Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Maxaa Sababay in Xukuumadu Iska Indho Tirto Musuq-Maasuqa Ka Jira Tv.ga Qaranka Iyo Dawan.

$
0
0

Qormadii 2′aad:

Sirdoon+ganacsade,akhristayaasha waxaan qormadan labaad ugu soo gudbinayaa shaqadii MR GUUXAAYE, wuxuu ahaa ninkaasi maanta ah ganacsadaha weyn ee maamula lacagta tv.ga qaranka somaliland,nin sirdoon ah oo u shaqeyn jiray dawladii Rayaale C/laahi Cirro Wasiirkii Arimaha Gudaha,isla markaana waxaa la sheegay in uu ahaa raggii ka danbeeyey in Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hatan ah wasiirka madaxtooyada Somalilnad ka gudbiyey warbixintii ahayd in xirsi uu xidhiidh la leeyahay ururo xag jir ah ,kadibna wasiirkii arimaha gudaha ee xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin C/laahi Cirro si lama filaan ah ugu eedeeyey Xirsi Cali Xaaji Xasan in uu xidhiidh la leeyahay ururada xag jirka ah,arintaasi oo ahayd markii la baadhay been aan sal iyo raad toona lahayn,hadaba markii ay dhacday xukuumadii Rayaale ninkaan GUUXAAYE wuxuu ka fadhiistay shaqadisii ahayd sirdoonka,isagoo mudo iska haa bilaa shaqo ayaa tv.ga qaranka loo soo magacaabay ninka ay ilmaadeerka yihiin ee lagu magacaabo Khadar Cali Gaas ninkaasi maareeyaha ah oo GUUXAAYE ka dhigtay maamulaha lacagta tv.ga qaranka ,hadaba isla waqti yar gudahood waxaa soo shaac baxday musuq-maasuq balaadhan oo uu sameeyey Mr GUUXAAYE ka dib markii uu mar qudha noqday gaancsade weyn oo ka baayac mushtareeya baabuurta iyo dhulka,isla markaana iibsaday dhul aad u badan taasi oo fajac ku noqotay dadkii aqoonta u lahaa Mr Guuxaaye oo arkay ninkii oo u dalacay ganacsade arintu ay noqotay SIRDOON+GANACSADE.

Saaxiibayaal ma aha in qofka wax uusan hayan laga sheego basle waa in la sheego xaqiiqada ka jirta tv.ga qaranka oo noqday meel lagu lunsado malaayiin lacago ah, oo ay ka faa’iidaan hadba cida sida gaarka ah u maamusha iyadoo la og yahay in uu tv.ga qaranku ka mid yahay hayadaha ugu miisaaniyada badan dalka,xogo badan oo aan helay ayaa waxay muujinayaan xitaa heerka uu gaadhay musuqu inay is qabsadeen ninka cusub ee maareeye ku xigeenka ah iyo mr guuxaaye oo ku dagaalamay lacago badan oo jeebka guuxaaye ku soo dhacday oo uu damcay in uu ka qaado ninka maareeye ku xigeenka ah,taasi oo keentay xitaa inay ogaadaan shaqaalaha tv.gu , waxa la isku haystaa waxaa weeyi lacagaha ka soo gala tv.ga marnaamijyada.wararka iyo hayaysiisyada.

Ma sahlana lacagaha ay ku dalacaan hayadaha iyo ururada hadii uu u baxo barnaamij ama war waxaa risiid jeebkiisa ah u jara mr guuxaaye oo hadba lacagta uu doona ku qora ,iyadoo aysan jirin cid xisaabisa ninkaasi guuxaaye, ugu yaraan lacagaha lagu qoro hayadaha waxaa weeyi hadii uu hal marnaamij u baxo $500 oo doolar, hadii laba ama ka baday barnaamij baxaan way ka sii badan tahay, waxaa intaasi dheer lacago badan oo xayaysiiska ka soo gala ninkaasi guuxaaye, lama sii dan karo hal xahaysiis oo uusan ogeyn ninkaasi guuxaaye oo meesha ninkaasi wuxuu ku leeyahay awood badan oo uu siiyay ninka ay ilmaadeerka yihiin ee maareeyaha ka ah tv.ga.

Waxaan ogaanay lacagahan badan ee soo gala tv.ga qaranka ee jeebka guuxaaye ku dhaca badankooda waxaa cuna guuxaaye inta kalena wuxuu u diraa maareeyaha tv.ga sida aan ku soo ogaaday habka lacagta loo isticmaalo.

Hadaba mahaa oo kaliya dadka sameeyey musuq maasuq la taaban kara guuxaaye oo kaliya basle waxaa jirta oo kale in musuq aan la maleyn karin uu ka jiro xarunta wargeyska DAWAN oo uu maamulo ninka lagu magacaabo SAYID oo ahaa marka taariikhdiisa dib loo raaco nin askari boolis ahaa oo ka soo mid noqday ilaalada xarunta madaxtooyada xiligii Madaxweyne Cigaal balse waqti ka hawl galay idaacadii Radio Horyaal oo taageeri jirtya Xisbiga hada talada haya ee KULMIYE ,xiligii xisbigu ahaa mucaarad,waxaana jirtay in ninkaasi SAYID dhawr jeer ay xidhay xukuumadii Rayaale isagoo lagu eedeeyey in uu ka baydhay anshaxii saxaafada xorta ah isla markaana uu qoray warar abuuri karayay nabad galyo daro,basle markii xukuumada siilaanyo talada dalka ku guuleysatay ayaa loo dhiibay WARGEYSKA DAWAN intaa ka danbeysayna waxaa la sheegay in uu ninkaasi u isticmaalo wargeyska DAWAN sidii meherad uu isagu leeyahay,oo isada uu doono ayuu ka yeelaa mana jirto cid xisaabisa,kalana xisaabtanta musuqa balaadhan iyo maamul xumida uu ka sameeyay wargeyska DAWAN.

Hadaba shacabka reer somaliland waxay wada xasuusan yihiin balan qaadkii madaxweyne siilaanyo xiligii uu ahaa mucaaradka ee uu odhan jiray hadii aan ku guuleysto talada dalka waxaan la dagaalami doonaa musuq-maasuqa oo cid kasta oo ku kacda waxaan ku qaban doonaa gacan bar ah,sidaa awgeed weli shacabka reer somaliland waxay sugayaan fulinta balanqaadkaasi uu sameeyay madaxweyne Axmed maxamed Maxamuud(Siilaanyo) oo ah nin hore looga bartay in uu neceb yahay musuq-maasuqa basle hayado badan oo ka tirsan xukuumadiisa waxaa la degay musuq-maasuqa waxaanad moodaa inaysan xukuumadu diyaar u ahayn inay wax ka qabato musuqa ka jira qaar ka mid ah hayadaha dawlada ee musuq balaadhan ku kacay

La soco qormooyin danbe oo aanu idiinku soo bandhigi doono xogo dheeraad ah oo aan ka soo ururiyay xarumaha tv.ga qaranka iyo wargeyska Dawan.

Qalinkii:Muna Maxamed Jaamac

Email:Muna261@gmail.com

Hargeysa/Somaliland


Baaq Nabadeed Oo Beelaha Sacad Yoonis Iyo Biciide Ee Ku Nool Magaalada Sheffield Ay Wada Jir U Soo Saareen Daawo Ama Dhegayso.

$
0
0

Sheffeild,(Qaran news)-Waxaa maalintii Shalay ee bishu ay ahayd 23/08/2013, Magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska
baaq nabadeed wada jir uga soo wada saaray labada beelood ee Sacad Yoonis iyo Biciide, iyaga oo daba socoda ama ka xun dhacadadii dirirta ahayd ee labadaasi beelood ku dhex martay aaga God-heeli.

Colaadaasi ama iska hor imaadkaasi oo ay dhaleeceeyeen waxa ay ku tilmaameen mid aan loo baahnayn isla markaasina aan la filayin in ay waxan oo kale dhacaan, iyaga oo ku baaqay in ayna arintan oo kale mar danbe dhicin isla markaasina tacsiyadeeyay intii ku dhimatay, waxa ay sidoo kale tacsi u direen qoyskii uu ka baxay Suldaan Bare Warsame Shire oo isga oo colaadaasi awgeed u soo gurmanaaya u geeriyooday.

Hadaba baaqu waxa u dhignaa sidan qornaa sidan hoos ku xusan sidoo kale baaqaasi oo faah faahsan waxa aad ka dhegaystaa ama daawataa xaga hoose ee isla baaqani

1- Labada beelood waxay tacsi si wada jira ugu dirayaan Suldan Barre
Shire Warsame, iyo dadkii ku geeriyooday Shaqaaqada
2-Waxay ku baaqayaan nabad iyo in colaadda la joojiyo
3-in waxii khilaaf ah wada hadal lagu dhammeeyo
4-in wixii nabadda wax u dhimaaya dhan looga soo wada jeesto
5-in lasoo celiyo kalsoonidii labada beelood
6-in shuruud la’aan lagu aqbalo baaqa nabada ee meel kasta ka imanaaya
gudo iyo debedba

Wabillaahi Tawfiiq

Beelaha Sacad Yoonis iyo Biciide, Sheffield

Good governance is the key for the quest of our recognition, not lies!

$
0
0

Meecaad

Pre-requests for achieving our Recognition
First thing first, believe in your cause and case. Trust you’re self. Trust your people. Unite your people behind you, Secure your territorial borders, create real democratic government, establish good governance, Stand on your ground, know the doors that when you knock venomous snakes comes out from it from the save and persuadable ones, then you have a product ready to be sold to the international market. And not only that, the right people equipped with experience and the right knowledge must be the marketers of the finished product which is our recognition. And not only that, when you have all the above you must create the right environment for this to grow, that is minimizing corruption as well as the corruptors. All these means, a) honesty, b) knowledge c) good leadership d) knowledgeable crew to market and sell our product-our quest for recognition.

Somaliland government can sell the recognition case only and only when they have the above elements and when there is just and working democracy in side the country. That means when there is good governance and a united people heading into one direction. It is all local. Before it goes out of the house of Somaliland the house must fulfill at least some of the United Nations Principles of Good Governance in which the author expressed some of them above and some below in this paper.
We see and hear that Siilanyo’s government appoints individuals they say they are seeking international recognition for Somaliland! ‘Recognition seekers, they call them!’ Those recognition seekers are not appointed from the office of the Minister for foreign affairs. They are not qualified and they are not experience The question is what are they selling and what is the Minister selling as well!? Both of them are selling the same product-recognition, they say!
When a vendor is selling a beef sandwich there must be a beef in that sandwich otherwise he does not have a real beef sandwich, like wise when we are selling our cause and our quest for recognition we must have what it takes to undertake that task.

Suppose they are out there selling a beef sandwich and when the buyer opens the sandwich did not find beef in the sandwich, then that product was not sold! The-would-be buyer walks away wondering, where was the beef!?
The beef is not talk or saying” we were under British and they were under Italy” even though that historical event was true but that is not enough for this task in question. What they call Recognition seekers is a nonsense exercise. There are Somaliland community associations all over the world. The ministry of foreign affairs could coordinate with them if need be. I think the best thing is to leave the newly appointed guy to establish his office and staff, and do it his way with out interference. I believe he is a capable guy to do the job even though he unfortunately repeated the government silly line of “knocking every door!” even when they are knocking the wrong door! On the other side the new guy of the foreign office can not cook beef for the sandwich we say we are selling to the world by him-self. The beef comes or does not come from good Governance and there is no functioning government let alone good governance in our home land for now!

Our national policy, foreign or otherwise must be an established policies where by every administration takes it from there. Recognition comes from inside. It is all local first, and then the finished product can be taken to out side market. To realize this, the government must first believe in the CAUSE and put the right people in charge of this task. This will bear fruit when the people are UNITED and are CONNECTED to their government, when the government is of the people and for the people and not an oligarchy entity as Siilanyo’s government is accused it is. When the people running the government are qualified and capable, and lastly when the government attributes to the below mentioned principles of good governance then such government has a beef in the sandwich they are selling. The (recognition) product is then sellable, ready for marketing.

Another important thing to mention is-“don’t knock every door” like Siilanyo’s failed approach of knocking and focusing their effort to the enemy’s door. They are knocking the perpetrators of the ethnic cleansing’s door and that is Somalia! Venomous snakes came out from that preferred door. They showed us that they are as committed and sworn enemy of Somaliland as they were and more. Siilanyo’s crew doesn’t see what we see, they say they see money and we say we see our cause! Our cause and case is not money!

The role of a democratic government in governing
a democratic government hast the initiations and executions of policies relevant to her program however there are other actors in governance. Government is one of the actors in governance. Other actors involved in governance vary depending on the level of government that is under discussion. Other actors may include associations of peasant farmers, cooperatives, NGOs, research institutes, religious leaders, political parties, etc. All actors other than government and the military are grouped together as part of the “civil society. The Centre for Consultation and Development “Madasha wadatashiga” is a part of the civil society which has a stake and a role to play in a democratic government according to the United Nation’s principles of good Governance I hope Mr. Siilanyo and crew understand that. If they are honest of their ignorance in this regard then they can be helped, but if not it is a whole different ball game and it is ugly.

The beef is in the “good governance.”
Good governance has the following attributes: can Mr. Siilanyo claim to these attributes or at least some of them or even argue that he does not have any of these attributes but that he is working towards this ideal with the aim of making it a reality? If he does then the man can be given a second chance but on watch status, however if he honestly can not claim at least some of the below mentioned attributes and not even saying “I screwed-up, help me,” then the country must be saved from him and his crew!
According to the United Nations Principles of good Governance the following attributes must be there in good governance:
1-Consensus oriented government.
2-Accountability
3-Transparence
4-Responsive
5-Effective and efficient
6-Equitable and inclusive
7-Follows the rule of law
8-Assures that corruption is minimized.
9-The views of the opposition are taken into account.
10-The voices of the most vulnerable in society are heard in decision-making.
11-Unites the people and never divides them as to benefit their divisions
12-Respects human rights
13-have check and balance where by the houses of parliament are not sold by the executive
14-Independent and working Judiciary
15-up holds freedom of speech and freedom of the press
16-Responsive to the present and future needs of the society.
When you have some of the above attributes then you have a beef sandwich to sell. When that product is shown to the world, it is by no means sellable because there is a real beef in the sandwich. Mr. Siilanyo must show the beef-(good governance) to his people before he can take it to the international market! Can he do that!? The answer to this is that they did not do that thus far!

Conclusion
From the above discussion it should be clear that it is difficult to achieve all the virtues and principles mentioned above in its totality. Very few countries and societies have come close to achieving good governance in its totality. However, to ensure sustainable working government for the development of her Cause and Case and the welfare of her people, actions must be taken to work towards this ideal with the aim of making it a reality. Are we in this path? Is Siilanyo’s administration even attempting to go to words this path? Do they have the honesty and courage to say: “we screwed up help, help?
Bad governance is being increasingly regarded as one of the root causes of all evil within our societies in the Somali peninsula and else where.

Peace and prayers
Ibrahim Mead
kingmead1@yahoo.ca

Dhibaatooyinka Hor Taagan Dhaliinyarada Somaliland

$
0
0

AhmedShaqale

Waxaan ku bilaabayaa magaca ilaahay

Dhaliinyarda Somaliland maanta waxay utafa xayteen siday uheli lahaayeen
aqoon iyo siday ukasban lahaayeen waxbarsho laxaadle waayo waxaa kuu
cadaynaysa hadii aad subaxa hore eegto magaalooyinka Somaliland gaar ahaan
caasimada Hargeisa waxaad arkaysaa dhaliinyarada aadka utirada badan ee
Buugta xanbaarsan ee kalahaysa ee ordaysa, waxaad is waydiisaa maxay
uhalgamayaan dhaliintaasi?waa inay wax bartaan oo ay aqoon helaan dadkooda
,diintooda iyo dadkoodaba ku anfacaan, waxay hayaan dhaliintaasi dhiiranaan
ay wax ku bartaan iyo rajo inuun ka hayso inuu dalku mar uun sidan ka soo
rayn dooto, waxay murogoodaan dhaliintaasi markay arkaan muranada
siyaasadeed ee xun xun ee dalka hadheeyey xag walba ha noqotee xaga
siyaasada, dhaqaalaha iyo dhaqanka, waxay ooyaan oo murugoodaan markay
maqlaan kumanaanka kun ee badwaynta iyo saxaraha ku haligmay ee boqolaalka
qoys ku ubad waayeen markaasay is waydiiyaan tolow yaa ka masuul ah
dhaliintaa? Miyaanay dal lahayn? Miyaanay dad lahayn? Waxa usoo baxda
jawaabta ah in dal iyo dadba ay leeyihiin laakiin ay ku mashquuleen hebel
bedel oo hebel keen, Xisbi helel cadaadi oo xisbi hebel soo dhawee, iyo
yooyootanka siyaasadeed oon ka fogayn qabiil iyo qudhun aan sal iyo raad
toona lahayn, laakiin waxa cad oon caad saarnayn in aanay gaadhin xiligii
loo baahnaa dhaliinyarada oo ah xiliga lagu jiro loolanka siyaasadeed oo
dhaameelka loo lulo dhaliinyarada rajo kun jeer beenawdayna la galiyo oo
mudooyin badan ay goob joog usoo ahaayeen.

Laakiin waxa nasiib daro ah in sanadba sanadka ka danbaysa wuu sii
xoogaysanayo waxa loogu yeedho ama loo yaqaan *tahriibtu* walina aan xal
rasmi ah loo hayn gudidii doontaba ha la saaree cidii doontaba ha loo diree
waayo waxa kala baaxad wayn dalka iyo dadka, marka xiligan laga eego
laakiin dalku inama gabin ee hagrasho ayaa jirta oo cidna cid waxba uma
ogola qorshe xumana way inoogu biirtay, dadka Somaliland ku nooli waa 3.5
hantida kaliyee aynu haysanaana waa dhaliinyaro markaa hadii qofku
hantidiisa dhawran waayo cid u ilaalin kartaa ma jirto, maaha in la
adeegsado maalinta ka kacaayda ee xisbi xisbi loo ordayo oo dhalinyarda
lagu ababiyo nidaam qabiil oo aad ufool xun oo ah waxa maanta halkaa ina
dhigay ee waa in sidaa si ka balaadhan looga faa’idaystaa.

Waxaynu leenahay Wasaarada dhaliinyarada, ciyaaradaha iyo dhaqanka
Somaliland oo qaranka wakiil uga ah dhaliinyarada xaaladeeda waad ka war
haysaan waa kuwa ugu *Budget *ka yar Wasaaradaha waayo waxaad dareemaysaa
in dhaliinyaradu qaranka Somaliland muhiimad badan aanu siinayn lexejeclana
ka hayn waxa ka awood roon wasaarada qaranka uga wakiilka ah dhaliinyarada
Somaliland NGO’s yar yar ee maxaliga ah taasina waa uhan waynaan la’aanta
dhaliinyarada iyo qorshe xumada masuuliyiinteena aan dooranay ma filayo
inay aqoon la’aan tahay haday tahayna waxay garan waayeen in xooga
dhaliinyarda xaga haboon uga faa’idaystaan oo muruqooda iyo maskaxdooda ay
xaga haboon u isticmaalaan

Wali lama hayo tirikoob rasmi ah oo lagu qiyaaso dhaliinyarada Somaliland
laakiin waxa marag ma doon ah inay maanta yihiin cida ugu badan uguna dar
xumada badan dhinac kasta marka laga eego hadaan dib ugu yara noqo Baaxada
dhaliinyarada dalkeena waxaad ka eegtaa xaga waxbarashada imisaa hada wax
dhigta, ardeyda Iskuulada Somaliland dhigataa guud ahaan sida Dugsiyada
Hoose, Dhexe iyo Sare waxay Gaadhayaan 200,000 oo ardey, ardeyda Dhigata
Jaamacadaha kala duwan ee dalkuna waxay gaadhayaan 20 ,000 oo ardey, Taas
oo hadana Dhawaan La isku raacey in Somalinad *3dii* caruuraba mid keliya
uu nasiib u helo in uu wax barto waayo waxaan inoo saamaxayn dhaqaalaha iyo
dadkeenoo ubadan reer miyi mid iyo laba mooyee aan dhamaantood aanay uga
maarmayn baylahda taala awgeed.

Intaasi waa inta waxa dhigata hadaba dib uyara eeg kuwii kasoo baxay
Jaamacadaha dalka iyo dibada oo soo qalin jabiyey, halkay joogaan? Yaa ka
war-haya? Maxay noloshoodu ku danbaysay? Waxa nasiib daro ah in maanta
badihii Talyaanigu la ciir ciirayaan dhaliin 14sanadood waalidkood ku soo
tabcayeen oo dalkan iyo dadkan wax usoo bartay markay waayeen cid hagta iyo
barnaamij lagu hago iyo muuqaal mustaqbal oo meelnaba uga ifi waayey inuu
ku dhaco qalbi jab dabadeedna ay ciil iyo cadho kula dul dhaceen dhulkaaga
u kac.

Dhibaatooyinka maanta taagan ee dhaliinyarada haystaa way fara badan yihiin
laakiin waxaan ka xusi lahaa uun hal mid oo laf dhabar u ah kuwa kaloo dhan
dawona unoqonaysa wixii kaloo dhan taasoo ah

*1. **Shaqo la’aan( Lack of Employment opportunities )*

Waxaad la socotaan in maanta dalka ay ka jirto Shaqo la’aan baahsan taasoo
markii qorshe loo waayey dhaliinyaradii isku qanciyeen in meesha wax
yaalaaba aanu jirin, waxay arkeen kii ubaahda inuu shaqo raadsado markii
lagu yidhi suldaankaaga uyeedh xagii uu imtixaan ka gali lahaa waa suldaan
aanay waligiiba is arag oo aanu aqoon waayo wuxuu wax ubaranayey inuu wax
ku helo oo u tartamo hadii hawshuba suldaan iyo caaqil ku xidhan tahay
wuxuu is way diiyey maxaad udaali jirtay.

Galab dhawayd abaaro 5:30 Galabnimo ayaan la kulmay wiil aan in badan
saaxiibo ahayn oo in mudo ah waxbarsho dalka dibadiisa kaga maqnaa markaan
iswaraysanay wuxuu iwaydiiyey maad ka warhaysaa Wasaarada Maaliyada wax bay
qaadanaysaa baa la yidhiye? Waxaan ku idhi maan maqal walal, kamana war
hayo laakiin waxaan umalaynayaa haday wax qaadanayso Jaraa’idka ayaa lagu
arki lahaa, intuu qoslay buu igu yidhi jaraa’idka beryahan waxba laguma soo
qoree waxaan la balansanaa oday Suldaan noo ah oo la igu yidhi Wasiirka
Maaliyada ayey isku wanaagsanyihiin, waxaan ku idhi markaa muu kuu gaynayaa
haa waanu balansanaahay ayuu igu yidhi, waxaad halkaa ka fahmaysaa
marxalada maanta dalkeenu marayo iyo rajada muuqata mustaqbalka iyo baahida
baahsan ee manta dhaliinyarada haysata iyo Isfahan la’aanta ka dhaxaysa
Salaadiinta iyo Dhaliinyaradii wax baratay oon jaamacada loogu dhigin Heer
Suldaan.

Guntii iyo gaba gabadii umad waliba waxay qiimo ku leedahay intay umadeeda
ilaashato dar yeesho maanta aduunka waxa la iskugu faanaa waa hadba inta
dhaliinyaro ee dalkaasi haysto oo uu ku xisaabtami karaa mustaqbalka
dalkaasi siduu u ekaanayo maantana waxa ilaahay mahadii ah in dalkeenu
dhaliinyaro meel uu kala dhigo laayahay markaa dawladeed ubadka daryeela
dantooda ka shaqeeya dantiinaa ku jirtee.

Allaa Mahadle

Mukhtar Abdi Jama
shaqalle02@gmail.com

4406123

Marka Wasiirada Xukuumada Siilaanyo Qaarkood Haystaan Saacad7000$ oo Doolar ah Oo Dahab Ah

$
0
0

Marka Wasiirada Xukuumada Siilaanyo Qaarkood Haystaan Saacad7000$ oo Doolar ah Oo Dahab Ah Xirsina Uu Kaalintii Shidaalka Dawlada ee New Hargeysa(ina galan) u Ku Bedeshay Lacag Laaluush ah,Taasi Waxay Muujinaysaa Sida Loo Boobay Hantida Umada.

Hadii la eego dhaqaalaha uamda somaliland waxa la helayaa qof maalintii inta soo gasha ay tahay 1 doolar oo kaliya taa macnaheedu waxaa weeyaan in todoba kun oo maalmood wixii uu ku noolaan lahaa muwaadin u dhasahy somaliland ay wasiirada xukuumada siilaanyo siistaan saacad kaliya oo dahab ah,arintaasi waxay muujinaysaa in dariiqa uu siilaanyo hayaa uu yahay dariiqii madaxweynihii afrikada dehxe ee badhtamihii sanadihii todobaAtanaadkii GEN BEDEL BUKASA oo iyadoo ay xaalad adagi ka jirto sida somaliland oo kale bakooradiisuna ay ahayd dahab.

Waxaan warbaahinta madaxa banaan ka akhriyey kaalintii shidaalka dawlada ee ku taalay new hargeysa ee loo yaqanay (ina galan) in uu wasiirka madaxtooyadu xirsi cali xaji Xasan uu ku wareejiyey Gudoomiyaha Rugta ganacsiga ee somaliland Maxamed Shukri Jaamac oo uu ka qaatay lacag dhan laba boqol oo kun oo doolar lacgatasi oo lagu macneeyey hadiyay ama abaal gud anigu se waxan ku tilmaami karaa inay lacagtaai ahayd laaluush an meel mar ahayn.

Sharci ahaana dawlada waxaa u haboon hadii ay dhulka cid siinayso iyo hadii ay iibinaysaba in la mariyo dariiqa sharciag ah, markii aan gudoomiyaha rugta ganacsiag aan arintan wax ka weydiiyeyna,wuxuu iigu jawaabay saami qaybsibaan ku helay kaalinta iyo dhulka ku xeeranba.

Halkaa marka ay taaganm tahayna su’aasha soo baxaysa waxay tahay goormuu dhacay shirka heshiiska lagu wada ahaa ee umada somaliland iskugu timid ee lagu qaybsaday dhulka danta guud.

Dawladii siyaad barre oo loa ogaa noocii ay ahayd aya ak xishoon jirtay inay iibiso dhulka danta guud iyo dhismayaasha dawlada marka se arinta dhinaca kale iska taagno maxaa isku keenay dhul ay dawladi leedahay oo cid la siinaayo ama laag iibinayo iyo wasiir madaxtooyo,dawladuhu marka ay dhul bixinayaan waxaa sharci u ah ,in goobta laag dhisaayo wax ay umada ama dadweynaha DALKAASI AY DANI UGU JIRTO.

Waxaana xukuumadan siilaanyo ka muuqata gol daloolooyin tiro badan oo aysan lahayn xukuumadihii ka horeeyey, waxana kow ka ah qabyaalada,boobka dhulka danta guud iyo hantida umada, oo ay kuu suurto geli karto hadii aad ka soo jeedo beesha madaxweyne siilaanyo ama aad xirsi siiso lacag laaluush ah oo marka ad bixinaysana aad ku magacoowdo hadiyad ama sooryo.

Dhaqanak soomalida lacagta la yidhaahdo sooryada waxaa la midyaa laab jeer oo kaliya hadii gabadh la is weydiisanayo oo ay laab reer is weydiisanaayan waxa la bixiyaa laba lacagayow mid waxa la yidhaahdaa yarad oo waxaa qata qoyska ay gabadha loo soo geed fadhistay ka soo jeedo, lacagat kale waxaa la yidhaahdaa sooryo ama gabaati oo iyadana waxaa qaybsada raggii goob jooga ka ahaa halkaasi gabadha lagu bixiyay iyada oo marka kaftanka iyo meherkuba dhamaato kadib dhinac waliba saamigii uu ka helay sooryada oo gaarkiisa u qaybsado.

Ninkii nacaska ahaa ee geela u raaci jiray labada reer ee laabdii reerba maalintii danbe ay adhi qasheen ,waxanau ninkii maalintii oo dhan markii uu geela la joogay uu qorsheynaayey reer weliba cadka am waslada uu u dhigi doono .

waxaana dhacday in labadii reerba ninkii geela u raacay ilaaween madaama uu ahaa nin loo arkayo nacas oo aan lo xil qabin , markii laabdii reer uu mid weliba uu goor danbe xasuustay ninkii geela u raacay , hilibkiina intii mudney lagu kala tegay ayuu reer weliab is yidhi reerkaa kalaa hilib fiican u dhigaye idinkuna tagoogadan meel ugu daboola.

Markii uu fiidkii soo hoyday ninkii geela raacay oo uu geeliina xereeyey isagoo daalan kuna xisaabtamayay in loo sii dhigay jeeni iyo awlal ayaa laabdii reer iyagoon is oo geyn ninkii soo hor dhigeen laab weel oo daboolan markii laga tegay ee ay isaga iyo weelkii isku soo hadheen ee uu mihiyaha soofeystay ayuu mid ka mid ah weelkii daboolkii ka qaatay waxanu ku arkay tagoogo ,weelkii labaad ayuu hadana ka qaatay daboolka oo uu ku arkay tagoogadii oo kale markaasi yidhi ninkii laba walab isa saarayo laba tagoogo isma saarin ,aniguna maanta siilaanyo waxaan leeyahay lagagama fadhiyin dhul dan guud ah oo lacag laaluush ah xirsi ku bedesho iyo wasiiro guryahooda dhigta sacado ka abdan 7000$ oo doolar

Axmed Yasin
axmed-1994@hotmail.com

HARGEYSA/SOMALILAND

Sarkaal ka tirsan xukumada Siilanyo oo Weriye u shaqeeya warbaahin gaar loo leeyahay ku qanjiidhiyey ciidamada RRU-du inay garacaan,jeelkana u diraan!.

$
0
0

Sarkaal ka tirsan xukumada Siilanyo oo Weriye u shaqeeya warbaahin gaar loo leeyahay ku qanjiidhiyey ciidamada RRU-du inay garacaan,jeelkana u diraan!.

Xariirad-(Qaran-news)-Ciidamada RRu-da ayaa caawa xabsiga Xariirad u taxaabay weriye  Maxamed cawaale oo Horn-cable TV.uga soo warama Galbeedka Somaliland siiba magaalada Saylac.

Weriye Cawaale oo ku jiray hawlo maalmeedkiisii caadigaa ahaa,islamarkaana isu diyaarinaayey inuu wareysiyo ka qaado Ergo ka socotay golaha gurtida Somaliland oo Xariirad hawlo dibu-heshiisineed u joogtay ayaa masuul ka tirsan xukumada siilanyo Ciidamada RRu-da ku qanjiidhiyey inay garaacaan weriye Cawaale xabsigana u dhaadhiciyaan,tiibayna RRU-du fuliyeen.

Isku soo wada duuboo waxay ciidamada RRU-du beryahan danbe caadeysteen inay dagaal gacan ka hadal ah ku qaadan warbaahinta madax banaan markay isku dayaan inay wareysiyo ama sawiro ka qaadaan dhacdo mihiim ah balse aan xukumada siilanyo la dhacsayn.

Geesta kale Tan iyo intii Siilanyo talada dalka la wareegay Warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland ayaa ehel u noqotey hanjabadaad,tacadi iy xadhig joogto ah oo ay ciidamada iyo masuuliyiinta xukumadu kula kacaan.

Qarannews

Borama

 

Xukunka lagu riday aqoon yahan jiir waa xoriyatul qawlkii oo al-baabada loo laabay

$
0
0

Xukunka lagu riday aqoon yahan jiir waa xoriyatul qawlkii oo al-baabada loo laabay

Intii u soo baxay warkii naxdiinta lahaa ee lagu dulmiiyay aqoon yahan jiir oo ahaa wiil dhalin yaro ah oo intiisa ka weyn ,isla markaana ahaa mid lagu suurayn karo  qoraaga madaxa-banaan ayaa ahaa mid sii weyn iga dhiidhiya.dulmiga iyo siyaasad xummada ay dalka ku haayso maamulka siilaanyo oo u ban-baxay .cabuudhintaa rayuul-caamka,aqoonyahan jiir u iftiinka u ahaa .

Hadaba waa sidee qaabka lo xidhay iyo ka lo xukuumay,mr jiir ayaa la qaabtay labadii biishi barakaysnayd ee ramadaan ayaa laga qabtay agaagarka qasriga madaxtooyada ayaa sidaa xoolaha lo taxabay xabsigga. Aqoon yahan jiir ayaa muddo bil iyo badh ah lagu hayay saldhigga dheexe ee Hargeisa mudaadasi oo dheerayd ayaan lagu oogiin wax-dacwad ah manu jiirin garyaqan u dooda aqoon yahanka

Hadaba waxaa war aan lagu farxin si hose loga heelay maxkamadda degmada Hargeisa.warkaasoo sheegay in aqoon yahan jiir lagu riday xukun cadaaladda ka fog,kaaso lagu xukumay afar sanno oo xadhig ah iyo hal-milyan oo ganax ah lama ogaa sababta ay u cuskatay maxkamaddu xadhiga aqoon yahanka balse sidaa ay iloo u dhun-daloola sheegen waxaa maxkamadda lagu war-galiyay ay ku xukunto afar sanno waxaana lagu salleeyay labada sanno ee u hadhay siilaanyo iyo labada la fiilayo in kordhisto.markii u xukunku dhacay ayaa lo dhaadhiciyay aqoon yahanka jeelka weyn ee Hargeisa intaasi uun kumma eekeyn balse ca-daawadda lo hayo aqoon yahanka ayaa loga sii kexeeyay jeelka loona dhaadhiciyay xabsigga mandheera.

Hadaba yaa ka danbeeyay xadhigga aqoon yahanka sidaa ilo lagu kalsoon yahay laga heelayo waxaa u kaasoo fuulay go”aanku wasiirka madaxtooyadda xirsi cali xaaji xasan  xataa la sheegay in marar badan ku hammiyay sidii u ammani laahaa maamulka u ka tirsan yahay waxaana intaas sii dheer in marar badan u ergo u diray aqoon yahanka kana codsadeen in u lacag qaatto balse u aqoon yahanku ka dhaggo adaygay tasani sababtay in markii labaad la xukummo

Aqoon hayanka ayaa ahaa mid ku sifoobay ruun sheegnimo isla markaana lagu tiiriyaa mid neceb dulmiga isaago  haddo jeer markay khaldanto ciid ka tirsan maamulka oo ay isku hayb ahaayeen u xaalka bixiin jiray waxaa bulshada Somaliland laga rabba in ay ka hadlan xaq-daradda lagula kacay aqoon yahanka isla markana warbaahintu ay faafiyaan macluumad la xidhiidha xadhigga aqoon yahanka dadka rauyidka ahna in ay fariiimmaha isagu diiraan SMS Facebook iyo meelkasto ay bulshadu ku kulaanto

Cabdi Asiis Bashiir Nuur

Tel 4144434

Ama c.casiis98@hotmail.com

Hargeisa/Somaliland

 

Waxaynu iftiimin doonaa siday ugu suurtogashay in Sheekh Samaale si hawl yar u dhaco hantida Umadda.

$
0
0

Waxaynu iftiimin doonaa siday ugu suurtogashay in Sheekh Samaale si hawl yar u dhaco hantida Umadda.

 

Waxaan maqaal hore idinku sheegay in uu ila soo xidhiidhay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo tafaasiil iga siiyey hab-dhaqanka yaala Wasaaradda Maaliyadda iyo tabaha qaloocan ee Wasiir Samaale ku soo biiriyey. Maanta waxaan idiin soo bandhigi sida loo maamulay Miisaaniyadda sanadkan 2013. Waxaanan ka codsanayaa Wasiirada iyo ciddi kale ee igu beenineysa inay soo qoran si gaar ah amba si guud. Waayo waa arrin la yaab badan oo muujineysa oday Axmed inaanu meesha joogin iyo inayna jirin Gole Fulineed ee ay yihhin koox aan wada shaqayn nin walibana tiisa shakhi aanu dhaafsanayn, cid isku xidha oo hawl galisaan jirin, dalkuna ku socda fawda iyo ilaa hadda oo badbaado Alle iyo ummad soo daashay oo samir badan.

 

Waxba yaanan waqtiga idinka qaadin. Waxa dalka lagu maamula oo lagu hogaamiya waxa la dheehda miisaaniyadda. WAxay ku timaada odor xoogan oo laga yeesho dabcan arrimaha dhaqaale bulsho iyo siyaasadeed. WAxa lagu saleeya baahida iyo siyaasadda xukuumaddu ka leedahay hogaaminta dalka. WAxa lagaga dooda Golaha Wasaaradda oo leysla garta halka la marinaayo iyo xisaabta Wasaarad kasta iyo khrash kasta maraayo, deedna uu madaxweynahu intuu sexxo u gudbiya Wakiilada.

 

Ayaan darro waxa dhacday inuu Wasaaradda loo magacaabay Samaale oo ilaa maalintii Siilanyo madaxweynaha noqday doonaayey inuu Wasiir ka noqdo Maaliyadda. Waxa la yaab ah inuu nin maalin walba akhriyaaya ereyo diini ihi doonto shaqo aanu garanayn oo waa khiyaamo inuu qofku xil doonto uu ogyahay inaanu ka soo bixi karin aqoonteedna u lahayn. Marna ma dhacdo inaad dareewal iska daa wax kale doonato adoon haysan leysan.WAxa taasi kuu cadeynaysa inuu leeyahay damac qarsoon oo guracan guntiisuna tahy dhac iyo boob.

 

WAxa uu markiiba abaaray halkuu rabay, illeyn waxa u qorshaysnaa dhaca iyo boobka oo uu muddo ka soo shaqeeyey. Waxuu la yimid arrin ku cosob dunida. WAxuu fadhiisaty Hotelka mAANSOOR OO UU QOL KA KIREYSTAY.WAXUU WASIIRADDA HAL HAL UGU YEEDHAY INUU KALA HADLO MIISAANIYADDA WASAARADDA.

Nina ninka kale ma oga. Waxa uu ula dhaqmaa inuu u eexanaayo oo dalku aanu qaadi karin khrash badan. Wasiir waliba gacmaha ayuu hoorsaday illeyn ma oga kan kale waxa leys yidhi. Miisaaniyaddi waxay noqotay mid gooni u aha shakhsi keliya oon Gole waxba ka ogayn oon Samaale cidi ku wehelin.

 

WAxa ka yaab badan kolkii Golaha la keeney lama keenin Miisaaniyad dhan oo sida cadada ah buuga miisaaniyadda Golaha laguma qaybin. WAxa wasiir kasta la hordhigey Miisaaniyadda isaga u khaas ah, midna midka kale waxa hor yaal ma oga. Deedna waxa la yidhi Wasiir waliba hoos ha u akhristo miisaaniyada Wasaaradiisa oo uu hore uga dhaadiciyey Samaale inuu u eexday. Cabaar markay aamusnaayeen ayaa Xirsi yidhi…Madaxweyne waxa la gaadhay xiligii codeynta..Madaxweynah oon erey kale ka soo bixin ayaa yidhi..Gacanta ha loo taago ansixinta Miisaaniyadda…Hal diidan ma leh. Maxay se ansixiyeen illeyn miisaaniyad ay arkeen ma jirto oo mid waliba sidii seddexda dumarka ahaa ee garabka uu taabtay ninkii qabay ee is mooday inay mid waliba uu kaligeed taabtay, ayey dhammaan is leeyihiin Samaale wuu kuu exxday ee shibtaada..

 

Miisaniyaddu sidaas ayey ku hirgeshay. Waxa muuqatay inuu Wasiir Xirsi yahay ninka keliya ee la oggaa Samaale arrinta sida uu u soo dhigay. Waxana cad sida Madaxweynahu meesha uga maqanyahay. Waxaynu maqaalka kan xiga ku eegi doona Miisaaniyada Wasaaaradda Maliyadda een cid kale arag sida uu Saamle ugu ritay khrashyo u gaar ah oo ah kuwa uu maanta dalka ka dhacay uba fushada danahiisa gaarka ah.

 

Madaxweyne waan kuu duceeya in Alle ku siiyo caafimaad, iyo inuu ku tuso sida lagagu hoos dusayo. Dulmiga dalka ka tagan adaa ka mas’uul ah ee duceyso, salaada badi Allena bari inuu ku waafajiyo hogaanka suuban. Caawa salaada subax ka hor maydho, laba ragcadood tuko oo Alle bari inuu Alle ku siiyo awood aad ku maamusho dalkan sida habboon.

 

Cabdi Xaji Axmed

hargeysawi@ymail.com

 


Madaarka Hargeisa shaqo culus ayaa laga qabtay, shaqo ka sii culusina way u dhiman tahay!!! Diyaardaha waaweynina ma soo fadhiisan karaan

$
0
0

Madaarka Hargeisa shaqo culus ayaa laga qabtay, shaqo ka sii culusina way u dhiman tahay!!!

Kamaan qaybgalin, goobjoogna maan ahayn, furitaankii Madaarka Caasimada Hargeisa uu xadhiga ka jaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo maalintii 17 Aug 2013. Hase yeeshee, markii aan dhegeystay hadalada Masuuliyiintii ka hadlay xaflada furitaanka ee ay kaga waramayeen hawlaha laga qabtay Airportka, isla markaana aan daawaday sawirada Maqalka iyo Muuqaalka leh ee laga soo gudbiyey Madaarka Caasimada Hargeisa, weliba aan xog waraystay xubno xog-ogaal u ah mashruucan dib u dhiska Madaarka, waxa ii soo baxdey in Garoonka shaqo culus laga qabtay mudadii uu xidhnaa.

Sidaa daraadeed waxaan halkan ka amaanayaa dhamaan cidii hawshaa suurtogalisay hadday tahay dawlada Kuwait oo lacagta bixisay, Wasiirka Duulista Mudane: Maxamuud oo hawshan ka masuul ahaa iyo dhamaan shaqaalihii ka hawlgalayba.

HASE YEESHEE, taa macnaheedu maaha in hawshii Madaarku u baahnaa oo dhan la qabtay, balse waxaan odhan karaa hawshaa la qabtay mid ka sii culus ayaa dhiman oo la`aanteedna aan shaqada Airportku dhamaystirmi karin ama qabyo noqonayso taas oo ah kordhinta dhabaha diyaaradaha ama runwayga.

Waxa qaacido guud oo Aviationka ah, in mar kasta oo Jawiga/Cimilada Airportka ku xeerani sii kululaatoba, ama Jooga/Cabirka Airportku badda ka sareeyaa sii kordhoba, inay diyaaradu u baahanayso dhabe/runway dheer oo suurtogaliya inay la duusho culayska ay sido.

Tusaale ahaan; Dubai Airport (DXB) wax badan kama sareeyo jooga badda (Elevation) waaba 19m/62ft oo keliya, hase yeeshee waxa uu ku yaalaa dhul cimiladiisu kulushahay, sidaa daraadeed waxa lagama maarmaan noqotay in la dheereeyo 2da dhabe ee diyaaraduhu ka haadaan kuwaas oo kala ah 4000m (4KM) 12L/30R iyo 4447m (4.5KM ) 12R/30L.

Tusaale kale; Addis Ababa Airport (ADD) wuxuu badda ka sareeyaa 2325m oo u dhiganta 7627ft sidaa daraadeed dhabihiisa diyaaraduhu ka haadaan/degaan waa la dheereeyey waana 3800m (3.8KM) taas oo suurtogalinaysa in diyaaradaha waaweyn oo xamuul culus sidaa ay isticmaali karaan.

Marka aan u soo noqdo Hargeisa International Airport (HGA), cabirka/jooga uu badda ka sareeyaa waa 1348m oo dhiganta 4422ft, halka dhererka dhabaha diyaaraduhuna yahay 2438m oo u dhiganta ku dhowaad 2.5KM.

Sida Wasiirka Duulistu sheegay weli ma dhamaystirna dhabaha diyaaraduhu isla markaana wuu ka gaaban yahay dhererka ay u baahan yihiin inta badan diyaaradaha dhexe ee ay ka midka yihiin A320 family sida A318, A319, A320 iyo A321 ama B737 group sida B737-300, B737-400, B737-600, B737-800 iyo B737-900 iwm.

Sida Madaarku hadda yahay waxa ku isticmaali kari lahaa diyaaradihii Ruushku farsameeyey ee shirkadaha Soomaalidu isticmaali jireen kuwaas oo muddo dheer inoo ahaa gaadiidka qudha ee aynu isticmaalo sida AN-24 iyo IL-18, balse hadda diyaaradaasi waa la joojiyey isticmaalkooda, ogaantayna shirkadaha Somalidu may haysan diyaarado kooban oo toos uga soo duuli kara Dubai/Sharjah/Jeddah oo ka degi kara Hargeisa Airport.

Sidaa daraadeed, Ethiopian Airlines waa shirkada keliya ee hadda ka degi karta garoonka Hargeisa, iyada oo isticmaali doonta diyaaradaheeda yar yar ee Bombardier Q-400 loo yaqaano, kuwaas oo qaadi kara ugu yaran 70 qof oo isugu jira Business iyo Economy class, taas oo ka dhigaysa inay shirkadaasu heshay fursad qaalli ah oo ay ku soo jiidan karto rakaab badan oo doorbidaya inay diyaarad ku yimaadaan Hargeisa, halkii ay kaga iman lahaayeen Bus ka soo qaaday Berbera marka ay diyaaradaha Somalida halkaa kaga degaan.

Sidaa daraadeed, kordhinta dhabaha diyaaradaha ee Madaarka Hargisi waa lagama maarmaan, inta hawshaasi suurtogalaysona, shirkadaha diyaaradaha ee Somalida waxa la gudboon inay raadiyaan tabtii/xalkii ay ku ilaashan lahaayeen rakaabkooda si aanay uga wareegin, iyaga oo sameynaya soo jiidasho badan sida qiime-dhimis tigitka ah, miisaan badan oo dadka loo ogolaado inay qaataan iwm.

Waa Qalinkii:

Cabdikariim Cali Baarjeex

BA (Hons) Aviation Management

Bristol, United Kingdom

baarjeex@hotmail.com

War- murtiyeed

$
0
0

Somaliland Journalist Association

Alkheyr Building A Block 1st Floor Apartment #101. Presidential Road

Tel: 532206/4000277/4429514 www.ururkasolja.org soljajour@gmail.com

Ref: 05/08/2013 Date: 24/8/2013

War-murtiyeed, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, isagoo ka duulaya ah-daafta iyo Mabaadii’da bud-dhiga u ah jiritaanka Ururka oo ah ilaalinta iyo la-socodka jiritaanka iyo kobcinta hay’adaha Warbaahinta iyo sidoo kale kor u qaadista aqoonta iyo Xuquuqda Suxufiga, waxa uu la tashi iyo kulamo Ururku la yeeshay madaxda hay’adaha Warbaahinta (Media Houses), isla markaana qiimeyn iyo xog ururin ku sameeyey dhaq-dhaqaaqyo iyo hadal-hayn cusub kuna taxa-luqa sameynta Xeer Saxaafadeed cusub oo ka duwan Xeerkii labada Gole ee Xeer-dejinta Qaranka u qaabilsani ansixiyeen, Madaxwenihii hore Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin-na uu Saxeexay dhaqan-galkiisa ee Xeer No.27/2004.

Sida ku cad Xogo Ururku gacanta ku hayo baahida Xeerka cusub waxay ku fasireen shakhsiyaad ka mid ah xubnaha dabada ka riixayaa inay tahay wax ay ku tilmaameen (Cay iyo Af-legaado), siday sheegeen lagu hayo Madaxda Sharafta leh ee maamuus ahaan Qaranka ugu mudan, Sidaa darteed uu lama huraan yahay samaynta Xeer adag oo lagu xakameeyo Madax-bannaanida hadalka iyo Xorriyada Saxaafadda.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, markuu arkay waajibaadka Dastuurka Qaranku u damaanad qaaday ee Xorriyada ra’yi dhiibashada, Saxaafadda iyo Warbaahinta, sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, qodobkiisa 32-aad, xubnihiisa 1-aad iyo 2-aad, kuwaasoo si hufan u qeexaya xorriyada hadalka iyo madax-bannaanida Saxaafada, una dhigan sidan;

1. Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, Suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.

3. Saxaafadda iyo Warbaahinta kale waxay kamid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi-dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya”.

Sidoo kale, Ururka SOLJA raad-raac markuu ku sameeyey qaabka iyo qawaaniinta Saxaafadda ka hawl-gasha Dawladaha leh Siyaasada fur-furan ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Turkiga, kuwaasoo aan lahayn Xeer Ciqaabeed. Tusaale ahaan dalka Ingiriisku waxa ka jira Guddi anshax oo loo yaqaano ‘Press Complaints Commission’ (PCC), kuwaasoo ka garsoora dacwadaha ka dhan ka ah Saxaafadda ee loo gudbiyo. Faransiisku waxa Warbaahinta lagu la dhaqmaa Axdi Mihnadleyda Saxaafadu, dalka Turkiga waxa jira isna Guddi Saxaafadeed madax-bannaan oo loo yaqaan ‘Press Council’, kuwaasoo waajibaadkoodu yahay ilaalinta anshaxa mihnada Saxaafadda. Halka dalalka nidaamada ka taliyaa aanay jeclayn xuquuqda madax-bannaanida Saxaafadda ee ay ka midka yihiin Sucuudi Carabiya, Itoobiya, Kuwait, Rwanda iyo Bosnia lagaga dhaqmo Xeer Ciqaabeed ka kooban Xadhig, Xayiraad, Dil, Ruqsad ka qaadis iyo ganaax laf-jab ah.

Sidaa awgeed, Ururka SOLJA, markuu madaxda hay’adaha Warbaahinta madaxa-bannaan ee Somaliland la tashi la yeeshay, isla markaana si qoto-dheer u lafo-gureen arimo dhowr ah oo ku saabsan Xeerka cusub iyo xaalada Warbaahinta maxaliga ahi ku sugan tahay, una cadaatay Ururka SOLJA in aanay Warbaahinta Maxaliga ahi waqtigan qaadi karin in la saaro culays, hase-yeeshee, marka la eego ged-gedoonka Siyaasada iyo Xaalada Mandaqada Geesta Afrika, mudan tahay Saxaafadu in Qaranku fikir guud oo taban ka yeesho.

Iyadoo Ururka SOLJA ay ka go’an tahay in la sameeyo saaxad fayo qabta oo bulshadu ka hesho Warar iyo war-bixino sugan oo ku dhisan hab iyo hanaan xirfad iyo anshax leh, kana soo horjeedo in si toos ah loo xajiimeeyo madaxda Qaranka ama Sharafta muwaadiniinta meel lagaga dhaco, waxa uu dhawaaq dheer iyo mid gaaban-ba kaga soo horjeedaa faro-gelinta Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Xeer No. 27/2004, waxa kale oo Ururku ka digayaa Shirqoolka iyo dabinada aan cilmiga ku dhisnayn ee loo maleegayo Saxaafadda, kuwaasoo ay wadaan shakhsiyaad iska horkeenaya Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aanay dhaqankiisa ahayn cabudhinta xorriyatul-qawlku iyo Saxaafadda.

Sidaa awgeed, Ururka SOLJA, waxa uu si nasteexo ah ugu dirayaa Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in uu ka feejignaado talooyinka, qorsheyaasha iyo mooshinada aan nasteexa u ahayn ee kolba weji ay ugu geynayaan shakhsiyaad aan lahayn karti iyo xirfado ay wax kula soo baxaan, balse si dhaqaale ay u helaan mashruuca ka dhigta Saxaafadda.

ALLAA MAHAD LEH

Guddoomiye-ku-xigeenka Ururka SOLJA

Maxamed Cabdi Guuleed (Curad)

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Gudoomiyaha Shirkada Dhismaha ee Daryeel Waxay ii Sheegeen in La Siiyay Kaalinta Shidaalka Dawlada ee New Hargeysa (ina galan)

$
0
0

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Gudoomiyaha Shirkada Dhismaha ee Daryeel Waxay ii Sheegeen in La Siiyay Kaalinta Shidaalka Dawlada ee New Hargeysa(ina galan) iyaguna Ay Xirsi Abaal Gud u Siiyeen 200.000$ oo doolar.

Waxaan ahay muwaadin u dhashay Somaliland oo degen magaalada hargeysa kana mid ah ganacsatada heerka dhexe waxaanan arkay arin mucjiso ah oo aanan iyadoo kale hore u arag, maalintii sabtidii ee ay taariikhdu ahayd 17/08/2013-ka anigoo fadhiya mid ka mid ah xafiisyada nin maal qabeenada Somaliland ka mid ah,ayuu noo soo galay mid ka mid ah dilaaliinta waaweyn ee reer hargeysa ee dhulka iibiya ,oo aanu si wanaagsan isku naqaano.

Waxaanu markiiba ka hadlay ujeedadii uu u socday madaama aysan goobta fadhiyin cid uu ka xan qarsadaa oo aanu laba nin oo kaliya ahayn,waanu ninkii dilaalka ahaa uu ninkii maal qabeenka ahaa u sheegay in uu iibinaayo kaalintii shidaalka dawlada ee new hargeysa (ina galan) ninkii maal qabeenka ahaa inta uu hanqalka la soo kacay oo uu hore u soo fadhiistay ayuu yidhi intii ay Somaliland jirtay maan arag kaalin shidaal oo ay dawladu leedahay oo la iibinayo ee adiga ayaa ku yidhi soo iibi.

Waxaanu ninkii dilaalka ahaa ku jawaabay waxaa kaalinta shidaalka iyo dhulka banana ee bariga iyo waqooyiga ka xigaba la siiyay oo anigana igu yidhi soo iibi gudoomiyaha rugta gaancsiga ee Somaliland Maxamed Shugri Jaamac iyo Gudoomiyaha Shirkada dhismaha ee daryeel oo ay walaalo yihiin Kayse Shugri jaamac , arintan markii aan la yaabay waxaan isku dayay in aan xaqiijiyo markii aan xafiiska ka baxayna waxaan kaxaystay baabuurkaygii oo waxaan tegay goobtii uu ninka dilaalka ahi iibinayay.

Markii aan mesha tegay waxaan arkay iyadoo laga raray dadkii deganaa eeriyada kaalint oo dhan oo burbur badanina uu ka muuqdo meeshana albaabada loo xidhay markii aan waraystay dadka jaarka la ah kaalintuna waxay ii sheegeen in 04/08/2013-ka dadkii meesha deganaa ciidamo la dul keenay oo ay rasaastu ay hadhbeeshay oo xoog meesha lagaga raray qaarkoodna la xidh xidhay markii aan halkaasi ka soo noqdayna waxaan imid xafiiska shirkada dhismaha ee daryeel ee dhinaca waqooyi ka xiga waxaada gacan libaaax.

Nasiib wanaag waxaan halkaasi kula kulmay gudoomiyihii rugta ganacsiga iyo gudoomiyihii shirkada dhismaha ee daryeel oo xafiiska ku wada sugan , markii aan weydiiyey sida ay wax uga jiraan arintii uu ninka dilaalk ahi waday wuxuu gudoomiyaha rugta ganacsigu ii xaqiijiyey in ninkaasi dilaalka ah iyagu ay soo direen oo ay meesha iyagu iibinayaan oo la siiyay sided bilood ka hor balse uu fulinta lagaga rarri lahaa dadkii meesha deganaa uu iska hortaagay wasiirkii hore ee arimaha guduhu mr Duur oo isagu nagu yidhi hadii meesha la idin siiyey la heshiiya dadka meesha degan oo dhismayaasha ka galay lacagtoodii u celiya.

Hase yeeshee Cali waran cade ayaa noo fududeeyey markii uu xafiiska fadhiistay isagoon wax shuruud ah nagu xidhin markaa mar hadii meesha nala siiyay dadkii deganaana laga raray xaqbaanu u leenahay in aanu iibin karno, waxaan weydiiyey qaabka ay u mareen siinta dhulka intan leeg iyo lacagta lag siiyey waxaanu gudoomiyaha rugta gaancsigu iigu jawaaabay meeshu iib caadi ah oo ganacsaatda iyo dadweynaha loo soo bandhigay may ahayn ee waa nala siiyay anaguna wasiirka madaxtooyada mr xirsi oo hawshaasi noo fududeeyey ayaanu siinay 200,000$ laba boqol oo kun oo doolar oo abaal gud ah.

Qore : Axmed Faarax Shirdoon

Email:shirdoon1112@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

Haddii aan reer Awdal ahay dantaydu ma waxa ay ku jirtaa in aan Siilaanyo u Guulwadeeyo mise waa in aan noqdo mucaarid wax goosan kara.

$
0
0

Haddii aan reer Awdal ahay dantaydu ma waxa ay ku jirtaa in aan Siilaanyo u Guulwadeeyo mise waa in aan noqdo mucaarid wax goosan kara.

 

 

 

Maqaal hore waxan ku sheegay in ay Somaliland ka kortay xilli xoog wax lagaga doono amma hadal adag, maya taasi run may ahayn, ee malaha waan la fahmine wax baa ku hoos jiray. Qoraal kale oo kaa ka horreeyeyna waxan ku sheegay in aanay reer Awdal lahayn siyaasiyiin wax u soo u soo gooya amma awooddooduba aanay gaadhsiisnayn in ay masraxa siyaasaeed ka muuqdaan, taasina dad badan ayaa igu raacay. Maantana sheekadu waxa ay ila maraysaa su’aasha ah danta dadka iyo dagaanku halka ay ku jirto oo ah in maamulka mashaqada badani hor taallo loo guulwadeeyo, mise in ay dadku aayahooda ka tashadaan.

 

 

 

In muddo ahba waxa aan qoraa sheeko ka tarjumaysa waaqaca Somaliland ka jira oo aan ugu magac daray socdaalkaygii dhulka hooyo. Qoraalkaasi taxanaha ah oo weli socda, xalqadaha hadhayna ay noqon doonaan kuwo si fiican runta uga sheega nolosha dhinacyadeeda badan ee ay dadkaygu ku dhex nool yihiin. Haddana waxa aan gocday qoraalkan oo aynaan kaga wada jawaabi karin su’aasha aan mawduuca uga dhigay qormadan, inta ay gacantaydu gaadhi kari weydana waxa aan dib ugu dhiganayaa amma wax kaga soo dari doonaa sheekada taxanaha ah ee aan kaga sheekaynayo socdaalkaygii.

 

 

 

Afeef.

 

 

 

Aan idhaahdee, ma ihi qoraa qalinka u qaatay in uu kiciyo dadkiisa amma fidno abuuro oo taasi eebbe ayaan ka magan galay, waxanse isku dayayaa in aan runta ka sheego nolosha ay ku dhex nool yihiin dadkaygu oo aan taabsiiyo boogta, si bal ay daawo ugu helaan. Iyada oo aan dhinaca kalena wax u sheegayo kuwa maamulka u haya Somaliland ee dhagaha ka furaystay dadkayga.

 

Ma dafiro wax qabadka maamulkaa, horena waxa aan in badan ugu ammaanay in ay dadka uga wax tar badan yihiin maamulkii ka horreeyey ee weliba loo tirinayey in madaxweynuhu ka soo jeedo dhinaca Awdal. Laakiin waxa aan shaki ku jirin in ay ka diimmoon yihiin halka sartu ka qudhunsan tahay ee la rabo in ay wax ka qabtaan. Inta aynaan taasi u gelinna, aan ku horreyno, dhalliisha dadkayga iyo waxa laga rabo ee in ay qabsadaan ah.

 

Dhalliisha koowaad waxa dusha loo saari karaa hoggaanka siyaasiga ah ee gobolka iyo ka dhaqanka ee aan u soo  jeedin in ay hujuumaan meesha dhalliishu taallo. Sababtuna waxa ay noqonaysaa, waxa ay matilaan hoggaanka shacabka, waxa lagu dhaqaaleeyaa u adeegga danta shacabka, waxa ay mar walba ka qayb galaan shirarka heer walba leh oo aan aragno iyaga oo TVyada soo hor fadhiya, oo ku hadlaya hadal jilicsan. Mar haddii ay intaasi isku darsadeenna, maaha in ay u egaadaan dad iskood iyo shakhsiyaad uun u hadla, maaha in ay dadka kala qaybiyaan, maaha in ay danaha dadkooda u hadli waayaan, maaha in ay wax maalin jiraya u habradaan.

Qurba joogga ayaa iyaguna qayb ka ah dib u dhaca shacabkooda, waxana looga baahan yahay in ay hurdada ka kacaan oo ay ka baxaan walaahowga, aammuska, ka maqnaanshaha fagaarayaasha. Haddii ay dhalliilsan yihiin maamulka shacabka reer Awdal ku hoos noolyihiin, waxa ay ka iftiimin karaan dibadda, waxa ay ka tamcayn karaan dibadda, waxa ay ka samayn karaan qoraallo.

Waxa dhalliillan aqoonyahanka reer Awdal ee gudaha iyo dibadda jooga, ee aan uba soo jeedin ka hadalka danta ummaddooda, ee aan wax tarka lahay, aaway aqoontii bulsha reer Awdal lagu sheegayey ma waxa ay ku soo aroortay in qof walliba ku fillaado uun reerkiisa amma naftiisa. Sidan aan sheegayo waxa ay niyad jabisay dhallintii soo koreysey, lamana tartami karaan qayrkood, lama kaftami karaan qayrkood. Waxana ay ku sii jiidaysaa hoyga gunnimada.

 

 

Dhawaan waxan dhegeystay/ daawday filim laga soo duubay shir loo qabtay qurba joogga sannadkan tegey Borama, oo runtii si adag uga hadlay siyaasadda gobolka ee aan ka sheekaynayo, waxana ay aad u dureen xaqiiqooyinka ka jira mandiqadda sida, caddaalad darrida, sadbursiga iyo cuna qabatayna lagu hayo gobolka. Hadda bal daawo:

 

Kaaga sheekayn maayo oo waad aragtay doodda meesha ka dhacday, waxase aan u bogay sida Meeyarku u hadlay oo xaqiiq ah, waxana dhalliilan shacabka ee waa sida uu hadalka u yidhiye maaha in cid kale lagu xag xagto. Balse waxa uu illoobay in uu isagu maanta mimbarka fadhiyo, oo looga fadhiyo in uu saxo shaxda qaldan amma uu dhabarka ka riixo, hoggaankan ka soo maagay in uu Hargeysa tago amma la doodaan maamulka Hargeysa.

 

 

 

Maaha in la qariyo dhibta aadka ah ee gobolku qabo, ee shacabka ragaadisay, maaha in la cabudhiyo dhalinyarada, mahaa maaha…haddii ay sidani sii socotana waxa dhici doonta in dhallintu kacdo, nolol darrida iyo cabudhinta gobolka saaran laga kaco, shaqa la’aanta iyo dhaqaala xumida laga kaco. Awood darrida siyaasiyiinta reer Awdal laga soo hor jeesto.

 

Maanta waxa la sheegayaa in Ahmed Siilaanyo ka qayb galayo qalin jabinta ka dhici doonta Jaamicadda Cammuud, horena waa uu uga qayb galay, waxana lagu maamuusay shahaadad sharaf qiima badan, waanu guddoomay. Ceeb maaha in nin marti kuu ah ku soo sharfay aad ku sharafto wax qiima badan, laakiin waa in uu isna gartaa in abaal gudkii sharafta uu jawaabteedii la yimaaddo. Ma lihi Madaxweyne Ahmed Siilaanyo waa garan la’yahay taasi, laakiin wax kale ayaa jira.

 

 

 

Reerka beesha dhexe iyagaa xilligan kala dhammaan la’, dhib ayaa jirta, oog baa shidan, Hargeysa ka shidan, Burco ka shidan, siyaasado ayaa qaldan, maamulka ayaa qalad soo galay, talo waxa ay u dhawdahay in ay fara ka haaddo. Intaa aan soo sheegayba dunida iyo shacabku indhaha ayey ku hayaan. Luqadaha qaldan ee mediaha la isku dhaafsanayaa waa kuwo xanaf badan, waxanan tusaale ahaan ka soo qaadan karnaa. Kani u dambeeyey ee guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ee uu sida naxariis darrada leh uga hadlay maamulka Ahmed Siilaanyo, ee iyana uu isla markiiba jawaabta ka bixiyey wiilka ku magacaaban af-hayeenka Madaxtooyadu. Ma sidaasi ayaa Somaliland ku faani kartaa, oo ay dadkeedu maamul dawladeed ku haystaan, haddii mas’uul xisbi mucaarid ahi uu dar jiidho, amma runtaba si adag uga hadlo, ma waxad akhristow u jawaabi lahayd sida afhayeenka la yidhaa Dhuxul.Maya halkaasi waxa ay tilmaamaysaa in ay dhalliili jirto, gaabis aqooneed jiro, qabyaaladi jirto, danaysi jiro iwm.

 

 

 

Waxan ku soo gaba gabaynayaa, Somaliland maamulkeeda Viras ayaa soo galay, waxa oodmay dhagihii, maamulkii ma maqlayaan waxa la sheegayo, ee dadka danta wadaa sheegayaan, haddii wax la sheegana waxa lagaga jawaabayaa cadho iyo cunuf. Gobollada maqani way maqan yihiin waxanse ka baqayaa in gobollo kale gu’i doonaan.

 

 

 

Ahmedweli Goth

shueebi@hotmail.com)

 

 

Shabakada qarannews, marna kama masuul aha fikradaha iyo dhamaan maqaalada ku soo baxa bogani ee ka imanaaya akhristayaasha

Xarakada Islaax Somaliya iyo Somaliland oo dooratey Hogaan Cusub

Xer Is-Xukunta oo Awood Dhaqaale Iyo Mid Dawladeed Ku Maquunisay Shaqsi Keliya

$
0
0

Hargeysa(Qaran news)-Warar Wargeyska Yool ka helay ilo ku dhow-dhow Burjuwaasiyiinta Shirka Agabar, ayaa lagu sheegay in Xaalada Shirku degan tahay marka la barbar dhigo dareenka Shirku halkii uu markii hore gaadhay, isla markaana lagu guuleystay isla meel-dhigista qabyo-qoraalka ajendaha wejiga labaad ee Shirka, xulista ergooyinka iyo saami-qeybsiga wufuuda Shirka kasoo xaadiri doona.

Inkastoo arimahani guul u yihiin marka la barbar-dhigo is-mari-waagii lagu jiray Toddobaadkii aynu kasoo gudubnay oo xaalada ahayd mid aan lahayn weji loogu hagaago, hadana mar haddii 45-kii daqiiqo ee wejiga hore ee Ciyaarta kusoo gebo-geboobay qorshahan iyo go’aamadan, waxa is weydiin mudan loollankii Siyaasiyiinta Beesha ee jaha-wareerka Shirka sababay ma sidii Jinka ayaa Shiday, mise xaaladu halkii hore ayey taagan tahay?, tallaabooyinkanina waa guulo hordhac u ah ujeedooyinkii marka hore la isku mari la’aa, oo iyagoo weji kale leh u suurtogalay mid ka mid ah labadii garab ee xafiiltanku u dhexeeyey?.

Shirka Beelaha Sacad Muuse, ka sokow danaha beesha, waxa kaloo uu Muftaaxa rajadiisa u ahaa Shirweynaha Xisbiga KULMIYE ee sida qorshuhu yahay la filayo inuu qabsoomo daba-yaaqada Sanadkan, oo isagu sugayey natiijada Shirka Agabar iyo Siyaasiga hanta kalsoonida awooda Beelaha Sacad Muuse, maadaama siday Kaadiriinta KULMIYE ku kaftamaan ay kalsoonida awooda Beesha ku loollamayaan Siyaasiyiin Xukuumada iyo Xisbul-Xaakimku qaarna qalbiga ku hayaan kuwo kalena Xanjeerka dhabarka ku sitaan.

Haddaba, haddii aynu ku marno Su’aasha hore ee ku saabsan in Shirka laga dabiibay damacii Siyaasiyiinta Beesha ee sida feeraska (Virus) u jiidhay, marka loo dhabo galo ama la eego nuxurka ajendaha qabyo-qoraalka Shirka loo asteeyey, horaa loo yidhi: “.Rag damac kama dhamaado’e”, waxa muuqata in xaalada iyo hawlaha Shirku la hayste u yihiin Xer is xukunta oo isku darsaday awood dhaqaale iyo mid dawladeed, heshiisna ku ah hal qodob, kaasoo ah inay muquuniyaan shakhsi keliya oo ay arkaan in aanu Xerrow ahayn, sidaa darteed waxa keliyee wejigan labaad ku cusubi uu yahay arimihii hore Shirku ugu mergaday oo direyskii laga bedelay, waxana arimahaa daliil u noqon kara, iyadoo xubnihii lahaa talada qorshahan la gaadhay oo sida dadka qaarkooda xusaan ay ku jireen xubno ka tirsan Golaha Xukuumada oo iyagu Ciyaaraya laba kaadh oo ah midka beesha iyo kan Xukuumada.

Sidaa aawadeed, dadka qaarkood waxay qabaan in Irbada xumad-jebinta ah ee xiisadii Shirka lagu demiyey 90% yihiin kuwo maslaxad u ah kooxda isku afkaarta ah, oo iyagu markoodii horeba qabay in Siyaasada iyo Shirka la kala madax-banaaneeyo, taasina ay hadda u dhacday siday rabeen. Waxa kaloo aragtiyahaa dadka qabaa meesha ka saaraan rajadii ay Shirka ku lahaayeen dhinaca kale ee la isu xullafaystay.

inkastoo arimuhu weli si dhab ah u kala cadaan, hadana waxa jira fikrado kuwaa ka gedisan oo iftiiminaya in garabka la isu xullafaystay weli rajo u laaban tahay, maadaama aan la dhayalsan Karin xidhiidhka qotada dheer ee beesha weli ugu laaban garabka la tun-jilicsaday, iyo sidoo kale xubnaha Xukuumada oo laf ahaantoodu walaac kaga jiro in arimuhu bilow ilaa dhamaad ku socon doonaan Sacab iyo Mashxarad iyo in xaalku noqon doono Karis xun iyana wax ku la’.

Balse waxa arimahan oo dhami si dhab ah u kala miir-dilaaci doonaan marka Shirka iyo hawlihiisa la dhaafo ee daba-yaaqada Sanadkan markale la isku soo hor-fadhiisto faynalka wareegga u dambeeya Ciyaarta ee lagu kala hadhayey.

Wasaarada Beeruhu Ma Waxay Noqotay Xarunta Nabaad-guurka Dalka?

$
0
0

Hargeysa(Qaran news)-Wasaarada Beeraha Somaliland, ayaa lagu eedeeyey inay qeyb ka tahay hirgelinta qorshe sababi kara in Nabaad-guur ku yimaado Beeraha oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee dalku hodanka ku yahay.

Wasiirka Beeraha Somaliland Md. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), ayaa toddobaadkii hore la wareegay Siidh dalal qalaad laga keenay oo qiimihiisa lagu qaday laba Milyan oo Doolarka Mareykanka ah ($2000,000), kaasoo sida Wasiirku sheegay ay bixisay ‘Live For Relief And Development’ oo ah hay’ad Kiritaan ah oo sida la sheegay hore dalka u keentay raashin dad ku xanuunsaday.

Hase-yeeshee Qaar ka mid ah Beeralayda Gobolada iyo Degmooyinka dalka, ayaa si adag u naqdiyey Siidhka Wasaarada Beeruhu u qeybisay qeybo ka mid ah Beeralayda dalka, kaasoo ay ku tilmaameen mid macmal ah oo lagu dhaxal-wareejinayo Siidhkii debiiciga ahaa (Organic) ee dhul-beereedka Somaliland caanka ku ahaa, waxana ay ku doodeen Siidhkani yahay mid dhibaato weyn u keenaya Beeralayda maadaama bay yidhaahdeen ‘Beerta lagu abqaalo aanu mar dambe kasoo doonin dalaggii laga filayey, sidii hore u dhacday markii la bedeshay Siidhkii Xab-babka’.

Xubno ka mid ah Beeralaydan oo Wargeyska Yool kula kulmay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Wasaarada Beeruhu ku guul-dareysatay inay kaantaroosho dalka kusoo waaridaan Dawooyinka Beeraha, iyagoo aan aqoon u lahayn wax-tarka iyo waxyeelada ay leeyihiin, waxana ay Su’aal geliyeen; Wasaaradii u xil saarnayd ilaalinta iyo horumarinta Beeraha ma waxay isu Xarun loo maro Nabaad-guurinta dalka.

Siidhku wuxuu ka mid yahay meelaha laga baabi’iyo wax soo saarka dhinaca Beeraha ee dal leeyahay, mana jirto cid bulshada ka hubisay tayada Siidhkan, maadaama aan la soo marin hay’adii Qaranka u qaabilsanayd hubinta Kaantaroolka tayada (Quality Control). “Yaa dhaxal-wareejiyey Siidhkii debadiiciga ahaa ee Beeraha Somaliland?!, Wasaarada Beeruhu’se ma waxay noqotay Xarunta Nabaad-guurinta dalka?! .” Sidaas waxa ku tiraabay Aqoonyahan Ahmed Xuseen oo aqoon durugsan u leh Culuunta Beeraha.

Caqabada haysta Beeralayda:

Somaliland waa Caro-san ah oo ka mid tahay meelaha Aduunka ugu wanaagsan Wax-beerashada. Beeralayda Somaliland oo dhaqaalaha dalka kaalin ku yeelan lahaa haddii ay dhinaca Xukuumada ka helaan dhiirigelin iyo qorshe horumarineed oo ku wajahan kobcinta wax soo saarka Beeraha, waxa ku gedaaman caqabado ka hor-taagan inay diyaariyaan Beero dalagyada kasoo go’aa uu ku filan yahay dalka, loona iib-geyn karo dalalka jaarka ah.

Nasiib-daro, wax-tar ha joogee waxa jira waxyeelooyin Beeralayda kaga yimaada dhinaca Wasaarada Beeraha, kuwaasoo ay ka mid tahay tallaabada Xukuumadu gacanta ugu siisay hay’ada WFP iyo dalal kale inay dalka keenaan raashin iyo dalagyada kale ee bulshadu isticmaasho waqtiga ay dalagyadu u soo go’aan beeralayda Wadaniga ah, taasoo caqabad ku noqota Suuqii ay u iib geyn geyn lahaayeen dalagyada u soo go’a, iyo sidoo kale tallaabadii yaabka lahayd ee Wasaarada Beeruhu Sanadkii hore ku xaraashtay Cagafyadii hay’ada Cuntada Aduunku (FAO) ku caawisay Beeralayda Somaliland. Iyadoo Wasaarada Beeruhu hore ugu fashilantay ka midho-dhalinta Bariiskii Baanka Islaamku ku caawiyey Somaliland iyo Itoobiya, kaasoo uu si weyn uga faa’idaystay dalka aynu Jaarka nahay ee Itoobiya.

Sidaa darteed, waxay bulshadu is weydiinaysaa maxaa Wasaarada ku kellifay inay qeyb ka noqoto qorshe dhaqaale balaayiin Doolarka Mareykanka ah lagu kharash gareynayo Siidh aan waxyeelo mooyee wax-tar u lahayn dalka, waqti Beeralayda Wadaniga ah caqabado ka haystaan doorkii dawliga ahaa ee kaga aadanaa horumarinta wax soo saarka Beeraha, kuwaasoo u hal-u-helidoodu ku siman tahay gacan-qabasho yar oo Wasaaradu ku garab istaagto Beeralayda?. Ma la odhan karaa’se Xukuumada hayn la’aan kama aha’e waa ka hagrasho?.

=

Yool


Waxaan Leeyahay Masuuliyiinta WFP-Wax Haka Qabtaan Takoorka Ka Jira Bakhaaradooda Berbera By Gacan Qoorgaab.

$
0
0

GacanQoorgaab.

Bakhaaradda raashinka ee WFP ee magaaladda Berbera ,waxay bilaabeen qorshe umadda reer Somaliland lagu kala takooraayo ,oo qaar-na lagu riixaayo ,qaarna lagu soo dhweysanaayo ,waxaas oo dhana waxa ka danbeeya wakiilka WFP u qaabilsan Istoodhadda raashinka ee Berbera.

Masuulkaasi waxa uu bilaabay Bakhaaradda raashinka ee WFP-ee Dekedda Berbera ,marka ay gaadiidka ,shaqooyinka ka doonaaya ee rarka qaadaaya u yimaadaan ,Gaadhi reerkoodu leeyahay mooyee in aanu gaadhi kale lawdh ka qaadin ,arinkaasi oo ah wax lala yaabo ,oo u muuqda in sumcada hayadda lagu dilaayo.

Markaa waxaan leeyahay hayadda WFP miyaydaan umadda dhex u ahayn ,maxaa sababay in ay Bakhaaradiina Berbera ,waxan oo kale ka dhacaan oo giidiidka shicibka qaarna la takooro qaarna la soo dhaweysto ?.

Markaa waxaan ku wargalinayaa masuuliyiinta hayadda ee guud ee Somaliland in ay arimaha noocan ah ee masuulkani samaynaayo si deg deg ah wax uga qabtaan ,gaadiidka raashinka qaadayaana haw sinaadaan Bakhaaradda WFB ee Berbera.

Waayo ? Hadii kale waxa ka dhalan kara dhibaatooyin amnidaro oo hayadda saameyn ku yeesha.

Faarax Xuseen Maxamed (Gacanqoorgaab).

Burco Somaliland .

Shabakada qarannews, marna kama masuul aha fikradaha iyo dhamaan maqaalada ku soo baxa bogani ee ka imanaaya akhristayaasha

The verses are the verses but the man is not the man

$
0
0

Abdiraxmaan
Somaliland bicameral parliament the House of Elders – which is Gurti in Somali – is the Upper House and the most powerful body in the country’s legislative branch. The House of Elders reviews the legislations passed by the House of Representatives before it is forwarded to the President. The House’s principal responsibility since its creation in 1993 in Borame Conference is preventing and resolving disputes whether it is political, social or clan based dispute. The Gurti’s mediation role was always being received with broad hearts and its verdict was convinced by all the parties in dispute anonymously. The members of the Somaliland House of Elders were in charge of the formation of Somaliland governments in 1993 and 1997 during the clan based system rule was functioning in the country.

The Gurti has resolved disputes with distinct magnitudes and traits. They resolved severe inter-clan disputes and longstanding rows over land ownership – a subject which is so sensitive in Somali community up to the present. If you want to be familiar with the Somali legacy of war you unavoidable make out that Somalis always fought over the ownership of grazing lands and water-wells. Much of the Somali former poems portray a sense of hegemony and pride of one clan to another on their triumph and the conquest of their grazing lands.
The reconciliation authority of the Gurti was not something offered as gift. It was the product of The Gurti’s pacification mechanism, self -less efforts, sincerity, courtesy, impartiality and decency behavior that they dominated the minds and the hearts of the people. It is definite that former members of the Somaliland Upper House of Elders were not group of people who unexpectedly bounced into this position. Nevertheless, they were genuine experts in handling sensitive issues. Without much expense, working voluntarily under the acacia tree, they steered the country and the people from crisis and bloody inter-clan wars those ravaged the rest of what was once termed as Somali Democratic Republic. On the other hand, they were real devout Muslims who live on the fruits of their hard labors.
However, the Gurti’s meditation and reconciliation role is not as brilliant as ever before. It has significantly shrunk and missed out its momentum. Inter-clan disputes continue in various parts of the country that have several times turned out into an open fight that caused heavy casualties. Although, the House as its usual tried to resolve the ongoing disputes much of its effort has not produced the expected results which was to end the disputes and planting an everlasting harmony among clan members. The story of the man whose father was a great shaman who used to exorcise the bad evils from the people and when the father died the man wanted to heal the patients as his father did without the divine piousness of his father well serves to the inactive role of the current Somaliland House of Elders. As the man read the very verses of the Holly Qur’an that his deceased father used to read on patients. The ailing person did not feel any change, then the people around asked the healer why this was so… the patient all of sudden spurted out and said ‘the verses are the verses but the man is not the man’.
Much of the limitation that weighed down the effective engagement of the House of elders, in my point of view, is from three angles. Firstly, many of the former members of the House are either dead, ailing, resigned or exhausted. Secondly, the membership of the new members of the Council did not come through the exact screening and the right criteria match up to their predecessors. The only condition is that the new member should be the close relative of his predecessor if not his son or brother. In this perspective, the House echoes as source of income from where family’s income is made ready. Thirdly, the speaker of the House in the last ten years has been a veteran politician who can have interests and aspirations sound contrast to the traditional form of the House.
As part of my suggestion, I want to propose here four points. First, when a member of the House vacates his post his successor should be an influential figure who has a profound knowledge to the culture and to the customary law. He should be someone who has conflict resolution mechanisms in his profile record. Second, the membership age of the House should be from fifty to eighty. Third, the tenure of the House should be ten years without extension whatever the circumstance on the ground is. Fourth, any person who serves as the speaker of the house should be religious person who possess sound knowledge to the history of Somaliland and the culture of the people.

A/rahman O. Hussein

Hargeisa –Somaliland

sahal_05@hotmail.com

As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com

Sidee buu Cali Gurey iyo Faysal Cali Waraabe Ugu Jawaabi Karaa nin aan Ku Kalsoonayn Midabkii iIahay u Dhaliyey Oo Sidii Dumarka is Cadeeyey!!

$
0
0

Sidee buu Cali Gurey iyo Faysal Cali Waraabe Ugu Jawaabi Karaa nin aan Ku Kalsoonayn Midabkii iIahay u Dhaliyey Oo Sidii Dumarka is Cadeeyey!!!!!!!!!!

Inkasta oo ay waagsan tahay oo diinta iyo dadnimaduba amaaneen in qofka aadamah ahi is qurxiyo oo rasuulka ale ayaa yidhi ilahay wuu wanaagsan yahay ee idinkuna is wanaajiya,ayaa hadana waxa had loo yeelay siyaabaha la isku qurxiyo oo waxa ragga loo xadiday oo loo baneeyey agab ay isku quriyaan dumarkana iyagana waxa loo baneeyay agab kale oo ay isku qurxiyaan, oo soomaliduna waxay tidhaahda ilaahayow ha nadoorin.

Hadaba hadii aan hoos ugu taan tago nuxurka maqaalkaygan waxaan xalay warbaahinta ka hadlayay afhayeenka madaxtooyada isagoo si ba’an u caayayay masuuliyiin waaweyn oo umada dhexdeeda sharaf iyo karaamo ku dhex leh, weliba wuxuu sheegay inay walan yihiin raggasi uu caayayay iyadoo umadii daawanaysay tv.yada ay aad ula yaabeen wuxuu ninkaasi ku hadlayo, iyadoo  taariikh ahaan iyo dadnimo ahaanba la garanayo afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo sida magaciisaba ku cad ah nin aad u madow, inkasta oo uu ilahay midabkaasi madow u dhaliyey oo aan kaasi laga hadli kari ayaa hadana waxaa la ogaday in uu afhayeenka madaxtooyada somaliland Axmed Saleeban dhuxul uu isku cadeeyey dawada loogu tala galay inay dumarku isku cadeeyaan,iyadoo arintan laba siyaabood lagu ogaaday.

1: dumar badan ayaa waxay xaqiijiyeen inay arkeen isagoo goob ka mid ah goobaha la isku cadeeyo isku cadeynaya oo sidii dumarka daawo lagu duugayo.

2: labaad e qof kasta oo arkaa Axmed Saleebaan Dhuxul horena u yaqanay wuxuu garanayaa  sida uu isku cadeeyey waayo soomalidu waxay ku maah maahdaa hadii uu qof seexdo oo uu soo tooso waa kii uun markaa dad badan oo aan arintan wax ka weydiiyana way xaqiijiyeen in uu afhayeenka  madaxtooyadu u xuubsiibtay qof isku cadeeya dawada dumarka.

 

Hadaba akhristayaal waa is weydiin mudan ninka aan ku kalsoonayn sidii uu ilahay u dhaliyey ma u jawaabi karaa mujaahidiinta iyo aqoonyanada qarankani leeyahay ,oo mujaahid Cali Gurey iyo Faysal Cali Waraabe ma u jawaabi karaa ninkaasi oo kale sow arintu maaha maah maahdii reer xamarka ee ahayd cimrigaagoo dheeraadaa geel dhalaybuu ku tusiyaa.

 

Qalinkii: Muna Maxamed Jaamac

Email:Muna261@gmail.comHargeysa/Somaliland

Qormo xiisa leh:Saa la Noolaadee?

$
0
0

Qormo xiisa leh:Saa la Noolaadee? Qormadii Koowaad ,Cali Guray

cali-Gureywabeeye

Anigu qadarka iyo qadaha ilaahay u geli maayo. Kulmiye anaa sameeyay anaana ka baxay. Siyaasadda anigu in aan shaqo ka dhigto weligay kuma riyoon, waayo ma jecli ba. Ina adeerkay Maxamed xaji Maxamoud oo silaanyo hortii ii yimi urur na lahaa waan ka diiday. Sidoo kale Maxamed Xaashi , Muse Biixi, Maxamed Iskeerse, halkay mareen na maan marin ee waan calidiiday. Hadaan siyaasad doonayo halkay kuwaasi mareen ayaan mari lahaa ee nin aan tol iyo taag mid na hayn oo macawis faraqa haysta oo saq dhexe guri gayga iigu yimi indho la’aan kumaan raaceen. markii aad kulmiye gelaysay waabeeyow adiga saq dhexe miyuu Axmed Silanyo intuu gurigaaga kuugu yimi gadhka iyo gomadda ku qabtay in aad raacdo. miyaad tawaawiciisii iyo tuugistiisii qalbigu” nacalaba eh maanta wax kastoo dhacaya Axmed Silanyo cidla’ ha kaga tegin waxa goortaa wadaa wax yar maahee”

 

Qaladka aan sameeyay waan garanayaa oo maanta waabeeye oo kulmiye xayn ku yimi oo naagi keentay ah maanu muraneen. Waxa waxaa soo dhan i geliyay qof aan qof jira moodayay laakiin baabah ah oo la yidhaa ABAAL LAAWE. Wuxu yidhi “Hadii ligligo oon lingaxo oo qalbiga lahashadow diido Oo aanan luunka ba ka rogin lur ima gaadheen

 

Hadana albaabkii aan ka bixi lahaa anigaa ba doon doonaya. Kulmiye muu guulaysan ee shaydaankii kulmiye ayaa guulaystay. Haduu adiga geelii kuu dhalay ha ku diganin qayrkaa. Kulmiye halkii la dhigay iyo goortii nolosha la dhaxlay ba waa joogay, istiqaaladii aan kaga baxay ayaanan ugu sheegay in ” in gaar ah, oo meel gaar ah, goor gaar ah, si gaar ah wax isugu tidhaa ay af duubtay taladii iyo odaygii kulmiye ba.

 

Abaal laawe waan ka warwareegi jiray hadda se adiga iyo noocaaga ku xeeran markaan eego waxan bilaabi doona”

ABAAL LAAWE: HOGAAMIYIHII AAN HOGAAMINTA LAHAYN. Dad aan jecelahay oo ehel iyo asxaaba leh ayaan tixgelintooda uga war wareegaa eh noocaaga oo kale ba wuu isu kaayo geen. Dabeed na waxa la odhan CALAA GEEL LAAYAY.

 

Waabeeyow hadii la isu wada yimaad cad kaad qaadatay caado qaate mooyee dhaqan keena nin raga oo gob ihi uma hunguroodo. Reer Sheekh Isaxaaq-na waxay yidhaah daan,” HADII CADKA QAAR CAMUUDA KU DHACO CAADADA REER SHEEKH LAMA BA CUNO” . Waxad u qalantaa akhas cadka aad cunayso zuuli baad kala soo baxday ood weli ba hadlaysaa halkaad is qarin lahayd Markaad bakhtiga jiidanay say waar ma waxad garan wayday” SAA LA NOOLAADEE.”

Cali Guray

Gudoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID

 

 

Warbixin xiiso leh:Magaca SLTV (TV-ga Qaranku) UK kaga diiwan gashan yahay +ciduu u diwaan gashan yahay ee ku murmi karta hadday murugto!

$
0
0

Warbixin xiiso leh:Magaca SLTV (TV-ga Qaranku)  UK kaga diiwan gashan yahay +ciduu u diwaan gashan yahay ee ku murmi karta marka talo murugto!

 

Maareeyaha Tv-ga Qaranka, Khadar Hassan Ali (Gaas) magaciisa uu ku degen yahay Uk waa  Muhamed Hassan Ali, kaasoo uu  ku diiwaan gashaday xarunta Tv-gu ku leeyahay magaalada London.

Khadar Hassan Ali (Gaas), intii aan loo magacaabin xilkan Maareeyaha waxa uu ahaa Agaasimaha Tv-ga Qaranka ee London oo 29.0ct.2011 lagaga dhawaaqay magaalada London. waxaana markaa loo xilsaaray diiwaangalinta xafiiskaasi oo lagu aaminay.

Xog tv1-1

Taariikhdu markii ay ahayd 02/12/2011 ayuu diiwaangalinta sameeyey, waxaana uu ku diiwaangaliyey sidan:-

Company Name: SIMLINK MEDIA LIMITED

Company Type: Private Limited

Registeted office: England and Wales. (garoo Birmingham kuma jirtee)

Name: Muhamed Hassan Ali.

Resident: United Kingdom

Nationality: British.

Xog tv2-2

 

Ha is odhan cidi kuma arkaysee afka buuxso

Ha is odhan cidi kuma arkaysee aqalo jeexo.  waxa la sheegayaa inuu Guri ka iibsanayo West London.

 

Xog tv2-3

 

 

 

Wax yar ka dib markii uu xilka la wareegay waxa uu ku faanay in uu Qaranka Somaliland lacag u badbaadiyey mase la is waydiiyey lacagtaasi halka ay ku danbaysay?.

 

Mida kale waxa muuqata in Kirada satelitka iyaduna ay gacanta ugu jirto shakhsiyaad ku takrifala xoolaha ummadda.

 

Waayo muxuu dadweynaha ugu soo bandhigi waayey cadaymaha iyo heshiiyada ay galaan, waxa la ogyahay in Tv-gu dhaqaale soo saaro marka laga yimaado Miisaaniyada ay dowladu siiso oo sanadkii ku dhow 4milyan oo dollar, sidoo kale Xafiiska London ee uu magaciisa ku diiwaangaliyey waxa uu isna soo saaraa dhaqaale ay ka qaadaan meelaha iyo xafladaha ay soo duubayaan iyo xayaysiisyada.

 

Hadii aan u soo noqdo xafiiska London ku yaal ee uu hantiyey waxa ku baxay kharash aad u badan oo galay xaga Qalabaynta hadii ay tahay Camera, mixero, computer, sameecado, qalabka kale ee xafiisyada iyo waliba Kiradda sanadka oo markasta la qadimo waxaas oo dhami dowladda England waxa ay u aqoonsan tahay waxa weeye  Khadar/Muhamed Hassan Ali oo ah qofka leh Company hase yeeshee aanay u aqoonsanayn in xoolo umadeed ay tahay xaruntani, iyada oo wax iska hortaagi lahaa aanu jirin hadii magaca Somaliland lagu qori lahaa. mida kale hadii maanta xilka laga qaado qof iyo dowlada kula doodi karta xoolaha umaadda ma jirto waayo dalkan uu magaciisa kaga diiwaangashaday waxa kaliya ee lagu kala baxaa waa cadaynta wax cadayn ah oo qaranku leeyahayna kama muuqato xafiiskaa London. haddaba waxa haboon in Madaxweynuhu ka fiirsado qofka uu xil u magacaabayo hanti qaranku leeyahayna uu ku aaminayo.

 

Khaladaadka kale ee uu ku jiro Khadar/Muhamed waxa ka mida in uu shaqaalaha dibad iyo gudaba uu kula dhaqmo hab foolxun oo ah Qabyaalad isaga oo ugu awood sheeganaya xilka uu hayo. goobaasna ku soo xareeyey ehelkiisa ugu dhow.

 

Iska daa Somaliland xataa waxa uu khiyaamo kula dhaqmaa dowlada ingiriiska oo xisaabcelinta uu ku sheegay inuu Capital-kiisu zero yahay waxa uu qariyey dadka shaqaalaha ah oo dhinac markaad ka eegto ay xaraan noqonayso waxa ay shaqaysanayaan waayo cashuur baa ka bixi lahayd oo  xalaalbay quudan lahaayeen.

 

Haloo wada joogo waxa xigi doona!

 

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>