Maxaa dhacaaya hadii aad kaadida in mudo ah isku xejiso? Daawo ama dhegayso warbixintani
Dhaqan Celis Mise Dhaqan barid – Talooyin Ku Socda Soomaalida Qurbaha
Daawo:Gabadh Somaliyada oo Bilowday Shaqo (Xirfad) Haweenka Somalida qariib ku ah.
Daawo:Gudoomiyaha Dhalinyarada H/jeclo oo si adag u duray Cali Guray,Muuse Biixi & Jiidali,Raytana..
Daawo:Gudoomiyaha Dhalinyarada H/jeclo oo si adag u duray Cali Guray,Muuse Biixi & Jiidali,Raytana..
Daawo:F.C.Waraabe oo si adag u karbaashay Guurtida & Mayorka Hargeisa
Daawo:F.C.Waraabe oo si adag u karbaashay Guurtida & Mayorka Hargeisa
Muqaalka Todobaadka:Daawo,Iska-horimaad laysu adeegsadey Hub iyo Rasaas oo dhexmaray Booliiska Berbera & kooxa Haweena
Muqaalka Todobaadka:Daawo,Iska-horimaad laysu adeegsadey Hub iyo Rasaas oo dhexmaray Booliiska Berbera & kooxa Haweena
Sheekh Adan Siiro muxuu ka yidhgi qaadhaanka ay madaxtooyadu gurayso
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Qaadhaan-ururinta Xukuumadda Somaliland bilowday inay u ururiso Dadka reer Somaliland ee Abaartu ka qaadday Xoolahoodii.
Sheekhu wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo Go’aanka uu Madaxweynuhu ku qaatay in Xuskii 18-ka May ee Sannadkan loo beddelo Qaadhaan-ururin loo sameeyo Dadka Abaaruhu dhibaateeyeen, isla-markaana Lacagta la ururiyo loogu iibiyo Xoolo iyo Waxyaabo oo ay kaga soo kabtaan Dhibaatadii Abaartu gaadhsiisay.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Markaynu doonayno inaynu daweyno Arrimaha ay ka mid yihiin Dadkeennii Hantidoodii ka baxday ee Bannaanka yaalla (Abaarta awgeed), qaabka aynu u daweynaynaa ma mid ay Curinayaan baa Koox la garanayo waxay tahay mise waa mid aynu uga soo dheegayno Sunnaha Rasuulka (CSW)..” ?.
Sheekhu waxa kale oo uu sheegay “Aad baanu ugu faraxsanahay in loo gurmado Dadkeena, waana Waajib Sharci ah, ee maaha Sunne, markaa aad baanu u taageersanahay Go’aankii Madaxweynaha ee taakulaynta Dadka Abaareysan, waxaanu ahaa Go’aan lagama maarmaan ah oo Wakhtigiisii ku habboonaa. Laakiin waxaanu Xukuumadda u sheegaynaa, Dadka Calaamadsan, ee Hantida Ummadda ku calaamadsan, ee waxaa Maanta la raadinayo Iyagoo keliya ay haystaan ama ay meel dhigteen, Waar kuwaa Guddiga haku darina, Waayo? taasina waxay keenaysaa in Kalsoonidu lunto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu u sheegaynaa Xukuumadda iyo Dadka Jecel in la daryeelo Dadkeena Jilicsan, marnaba la aqbali kari maayo Dadka Shaabbadaysan, ee Hantida Ummadda ku shaabbadeysan ee Wax badan laga ogyahay waar Guddiga ka daaya, Waayo? taasi waxay keenaysaa inaan Qaadhaan-ururintu sii soconin, waxay keenaysaa in Xitaa kuwii Qaadhaanka ku baaqay (Ballan-qaaday) in aanay sideeda u wada bixinin. Guddiga waxa ku jira Dad badan oo Wanaagsan oo aynu Nafaheenna u bixin lahayn, laakiin waxaanu ka hadlaynaa kuwa aynu garanayno, iyaguna is-garanaya. Dadku waxay u baahan yihiin Gurmad, waynuna ka qayb-qaadanaynaa, laakiin kuwaa waxba loo dhiibi maayo, haddii loo dhiibana Kalsooniduna waxay lumaysaa, Fashilna wuu dhacayaa.”
Sheekh Aadan-Siiro wuxuu Xukuumadda u soo jeediyey inay iyagu iska bilaabaan Qaadhaan Ururinta oo ay wax ku daraan Lacagta laga ururinayo Dadweynaha reer Somaliland, “Ta labaad waxa weeyaan, Waar idinku iska bilaaba (Qaadhaanka) oo wixii Ummaddu lahayd ee aad barakayseen bal marka hore boqolkiiba toban ku soo shuba (ku dara Qaadhaanka). Waayo? Saxaabadii oo uu hoggaaminayo Cumar Binu Khaddaab ayaa abaari dhacday, Go’aankii u horeeyay isagaa iska bilaabay, waxaanu Dumarkiisii ku yidhi intaynu Abaarta ka baxayno Masaajidka ayaan seexayaa, ILAAHAYNA waxaan kula ballamay in aanaan Gabadh Arag, inta Abaartu baxayso ma arki karo Cunto booratiin ah, sida Caano, Hilib iyo Subag, waxaanu Go’aankaa u sheegay Qoyska Reer Cumar oo dhan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Markaa Xukuumadda waxaanu leenahay Bal horta Laanguruusallada 70-ka Kun ee Dollar ah iskugu keena Garoonka Stadium-ka, idinkana waxaanu idin saaraynaa Fitis miidhan (Gaadiidka loo yaqaanno Tukhaanka), markaas ayaanu garanaynaa in Qaadhaan Ururintu idinka idinka bilaabmayso oo ay Dhab idinka tahay, markaas ayaynu Maatida iyo kuwa Tamaandhada iibiya ka ururinaynaa (Qaadhaanka Abaarta), laakiin inta ay tahay kuwa Bakhtiyaya Lacagta ka soo ururiya, iyagana aynu ognahay Salladahooda iyo qaabka ay u nool yihiin lama Aqbali karo.”
Sheekhu wuxuu ku taliyey in Dad aamin ah loo dhiibo Lacagta Qaadhaanka ah ee Dadka laga ururinayo, “Lacagta la ururinayo haddii la ilaaliyo, nidaam loo sameeyo, Dadka aynu ku kalsoonahay loo dhiibo, Dadka aynu la hadlaynaana iska daayaan (Wax badan baa lagu qaban karayaa).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waanu dhiiri-gelinaynaa (Qaadhaan ururinta), wixii la innagu xukumo ee awooddeena ahna waynu bixinaynaa.”
Geeska
War-weyn:Daawo,Cali Khaliif oo Safar Kedisa oo aan la shaacin Guure ku soo galay Hargeysa
Daawo:Cali Khaliif oo Safar Kedisa oo aan la shaacin Guure ku soo galay Hargeysa
Daawo:Mudaharaad ka istaadhmay Ceerigaabo & Wuxu daaran yahay?
Daawo:Mudaharaad ka istaadhmay Ceerigaabo & Wuxu daaran yahay?
Daawo:Ciyaar niikisa (Jaas) oo ay Jiibta & Jaanta isla heleen Trump & Amiirada Sacuudiga Guriga Boqortooyada
Daawo:Ciyaar niikisa oo ay Jiibta & Jaanta isla heleen Trump & Amiirada Sacuudiga Guriga Boqortooyada
Qayla dhan ka timi dhakhatiirta caafimadka Xoolaha somaliland iyo fariin codsi ah oo ay udirayaan madaxweynaha qaranka JSL
Qayla dhan ka timi dhakhatiirta caafimadka Xoolaha somaliland iyo fariin codsi ah oo ay udirayaan madaxweynaha qaranka JSL
Anaga oo ah dhaman dhakhatirta ka hawlgasha wasarada xanada Xoolaha ee jamhuriyada Somaliland (Vet Doctors) waxanu halkan codsi iyo tala sojeedinba uga dirayna madax waynaha jaamhuriyada somaliland Md Ahmed Mohamed Mohamoud, mudane madaxweyne anaga oo ah hawlwadeenada qaranka somaliland uqabilsan ilalinta caafimadka Xoolaha nool ee qarankan u ah lafdhabarka dhaqalaha ee manta qarankeenu ku tiirsanyahay waxanu halkan kaga sojeedinayna codsi iyo talasojeedinba codsigan oo ujeedkisu yahay, inad dib ugeys ku samaysid ciidi aad u igmatay midka mida wasaaradaha lafdhabarta u ah umadan reer somaliland ee aad madaxweynaha utahay, wasaradaas oo ah wasarada xanaanada Xoolaha , oo labadii sane udanbaysay isku bedeshay ay iskugu yimadeen kooxo budhcad ah oo an habayarate aan wax teela ah aan udhiganayn qarankan, kooxan oo ka dhexdilacay wasarada xananada Xoolaha labadi sane udanbayay waxana sabab u ah kadib markii wasiirkii aad mudane madaxweyne shaqada wasarada aad uu igmatay uu gabay hawshisi shaqo isago markiisi horena aan ulahayn wax khibrada iyaado walibna khibrad la anta ay udheertahay sakhraad aad ufara badan oo beryhan danbe mankiisi doorisay sababtayna inu ka maqnado shaqadiisi xafiska ee u qaranka u hayay, hadaba arinta xilgudasha la anta wasiirka waxa ka dhashay qodobadan hoos ku qoran
1 .inay lunto kala danbayntii iyo mamulkii wasaradu isla markana koox yari ka faidaysato
- in agasimihi guud ee wasarada oo ah nin aan isaguna wax aqoon caafimada lahayn uu isna shaqadiisi ka fadhisto ka dib markii u caqabada badan kala kulmay rag agasima waxeedyo muddo 22 sano ka badan wasarada ka so ahaa oo khibrado iyo xeelado adeegsanya .
- in goobti shaqada ee wasarada waxool ay la wareegan rag horey iyaagu degel fadhi u ahaa oo jaanis ay wax ku booban markii hore an haysan balse iminka markay arkeen inan mesha cid aqoon leh anay joogin haday tahay wasiir agaasime guud wasiirku xigeen iyo wasiir u dawle an midna mid lahaysan, arintasna waxa fursad kahelay kooxaha qawlesatada ah, in dhaman dhakhatiirtii wasarada ka hawlgali jiray ay ka dareeren oo iminka ay debeda ay ka joogan wax shaqa ahna anay qaban iyaado dhaman masharicdi wasarada ka socotay ay hakad wayni kuyimi halki ay wasarada waxool ay lamber kow ka ahaan lahayd gurmadka baaraha iyo samayntooda iminka iyaadi ayaa guurmad ubahatay mudane madaxweyne waxan talo aanu kugu sojeedinayna anagaa oo ah dhakhatiirta ka hawlgasha dhaman gobolada somaliland inad si ku meel gadha aad albabada ugu xidhid wasarada xananada Xoolaha isla markana baddhitan adag lagu samayo dhaman waxyaha ay ka koobantahay iyo sida ay masharicaha loo mamulayba anaguna waxan balanqadayna inan gacan ka geysan doono badhitanada waxa kale oo aanu so badhigi doona dhaman cadaymaha ku sabsan masharicda la lunsaday iyo lacaga siyabaha khaldan logalabaxay bank ee aan sifihi loogu talagalay an lamarin iyo shaqsiyadka hantidas lunsadayba
Waa bilahi towfiq
Dr ahmed mahamoud
mins.livestock@gmail.com |
Daawo:Muqaalka Maanta Faysal Magafe & Badhasaab-xigeen miciin biday Cayda Diinta markii….
Daawo:Muqaalka Maanta Faysal Magafe & Badhasaab-xigeenka Awdal oo mciin biday Cayda Diinta markii….
Daawo:Gudoomiyaha KMG ah ee Xisbiga Waddani oo duray Xukun lagu riday Masuuliyiin ka tirsan xisbiga kuna goodiyey in haddii…
Daawo:Gudoomiyaha KMG ah ee Xisbiga Waddani oo duray Xukun lagu riday Masuuliyiin ka tirsan xisbiga kuna goodiyey in haddii…
Xusuustayda iyo Dabbaal-degyadii Loo Sameeyay Xuska 18ka Mey, Muddo 21 Gu’ Ah (1997-2017)
Muddo kow iyo labaatan gu’ ah waxa aan goobjoog u ah xuska loo sameeyo maalinta 18ka Mey, waxa aan Hargeysa joogay abaabulka 19 munaasibadood, laba ka mid ahna waxa aan ku maqnaa dalka dibaddiisa, laakiin saxaafadda ayaan kala socday hannaankii loo agaasimay. Gu’yaalka 2001, 2009 iyo 2017 ayaan filayaa inay ahaayeen kuwa aan la samaynnin isu-soobax ballaadhan ama sida ugu kooban loo xusay maalinta qarannimada Somaliland. Waxa aan qormadan kooban ku milicsan doonaa xasuusaha aan ka hayo maalintii la soo noqoshada xornimada Somaliland lagaga dhawaaqay Burco 1991kii.
Waxa aan si joogto ah uga qayb-galay xusaskii 18ka Mey ee 1997kii, 1998kii, 1999kii, 2000 iyo 2001da oo uu Madaxweyne Cigaal ka hadli jiray Khayriyada Hargeysa. Dabbaal-degga ugu ballaadhan waxa la sameeyay sannadkii 2000. Waxa faras-magaalaha Hargeysa gaaddo-ka-ciyaar ku maray kumannaan ciidan ah, iyada oo Somaliland bandhigtay cududdeeda. Dhoolla-tuska waxa la tusayay kooxihii Soomaalida ee uu Jabuuti uga socday dawladdii Carta ee uu madaxda ka ahaa Cabdiqaasin Salaad Xasan. Haddii aan afkii Wasiir Caddaani ku hadlo “Waxa la qabtay bakhaanbikhii waayadaas ugu qiirada iyo qaayaha badnaa”. Sidoo kale waxa uu is-marin-waa siyaasadeed u dhexeeyay Somaliland iyo Jabuuti, kuwaas oo sababay in soohdinta labada waddan la xidho muddo saddex gu’ ah (2000-2002), waxa dib loo furay xadka markii Madaxweyne Cigaal geeriyooday Ilaahay godka ha u nuuro’e.
Sannadkii 2001da lama qabannin dabbaal-deg mug leh, waayo ummadda Somaliland waxa ay mashquul ku ahayd u diyaar-garawga aftida Dastuurka oo qorshaysnayd 31ka Mey 2001da. Sannadkii 2002da waxa markii kowaad la xusay iyada oo uu talada la wareegay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. “Ma doonayo in cadawgeennu ogaado awooddeenna, sidaas awgeed wax ciidan ahi ma soo marayaan” ayaa uu yidhi. Iyada oo ka xiise iyo xamaasad yar kuwii hore ayaa uu damaashaadku dhacay. Waxa aanu tebaynnay daawashada ciidamada qalabka sida oo riyaaq ah niyadda gelin jiray. Wakhtigan waxa uu dalku ku jiray xaalad baroor-diiq ah oo ka dhalatay geerida Madaxweynihii dalka oo xijaabtay laba toddobaad ka hor xuska 18ka Mey.
Sannadkii 2003da waxa magaalooyinka Somaliland qaarkood dib loo dhigay xuska 18ka Mey, waayo xisbiga KULMIYE oo bishaas laga helay doorashada ayaa laga baqay in uu bannaan-bax sameeyo. Gu’gii 2004ta, inta uu arooryo hore Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin yimi khayriyada ayaa uu markiiba fagaaraha banneeyay. Kumannaan dhallinyaro ah oo ay dhaaftay khudbadda madaxweynuhu ayaa khayriyada yimi goor la kala dareeyay. Waxa ay ku ciil-baxeen inay shiid iyo dhagax is-weydaarsadaan. Kuwo badan ayaa loo gudbiyay Xabsiga Mandheera, laakiin wixii arday ahaa markiiba waa la soo daayay.
Sannadkii 2005ta ayaa markii kowaad xuskan laqu qabtay beerta Xorriyadda Hargeysa. Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo ka hadlaya fagaarahaas ayaa yidhi “Ninkii saaka beerta xorriyadda ka hadlayay adeer baan u ahaa, waan ku farxay gabaygiisa”. Garo oo ninka uu sheegayaa waa qofka maqaalkan qoray. 13kii Mey 2005ta ayaan markii kowaad maanso u duubay Radio Hargeysa, waxa in badan txdaas la saaray xuskii Mey ee sannadkaas. Dadka goobjoogga u ah hadalka Xaajigana ka mid ayaan ahaa. Madaxweyne Rayaale waxa uu maalintaas gaashaanka u daruuray Baarlamaankii hore oo rabay in soo dhigaaan mooshin xil-ka-qaadis ah. Xuska lagu qabtay beerta xorriyaddu waxa uu lahaa soo-jiidasho gooni ah, waayo waxa ay ahayd madal ka ballaadhan khayriyada Hargeysa oo riixriix, cidhiidhi iyo buuq lahayd.
Si la mid ah ayaa Beerta Xorriyadda loogu qabtay Xuska 18ka Mey sannadihii 2006da, 2007da, 2008da iyo 2009ka. Hal-abuurro loo qoonddeeyay in ay Beerta Xorriyadda ka maansoodaan 2009kii ayaa aan ka mid ahaa, laakiin waxa aan u baaqday sababo markaas dalka ku gedaannaa. . Sannadkii 2010ka waxa mashquul lagu ahaa beddelidda kaadhadhkii muwaaddinka iyo codbixiyaha ee muranku ka dhashay. Sidaas awgeedna lama aloosin damaashaad sheeggan.
Sannad-guurada 18ka Mey waxa sida ugu mugga iyo miisaanka weyn leh abidkeed loo abaabulay sannadkii 2011ka, waana damaashaadkii u horreeyay ee la agaasimo intii ay jirtay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Waxa dareen waddaniyadeed lagu muujiyay daafaha caalamka iyo dalka gudihiisa. Intii uu Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay, waxa si niyadsami ah xusaska 18ka Mey uga soo wada qayb-galay mucaaridka iyo muxaafidka. Halka wakhtigii UDUB Xisbiyada Mucaaridka aan lagu marti-qaadi jirin xafladaha Qasriga ka dhaca habeennimada, waxa ay xukuumaddani isku dayday in si laga midaysan yahay loo alooso xafladaha lagu muunaynayo maalinta qarannimada.
Amintii sooyaalku ahaa 2012ka waxa beerta xorriyadda lagu qabtay munaasibad uu Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyay hadallo ay ka mid ahaayeen “Aniguba waxa aan doorashada kaga hadhay 80 cod” isaga oo u quus-goynaya urur-siyaasadeedyo lagu reebay diiwaan-gelintii ururrada. Dildilaaca ay keeneen ururrada siyaasaddu awgeed, waxa sannadkaas xuska qarannimada barbar-socday cabsi laga qabay in ay mudahaaraaddo sameeyaan siyaasyiintii hankooda lagu curyaamiyay kala-reebista ururrada siyaasadda.
Gu’yaalkii 2013ka, 2014ka, 2015ka iyo 2016ka waxa xuska 18ka Mey loo beddelay in Madaxweynuhu ka hadlo bannaanka Qasriga Madaxtooyada, dadkuna waxa ay kala socdeen Warbaahinta.Waxa meesha ka baxay dhegaysigii tooska ahaa ee ay dadweynuhu khudbadaha ku maqli jireen iyo kulankii weynaa ee Beerta Xorriyadda lagu qaban jiray.
Hilaaddii 2014ka waxa la asteeyay in 18ka Mey laga dhigo “Maalinta Waddada Ceerigaabo”, waxaana la qoonddeeyay in lacag loo ururiyo jidkaas. Laakiin dad aan ka mid ahay ayaa gaashaanka u daruuray in waddo qudha qaadhaan loo ururiyo, waxaanu ku baaqnay in hawshaas la joojiyo ama tabaruca lagu daro waddooyinka Dawgacad, Balligubale, Oodweyne iyo Sallaxley. Ujeeddadaasina ma ay noqon mir hirgal noqota.
Waxa aan xukuumadda Somaliland ku bogaadinayaa jihada fiican ee ay sannadkan u jeedisay xuskii 18ka Mey, waxa xalay ummaddeennu ku yaboohday lacag dhan $3,100,000 (Saddex milyan iyo boqol kun oo doollar) oo loogu talo-galay wax-ka-qabashada iyo ka-hortagga abaaraha. Haddii dhaqaalahaas loo maamulo, loona soo xareeyo sida ugu fiican, waxa aan hubaa in uu kaalin weyn inaga buuxinayo. Haddii la leexsadana, waxa dambaysa xisaabtii Eebbe.
Dad badan oo ka mid ah bulshada Somaliland waxa ay tallaabadan ku soo dhaweeyeen gacmo-furan, waxaanay talo ahaan soo-jeediyeen in xuska 18 Mey loo rogo maalin horumarineed oo sannadba lagu falanqeeyo/daboolo mid ka mid ah baahiyaha ummadda. Ugu dambeyntiina waxa aan Alle ka baryayaa in uu wanaag ku abaal-mariyo samafalayaasha maskaxdooda, maalkooda, muruqooda iyo dedaalkooda u huray hirgelinta himiladii aynu muddada haabka ku haynnay.
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com
Qoraa, hal-abuur iyo cilmi-baadhe
Garxejiskii Huriyay Halgankii SNM iyo Guulihii Saraakiishii H/yoonis Daboolka Lama Saari Karo?
Bismillaahi Raxmaani Raxiim 18.05.2017ka
Qore Taariikhyaqaan Cali Dool Axmed (C.Qoryoley) saaxiibayaal,muddo 19 sano ah 1998-
2016ka oo cilmi baadhis,daraasaad iyo taariikh ururin aan waday, waxa uu Eebbe ii sahlay soo
saarista 11 buug oo aan ka qoray,cilmiga bulshada,taariikhda adduunka, taariikhihii dadka
iyo dalka Somaliland,).Email address.alidoolahmed@gmaill.com, Tell – 00252634405993
Hogaamiyayaashii labada Dal ee Somaliya iyo Itobiiya,Janaraal Maxamed Siyaad
Barre iyo Kornayl Mangistu Xayle Maryam oo goor barqo dheer ah ku sugan, beer
lagu daxiiso oo magaalada Baxardaar ku taala,iyaga oo ku faraxsanaa heshiiskoodii
nabadeed ee ay ku saxeexeen Jabuuti ee Maaraj 1988dii,dabadeedna booqashadii ugu horeysay uu maxamed
Siyaad Barre ku tagay Itoobiya weeye maalintaasi,Mangistuna uu Addisababa aad usoo dhoweeyay,
saacaddaasna waxay iska dhex mushmushaaxayaan dhulka beeraha badan ee galbeedka Adisababa,welibana
iyaga oo gacmaha is haysta,oo qosqoslaya kolba dhinac u leexleexanaya magaalada Baxardaar joogo,ayaa
sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidankii Barre ee NSStu uu Barre dhegta afka u saaray,kadibna Barre oo ku dhegan
gacantii saaxiibkiis Mangistu xayle Maryam ayaa sarkaalkii hoos dhegta ugu raariciyay,dabadeedna sarkaalkii
ayaa si aan deganayn ula xanshashaqay Barre,illeen waxa uu u sheegayaa inay saacad ka hor ciidamadii SNM
qabsadeen Burco,
Markii ay u caddaatay xaqiiqadii weerarkii SNM ee Burco ayuu inta uu Barre aad u naxay,hadana uu aad u
cadhooday,ayuu iska dhuftay gacantii Mangistu,dabadeedna isaga oo qaylyaya uu Mangisto ku yidhi, isiidaa
MXAARYOHOW WADA I KHIYAAMAYSAYE,ISIIDAA AMXAARYOHOW WAAD I KHIYAAMAYSAYE,markii uu
laba jeer sidaas ku yidhi, ayuu Barre inta uu degdeg u dhaqaaqay ayuu degdeg baabuurkii safaaraddisii
Addisababa u fuulay, hadana waxa uu isla saacaddiiba tagay garoonka diyaaradaha ee Addis oo ay u taalay
diyaaraddii uu Xamar kasoo qaatay ee SomaliAirlines waxana uu isla malaintiiba kazoo degat Muqdisho isaga oo
aad uga niyad jabsan ciidanka SNM ee maalinimadaas oo ahayd 27kii May Burco weeraray.waxan xusuustaa
inuu wasiirkii gaashaandhigga ee Somaliya oo aan filayo in la odhan jiray Xuseen mataan uu ka hadlay idaacaddii
radiyow Muqdisho,isaga oo yidhi,dowladdii Axmaaradu way na khiyaamaysay.
Ummadkasta oo dunida ku nool waxay leedahay,sooyaal taariikheed oo u gaar ah,taariikhahaasoo isugu
jira,taariikho ummaddaas u wanaagsanaa iyo taariikho madow oo ummaddaas ku xummaa,taariikhahaas xun
ayay umaduhu ka feejignaadaan in aanay mar labaad dib ugusoo noqonin.
Sheekaba sheekey keentaaye,maalintii ay M/weyne Cigaal afkiisa kasoo baxday,sida ay ii sheegeen raggii
saaxiibadii ahaa ee SNM,Axmed Mire weligii meel ay xabadi ka dhacayso 20km uma aanu gaadhin,hadalkaas
ayay dadweynuhu wada waabay oo ay reer Somaliland isweydiiyeen,waar ninku muxuu ku hadlay?,yaa u
sheegay beenta intaas le’eg?,isaguse Cigaal miyuu isyeelyeelayaa,mise sidaasuu u moogan yahay taariikhdii
halgankii SNM?.Maalintaasi waxay ku beegnayd bilihii dambe ee sannaddii 1994tii,
Anigu waxaan ka mid ahaa muwaaniniintii taariikh halgameedkii SNM wax ka qoray ee xog ogaalka u noqday ee
geesinimadii Ina mire iyo guulihii mucjisada ahaa ee uu goobihii dagaalka kasoo hoyin jiray,wuxuu Axmed ka mid
ahaa raggii aan ku faani jiray,isbedelkii siyaaasdeed uu abuuray ficilkiisii galistii Burco ee 27ka May
1988dii,ficilkaasoo kibir jebiyay keligii taliyihii Somaliya ee Afweyne Barre,islamarkaana abuuray inay daruurtii
guul darrada ee madoobayd ay magaaladii Muqdisho dul fadhiisato,ficilkaasoo falaggii taariikhda ama biligii
siyaasadeed ee ummadaha geeska Afrika kala wareejiyay,iyada oo ficilkiisaasi uu biligii siyaasadeed kasoo
wareejiyay dowladdii Muqdisho ee Barre iyo unasoo wareejiyay cisigii iyo xukunkii dowladnimo dhanka magaalada
Hargaysa iyo ururkii SNM .
Dabadeedna aad ayaan uga cadhooday hadalkaas M/weynihii Somaliland kasoo yeedhay,waxaanan u
tagay,mujaahid xuseen Cabdi Weerar (huuro) oo aanu isku qoys nahay,jaarna aan ahayn,waxaan tusay
warkayskii uu ku qorraa hadalkii Cigaal,markii aan u akhriyaay cinwaankii hadalkaas,ayuu inta uu iga qaaday
,joornaalkii uu jeexjeexay
Dabadeedna isaga oo uu wejigiisu madoobaaday ayuu igu yidhi,waa been xun oo loogu waramaye,Anigu Axmed
Mire 1980aadkii ama wixii ka horeeyay dagaalkii 1988dii,waxaan la galay ilaa 20 dagaal,oo ay ciidankii SNM ee
uu watay ay weerar ahaayeen,waa waayadii la naafeynayay ciidamadii Somaliya ee tuulooyinka xuduudaha u
dhow deganaa,waxaanu ka dagaalanay xeryihii ku yaalay ( Bisiqa,Jeenyalaaye,Duruqsi,Laan
mullaaxo,,Waraabeeye,Ballidhiig,Goraya xun Xaaji-Saalax,Qoolbuulalle,Daba-gorayaale,IWM),waxaan xusuustaa in aanu
dhammaan goobihii ay labada ciidan isku haleeleen mid mooyaane aanu ciidankii Faqashta jebinay,waxaan
xusuustaa inuu geesi geesi dhalay oo aan galowda aqoon yahay,wuuna ku nasiib badnaa dagaalada wuuna
xeelad badnaa oo sir la luud ayay SNMtu odhan jirtay,fili maayo inuu si dhab ula dagaalami doono ciidanka
Somaliland,laakiin haddii uu si dhab ah ula dagaalamo,afarta kornayl ee dowladda Cigaal ee xaggeena kasii
jeeda,inuu isagu ka guulaysto mooyaane,fili maayo inay si howl yar uga guulaysan doonaan,ayuu yidhi Huuro
weerar.
Nin kale oo ay Ina mire Saxaiib ahaan jireen ayaanu ka sheekeysanay taraiikh halgameedkiissii,waxan uu
yidhi,horta Ina Mire maaha nin hadal badan,sida ragga geesiyiinta ah ay u badan yihiin,maaha nin hanti
jecel,maaha nin gurya badan dhista oo danayste ah,maaha nin hawadiisa raaca,balse waa nin naftiisa ka
adag,wixii ka dambeeyay 1991dii sida raga qaarkood Ina mire maaha,nin jihaadkii weynaa ee la dagaalanka
naftiisa ku fashilmay,oo xoolihii ummadda ka dhexeeyay la boobay madaxdii xunxumayd ee musuqa badnayd ee
Somaliland soo martay 1991-2017kii, maaha nin bakhayl ah, maxaayeelay bakahylnimadu waa qayb fulaynimada
ka mid ah,bakhaylkuna waa fulayada midka ugu meeqaan liita,Axmed Mire waa nin aamusan,oo naxariis
badan,oo aan istus ahayn oo cibaado badan oo aan Ilaahay mooyaane Aadame ka cabsan,
Sikastaba ha ahaatee ha joogto hibadayda taariikheede,anigu waxaan ka mid ahaa goobjoogayaashii nasiibka u
yeeshay inay ka qaybgalaan shirbeeleedkii Burco Maaraj ilaa May 1991dii,dabadeedna waxa si buuxda iigaga
warramay,dagaalkii ay ciidamadii SNM gaaskii Burco ku weerareen 27kii May 1988dii,mujaahid ciidankaas Burco
galay ee SNM ka mid ahaa,mujaahidkaasoo xilligaas aanu ka wada tirsanayn Radiyo Halgan iyo Waaxdii
Warfaafinta ee SNM,shaqaaleheedii Hargaysa kasii raacay,gudoomiyihii gudigii qabanqaabada shirbeeleedka
Burco 1991dii, mudane Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe),Mr Boobe oo islamarkaana ahaa xoghayihii (wasiirkii)
warfaafinta ee ururkii SNM.
Mujaahid Kayse oo qoraa ahaan jiray, oo 1980maadkii Akadeemiyadii Somaliya ka shaqeyn jiray loona
tababaray,jilista filimada casriga ah iyo masraxadda,waxa aan weydiiyay,Kaysoow saaxiib iga dhergi warka iyo
sheekada,sidii ay ciidankii SNM gudaha magaalada Burco kusoo gaadheen ee uu dagaalkii weynaa u qarxay
27kii May 1988dii?.
Sheekadan oo faahfaahsan,waxaad ka akhrisan kartaane,buugayga la yidhaahdo,(Cibaarooyinkii Qarniga iyo
Cidda aad Jeceshahay Inaad ku Dayatid,) ee soo baxay 2003 iyo 2006dii,waanse soo koobayaaye, Mujaahid
Kayse waxa uu hadalkii ku bilaabay:- Ina mire waxa uu ahaa taliyihii ciidankii SNM ee Aaagii bariga,weliba khilaaf
siyaasadeed oo soo dhexgalay isaga iyo hogaankii sare ee SNM ayaa Ina Mire xilkii aaga lagaga qaaday 20 cisho
horteed intii aanaan burco galin,laakiin waxa uu kaga jawaabay,gudoomiye xilkii aad iga qaadide qorigaygaas AKga
ah miyaad iga qaadi krataa?,maya ayuu gudoomiyihii yidhi,markaasuu Ina mire usoo ambabaxay dhinicii aaggii
bari iyo ciidankiisii,muddo 15 cisho ah ayaa xaggii taliskii SNM ee KaamBarwaaqo ay waayeen meel lagu tiriyo
Ciidankii Ina Mire,maadaama oo ay Somaliya iyo Itoobiya heshiiyeen,Taliskii qaybtii 26aad iyo gaaskii Burco
waxay saraakiishii Jigjiga joogtay ee ciidankii Itoobiya iyo hogaankii SNM ay si xeeladeysan uga digeen,inay jiraan
guuto ciidan ah oo Ina mire wato oo ka goostay ururkii SNM,kuwaasoo kaymaha xadka meereysanaya Ina Mirena
warkaas wuu ogaa laakiin 15kaas cisho wuu diyaargaroobayay.
Sikastaba ha ahaatee ciidankii SNM ee Burco galay 27kii May 1988dii waxa hogaaminayay mujaahid Axmed
Mire,waxana abaanduule u ahaa,Xasan Cali Abokor,saraakiil kale oo dhowr ahna way wehelinayeen,mujaahid
Axmed Mire waxa uu maalintaas ciidankii SNM kasoo dhaqaajiyay, goob howdka Bucco ah oo xuduuddii u
dhexeysa Itoobiya iyo Somaliya ahayd oo Somaliya raacsan,goor casardheer ah,ayuu ciidankii seedhiga u
afuufay,markay soo fayleen ayuu la hadlay,waxana uu yidhi,”imika saacaddan la joogo,waynu
dhaqaaqaynaa,baabuurtaas ayaynu fuulaynaa,caawa oo dhanna waynu soconaynaa,ragga baabuurka wada
saarani,labada dhinac ayay u kala jeedsanayaan,oo dhabarka ayay isusoo duwayaan, ninkasta gogoshiisana
ayuiu ku fadhiisanayaa,oo dhinacaas ayuu eegayaa,mujaahidkasta inta uu dagaal u diyaargareeyo qorigiisa ayuu
jambiga baabuurka uu saaran yahay,lugaha ka ridanayaa, waxaan idinku amrayaa,in aanu ninna ka degi Karin
baabuurka uu saran yahaya,haddii uu dhexda dagaalin innagu qabsado,waxaan amar idinku siinayaa,inuu ninna
dhulka u degi Karin,oo baabuurta oo soconayso ayaynuu dagaalami doonaa,mar qudh baabuurtu istaagi mayso
ilaa aynu gaadhayno halka aynu weerarayno beri subixii oo ah xeryihii ciidankii Siyaad Barre ee gaaskii
saddexaad ee Burco deganaa ah”.
Waanu dhaqaaqnay,Axmed Mirana gaadhiga u horreeyo ayuu fuulay,waxaan xusuustaa ayuu Kayse yidhi,inuu
casar gaabadkii uu dagaal yar nagu qabsaday dhexda,umaanaan joogsan, iyada oo xabbadda la ridayo ayay
hadana baabuurtayadii socodkii iskasii wateen,goor habeenka gelinkiisii dambe ah ayaanu wadada laamiga ah
kaga dhacnay meel Burco bariga ka xigta,waxaanu laamigii usoo raacnay xaggii galbeedka ee Burco naga
xigtay,goor ay 5tii iyo badhkii subaxnimo tahay ayaanu soo gaadhnay,koontoroolkii Burco ee dhinaca tuulada Beer
xigay,baabuurtayadii ugu horreysay ayaa ciidankii halkaas joogay jiidhsiiyay oo xittaa badankayagu maanaan
dhaadin in dakhsi duulay,kelmadda (ALLAAHU AKBAR) ayaanu ku wada dhawaaqaynaa,codkayagaas
quwaddiisa waxaad moodaysay mid makaroofanno waa weyn kasoo baxaya,ninkasta geeri ama guul ayuu naftiisa
kula ballamay.
Inyar kadibba waxa aanu aragnay uun anaga oo magaaladii Burco dhex marayno,mujaahid Axmed Mire inta uu ka
degay gaadhigii uu saaraa,ayuu qaab dagaalineed uu ciidankii u dejiyay,isaga oo guuto guuto u qorsheeyay,ugu
horreyntii waxaanu ku leexanay,kaalimihii shidaalka,waanu ka fara maroojinay kuwii iibinayay,dabadeedna
gaadiidkayaga oo shidaalku gabaabsi ku ahaa,ayaanu ka buuxsanay,markaasba xabaddo goosgoos ah ayaa
dhacayay, laakiin dagaalkii weynaa waxa uu bilaabmay markii ay dhammaan gaadiidkayagii shidaalkii wada
dhaansadeen,xeradii taliskii gaaskii saddexaad dhankeedii ayaanu u dhaqaaqnay,waxa aanu ciidan xoog badan
ku jebinay,dooxa weyn dhexdiisa hareeraha biriijka weyn ee Burco,maydkooda ayaa sida kashkaashka noqday,
saraakiil fara badan oo 7 kornayl ahaa oo uu ku jiray taliyihii gaaska saddexaad ayaa difaac ka galay xeradii
gaaska horteeda,halkaasna ciidan aad u badan oo difaac ahaa ayaa ku leyday, ayna ku jireen saraakiil badan.
Mujaahid Axmed Mire goobtaas ayuu ku dhaawacmay isaga oo xabadda ridaya,amarkana u haya oo horsocda
ciidankiisii,kadib markii ay xabad wejiga badhtankiisa kaga dhacday ayna ka baxday dhaqada madiixa isaga oo
koom ku jira oo aanu mayd u qaadanay ayaa goobtaas lagasoo qaaday.
Lasoco qaybaha dambe…
Qore Cali Dool Axmed
alidoolahmed@gmail.com
TACSI TIIRAANYO LEH : DHAMAAN QOYSKII IYO QARABADII AY KA BAXDAY MARXUUMD…
TACSI TIIRAANYO LEH : DHAMAAN QOYSKII IYO QARABADII AY KA BAXDAY MARXUUMD SIRAAD XASAN WACAYS , GAAR AHAAN FADUMO XASAN WACAYS IYO ILMA YUSUF XAASHI AFTAAG.
TACSI TIIRAANYO LEH : DHAMAAN QOYSKII IYO QARABADII AY KA BAXDAY MARXUUMD SIRAAD XASAN WACAYS , GAAR AHAAN FADUMO XASAN WACAYS IYO ILMA YUSUF XAASHI AFTAAG.INNAA LILLAAHI WAA INAA ILEYHII RAAJICUUN. CALI IBRAHIM JAMAC IYO QOYSKIISU WAXAY TACSI TIIRAANYO LEH U DIRAYAAN QOYSKII AY KA BAXDAY MARXUUMAD SIRAAD XASAN WACAYS OO KU GEERIYOTAY MAGALADA OODWAYNE . WAXAANU ILAAHAY KA BARYAYNAA INUU MARXUUMADA JANATUL FARDUUS KA WARAABIYO, UBADKII , EHELKII IYO QARBAADII AY KA BAXDAYNA SABIR IYO IIMAAN KA SIIYO. WAXA KALE OO AANU TACSI U DIRAYNAA WALAASHEED FADUMO XASSAN WACAYS OO DEGGAN USA IYO CARURRTEEDA ILMA YUSUF XAASHI AFTAAG OO DEGGAN CANADA .WAXAANU LEENAHAY ILAAHAY SABIR IYO IIMAAN HA IDINKA SIIYO. AMIIN.CALI IBRAHIM JAAMAC, TORONTO. |
|
Daawo:Sidii Farmaajo Boqor Salmaan ugu soo dhaweeyay Qasriga Boqortooyada Sacuudi Carabiya
Daawo:Sidii Farmaajo Boqor Salmaan ugu soo dhaweeyay Qasriga Boqortooyada Sacuudi Carabiya
Xubnaha Golaha Wasiiradda ee u Idman Wiilka Madaxweynuhu Sodogga u yahay Bashe Morgan
Hargeysa(Qaran-news)-Kolka isbedel ka dhaco dal oo nidaamka ama xukunkii talinayey meesha ka baxo, ha noqdo isbedelkaasi mid ku yimi qaab Mileteri ama ha noqdo mid kusoo baxay hanaan doorasho oo Xor ah, wallow mar-marka qaar uu suurta gal yahay inuu isbedelkaasi ahaa mid ku curtay rabitaanka bulshada, balse haddana waxa mar-mar dhacda in isbedelkii noqon waayo kii saxda ahaa ee siyaasiyiinta iyo bulshaduba filayeen, oo xaalkuna noqdo Kud ka guur oo qanjo u Guur.
Xaaladahan u dambeeyey maaha kuwo mar walbaa la arko, hase-ahaatee, waxay dhacaan mar keliyaa oo ah markaa hoggaamiyihii isbedelka watay uu galo xaalad hogasho, badeetana awoodii tallada dalku ku baahdo Gacmo kale, oo aan la dooran, isbedelka iyo rajadii bulshaddu filaysa-na marka dambe waxa ay noqotaa mid kusoo ururta duruuf aan ka dhicin (Allow Yaa Harageedii Nagaga Celiya).
Siyaasiyiinta iyo qaar kamid ah hoggaamiyasha dhaqanka Somaliland, ayaa intii uu tallada dalka hayey Madaxweyne Siilaanyo, waxa ay marar badan ka dhawaajiyeen in awoodda tallada dalku ku baahday gacmo kale, isla markaana shaqadii xafiiska Madaxtooyaddu-na ka awood badatey Madaxweynihii bulshaddu soo dooratay Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, xubnaha weedhani kasoo baxeen afkooda oo aynu ka xusi karno, Gudoomiyasha Xisbiyada UCID, KULMIYE iyo Odayaal ay kamid yihiin Boqor Buur-madow iyo Boqor Raabi, waxa marka hadalladoodi dib loo raaco intuba ka sinnaayeen asbaabaha ay usoo daliilsadeen in awoodda tallada dalku ku baahday Gacmo kale, oo aan iyaggu xaq u lahayn tallada dalka, hal qodob oo ah inay jiraan shaqsiyaad haya awood ka badan toodii, kuwasoo qaarkood xubno ka yihiin golaha wasiiradda, halka qaarkoodna ay soo halan xubnaha qoyska Madaxweynaha.
Inkastaa xilliyadan danbe arrimahaas hadal hayntoodu Fagaarayaasha Siyaasaddu aanay ku badnayn, gaar ahaan wixii ka dambeeyey markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo fagaare ka sheegay inuu ka tanaasulay teeramkiisii labaad ee tartanka Madaxtooyadda, talaabadaasoo noqotay mid ku abuurtay Musharraxiinta cusub ee Xisbiyadda xaalad laba-nafood dhowr ah, oo mid waliba dhaankiisa isku ururinaayo isagoo eegaya hadii uu ka hadlo arrimaha dalka ka socda inuu ku waayi karo taageerada Beesha Madaxweynaha, balse haddana tan iyo wixii ka dambeeyey markii Xukuumaddu go’aan satay heshiiskii ay la gashay Shirkadda DP World, waxa fagaarayaasha iyo goobaha kale Siyaasadda lagu qaada dhigo kusoo kordhay hadal haynta Warar iyo xogo kala duwan, kuwasoo tibaaxaya in Wiilka Madaxweynuhuu sodogga u yahay, ahna Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta Baashe Cawil uu hadda saamayn intii hore ka badan ku leeyahay awoodda tallada dalka, isla markaana sida Wararka qaar lagu xusayo ay jiraan xubno taabacsan oo ka tirsan golaha wasiiradda, kuwasoo sida ay ku doodan dadka Siyaasadda Madaxtooyadda qaada dhigga uu lahaa tallada ay kaga mid noqdeen xubnaha golaha wasiiradda ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Haddaba, marka laga hadlaayo tabaciyiinta Baashe Cawil ee golaha Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa kamid ah xubnaha sida xooguhu sheegayan kuwo kolkiiba Farta lagu Fiiqo Wasiir ku-xigeenka Madaxtooyadda Axmed Xaashi, Safiirka Somaliland ee Jabuuti Amb. Cabditafax, Wasiirka Qorsheynta Md. Qabyo-tire, Wasiirka Duulista iyo hawada Md. Farxan Aadan Haybe, Wasiirka Macdanta iyo tamarta, Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibeda Md. Kayse Guray, la taliyaha arrimaha Madaxweyne Siilaanyo ee Carabta Ibraahin tallaabo, wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdilahi Maxamed Daahir (Cukuse). La soco Cadadyada dambe ee Wargeyska Yool
Wejiga Labaad ee Qaadhaan Ururintu: Ma Gaadhi Doonaa Dadkii loogu tallo Galay, Mise Wuxuu noqon mid Naanayso Reeba!.
Hargeysa(Qaran-news)-Siyaasiyiin iyo culimo aw diin ka tirsan Ac-yaanta magaca ku dhex leh Bulshada Somaliland, ayaa walaac iyo wis-wis ka bixiyey guddida daba-furanka ah ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo dhowaan mar kale u magacaabay ururinta dhaqaale lagu taakuleeyo dadka ku caydhoobay iyo kuwii ku barakacay Abaartii dalka saameeyey, iyaggoo ka warwar qaba halka uu ku dambayn doono dhaqaalaha loo ururiyey dadka tabaaleysan, maadaama aanu jirin hay’adda ama cid kale oo Madaxweynuhu carabka ku dhuftay oo marjac u ah dhaqaalaha lasoo ururin doono.
Sidoo kale, ganacsatada iyo qaybo kamid ah bulshada ayaa geestooda iyanna qaba kalsooni darro weyn oo la xidhiidha in dhaqaalahani si sax ah u gaadhi doono dadka tabaalaysan ee magacooda loogu yaboohay hanti ururintan, waxana dadka sidaa qaba qaarkood, iyaggoo ka cudur-daartay in magacooda la shaaciyo Wargeyska Yool u sheegeen inay fajac iyo amakag kala kulmeen xafladii ka dhacday Madaxtooyadda habeenkii xuska 18-ka May. Arrimaha layaabka leh ee Xafladii Madaxtooyadda lagu arkay intii tagty iyo intii daawatay-na aad u hadal hayeen waxa kamid, qaar kamid ah xubnihii ku yaboohay Lacagta, kuwasoo qaarkood sida dadka aqoonta u lihi xuseen, ay ku qaban wayday hayntoodii hore ee jaabka, Mushaharka ay dawladda ka qaatan iyo cadadka qaadhankii ay ku yabooheen.
Tusaale, ahaan arrimaha keenay in bulshaddu is waydiiso marjaca ama halka dhaqaalahani ku dambayn doono, tuhun iyo mad-madow badan oo hadheeyey qaabkii loo maamulay dhaqaalihii hadda ka hor loo ururiyey gurmadkii Abaaraha iyo guddidi loo dhiibay dhaqaalaha oo la oggaaday markii dambe in aanu jirin ciday marjac u ahaayeen oo kula xisaabtamaaysay Cadadka lacagta soo gashay iyo weliba qaabka u baxay.
Waxa kaloo, kamid ahaa dhaliilihii kasoo baxay qaabkii loo maamulay dhaqaalihii kusoo dhacay gacanta guddidii hore ee abaaraha tabashooyin tiro beelay oo kasoo yeedhay qaybo kamid ah deegaanadii Abaartu sida xun u saamaysay, kuwasoo aynu ka xusi karno Guddida joogtada ah ee Duqayda Gar-adag, iyaggu sheegay hadal hayn mooyee in aanay arag wax deeq ah oo ka timi Guddida Abaaraha, waxa kaloo kamid ahaa deegaanada dhawaaqan oo kale kasoo yeedhay Oodweyne, Saraar iyo Ceerigaabo. Muj. Cali guray ayaa kaddib War-saxaafadeedkii Madaxweynuhu ku magacaabay Gudida cusub farriin arrinka ku saabsan oo ku baahiyey bartiisa “Facebook”, waxa ajandaha Magacaabista Guddida cusub ku suffeeyey la mid ah halku dhigii ahaa (Dhigga Lacagta). Sidoo kale, Muj. Cali Yuusuf waxa uu sheegay in dhaqaale ururinta cusubi u yahay qorshe meesha lagaga saarayo la xisaabtanka Guddidii hore ee abaaraha.
Dhinaca kale, Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray oo kamid ah Culimada waaweyn ee dalka Somaliland geestiisa isna farta ku goday halka dhaqaalahani u ku dhici doono iyo cidda maamulaysa ee bulshadu kala xisaabtami karto, isagoo Sheekh Aadan Siiro fikir ahaan soo dhoweeyey in dhaqaale loo ururiyo dadkii ku tabaaloobay iyo kuwii ku barakacay abaaraha. Waxa isweydiintu ka taagan tahay mashruucan taakulaynta dadka abaaraha ku tabaaloobay, ma waxa uu noqon doonaa mid u fula sidii loogu talo galay, ama waxa uu noqon doonaa Mashruuc naanayso u reeba dad badan, sida Bugii laga qoray Hay’addaha qaraamada Midoobay ee la odhan jiray Tujaartii fakhriga.
Kulan laba Weji ah oo Madaxtooyadda ku Dhex-maray Siilaanyo, Cali Khaliif
Hargeysa(Qaran-news)-Cali Khaliif oo hore iskugu magacaabay inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo ayaa qasriga Madaxtooyadda Somaliland xalay kulan kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, kaasoo dhankiisa Cali Khaliif uu ku weheliyey Wasiirkiisa arrimaha dibeda Mr. Maxamed Shabac. Ma jiro War rasmi ah oo ku saabsan ujeedada Kulankaa oo kasoo baxay Xukuumadda Somaliland.
Hase-yeeshee Warar Wargeyska Yool ka helay ilo u dhuun-daloola xidhiidhka Madaxtooyadda iyo Cali Khaliif, ayaa tibaaxay in safarka hadda ee Cali Khaliif iyo kulanka Madaxtooyadda ee Xalay uu kasoo shaqeeyey Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, isla markaana sida xoggaha lagu sheegay lagu wado is araga Madaxtooyadda kaddib Md. Cali Khaliif inuu u safri doono dalka Kenya.
Waxa kaloo, Wararku intaa ku darreen in wafti Odayaal ah oo kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle, una badan sida la xusay ardaaga Beesha Maxamuud Garaad, inay shalay gelinkii dambe kulan la qaateen Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, waxanay xoggaha kulanka hore la xidhiidhay tibaaxeen in ujeedada waftigan Odayaashu u la xidhiidhay qorshe ka dhan ah Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Axmed Ciise (Xagla Toosiye), sidoo kale waxa iyana aan meesha ka madhnayn loolanka xubno Beesha Dhulbahante ahi ugu jiraan hanashada jagada Gudoomiyaha golaha wakiiladda, kaddib marka uu jagadda banneeyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee hadda ah Gudoomiyaha Barlamanka Somaliland.
Yool