Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

War-weyn:Gudoomiye Cirro oo soo bandhigay Khiyaamooyin & Madmadow ka dhex muuqda Heshiiska DP World, Shirka Jabuuti & Mashruucii Xunboweyne


Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid oo soo bandhigay Shuruucda & Xeerarka Maalgelineed ee Xukumada Kornayl Muuse biixi darjiidhay

Sawirka Maanta:Faallo ma leh!.

F.C.Waraabe oo aqbalay Raaligelin M/weyne Kornayl Muuse Biixi siiyey,Balse Diiday Raaligelin ka timi wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti,Muxuuse ku qoonsaday?

Heshiiska DPW,JSL iyo Ethiopia Wadagaleen1/3/18 Wuxuu buriyey ansixintii Heshiiskii hore

$
0
0

Ma Weecsin Beegsin mise Aloos iyo Agaasin Danbe !! Ma Qataabsi ama Qurbaani.. Mise Qadhaabsi iyo Qudh-Qudho joogto? Ma midigays iyo Oodeys ! Mise Gown iyo Maquuno kale !! Boowe …Malaa….Waa Qaliban !! Mise ..Waaba Suke ! Mise ..Waa Deman iyo Daad wararac !! Mise Xaalku waa Doog dhabasho iyo Doogsin carar !! intaasina waa iga arar dadab galkeedii ee bal aan hoos u dego !!….

Dekeda Berberi Waa isha Dhaqaalaha dalka, Waa difaaca madax-banaanida dalka, waana gor-gortanka iyo xidhaha Siyaasadeed ee ictiraaf raadinta Jamhuuriyada Somaliland sidaa daraadeed waa in ay inoo goysaa qiime ka badan 30%. Waa in ay inoo go’ysaa ictiraaf, waa in ay inoo go’ysaa in passaporkeena UAE ka lagu galo !!

Waxaa Dekeda Berbera qaybteeda hore oo 300 mitir ah bilaash inoogu dhisay Dawladii Federaalka aheyd ee Ruushka 1964 – 1968 .Waxaa Qaybta labaad oo 350 mitir ah bilaash inoo dhisay Dawlada Mareykanka sanadkii 1982, Taa soo dhererka Dekeda Berbera ee waqtigan ka dhigaysa 650 mitir . labada wadan ee hore umaalgeliyey Dekeda berbera waxay biyaha badda Dekeda hoos uqodeen ilaa iyo 11m, halka cabirka moolka hoose ee Dekedaha casriga ah ee Aduunku yihiin ilaa 15 m. Hadaba su’aashu waxay tahay maxaa dekedan qiimahaa leh laynoogu bedelay oo laynoogu qiimeeyey ? Ma waxaynu siisanay Deked yara balaadhin ah oo 440 mitir ah oo aan la garaney goorta la dhisaayo? ma waxaynu siisanay saldhig melateri iyo colaad iyo Dagaal aaney dani inoogu jirin ? bal adba !!

Bal aynu dib u yara milicsano Heshiiskii Wareejinta Dekeda Berbera ee Xukuumadii Siilaanyo la gashay Shirkada DPWorld taariikhdii 9/5/2016 Heshiiskan oo ahaa laba dhinac Saamiyada waxaa loo qaybsaday sidan DPWorld oo leh 65% iyo Somaliland oo leh 35%, heshiiskaa nuxur kiisa Saamileyda qodobkiisa 15-aad ee saami qaybsigu wuxuu dhigayey in aaney labada dhinac midna iibin karin saamiyadeeda 5 sanadood ee hore taas oo heshiiskii sadexgeesooska ahaa ee dhawaan DPW, Somaliland iyo Dawlada Ethiopia wada galeen taariikhdii 1/3/2018 ka dhigaysa heshiis qayrul sharci ah. Waxaa kale oo shacabka Somaliland liqi kari waayeen qodoban hoose oo u baahan in ummadda loo bayaamiyo:

1- Waxaa la sameeyey shirkada Somaliland investment Company oo aan loo soo marin dariiqii sharciga ahaa ee shuruucda dhismaha shirkadaha Somaliland. waxaa laysku raacay in shirkadani ay hoosta kaga lingaxantahay heshiiska DPWorld oo lagu ugaadhsanaayo.
2- Heshiiskan cusubi ee sadexgeesoodka ahi wuxuu burinayaa heshiiskii hore labada dhinac u galeen
3- Heshiiskii hore Somailand waxay laheyd saami dhan 35%, DPWorldna waxay laheyd 65% , shacabka JSL may fahmin sababta Somaliland 5% ay Eithiopia u siisay.Halka heshiiska cusub Saamiyada loo qaybsaday DPW 51%,Ethopia 19% iyo Somaliland 30%, taas oo shacabka Somaliland ay u arkaan in asadkoodii iyo hantidoodii ma guurtada aheyd lagu dul qaybsaday.
4- Labada Heshiis si cad ayey isu burinayaan maadaama labada dhinac ee DPW iyo JSL midna aanay saami iibin Karin shanta sanadood ee hore oo heshiiskii hore ay sidaa ku kala saxeexdeen.
5- Waxaa wasiirka arimaha debedu uu sheegay in mashruuca Berbera Corridor ay ku bixi doonto lacag dhan $240 Million taas ay Dawlada Ethiopia bixin doonto $80 Million , DPWorldna $80 million, Hadaba waxaa Wasiirka looga fadhiyaa in uu ummadda u cadeeyo cida bixinaysa $80 Miilion ka kale ee haday ?

Waxaa aqoonyahanada fo’aan araga ahi isku wada raaceen in Saamiga 30% ee Somaliland loo guntay aanu sax aheyn kana turjumeyn in Somaliland Dekeda Berbera iyadu leedahay. Waxaana laga dhawaajiyey in mar hadii ay DPWorld leedahay Saamiga ugu badan oo ah 51% taa soo u saamaxaysa in ay yeelato xubnaha boodhka ugu badan sidaa daraadeed ay beri cidii kale ee ay doonto ka sii iibin karto kuna wareejin karto. Waxaa nasiib daro ah in heshiiskan uu weli mugdi iyo mad-madow badani ku gedaaman yahay sidaa daraadeed waa in heshiishkan dib loogu soo celiyaa kefedii sharciga oo Golaha Baarlamaanka la hor keenaa si ay u naaqishaan ugana doodaan ka dibna u ansixiyaan.

Boowe waxaan idiinku soo garoocayaa maanta ,
Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey geyso!
Hasha ka irmaan Habaar qabe maal
Ana hawshiyo Habeeda imari
Geeso Haydhane Lo’da hadh udiid
misna ma hadhsado ee
Allow sahal amuuraha Aakhiro samaan ooman baa yimiye !!

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive Advisor ED BD PA
United Kingdom
London

Dawladda Somaliland waxaay dacwad ku soo oogtay Abwaan Naciima Axmed

$
0
0

War-saxafaded (Press release)

4’tii March 2018, Xafiiska Xeer-ilaalinta ee Somaliland wuxuu dacwad ku soo oogay Naciima Axmed Ibraahim oo laga xidhay 27kii January 2018 gegida diyaaradaha ee Cigaaal iyada oo u sii socotay Xamar.

Naciima waxay Xeer-ilaalintu ku eedaysay “hawlo Qaranka ka dhan ah oo muwaadin ka sameeyo dalka debediisa (Qodobka 212 ee Xeerka Ciqaabta) iyo Ceebayn Qaran (qodobka 219 ee Xeerka Ciqaabta).

Sida ku qoran eedda, eedda hore waxaay la xidhiidhaa qoraal la sheegay in Naciima soo dhigtay barteeda Facebook ga. Xeer Ilaalintu waxaay sheegtay in qoraalkaasi “wiiqayo jirtaanka Qaranka JSL, midnimadiisa iyo wada jirkiisa.”

Eedda labaad waxaay ku saabsan tahay “cay iyo ceebayn ay u gaysatay Qaranka JSL,” sida ku qaran xaashida eedda.

Hadii lagu helo Naciima qodobadaas, waxaay wajihi kartaa in ka badan sideed sanadood oo xadhig ah.

Maxamed Kayse Maxamuud oo la xidhay 7dii February 2018 ayaa isna weli u xidhan qoraalo la sheegay inuu Facebook ga soo dhigay. Ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha guud oo hore ula hadlay VOASomali wuxuu sheegay in loo haysto dacaayad ka dhan ah qaranka Somaliland.

Somaliland waxaay ku dhawaaqday 18 May 1991 inay dib uga la soo noqotay Somalia madax-banaanideedii.

Dastuurka Somaliland, Mucaahadada Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaana iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanku waxaay damaanad qaadeen xorriyadda cabiraadda aragtida.

Xarunta Xuquqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland inay la noqoto eedaha ay ku soo oogtay Naciima islamarkaana ay xoriyeedooda u soo celis Naciima Axmed iyo Maxamed Kayse Maxamuud.

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeysa Somaliland

Somaliland charges jailed poet Naema Ahmed

On 4th March 2018, the Office of the Attorney General charged Neama Ahmed Ibrahim who was arrested on 27th January 2018 from Hargeisa Egal International Airport while she was traveling to Mogadishu, the capital of Somalia.

The prosecution charged Naema of two accounts: Anti-national Activity of a citizen abroad (article 212 of the Penal Code) and Bringing the Nation or the State into Contempt (article 219(2) of the Penal Code).

As stated in the charge sheet dated on 4th March, the first charge relates to a Facebook post allegedly written by Naema in her Facebook account. The prosecution says the post “weakens the existence, unity, and solidarity of the State.”

The second charge is about “insult and defamation against the state circulated in the media,” by Naema, the charge sheet says.

If found guilty, Naema could face more than eight years of imprisonment.

Mohamed Kayse Mohamoud who was arrested on 7th February 2018 for Facebook posts, is also in detention. Mohamed was arrested for comments posted on his Facebook account. The Deputy Attorney General who in earlier spoke to VOASomali, called these Facebook posts as a “propaganda against the statehood of Somaliland”.

Somaliland declared restoration of independence from Somalia on 18th May 1991.

The Constitution of Somaliland, the International Covenant on Civil and Political Rights and the Universal Declaration of Human Rights guarantee freedom of expression.

Human Rights Centre requests the government of Somaliland to drop all charges against Naema, and to release both Naema Ahmed and Mohamed Kayse Mohamoud.

Guleid Ahmed Jama

Director of Human Rights Centre

Hargeysa Somaliland

Tamarteennu Waa ciil, Awooddeenuna Waa Cadho

$
0
0

Waa casar oo fadhi gooro qaatay ayaan ka soo kacnay, xaggaa iyo masjidkana waan u yara ruqaansannay, waayo maqrib baa dhow oo waa la soo cibaadaysanayaa. Goobtu waa Shiraaqle hotel oo Dooxa Hargeisa ayaa geeska Koonfureed ka mara, milaygaasna wuu rogmanayaa. Xaggaa iyo Galbeedka oo roobbaan awgeed waxaa biyo qulqulayaan Dooxii. Hargeisina daruur dedan mooye tiix ma hayso. Kooxo rag u badan ayaana derbiga Dooxa tuban oo indhaha la raacaya biyaha galacle, had bana dhinac isu rogaaya. Waa yaabe, waxaa is qaban la` abaarta baahsan ee ka taagan dhammaan Somaliland, catawga ba`an iyo dhawaaqa dhiillada ah na ka soo yeedhayaan maatida baadiyahaya joogta iyaga oo biyo iyo cunto dalbanayaa, haddana Hargeisa oo aanu roob helin dooxeedii rogmanaayo. Shacabkeenna iyo dawladdeenu waa isma dhaanto iyo dhasheed. Waxaynnu ka dhigannahay dhalanteed nin oommani mooday kob ay biyo daadsanyihiin oo nafta ku la eertay qalbigiisuna u sawiri waayey “Waxani waa humaag dhalanteed yagleelay ee ka huleel ha ku dagmine oo biyo raadso”, eegga se, ka raba waxa uu surmiga iyo ladaadyada oonka iskaga baabi`iyo oo xaggiisii u jihaday si uu biyahaas u dharqado. Goor uu surbacaad u dhammaday, wadnuhuna afka yimi ayaa cadceeddii dhuumaalaysi ku gashay in daruura oo ay ninkii surbacadsanaa ka yeeshay mid yaqiinsaday waxan uu caydhsanayaa in uu yahay dhalanteed. Sidaas darteed, ma jiro qorshe dawladeed oo innooga dejisan abaraha soo noqnoqda iyo qabatinka biyaha qulqulaaya dooxyada Somaliland kuwaas oo u dhigma malaayiin mitric kuyuubik oo loo adeegsan lahaa cabbitaan iyo dhul falasho. Dawladdan taagta daran ee wadanka majaraheeda haysaana ka daacad maaha ka midho dhalinta waxii loo doortay, sababta oo ah waxa ay leeyiin biyiihii Hargeisa heli lahayd way fashilmeen oo waa la cunay, dooxeenniina waxaa dhex dayaamaya mawjado biyo ah oo si hawl yaraana inoo dhaafaya. Kaba sii darane shacabkuna waa lamid oo biyahan si loo adeegsado magranaayaan mana qaabayn karaan. Waxaynnu nahay dad taag daran, madluum ah, oo qalbigoodu ku eegganyahay mixnadaha madhalayska ah iyo ka sheekaynta siyaasadda inteeda xun. Madaxdeenna, odayaaasheenna, aqoonyahankeenna iyo waaya_arageennu waa ninka ummada u horseeda kicinta iyo ka sheekaynta ma hadhooyinka siyaasadeed een waxtar iyo wax korodhsi inoo lahayn, ee maaha kuwa ka dhex aloosa ummadda wacyigelin wax hagaajinaaya dad iyo duunyana laga faa`iidayo.

Caqligeenna iyo garaadkeennu ma koraayo inta aynnu sidan ku jirno. waxaa loo baahan yahay kooxo ka madax banaan inta ummadeena godka madaw ee siyaasadda ah ku dhex ridday oo ka saarta oo haddana hindista sidii masiirkeenna loo qaabayn lahaa.
Ugu danbayn, Alle haysugu keen toosiyo waxa aynnu tabanaynu iyo sida aynnu u rabno iyo tamarteeda oo aan yeelano.

Qalinkii: sadam osman kaabash.
Hargeisa, Somaliland
Degmada: Maxamed Mooge

Goorma ayaynu noqon Ummad wakhtiga ilaalisa?

$
0
0

Barnaamij ayaad tagaysaa waxa ku qoran wakhti cayiman in la yimaado, iska daa in wakthigaa lagu yimaadee waxa uu barnaamijkii habsaamayaa muddo marmarka qaar ka badan 1 saac ,ama cid barnaamijka muhiim u ahayd ayaa muddo la sugayaa, marka aad qof barnaamij ugu yeedho, ama balan aad leedihiin waxa uu waxkasta ka hor mariyay sidii uu wakthigiisa munaasibadaa ugu hori lahaa, waxaa laga yaabaa in uu waxkale oo muhiim u ah qabsan kari lahaa haddii uu waxkale galin lahaa.
Haddaba maxaa sababa in aynaan balanta iyo wakhtiga midna ilaalin?, u kuurgal iyo indho indhayn badan kadib waxaa isoo baxday in qodobadan hoose ay qayb ka yihiin in aynaan wakhtiga ku xisaabtamin, mana wada aha kuwa sababa .
⦁ Shaqo la’aan iyo firaaqo badan
Marka aanu qofku shaqo lahayn inta badan wakhtigu uma xisaabsana, qofkuna dadka sidiisa ayuu moodaa, haddii lala balamo oo laga habsaamo dhib wayn uma arko waayo balantan ayaaba shaqo u ahayd waxkale oo uu ku mashquulana muu lahayn, sidaa si lamid ah haddii isagu uu dadka ka habsaamana dhib wayn uma arko .
⦁ Balamaha oo looga qiyaas qaato Salaadaha
Waxaa Soomaalidu u dhaqan ah in badanaa la balamo salaadaha kadib; waxaa laga yaabaa in uu qofku ku yidhaa ha inoo ahaato Salaada Casar kadib, Maqrib ama Duhur, tani waxa ay keentay in uu wakhtigu xaga dambe ka furnaado, tusaale ahaan qofka ku yidhaa Casar kadib ma cayina wakhti sax ah, haddii salaada laga soo baxo 3:45 Pm, qofka kuu yimaada 4:00Pm iyo ka kuu yimaada 5:00Pm labaduba waxa ay kuu yimaadeen Casar kadib, taasi ayaa keentay in wakhtigu dabada ka furnaado oo aan la isla qaadan waa goorma salaada kadib?.
⦁ Xafladaha iyo Munaasibadaha oo lagu qoro wakthi been ah
Xafladaha iyo munaasibadaha waxaa lagu qoraa wakhti been ah, tusaale ahaan aniga oo og in aanay xafladu bilaabmi doonin 7:45Pm kahor ayaan ku qorayaa 6:30Pm, tani waxa ay keentay in qofkasta uu is yidhaa kolay xiligaa lama bilaabayee iska habsaan, tani waxa ay noqotay been la isla ogol yahay; laakiin ay layaab ku noqoto dadka ajaanibka ah ee aan inala fahmayn.
⦁ Dadkeena oo aan fahan sanayn qiimaha wakhtiga
Wakhtigu waa shayga ugu qaalisan oo qof Ibnu Aadam ahi haysto, ilbidhiqsikasta oo ku dhaafaanaa waa hanti aan laguu soo celin karin, wakhtiga oo la fahmo waa waxa aakhiro iyo aduunba la isku dhaafo. Diinta Islaamku wakhtiga muhiimad ayay siisay, waxaa jira xadiis sheegaya in qofka aan qiyaamaha laga dhaqaajinayn ilaa la waydiiyo wakhtigiisii iyo waxa uu ku qaaday.
⦁ Ixtiraamka dadka oo aad inoogu yar
Dhaqanad aduunka ka jira qaarkood qofka haddii aad la balanto oo aad ka habsaanto macnaheedu waxa weeyaan in aanu qofkaasi agtaada qiimo ka lahayn, dadka ajaanibka ah marka ay balamo kuu qabtaan waxa ay isku dayaan in ayna balantaa ka bixin, haddii ay dareemaan in ay kaa habsaamayaan ama sikadis ah habsankaasi ku yimaad markaaba way kusoo ogaysiin, inaguna waxaaba dhacda in qof maanta oo dhan aad meel u fadhiday uu Tilifoonka kaa qaban waayo ama kuu jaro hadhowna wax aan cudur daar noqon karin kuu sheego . Waxaa taas la mid ah marka xaflad ama barnaamij lagugu marti qaado ama aad kasoo qayb gasho ee aad saacad iska fadhido dib u dhac yimid awgeed, hadhowna waxaanu idinka raali galinaynaa aynu hadalka ku bilowno.
⦁ Jadwalka balamaha oo aan jirin.
Jadwalka balamaha waxaan ka wadaa; ma qorano mana mudayno wakhtiga aynu qof la balamayno, tusaale ahaan dhawr qof ayaad bari la wada balamaysaa, hadhow balamihii ayaa isku wada dhacaya.
Tusaale ahaan 10:00 AM maalinta Isniinta ee bishu tahay 6/2/2018 waxaan la balansanahay hebel, 11:00AM waxaan balan la leeyahay urur hebel…….. tani waxa ay qofku u sahashaa in aanay iskaga dhicin balamuhu. Marka wakthigaagu nidaamsan yahay waxa aad kala garan kartaa in aad balan lagaa codsaday fulin karto iyo inkale . Markaan ogahay in maalinta bari ah wakhtigaygu balamo iyo shaqooyin ku buuxo ma gali karo balan kale, laakiin haddii aanay kuu qorshaysnayn waxa aad qabanayso ama aanay balamahaagu mudaysnayn dhawr balamood ayaad madaxa isku wada galin.

Guuleed Axmed Xaashi
Gaaxnuug2013@gmail.com


Africa: Conflicts and weather patterns strain food security

$
0
0

PRESS RELEASE

Erratic rains and rising cereals prices intensify hunger risks around Eastern Africa
ROME, Italy, March 5, 2018/ — High levels of food insecurity persist in the world, due largely to conflicts and to adverse climatic shocks that are taking a toll, particularly in East African and Near East countries, where large numbers of people continue to be in need of humanitarian assistance, a new FAO report notes.

Some 37 countries are in need of external assistance for food, unchanged from three months ago, according to the Crop Prospects and Food Situation report issued today.

Civil war and insecurity are direct reasons for high hunger rates in 16 of those countries, ranging from Burundi to Yemen. Conflict is displacing millions of people, hampering agricultural activities and, in many cases, also driving basic food prices up sharply, the report notes. Inflation in the Democratic Republic of Congo more than doubled in 2017 to a 42 percent annual rate. Violence has disrupted traditional trade routes around the Sahel, driving up prices, while food shortages are reported around southern and eastern Libya.

Meanwhile, inadequate and erratic rainfall poses a growing threat to food security in Southern Africa as well as in Eastern Africa, where many rural households have suffered from four consecutive drought-affected agricultural seasons.

Dry weather impacts East Africa

The overall cereal output rebounded in Africa in 2017, mostly due to strong gains in Southern Africa following the sharply reduced harvest in 2016.

Cereal production in East Africa, however, saw a 7.2 percent drop, leading to increased stress in various countries. Recently-concluded harvests of secondary season cereal crops are forecast to be below average in southeastern Kenya, northeastern Tanzania and southern Somalia, the report warns.

Aggregate cereal production from Somalia’s “deyr” rainy season is estimated to be 20 percent below average as seasonal rains had a late start and an early cessation. A similar pattern in rainfall and yields was observed in northeastern Tanzania. South Sudan’s cereal output from the 2017 planting seasons is estimated to be the smallest since the conflict started at the end of 2013.

Drought conditions in parts of Ethiopia and Somalia have eased, but not enough to fully offset accumulated deficits in soil moisture. Pasture availability is still below average and livestock body conditions are generally poor. In Kenya, seasonal rainfall was up to 80 percent below average levels, warranting close monitoring of rangeland conditions in eastern areas of the country.

Prices of staple cereals are also high in Ethiopia and the Sudan, where retail prices of sorghum, millet and wheat have doubled since last October in the majority of local markets. The price jump was triggered by the removal of government wheat subsidies, which increased demand for substitute cereals, and by weakening currencies.

Unfavourable seasonal rains in southern Madagascar are expected to result in a further drop in crop yields in 2018, which, coupled with historically high prices of rice, should put additional stress to food security conditions especially in southern areas.

Elsewhere, in Southern Africa, production is expected to fall from the record highs of 2017, heightening concerns about food security, which FAO flagged in a Special Alert issued last week.

The 37 countries currently in need of external food assistance are Afghanistan, Burkina Faso, Burundi, Cameroon, Central African Republic, Chad, Congo, Democratic People’s Republic of Korea, Democratic Republic of the Congo, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Guinea, Haiti, Iraq, Kenya, Lesotho, Liberia, Libya, Madagascar, Malawi, Mali, Mauritania, Mozambique, Myanmar, Niger, Nigeria, Pakistan, Sierra Leone, Somalia, South Sudan, Sudan, Swaziland, Syria, Uganda, Yemen and Zimbabwe.

Distributed by APO Group on behalf of Food and Agriculture Organization (FAO).
SOURCE
Food and Agriculture Organization (FAO)

Darkness does not drive out darkness, only light can do that.

$
0
0

I believed that human life of a people should never be sacrificed for dollar gain and monetary profit by their own government. But I came across that experience and it happened here in Somaliland by Kulmiye Government. I believed that Political leaders of a country are vitally important; that a nation’s greatness and prosperity depends on its leaders – that the mandate of governments is to design a better future for their country and people not to lead poverty, inflation and starvation to their people as kulmiye did.
I believed that in a country which its political leaders come to power through one-man-one-vote-elections; it is the people of that country who have the authority conferred upon them, to pick up the right good political leader through the voting ballot box of the Election Day. Luckily Somaliland is a country that took this type of one-man-one-vote-elections to pick up their leaders. But unluckily they did not make use of that opportunity on 13th Nov. 2017, and missed the target again. Kulmiye is there again saying farewell you people, when it came again in to the power, closing the door hard on their faces. It is the characteristics of all Faithless rulers; and such leadership does not deserve the loyalty of his people. Here you are – Somalilanders, going deep in to the wrong turn, leading us to where we don’t know.
I believed that Somaliland people regretted and suffered their voting that brought Kulmiye to power in Nov./2017. But after seven years of kulmiye rule, which the people define as the worst government ever; there was another opportunity in front of Somaliland people (13th Nov. election); to make change to develop and truly make our country great and prosper; to improve the living conditions of its people. But unluckily Somaliland people again choose the one that money, tribalism, media and other misleading resources direct them to vote for; instead of making change and choosing a leader from a party we didn’t see its rule; a new party with a new candidate and new program. “Darkness does not drive out darkness, only light can do that” Martin Luther King.

Adam Ali Younis

Email: aayonis@hotmail.com

As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com

Madaxtooyada S/land oo Beenisay Raaligelin Xisbiga Ucid shaaciyey in Kornayl Muuse Biixi siiyey F.C.Waraabe,Isla-markaana Xamili waayey War-saxaafadeedkii Gudoomiye Cirro…

Ganacsade Eedo Culculus ku Miisay Mulkiilaha Somcable+Xildhibaano Xukumada Kornayl Muuse Biixi Jeel ku hayso

Gudoomiye-xigeenka Ucid oo Fashiliyey Safaro,Sawirro & Muqaallo Qarda-xoogsiya oo Wasiirka Beeraha A.Muumin Seed ku asqeeyay Shacabka

Reer Burco Oo Ku Tilmaamay Heshiiska DP Mid Berbera Lagu Qabsanaayo Morgan iyo Xaashi-na 30 Sano Lagu Naas-nuujinayo,Muuse & Jabuutina

Ex-wasiir Baashe oo si weyn uga biyo-diiday Heshiiska Sadex-geesoodka dekeda Berbera,Cidii Heshiiskaa Gasheyna canbaareeyay…


Fadeexad-weyn oo dul-hoganaysa Qaar ka mida Shaqsiyaadka ugu tunka waaweyn Golaha Xukumada Kornayl Muuse Biixi oo leexsday…

$
0
0

Fadeexad-weyn oo dul-hoganaysa Qaar ka mida Shaqsiyaadka ugu tunka waaweyn Golaha Xukumada Kornayl Muuse Biixi oo leexsday…

Siyaasi Mahamed Dheere Oo Si Kulul Uga Hadlay Arinta DP.World

UK accused of using ‘secretive’ deals to sell arms to Saudi Arabia

Sarkaal ka mid ah garabka dhalinyrada xisbiga Waddani oo dhaliilay xukumadda difaacayna gudoomiye Cirro

Haweenayada ugu taajirsan haweenka qaarada Afrika oo abaal marin la siiyay daawo

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>