Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Wasiirka cusub ee arimaha debeda S/land oo ka hadlay mawqifka xukumada Siilanyo iska taagtay shirka Brussels + Guulo dhalanteeda oo wasiirkii la bedelay sheegtay

$
0
0

Wasiirka cusub ee arimaha debeda S/land oo ka hadlay mawqifka xukumada Siilanyo iska taagtay shirka Brussels iyo Guulo dhalanteeda oo wasiirkii la bedelay sheegtay

Hargeisa-(Qaran-news)-Wasiirka cusub arimaha debeda Somaliland maxamed Biixi Yoonis oo maanta la wareegay xilkii wasaarada ayaa madashii xilwareejinta ka sheegay inuu si hagar la’aan ah ugu shaqeyn doono dalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in wefti ka socday midowga yurub oo Hargeysa u yimi inay Somaliland ka dhaadhiciyaan inay ka qeybgasho shirka Brussels ay u sheegeen inaanay marnaba ka qeyb gali doonin shir uu Xasan Sheikh Maxamuud hagaayo.

Wasiirku wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in  isagoo UN-ka u shaqeynayay in dalkiisa looga baahday inuu xil ka qabto isagoo arintaas sharaxayana wuxuu yidhi “Horta waxaan aad ugu faraxsanahay inaan arko in dadkaygii ii baahan yihiin, waxaana wax lagu faano ah in lagu yidhaahdo dalkii ayaa kuu baahan ,waxaan qaban doonaa waxii karaankayga ah dadka iyo shacabka waxaana codsanayaa in laygu garab galo xilkan culus ee lay dhiibay “.

edna

Geesta kale wasiirkii hore ee arimaha debeda ee xilka wareejiyey Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ku dawakhay xilka arimaha debeda ,foolxumooyin iyo guul-darooyin badana soo kordhiyey mudadii uu xilkaa hayey,wasaaradiina ka dhigay shandad uu jeebka ku sito ayaa mudadii sadexda sanadood ahayd ee uu xilka wasiirnimo hayay guulahii uu gaadhey ku soo koobay shirarkay ay la fureen Somaliya oo aan weli wax natiijo ah oo lagu farxaa ka soo bixin.

Qarannews

Hargeisa

 

 


Qaramada Midoobay Oo Sheegtay Inay Xasan Sheekh Ka Caawinayso Sidii Somaliland Loogu Qancin Lahaa Ka Qayb Galka Shirka Beljamka Ee Somaliya

$
0
0

Hargeysa(Qaran news)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay Madaxweynaha dawladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ka caawinayso sidii Somaliland loogu qancin lahaa inay ka qayb gasho shirka Beljamka loogu qabanayo Somaliya ee lagu soo bandhigi doono nidaamka cusub ee loo yaqaan New Deal.
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Nicholas Kay, ayaa khudbad uu ka jeediyay kulan afur ah oo uu xaruntiisa Muqdisho ugu sameeyay Madaxweynaha Somaliya iyo dawladiisa, toddobaadkan, wuxuu ku sheegay inay muhiim tahay inay Somaliland oo uu u adeegsanayay gobal ka qayb gasho shirkaas, “Weli waxay su’aali ka taagantahay sidii gobalada kale ee ay Somaliland ka mid tahay loogu soo dari lahaa habkan cusub ee New Deal iyo sidii loogu qancin lahaa inay ka soo qayb gasho shirka Brussels .” ayuu yidhi Nicholas Kay.
Wuxuu intaas raaciyay inay Qaramada Midoobay ka caawinayso Xasan Sheekh sidii uu u gaadhi lahaa inay Somaliland ka qayb gasho shirkaas, “Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay inay dawladda [Somaliya] ka taageerto sidii ay wada hadaladaas [ku qancinta Somaliland] hore ugu sii wadi lahayd.”
Shirkan Beljamka ka furmaya bisha September ee sannadkan, ayaa ah kulan dhaqaale loogu ururinayo dawladda Somaliya, waxaanu ka dhashay shirkii isla sannadkan lagu qabtay Ingiriiska ee ay Somaliland qaadacday ka qayb galkiisa. Midowga Yurub ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku casuumay shirkan, laakiin ilaa hadda ma cadayn inuu ka qayb galayo iyo in kale. Waxa iyana isweydiin leh doorka uu ergayga Qaramada Midoobay ku leeyahay Somaliland, maadaama oo ay war ugu dambaysay iyadoo ay xukuumadda Somaliland xafiiskiisa ka mamnuucday in Somaliland laga furo.

Geesska

Mo Farah protests Barclays’ Somali money transfer closure

$
0
0

 

Olympic gold medallist Mo Farah has told ITV News London that his extended family will struggle if Barclays goes ahead with plans to shut systems that allow money transfers to accounts in Somalia.

Cash transfer businesses including Dahabshiil, the largest in the UK providing Somali services, were being closed over fears they were being used for money laundering.

<:figure> <:figcaption>Mo Farah, who was born in Somalia, wins gold for Great Britain at the 2012 London Olympics. Credit: ABACA

Nuxurka natiijada ay ku soo idlaadeen Shirar iyo wadahadalo beryanba u socday Koox salaadiina iyo Golaha wadatashiga iyo xukumada siilanyo oo si dadban uga qeyb qaadanaysay.

$
0
0

Nuxurka natiijada ay ku soo idlaadeen Shirar iyo wadahadalo beryanba u socday Koox salaadiina iyo Golaha wadatashiga iyo xukumada siilanyo oo si dadban uga qeyb qaadanaysay.

Hargeisa-(Qaran-news)-Tiro salaadiini oo kor u dhaafey lixdameeyo oo awelkii horeba xukumada Siilanyo badhkood dhaqdhaqaajisey oo beryahanba isaga dabqaadaayey xukumada Siilanyo iyo golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ayaa kulamadoodii soo idlaadeen, kii ugu danbeeyeyna caawaGuest House-ka Ambasador Hotel ku soo gebagebeeyeen.

Salaadiintan oo Ergo 17 xubnooda u saaray inay la munaaqishoodaan golaha wadatashiga ayaa gola-weynaha salaadiinta ku soo celiyey in golaha wadatashigu aqbaleen inay ka tanaasulaan magacii  “Gole” oo xukumada Siilanyo cabsida iyo sas ka qaadey ,Ku darsoo salaadiinta laftooduna  waxay golaha wadatashiga ka codsadeen inay bedelaan magacaa “Gole” kuna bedelaan Guddi ama koox (Political pressure group).

Sida ilo xogogaala oo u dhuun daloola wadahadalada u sheegeen Qarannews waxay goluhu fareen salaadiinta shuruudo dhankooda oo ah in xukumada Siilanyo ka qanciso ama ka jawaabto 16-kii qodob ee ay u ku eedeeyeen oo u badnaa dhaliilo,musumaasuq,eex,qaraaba-kiil,cadaalad-daro iyo dhaqano foolxunxun oo aan dalka hore uga jiri jirin oo xukumada Siilanyo dalka iyo dadkaba ku soo kordhisay.

Geesta kale xogaha Qarannews heshay waxay intaas ku darayaan in salaadiintu xuleen gudi salaadiina oo ilaa shan xubnood inkastoo la kordhin karo oo Madaxweyne siilanyo hortaga,balana ka soo qabta si ay golaweynaha isu wajahaan madaxweyne Siilanyo,islamarkaana aakhirka abuuri karta jawi  kulan ku dhexmari karto madaxtooyada iyo asaasayaasha golaha wadatshiga oo beryahanba warbaahinta ku wada hadlaayey,canbaareyn yo daacayado lafjabana isu marinaayey.

Isku soo wada duuboo sida xubno ka mid ah salaadiinta wadahadalada ka qeyb qaadanaayey u sheegeen Qarannews waxay bogaadiyeen golaha wadatashiga oo aqbalay soo jeedimahoodii iyo talooyinkii ay ula tageen, hase yeeshee xukumada siilanyo dhankeeda shaki weyn ka qabaan inay qancin iyo tanaasulaad dhanka kale ku qanco sameyn wado taas oo dedaalkoodii ka dhigaysa hal bacaad lagu lisay.

Qarannews

Hargeisa

 

Alaylehe inankaygii Rag hays arkaan

$
0
0

Alaylehe inankaygii Rag hays arkaan

Nin baa lagu yidhi inankaagiina la dil ,geelaagiina la dhac, ninkani wuxuu ahaa nin wax garada oo la yaabanaa Maskax xumada ku jirta inankiisa, dabadeed isagoon is ogayn ayuu ku tiraabay ilaahay hortiiye geelaygana hala qaadee inankayga rag hays arkeen, waxaan uga socdaa inankan yare e adeerkii kursiga aanu u qalmin fadhiisiyey, ee aad moodo in la yidhi rag soo cagacagee, ka dib markii laysugu daray madaxtooyadii, dekedii, haamihii, wadooyinkii,madaxweyne ku xigeenkii, & raisal wasaarenimo, kii uu doonona uu bedelay kii uu doonana madax kadhigay, ayuu wuxuu u qaatay in aan ragba arlada ku noolayne, waxaa jiray nin geel jire ahaa oo intuu geel badani u dhalay ayuu dhergay, aduunkana waxaa ugu keber xun geeljire dhergay, markaasuu mid kale oo la caqliya ku yidhi hebelow waxaan iska dhigayaa Cawwle (deero) , isoo shish qorigaa qaado oo, markaasuu intuu futada marsaday Xoorka caanaha ayuu intuu boodbaaoday yidhi hebelow cawl ma lay moodaa kii kalena haaye isug aan ku shiishee nbal sidaan kuula helilahaa dee sanbabka ayuu ku kala jeexay

 

waxaan uga socdaa Xirsi wuxuu marayaa Cawl mala I moodaaye, ha ogaado in sambabada lagu kala jeexayo,qoodhiin iyo xeradiin miyaanay wax lala yaabo ahayn ninkii dalkiiba looga hadhay ee lays yidhi qofkaa cadka ah eek u magacaaban waxba ha odhanina ee intuu goob soo fadhiistay gabyey ee yidhi hadaanaan aargoosan, hadaanaan sidaa iyo sidaa yeelin, halkuu joogaa, waxaan qabaa intii dadka Somaliland afka mara ka buuxsanayeen way dhaaftay inta layskaa soo hor tubo ayaad xaga dambe ka dhiciye  didibso,

SiilaanyoXirsi

Haddaba garanay inaanuu joogin kii madaxweynaha ahaaye, magaceed ba’dii meesha la joogatay miyaanay is odhanayn ceebta odaygaaga ka qabo oo inankan yare e aad meesha ku hayso dadka ka fadhiisi oo meesha gee qof xilasaamad ah oo dabooli kara ceebaha odayga, mise waxay ku shurug yihiin inay dadka u muujiyaan inaanu waxba faraha ugu jirine odayga, waa arin lala yaabo dhaqanka caynkan ah ee ay u arkaan inuu dadka dhaqaayo, waxaan dadka Somaliland ku boorinayaa in marka ay dhamaato ramadaan debed bax ka dhan ah shuftadan lagaga horto, haddii taa la waayo waxa hubaala in dadka aan arkaayo caqliga ku jiraa odhanayo cidi juuq ma odhan karto, bal ilmaadeero yaal eega kan Maaliyada ee la og yahay inuu lacagtii umada kursi ku doonaayo eel eh waanu soomanahaye hantida umada waanu xaraynaa ayaandaradii ugu waynayd ayaa inagu habsatay, waxay inoo qaateen dad aan jirinba oo sida caruurta loogu sheekeeyo Waxa hubaala inaanay kuwani sooba fadhiisteen TV- ee isheenaa laga arkay.

Waxay taladaydu tahay Hadaan layska qaban al qaacidadan wadankii qabsatay meel dheer baa laynaga dooni, Sidoo kale waxaan soo jeedinayaa in guddi soo hubisa inuu nool yahay ninkii aynu soo dooranay iyo kale , xaaladiisu siday tahayna laga war helo , qowlaysatodana eegan kari maynee

 

 

Jawaan xasan qaalib

(jawaan313@yahoo.com)

 

Berbera

Agaasimaha Xidhiidhka Mucaawimooyinka WFP Mr. Garas oo Khilaaf Xoogan ka dhexeeyo Hayada WFP !

$
0
0

Agaasime Waaxdeedka Wasaarada  Dib U Dajinta ee Xidhiidhka Mucaawimooyinka WFP Mr. Garas oo Khilaaf Xoogan ka dhexeeyo Isaga iyo Haayada WFP !!!

yusuf

Marka hore salaamayaa warbaahinta madaxbanaan sida wanaagsan ee ay wararka lagu kalsoonyahay dadka uga hagabtirayaan oo aan leeyahay dadaalka halkaasi ka sii wada .

Hadii aan u soo dhaadhaco magaalkayga waxa tan iyo maalintii xilka loo magacaabay Agaasime waaxdeedka xidhiidhka mucaawimooyinka ee WFP waxa jirtay khilaaf ba,an oo kale dhex yaalay isaga iyo Haayada WFP oo ahayd in uu haayada WFP wadashaqayn fiican la sameeyo se raggii ka horeeyey ay soo bandhigeen mashariic badan halka uu isagu ilaa maanta aanay haayada WFP waxa mashruuc ah u sii dayn oo ah ayaandaro inteed leeg .

Waxa kale oo ay Agaasime Waaxdeedkani Mudane Yusuf Cismaan Garas ay Haay,ada WFP ku eedaysay inuu lunsayday Raasin mucaawimo ahaa oo ay lahayeen dad danyar ah oo ilaa hada ay garan laayihiin WFP halka uu mariyey raashiinkaasi loo dhiibay.

Hadaba waxa wali la sugayaa khilaafkaasi ba,an ee kale dhexe yaal agaasime waaxdeed xidhiidhka mucaawimooyinka somaliland iyo haayada world food program halka uu ku biyo shubto .

Waxa kale oo ilo xogogaal ahi sheegeen in aanu xafiiskii u shaqo tagin oo hotelada magaalada ku qaata inta shaqada lagu jiro .

Waxa kale oo loo sheegay mudane .Garas in haayada WFP somaliland keento raashiin dhacay oo ah kii xoolaha la siinayey ka waax ahaan ay dadka danyarta u qaybiyaan waxaan cadeeyey in haayadaasi keento raashin dhacay maareeyihii hore ee Haayada Tayada Qaranka maalintii uu xilka wareejinayey .

Lakiin ilaa hada mudan Garas waxa hadal ah kama odhan arintaasi loo soo jeediyey waxa ay ahayd uun inuu waxa ka qabto.

Taasina waxa ay cadaynsaa in uu khilaaf ba,ani ka dhexeeyo isaga iyo haayadaasi WFP .

Gunti iyo gabo gabadii hadalkayga waxaan leeyahay hadaba waxa la sugaa uun halka uu khilaafkaasi ku dhamaado .

 

Axmed Cabdi ( Gunyarsocod)

ahmedgaxar@yahoo.com

Somaliland.Hargeisa

 

 

 

Ra’iisul-wasaaraha Somaliya oo booqday dhismahii Turkiga Muqdisho ee la qarxiyey +Nuxurka Shir jaraaid oo ay wadajir u qabteen safiirka Turkiga u fadhiya Somaliya

$
0
0

Ra’iisul-wasaaraha Somaliya oo booqday dhismahii Turkiga Muqdisho ee la qarxiyey +Nuxurka Shir jaraaid oo ay wadajir u qabteen iyo safiirka Turkiga u fadhiya Somaliya

Muqdisho-(Qaran-news)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka booqday xaruntii shalay kooxda Al-shabaab ay la beegsadeen qaraxa taasoo ay deganaayeen shaqaale u dhashay dalka Turkiga oo hawlo samafal caafimaad u fidiya shacabka Soomaaliyeed.

r2

Ra’iisul Wasaaraha booqashadiisa waxaa ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Wasiirka Maaliyadda, waxayna kormeereen goobta qaraxu ka dhacay, iyaga oo u kuurgalay baaxada saameynta qaraxa, waxayna warbixin ka dhegeysteen shaqaale Turki ah oo iyagu goob joog ahaa xilligii qaraxa.

r4

Booqashada kadib, waxaa shir jaraa’id ku wada qabtay dhismaha la qarxiyey gudahiisa, Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Kamaludin Kani Torun.

r9

“Waxaan aad uga tacsiyadeynayaa dhibaatadii halkan ka dhacday, waana cambaareyneynaa falkaan fuleynimo” ayuu ydhi Ra’iisul Wasaare Saacid oo sidoo kale tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday ardaygii Soomaaliyeed ee qaraxa ku dhintay.

turki

Safiirka Dawladda Turkiga ee Soomaaliya Kamaludin Kani Torum ayaa isna sheegay in dawladda Turkiga ay sii wadi doonto isla markaana laban laabeyso taageerada dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadi doonaan mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan qeybo badan oo ka mid ah dalka.

Xafiiska wararka

Qarannews

Hargeisa

 

Hayadaha iyo Hawl-wadeenada shisheeye ee k a hawlgala Somaliland gudaheeda oo xaalad digtooni la gashay markii xoogo la helay.

$
0
0

Hayadaha iyo Hawl-wadeenada shisheeye ee ka hawlgala Somaliland gudaheeda oo xaalad digtooniya la gashay markii xoggo la helay.

unhrgsa

Hargeisa-(Qaran-news)-Dhamaan Hayadaha shisheeye ee ka hawlgala Somaliland ayaa xaalad digtooniya iyo heegan buuxa galay ka dib markii lagu wargeliyey xogo hoose oo laga helay sirdoonka reer galbeedka iyo hanjabaado ka soo dulduulay xoogaga Al-shabaab oo nidar ku galay inay qaraxyo badan ka fulin doonaan Somaliya inkastoo ayna xusin goobo mucayina iyo hayado gaara oo ay si toosa u bartilmaameedsanayaan .

Shaqaalaha Ajaanibka ah ee u shaqeeya Hayadaha UN-ka iyo kuwa shisheeye ee jooga Somaliland ayaa lagula taliyey inay guryahooda ku shaqeeyaan.

Geesta kale Xarumaha Hayadaha shisheeye ku leeyihiin Somaliland gudaheeda  iyo goobaha kale ee ay hooy ahaan u degan yihiin ayaa aad loo xoojiyey amaankooda tan iyo shalay markii xogahaas la helay.

Qarannews

Hargeisa

 


Fariin ku socota wasiirada waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi.‏

$
0
0

Fariin ku socota wasiirada waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi.‏
Marka hore waxaan idin leeyahey ramadaan wanaagsan khayrkeedana ilaahey ha ina siiyo Amiin
Ka dib waxaan doonayaa in aan fariin u gudbiyo wasiirka wax barshada Somaliland, fariintaasi oo ah wasiiradu in aaney dhulka iyo dadka kal xigsan aaneyna kala jecleysan, sababtoo ah xilka ay heyso maahan mid qabiil, iyo mid deegaantoona uu gaar u leeyahey.

sam

Tan iyo maalintii wasiirka wax barshada somaliland la magcaabey waxaan maqlaa wasiir sam sam oo meel heblaayo iskuul ka furtey balse waligey maan maqal, wasiir samsam oo OOGADA GABLBEED EE HARGEYSA DHAXAG MEEL U DHIGTEY.

ku darsoo dadkaasi waa dadka maanta ugu baahida badan, waanan dhulkii halgankii Snm uu dhibaatada badan iyo burburka badan u geystey, hadaba suaasheydu waxaa weeyey wasiir samsam waxaan arkaa iyadoo meelo badan iskuulo u dhiseysa waana wax lagu farxaa, balse maan arag iyadoo waxey u qabto iska daaye skuuladii hore uga dhisnaa wax ku tarta, dhulkaan ka hadlaayo waxaa laga yaabaa in qoys ahaan wasiir samsam aan cidina uga badaneyn qoyskeeda balse waxaad moodaa wasiiradu in ay dhulkaasi dadka ku nool ay ku wado cunsuriyada hoose oo dadka inta badani ay dareemeyso,

wasiirka waxaan odhanlahaa magoolyyinka, GARABIS, LAFTA – WARAWEYNE, FARAWEYNE, DHABOOLAQ,GADHYOGOL, QUDHA-ABU RIIN.
WADOBARIIS BARIIS, DACAWALEY, SAYLA GABLBEED, IYO CADROOSH, WAA DHUL BALAADHAN OO BAAHIYO BADANI KA MUUQADAAN WASAARADAAD MAXAA U DIIDEY IN AY ISKUUL YAR GEYSO?

Ugu danbeyn wasiirada waxaan odhanlahaa xilka wasiirnimo yaan laga dhigin mid ummada lagu kala fada

Cawar-Xareed wuxu sheegay in $100.000 oo doolar la siiyay, laguna fuliyay operationkii Saameel wasiiro…..

$
0
0

 

Cawar-Xareed wuxu sheegay in $100.000 oo doolar la siiyay, laguna fuliyay operationkii Saameel wasiiro Aya ii keenay bu yidhi wasiirka boqolku heysta xaguu jooga wa in la cadeeya lacagta khasnada laga soo qaaday iyo kiiska ba‏

Ramadan kariim aakhristow meel ad joogta ba..waxa runtii qoraalkan igu kalifay markii an saxaafada ku arkey eedeysanihii dilalkii Saameel Cawar Xareed oo maxkamada horteed ka sheegay in la siiyay 100000kun oo doolar, islamarkan u ka dhawaajiyay in ay siiyeen wasiiro dawladan maanta jirta ka tirsani Aya horta igu kalifey inaan qalinka iyo warqada isa saaro wa bil ramadan oo la cibaadeysanayo waxan ilaaheyka baryaya inu danbigooda iga dhaafo haddii ay dadka qaar qoraalkeygan dhibsadan..

 

Shalay baan warbaahinta ka halacsaday eedeysan yaashii loo heystey dilalkii ka dhacay Saameel iyo burqd ee foosha xuma in la horkeenaysoo maxkamad milatari oo kiiskooda qaadi doonta, wuxu ka mid yahay kiiskani kiisaska shacabku aad iyo aad ugu dhagtaagayeen ee ay marwalba isweydiinayeen talow goormuu noqon doona kiiskaasi oo maxkamada la keeni doona eedeysanyaashii loo heystey kiiskaasi Saameeliyo burqu,

 

runtii waxay aheyd dhacdo foolxun oo qof wal oo muwaadin Somaliland ahiba aad iyo aad uga damqaday, waxa iyan nasiib daro kale aheyd qaabkii ay dawladu kiiskan u gashey oo meelo badan lagu xidhiidhiyay xatta dawladu gaadhey in ay salaadin iyo odayaal badan usoo xidhxidhay. waxase wax maanta lagu farxo ah in eedeysanyaashii oo caafimaad qaba maxkamad milatarila horkeeney dacwadiina bilaaw maanta tahay, waxa iyan saadaashu sheegeysa in ay eedeysan yaashii oo u hormood ka yahay Cawar Xareed maxkamada horteedii ka sheegay in lasiiyay 100000 oo doolarka Mareykan ah, islamarkan u yidhi waxa gacanta iga saarey lacagtaasi niman wasiiro ah oo dawlada maanta ka tirsan,

 

inta badan shacabku waxay xaqiiqda ogaadan marka eedeysanyaasha maxkamada la keeno ee dacwadu si rasmiya u furanto, maanta waxa inoo iftiimay anigoo an ka hordhacey dacwada inta yar ee garaadkeygu isiinayo in ay dawladu nambar wan ka tahay maadaama uu sheegay xisaab aad u badan oo lacag ah oo la siiyay eedeysanahn Cawar Xareed oo ay siiyeen niman wasiiro dawladan ka tirsani, Runtii wali fari kama qodna kiiskii oo waxan filaya inu socon doono oo waxbadan soo bixi doonan haddii an halkaasi maanta ba lagu caqbudhin oo an lagu joojin dacwada oo shacabku in badan u oomana xaqiiqdeeda.

 

 

 

Hadddan in yar kahordhaco kiiskan oo an kayara faaloodo waxan aha dadkii inta badan ka hadalay dhacdadani ee laha maaha dhacdo laba beelood ka dhaxeysa ee wa mid ka abaalul sareysa oo meelo kale laga soo maleegay ama lagasoo abaabuley oo an aheyn runtii labadan beelood ee lagu shaanbadeynayo, runtii wa dabanida ay dawladuhu isticmaalan islamarkan ay ku bixiyaan kharashyada badan taaso ay uga dan leeyihiin in ay ku mashquuliyaan shacabkooda si aney u dareemin maamulka dawladnimo ee dalkaasi ka jira waxey dawladu isku mashquulisa shacabka oo ay fooda isu galisa ama jahawareerku rida oo ay kala dhex dhigta dilal,colaad iyo dacaayadood kharash badan lagu bixiyo islamarkan lo adeegsado wasiiro, afmiishaaro iwm. Sida ad la wada socoteen waxa dhacdadan loo xidhey oo xabsi loogu taxaaba salaadin, waxgarad iyo haldoor badan oo kasoo jeeda beesha Sacad musa la xidhxidhay taaso beesha Samaroon lagu qancineyo in ay beesha Sacad Musa runtii waxanu u arkeyney xadhigaasi salaadinta iyo aqoonyahanada Sacad Musa mid nasiib daro kale ah oo labada beelood la doonayo in dhexdooda laga abuuro amaan daro iyo kala shaki arintaasina dawladu wey ku fashilantey oo labadii beelood ba wey fahmeyn sida wax u socodan in aney aheyn wadadii saxda aheyd ee kiiskan lagu baadhi laha cidii geysatey cadaalada la hore keeni laha

 

 

 

Waxan maanta u sheegaya dhamaan shacabka Somaliland in aney beelina nin ka dhashey siinin lacag dhan boqol kun oo aney odhaneyn dadkuso la’aa oo lacagtaasi qaado, waxan u arka sida ay dacwadu usocoto in ay tan tahay mid dawladu ka danbeysey maadaama uu eedeysanihi sheegay in lacag boqol kun ah gacanta wasiiro uga dhiibeen, wasiirku beeshu doono ha ku abtirsadeed wa wasiir u shaqeya dawlada oo khasnadii dawlada kaso qaaday lacagtaasi operationka lagu fuliyay ishalle waxwalba horteen ayeey Iman doona mustaqbalka dhawo

 

 

 

waxa kaloonu dawlada ka codsaneyna in dhacdadii kale ee foosha xumeyd ee ciidamda buleysku wargeyska HUBAAL hubka ula galeen iyadan maxkamada sida ugu dhakhso ah badan loo keena askarigii weerarka arxan dari daha kuso qaaday wargeyska iyo maamulayaashiisa taasin wa dhacdo kale oo cadaalada laga sugayo in la hor keeno ragii ciidamada aha ee hubka qaranka ku weerarey saxaafada madaxa banaan..

 

 

 

Guul baan u rajeynaya dhamaan shacabka Somaliland meel ay joogan ba waxan leeyahay ramadan kariim

 

 

 

Wa bilaahi tawfiq

 

 

 

Omar Darood Hassan

 

Norway

 

 

Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada Oo La Sheegay Inay Ku Kala Qaybsameen Xilliga La Bixinayo Darajada Ciidamada

$
0
0

Hargeysa,(Qaran news) – Guddi ka tirsan Golaha Wasiirada oo shalay kulan ku yeeshay miiska saraakiisha ee magaalada Hargeysa ayaa la sheegay inay ku kala aragti duwanaadeen wakhtiga la bixinayo darajada ciidamada ee qaybaha kala duwan. Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo wareedyo u dhuun daloola kulankaasi ayaa sheegay in darajada ciidamada oo wasiirka gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami uu todobaadkii hore dabayaaqadiisii ka sheegay TV-ga dawlada in darajadii ciidamada la bixin doono maalinta Ciidda, ayaa la sheegay in wasiirada qaarkood ay soo jeediyeen inaan lagu degdegin bixinta darajada ciidamada, lagana baaraandago xilliga ku haboon bixinta darajadaasi. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha soo jeediyay in laga baaraandago, hase yeeshee xubno uu ka mid yahay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa wasiirada iyagu ku dooday in darajada la bixiyo muddadaasi ciidda. Dhinaca kale wasiiradaas ayaa la filayaa inay maanta iskugu iman doonaan kulan labaad miiska saraakiisha si ay uga wada hadlaan wakhtiga ku haboon ee darajada ciidamada la bixin doono. Saddexdii bishii February 2013-da ayay ahayd Markii Madaxweyne Siilaanyo munaasibadii sanadguurada ciidamada Qaranka uu ku tolay darajooyinka ciidamada taliyayaasha sare iyo taliye ku xigeenada ciidamada Qaranka Milatariga, Bileyska, Asluubta iyo ilaalada Xeebaha, kuwaas oo tiradoodu ahayd 12 xubnood oo la siiyay taliyaha ciidanka qaranka darajada ugu saraysa oo ah sareeye gaas, halka taliyayaasha ciidamada Bileyska, Asluubta iyo ilaalada xeebaha la siiyay darajada sareeye guuto. Si kastaba ha ahaatee Ilaa hada lama garanayo caqabadaha ka hor yimid in la bixiyo darajooyinka saraakiisha iyo qaybaha kala duwan ee ciidamada.

Hatuf

War Saxaafadeed Maxamuud Raage Ex Dg of Somaliland Foreign Affairs

$
0
0

Ramadaan Kariim Agaasimihii hore ee arimaha debeda Somaliland oo cadeeyey xaqiiqda Heshiiska Hawada ee Somaliland/Somalia iyo Sharciyada uu yeelanayo Golaha Wadatashiga iyo Toosan Qaran ka qaata

Xagan hoose ka daawo

http://www.youtube.com/watch?v=rYvQj-U4gpQ&feature=youtu.be

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Oo Si Weyn Usoo Dhaweeyay Heshiiskii Dhex-maray Axsaabta Mucaaridka Iyo Golaha Wadatashiga .

$
0
0

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Oo Si Weyn Usoo Dhaweeyay Heshiiskii  Dhex-maray Axsaabta Mucaaridka Iyo Golaha Wadatashiga .

jama

Burco-(Qaran-news)_Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka mid ah xildhibaanadda golaha wakiiladda ee gobolka Togdheer ka soo baxay ayaa soo dhaweeyay heshiiskii iskaashi ee dhexmaray axsaabta mucaaridka Somaliland .

Xildhibaanka oo magaalada Burco ugu waramay qaar ka mid ah Saxaafadda ayaa sheegay heshiiskani in uu wadada u xaadhi-doono  sidii loo xakamayn-lahaa musuqmaasuqa baahsan iyo Qabyaaladda aafaysay dalka ee Xukuumadda Siilaanyo wado isagoo arimaahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi

“ Waxaan si buuxda u taageersanahay heshiiskii iskaashi ee dhex-maray Labada Xisbi mucaarid Wadani iyo Ucid  ,waxaanu go’aankaasi  noqon-doonaa mid lagaga hortago Musuqa iyo Qabyaaladda xadhkaha goostay ee aan qarsashada lahayn ee Xukuumaddu dalka ka wado .

Waxaanan ugu baaqayaa taageerayaasha mucaaridka meelkastoo ay joogaan daafaha caalamka in ay taageeraan  go’aankaasi iskaashi ee  Mucaaridku kala saxeexdeen

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa ka hadlay golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka waxaanu sheegay in ay xaq u leeyihiin in ay ka hadlaan aayaha dalka .“ Raga Golahan ku dhawaaqay waa ragii wadanka usoo halgamay  ,oo sumcad ku leh ,xaq-baanay u leeyihiin in ay Aayaha dalka ka hadlaan ,taladoodana la dhagaysto mana gayaan in la aflagaadeeyo,waxaanan leeyahay mucaaridka xoojiya si loo helo mucaarid mugleh oo xukuumadda ku soo celiya sharciyadii ay baalmartay “ Sidaasi ayuu Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan hadalkiisa kaga baxay .

Geesta kale dadweynaha ku dhaqan gobolka Togdheer oo rayigooda cabiray ayaa si mugleh usoo dhaweeyay  iskaashiga mucaarad-nimo ee ay kala saxeexdeen Xisbiyadda Wadani iyo Ucid ,waxaaney arintani noqondoontaa talaabo muhiim ah oo ay bulshadda reer Somaliland mudo dheer ka sugayeen ,taasi oo u saamixi-doonta in ay kaga horyimaadaan  dhaqamadda sharciga ka baxsan ee  ay Xukuumadda Siilaanyo ku talaabsatay mudadii ay jirtay ,kuwaasi oo bulshadda reer Somaliland ka qayliyeen.

Qarannews

Burco

 

 

Amiirka Al-shabaab Godane oo fariin kama danbeyna u diray Mukhtaar Roobow si uu sadex arimood u kala doorto

$
0
0

Amiirka Al-shabaab Godane oo fariin kama danbeyna u diray Mukhtaar Roobow si uu sadex arimood u kala doorto

Muqdisho-(Qaran-news)-Amiirka Xarakada Alshabaab Axmed Cabdi Godane oo ay muddooyinkan danbe deeradu dhexmiranysay Afhayeenkii hore ee Al-shabaab Mukhtaar Roobow oo dhumalaysi ku jira ayaa kala dooransiyey sadex arimood oo midiba mid kale ka daran yahay inuu kala doorto Roobow.

Sadexdaas arrin ee Amiir Godane u qadimay inuu soo kala doorto Mukhtaar Roobow ayaa kala ah:-.

1) In uu hawsha Xarakada Soo galo balse uusan ka hadal waxba

2) In uu maro halkii uu maray Saaxiibkii Ibraahim Afgani

3) In uu ku sugnaado gurigiisa oo uu Afkiisa laga nabadgalo.

Mukhtaar Roobow ayaa beryahan danbe ku dhuumaaleysanaya Hawdka bay iyo bakool oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ka dib markii lagasooo baacsadey Magaaladda Baraawe, ka dib markii ay dil lala maaganaa ka badbaadeen isaga iyo Xassan Dahir Aweys.

Ma cadda sida uu Mukhtaar Roobow ka yeeli doono Saddaxda Qodob ee horyaalla waxaana loo badinayaa inuu ka biya diidi doono haddii ay sidaasi ku sii socto Hanjabaadaha Walow uu iminka dhuumaaleysi ku jiro

Qarannews

Muqdisho

 

Warqad Furan Oo Ku Socota Madaxweynaha DF.ee Somaliya :- Qore Yusuf Cabdilahi Janaale,Muwaadin U Dhashay Somaliland.

$
0
0

Ku:- Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Og:- Shacabka Somaliland.

Og:- Shacabka Somaliya.

Ujeedo:- Madaxbanaanida Iyo Jiritaanka Somaliland Waa Muqadas:-

Waxaa ii sharafa Madaxweynow in aan kuu soo qoro warqadani aniga oo kuu haya xushmad iyo sharaf.

Mudane Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud:-

Jamhuuriyada Somaliland waa qaran xor ah lana siman qaramada kale ee caalamka waad ogtahay Somaliland in ay xoriyadeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska UK,taariikhda 26juun 1960 ayna noqotay qaran xor ah.

Waxaa dhacay midow dhacay 1dii july 1960,taasi oo ay midow aan sharci ahayni dhexmaray Waqooyi iyo Koonfur midowgaasi lama sameynin Afti dawdweyne si loo ogaado inta ogol israaca(Mar hadaan Afti laga qaadin shacabkii somaliland in ay rabaan ama diidaan midowga waa sharci daro midawgaasi).

Madaxweyne waad ogtahay in midowgii shaqeyn waayey dhibaato weynina dhacay lana kala tegey dagaalo qadhaadh ka dib.

Madaxweyne shacabka Somaliland waxay dib ula soo noqdeen xoriyadoodii luntay waxayna go’aansadeen gooni-isu-taagooda taariikhda 18 may 1991.

Madaxweyne gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland waxaa lagu ansixiyey afti dadweyne ( Waa Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland) waxaa ogolaaday in somaliland noqoto qaran xor ah oo madax-banaan 97% shacabka somaliland.

Madaxweyne eeg Qodobadan Dastuuriga ah:-

Qaybta 1aad
Xubinta 1aad
Tilmaanta Guud
1- Qod. laad: Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliland
2- Qod. 2aad: Dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland
3- Qod. 3aad: Magaalo-madaxda
4- Qod. 4aad: Jinsiyadda
5- Qod. 5aad: Diinta
6- Qod. 6aad: Afka
7- Qod. 7aad: Calanka, Astaanta iyo Heesta Qaranka

Madaxweyne Waxaan kaa codsanayaa in aad qaderisid , xaqna dhawrtid Qaranimida iyo jiritaanka Somaliland aynuna ahaana laba dal oo jaar ah oo walaalo ah,waxba ma tarto colaada iyo isnacu madaxweyne.

Mudane Madaxweyne waxaan ku xasuusinayaa in aysan weligeed gorgortan geleyn Qaranimada iyo madaxbanaanida jamhuuriyada Somaliland,Wada hadalada aad kula jirtid maamulka siilaanyona uusan khusayn waxna ka bedeli karin Qaranimada iyo Madaxbanaanida shacabka somaliland go’aansadeen.

Madaxweyne Waxaad iga gudoontaa salaan wacan(SCW), shacabka somaliland iyo shacabka somaliya waxaan u rajeynayaa barwaaqo,nabad iyo badhaadhe.

Yusuf Cabdilahi Janaale

Muwaadin u dhashay Jamhuuriyada Somaliland.


Xukuumada siilanyo oo Jeelka ku gurtay Dadweyne reer Abdaala (Saaxil) oo taageeradooda ku biiriyey Golaha wadatashiga

$
0
0

Xukuumada siilanyo oo Jeelka ku gurtay Dadweyne  reer Abdaala (Saaxil) oo taageeradooda ku biiriyey Golaha wadatashiga

 

Abdaal-(Qaran-news)-warkan oo caawa naga soo gaadhay Abdaal ayaa sheegaya sababta lagu xidhxidhay dadkan inay tahay taageero ay u muujiyeen golaha wadatashiga

Siday Wararka Aanu Ku Helayno Waxaa Dadkaas Xadhigooda Ka Danbeeya Maareeyaha Dakada Berbera Eng.CALI XOOR-XOOR Oo Baryahaas-ba Wadday Olole Uu Doonaayo In Lagaga Soo Horjeesto Golaha Wadda Tashiga , Golahaas Oo Xukuumadu Aad Uga Qaylisay , Waxaa Maal-mihii U Danbeeyay Socday Salaadiin Dhex-dhexaadinaysay Golaha Wadda Tashiga Iyo Xukuumada Taas Oo Labada Dhinacba Aqbaleen , Hase yeeshee Arintani Waxay Dhabar Jab Ku Tahay , Wadda Hadalkii La Rabay In Dhawaan Uu Qabsoomo Ee Ay Salaadiinta SOMALILAND Ka Soo Shaqeeyeen , Waxayna Arintan U eegtahay inaanay xukuumada Siilanyo diyaar u ahayn oo ay kolba xagal daacinayso .

Cali xoor-xoor wuxuu dadka deegaanka ku hayaa arin aan loo adkaysan karayn isaga oo dadka xukuumada ka soo horjeeda u gaysta xadhig , hadidaad , waxaana xadhigaas fuliya oo uu u adeegsadaa taliyaha saldhiga dakada berbera.

Geesta kale waxaynu inaanay shaqada Cali xoorxoor ahayn dad la soo xidhxidho ee ay awoodiisu ku eegtahay dakada iyo maamulkeeda iyo hor’umarinteeda laakiin taas badalkeeda wuxuu caadaystay inuu gobolka ka huriyo xaalad nabad galyo daro , arintana waxay halis ku tahay nabadgalyada gobolka saaxil

waa marki u horaysay ee abid xukumadi xidho dad intaa leeg oo taageero muujiyo, gole,  iyadoo ay baryahan danbe soo kordhiyeen dadku ay xukumadu abaabulayso, oo ka soo horjeeda golaha,

 

Hadaba magacyada dadkan waxay kala yihiin sidan

 

1. Muxiyadiin Faysal

2. Maxamed cabdi bidhiyo toorele

3. Cabdirisaaq Cabdilaahi

4. Xamda Maxamed Cali

5. Hoodo Amaan

6. Xaawa Cabdi

7. cabdi

8. Maxamed Miriq

9. ina cayuun.

Qarannews

Berbera

miisaaniyada wasaarada xanaanada xooluhu waxay ku kooban tahay Xarunta

$
0
0

MIISANIYADDA WASAARADA X.XOOLUHU WAXAY KU KOOBAN TAHAY XARUNTA.

sida wasaaradaha kale ee dalka ay wasaarada x xooluhu lee dahay miisaniyad sanadeed loogu talo galay in ay iskaga bixiso kharshiyaadka ay gasho. miisaniyadda la siiyo wasaarada xoolaha ayaa sanadadan dambe kor u soo kacday waa intaa xukunka siilanyo hayey ayaa la kordhiyey miisaniyadda wasaarada xoolaha, waxaanan qaybaha ay u kala baxdo ugu wayn miisaniyada sidatan:-
mushahar shaqaale
guno shaqaale
habeen dhax shaqaale
shidaal
stationary
dayactir gaadiidka
tobobar shaqaale
dawo xoolaad oo la soo iibinayo
koox team ah oo sanadkoo dhan dalka ku wareegaya
laydh iyo biyo
iyo wixii la hal maala
hadaba miisaniyadan lagu tallo gallay in ay gaadho dhamaan dalkoo dhan ayaa waxay ku kooban tahay xarunta hargeisa oo lagu cunaa iyadda oo ay taas cadayn u tahay shidaalka loo qorsheeyey dhamaan goboladda dalka iyo degmooyinka waxa kharash ahaan u soo dallacda kaalin hargeisa ku taal oo la yidhaahdo somaliland fuel station.
waxa kaloo jira ma jiraan kooxo ay wasaaradu iskeed u dirto oo ay ka bixiso kharash lakiin wax jira kooxo ay maalgaliyaan hayadaha FAO IYO IFAD oo iyagu aan hayn sanadkoo dhan lakiin bilo ka mid ah hadaba miisaniyadaa lagu talo galay kooxaha waxay jeebabkooda ku dhacdaa wasiirka
waxa kaloo jirta dawo xoolaad oo la soo iibiyaa ma jirto lakiin wax jirta dawooyinka ay hayaduhu inagu caawiyaan in lagu sheego dawo la soo iibiyo tana waxa cadayn u noqo haddii la soo baadho intii hayaduhu inagu caawiyeen ee cashuur dhaaf ay u samaysay wasaarada maaliyadu iyo inta soo gashay wasaaradda, waxa la helayaa inta soo gashay ay hoos uga jaraanayso intii hayaduhu inagu caawiyeen waayo intaas hayaduhu inagu caawiyaan ayaa in ka mid ah suuqyadda laga iibiyaa haddii cadaynteeda loo baahdo waxa laga helayaa farmasiyooyinka ku yaala BURCO IYO HARGEISA.
kharashka lagu tallo gallay biyaha iyo laydhku ma soo dhafaan hargeisa waayo goboladda kale maba isticmaalaan laydh tusaale sool, sanaag iyo togdheer waxay isticmaalaan solar waxaana solarta leh saddex magaalo madax ee laascaanood, cerigaabo, iyo burco, degmooyinka hoos yimaada goboladdaa beri ma laha xarumo cidna wax ka siiso miisaniyadda.
saaxil, ma leh xarun wasaaradeed oo ma isticmaasho laydh iyo biyo toona waxaanay ku dhextaal maxjarka aljaabiri, awdal iyadda cidna uma joojiso waayo wakhtigii UDUB EE la dhisay xarumaha goboladda bari iyadu kumay jirin. ilaa hadda cidi u may dhisin. maroodi jeex waxay ku dhex taal xarunta guud ee wasaarada x xanaada xoolaha.
guno shaqaale ma jiraan hal qof oo shaqaale ah oo jooga gobol oo qaata guno marka laga reebo shaqaalaha bixiya adeega xoolo dhoofinta ee xoogooda ku shaqaysta sida kuwa jaabiri u shaqeeya ee iyagu aan helin gunadiii wasaarada maaliyadu bixisay.
haddaba waxaan u soo jeedinayaa wasiirka maaliyadda, guddiga maamul wanaaga , barlamaanka iyo hanti dhawraha guud
1. inay hubiyaan miisanad sannadeedka wasaarada xooluhu ma ku baxdaa wixii lagu talo gallay
2. miisaniyadda xooluhu la lee dahay break down oo calaa gobol ma u qorshaysan tahay
3. in ay baadhan miisaniyadda ay wasaaradu ka hesho maaliyada mooyee maxaa kale ee soo gala iyo halkay ku baxaan.
N.B LACAGTA KALE EE JOOGTA U SOO GASHA EE U BAAHAN IN LA QARAMEEYO WAXAAD KA AKHRISAN DOONTAA CADADKA DAMBE.
Dr Ahmed Mahomed John
ahmedjohn@hushmail.com
somaliland hargeisa

Ma dardaaran baa hadhay, Xirsiyow, ninkii dudaba yeelkiisey

$
0
0

Ma dardaaran baa hadhay, Xirsiyow, ninkii dudaba yeelkiisey

 

Nin la yidhaa Cabdi Shootalay ayaa durbaan tumay oo ilaaq dalbaday. Wuxuu ku faafiyey barta Internet-ka ee Oodweyne maqaal uu ku tilmaamay kaftan, laakiin anigu aan u aqaan ilaaq, afka qalaad aan u malaynayo in ay yahay “Satire”,  oo ah hab ka mid ah hababka wax la iskugu tebiyo ee la isku cabiro. Kaftankaa  amma ilaaqdaa, Cabdi shootali wuxuu sheegtay in uu yahay Xirsiga laga qayliyee, qaaq wax kaga siiyey. Cabdi Shootali waxaan u malaynayaa in uu la yaabay ummad dhan oo ruux keliya, oo aan codkooda sidan, farta ku fiiqaysa. Sidaa daraadeed wuxuu sheegtay Xirsi gabyaaye, waxaanu dalbaday cid u noqota badmacaashe oo haysta codkii dadweynaha, cidina aanay u hadal hayn sida loo hadal hayo Xirsi. Xirsi maalin walba wuxuu soo taagan yahay shaashadaha innagu cusub ee la iska dawado ee aan tiro mooyee tayad lahayn. Sidaa daraadeed waxaan isku xilqaamay in aan noqdo Badmacaashuhuu dalbaday. Waxaan  leeyahay adeer Cabdi Shootaliyow, adigaga oo Xirsiya, ma laha waad kala ilawdey caadooyinkaygii, marka hore  waa in aad ku dhaqantaa oo,  Golaha wada tashiga iyo toosina guddi aad u saartaa. Weli guddibaa loo saaray ma maqal.

 

 

 

Xirsiyow (Cabdishootali):

 

Digtoono

dib u jeedso

horee soco

Ob jac, ob jac

Amar kaad dalbatay sidaasaad  ku qabtaa. Aniga oo badmacaasha ah waxaanan ku leeyaha:

Guumeystii cirroobey  maqal dabuubtayda. Maqal waanadoodoo; miisaan warkayga.

Xirsiyoo, Laguma dhaammee dhaqaaq.

La inna siiye si kasta u bood. Carsaanyada sideedii gees walba u carar.

Durbaanku garabkaaga ha ku jiro, amma ruux kaa gu’  iyo garaad liita.

Gardarada sokeeyaha gees biciid u lahaw.

Masalaha ninkaan ku dhigeen, midigtaad ha saarin, xiitaa hadduu kaa gar leeyahay.

Waxa habeenkii guriga madaxtooyada lagaga  haasaawo, sida dhallaanka maalintii ku hadaaq.

Wixii inna gaadhey waad garaney galaan iyo daasad innoo kari.

Qaraamaadka gudaha iyo dibada, Xawaaladaha wixii xaaraan quuta ah iyo bangigeena dhabshiil ee xalaalsha ah, isagaa asturayee, ku xeree.

Guddiyo aan macno lahayn weligaa ku raad gado.

Odayaal dhaqameedka quruskooda la ogow.

Culuma’udiinka  qurbaankooda la ogow.

Xoolaha dadweynaha masaajid ku dhisa; adiga iyo cali Xoorxaar; la iigu magac daro.

Qurba joogta dibirsan ka fadil muwaadiniinta iimaanka qabta ee rajo ku noosha ah, naacawda dabiicada dalkood iyo nabada, naxariis ka helay.

Golaha wakiilada ha ku qoysanin hoodh, ilayn way shin dhaafeena. Mac macaana la ogow, kolba kuwaad u baahato, ee aad beel ku gudbeyso.

Sida mid guda baas ka yimid, oo aan rug wacan maalik ka abuurin,  guhaadi odayada, aniga mooyaane.

Taribiyada iyo barbarin wacan oo guri hor allaad ka joogtaa. Horaa kuu arkoo ma lihid. Ina Skeerse  geedkaad ku xidhay anigaa hadhsaday, markuu ahaa xoghayaha maaliyada ee KULMIYE, baabuurkaad qoriga saartay, calashaan fadligayg,  waanigii ogaa. Mu’aamaraadkaad dhigteen adigiyo rag aan ogahay iyo cawar xareed, waa taan qalinka ku duugey. Maantana tabtaad  Muuse Biixi la maagan tahay waan  u bogey. Nina haybta kuma raaci karo hooya aan dhallin, in aad kaga jawaabtey heshiiskii inna dhexmaray, waan la socdaa.  Gabaygii aad riciyadeena  u tirsan waa u bogey. Gobanimo waa taa.

Nin kaa garaad badan gacan saar ha la yeelan.

Aqoon yahanka gawr gawrac, mid sidaad geeso lehi, hareertaada  ha joogo, abkuu doono ha sheegtee.

Nin kaa gu’ weyn iyo waaya arag ka dheeroo, abkuu doono ha sheegtee, gaar ahaan kuwa habarteena. Waa halis  Guufaadhi iyo qaar kale oo badani. Bari iyo galbeedba waa laga yaqaan, waanu kuu ged baxayney. Garaadkiisu waa dhaafsiisan yahay Xaajo goboleed.

Uunka wada dareensii habarteenu in ay tahay duul wada socdoon wax u dahsoonayn, sidii Bedel Bukaaso, innaga oo is hundo og. U sheeg dadweynaha in ay adiga oo keliya kuu dabran tahay. Beentaasi waa lagama maarmaan, waxaana  kuu xoojin kara, mid sidaad dawdar ah, oo mid sidiisa dulugle ah danbigaad adigu gashay, dusha ka saaraaya. Sidaasaad ku heleesaa mid kaloo ku difaaca. Weli lagama gudbin diin god gal, god goray gal, iska daba wareegii.

Qaraamida yaryar ee xildoonka ah ee aan anigu beelnimo ku soo gardaashe xilligii SNM-ta ee kula qayrka ah ha moogaanin; Kuwa waayo aragnimo ka qaday, waxbarasho ka qaday ee jilib miciin moodaaya, ha daymo la’aan, ilayn waa adoo kala eh.

Gashi nimaan ku leeyahay waa in aad dab gashaa, ha moogaanin  dib u gocashad xaajooyinkii sula.

Dir cunno beelaysan  ma waayeysida, isku door doori, hadba qaar magacaw.

Ma dardaaran baa hadhay, ninkii dudaba yeelkiiye.

Ma dardaaran baa hadhay wixii dumaba yeelkiiye.

Cabdi shootaliyoo, saaxiib:

Digtoonow

dib u jeedso

horay soco

Amar waad qabtaa. Yaan laga waayin warbaahinta maalin walba sida Xirsi oo kale, adiga oo ka duulaaya qodobada kor ku xusan, ilayn adigaa durbaan tumay oo ilaaq dalbadaye.

Hamud Duale

(ganbar1@live.co.uk)

Sheeko xiiso leh: Bakhaarle Saacadiisii ka luntay

$
0
0

SHEEKO: BAKHAARLIHII SAACADDIISII KA LUNTAY .‏

Nin bakhaarley ah ayaa saacddiisii gacanta kaga dhex lunyey bakhaarkiisii , markii larogaayey jawaanadii raashinka ahaa , saacaddan oo aheyd mid aan caadi aheyn , oo qiimo weyn ugu fadhidey (dhaxal aheyd) , meel kasta bakhaarkii wuu ka raadiyey , wakhtiti badanna way ka qaadatey , qoladii xamaaliinta aheydna way la doondooneen , laakiin kuligood way ka quusteen inay helaan .

Wuxuu arkey inamo yaryar oo meel agtiisa ah kubbad ku ciyaaraaya , markaasuu u tegey , oo ka codsadey ,iney caawiyaan oo la doondoonaan saacaddiisii oo bakharka kaga dhex luntey , waxay yaryarkii kolba meel ka raadiyaanba , way waayeen ,waanay ka quusteen .

Ninkii oo quus kataagan saacddii in lahelo , ayaa inan yar oo inamii ka mid ah ,ayaa ka codsadey inuu keligii u ogolaado inuu mar kale ku noqdo bakhaarka , oo saacaddii soo raadiyo .

Ninkii bakhaarleyda ahaa ayaa inankii yaraa HOOS u eegay , isaga oo iswaydiinaaya , aniga iyo xamaaliintii waawaynayd iyo caruurihii faraha badnaaba waxaanu waynay ee ka quusanay ee maanta oo dhan aanu raadinay nay , ma a uyuu kan yari isku deyayaa , waar bal amuurtan arkoo maqloo kaalaya .

wuxuu ku yidhi :waayee bal ha raagin .

Wakhti yar kabacdi , ayaa kii yaraa bakhaarkiika soo baxay , isaga oo SAACADDII caganta ku sida .

Ninkii badhaarleyda ahaa aad buu u farxay , isaga oo inankii yaraa la yaaban , ayaa waxa uu waydiiyey : SIDA UU KU HELEY SAACADDA ?

EE UU UGU GUULAYSTEY INUU KELIGII HELO ? iyada oo DADKII OO DHAMI AY WAAYEEN ? OO AY KU GUULDARAYSTEEN INAY HELAAN .

Inankii yaraa ayaa waxa uu ugu jawaabey :MARKAAN BAKHAARKA GALEY , DHEXDIISA AYAAN ISKA FADHIISTEY , DABADEEDNA  WAXAAN DHEGEYSTEY SANQADHII (TIKTAK) SAACADDA , wax yar kabacdina waxaan maqley sanqadheedii(tiktak) , halkii sanqadhu (tiktak) ka baxaysay ayaan u kacay , dkabacdina halkii baan ka helay .

Hadaba waxan aynu raadinayno sida (ICTIRAAFKA) (HORUMARKA +XALINTA KHILAAFAADKA JOOGTADA AH +SAWAXANKA SIYAASADEED +WAR SAXAAFADEED YADAN BADAN EE AAN QIIMAHA LAHAYN ……..

Waa inaynu wax dhageysanaa (xukuumaddu shacabka degeysataa mid yar iyo mid wayn ba) , waxna fahanna , garaadna la nimaadnaa , xilkuna waa mas uuliyad , waana lagula xisaabtami doonaa .

Hadaba CAQLIGA caafimaadka kabaa , ee deggani , wuu FEKERI karaa , waxna wuu dhegeysan karaa , sidaa daraadeed haysla WAYNAAN ee wax dhegeyso

Adiguna bal naftaada iyo cqaligaaga wakhti sii , si aad si wanaagsan ugu FEKERTO . waxna  u dhegeysato .

 

RAMADAAN KARIIM

CALI MAXAMED BIIXI           caliwwelli@hotmail.co.uk

Amiirka Al-Shabaab Godane oo fariin cusub u diray xarakada Alshabaab meelay joogaanba”

$
0
0

Amiirka Al-Shabaab  Godane oo daaha ka feyday  in dagaalka ay gaalada kula jiraan aanu ku koobanayn  xuduudo iyo dal gaar ah”

 

gogodane

Baraawe-(Qaran-news)-Amiirka guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr ayaa soo diray fariin cod ah oo isagoo ciidamada Xarakada Al-Shabaab u diray baaq ku aadan dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowlada iyo AMISOM.

 

al

Fariintan maqalka ah oo soconeysa muddo saacad ka badan ayaa Sheekh Abu Zubeyr wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya marxaladaha dagaalka iyo wax uu ugu yeeray shirqoollada cadowga isagoo dardaaran u jeediyey ciidanka Al-Shabaab.

 

“Waxaan halkaan dardaaran ugu soo gudbinayaa Mujaahidiinta thuquurta, dardaarankaasi 2 la waa arrimo aan looga maarmin in Jihaadku uu maqbuul noqdo, 3-na waa tiirar aan looga maarmin isku duubNida safka Mujaahidiinta, 3-na waxey inoogu kaalmeynayaan dagaalka aan kula jirno cadowgeena, 3-na waa sifaat iyo tilmaano ay tahay qofka Mujaahidka ah uu ku tilmaanaado” sidaasi waxaa yiri Sheekh Mukhtaar Abu Zubeyr.

 

Amiirka ayaa adkeeyay dhamaan ciidamada Al-Shabaab inay ogaadaan dagaalka soconaya in ugu danbeyn guushiisa ay Muslimiintu leeyihiin, isla markaana laga adkaanayo cadow uu sheegay inuu ku soo duulay dalka.

 

Abuu Zubeyr ayaa sheegay in dagaalkoodu ianu xuduud iyo qaab u go’neyn, balse ay siyaabo kala duwan iyo meelo kala duwan kula dagaallamayaan cadowga.

 

“Waxaa loo baahan yahay qofka Mujaahidka ah inuu ogaado dagaalka maanta aan gaalada kula jirnaa inuu yahay dagaal aan xuduud laheyn, oo bad iyo birri-ba ah, cir iyo dhul ah wadan gaar ahna aan ku ekeyn, asaaliibtiisuna aaney ku ekeyn usluub ama hab gaar ah, balse ay tahay hab waliba oo ay ku imaan karto” ayuu intaa ku daray abuu Subeyr.

 

 

Amiirka Al-shabaab oo tix gabay ah ku cabiraya ayaa waxaa uu sheegay guusha iyo Nasriga la sugayo iney ka horeeyaan imtixaano iyo kala sooc dadka ah, taasoo ah Sunnada ALLAH ayna tahay in Mujaahidiintu ay adkeysi iyo sugnaan kaga gudbaan.

 

Amiirka wuxuu kula dardaarmay ciidamada Al-shabaab iney horimariyaan xeeladaha dagaalka, sidoo kalena ay xoojiyaan dhul yaqaanimada maadaama hadda lagu dagaallamayo dhul keymo ah oo aaney ku dhaq dhaqaaqi Karin ciidamada ka soo horjeeda sida uu yiri.

 

Wuxuu sidoo kale adkeeyay in xeelaha dagaalka oo la hormariyo ay qeyb ka tahay dagaalka, sidaa darteed wuxu ugu baaqay ciidamadaa iney si wanaagsan u meel mariyaan xeeladahooda dagaalka ayna xoojiyaan aqoontooda dhulka iyo sida uu kala duwan yahay.

 

Sheekh Abu Zubeyr ayaa sheegay iney ka hortageen shirqoolo ka dhanka Xarakada Al-Shabaab iyo talooyin daraasaad ah oo buu yiri lagu bixiyay in la kala qeybiyo Mujaahidiinta isla markaana lagu furo wadahadallo dadka qaar lagu qancinayo.

Qarannews

Muqdisho

 

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live