Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Fariin ku socota M/weyne Kornayl Muuse Biixi & Xukumadiisa

$
0
0
Qodob  Waa Iga Bogaadin Midna Waa Iga su’aal.!!

Guddoomihaha hay’adda shaqaalaha Sharmaarke Geelle  waan bogaadinaya . Shakhsi ka soo baxay shaqadiisi weeye Madaxweyanaha waan ku hanbalyeynaya inuu ku nageeyay xilkii uu Qaranka u hayay .Midna waa iga su’aal: In shaqaalaha Dawladda laga saaro wixii ku dheraad ah lana qiimeeyo waa qodob fiican. Waxaase is waydiin leh maxaa laga yeela Madaxweyne isu dheelitir la’aanta shaqaalaha Dawladda u shaqeeya ee Gobolada iyo guud ahaan Somaliland ka jirta?. Waayo ileen muslinow xaqa sheeg ayaa la yidhi. Miisaanka shaqaalaha dawladdu docbu ka raranyahay wax qarsoona maha, marka kuwa badsadayna waa muwadiniin kuwa laga badsadayna waa Qaranka intiisi badnayd oo waliba waa la kala tuk tuk roonyahay. Wax 25-kii sanno ee Somaliland jirtayba biirayay ayay ahayd sidee Madaxweyne Marka miisaanka yaan lays lee kaysiinbe ma laysku  dhawayn karaa ? Qorshahase hadda ma ku jirtaa?

Anigu Wasaaradda Warbaahinta ayaan joogay 700-shaqaale ah ayaanu ahayn isu gayn. Somaliland-ta kale oo dhami 100 maanu ahayn, rer Hargaysa waliba Waqooyiga Hargaysa-na 500 iyo kabadan waa ahayeen. Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale 24/2/2014 ayaa la badalay intaanu xilka wareejin “300” oo shaqaale ah oo “A” ah oo meel qudha ayuu maaliyada qoray, Wasiir Zamzam Cabdi Aadana waa ku raacday markay xilka la wareegtay. Waxbarashadu waa lamid, madax qaybeedyada maaliyada iyo maamulka ee Wasaaraduhu %90 doc kaliya ayay ka raran yihiin. Saddexdii sanno ee hore ee muddo xileedka Siilaanyo shaqaale 1500 ah ayaa sannadkii la qaadan jiray. Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Waxbarashada iyo Guddoomiyihii hay’adda shqaalaha oo Nuux Sheekh ahaa ayaa qaybin jiray xitaa Siilaanyo iyo Xirsigii awooda badnaa wakhtigaasi ma ogayn Ilaa Awdal mudaharaaday oo Dikreeto Madaxweyne lagu joojiyay in Shaqaale dawladeedba la qoro ilaa lay saga imanaayo. Wax dhacay ayay ahayd eeda cid kasta ha la haate.

Marka Madaxweyne madax taabad mooyaane dadka wax ma loo qaybinayaa,? Adigu fariid dawrkaa qaata maad noqon Xukuumaddihii ka horeeyay way ku dhici waayeen, tii Siilaanyo hawgu darnaato oo iyadu xaggii miisaanku jiray ayay sii foocisay. Marka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi anigoo aan la hayn cidna ha la dulmiyo hadana waxa yar ee aynu hayno si Cadaaladda ma loo qaybin kara?!.. Gobolada Sool, Togdheer, Sanaag iyo Awdal iyo Hargaysa in badan wallahay qaybtaa hore way ku dulmanaayeen.

Xitaa Waxbarashada Dalku wuu kala hor dhaqaaqay amma Xukuumaddo hore hays dhaafiyaan amma Caasimaddu jaanis ha noqote, sidee dhalinyaradda 25-kii sanno ee hore qaday hadda loo soo gacanqaban si dheriga gacanta loo wada galiyo.??  Markaas ayay macno samaynaysa shaqaale la hagaajiyay iyo dawlad wanaagu. Haddii intii badsatay wada tacliin haysato inta cusub muddo 10-sanno ah Shaqaalaha Qaranku qaadanaayo ma loo xidhayaa Goboladi qaday? Mise inta hore u badsatay ayay ula sinaan doonaan?.. Su’alahaas hadaan jawaab loo haynin in wax la shaandheeyo xiiso maleh .

Tusan .
Muniir Axmed Cigaal


Dhaqdhaqaaqyo Xilka lagaga Xayuubinaayo Maayir Cidin-ka Berbera oo Bilaabmay Iyo Shirqoolo oo ku Bartilmaameedsanayo Saxafiyiin ka Hawlgala Hargeysa 

$
0
0
Dhaqdhaqaaqyo Xilka lagaga Xayuubinaayo Maayir Cidin-ka Berbera oo Bilaabmay Iyo Shirqoolo oo ku Bartilmaameedsanayo Saxafiyiin ka Hawlgala Hargeysa
Maayirka Magaaladda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), oo faraha kula jira bad-weyn musuq-maasuq iyo ku tagri fal Hantidii danta guud ee umadda, ayaa bilaabay hab-dhaqano khalkhal gelinaya amniga guud ee Qaranka Somaliland.
Maayir Cabdishakuur (Cidin) oo cabsi xoogan ka qaba in xilka laga qaado xilka,  isla markaana aan hurdo dhaban-dhigin tan iyo maalintii waxka bedelka lagu sameeyey xeerka Doorashada maayiradda dalka, ayaa bilaabay inuu magaalooyinka waaweyn ee dalka uu kusoo daayo Ciidamo isagga u gaar ah oo u shaqeeya qaabka Sirdoon, kuwasoo ay Maayor isku Beel yihiin, weliba raas hoose.
Waxa uu amar ku siiyey Maayirku adeegayaashiisaas inay ugaadhsadan dhowr Weriye oo ka hawla Warbaahinta Madaxabanaan, kuna sugan Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa. Kuwasoo habeenadii u dambeeyey raacdo ugu jiray wariyaasha loo diray, waxanay ku gaaf wareegayeen Xaafadaha ay galaan, kuwasoo haybinaayey Guryahooda iyo goobaha ay ku caweynayaan.
Sida ay sheegeen Warar looga qaateen ah oo u dhuundaloola dhaqdhaqaaqyada Maayirka, waxa kaloo ay intaa ku dareen wariyaasha uu baadi-goobaayo Maayir Cidin inay yihiin kuwo ka hawlgala Warbaahinta Online ka ah, kuwasoo dhowaan baahiyey warbixino la xidhiidha musuq-maasuqa uu sameeyey mudadii uu xilka hayey. Sidoo kale wariyaashan ayuu Maayir Cidin hadda ka cabsi qabaa inay baahin doonan dhaqdhaqaaqyo xilka lagaga qaadayo, ama mooshin la filayo in Xildhibanada golaha deegaanku kusoo oogan maalmaha fooda inagu soo haya.
Talabooyinkan Shirqoolka, ayaa hadii ay mid Kamid ahi u hirgasho Maayirka Berbera oo ay dhacdo inuu Wariyaal Hargeysa habeenimo wax lagu gaadhsiiyo, waxa ay Somaliland ku noqon doonta fadeexad aan nooceeda hore loo arag, taasoo dalka u horseedi doontaa mashaqo amni xumo sababta. Maayir Cidin, ayaa waxa uu caado ka dhigtay la dagaalanka Saxaafada xorta ah, isagoo marar badan Sifo sharci daro xabsiga ugu taxaabay saxafiyiin kala duwan.
Farax Cabdi Cali

Qoys adag oo dhisan ayaa caruur wanaagsan soo saara

Khilaaf xoogan oo ka dhex curtay golaha deegaanka ee Burco

Faysal Cali Wraabe inta uu leeyahay Suldaan Maxamed ha laga tashado isagu miyuu waayay tol qabta oo….

$
0
0

Faysal cali waraabe waa aafo qaranka iyo ummada Somaliland ku dhex jirta oo loo soo diray waxaa uu dhib, dagaal iyo nacayb kula jiray ummada s/land tan iyo waagii siyaad barre dhulka xukumayey inta uu tacadi iyo basaasnimo kula jirayba ma dhowa, hadaba waxa is weydiin leh cid qabata oo toll u ah miyaa la waayey ilayn ninkii waalan tolkii baa u miyir qabee qofku markuu sidaa noqdo waa la qaban jiray hadase malaa ragg baa u haysta in ay awrkooda ku kacsadaan oo hadba yidhaa halkaa humaaji.

Basaas faysal waxaa ku adeegan jiray Gaani oo xukumi jiray goboladii waqooyi dadkana xasuuqi jiray waxaa markhaati madoon u ah Ururkii UFO ee uu basaasay hadana raggii berigaa ku jiray UFO ay markhaati yihiin inta nooli basaas faysal ayaa dadka reer hargaysa in badan aakhiro u diray in badana xadhig gacmaha iyo lugaha gooyey in badan jeelasha wax ku waasha iyo wax ku dhinta noqdeen.

Basaas faysal waxaa laga wada dherergsan yahay illaa 94 markii uu la soo noqday wixiisii xilka lahaa iyo u adeegidii shisheeyaha wuxuu lumiyey waajibaadkii ka saaraa reerkiisa meel uu kaga waramona ma yaqaan illaa hada, balse cayda iyo kala abla-ableynta reerha ayuu ku dheereeyaa iyo wax ka sheega qofka xiga waxaana uu hada ku waashay in loo adeegsado qofka qiimaha leh ee raaskiisa ah.

Basaas faysal cali ayaa tiroba 3 jeer is sharaxay cidina dheg jalaq uma siin waayo S/land waa ka laangadhe macruuf waalaga og yahay wuxuu galo iyo wuxuu gudoba manta Suldaanka guud ee beelaha S/land ma yidhaahdeen waa laga tashan hadii uu damiir xidha leeyahay balse laguma oga ashkhaas baana soo adeegsanaysa oo leh sidaa dheh waxaanse odhan lahaa isga halaga tashado .

Basaas faysal cali waraabe hadii damiir uu leeyahay reerkiisa meel hakaga waramo xaaskiisii xaqa iyo xaquuqda ku lahayd iyo caruurtiisii illahay (sw) siiyey oo dhibta iyo naxliga hakala dhex baxo adoomaha illaahay hana u toobad keeno illaahay (sw) hada waa nin oday ah oo da’a ah wuxuu u baahan yahay toobad keen in yar xumaan kumuu dhex jirine dadkan cafis ha waydiisto.

 

Jamal Adam

jmladam413@gmail.com

Building of the week: Seawater Greenhouse Somaliland

$
0
0

There are a number of companies developing ways to grow food in the desert, using solar power and seawater. I’ve written before about the Sahara Forest Project and Sundrop Farms. These sorts of projects grow food in inhospitable places, reducing pressure on agricultural land and helping to feed a growing global population. In some cases they can be combined with reforestation efforts to create truly restorative agriculture.

One limiting factor to these growing techniques is that they’re expensive. That means big investments and larger scale farming, and it won’t be profitable everywhere. Sophisticated solar and hydroponic systems will pay for themselves if you’re producing high value salad vegetables that you can sell to wealthy consumers. But how many of them live in or near the desert? These schemes will work in places like Australia and parts of the Middle East, but will they do anything for the millions of people who live in dry and arid regions in less developed countries? Could they help to provide food in areas vulnerable to drought and famine?

Until recently, the answer has been no, but Seawater Greenhouses‘ latest venture in Somaliland may change that. They’ve built in Abu Dhabi and partnered with Sundrop in Australia, and they wanted to adapt their technology for a region that needed it more: the Horn of Africa. They would have to cut costs dramatically, make it rugged and durable, and scale it down.

After three years of work, the company had designed a version of their system that was modular, and ten times cheaper than before. It still uses desalination and evaporative cooling, but it has nets rather than a traditional greenhouse. It was completed in October last year, and this week they harvested their first crop.

At the moment the 1 hectare farm sits in the middle of a barren patch of drylands. As it grows and develops, the fresh water being created by the solar desalination plant will begin to improve conditions beyond the greenhouse itself, creating an ‘oasis effect’. There are plans to grow beans, melons and other crops outside, and eventually re-green the area.

I’ve been waiting for a development like this. We need to see similar things with urban farming projects like Agricool or Aerofarms. New agricultural techniques will come into their own when they serve the people and places that need them most.

Thanks to Jim for the story

Kulan balaadhan oo lagaga hadlay sicir bararka oo ka dhacay magaalada Hargeysa daawo

Cadaalad darada shaqaalaha dowladda

$
0
0

Shaqaalaha dowlada Somaliland oo %70 ka kooban laba beelood oo kaliya halka beelaha kale ee Somaliland oo dhami ka yihiin %30. Siday isu waafaqayaan markaaa iin layidhaahdo khayraadka Somaliland waalawada leeyahay iyo in ay dhinac ka rarnaadaan shaqaalihii dowladu.

Hadaba waxa muuqda in xukuumadan cusubi ay iska indho tirayso cadaalad daradii xukuumadii hore Kulmiye ku qaybin jirtay shaqalaha dowlada ee qabyaaladaysnayd
ilaa iminkana xaqiiqda dhabta ah aanay sooba hadal qaadin, iyadoo lagu gudo jiro wax loogu magacdaray tirada ama madax taabashada shaqaalaha.

Shaqaale badan oo markii horeba dulmaneyaal ahaana meesha lagaga saaray hadaba su’aashu waxa weeye goormay imanaysaa cadaalada shaqaalaha in lawada lahaado si cadaalad ahna loo qaybiyo ?
jawaabtu waa idinka.

Ali Xamse
lababale5@gmail.com


The international community needs to help reconstruct Somaliland’s healthcare system

$
0
0

The Horn of Africa, a region often synonymous with conflict and political uncertainty hosts Somaliland, a relatively peaceful breakaway costal region that declared its secession from Somalia in May 1991. [1,2] The collapse of the central government destroyed infrastructure and displaced thousands of civilians forcing a complete breakdown of the national economy. [3] Under subsequent civilian governments and against all odds, Somaliland embarked on a systematic struggle to restore the peace and bring about social and economic rehabilitation forming the foundation for the National Development Plan 2012-2016 and 2017-2021. Although no other country officially recognises its independence, Somaliland has control over its own territory, military, currency, and implements its own public and foreign policies that govern a population of about 3.5 million.

In the country’s quest to become the gateway to the Horn of Africa this democratic nation became the first in the world to use iris scan recognition in their 13 November 2017 presidential election, where they successfully elected their fifth President, Musa Bihi Abdi. Michael Walls, chief observer of the International Election Observation Mission noted: “We are pleased to have observed an election which has seen Somaliland show its democratic spirit, and we congratulate the National Electoral Commission on a well-run poll.” Conversely, Somaliland’s health indicators continue to be some of the worst across the globe. For some, such priorities may pose a disconcerting paradox, but for others this technological development raises hope of the country’s commitment to infrastructure enhancement in other sectors.

Within the developing world, fragile states pose one of the greatest tests to sustainable healthcare globally. [4] In view of the absent UN recognition, Somaliland does not receive direct international funding. Perhaps consequently, this former British protectorate has an economy weaker and more tenuous than in neighbouring countries. Somaliland’s rudimentary healthcare system comprises of a single national referral hospital, a single national mental health hospital, five regional referral hospitals, and three district hospitals. [5] In a region of the globe where being pregnant is a woman’s greatest danger, efforts to stunt infant and maternal mortally is spearheaded by the former first lady, Edna Adan’s community midwife programme, nevertheless, the internationally credited midwife is the first to admit many substantial challenges remain. [6]

Achieving the tenets of the third Sustainable Development Goal (SDG), ensuring healthy lives, and promoting wellbeing for all, is heavily dependent on effective health management strategies. Somaliland is in need of designing new healthcare policies that places management training at the crux of healthcare reform. The country’s dual health system is dominated by the private sector whilst the government owned hospitals are often depicted as disorganised and inefficient. As the country undergoes a political transition the election results set the stage for President-elect Musa Bihi to deliver on his pledge to increase access to administration and management training for healthcare professionals.

Healthcare reform in Somaliland, however, poses unique challenges; its post conflict state and lack of recognition exacerbate its vulnerability and arduous struggle to single-handedly invest in the health of its own people. For the most part, this nation has rebuilt itself from the devastation of the civil war without outside help. On the one hand, images of the anarchic state of social order and violence across South Sudan, Yemen and Somalia are prevalent in the international media, whilst the notable exceptions in Somaliland remain unfamiliar to many. On the other hand, those who are conversant with Somaliland’s achievements dub it as Africa’s success story. Indeed, Somaliland’s experience can provide lessons in bottom-up grassroots development for the Horn of Africa, but the country now finds itself in an untenable limbo: be the “beacon of hope” in the region without the world’s attention. It cannot exist in this conundrum forever.

The unequivocal call to the UK and the international community has never been stronger. Arguably, the UN member states pledge to universal health coverage and SDGs warrants the international community to examine their engagement in supporting the sustainable and measurable health gains for Somaliland. This young country began its democratic journey towards peace and prosperity through the daily struggle of its own citizens and for the most part has been ignored by the international community. However, to continue to do so will undermine these efforts. As Somaliland muddles through it’s growing stability and relatively smooth transition of power an international role in healthcare reconstruction becomes more apparent. Furthermore, as part of the UKs own commitment to global health in former territories of the British Empire, it is strongly in our national interest to help strengthen Somaliland’s civil society and healthcare institutions through long-term mutually responsible partnerships. With the international gaze so firmly fixed on identifying problems, it is time we did more to recognise and support successes.

Hamdi Issa is a PhD candidate at the Institute of Global Health Innovation, Imperial College London.

Matthew Harris is a clinical senior lecturer in Public Health Medicine, Institute of Global Health Innovation and The School of Public Health, Imperial College London. Honorary Consultant in Public Health Medicine, Imperial College Healthcare NHS Trust.

Ara Darzi is a surgeon and director of The Institute of Global Health Innovation, established to improve global healthcare through evidence based innovation He was a Labour health minister from 2007-9.

Ugandhiis u shaqeynayay Hayada UNICEF oo lagu dhex khaarajiyey Xarunta Hayadda ee Muqdisho

$
0
0

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta lagu dilay nin ajanabi ah oo ka tirsan shaqaalaha hay’adda UNICEF kaas oo uu dilkiisu ka dhacay xarunya ay hay’addu ku leedahay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Ninkan la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha cuntada kariya ee xaruntaas ka howgala, waxaana dilkiisa geystay mid ka mid ah ilaalada Soomaalida ah ee la shaqeeya hay’adda UNICEF oo goobta ka baxsaday.

Ilaa hadda lama oga sababta dilka ka dambeysa, waxaana ay wararku sheegayaan in ninka la dilay uu kasoo jeedo dalka Uganda.

Ciidamada AMISOM ayaa lagu soo warramayaa in ay halkaasi gaadheen, isla markaana ay halkaasi ka daad gureeyeen shaqaalihii ajnabiga ahaa ee xafiiskaas ku sugnaa.

Liiska Golaha Cusub ee Wasiirada Kenya+2-Wasiir oo Soomaaliya oo lagu daray

$
0
0

Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa magacaabay xubnaha golihiisa Wasiirrada cusub, iyadoo Aamina Maxamed Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda loo magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada.

Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa loo magacaabay Haweeneyda lagu magacaabo Dr Monicah Juma, oo horay u soo noqotay Safiirka Kenya u fadhin jiray Jabuuti iyo Itoobiya.

Uhuru Kenyatta oo sanadkii hore dib loo doortay ayaa si tartiib u wada magacaabista xilalka Wasiirada, waxaana uu dib u soo celiyay xubno ka mid ah Wasiiradii hore.

Cali Khaliif oo ka hilaacay Minisota+Soo dhaweyn loo abaabulay & weedhaha Taageerayaashiisa ku ganeen Puntland

F.C.Waraabe oo xil cusub isu cumaamaday,kuna dhaartay inaan shir Garxajis la qaban karin

Siyaasi shaaciyey Hub lagu soo daldalaayo…..

Nala Daawo,Tiir ka mida Siyaasiyiinta abuuray Naxliga,kala-qoqobka & Carqaladaha dhexyaala Beelaha Isaaqa ku abtirsada oo Maanta Xiqdi & Buqdi horleh abqaalaya


Kulan Lagaga Hadlaayey Doorka Jaamacadahu Ku Leeyihiin Horumarka Bulshada oo Burco Lagu Qabtay.

Sheeko Kale: Wehel Doon! Cabdisalaam Yaasiin

$
0
0

Laan geed ku taal ayaa laan kale u cabatay. Waxay tidhi, “Dunidi sanqadh iyo sunqudh toona ma leh. Talow maxa dhacay?”
“Malaha saxal baa ina fuulay”, ayay u celisay laantii kale.
Laamihii oo waayahooda ka walbaarsan, ayaa laan walba waxa ku soo degtay qoolay.
Labadii qoolay ayaa midi weydiisay tii kale, “Maxaad la baala daymoonaysaa? Ma wax baa kaa lumay?”
“Wehel doon baan ahay; oo wehel kaygii ayaan meel uu jaan cidhib dhigay waayay!”
“Aniga wehelkaygi waa jooga. Waana wada shamirnaa; oo wada shirbaynaa,”.
Intaa markay is weydaarsadeen, ayay tii wehelka lahayd iyo wehelkeedi wada shamireen, oo shirbeeyeen, oo heeseen.
Qoolaydii aan wehelka lahayn ayaa xanaaqday. Iyada oo cadhaysan ayay ku tidhi labadii kale, “Qaylada iyo buuqa inaga daaya. Geedkuna yaanu inla dhicine ha shamirinoo oo ha shirbaynina.”
“Bal aan eegno in aanad shamirin oo shirbaynin marka aad wehel hesho, Wehel Doon,” ayay u celiyeen.
Laamhii geedka ayaa dareenkoodi isbedelay oo yidhi,“Waar dunidu ilayn gelinba waa cayn. Sow tan gurxanki yeeday ee layna gabagabeeyay!!!”

Kaluumaystada magaalada Berbera oo ka qayliyay xayiraad la saaray iyo kaluun dalka dibada lagaga keeno

Maayarka Hargeysa oo hor tagay golaha guurtida kana qayliyay mooshin lala maaganyahay

Mudaharaad ay isugu soo baxeen hiliblayaash Burco iyo….

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>