Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

In Somalia massive livestock losses have severely impacted livelihoods and food security

$
0
0

PRESS RELEASE

In Somalia massive livestock losses have severely impacted livelihoods and food security
Urgent support is needed to assist pastoralists as forecasts point to below-average rains in April-June

In Somalia massive livestock deaths due to drought – 60 per cent of herds in some areas – have severely damaged pastoralists’ livelihoods. The livestock losses threaten to exacerbate the country’s food security situation, which remains critical in the central and northern pastoral areas, FAO warned today.

With forecasts pointing to below-average rains during April-June, urgent support is needed to build the resilience of pastoralist communities and avert a deterioration in livelihood and food security, FAO said in its Global Information and Early Warning System (GIEWS) report.

“Somalia is traditionally an agro-pastoral economy. Massive livestock losses have severely affected Somalia’s economy and people. It is crucial that we continue to support pastoralist households build resilience against climate-related shocks by providing timely veterinary and feeding assistance for their animals,” said FAO Representative in Somalia Daniele Donati.

In the country’s northern and central pastoral regions, the negative impact of prolonged drought in 2016 and 2017 on livestock in particular, has increased the number of people under severe food insecurity by an estimated 3 percent to 1.8 million – almost 30 percent of the population of these areas.

Somalia’s overall food security situation improved to some extent in early 2018 mainly due to largescale, sustained humanitarian assistance. The number of Somalis suffering severe food insecurity decreased by an estimated 15 percent from late 2017, but remains 170 percent above pre-crisis levels.

Economic impact

The massive herd losses have led to a reduced market supply, which has in turn resulted in surging prices of livestock and livestock products, such as milk, and plunging animal exports. This is expected to severely affect the economy of Somalia, where the livestock sector accounts for about 40 percent of Gross Domestic Product (GDP) and where 65 percent of the population is engaged in livestock rearing activities.

Families in pastoral areas are already bearing the brunt of the negative economic impact, a fact reflected in the high levels of household indebtedness which is also severely constraining food access. In the northern and central regions, household debts increased by up to 400 percent over the course of 2017, driven by credit purchases of food and water and by borrowing money to fund livestock migration.

FAO’s support

To respond to the urgent needs of the crisis-hit pastoralists, in 2017 FAO reached 38.3 million animals through animal health services (treatment for parasites, illness and injury and vaccinations), provided more than 900,000 animals with supplementary feeding (rangeland cubes and mineral blocks), and delivered more than 53 million litres of water.

In 2018 FAO aims to assist 2.7 million rural Somalis and is appealing for $236 million to sustain these livestock interventions, help farmers secure a good harvest and provide cash transfers to the most vulnerable so families can afford to eat while restoring their own food production. Providing livelihood support and cash in rural areas not only fights hunger, but minimizes displacement and the sale of productive assets that ultimately feed people and sustain their livelihoods.

Distributed by APO Group on behalf of Food and Agriculture Organization (FAO).
SOURCE
Food and Agriculture Organization (FAO)


Gabaygii Buuga wasiir Guri-Barwaaqo oo soo dhaaftay haweenkii meel halisna maraysa Abwaan Dheeg oo soo galay daawo

Warbixin xasaasiya:Wasaarada Xananada Xolaha  Iyo Kaluumaysiga Somaliland,Laantii Juxa Fuushanaa Hadana Gooyey?

$
0
0

 

Wasaarada Xananada Xolaha  Iyo Kaluumaysiga Somaliland,Laantii Juxa Fuushanaa Hadana Gooyey?

Dadka reer Somaliland ee xooladhaqatada ah noloshooduna si toosa ugu tiirsantahay Manafacaadka  xoolaha ay dhaqdaan kana helaan mahelaan daawooyin tayo fiican leh marka xoolohooda ay soo foodsaarto xanuun ama daryeel xomu?

su aashaas ayaynu jawaabteena xoogaa yara falanqayn doonaa

Wadanku  wuu isku xidhanyay sida daawooyink laxidhiidha bila aadmka xanuunadooda loo dhaliilo ayay kuwana la meeqaam ahaan karaan

Doowooyink bila aadamku waxay noqdeen marka dhinac laga eego ganacsi waxaanaad ka dareemi kartaa meherada loo furtay ama Pharmasi hanoqoto ama goob kale oo adeeg ganaci daawayneeed hanoqdaane

Sikastooy ay ahaataba adeegyada caafimadka daku waa private aydadgaari maamushaan dawadiisa taasoo ay adagtahay si loomaamula marka la eego maamulkeena

Hadaba hadaynu kusoo laabano bulshadeena xoola dhaqatada ah waa kuwa wadanka ugu Saboolsan iyagoo duunyadoodu tahay lafdhabarteena dhaqale ee dalkeena hadaba bulshadan halkee ayay kahelaan daawo tayo leh?

Daawooyinka xooluhu maaha gaar suuqa sitoosa badanaa looga helo taasooo ay sababtay wasarada xanaanada xoolaha uu ufidisa adeeg daawayneeed oo bilaasha xoola dhaqatada kala duwan ee dalkeena,

Adeegaa dawladu waxay ku bixisaaa laceg adag oo loogu tala galay muwaadin kasta oo xoolo dhaqata ah si uu u helo daawooyin bilaasha oo tayo leh  kaasoo ay uga masuul tahay waaxda caafimaadka xoolaha ee wasarda xanaanada xoolaha

Su aasha ciwaanka  jawaabteenu wuuxuuu noqday  Ruqo ninkii lahaa Dabada hayo makacdo, taas oo siday udhacday aynu kaga bogn doono qoraalkeena hoose.

Hadaba Aynu sifiican u eeegno waaxda caafimaadka xanaanada xoolaha Somaliland sida adeega daawada ay umaarayso inagoo marka hore wax ka oganayna waxda caafimadka xoolaha ee wasarada x.xoolaha

Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee W/X/X OOLAHA

Waaxdani waxay kakoobantahay qaybaha kala ah

1.Qaybta Daawada Iyo Talaalka

2.qaybtaMaamulida Tirakoobka xanuunada iyo Baadhitaankooda Caafimaad

  1. Qaybta Caafimaadka guud ee Hiliba iyo Tayadiisa

Waaxdan waxa masuul ka ah Agaasimha  Dr.Ahmed Haybe, waa qaybta qudha ee wasaarda shaqada ugu wayn kamasuula ama Agaasimaha koobsada guud ahaan kala wada shaqada wasaarada siyaabo wakhtigu sababay dartoood

Waaxdani Malaha shaqaale toosa oo oo Shaqo cayiman leh ama Lagala xisaabtamo  waa waax uuukamid yahay shaqaale kasta oo ku abtirsada magaca wasaardda Waana sababta ay iskugu  Huwatay iskuna huursatay,Maanta waxaynu Dul istaagi doonaa Qaybta Dawada  lagu daweeyo xoolaha Masuuliyadeedana uu hayao AHmed

Qaybta Daawada iyo Talaalka

Wasaaradu waxay  leedahay miisaaniyad kala duwan oo qaybkasta hoos timaada sanadkii dhamaaday waxa miisaaniyada ugu jiray lacag qadarkeedu dhanyahya oo qaybtan u gaara maaha waaxaha kale se waaqaytan daawada  lacag dhan 2,671,844,000(Laba Bilyan lixboqol iyo koob iyo todobaatan malyan iyo sided boqol iyo affar iyo affartan kun  oo shillinka somalilana) loona yaqaano Mashruuca daawaynta xoolaha oo sanadle ah  taas oo loogutala galay Hawla laxidhiida daawooyinka cudurada iyo guno hawleedka dhakhaatiirta,lacagtaas iyada ah looma isticmaalin shaqo hawleedkii wasaarda waxay ku dhacdaa maamulka masuulka ka ah wasaaradan  siiba waaxda Caafimaadka

Dhakhaatiirta wasaaradan kashaqeeya waa kuwa ugu Mushaharka yar wadanka laakiin miisaaniyad balaadhan ayay leeyihiin oo gunooyin ah ama habeen dhaxa se mahelaan waxayse qaataan mushaharka  caadiga ah oo 900000 shilinka Somaliland ah

Waaxdan caafimaaka xooluhu waxay kaheshaa daawooyin tayo fiican leh Haayda FAO,EU ,AU-IBAR iyi  haayada kale oo caalamiya

Waxa kamida daawooyinka Tayada leh ee kaliya wasarada X/X/ Xoolaha laga helo sida daawooyonika

  1. Strepto Penicillin
  2. Tylosine daawada sambabka
  3. Nourquine   daawada dhukaanka
  4. Multivitamin

Iyo qaarkale oo badan oo laynoogu deeqo kanasoo baxa lagan keeno  wadamada UK,USA,HOLLAND,FRANCE IYO GERMAY

Daawooyinkan maaha kuwo ay awoodaan Ganacsatadu ama dadwaynuhu qiimahooda oo qaaliya kaliya waxa laga helaa wasaarada xanaanada xoolaha siloo gaadhsiiyo xoolihii ubaahnaa  se mamaraan halkii loogu talagay.

Daawooyinkan waxa sitoosa oo qarsoodi ah looga iibiyaaa ganacsatayaal kala duwan oo geeye meelo kala duwan sida koonfurta Somalia ooy kamidyihiin Magaalda Baladwayne,Gaalkacyo,kismaayo

Halka wadanka si qarsoodiya looga iibiyo ama  lagahelo magaalooyinka Burco iyo Hargeisa

Daawooyinkaa Tayada leh waxa lagu sooo badashaa Qayb yar oo daawooyin raqiisa oo Iyaga badalkoodiiii loo eekaysiiyo wakhtigoodiina soo dhawaaday ama qaar ay dhaceenba

Kuwaas oo suuqa hargeisa dib loogasoo iibsado wasaaradana lakeeno daawooyinkaa waxa lagusameeyaaa lasoo badashay wadanada china iyo Hindia, waxaana lageeyaaa gobalada iyo dagmooyinka iyo tuuulooyinka  wadanka Kuwaasoo lashaxaaday qaybintoodiii oo aynaa wax aqoona ulahay dadkeena xoola dhaqatada ah taasoo miisaaniyadiii loogu talagalay in daawooyin tayo leh lagu soo iibiyo iyo guno dhakhaatiireed Badalkeediii unoqotay waxlaleexsaday.

 

Waxa Hubaal ah in waaxdan Caafimaadku ay kamasuul tahay Tayada caafimaadka,Daryeela iyo taranka xoolaha se maamulkeeda hogaamiya Yahay Maamul dantiisa gaarka ah kahoraysiiiya Ta hawlaheedu quseeyaan

Shacabka Masaakiinta ah ee ay xoolahoodii kabaxeen Abbaaro soo noqnoqdaana ku habsadeen wuxuu xaalkoodiii marayaa Gudinyahay imaad Goyseen Hadaan Gobalkay ama daabkay kugu Jirin.

Qof bila aadmiyi wuukucafiyi karaa Hadaad Xaqiisa Cunto se Neef Alle uumay oo dawadiisiii aaad Cuntay/Xaraashtay ama mid dhacaysa aaad kumudid kuma saamaxaayo ama mid dhacdayba

           Dr.Abdi Ali

Hargeisa Somaliland

Dabdi201@gmail.com

Hargeisa/Somaliland

 

US Economy….Brilliant comment!

$
0
0
US Economy….Brilliant comment!*
 
Dr. Marc Faber, the investment guru, concluded his monthly bulletin  with the following comments! :*
“The federal government is sending each of us a $600 rebate.
*If we spend that money at Wal-Mart, the money goes to China*
*If we spend it on gasoline it goes to the Arabs.*
*If we buy a software, it will go to India .*
*If we purchase fruits and vegetables it will go to Mexico , Honduras and Guatemala .*
*If we purchase a good car, it will go to Germany  and Japan .*
*If we purchase useless crap, it will go to Taiwan or Korea* .
*In short, none of it will help the American economy.*
*The only way to keep that money here at home is to spend it on Guns, Prostitutes, and Beer, since these are the only products still produced in the US .*

Sirta Rasmiga Ah ee Ka Danbeysa In Hadda Dekeda Berbera Ay Muhiim u Noqoto Wadamada UAE & Itoobiya.

Sadex Tibaaxood Oo Si Lama Filaan Ah Uga Soo Yeedhay Saylaci Oo Abuuri Kara Khilaaf Hor Leh Oo Ka Dhex Qarxa Isaga Iyo Kornayl Muse Biixi

$
0
0

 

  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici ayay ka soo yeedheen hadalo aanu ka fiirsan oo abuuri kara khilaaf dhinaca hanaanka wada shaqayneed ah isaga iyo Madaxweynaha Somaliland waxaana ifka u soo baxday inay wax badan ku kala aragti duwan yihiin hanaanka hogaaminta marka laga eego hadalkan ka soo yeedhay Saylici oo lidi ku ah hayaanka siyaasadeed uu Madaxweyne Muuse dalka ku hagayo oo mar walba ka soo horjeeda tilmaamaha Mucaaridka.
Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo todobaadkan la hadlay warbaahinta ayaa maruu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay go’aanka ka soo yeedhay Xisbiga WADDANI ee uu kalsoonida kala noqday Xubnaha Gudida Doorashooyinka Qaranka iyo arrinta uu Xisbigaasi sababta uga dhigay ee ku saabsanayd in doorashadii dhawayd Xisbigooda lagaga shubtay ayaa waxa uu Saylici qiray in mad madawgaasi ay Xisbigaasi sheegayaan ay jirto oo iyaga laftooda (Kulmiye) isna lagaga shubtay,waxaanay arintaasi si toos ah uga hor imanaysaa go’aan uu Madaxweynuhu bari kaga dhigay Gudida Doorashooyinka uu ee kaga difaacay Weerarkaasi kaga yimid Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,Waxaanu hadalkaasi Saylici abuuri karaa Khilaaf dhinaca wada shaqaynta ah oo dhex mara isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi, Waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Hadaan ka hadlo Gobolka Awdal ee aan ka soo jeedo in aniga layga shubtay mooyaane wax anigu aan ku shubtay oo ila socdaa ma jirto”.
Dhinaca kale,Waraysigaasi laftiisa waxa uu Cabdiraxmaan Saylici kaga jawaabay su’aalo laga waydiiyay Dhinaca Saamiga beelaha ee Xukuumadda uu madaxweyne ku xigeenka ka yahay, waxa uu eedaasi iskaga riixay Madaxweynaha, Waxaana uu sheegay inaanay wali dhamaystirmin Xukuumaddu,oo marka ay dhamaystiranto la wada ogaan doono cida laga qadiyay saamiga Xukuuadda,isagoo muujiyay sida uu dibada uga taagan tahay ee aanu qayb uga ahayn Xulista Xubnaha Xukuumadda loo magacaabayo islamarkaana uu carabka ku adkeeyay,iskuna dhaafiyay Dhinaca madaxweynaha,Waxa haddalkiisa ka mid ahaa sidan“ilaa madaxweynuu uu dhamaystiro dawladiisa, Wax cadaalad daro ah oo muuqataa ma jirto”,waxaanu qodobkaasina keeni karaa Khilaaf dhinaca shaqada ah oo ka dhex qarxa isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi.
Hadalka kale ee isna khilaafka abuuri kara ayaa waxaa ka mid ahaa isagoo dibada soo dhigay arin aad u foolxun oo aanay bulshadu hore uga war hayn,cadawga Somaliland-na hiil u noqon kara, kaasi oo qaranka u huursanayd oo u baahan in si hoose loo xaliyo,waxaana uu sheegay inaanay wali Hay’addaha Qaramada midoobay ee Hargeysa joogaa u aqoonsanayn Gobolada Sool iyo Sanaag inay ka tirsan yihiin dhulka Somaliland,islamarkaana ay diideen inay mashruuca Horumarinta Dawladda Hoose ee JPLG la gaadhsiiyaan caasimadaha Goboladaasi, waxaana uu yidhi ““Annaga Waddanku wuu noo siman yahay, Gobollada barigana Qaramada Midoobay ayaa hor-joogsatay oo tidhi weli kama shaqaynayno, waxaanuna haynaa Waraaqihii aanu u qornay.”waxaanay arintaasi abuuri kartaa khilaaf dhinaca Shaqada ah oo ka dhex qarxa Saylici iyo Muuse Biixi.
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa marka loo eego hadalkan ka soo yeedhay wax badan kaga aragti duwan Madaxweyne Muuse Biixi waxaanay taasi keeni kartaa in Madaxtooyaddu haddii ay ugu yar tahay ka joojiso inuu warbaahinta si shaqsi ah ula hadlo si aanay hadalo noocan oo kale ahi mar dambe uga soo yeedhin oo muujinaya sida ay ugu kala duwan yihiin aragtiyo badan balse aan la ogayn in M/xigeenku ka badheedhey markii ka hadlayay.

Xukumada Kornayl Muse Biixi Oo Xidhiidhka U Jaraysa Dhamaan Hay’adaha UN-ka Ee Xafiisyada Ku Leh Hargeysa+ Guddi Oo Loo Saaray & Arimo kale oo xasaasiya

$
0
0

 

 Xukuumadda uu Hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa diyaarisay qorshe ay cawda ugu jarayso dhamaan Hay’addaha UN-ka ee Somaliland ka hawlgala ee Xafiisyada ku leh Magaalada Hargeysa,Waxaana Arintaasi loo saaray Gudi uu Gudoomiye ka yahay Madaxweyne ku xigeenku,kuwaasi oo dhawaan la sheegay inay soo saarayaan qorshe ay dalka kaga tarxiilayaan Dhamaan wixii Hay’adda UN-ka ah ee dalka ku sugan.
Sida warbixintani aanu ku helnay Waxa uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan Arintani u saaray gudi uu Gudoomiye uga dhigay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),islamarkaana ay Xubno ka yihiin Dhawr wasiir oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire,Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor,Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac iyo Mareeyaha Hay’adda Duulista Somaliland Cabdi Maxamed Rodol iyo Xubno kale kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay kulamo ka yeelanay talaabo la sheegay inay Xukuumadda Somaliland la maagan tahay inay dalka kaga saarto dhamaan Hay’addaha UN-ka ah ee Dalka Somaliland ku sugan.
Lama garanayo sababta ay Xukuumadda Somaliland go’aankan adag u qaadanayso,mana jiro war rasmi ah oo Hay’addaha Dawlada ka soo baxay oo arintani faah faahinaya balse waxa ay illo-wareedyo lagu kalsoon yahay Wargeysa Foore u xaqiijiyeen inay Xukuumadda uu hogaaminayo Muuse Biixi intii ay Xilka haysay aanay la dhacsanayn Shaqada Hay’addahani, islamarkaana ay aad ugu fiirsanaysay qaabka ay Hay’addaha UN-ku ula macaamilaan Somaliland iyo faa’iida ay Somaliland ku qabto waxaanay arintaasi keentay in Gudi loo saaro. Waxa sidoo kale ay Xukuumadda uu hogaaminayo Muuse Biixi ka biyo diiday Qaabka xaqiraada leh ee uu Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Micheal Keating ula macaamilo Somaliland iyo sida uu u qariyay ee aanu ugu soo darin khudbadiisii uu sanadkan bilawgiisii ka jeediyay fadhigii Qaramada midoobay Jan 25, 2018,doorashadii Madaxtooyada ee taariikhiga ahayd ee Somaliland ka qabsoontay.
Warar kale ayaa sheegaya in Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulista Hawada Somaliland iyo Soomaaliya ee ICAO ay dhawaan u guurayso Muqdisho islamarkaana ay si rasmi ah uga xamaan guranayso Magaalada Nairobi oo ay mudo dheer hawsha ka waday,iyadoon wax wada tashi ah kala yeelan Dawada Somaliland, waxaanay arintaasi sida la sheegay si xoojisay kalsoon darada Somaliland ka qaadatay Hay’addaha UN-ka iyo wada shaqaytooda. Arintan la sheegay inay Somaliland dalkeeda ka saarayso Hay’addaha UN-ka ayaa waxa garab socda in sidoo kale la joojiyo dhamaan Duulimaadyadii ay Diyaaradaha UN-ku ku iman jireen ama ku soo mari jireen guud ahaan Hawada dalka Somaliland. Hay’adda ICAO ayaa sida la sheegay bishan 29-keeda u guuraysa Muqdisho,halkaasina doonaysa inay ka maamusho Hawada Somaliland iyo Soomaaliya.

Mooshin la fool-eryaayo & Fadhi degdega oo loogu yeedhay Barlamaanka S/land


War-weyn:Mudaharaad ka qarxay Boorama,Wuxu daaran yahay+Eedo lagu miisay Kornayl Muuse Biixi

Kornayl Muse Bixi oo badka soo dhigay Sadex Balanqaad oo xildhibaanada Hargeysa codka ku heleen balse ku fashilmeen inay fuliyaan+Xabaalo la iibsaday

Xildhibaan shaaciyey in lagu weeraray qadiyada Cayda Wasiir Guri-barwaaqo+Cida weerartay & Arimo kale oo xasaasiya

War-weyn:Haweenweynaha Beelaha Garxajis Togdheer & Sanaag oo si adag uga hadlay Caydii wasiir Guri-barwaaqo & Shirweynaha Garxajis

HEMA Waxaan leeyahay ‘‘Hal Xaaraan ahi Nirig Xalaal ah ma Dhasho.’

$
0
0

HEMA Waxaan leeyahay ‘‘Hal Xaaraan ahi Nirig Xalaal ah ma Dhasho.’

Waxaan qormadan kooban kaga hal celinayaa, hadal hawaawi ah oo si hubsiimo la’aan ah ay shirkada HEMA BOOKS markii ay halacdhoontay ee dad aqoonyahan, sharci yaqaano iyo warbaahinta kala duwani si heer sare ah ugu iftiimiyeen ummadda Soomaaliland qaabka ay ku heshay sharkadu qandaraas ku-sheega Buugta Manhajka dalka oo dhan, kaas oo kooto loogu xidhay HEMA (15 sanno).

Wuxuu yidhi hal abuur Hadraawi:

“Hadalkaan farshaxannimo

 Ama fiiro loo odhan,

 Caanahaan fal qurux badan,

 Ama fiiqsi loo dhamin,

 Wuxuu yidhi nin faaqiday

 Way kula fogaadasan

 Oo feedhahay wax yeelaan.”

‘‘Hal Xaaraan ahi Nirig Xalaaal ah ma Dhasho’’, waa murti fac wayn oo soomaaliyeed. HEMA waxay is tidhi ka qariya bulshada xaqa iyo xeerarka dastuuriga ah ee xaaraantinimaynaya kootada iyo qaabka xididnimo iyo xigaal ku macaashka ah ee loogu xidhay in ay (15-ka sanno) ee soo socda dalka oo dhan Buugta Manhajka u daabacaan, markii aqoonyahankii iyo sharci-yaqaanadii muwaadiniinta ahaa ay bulshada si hufan oo hannaan aqooneed iyo  hab sharci heer sare ah ugu iftiimiyeen daweynaha; laakiin kumay xisaabtamin in caqliga ummadda aanay caayi karin calooshood u shaqaystayaal aan dheef mooyee dhugmo ka durugsan lahayn.

Geel jiraha ayaa geela ugu heesi jiray ‘‘Ninna dhuunuu kuu dhex joogaa, Ninna dhaqashuu kuugu dhabar jabay.’’

Waxa ay hadalkii ka aradnaa runta ee ay warbaahinta ku faafiyeen ku sheegeen in ay Shirkada Hema bilaabeen 2009, taas oo ah been qaawan, sababta oo ah waxay wakhtigaa HEMA ahayd (BOOK SHOP) yar oo dugsi gaar ah buugtiisa lagu iibin jiray.

Hase yeeshee Buugta Dugsiyada Hoose/Dhexe ee manhajka dalku HEMA ka hor bilaash ama lacag la’aan ayaa loogu qaybin jiray dugsiyada dalka oo dhan dacal ilaa daraf.

2016-kii ayay HEMA hab xaaraan ah oo aan loo marin hannaanka qandaraasyada ee dalka u yaal ku qaadatay daabacaada buugta.

Waxa xusid mudan wadankeena waxa jira dad muwaadiniin ah oo maal gashaday oo keenay madbacado waaweyn oo ay ka shaqeeyaan dad aad u badan oo reer Soomaaliland ah, cashuur-bixiyayaal ah, shaqo abuurna dalka u sameeyay oo xataa haddii ay ka daabacdaan lahayd Shirkada Hema awoodi kari lahaa; taasi oo bedelkeeda ay shirkadaas xaaraanta ahi ka door biday in ay dalka dibadiisa ku soo daabacdo Manhajkii Dalka oo ay macaash badan oo aan dawaladuna waxba ku lahayn ka helaan.

Taa waxa dheer, buugtii ay waligood daabacan jireen dugsiyada gaarka ah qaarkood ayay xaday shirkadani oo ay soo daabacday taas oo marageeda oo buuxa la hayo markeedana la soo bandhigi karo.

Waxa iswaydiin mudan dawladdu Manhajka Qaranka haddii ay shirkad macaash doon ah u daba fadhiisatay Madbacadii Qaranka iyo Madbacadii weynayd ee ay lahayd Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniskuna iyo kuwii muwaadiniintu lahaayeen ee dalka maalgashaday ee shaqo abuurka sameeyaymeeye oo maxaa loogu talo galay in ay qabtaan?

Wax badan oo qaloocday oo qaldamay ayaa looga fadhiyaa dawladda cusubi in ay si xikmad ah u saxdo.

Talaabada Madaxweynuhu qaaday ee ah in buugta bilaash lagu siiyo ardayda Dugsiyada Hoose/Dhexe waa mid ammaan mudan oo geesinimo ah, laakiin mudane Madaxweyne yaan laguu qarin booraan qafilan oo qabar ka hooseeyo oo lagu xalaalaysanayo qandaraasyo xaaran ah.

Haddii ay xukuumaddu ka maarmi waydo daabacaada Buugaagta Manhajka ee Qaranka in ay u kaashato sharkad gaar ah waxa muddan oo xalaal noqonaysa in si xaq ah loogu tartarnsiiyo muwaadiniinta dalka ee shaqadan qaban karaya islamarkaana u diyaar ah in ay dalka dhaqaalahaa dibada u baxaya ku celiyaan.

Sidaas darteed mudane Madaxweyne maadaama oo aad maanta talada qaranka aad gacanta ku hayso waxaan kaa codsanaynaa in aad si deg-deg ah arrinkaa wax uga qabato.

Waxaan leeyahay xaaraan ku macaashayaasha xoolihii ummadda ku xalaashaday

xaq-soor la’aan looguna xidhay xaq aanay lahayn, ka xishooda ummadda oo xaqdhawra, idiin ma xalaaloobaysee.

Haddii kale xaalkiinu wuxuu noqon maansaddii hal abuur Hadraawi ee uu yidhi:

Damiirku hadduu engago

Hadduu dufan raadis yahay

Daliilka hortiisa yaal

Waxaa kaga beegan daah

Waxaan magac doolar sidan

Diinaar iyo lacag ahayn

Yaqiin kamasii dayaan

Dad badanina waa sidaas

Dunuunuc bukay liqeen

Debnay la haliilayaan

Dalqay wax ku eegayaan.

 

  

Sicir-bararka Qaybtii 3’aad: Kaalinta Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland

$
0
0

QAYBTII(3) Sicir-bararka .

Kaalinta Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland ay ku leedahay la dagaalanka sicir bararka.
————————————————————————
Asxaabta salaan Guud dhamaan inta hawada aanu ku wadaagno fariimaha.
Waqti wacan qof walba xiligay u tahay.

Wali waxaan daba socdaa sicir bararkiiye .
Fadlan ila wadaag qormadan hoose ,

Xilka, ka saaran wasaarada Ganacsiga inay qayb weyn ka ciyaarto ,la dagaalanka sicir bararka ee maceeshada aasaasiga u ah nolosha bulsha ,xilka ka saran isdhexgalka dhaqaale ee bulshada iyo guud ahaan waajibaadka hay’adaasi uga masuul tahay dalka .
Xxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxx.

Wasaarada Ganasiga iyo Maalgashiga Somaliland (Ministry of Commerce and Investment of Somaliland) , waxay ka koobantahay macag ahaan , iyo masuuliyad ahaanba laba qaybood , oo kala ah ;

i) Ganacsiga (Commerce/Trade); xakamaynta , kala saarida ,dhiiri galinta ,dhismaha iyo curinta siyaasada guud ee ganacsi ee dalka ,kor uqaadida, habaynta maamul iyo kala xadaynta ganacisiga wadanka .

ii) Maalgalinta (Investment); waxa kale oo ay shaqadeedu tahay , fududaynta dhamaan waxii maal galin ah ee dalka lagu samaynaayo , ha noqoto maagalin gudaha ama dabada ah , waxaa saaran inay abuurto oo fududayso siyaasadii dalka lagu maal galin lahaa , inay keento oo tilmaanto fursadaha maalgashi ee dalka ka jira , soo jiidato ajaanibta danaynaysa inay maal gashadaan dalka iwm, ( Creating investment opportunities both internally & externally). Wasaaradaasi waxay ka koobantahay labadaas jidh ee is barbar yaala loogana baahanyahay inay ka soo baxdo masuuliyadooda.

(The ministry of Commerce and investment is the government ministryresponsible for regulating and promoting commerce and tradeof Somaliland. It works both domestically and internationally, and within the context of Somaliland, to create opportunities and a good working environment for producersand exporters).

Waxay ka koobantahay waaxo fara badan, oo masuuliyadooda iyo hadafkooduba kusoo koobmaayo kaliya , ilaalinta guud ee ganacsiga dalka , kala xadaynta ganacsiga wadanka , fududaynta dhamaan waxii maalgashi ah, dajinta siyaasada guud ee ganacsi iyo ta maalgashineed ee dalka jamhuuriyada Somaliland . ku dheeraan maayo , qormadan waxaan ugu talo galay inaan ku iftiimiyo laba qodob oo aan u arko inay ka gaabisay wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga , ay tahayna inaan soo bandhigno.

I. Xilka ka saran ilaalinta nolosha bulshada anoo la xidhiidhinaaya mowduuca sicir bararka , tilmaamaya kaalinta ay ku leedahay wasaaradu ,xakamaynta sicir bararka ku yimaada asaasiyaadka nolosha ee bulshada .

(Role of Ministry of Commerce & investment in Controlling inflations & Restoration of spiraling prices of Essential Commodities in Somaliland).

II. Kaalinta ay ku leedahay is dhexgalka dhaqaale ee bulshada (Social Economic Integration).

Hadaan u imaado qodobka koowaad oo ah xilka ka saaran ilaalinta nolosha bulshada , wasaarada ganacsiga waxaa saaran waajibaad qaran, oo ah inay kaalin weyn ka ciyaarto ilaalinta nolosha bulshada , diiradana ay saarto guud ahaan nolosha dadka danyarta ah ama soo koraya nolol ahaan , madaama dalkeenu aanu lahayn wax soo saar , nolosheenu ku xidhantahay soo dajinta (import), dadkeenu waxay quutaana ama asaasiyaadkanoloshu dabada ka timaado , waxaa saaran wasaarada ganacsiga sidan hoose :

1. Inay dajiso dhamaan shuruucdii lagu ilaalin lahaa nolosha bulshada, lagu xakaymayn lahaa ganacsatada dalka ee wax soo dajisa ,

2. Inay astayso dhamaan waxii asaasiyaad u ah nolosha bulshada ee laga simi karo guud ahaan dalka, inay xeer ku qeexdo waxa loo yaqaan asaasiyaadka nooc kasta oo ay tahay ,cunto ,cabitaan , adeeg ee bulsho waxay ay tahay, dadka iyo ganacsatadana ku wacyi galiso,

3. Ka dib waxay xaq u yeelanaysaa inay dajiso sicirka lagu iibin karo waxyaabaha aasaasiyaadka ah ee bulshada ,(controlling and Pricing Policy), waa marka loo bilaabo sicilmiyeysan , ganacsatadana la baro laguna wacyi galiyo layslana fahmo,

4. Ka dib waxay la xaajoonaysaa wasaarada maaliyada oo ay halkaas ka wadaagi karaan barnaamij qaran, oo ah ilaalinta nolosha bulshada , waxay kala xaajoonaysaa ,una gudbinaysaa, sidii cashuurta looga yarayn lahaa dhamaan aasaasiyaadka nolosha bulshada loona xakamayn laha sicirkooda ,loo kaabi lahaa hadii la awoodo, wasaarada maaliyaduna cashuurtay ka dhimmi waxay u abuuri (taxation policy of essential Commodities ), iyaduna cashuur ahaan ayay u kala saari doontaa ganacsiga dalka waxii muhiim u ah nolosha bulshada iyo waxii aan muhiim u ahayn ee faaka haysi ah, fiiro gaarana waxay siin doontaa wax alaale waxii khuseeya bulshada iyo ilaalinteeda nololeed.

Talaabooyinkaas waxaan ku salaynayaa , kana duulayaa waa macnaha, dowlad aan dadkeeda ka ilaalin gaajada , kala tacaalin haraadka , oo inta wax haysta uun naaxisaa dowlad maaha ,marka lagu eego indhaha dowladnimada.

5. Waa inay ninka ganacsadaha ah ka ilaalisaa inuu bulshada noloshooda naafeeyo,oo ka qabataa , isna u ilaalisaa ganacsigiisa , waayo waxaa jira wax la yidhaa (Ators of industrial Relations like Employer/Managent, Employees, Government, Customers /Societies based on Industrial Relation Approach).Jilayaasha saaxada ganacsiga dalka kasta , loo shaqeeye , shaqeeye , dowlada , iyo macmilka ama bulshada guud ahaan , intaa dowlada ayaa u siidhi wale ah, oo ay tahay inay kala xadayso.

Talaabadaasi waxay yaraynaysaa inuu soo noqnodo sicir bararka ku yimaada nolosha bulshada , gacantana waa lagu haynkaraa , la xakamayn karaa , siyaasadwacan oo la dajiyo ayaa bulshooyinka lagaga badbaadiyaa dhibaatooyinka nololeed.

Qodobka labaad hadaan u imaado ee ah ,kaalinta kaga began , ama masuuliyada saaran wasaarada Ganacsiga iyo maalgashiga , waxa weeye inay ka shaqayso , fududeyso isdhexgalka iyo is aaminka dhaqaale ee bulsho ee jmahuuriyada Somaliland.

(The ministry of Commerce & investment of Somaliland is responsible for the functions relating to promotion, coordination, and regulation of National Social Economic Integration of large and middle scale industries in Somaliland).

Sida aan wada ognahay marka laga hadlaayo , dhismaha iyo kobcinta dhaqaalaha ,waxa tiir u ah , oo lagama maarmaan u ah wadankaas , in shacabkiisu is aaminsanyahay , isla falgalay dhaqaale ahaan , is dhexgalay, diyaar u ah inuu wax isku darsankaro , wadaagi karo faa’iidooyinka ganacsi iyo khasaarihiisaba .

Isdhexgalka bulshada waxa masuuliyadi ka saarantahay wasaarado badan , sida arimaha bulshada , warfaafinta ,arimaha gudaha , ciyaaraha , sidoo kale wasaaradana waxaa saaran qaybta isdhexgalka dhaqaale ee bulshada .

Waxa kale oo saaran wasaarada ganacsiga inay ilaaliso raasamaalka muwaadiniinta , had iyo jeer ganacsiga la bilaabo, ee ay ka baaba’do ama ku khasaarooba waxii ay bilaabeen , inay ilaaliso raasamaalka guud ee muwaadiniinta waa waajibaad qaran , oo marka liisan ay bixinayso eegto nooca businesska , talona ay ka siiso muwaadiniinta maalgashiga samaynaaya (investment counselling department /personnel/or investment counsellors) waa inay jirto .

Somaliland waxay noqotay meesha ugu badan ganacsiga fashilmay (business failure),sabab waxa ka hirgalay aragtida ah ,in qof waliba kaligii uu wax helo kasaare iyo faa’iidaba (Sole trade business structure ), Halkii ay ka ahayd in dadku is aamino ,oo dalka laga hirgaliyo nidaam ganacsi oo dheeftiisa iyo khasaarihiisaba la qaybsado ( partnership and Corporate Business structure).

Si loo helo taas, looga guuro nidaamka ah kaligay aan wax helo , loogu guuro habdhis ganacsi oo kuu salaysan is aamin iyo wax wada qaybsi ,faa’iido iyo khasaaraba ,wasaarada ganacsiga dalku waa inay fulisaa waajibaadkeeda hay’adeed ee ay u xilsaarantahay, una abuurantahay ,sida :

1. Waa inay abuurtaa dhamaan shuruucdii ganacsi ee saamaxaysay in wax la wada yeesho oo dhaqaale ahaan bulshadu is dhex gasho,

2. Waa inay hir galisaa mabaadiida wax isku darsiga , wacyi galisaa ganacsatada iyo dadka samaynaaya ganacsiga cusub , ku dhiiri galisaa inay sameeyaan shirkado aan qofaf lahayne dadku wada leeyahay , faa’iido iyo khaaarana lawada qaybsado,si loo badbaadiyo raasamaalka muwaadiniinta ee mar walba mar wada dagaaya,

3. Waa inay xoojisa (National Chamber of Commerce of Somaliland) ,si loo abuuro qawaaniintii dadku isku aamini lahaayeen sida ‘Company act , partnership act ‘liquidation act ‘holding company act,etc, sharciga shirkada waawayn , ka shuraakada , shirkadaha yar yar , kuwa gaarka looleeyhay ,kuwa dowliga ah , kuwa aan dowliga ahayn, ka loo adeegsanaayo goorta shirkadu xidhmayso ama la xidhi karo , sharciga kuu saamaxaaya inaad shirkad qayb weyn ka yeelan kartid iwm.

Waa shuruucdii laysku aamini lahaa , fududaynaayey in bulshadu wax wada yeelan karto.

Bulsho kala firidhsan dhaqaale ahaan ,siyaasad ahaan , bulsho ahaan , deegaan ahaan , meel ma gaadho dhibna kama baxdo , in laysku soo wada celiyaana, waa waajibaad saaran mar walba maamulka jooga ee talada dalka haya.

Waa in loo helaa dad ku haboon hay’adaha ahmiyada noocan oo kale ah ,u leh bulshada , loo eego kibrad iyo aqoonba ,ee aan hebel uun la soo fadhiisin xafiiska.

Intaan ka arko qiimayntayda guud, wasaarada gacacsiga iyo maalgashiga Somaliland, way ku fashilantahay waajibaadkeedii ama doorkii looga baahnaa inay bulshada ka dhisto kaalinta kaga haboon.

Qaabka loo abuuro siyaasad ganacsi oo furfuran oo xakamaysan (flexible , comprehensive and controlled commercial policy), iyo sida dadku wax u wada yeelanayaan ,meelaha laga bilaabayo iyo sida loo abuurayo kawi ganacsi oo ku dhisan u adeega bulshada iyo ilaalinta noloshiisa ,hay’adaha loo baahanyahay ,waxaasoo dhan waa mowduuc dheer oo u baahan in laga fikiro ,hal abuurkeedana loga fadhiyo masuuliyiinta hay’adan ku magacaaban.

Image

Hada intaasaan kusoo koobayaa.

—– Dhamaad——-

Abdirashid Hussein Yousuf Gahaydhle
Email.gahaydhle@live.com,
Doha,Qatar.

Baaq ay soo saareen qurbo jooga beelaha Garxajis oo ka digaaya burbur ku yimaada Somaliland

$
0
0

Hadaanu nahay Qurbajooga iyo Qolqoljooga Ismail Sh. Isaxaaq (Garxajis), waxaanu ka digaynaa burbur ku yimaada Somaliland oo ifafaalaheedu muuqdo. Dalka waxaa loo soo huray naf iyo maal. Waxaa ku naf waayay kumanaan halyay. Waxaa lagu heshiiyay in Dawlad loo dhan yahay la dhiso oo aasaaskeedu cadaalad iyo wax wada lahaansho yahay. Nasiib darro, intii Xukuumadihii Kulmiye dalka ka talinayeen waxaa muuqatay in wixii lagu heshiiyay laga baydhay. Waxa aan shaki ku jirin in xilalkii dalka, dhaqaalihii dalka, madaxdii ciidamada, mashaariicdii horumarinta, ilihii dhaqaalaha, deeqihii waxbarashada (Scholarship), iyo qandaraasyadii xukuumadu bixinaysay in reero gaar ah lagu taxay oo lagu naasnuujinaayo. Iyada oo intaasiba jirtay ayaa waxaa xukuumadii Kulmiye ku darsatay, cabudhin, caga juglayn, xadhigyo ka baxsan qawaaniinta dalka inay ku kaceen. Waxaa ka sii daran in nin buug ku qoray cayda hablaha birmagaydada ah uu ku helay xil Wasiirnimo. Intaas oo dhami waxay keenaysaa kicin iyo kala qaybin bulshada dhexdeeda ka bilaabanta. Mar haday dadku gadoodaan oo ay kacaan, cid xakamayn kartaa ma jirayso. Waxaanu si mug iyo miisaan leh ugu baaqaynaa in Madaxweynuhu wax ka qabto arimahan hoos ku qoran oo sal iyo baar u ah wada jirka iyo sii jiritaanka Somaliland;

In xilalka iyo khayraadka dalka loo sinaado.

In Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Wacyi gelintu uu gubo buugan cayda iyo dhaqan xumadu ka buuxdo.

In Madaxweynuhu shaqada wasiirnimo ka qaado Ina Guri Barwaaqo. Waayo, ninkaasi nin Wasiir u noqon kara ummada Somaliland maaha.

In inanta xidhan ee Naciima Qorane oo muddo ka badan laba bilood xidhan oo ilaa imika aan Maxkamad la keenin, una xidhan fikirkeeda oo qudha si dhakhso ah loo sii daayo. Dastuurka aynu ku heshiinay melena kagama taalo in dadka lagu xidho fikirkooda shakhsiga ah.

In Shirkada Telesom ee lugaha loo qabanaayo shirkadaha kale ee ay tartarnka ganacsi ku wada jiraan, faraha laga qaado. Sida Dastuurka ku taala, waa inuu suuqa ganacsigu noqdaa mid xor ah oo aanay Xukuumadu cid gaar ah kooto ugu xidhin.

Cidii lunsatay lacagtii biyo balaadhinta caasimada ee Hargeisa oo xadigeedu dhamaa $153,000,000.00 ee Xumbaweyne waa in Maxkamad la soo taagaa.

Hadaba, iyada oo cadaalad darradu wada haysato beelaha Somaliland, hadana intaas oo dhacdo ee aanu sheegnay waxay ku waajahan yihiin beesha Garxajis oo la bar tilmaameedsanaayo. Ummada waxaa deeqda cadaalad, hadii la waayana la is xukumi maayo. Waxaa waajib ka saran yahay inay cadaalada iyo ilaalinta shuruucda dalka sugto, cidda marba xukunka haysa oo uu ugu sareeyo Madaxweynuhu.

Taariikhda dib ha loo raaco oo yaan god hore loogu dhacay lagu sii socon. Tallo waa mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydo.

Wabillahi Tawfiiq

Waxaa baaqan diraaya ragga hoos ku qoran;

Eng. Abdillahi Hassan Amay
Dr. Osman Omer Dool
Ahmed Abdi Hussein Indhogamuun
Muj. Saeed Mohamed Yusuf
Mohamed Abdillahi Essa
Yasin Sulaiman Mohamed
Ahmed Dualeh
Mohamed Saeed Warsame
Ali Hassan Dualeh
Khadar Ismail Elmi
Abdirisaq Haji Dahran
Hussein Ahmed Guun
Mohamed Elmi
Muj. Ahmed Ali Abdi (Oday)
Mustafa Ismail Ahmed
Mustafa Ali Gaagaab (Jaylani)
Jamal Muse Ismail
Mohamed Ismail Bahilawe
Hussein Osman Dhuux
Abdi Nabadiid Warsame
Hassan Ali Gaagaab
Ibrahim Osman (Jeeni Foodcade)
Mohamoud Abdi Ahmed
Ahmed Mohamoud Ismail
Eng. Abdi Omer Sudaani
Mubarak Omer Ibrahim
Muj. Adam Mohamoud Farah (Sikaawi)
Mohamoud Mohamed Kaahin
Abdi Ibrahim Maax
Muj. Ali Mahir Jama
Fuad Osman Muhumed
Muj. Faisal Abdillahi Abdi
Mohamoud Casayr
Mohamed-Nageeb Ibrahim Ahmed
Jamal Adam
Adam Mohamed Ibrahim
Mohamed Nour Adam
Eng. Ahmed Sh. Omer Hussein
Mohamed Yusuf Amay
Ahmed Yusuf Jama


Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Waddani Oo Deeqo Lacaga Gaadhsiiyey Gudida Horumarinta Deegaanada Dila Iyo Idhanka

Urur Goboleedka IGAD soo bandhigay qadarinta uu u hayo madaxbannaanida Xudduudaha dhulka, madax-bannaanida Siyaasadeed & midnimada Soomaaliya

$
0
0

Urur goboleedka IGAD ayaa Isniintan maanta ah sheegay inuu mar kale ku celinayo qaddarinta uu u hayo madaxbannaanida, xudduudaha dhulka, madax-bannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya, sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay ururka IGAD.

IGAD ayaa sheegtay inay ka walwalsan tahay oo ay si dhow ula socoto xiisadda siyaasadeed ee cusub ee Soomaaliya oo halis gelinaysa horumarka wayn ee la sameeyay sannadkii la soo dhaafay, gaar ahaana is mariwaaga siyaasadeed ee ka dhex aloosan xubnaha sharci dajiyaasha dalka taasoo halis dib u dhac ku keeneysa dadaalada ay waddo dowladda hadda jirta ee la xiriirta dib u nidaaminta amniga hay’adaha cadaaladda, fursadaha dhaqaale ee sii kobcaya iyo sidoo kale inay adeegyada aasaasiga ah u gudbiso dadkeeda.

Warkana ka soo baxay IGAD ayaa lagu sheegay in sanadkii la soo dhaafay ay Soomaaliya sameysay hormar si xawli ah ku socday oo ku aaddan dhib u habeynta, taasoo ay sheegtay in mahadeeda ay leedahay xukuumadda hadda jirta oo wadashaaqeyn dhow la leh dowlad gobaleedyadeeda. Waxaana ay sheegtay inay soo dhoweyneyso horumarka laga gaaray.

IGAD waxay soo dhoweyneysaa horumarka laga gaaray hirgelinta heshiiska golaha amniga qaranka, gaar ahaan heshiiska siyaasadeed ee dhowaan uu gaaray golaha amaanka ee qaramada midoobay ee 6-dii bisha Febraayo ee sanadka 2018-ka si loo aqoonsado ciidammada gobolka iyo sii wadida isdhexgalka ka dhexeeya hay’adaha aminga qaranka.

IGAD ayaa sidoo kale ku boorrisay dhamaan hay’adaha federaalka ah ee Soomaaliya in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo isku-xirnaanta, si loo xaliyo khilaafka siyaasadeed.

Xildhibaan shaaciyey in Qaadka Itoobiya laga soo waarido S/land dalka laga mamnuuco,Muxuuse ku sababeeyay

Xukumada Farmaajo oo u yeedhay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya,Waxyaabahay kala hadleen & Ballanqaadkii safiirka+Sawirro

$
0
0


Xukuumadda Farmaajo ayaa markii u horeysay  u yeedhay safiirka u fadhiya Somalia Dalka Imaraadka Carabta (UAE) Mohamed Ahmed Al-cuthmaan Xamaadi.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa si toos ah ugu yeedhay safiirka Imaaraadka Carabta, wuxuuna wax ka  weydiiyay heshiiska ay la galeen maamulka Somaliland ee saldhiga milateri iyo heshiiska dekadda Berbera ee DP World.
Wax faahfaahin ah lagama bixin wixii kasoo baxay kulanka safiirka iyo wasiirka balse waxaa la xaqiijiyey keliya in qadiyaadaa Saldhiga milateri ee Berbera & heshiiska DP World wax laga weydiiyeyi.

Dowladda Somalia ayaa muujisay sida ay uga xun tahay Heshiisyada Somaliland la gashay Dalka UAE.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sanadahiii u danbeeyay saameyn ballaadhan ku yeelatay arrimaha Somalia, iyadoo heshiisyo kala duwan la gashay Somaliland & qeybo ka mid ah somalia sida Puntland.

Dhinaciisa, Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta, xushmeynta iyo taageeridda madax banaanida Soomaaliya, midnimadiisa iyo bedqabka dhulkiisa iyo weliba hagaajinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal somalia & UAE

Daawo: Sacuudiga Oo Soo Riday 7 Gantaal Oo Xuutiyiintu ku Tureen Riyadh+Muqaalka Gantaalaha & Goobihii ay kuburbureen

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>