Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Hargeysa:Daawo,Xildhibaan Sisto & Ciidamo uu watay oo Saqdii dhexe gelelefay,Khasaare & Burbur hantiyeedna Gaadhsiiyey Guriga Oday Saxardiid Raage


Daawo:Suldaan & Xubin ka mida Gudida Ololaha Kulmiye oo iscasilay,kuna biiray Xisbiga Waddani

Daawo:Beesha Solomadaw (H/jeclo) oo codkeeda & Cududeedaba ku biirisay Xisbiga Waddani & Xaflad loo qabtay

Daawo:Waxgaradka & Siyaasiyiinta B.Jibriil Yoonis Oo Beeniyey In ay Tageersan Yihiin Musharaxiinta Kulmiye

Daawo:Beesha Subeer Celi-Arab oo Cududooda & taageeradooda la barbarjoogsaday Xisbiga Waddani+Fariimihii C/qadir Jirde & Xildhibaan Nacnac ku ganeen Muuse Biixi

Daawo Muqaalo Cajiiba:Halku-dhegyada, Himilada & Hiigsiga Xisbiga Waddani

Fadeexad: Bulshada Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland oo Faysal Cali Waraabe Maalintiisa Oloollaha Dhabarka u Jeedisay iyo Gacan-yarayaashiisa

$
0
0

Fadeexad: Bulshada Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland oo Faysal Cali Waraabe Maalintiisa Oloollaha Dhabarka u Jeedisay iyo Gacan-yarayaashiisa oo Markii ay Waayeen Sawiiro, soo dhigay Baraha Bulshada Sawiiradii Ucid ee Jamaal Cali Xuseen Xilligiisi lagu soo dhoweyn Jiray….

Hargeysa-(Xogreebnews)-Xisbiga Maqaar-saarka ah ee Ucid, oo maanta u lahaa oloolaha Doorashada Madaxtooyadda, ayaa ku fashilmay inuu sameeyo ama helo  isu-soo bax shacbiyadeed oo lagu muujinaayo cududa Xisbigiisa Ucid. Waxana gabi-ahaanbaa haawaaneeyey Fagaarayaasha Berta Xoriyadda gobolada Maroodi-jeex, Berbera, Boorama, Laascaanood iyo Burco, kaddib markii ay dhabarka u jeediyeen Xisbiga Ucid qaybaha bulshada Somaliland ee ku dhaqan gobolladaas.

Waxanu tahli kari-waayey Maanta inuu helo shacbiyad u dabaal-degga Ucid iyo oloollaha doorashada Madaxtooyadda ee bilowday  iyo musharaxnimada Faysal Cali Waraabe u taagan yahay markii saddexaad, waxana gabi-ahaanbaa dhabarka u jeediyey shacab-weynaha ku dhaqan gobollada Somaliland iyo degmooyinka dalka, lamaa mooday Maanta oo sabti ah inuu bilowday oloolaha doorashada loo asteeyey 21-october ee bilaabmay, sidoo kale ma jirto gobo lama degmo looga soo baxay Ucid. Isagoo Faysal Cali Waraabe maanta Magaaladda Burco u tagay in bulshadu usoo baxdo, hase-yeeshee afar bas oo laga soo raaray xaafadda dan-yarta ah oo mooyee ma jirin cid usoo baxday, waxana gabi-ahaaanbaa haawanaayey fagaaraha Beerta Xoriyadda Burco iyo kuwa goboladda kale ee loo furay.

Magaaladda Hargeysa oo u deegaan ahaan Faysal Cali waraabe kasoo jeedo, ayaa haba-yaraatee lagu arag wax dhaqdhaqaaq ah oo u samaysay Ucid, teeda kale Gobolka Awdal ma jirin xataa Buubur keliya oo lagu dhejiyey Astaanta Ucid cid usoo baxdo daayo, sidoo kale Gobolka Saaxil xata inuu Oloolle Bilaabmay ama Hees Ucid oo meel ka baxaysa lama maqal, Gobolka Sanaag iyo Sool waxa la sheegay inaan dad aad u tiro yar oo teel-teel ah oo aanu saawiirki qabanayn lagu arkay.

Dhinaca kale, ma layaab leh oo ceeb iyo fadeexad ah  inay shaqsiyaadka gacan-yaraha u ah Faysal Cali Waarabe inay baraha  Bulshada ku faafinayaan Sawiiradii hore ee Ucid, xiligii aan la inqilaabin Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxana la soo dhigay barta Facebook, sawiiradii bulshaddu ugu soo bixi jirtay Jamaal Cali Xuseen. Waxana maanta cadaatay oo Bulshadu rumaysay in ciddi la taageeri jiray ee bulshaddu usoo bixi jirtay inay ahayd Jamaal Cali Xuseen, balse Faysal Cali waraabe Maanta la qaawiyey.

Si kastaba ha ahaatee, talalabadan shacab-weynaha Somaliland dhabarka u jeediyeen, ayaa ah mid bulshaddu wada-dareensan tahay inaanu Faysal Cali waraabe ahayn Musharax, balse uu dadweynaha la hormaraayo Musharaxnimo uu soo dhacay, isla markaana uu ka inqilaabay Ninkii Musharaxa ahaa ee Ucid kala soo baxay Xabaasha ee Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, marka la isku soo xooriyo arrimaha bilawga Ucid bulshadu ku qaabishay waxa la odhan karaa waxaa rummowday odhaahdii laga guntay aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ee ahayd waxan ku celin doonaa Ucid halkii aan ugu immi iyo meel ka hoosaysaa.

Cabdifatax Cali Faarax

fataax4144@gmail.com>

TACSI:-Murashax Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale

$
0
0

 

TACSI:-Murashax Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale

 

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kale na ah Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale taageerayaasha Xisbigaasi ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh uu u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale Caynaan.

Guddoomiye Cirro, wuxu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku isaga oo ku tilmaamay in uu ahaa shakhsi aad u dadnimo wanaagsan oo ka shaqeyn jiray danta guud iyada oo aad looggu xasuusto baranimadiisii macalimnimo ee Waxbarashada Somaliland oo uu wax soo baray ardey tiro badan, waxa kale oo uu sheegay in mudadii uu ka tirsanaa golaha Wakiilada uu ahaa mudaneyaasha aadka u jeclaa horumarka Somaliland.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa ugu dambeyntii uu Alle uga baryey Marxuumkaasi in uu godka u nuuriyo kana waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo.

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland 


Daawo:Badhasaabkii Hore ee Maroodi-jeex oo ka baxay Xisbiga Kulmiye,kuna biiray Waddani & sababaha kelifay

Xisbiga Waddani oo shaaciyey Liiska Gudida Ololaha Xisbiga ee Gobolka Maroodijeex

Daawo:Maanso-yahan da’yar oo Tix gaaban ku sifeeyay Sadexda Musharax & mid walba wuxu ku suntan yahay ee looga bartay

Daawo:Masuuliyin & Xubno sarsare oo hadda iska casilay xisbiga kulmiye

Musharax Cirro oo Xil sare u magacaabay Siyaasi & Aqoonyahan caan ka ah Somaliland

$
0
0

Musharax Cirro oo Xil sare u magacaabay aqoonyahan caan ka ah Somaliland

madda Somaliland waxay Sas ka qabaan xukun Askari Siyaad Barre dabadii, maxaadse ka xasuusataa Askartii Afrika soo xukuntay iyo Mahadhooyinkii ay ka tageen

$
0
0

Umadda Somaliland waxay Sas ka qabaan xukun Askari Siyaad Barre dabadii, maxaadse ka xasuusataa Askartii Afrika soo xukuntay iyo Mahadhooyinkii ay ka tageen

Qormadii koowaad

AHUN Abwaan M. X. Dhamac Gaariye ayaa laga hayay “Shalay daallinkaan ridey dal baabuu xukumayee; qaar daaqii xoolaha, dekeddiyo madaarkii iyo dawladnimadii sarriftaa ka daba yimi, oo sida dawaarlaha ninba dhan u dillaacsadey degmadii ciddiisoo, keligii ka dig yahay”

Sidoo kale gabay kale oo uu lahaa AHUN abwaan Ibraahim Gadhle ayaa ahaa “Maskaxdaadu yey noqon maqal lagula leeyahay; yaan toban muftaax iyo lagu furan masaabiir; Waxaad shalayto mudatiyo mahadhada xasuusnoow; halkii qorigu kaa muday mar labaad lugtaadiyo cagtu yaanay kula marin”

 Waxaynu soo qaadan doonaa qayb ka mid ah madaxdii Afrika soo xukuntay, sida Captain Jean-Bédel Bokassa (Central Africa), Gen. Mingistu Haila Mariam (Ethiopia), Gen. Sani Abacha (Nigeria), sergeant Samuel Doe (Liberia), Field Marshal Idi Amin (Uganda) iyo General Siyaad Barre (Somalia); nimankaasi oo dhamaantood ahaa ma-jixinjixeyaal, arxan-laawayaal ah oo ka tirsanaa saraakiishii ciidamada ee dalalkooda, markii dambena noqday madaxweynayaal ayaa mid waliba wuxuu leeyahay taariikho mahadhooyin reebey iyo xasuuso xun oo aan ka go’I karayn shucuubta wadamadooda; iyadoo hal-ku dhigga ay dhamaantood ka sinnaayeen uu ahaa ama uu shabbaho haddii afsoomaali lagu tarjumo odhaahdii caanka ahayd ee ahayd “Anigoo wax dili kara duca qaadan mayo”.

Iyadoo aynu keligood-taliyayaashii Afrika midba mar soo qaadan doono dhacdooyinka xad-gudubyadiisii, burburrintii iyo ku tacadigii uu u geystay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaynu maanta tusaale u soo qaadan doonaa Gen. Mingistu Haila Mariam (Ethiopia)

Wuxuu ku dhashay Gobolka Kefa 1937-kii, waxa uu ka mid ahaa afar kun oo askari oo dalka Maraykanka loogu direy koorso waxabarasho iyo tababar Military isagoo 1966-kii ka soo qalin-jabiyay Akaademiyadda Milatariga Holeta isagoo laba xidigle ah.

Col. Mingistu waxa uu af-gembi milatari ku qabsaday dalka isagoo madax u ahaa koox saraakiil ah oo ku ololaynaysey muwaadinimo iyo dal-jacayl sanadku markuu ahaa 1974-kii, isagoo isla markii uu xukunka la wareegay ku kacay aargoosi, xad-gudubyo iyo dilal qorshaysan, isagoo isla maalmihii uu xukunka la wareegayba dhegta dhiigga u daray boqorkii xukunka ugu horeeyey Haile Salase iyo wadaadkii ugu weynaa mad-habta Orthodex-ka Itoobiya oo isaga laftiisu awood badan ku dhex lahaa shacabka iyo saamaynta hogaaminta dalka. Sidoo kale 23, Nov. 1974-kii waxa uu diley 60 ka mid ah saraakiishii maamulkii isaga ka horeeyey,  isagoo ku andacoonaya inay dembiyo geysteen.

Isagoo u muuqda inuu ka faa’ideysanayay niyad-jabka iyo cadhada dadkiisa ee ku wajahan maamulkii isaga ka horeeyey waxa uu bilaabay olole uu ku kasbanayo quluubta dadweynaha isagoo si gaar ah farta ugu fiiqaya shirkadaha gaarka loo leeyahay, ajaanibka iyo xubnaha saraakiisha dawladda oo gacanta loo geliyay dhamaan manaaficaadka wixii danta guud ahaa, haddii ay tahay goobo wax-barsho, goobo ganacsi, iyo meelaha ay bulshadu ku kulanto oo si gaar ah loogu wareejiyay ashkaas gaar ah, waxa uu hal-hays ka dhigtay isaga iyo kooxdiisii Dergigu kelmadda ah “Ethiopia Tekdem(Itoobiya wax kasta ka mudan). Jariiradda Economist ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa cinwaan uga dhigtay maqaal ay ka diyaarisey ololaha dhaca iyo boobka Col. Mingistu  “That left nobody that run anything” oo macnaheedu yahay “Lama ogola cid si gaar ah wax u gaar ah isaga maamulata” isagoo intii badnayd dadkii hantidaa lahaa jeelasha ku abaadeen, qaar ku dhex dhinteen, intii kalena dalka dibedda uga yaaceen.

La soco qaybta dambe.

C/risaak Suudi Nuur

063-4425243

Hargeisa Somaliland

Suudi786@gmail.com

Maxaa sababay in wali dad badani ay Maxamed Siyaad Bare u haystaan halyeey?

$
0
0

Waxay shalay ku beegnayd 48 Guuradii Kacaankii aan la mahadin ee Afganbiga Milatary ku qabsaday 21 october 1969 Jamhuuriyadii Demectatic ahayd ee Somalia, ka bacdi markii toogasho lagu dilay Madaxweynahii xiligaas Abdirashiid Cali Sharma’arke Allah haw naxariisti. Afgambigaas oo ay hogaaminayeen Saraakiishii Ciidankii Militariga waxay markii danbe Hogaamiye u doorteen Maxamed Siyaad Bare oo mudo 21 Sano xukumayay Somalia, aakhirkiina burbur badan iyo dagaalo sababay dhimashada Dad badan oo kumaankun qof ah lagaga saaray Dalka 1991. Xiligii uu xukunka hayay Siyaad Bare waxa uu si guracan u maamulayau Dalka isagoo la wareegay dhamaan awoodii dalka kuna koobay xubno tiro yar oo guulwadayaal u ahaa.

Waxaana Dalka uu galiyay xaalad hubaal la’aaneed iyo Dagaalo uu ku qaaday Dowladahii dariskii sida Ethiopia oo ujeedada uu ka lahaa ay ahayd inuu ku burburiyo Ciidankii xooga weyna ee xiligaas ay Jamhuuriyadu lahayd ee ayna ahayd xorayn Dhulkii Somali ka maqnaa isagoo ka baqaayay in ay inqilaaban ama laga helo saraakiil dampacle.
Aakhirkiina waxa dhacday isku daygii fashilmay ee ay ju kaceen qaar ka mida saraakaashii ciidankii Military ee ka qayb gashay dagaalkii lagu soo jabay ee 1977. Waxanaa dagaalka ka dib ka dhashay shaki wayn oo Bulshadii Somaliyeed u muuqday iyadoo ay hoos u dhacday dardarkii indho saarcaadka ahayd ee taliskii Kacaanku uu ku shaqeenayay sanadadii hore ee ay wadaniyiin Dalka badbaadiyay iska dhigayeen.

Horaantii 1980 waxa abuurmay Jabhado hubaysan oo dagaal la galay Mamulkii Siyaad Bare, iyadoo aakhirkiina ay Gobolada waqooyi ee hadda loo yaqaan Somaliland ay jabhadii SNM kusoo qaaday dagaal, kasoo ka bilaabmay dhamaam Magaalooyinka waaweyn sida Burco, Hargeisa, Cadaadley, iyo meelo kale oo badan oo ka tirsan Somaliland. Dagaaladaas oo ay ku dhanteen kumanaan shicib ah kuna barakaceen dhamaan shacabkii, waxay xiligaa Dowladii Siyaad Bare u isticmaashay dadka shicibka dhamaan awoodii Ciidankii Military sida Diyaaradahii dagaalka oo duqayn badan ka gaystay isla magaaladii ay ka duuleen, waxaana si aan kala sooc lahayn loola dhacay madaafiicta goobta iyo kuwa lidka diyaaradahaba Magaalooyinkii camirnaa iyadoo Dad iyo duunyaba dhulka lala simay. Waxaana horaantii1991 awooda looga qaaday maamulkii Siyaad Bare kadib markii ay dagaalo culus
Jahbahadii UNC iyo kacdoonkii Dadweynahu ay kaga awood bateen Ciidamadii lagu soo naafeeyay Gobolada Waqooyi.

Hadaba, inaga oo ka dharagsan in Siyaad Bare ahaa kaligi Taliye arxan daran oo Dal iyo Dadba burburiyay lana mid ahaa Kaligii taliyayaashiii aduunka ugu arxanka darnaa sida Mengiste Heile Marion kii Ethiopia, Madaxwrynahii Rwenda ee Javene Habrayamaine, kaligii Taliyahii Romania ee Nicalae ceausescu iyo kii Filibiin (Philipine) ee Ferdinand Marcos. Waxa iswaydiintu tahay maxaa Dad badani ay wali Siyaad Bare ugu haystaan halyeey? Iyadoo aynu ognahay in dhamaan Kaligii taliyaashii Dalalka aduunka Soo maray aanay Bulshooyinka Dalalkaasi ku kala aragti duwanayn taarikhdii madoobayd ee ay badeen Hogaamiyaayaasha ay ka raysteen markay eryeen. Waxaana u sababa in Siyaad Bare lagu kala aragti duwanaado labo sababood oo la garwaaqsan karo.

1. Jabhadahii Siyaad Bare xukunka ka tuuray ee Hogaaminayay kacdoonkii Dadweyne waxay ku fashilmeen inay dhisaan Dowlad badasha maamulkii ay Jabiyeen, SNM waxay ku dhawaaqday Maamul ka madax banaan Dalka intiisii Kale, UNC waxay la kowsatay dagaalo sokeeye oo dad badan lagu xasuuqay dhibkiina uu ilaa hadda uu taaganyay 26 sano ka dib burburkii Dowladii dhexe.

2. Mida labaad ee la odhan karo Siyaad Bare wali dad baa halyeey u haysta waxay ku qotantaa hab qabyaaladeed oo Dad badan oo ay isku qabiil ahaayeen u arkaan Hogaamiye iyaga u roona oo ay u darsaday, iyadoo waxyabahii burburkiisii ka qayb qaatayna ay ka mid ahayd qabyaaladii ay maamulkaasi miciinka badeen iyo Cadaalad daradii baahday ee Dalka ka jirtay.

Iskusoo wada xooriyo waxa maanta halkaa Somali dhigay waa kacaankii military ee aan la mahadin iyo Jabhadahii ku fashilmay inay Dalka iyo dadkaba si wanaagsan ugu taliyaan Dalkana Dowlad ka dhisaan. Ayax tag eelna reeb,

By Abdi Ismail Abiib
Antwerpen, Belgium


Daawo:Siyaasi maxamed Dheere oo falanqeyn Mug ku sameeyay Doodii Musharaxiinta Xisbiyada

Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Xukuumada Kulmiye (Legacy)?

$
0
0

Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Xukuumada Kulmiye (Legacy)?

By. Abdihakim Haji Saeed

Saddex arimood ayaan ku soo kobayaa Sooyaalka Kulmiye ama (Legacy)ga

1- Boob xad dhaaf ah waa ta loogu bixiyey Murdiso

2- Musuq maasuq ( Corruption).international agency yadu inooguyedhaan Corrupt land

3- Sicir barar aan la xakamayen karin

4- Qabyaalad oo aad moodo inay xadhkaha goosatay

Wakhtigii ay lawaregeen hogaanka dalka xukumaadu Somaliland waxay lahayd tiro aqalo ama dhismayaal gaadhaya 1053. Hada waxaa ka taagan wax ka yar 200 oo Guri. Wixii ingriisk ka tacabiray, afweyne ka xishooday, Gigaal xurmeeyey, Ina Riyaale yara gujiyey ayey Murdiyeen hadda waxay marayaan inay iskuuladii iibshaan.

Waad ogtihiin inay dekadii berbera qarka u saran tahay inay xidhanto. Waxa nagu maqaal ah in wiishyadii wax lagu dejinayey ay wada xumadeen, xabad keliya aa shaqeysa, lacagta yare e ka soo baxdana waxaa toos loo saraa FLY Dubai halkii lagu ridi lahaa Central Banka Somaliland. DP Word ayaa farta laga saaray Naaskii keliya ee Somalilandu u Irmanaa, waxa xasuus mudan in aan dib u jaleecno sidii xaraanta ahayd ee loo baxshay.

Waxa ku tartamayey. Barooli, MSC ( Midtrainian Shipping Group) Chinese and Ethiopian isu jira. Word Bank ayaa lacag $300,000.00 siiyey MTPS

( Rotterdam ) oo ah shirkadaha dekedaha ku xeel dheer hawshaasna khibrada u leh taladay bixiyeen waxaa laga door biday laaluush la qaatay, masiirkii umadana halkaas ayaa lagu baabiiyey, taladii ay bixiyeena u noqotay hal bacaad lagu lisay.

Sicir bararku wuxuu ahaa maalintii ay hogaankadalka qabteen 5500 maanta wuxuu kor u dhaafay 10…waxa ugu way ee sarifku u degi laayahay waa

1- Lacagtan la soo daabacanayo waa in la jojiyaa

2- Lacagtan adage e maalin walba inagaga baxaysa sida Jaadka oo la joojiyo

3- Lacagta wadanka oo la Isticmaalo Shilinka Somaliland

4- In la kordhiyo wax soo saarka khayraadka wadanka si aan u helno lacag adag iyo Qaar kale oo badan

Shicibka Somaliland waxa lagu qiyaasay ilaa 3.8 million waxa dhalin yaro ah 1.6 million. Dhalinyartaas waxa bilaa camal ah 70%. Deraasad maalin dhawayd lagu soo ban dhigay shir aan ka qayb galay Khartoum (Youth un employment In Somaliland) waxa lagu soo bandhigayin xitaa shaqooyinka ardeyda lagu siiyo Qabyaalad… oo Ardeygii aan ka dhalan reer power leh ama aanu hor socon suldaan libaax ahi aanu shaqo heleyn.

Waxaan ku soo meraayaa kulmiye wuxuu Somaliland kaga tegay intaas aan soo sheegnay iyo waliba, wadankii oo bur bur ku dhow, waxaan aragnaa Khaatumo land Awdal Land…. Madaxwayne Riyaale khudbadisii ugu danbeysay wuxuu yidhi waxaan idinku wareejiyey dad isku duuban iyo dal dhan….. ha la idiinku yimaado,

Shicibkii Somaliland ee is lahaa waxydun Cabi hadhuubka hashii Maandeeq ee loo halgamay..Rajadoodii waxay noqotay hal bacaad lagu lisay.

Abdihakim Haji Saeed

Daawo:Barnaamijka Ololaha Xisbiga Waddani-Ceerigaabo & Wacdarihii Dhoollatuska Isu-soo-baxii Koowaad Oo Dhammaystiran

Xisbiga Waddani Oo Magacaabay Guddida Maamulka Ololaha Ee Gobolka Sanaag,Selel & Xaysimo

$
0
0

 Liiska Xubnaha  Gudida Xisbiga Waddani u Magacaabay Maamulka Ololaha Ee Gobolada Sanaag & Selel

Daawo:Ciyaar-dhaqameedka Reer Awdal ku maamuseen Xisbiga Waddani

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>