Marka hore waan ku soo dhoweynayaa, waxan kugu ducaynayaa in aad noqoto madxweyne ummada reer Somaliland oo dhan ay u simantahay, (kii mucaard ahaa iyo kii muxaafida ahaaba), Eebe waxaan ku weydiinaya in uu xilka kugu astro.
Muddane Madxweyne, qoraalkan ujeedaddiisu waxay tahay in aan ku xasuusiyo dhowr qodob oo muddadii uu Maxweynha kursiga ka degaya uu joogay ay tahay wixii ka dhacay wadanka, taasi oo ujeedadda ka danbaysa tahay in dib-u-eegid lagu sameeyo, si wixii dhacay loo saxo.
Ku tumashada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, sida QODOBKA 88AAD, MUDDADA XILKA, farqaggiisa 1aad,
Muddada xiIka ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waa 5 sano oo ka bilaabanta maalinta xilka bo dhaariyo.
Ku tumashada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, sida QODOBKA85AAD WAXYAABAHA KA REEBBAN MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA. Farqiggiisa 1aad iyo 2aad
Uma bannaana Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Marwooyinkoodu inay galaan ganacsi muddada ay xilka hayaan.
Hadiyadaha la siiyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Marwooyinkooda iyo Madaxda sare ee Qaranka ee Ieh muuqaal Qaran iyada oo lagu maamuusayo xilka ay hayaan waxa weeye hanti Qaran
Ku tumashada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, sida QODOBKA 9AAD NIDAAMKA SIYMSADEED, farqiggiisa 3aad,
lyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah, waxaa reebban in xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad
Ku tumashada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, sida QODOBKA 31AAD XORRIYADDA LAHAANSHAHA HANTI GAAR-AHMNEED, farqiggisa
Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu si gaar ah u yeesho hanti, taas oo ay shardi tahay in uu ku helo waddo xalaal ah.
Ku tumashada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, sida QODOBKA 32AAD XORRIYADDA BANNAANBAXA, RA’YI – DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE, farqiggyadda,
Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.
Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.
Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya.
Ku tumashada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, sida QODOBKA 42AAD, MUDDADA XILKA IYO XILLIGA DOORSHADA, farqiyadda,
1- Muddada xilka Golaha Wakiiladu waa 5 (shan) sano oo ka bilaabmaya maalinta Maxkamadda Sare ay ku dhawaaqdo go’aamada doorashada.
Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya doorashada Golaha cusub bil ka hor dhammaadka muddada Golaha hore.
Mudane Muse Biix Cabdi waxaan ku soo jeedinyaa aad u saart Guddi Xaqiiqo Raadin ah oo hawshoodu tahay qodobadan hoos ku qoran:
In Guddidu dib-u-eegid ku samayso in si badheedh ah loogu-tunto Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland
In hantidda ummada ee la dhacay (hantidda ma guurtadda aha iyo ta aan guuratadda ahaynba) ay guddidu dabo-gal ku sameyso.
In wixii ummadu tirsanayso ama tabanyso dib-u-eegid ay ku sameyso guddiga ( Hantiddii la burburiyey ama si qayru-sharci ah la isaga xidhay sida Wargeyska Haatuf iyo wixii la mid aha).
In ummadda dib loogu soo celiyo kalsooniddii ay ku qabeen xukummadooda oo muddane Maxweynha xilka ka degay dhaxalsiisay ummada in ay ka quustaan xukummadooda.
In guddidu talo-bixin mug leh ka soo saarto wixii dhacay muddad uu xilka hayey Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo.
Arrintan waxay keenaysa in aynu dib ugu noqon haykalkii dawladnimo, adigan waxay ku tahay shaaraf iyo karaamo. Iyo in aad muujso dawlad wanaag, kor u qaadid sumcadda dadka reer Somaliland iyo dawladnimaddooda, helid aqoonsi buuxa, muujin ixtiraamka dawladnimo iyo helida kalsoonidda ummada reer Somaliland.
Osman Awad
|