Ogaysiis ay dirayaan xisbiga Waddani UK
Madaxweyne Muuse Biixi oo caawa kulan isugu yeedhay golayaasha qaranka
Qaar Ka Mida Talooyinkii Luqman inankiisa siiyay
Shirkadaha laydhka oo markale cabasho xoogan muujiyay halkan ka daawo qaylada ka Soo yeedhay
https://youtu.be/QXbHB87_BLI
Barlamaanka Somalia oo Laba gudoomiye yeeshay,Berrina laga filan karo mid la mida dhacdadii……….

Ma’aha wax ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed in ay maqlaan khilaaf soo kala dhaxgalay xildhibaannada Golaha Shacabka, laakiin arinta ku cusub khilaafka ayaa ah in markan guddoonkii Golaha Shacabka isku dhaganyahay islamarkaana dhinac walba uu hogaaminayo tiro xildhibaanno ah oo aan cadadkooda la ogeyn.
Fadhiga xildhibaannada Golaha Shacabka ee maalinta Berri ah loo balansan yahay ayaa u muuqan kara mid waji cusub u yeeli doona taariikhda khilaafaadkii taxanaha soo ahaa ee soo maray Baarlamaanka Soomaaliya, madaama guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku-xigeenkiisa Koowaad mid walba oo ka mid ah isku arkayo kan xaq u leh in uu shir guddoomiyo fadhiga Golaha..
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo malintii shalay hadlay ayaa sheegay in kulanka ugu soo horeeya ee maalinta Sabtida ah dhacaya Baarlamaanku guda-gali gali doono ka doodista arrimo xasaasi ah sida xiisada ka taagan degmada Beled-Xaawo.
Halka dhinaca kale guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey sheegay in Ajandaha Berri noqon doono mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Waxaan meesha ka madhneyn in ay jiraan xildhibaanno gadaal ka riixaya mid walba oo ka mid ah Labada mas’uul, taasoo dad badani u fasiran karaa in ay keeni karto fowdo iyo in uu dhaco Khalkhal siyaasadeed oo dalka ku yimaada.
Haddii uu mid walba ku adkeysto Ajandihiisa waxaa ay dad badan u arkaan in leysku qaban doono Kursiga guddoonka Golaha Shacabka, madaama Cabdiwali Muudeey iyo xildhibaannada taageersan qabaan in Jawaari uusan shir guddoomin karin fadhiga maalinta Berri ah, madaama waxaa laga doodayo uu yahay mooshin isaga ka dhan ah.
Halka dhinaca kale xildhibaannada taageersan u arkaan in Goluhu qabsanayo mid ka mid ah fadhiyadiisii caadiga ahaa sidaa daraadeed ay tahay in uu shir guddoomiye Prof Jawaari.
Marka aad si wanaagsan u dhageysato dooddaha xildhibaannada iska soo horjeeda iyo fariimaha ay isku marinayaan warbaahinta waxaa ku soo baxaya in dhinac walba uu dhinaca kale u arkayo in uusan heysan wax sharciyad ah, gaar ahaan marka laga hadlayo xaqa hogaaminta Golaha Shacabka.
Lama sii saadaalin karo sida uu muuqaalka Golaha Shacabku noqon karo, laakiin arintan oo kale waxaa ay ka dhacday Somaliland oo ay gacanta iskula tageen guddoomiyihii Waqtigaa Cabdiraxmaan Cirro iyo ku-xigeenkiisa oo isku qabtay hogaanka Golaha Wakiilada.
Wararkii Ugu Danbeeyay Wadooyinka Muqdisho Oo Gebi Ahana La Xidhay
Madaxtooyadda Somaliland Oo Sifo aan Sharci ahayn ubixisay Laba Gaadhi.
Madaxtooyadda Somaliland Oo Sifo aan Sharci ahayn ubixisay Laba Gaadhi.
Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Oo Ay Hoostagi Jirtay Hay’adda Samafalka Madaxtooyada Somaliland, Waxaanay Hay’adani Caawimo Iyo taageero siin Jirtay Dadka Danyarta Ah ee silica Iyo Darxumada Ku Hayso Somaliland, Hadaba Mudada Kala Guurka Ah Ee Xukuumadaha Dawliga Ah Waxaa dhacda In Ay Dad Gaar ahi Ay Ku Kacaan Musuqmaasuq baahsan, Lunsadaana Hantida Qaranka.Waxaa Dhawaan Dhacday In Ay Wasaaradda Madaxtooyadu Ay Hogaaminaayo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Iyo Agaasimaha Cusub ee Wasaaradaasi Maxamed Cali Bile In Ay sifo aan sharci ahayn ubixiyeen Laba Gaadhi Oo Noocyadoodu Kala yihiin (VX Land Cruiser & V8 ) Oo Cusayb Ah waxaana Labada Gaadhi Ay siiyeen Agaasimihii Hore ee Samafalka Madaxtooyada Somaliland Marwo Aamina Derie , Warkan Oo aanu Ka Helnay Ilo udhuun Daloola Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland,
labadan Gaadhi Oo Ay Hore ulahayd Wasaaraddu Ayaa Waxaa Loogu shaqayn Jiray Dadka Danyarta ee Somaliland, Ujeedkuna Ahaa In Taageero Dhaqaale Iyo Mucaawimo Lagu Gaadhsiiyo Dadka Degan Magaalooyinka Iyo Tuulooyinka Durugsan ee Somaliland.Hantidii Qaranka Oo La Lunsaday.
Abdi Naasir Mohamud
raabi_2005@hotmail.com
United Nations Population Fund and United Nations High Commissioner for Refugees Assist More than 8,500 Displaced Women Across Libya
Displaced women and girls represent one of the most vulnerable groups in Libya, where an estimated 500,000 persons are either internally displaced or have returned home following a period of displacement
TRIPOLI, Libya, March 30, 2018/ — In order to respond to the growing needs of vulnerable displaced women across Libya, UNHCR and UNFPA, with the support of German funding, are currently distributing 8,517 dignity and hygiene kits in 16 different locations in the areas of Tripoli, Misrata, Sabha, Nafusa Mountains, Bani Walid, Janzour, Ubari and Murzaq. The kits contain hygiene and sanitary items such as soap, shampoo, tooth-brushes and toothpaste, as well as other items explicitly tailored towards the local needs of women and girls.
Displaced women and girls represent one of the most vulnerable groups in Libya, where an estimated 500,000 persons are either internally displaced or have returned home following a period of displacement. Often at the mercy of inclement weather conditions, and lacking first necessity items as a result of the displacement, sanitary articles for everyday use can constitute a major need for all displaced.
Beside the distribution of the hygiene kits, UNHCR and UNFPA seize this vital opportunity to meet displaced women across the country and assess their wellbeing and the conditions they are living in, in order to respond adequately to their needs.
The Agencies will continue to support the empowerment and protection of displaced women and girls in Libya, fostering their participation in civil society dialogues and ensuring their voices are heard.
Distributed by APO Group on behalf of United Nations Support Mission in Libya (UNSMIL).
SOURCE
United Nations Support Mission in Libya (UNSMIL)
Multimedia content
War-weyn:Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyay…….


Xaalada Muqdisho oo qasan +Wareegto lagu mamnuucay…..

Ganacsatada Burco-Bari ee Kornayl Muuse Biixi Dooratay oo Fartoodii eeday,Sida Fiintana uga qayliyey…….
Dawlada Itoobiya oo sheegtay in arinta dekada Berbera aanu dhaawici doonin xidhiidhka ay Somaliya la leeyihiin
Wasiirul dawlaha ganacsiga iyo arrimha dhaqaalaha ee wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Dr.Aklilu Hailemichael, ayaa sheegay in adeegsigooda dekedda Berbera ee Somaliland aanu dhibaato u gaysan doonin xidhiidhka ay la leeyihiin Soomaaliya.
Dr. Aklilu oo u waramay wargeyska The Capital ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, wuxuu sheegay in heshiiska dekedda Berbera la nooc yahay kuwa ay la galeen Djibouti iyo Suudaan. Wasiirka oo la weydiiyay inay Itoobiya ka walaacsantahay khilaafka Djibouti iyo DP world wuxuu yidhi “Maya, arrintani waa mid u taala Djibouti, Itoobiyana way sii wadaysaa isticmaalka dekeda sidii aanu horeba u wadnay. Waxaan kuu damanad qaadayaa Djibouti inay sii ahaan doonto dekeda ugu weyn ee Itoobiya isticmaasho.”
Wasiirk oo la weydiiyay sida uu u arko doodda dawladda Soomaaliya ee ah inay UAE iyo Itoobiya hehiis la galeen Somaliland, wuxuu yidhi “Si guud Itoobiya waxay heshiisyo ula gashay Suudaan, Djibouti iyo Somaliland si ay mujtamaceeda balaadhan ugu hesho adeegyo dekedeed. Si buuxda ayaanu u ixtiraamaynaa siyaasadaha gudaha ee wadamada aanu jaarka nahay. Waxaanu dekedda Berbera u isticmaalaynaa qaab aan saamayn doonin xidhiidhka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaliya.”
Waxa dhawaan dalka UAE heshiis saddex geesood ah oo ku saabsan horumarinta dekedda Berbera ku wada saxeexday Somaliland, DP world iyo Itoobiya. Itoobiya ayaa horumarinta dekedda Berbera ka iibsatay maalgashi dhan 19%. Dawladda Soomaaliya ayaa heshiiskaas si cad u cambaaraysay, laakiin dawladda Somaliland ayaa iyaduna dhinaceeda difaacday heshiiskaas oo ay ku tilmaantay mid ay xaq u leedahay.
Geeska
Kornayl Muse Biixi oo Xukumadiisa Cusub durbaba seefta la dhex qaadi doona & Meelaha shiishku u saaran yahay

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda is baddal kooban ku sameeyo xukuumaddiisa oo toddobaadkii hore boqol-maalmood jirsatay iyada oo wararkii ugu dambeeyey ee la xidhiidha xil-sugayaasha Madaxtooyada ka ag dhaw iyo xubnaha hadhaagii xukuumaddii Siilaanyo ah ee xilalka doonaya in ay ku sii negaadaan uu dareenkoodu taagan yahay kadib markii ay soo baxeen xogo hoose oo tibaaxaya in Madaxweyne Muuse is baddal sidii hore ka mug weyn ku samayn doono xukuumaddiisa.
Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey In Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu qorsheynayo sidii uu is baddal ugu samayn lahaa safka maamul ee xukuumaddiisa isaga oo qorshaynaya in uu is baddal weyn ku sameeyo madaxda hay’ado xukuumadda ka tirsan oo uu qaarkood saluug weyn ka muujinayo wax-qabadkooda halka kuwo kalena uu horeba baddaladooda u diyaarsaday maadaama ay ka mid ahaayeen hadhaaga xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo waxaanay xubnahaasi u badnaan doonaan Agaasimayaal Guud iyo Meerayayaal.
Xogaha Wargeyska Foore arrintan ka helay ayaa intaasi ku daraya in goobaha diiradda Madaxtooyadu saaran tahay ay ka mid yihiin Hay’ado dawladeed oo aad loo hadal hayo in is baddal dhinaca masuuliyiinta ahi ka qabsoomi doonto waxaana ka mid ah:
– Guddida Qandaraasyada Qaranka
– Masuuliyiinta Baanka Dhexe ee Somaliland
Iyo wasaarado dawladeed oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’ado kale oo dawladeed.
Is baddalka Madaxweynuhu damacsan yahay ayaa la filayaa in ay galaafan doonto Masuuliyiin uu isagu magacaabay mudadii uu xilka hayay oo kooban balse waxa ay wararkani sheegayaan in is baddalku u badnaan doono xubno masuuliyiin ah oo ka mid ahaa hadhaagii xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo kuwaasi oo Madaxweynuhu baddalkooda u magacaabi doono xubnaha ku jira liiska xil sugayaasha ee muddoba quuddaraynaya ee ka mid ahaa dadkii xisbiga KULMIYE, gaar ahaan Madaxweyne Muuse Biixi sida weyn halganka siyaasadeed ula soo galay marxaladihii kala duwanaa, ka hor intii aanu soo gaadhin kursiga qasriga Madaxtooyada.
Si kastaba ha ahaatee Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweyne Muuse sameeyo is baddalkan la hadal hayo inkasta oo aanu wali Madaxweynuhu ku guulaysan in uu si mug leh u dhammays tiro xukuumaddiisa mudadii uu xilka hayayna qaab-kiisa xil magacaabiseed aad u koobnayn marka laga tago hormadii ugu horraysay ee Wasiirrada iyo Wasiir xigeennada lahayd ee xukuumaddiisa balse wixii intaa ka dambeeyey uu xubno fara-ku-tiris ah kolba soo daynayay.
Farmaajo oo soo farogeliyay khilaafka siyaasadeed ee baarlamaanka, hakiyayna kulankii mooshinka ee maanta

Maanta oo Sabti ayaa waxaa lagu waday in xildhibaanada golaha shacabka Somalia ay kulan ku yeeshaan xarunta golaha shacabka, balse kulankaasi gebi ahaanba la hakiyay kadib markii uu madaxweyne Farmaajo uu soo farogeliyay islamarkaana soo jeediyay in la hakiyo.
Hakinta kulankan saakay loo ballansanaa ayaa waxaa ay dhalisay in dib loo furay waddooyinkii waaweynee ee magaalada kuwaas oo loo xidhay arrimo la xidhiidha kulankan.
Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in ay tagi doonaan xarunta golaha shacabka, islamarkaana ay gudan doonaan waajibaadka saaraan.
Khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan xildhibaanada baarlamaanka dhexdooda ayaa xoogeysatay, maalmihii lasoo dhaafay kadib markii ay kordheen tirada xildhibaanada la kala safan dhinacyada is haya.
Saleebaan Gaal oo ka sanqadhiyey Weeraro somalia ku soo qaadey S/land & Col ku soo maqan+Kornayl Muuse Biixi oo la hadlaaya Shacabka Maanta
Su’aalo Xasaasiya oo warbaahintu ku hurguftay Kornayl Muuse Biixi & jawaabuhu bixiyey+Cududr-daarkii Waddani & Iscasiladii Wakiilka…
Kornayl Muuse Biixi oo qabtay Shir jaraaid Goor-dhaweyd & wuxu daaran yahay+Heshiiska DP & Hanjabaado uu ku ganay…..
Siyaasiga soomaaliyeed intee buu sii shaqayn karaa?
Nimankii mashaqaday dhigeen reerba dhan u moosay.
Suntay nagu mudeen wiilashii la is martiyi waayey.
1960 wixii ka horreeyey talada dadka waxaa gacanta ku hayey dad loo xushay oo guurti ah,gumaystayaashi dalka qabsaday talada dadka gacanta kuma dhigin,waa la iska difaacay runta ayaana loo sheegay,dabdeed heshiish ayaa lagu galay in soomaalidu is maamusho wixii marba soo kordhana lagala tashado.
1960. markii xornimada la qaatay ayaa jabkii soomalidu bilaabmay taladiina waxay gacanta u gashay danaysatayaal manaxayaal ah oo diirka soomali uga eg laakiin aan dan ka lahayn dad iyo dal toona,waa saaqidiin isu bixiyey siyaasiyiin oo aan macnaha siyaasadda aqoon waxay u maleeyeen been iyo khayaano,erayga siyaasad waa carabi macnihiisu waa maamul-wanaag,qolayaha reer galbeedku qofka hal mar been sheega inuu xil qabtoba waa laga mamnoocaa,kuweenu waa ku dallacaan,sababtuna waa shacabka oo tiih ku jira.
Dhibatada laga bixi maayo ilaa caqligu shaqeeyo ,sidan isku bixin mayso,waa taladii ka horeeysay xornimada la raadiyo,waxaa la samayn karaa guurti iimaan leh oo ilaa heer degmo iyo gobol ah oo ka awood badan badhsaabka(eryi kara) sida waqooyi Amerika gobolo ka mid ah kuwaasoo hadday eryaan governor ama masuul kale oo dawladeed aanu madaxweynuhu soo celin karin waa laga fursan waayey.
Siyaasiyiinta Soomaalidu ma wada xuma in badan baa fiican oo dadaalaysa laakiin lama aaminsana,cid damiinatana lama hayo,waana sababta waxba u socon waayeen.
Dabayaaqadii food-qasaare TIMA-CADDE ayaa gabay ku tilmaamay,dhibaatada ay geesteen,qolyihii siyaasadda matelayey ,khiyaamadii ku dhacday waqooyiga(koonfur qudheeda waxba looma qaban),beentii iyo colaadihii ay dadka dhex dhigeen iyo hankoodu wuxu yahay,sidoo kale wuxuu ku xusay mucaawino shisheeyaha iyo gaaladu in ay sun iyo dibinyaabo tahay,loona baahan yahay in la isku tashado oo wax lala soo baxo.wuxuu kaloo ku daray haddii xukuumadii hore lagu khasaaray bal in markan laga fiirsado talada ciidanku la wareegeen oo xagal quman lagu beego si aanay mar kale qoomamo keenin. hoos ka dheego; gabaygii c/lahi suldaan (AHN)
Mudaba gabayga waa tii aan ka tegey mahadhadiisiiye
mankii ararta iyo faaladii waa iska meel dhigaye
ma muquunin maansooyinkii aan maakibayn jiraye
ma makeekiyee gabay markaan aad u kala miiro
mayalkiisa goortaan qabtee aan maydalka u fuulo
ama u muuqdo weligayba wuu ii macaan yahaye
aan macneeyo caawana tixday muhatay laabtaydu
Muranihii gumaysiga markaynu isku maan dhaafnay
magliyada markii la isla galay labada meeloodba
Muqdishiyo iyo Hargeysaba markay murugtay ee ay reentay
maatida markii ay guranayeen labadii maaloosi
Maandeeq markii ay foolatayee madasha loo joogay
mataanaha dharaartay dhashayee loo mashxaradaayey
kalameerentii aan labada calan miridh is weydaarshay
Rabbi mahadnaqiisii markaan anigu miisaayey
Muskii baarlamaanada markii aan meel isugu geyney
Madaxweynayaal iyo markii minister loo doortay
maskaxdii wacnayd iyo dadkii meel u wada jeeday
nimankii melmelay waa kuwii maalay kelidoode
Haday maalintii na hor kacaan midho ma weyneene
ma naxaanadii baan arliga meerisna u toline
marnaba yaydinaan dhicin kuwii male ku soo goostay
Miyigeena nimankii mindida meel walba u dhiibay
kuwii muusanoow iyo tolaay nagula meeraystay
nimankii mashaqaday dhigeen reerba dhan u moosay
suntay nagu mudeen wiilashii la is martiyi waayey
Muraadkoodu nimankuu ahaa moodharka iyo daarta
mudaahanada beenta ah kuwii nagu maqaar saaray
Mas waabeydii lama dhuunyado iyo midho dhunkaaleede
manfac aan la cunin baa jira oo mawdka kuu sida e
Maraykan iyo waa kay baxshaan madaxda NATO e
Nimankii mabda’a reer galbeed nagu madiideeyey
nimankii mugooduba ahaa maalin la casuumo
hadii maamulkii hore dhintay oo maasuq lagu beeray
maantaba malkaa inagu qumane yaan la gees marine
marka aanad hamoon noloshu waa mooyi dabadeede
Madhax maba leh aadmigu wuxuu kuu mitamiyaaye
macaluul wax kaagama taraan maal laguu guro e
midigtaadu waxay xoogsatay baa maydha gaajada e
marke aanad lahayn looma lulo maanka weligaaye
magaabada hashaadaa ka roon maydhanaan kale e
ummadiba mar uun bay heshaa macalinkeediiye
war soomaali mawgeedi waa maanta kaa wada e