President (Governor) of the Free State of Thuringia, visited Namibia. He attended the Twelfth Lutheran World Federation Assembly and had meetings with H.E. Dr. Hage Geingob, President of the Republic of Namibia, H.E. Dr. Zed Ngavirue, Special Envoy of the President of the Republic of Namibia, and Hon. Sophia Shaningwa, Minister of Rural and Urban Development of the Republic of Namibia. He also visited a low-cost residential building by the Thuringian company Polycare. Hon. Ramelow also attended the reception hosted by H.E. the President of the Republic on the occasion of the Opening of the Twelfth Lutheran World Federation Assembly where 32 musicians from Germany where performing.
Thuringia is the location of many places which played an important role during the Christian Reformation spearheaded by Dr. Martin Luther, including Wartburg Castle where Dr. Luther translated the Bible into German. The Lutheran World Federation Assembly also celebrated the 500th anniversary of the Lutheran Reformation.
Distributed by APO on behalf of The Embassy of the Federal Republic of Germany – Windhoek.
Security Council Press Statement on Attacks against MINUSCA and civilians in the CAR
NEW YORK, United States of America, May 16, 2017/APO/ — The members of the Security Council condemned in the strongest terms the violence by anti-Balaka elements in Bangassou (Mbomou) which intensified on 13 and 14 May 2017, and targeted a Multidimensional Integrated Stabilization Mission in the Central African Republic (MINUSCA) field office, civilian populations from particular communities, as well as humanitarian personnel.
These attacks resulted in one Moroccan peacekeeper killed and one Moroccan peacekeeper injured, as well as civilian casualties and significant population displacement.
The members of the Security Council expressed their deepest condolences and sympathy to the family of the peacekeeper killed, and their deepest sympathy to the family of the peacekeeper injured, as well as to the Kingdom of Morocco, and to MINUSCA. They wished the injured a speedy recovery.
The members of the Security Council condemned in the strongest terms all attacks and provocations against civilian populations, MINUSCA and humanitarian personnel by armed groups.
They reiterated that attacks against peacekeepers may constitute war crimes and reminded all parties of their obligations under international humanitarian law.
The members of the Security Council called on the Government of the Central African Republic to swiftly investigate this attack and bring the perpetrators to justice.
The members of the Security Council reiterated their full support for MINUSCA and expressed their deep appreciation to MINUSCA’s troop- and police-contributing countries.
They reiterated their strong support for the Special Representative of the Secretary-General for the Central African Republic, Parfait Onanga-Anyanga, and for MINUSCA to assist the Central African Republic authorities and the people of the Central African Republic in their efforts to bring lasting peace and stability to their country, as mandated by the Security Council in resolution 2301 (2016).
Distributed by APO on behalf of United Nations – Office of the Spokesperson for the Secretary-General.
Wixii aan ku soo arkay dhakhtarka weyn ee Hargeysa
WIXII AAN KU SOO ARKAY DHAQTARKA WEYN EE HARGAYSA ( golofesyo soo iibso ) qaybta 1aad
QALINKII Cabdi Cawiye
14 bisha may goor ay tahay 7:58 daqiqo xaafada goljano ayaa waxa meel dukaana soo galay inan yar oo ay eryanayaan laba askari markiba ninkii dukaanka ayaa la hadlay askartii oo yidhi “ waar waa inankii dukaanka ila hayey ee ciyaalo xaafadkii maaha “. Haba odhan lahaydee mid askarta ka mid ahaa ayaa dhibaaxo dhabanka kaga balaadhiyey mulkiilihii dukaanka dabadeed dumar ka dhawaa meesha ayaa dhawaaqo iyo qaylo isku daray ka dib dumar badan ayaa soo ururay oo meeshii kusoo xoomay.
Mid kale oo askarta ka mid ahaa ayaa xabad si kama ah iskaga riday dabdeed waxa ay haleeshay inan dayar ah oo gurigooda kasoo baxday oo da’deedu ahayd 14 sanno inanta yar xabadu waxay ka dhex baxday caloosha oo ay jiidhay.
Ka dib tacab iyo dhibaato iyo jahanwareer inantii yarayd waxaa lagula cararay cibitaalka wayn ee magaalada hargeysa saacadu waa abaaro 8:30 habeenimo kadibna waxaa la geeyey goobta qalinkii markii aanu masuuliyiintii loo tagay hadalkii u horeeyey ee lagu yidhi waxay ahayd “masoo bixiseen lacagtii qaliinka “ yaab amakaag iyo anfariir inan meesha taagnaa oo qoyska inanta yar ka mida ayaa ku yidhi “ walaal lacag la waayi maayee nafbaa go’aysee horta inanta yar badbaadi”. Yaab waxa uu ugu jawaabay ninkii qaybt qaliinka haystay “ kaadhkii lacagta aad ku soo bixisay oo aad ii keento mooyaane ha u fadhiyin in far la saaro “
Allahu akbar hadada inanta yar waxaa xabada ku dhuftay waa askari dawlada ka tirsan waxa loo diidayaana waa dhaqtarkii dawlada, intaa ka dib waxaa lacagti soo bixiyey inan khayr badan oo ehelada ka mida. Markii uu keenay kaadhkii ayaa waxa kazoo yeedhay masuulkii dhaqtarka dawooyinkaa soo iibso gacamo-gashi ama ( gloves) na soo iibso iyo 8 irbadood oo number 2 ah.
Haddaba markii lasoo iibiyey ayaa waxa kasoo yeedhay ninkii masuulka ahaa inantu waa bilaa dhiige dhiig dad u shuba keena, waxa lagu yidhi dhaqtarkii inanta dhiiga baanka yaala noogu sii shub aanu dad la dhiiga aanu doonanee intii uu meeraysanaayey ayaa waqtigii gaadhay 10:30 habeenimo hada u fiirso saacada la keenay inanta dhiigu ka socdaana waa 8:30 habeenimo waa immisa waqtiga ay inantu qaliinka sugaysay
(10:30pm – 8:30 pm = 2 hours )
Bal hada u fiirso waqtiga ay dhaqtarka iyo qaliinka sugaysay waa 2 saacadood waana qof nolol iyo geeri u dhaxaysa
Yaa inoogu wacan in dadkeena muwaadiniinta dawadii hayaduhu bilaash ku bixiyeen dadkii kaba dhintaan.
Immisa qof ayaa u dhinta lacag daraadeed dhaqtarka guud ee caasimada.
Waxaan soo gubindoonaa maqaalada dambe dad badan oo aan waraysatay oo qaarkood ay ii sheegeen in shaqo xumo iyo iimaan la,aan dhaqaatiirta haysata daraadeed ay u waayeen caruurtoodii oo lagala daahay gargaarkii qaliinka lacag daraadeed
LASOCO……..
TELL 0634115877
GMAIL SHAYWAAL12@GAMIL.COM
HOTMAIL CAWIYE17@LIVE.COM
Soomaaliya Iyo Somaliland: Isma Oga Agoon Iyo Ninkii Aabahood Dilaye!
Suurto gal maaha in qoraalkan kooban lagu soo koobi karo taariikhdii madoobayd ee soo kala dhexmartay Soomaaliya iyo Somaliland balse kaliya waxaan si guud u tilmaamaya in shicibkii reer Somaliland ee jibbada Soomaali weyn iyo waddaniyaddu madax martay in ay Soomaaliya ka noqdeen muwaadinka darajada labaad(Second citizens) israacii labada dal kadib.
Marxaladdii ka dambeysayna waxa la gaadhsiiyay in naftooda iyo maalkoodaba la xalaashado oo inta konton-konton la iskugu xidhxidho lagu dhugtamo; aan idin xasuusiyo toogasho wadareedyadii Burco, Sheekh, Berbera, Hargeysa, madbaxaddii xeebta Jasiira iyo xasuuqii balaadhna ee sanadihii 1988-9.Si kastaba ha ahaatee halgan hubaysan oo naf hurid ah iyo jabkii ciidamadii rajiimkii dhiigya cabka ahaa Somaliland mar kale waxay noqotay dal xor ah oo Madax bannaan.
Soomaaliya muddo 26 sannadood ah kama ay dhismin wax lagu tilmaami karo dawlad dal ka talisa xataa sugi karta amniga caasimadda; sidaas oo ay tahay muddadaa dheer maamul kasta oo yimaadda iyo madax kasta oo loo doortay mudnaantooda koowaad waxay ka dhigtaan oo wakhtiga oo dhammi kaga luma la dagaallanka Somaliland iyo sidii loogu soo dabaali lahaa midnimadii bari hore dhimatay sidii fikraddii Soomaali weyn ba u dhimatay.
Haddaba Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo kursiga ku yimid doorashadii beesha caalamku dabada ka riixaysay waxa laga filayay in uu cashar ka barto kuwii isaga ka horeeyay oo dhammaantood ku habsaamay xifaaltanka iyo xasadka JSL, balse waxaaba aad moodda in uu dardar galiyay dagaalkii iyo faro galintii Somaliland lagu hayn jiray.Tusaale ahaan muddo yar oo uu madaxweyne sheeganayay waxa uu safarro ku tagay waddamo ay ka mid yihiin Imaaraadka, Sucuudi Carabiya, Kenya iyo Itoobiya.
Liiska waxyaabaha uu ka dalbanayay waxa kow ka ahaa in gacan laga siiyo amba laga caawiyo sidii JSL loola burburin lahaa, hase ahaatee Madaxdii uu la kulmay uma ay cuntamin waxaanay u arkeen codsi aan la aqbali Karin in lagu duulo dal xasiloon oo nabad iyo kala dambeyni ka jirto, islamarka waxa loo sheegay xasilooni darro Somaliland lagu abuura in ay wiiqi karto amniga iyo ganacsiga waddamada gobolka, hase yeeshee Farmaajo kuma qancin talooyinkii laga siiyay arrimaha Somaliland waxaanu ku talo jira in uu sii xoojiyo ololaha dagaalka ka dhanka ah JSL xataa qorshihiisa kama madhna in uu xoog militari adeegsado haddii wakhtigu u saamaxo.
Cajiib! Iyagaaba wali ciil qaba, waaba kala maan Farmaajo oo la yaaban gooni isku taaga JSL iyo jiil dhan oo agoomo ah oo aabbayaashood lagu hor toogtay iyaga oo arkaya. Gabay laga tiriyay xaaladdan xaalad u eeg waxa ka mid ahaa “Isma oga agoon iyo ninkii aabahood dilaye”. Si kastaba ha ahaatee xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ee dalka iyo dadkiiba gabtay ama kuwa ka dambeyn doona waxaan u soo jeedinaya arrimahan soo socda:
1.Farmaajo wuxuu si dadban u iclaamiyay oo laakiin, aan qarsoodi ahayn dagaal Somaliland ka dhan ah, sidaas oo kale Madaxweyne Siilaanyo waa in uu ku dhawaaqo in maamulka Farmaajo lagula dagaallamo gudaha Muqdisho iyada oo la adeegsanayo shakhsiyaad miisaan ku leh bulshada iyo qaar ka mid ah beelaha Soomaaliya sida ay iyaguba u adeegsadaan qaar inaga mid ah;
2.In xoogga la saaro sii xoojinta iyo casriyaynta saanadda Militari ee Ciidanka Qaranka si lagaaga baydho oo aad nabad u hesho. Edward Goschen oo ahaa diblamaasi Ingiriis ah waxa laga haya ‘You cannot have peace without power;
3.In wax laga bedelo siyaasadda dabacsan iyo saamaxaadda sida fudud loogu fidiyo kuwii dalkooda khiyaameeyay ee cadawga la soo saftay;
4.In la sameeyo dhaqdhaqaaq diblamaasiyadeed iyo in caddaadis la saaro dawladdaha danaha ku leh Somaliland si taageeradooda loo helo;
5.Madaxda Qarankana hankoodu ha ka waynaado siyaasadda liidata ee xaqul qalinka iyo maxaan sii qaata.
Cabdiraxmaan Cadami
Abdirahmanadami22@gmail.com
SYL. Gumeysi Ayaa Abuuray!
Dad badan ayaa ururkan ku sheega inuu ahaa mid Waddani ahaa oo gobonnimadii 1960-kii qayb weyn ku lahaa, balse ururkani waxa uu ahaa mid uu gumeysi aasaasay, una adeegayey danaha gumeysiga. Ururka SYL waxa la aasaasay 15 May, 1943-kii, waxaana aasaasay dhallinyar ay tiradoodu ahayd 13, iyagoo markii hore u bixiyey magaca SYC (Somali Youth Club), balse bishii Maarij ee sannadkii 1947-kii ayaa magicii ururka loo rogay SYL (Somali Youth League), kuna caan-baxay magaca “Leego” oo af-Taliyaani ah. Taasi waa taariikhda ururka oo aanay la socon waayihii, wacyigii iyo dhacdooyinkii uu la jaanqaadayey soo if-baxa ururukani, balse waa tan taariikhdiisa dhabta ahi.
Bilowgii dagaalkii labaad ee dunida, waxa uu loollan adagi dhulka Soomaalida ku dhex maray labadii gumeyste ee Ingiriiska iyo Taliyaaniga, kuwaas oo kala maamulayey arlada Soomaalilaan iyo arlada Soomaaliya. Markii hore waxa laga adkaaday oo hilfaha loo laabay dowladdii Ingiriiska ee ka talinaysay dhulka Soomaalilaan, labadii gobol ee Soomaaliya iyo Soomaalilaanna waxa gacanta ku dhigay Taliyaani, taariikhdu markii ay ahayd Maarij 1941-kii, kaasi oo maamulayey muddo lix bilood ah. Ingiriisku guul-darradaas kuma quusan ee waxa uu soo qaaday dagaal rogaal-celin ah, Bishii Ogos 1941-kii ayuu weerar cir iyo dhul ah ka soo qaaday dhowr goobood oo ay ciidankiisu fadhiyeen, kuwaas oo ay ugu mudnaayeen Kiiniya iyo Yaman, hardan adag kadibna waxa dhulkii Soomaalida gebi ahaanba laga qaaday Taliyaani, sidoo kalena Taliyaaniga waxa laga saaray gobolka Geeska Afrika oo dhan. Sidaas ayaanu Ingiriisku dib ugu qabsaday Soomaalilaan, gacantana ugu dhigay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya. Wakhtigaas Ingiriisku waxa uu maamulayey gebi ahaanba dhulka ay Soomaalidu degto, marka laga reebo Jabuuti oo uu Faransiis ka talinayey. Haddaba Ingiriisku waxa uu isku dayey inuu dajiyo xeelad uu ku sii haysto dhulka baaxaddaas leh, maadaama oo uu ogaa inuu dagaalka kadib Taliyaanigu dood ka dhigan doono in loo soo celiyo dhulkii hore looga qaaday oo ay ku jiraan Soomaaliya (Koonfur) iyo Liibiya, (sababtu waxay ahayd in shacabka Taliyaanigu ka soo hor jeedeen kaligii taliyihii maamulayey dalkaas, ugu dambayntiina iyaga ayaa gacantooda ku dilay, taasina waxay markhaati u ahayd sida aanay shacabku raallida uga ahayn talada hogaamiyahooga Moosaliini). Haddaba Ingiriis si uu taas u xaqiijiyo, waxa uu abuuray ururukii SYL kaasi oo uu u soo dhiibay mabda’iisa ah in dhulka Soomaalida uu hal maamul ka taliyo (waa halka ay marka dambe ka dhalan doonto aragtida Soomaali-weyn), fikirkaasi ahaa midaynta shanta Soomaaliyeed sax iyo khalad kuu doonaba ha ahaado’e, waxa u riyaaqay Soomaali badan, maadaama oo uu danaha Soomaalida u adeegayey sidii loo arkayey, waxaana ay taasi keentay inuu si degdeg ah u fido. Ingiriisku waxa uu qaaday tallaabooyin badan oo uu ku dhimayo taageerada ay shacabka Koonfureed u hayeen gumeysigii Taliyaaniga, waxaana ka mid ahayd inuu dalka ka dhoofiyey jaaliyad badan oo asal ahaan ka soo jeedday Taliyaaniga, oo uu Taliyaanigu dhulka koonfureed ku beeray. SYL, waxa ay si wanaagsan u caawisay danaha uu lahaa gumeysigii Ingiriisku, iyaga oo midabka Soomaalida leh. Si walba ha noqotee ururkan abuuriddiisa iyo hana-qaadkiisaba waxa gacan weyn ka geystay Ingiriiska, maadaama oo uu u adeegayey danahaas Ingiriiska. Ugu dambayntii Taliyaanigu dib ayuu ugu soo noqday Koonfurta isaga oo sita magaca Wasaayadda, waxa uuna tallaabooyin aar-gudasho ah ku sameeyey qaar ka mid ah xubnihii SYL maadaama oo ay Ingiriis taageersanaayeen. Ugu dambayn, shirqoolkii gumeystayaashu soo dajiyeen ee ay SYL u soo dhiibeen, waxa uu si wacan u muuqday markii ay labadii gobol ee Koonfur iyo Woqooyi midoobeen. Aragtida Soomaali-weynna waxa iska lahaa Ingiriiska, gaar ahaan Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ee dowladdaas Ingriiska maadaama oo ay wakhtigaas u adeegaysay danaha ay dowladdaasi ka lahayd dhulka Soomaalida, mana jiro hal qof oo Soomaali ah oo sheegan karaa aragtidaas. SYL ma ay lahayn ee taariikhda yeynaan ku tuman!
U fiirso astaantooda iyo calankoogaba. Calankoogu waxa uu lahaa laba midab oo kala ahaa Buluug iyo Casaan, waxaana ku dhex yaallay shan xiddigood oo xiddig waliba ay shan gees leedahay iyo dayax ay calaamaddii Kiristaanku ku dhex taallo (bal u fiirso dayaxa iyo astaanta ka muuqda sawirka hoose), si loo qariyo calaamaddaasna waxa dhinacyada lagaga qoray xarfaha S.Y.L. Kuwaasina waa astaamihii laga arki karayey muuqaalkooga sare.
Qore: Maxamed Sharm’arke
Facebook.com/Maxamed Sharma’arke
Gmail: Sharmaake91@gmail.com
Somaliland: Burburkii iyo dumintii Hargeysa iyo barakacii dadka iyo soo laabashadoodii daawo qayb ka mid ah waxii ay gaysteen ciidamadii xooga dalka Somaliya
Daawo:Siyaasi Cali Guray oo ugu baaqay M.Siilanyo inuu Xukumadiisa kala diro+Fadeexado musuq & Maamul xumo uu soo bandhigay
Daawo:Siyaasi Cali Guray oo ugu baaqay M.Siilanyo inuu Xukumadiisa kala diro+Fadeexado musuq & Maamul xumo uu soo bandhigay
Daawo:Cali Xaraare oo Barnaamijkiisa Kaftanka siyaasada ku karbaashay Weriye BBC-da u shaqeeya,Horena Madaxtooyada Somalia xilsare uga soo qabtay
Daawo:Cali Xaraare oo Barnaamijkiisa Kaftanka siyaasada ku karbaashay Weriye BBC-da u shaqeeya,Horena Madaxtooyada Somalia xilsare uga soo qabtay
Daawo:Wiil uu Dhalay Gudoomiyihii Baanka S/land oo si adag u duray Wasiir Max’ud Xaashi & Cali mareexaan,Kuna goodiyey inaaney Gorgortan ka gelayn Gurigay ku haystaan
Daawo:Wiil uu Dhalay Gudoomiyihii Baanka S/land oo si adag u duray Wasiir Max’ud Xaashi & Cali mareexaan,Kuna goodiyey inaaney Gorgortan ka gelayn Gurigay ku haystaan
Daawo:F.C.Waraabe oo Fadeexado & Eedo culculus ku miisay Xisbiga Kulmiye & Xukumada Siilanyo,Nidarna ku galay inuu…..
Daawo:F.C.Waraabe oo Fadeexado & Eedo culculus ku miisay Xisbiga Kulmiye & Xukumada Siilanyo,Nidarna ku galay inuu…..
Haween hada shaaciyay in ay ka dareereen oo iskaga baxeen xisbiga Kulmiye daawo
Facebook chooses 60 finalists in Bots for Messenger Developer Challenge
PRESS RELEASE
Facebook has selected 60 finalists from the hundreds of entries it received from across the Middle East and Africa
JOHANNESBURG, South Africa, May 17, 2017/ — Facebook has selected 60 finalists from the hundreds of entries it received from across the Middle East and Africa for the Bots for Messenger Developer Challenge. The Bots for Messenger Challenge is a contest to recognise and reward developers who create the most innovative new bots on Messenger.
Developers, in teams of up to three people, were invited to create bots in three categories: gaming and entertainment; productivity and utility; and social good.
The 60 finalist teams (10 per category in Middle East/North Africa and sub-Saharan Africa) each won a Gear VR and mobile phone, one hour of Facebook mentorship, and tools and services from FbStart (https://Developers.Facebook.com/fbstart), a Facebook program designed to help early stage mobile start-ups build and grow their bots. All student teams who made it to the finals won an additional $2,000.
Facebook will contact the finalists and connect them with a mentor. They will need to resubmit their bots before midnight (GMT) on June 2 to qualify to win. For each region, three runner-up teams (one from each category) will win $10,000 and three months of Facebook mentorship. For each region, three winning teams (one from each category) will win $20,000 and three months of Facebook mentorship.
The 60 finalist teams and their bots can be viewed here: https://MessengerChallenge.Splashthat.com
Says Emeka Afigbo, Facebook’s Head of Platform Partnerships for the Middle East and Africa: “Facebook grew out of a hacker culture and thrives by promoting innovation on new platforms. That’s why we launched the Bots for Messenger Challenge, with the aim of rewarding entrepreneurs and developers for harnessing the power of bots to create amazing new services and apps.
“We were overwhelmed to receive more than 1,000 entries over two and a half months for the Bots for Messenger Challenge from developers and entrepreneurs across the Middle East and Africa—each one of them solving a problem in an inventive way or enriching the lives of its target user.”
Distributed by APO on behalf of Facebook.
Somaliland: Wasiir Sacad Cali Shire oo faah faahin ka bixiyay saamiga Itoobiya laga siiyay dekada Berbera soona saaray hadal ka duwan kii hore ee xukumadda
Hargeysa(Qaran-news)-Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa markii u horaysay cadeeyay halka uu ka imanayo saamiga 19% ah ee dekedda Berbera laga siiyay dawladda Itoobiya.
Wasiir Sacad Cali Shire, oo u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in DP world oo lahayd saami ah 65% laga jaray 14%, halka Somaliland oo lahayd 35% laga jaray 5%, sidaasna Itoobiya lagu siinayo 19%, waxase uu sheegay inaanay Itoobiya weli si rasmi ah qayb uga noqon maalgashiga dekedda Berbera.
Waraysiga oo uu sidoo kale Wasiir Sacad Cali Shire, kaga hadlay natiijadii shirkii dawladda Somaliya ee London lagu qabtay, xidhiidhka beesha caalamka iyo Somaliland, wuxuu u dhacay sidan:
Mudane Wasiir, su’aalo badan baa la iska weydiinayaa, siyaabo kala duwanaana waa looga hadlay Saamiga 19% ee Itoobiya laga siinayo Dekadda Berbera,Wasiirka Ganacsigu si kooban buu uga hadlay, Afhayeenka Madaxtooyaduna wuu ka hadlay. Wasiir markaas sharaxaad naga sii saamigaas Itoobiya la siinayo sida loogu jarayo iyo sababta keentayba?
Shirkadii aynu maalintii dhawayto furnay, ee ka diiwaan gashan Somaliland, waxa wada leh Somaliland iyo DP World, midina 65% oo ah DP world, midina 35% oo ah Somaliland, laakiin waxa la isla qaatay maadaama Itoobiya tahay macmiilka ugu weyn ee isticmaali doona in iyana laga qayb galiyo, dabadeedna marka ay ka soo qayb gasho, markaas ayaa Itoobiya la siinayaa 19%. Waxaana 19% Itoobiya la siinayaa ka kala imanayaan, 14% waxa siinayaa DP Wolrd, 5% waxa siinayaa Somaliland, wali Itoobiya kama qayb aha, waa markay qayb ka noqdaan.
Markaas Somaliland oo lahayd 35% waxa laga jarayaa 5%, DP world oo lahayd 65 iyana waxa laga jarayaa 14%.?
Itoobiya markay soo gasho, waxay kala noqonayaan 51% DP World ah, Somaliland 30% iyo Itoobiya oo yeelan doonta 19%, markaas marka la leeyahay 19% ayaa la siinayaa Itoobiya macnaheedu maaha waa la iska siinayaa ee way maalgashanayaan oo wixii ku soo beegma saamigooda; maalgashiga oo ahaa 442 Milyan dee way gashanayaan oo wax bilaash ah maaha, laakiin wali halkaas lama gaadhin, laakiin imika waa is fahan uun oo waxa la isla gartay in laga qayb galiyo Itoobiya, madaama aynu doonayno inay isticmaalaan.
Shirkii Somaliya loogu qabtay London, qodobadii laga soo saaray waxa ka mid ahaa in Somaliland iyo Somaliya wada hadaladii la siin amba-qaadayo marka Doorasho ka dhacdo Somaliland, bal ka waran haddii ay Doorasho dhici weydo?
Inagu mar kasta diyaar ayeynu u nahay wada hadalka, ama Doorashada ha ka horeeyso ama ha ka dambayso, markay iyagu diyaar yihiin anaguna diyaar ayaanu nahay.
Shirka London ee Somaliya loo qabtay Somaliland ma ku yeelan karaa wax saamayna?
Shirkaasi inaga inamuu khuseeynin, Somaliya ayuu khuseeyey, waxa kaga jiray oo qudha qodobkaas ah inay Somaliland iyo Somaliya wada hadlaan, qodobkaas laftiisuna wuxuu muujinaya arin laba dawladood ka dhexeeya, oo la kala yidhaahdo Somaliland iyo Somaliya, laakiin waxyaabaha kale ee ka soo baxay inaga inama khuseeyaan,
Xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka maxaa iska bedelay?
Wax alaale wax iska bedelay ma jirto, inuu sii wanaagsanado xidhiidhka Beesha Caalamka aynu la leenahay mooye wax iska bedalay oo ka xumaaday ma jiraan.
Xoghayaha Qaramada Midoobay wuxuu sheegay Dimuqraadiyadii Somaliland sii burburayso, wakhti Somaliland lagu dhaliilo dib u dhaca Doorashooyinka, maxaad ka leedahay?
Waxba inagama burburayaan, Dimuqraadiyad inaga burburaysaa ma jirto, Somaliland waa Wadan Dimuqraadiya, Shan Doorasho ayeynu qabanay, shan bilood ka bacdina Doorashadii lixaad baynu qabsanaynaa insha allaah, Axsaab baynu leenahay, Barlamaan baynu leenahay, madaama ay Doorashooyin dib inooga dhaceen maaha macnaheedu Dimuqraadiyad baa inaga burburtay.