Gudoomiye Cirro oo Tafaasiil ka bixiyey Kulan uu la yeeshay Wefti ka Socda Dalka Uk & waxay ka wadahadleen
BEERAHOO LA FASHO, XOLOHOO LA BAXNAANSHO, IYO KALUUNKII BADAHEENA WAA BARWAAQO ADUUN.
SOMALILAND WAXAY KU BAAHI BIX KARTAA WAA,
wakhtigan guga oo aan ku dareerno beer falasho sida galayeda, hadhuudhkii cilmi jaamac, heeda, sareenka, xabxabka, iyo khudaar wixii suuragal ah sida tamaadhada, liiga iyo faasuuliyaha .
xoolaha oo aan dayactirno sida adhiga , looda geela iyo duur joogta.
badeena dihin oon kala soo baxno kaluunka ama malayga qofba siduu u yaqaan oo iskugu jira kun nooc oo geli kara cuno iyo ganacsi.dhalinta wax baratay yeyna magaalooyinka iyo tahriib ku fikirin ee ha ku fikiraan in aanu dalkeenaa maanta ADUUNKU RABO IN UU BOOBO aad tustaan in iyagu oo dhalinyaro u badan elaashadaan dalkooda iyo khayraadkiisa oo aad idinku bulashada u hor kacdaan samaysaan is kaashi wax soo saar ESTABLISHMENT, COMPANYS, AND JOINT COMPANYS.ISKAASHATO BULSHO.Umadwalba bulshadeedaa hore u marisa siiba inta dayarta wax baratay.ninaan hays odhan cidkale wax ha ii qabato laakiin aduu dadaal muuji dal iyo dadba waan hayenaa.DHAMAAN DHALINTA SOMALILAND WAXAN KU WAA NIINAYAA FADHIGA KA KACA OO DALKA WAX KALA SOO BAXA.GUUL IYO GOBANIMO SOMALILAND DAL IYO DADBA.
XAQ U DIRIR
MUSA AW HASSAN LODOON
AWDALI DUBAI.
Baashe Morgan oo kolkii u horaysay daboolka ka qaaday in saxaafadu u bixisay Morgan Ninkii loogu Magac daray a cay u miisay
Isbedelka Shaqsi ee Haleelay Madaxweynihii Shalay La Doortay, Ma Mid Guriga Madaxtooyadda Yaala?âŠ..

Xukumada Kornayl Muuse Biixi oo ku Milantay Khilaafkii Beeyada,dhinacna raacday

Waxaa maalintii axada ee bishu ahayd 01/04/2018, madaxweynuhu u magacaabay Agaasimaha Guud ee ganacsiga Iyo warshadaha mundane Cismaan Huseen Warsame oo ka mid ah shaqaalaha shirkada Asli Maydi isla markaana uu abti u yahay mulkiilaha shirkadaasi Barkhad.
Khilaafka beeyada ayaa ahaa mid Mudo soo taxnaa oo u dhaxeeya dadka geedkan deegaankooda ilaahay ku beeray Iyo dhawr company oo isla dadkaasi samaysteen si ay uga ganacsadaan. Magacaabida agaasimahan ayaa khilaafkii sii kordhisay maadaama uu shaksiga la magacaabay ka tirsanyahay shaqaalaha shirkada Asli Maydi, qaraabana yihiin mulkiilaha shirkadaasi,
Dadka deegaanka gobolka sanaag ayaa iyagu aaminsan in khilaafka ugu badan markii horeba ka yimi shirkada Asli Maydi ayna had Iyo jeer mulkiilaha shitkadaasi ka hor yimi wax kasta oo xal loogu raadiyay in lasoo af jaro khilaafkaas.
Magacaabida agaasimahan Iyo weliba wasaarada loo magacaabay ayaa abuurtay dareen xoogan oo shirkadihii kale u arkaan in dawladii ay dhinac u xaglisay taasina ay adkaynayso sidii xal loogu helo khilaafka.
Somaliland ka hor maxaad ahayd? Isbarbardhig Laba wasiir ooâŠ.

â
Gudida Qabanqaabada Shirweynaha Garxajis oo dhagax-dhigay Hoolka lagu qabanaayo Shirweynaha Beelaha Garxajis
Talooyin kale oo ka mid Ah talooyinkii Luqmaan Al-Xakiim uu inankiisa baray
Dhambaalka Maanta+Hees Macaan & Fariin Xasaasiya oo ku socota Wasiir Guri-barwaaqo
Orodyahanka Caanka ah Cabdi Bile Cabdi oo saaka orod kaga qeyb galayâŠ.
Xubno ka mida Qoyska Sayid Maxâed Cabdile Xasan oo soo gaadhay Hargeysa,Sida Fiinta uga qayliyey Been-abuur wasiir Guri barwaaqo ..
Fund for African Private Sector Assistance approves three projects to spur SME development in Africa
Fund for African Private Sector Assistance approves three projects to spur SME development in Africa
Abidjan, CĂŽte dâIvoire, April 6, 2018 â Donors to the Fund for African Private Sector Assistance (FAPA) â consisting of the African Development Bank, the Government of Japan and the Government of Austria â have approved three catalytic projects totaling US $2,480,000 to stimulate the growth of Africaâs small and medium enterprises.
These grants will help strengthen the participation of Africaâs SMEs in financial markets and the agriculture sector.
âThese three projects are well aligned with FAPAâs core mandate of supporting private-sector development in Africa, a key strategic priority of the African Development Bank. They augur well for job creation in Africa,â said Olivier Eweck, Director of the Syndication, Co-financing and Technical Solutions Department at the African Development Bank, and Chair of the FAPA Technical Committee.
The first project, Regional Financial Market Development Support Project (Projet dâappui au dĂ©veloppement du marchĂ© financier regional, PADMAFIR) â a FAPA grant of US $980,000, will contribute to the modernization of the regulatory framework to increase competitiveness and strengthen the capacity of the regulator on new products, including securitization, diaspora bonds and green bonds. The grant will facilitate SMEsâ access to stock market funding and train commercial stakeholders to enhance professionalization. PADMAFIR is part of a long-term and ongoing multi-stakeholder partnership to develop the Regional Financial Market (stock exchange) of the West African Monetary Union (WAMU).
The second project is for the Promotion of Factoring in Africa, through which an investment totaling US $500,000 is deployed to finance the capacity-building of emerging factoring firms and the development of a sustainable knowledge and learning platform. The platform will provide capital to SMEs by financing their receivables. The African Export-Import Bank (Afreximbank) will contribute US $450,000 towards this technical assistance project.
The third project is a grant of US $1,000,000 for leveraging investments for fertilizer utilization amongst smallholder farmers in Africa. It will help increase the affordability, accessibility and incentives for fertilizer use among smallholder farmers in Africa and expand the supply and distribution of fertilizer by leveraging investments. It is also intended to create over 1,000 jobs for women and youths. The African Fertilizer and Agribusiness Partnership will match the FAPA grant on a 1:1 basis.
âWe look forward to providing further FAPA grants that will unlock business possibilities for Africaâs SMEs,â Eweck said.
Since its launch in 2006, FAPA has received donor contributions exceeding US $85 million and helped finance over 80 technical assistance projects, thereby making a significant contribution to SME development in Africa.
About FAPA
The Fund for African Private Sector Assistance (FAPA), is a multi-donor trust fund that provides grant funding for technical assistance activities to public and private sector entities domiciled in Africa. FAPA resources are utilized to promote innovative programs that specifically support the development of SMEs in Africa. FAPA is one of the components of the Enhanced Private Sector Assistance (EPSA) initiative hosted at the African Development Bank.
Kornayl Maxâed Kaahin oo Khilaaf & Colaad horleh ka dhex hurinaaya Xukumada Kornayl Muuse Biixi & Wasaarada Daakhiliga ee uu Wasiirka ka yahay
Kornayl Maxâed Kaahin oo Khilaaf & Colaad horleh ka dhex hurinaaya
Xukumada Kornayl Muuse Biixi & Wasaarada Daakhiliga ee uu Wasiirka ka yahay
Warar lagu kalsoon yahay ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyay in khilaaf ka taagan yahay Cidda Qabanaysa Booska Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Kadib markii uu Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Muj Maxamed Kaahin Axmed uu ka hor istaagay inuu xilkaasi la wareego Mukhtar Maxamed Cali oo uu Madaxweynuhu dhawaan booskaasi u soo magacaabay.
Â
Illo-Wareedyo u dhuun daloola Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland oo Wargeyska Foore helay ayaa daaha ka rogay in Wasiir Maxamed Kaahin Axmed uu ku wargeliyay Mukhtar Maxamed Cali in wax iska badeleen magacaabistii uu dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi u soo magacaabay Booska Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland,islamarkaana loo badelay,lana wareego Booska Agaasimaha Guud ee Amniga ee isla Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Madaxweynuhu Magacaabistii u dambaysay uu u soo magacaabay Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray) kaasi oo Sida la sheegay uu Wasiirku la jecel yahay inuu qabto booska Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka. Labadan masuul ayaa laga soo kale badelay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo ay Agaaasimayaal Guud ka ahaayeen tan iyo Xukuumaddii Siilaanyo.
Wararkan ayaa intaasi ku daray in kulan ay iskugu yimaadeen Doraad Mukhtar Maxamed Cali iyo Wasiir Maxamed Kaahin ay isku afgaran waayeen kadib markii uu Mukhtar Maxamed Cali Diiday dalab Wasiirku hor dhigay oo ah inuu qabto Booska Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, kuna adkaystay inaanu qaadanayn boos aan ahayn kii uu Madaxweynuhu u soo magacaabay oo ah Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka Wasaaradda Arimaha Gudaha,Waxaanay arintaasi keentay inuu hadalku ka taag taagmo oo ay cadho ku kala tagaan. Waa markii u horaysay ee uu Wasiir isku dayo inuu wax kabadel ku sameeyo Degreeto magacaabis ah oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha, Waxaana la eegi doonaa halka ay arintu iskugu shubato iyada oo ay warar kale sheegayaan in arintii ay ku noqotay Madaxtooyadda islamarkaana la sugayo inay Madaxtooyadu goâaan cad ka soo saarto cida qabanaysa Booska Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka Wasaaradda Arimaha Gudaha.
Shirkadda Hema waxaan leenahay Falaadhi Gilgilasho kaagama goâdo,Dugsiga Nuuradiin-naâŠ
Dugsiyada Nuuradiin waxay si toos ah ula shaqeeyaan Wasaaradda Waxbarashada waxaanay mark kasta u hogaansan yihiin hirgalinta iyo fulinta goâaannada iyo wareegtooyinka Wasaaradda Waxbarashada.
Shirkadda Hema waxaan leenahay (Falaadhi Gilgilasho kaagama goâdo).

Maamulka shirkada HEMA BOOKS waxay sannadkii 2016 â kii heshiis aan xalaal ahayn oo aan la marin talaabooyinkii sharci ee u yaalay Hayâadda qandaraasyada qaranka ay ku heleen daabacaada buugaagta Qaranka ee jamhuuriyada S/land, taas oo lagu qanciyay Shirkaddihii muwaadiniinta ahaana tartan aan caddaalad ahayn oo ay horreba u sii dooraayeen, shirkadihii been abuurka la dhoob dhoobay lagu qanciyayna ay joogaan oo ay ka hadli doonaan.
Heshiis ku sheegaa xaaraanta ahi markii uu u cadaaday ummada reer S/land ayay shirkada HEMA BOOKS xal moodeen in ay eedaymo aan waxba ka jirin oo been abuur ah u soo jeediyaan Dugsiyada Noradin iyo Maamulaha Guud Haji-Mahad Ibrahim Mohamed, iyaga oo dabada galinaya Wasaarada Wax-barashada iyo Sayniska, islamarkaasna raba in ay iska horkeenaan oo khilaaf ka dhex dhaliyaan Wasaarada Wax-barashada, xukuumada iyo Dugsiyada Noradin.
Â
Dugsiyada Noradin waxay la kawsadaan aasaaskii Jamhuuriyada S/land, waxa Dugsiyada la aasaasay 1995, iyada oo uu wakhtigaas bilaabay Maamulaha Guud ee Haji-Mahad Ibrahim Mohamed, waxay Dugsiyadani kaalin mug iyo miisaan wayn leh kasoo qaateen dib u dhiskii qarankan Jamhuuriyada S/land ee dhinaca Tacliinta. Haji-Mahad waa mujaahid u soo halgamay dib u dhiskii tacliinta wadanka Jamhuuriyada S/land tan iyo 1995-kii. Mudadaas Haji-Mahad uu soo waday hal-gankaas wax-barasho waxa uu lasoo maray duruufo adag iyo xaalado kala duwan oo ay markhaati ka yihiin bulshada reer S/land. Ujeedadiisu waxa ay ahayd in uu qarankan u hiiliyo, dadkiisana uu kala dagaalamo jahliga. Si ay taasi u hirgasho waxa uu u huray Naf, wakhti iyo maal ba.
Â
Waxa xusid mudan in mudadaa dheer ee ay jireen Dugsiyada Noradin in ay soo saareen arday aad u tirro baddan oo boqol kun oo arday ku dhawaad ah, ardaydaas oo ay maanta ka mid yihiin qaar fadhiya Golaha Wasiirada, dhakhaatiir, Engineers, Culimo iyo aqoon yahano kale oo badan. Waxa kamid ah ardaydii Dugsiga ka baxday qaar ka mid ah maamulka ugu sareeya ee Shirkada HEMA BOOKS oo hadda cambaarayn iyo been abuur ka qoraya macalinkoodii oo aanu ku sheegi karno (Waalid caasi).
Waxa kale oo xusid mudan in Dugsiyada Noradin ay qayb wayn ka qaataan kaalmada iyo caawinta dadka danyarta ah, waxa ay lacag la,aan wax ugu dhigaan 23% (boqolkiiba saddex iyo labaatan) ardayda guud ee dhigata oo ay baahiyahooda waxbarasho oo dhan daboolaan.
Waxa ay u noqdeen Dugsiyada Noradin shaqo abuur muwaadiniintii reer Somaliland, waxa ka shaqeeya 2000 (laba kun) oo qof oo ay noloshoodu ku tiirsan tahay. Waa muâassasad aanu waxba ka sheegi karin garan karinna qiimaheeda dad qurbo joog ahaa oo duruufihii adkaa ee wadanku kasoo gudbay iyo rasaastii dibadaha kaga gabanaayay maantana markii uu wadanku barwaaqoobay u soo shaqo tagay.
Â
Waxaan si kooban uga jawaabi doonaa eedaymaha been abuurka cad ah ee ay shirkadda HEMA BOOKS u soo jeedisay Dugsiyada Noradin.
Â
Dugsiyada Noradin mudada aadka u dheer ee 23 ka sanno ah ee ay wadanka kasoo shaqaynayeen, waxay si toos ah u raacayeen Manhajka Wasaarada Waxbarashadu u dejisay qarankan S/land, sidoo kale waxa ay ku shaqaynayeen siyaasada iyo nidaamka u dejisan Wasaarada, islamarkaas na waxay fulinayeen ilaa hadda na ay fulinayaan goâaannada iyo wareegtooyinka kasoo baxa Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska oo dhamaan Dugsiyada wadanka ay ku waajib tahay in ay u hogaan samaan. Mahad oo ah aasaasaha iyo Maamulaha Dugsiyada Noradin waxa uu wakhtigaas ay iskuuladu soo jireen ilaa hadda ku barbar taaganyahay wasaarada goâaanada kala duwan ee kasoo baxaya iyo horumarka ay marwalba soo kordhiso wasaarada wax-barashadu.
Â
Manhajka waxbarasho ee qaranku maaha mid maanta iyo shalay bilaabmay, ee waa mid soo jiray intii qarankan J/Somaliland jirayba oo lasoo horumarinayay marba marka ka dambeysa, Dugsiyada Noradin horumarka iyo hagaajinta lagu sameeyo Manhajku waxay u tahay guul wayn oo u soo hoyatay, hirgalinta iyo meel marinta manhajkaas na maanta iyo mustaqbalkaba Dugsiyada Noradin waa u diyaar. Horumarinta iyo tayaynta Dugsiyada dawlada iyo guud ahaan tacliinta wadanka waa u sharaf Dugsiyada Noradin waayo waxa wax ku baranaya muwaadiniin. Â
Â
Waxa cusub oo ay shirkada HEMA BOOKS soo daabacday sanadkii 2016 â kii buugaag kuwaas oo ay si cad oo badheedh ah uga koobiyaysteen buugaagtii ay soo daabici jireen Dugsiyada Noradin iyagoo ka hor istaagay markii Maamulaha Guud Haji- Mahad uu Wasaarada Waxbarashada ugu deeqay buugaagtaas daabacan ee hore u diyaar sanaa waafaqsanaana manhajka u dejisan dalka, tacab iyo maal badanna ka galeen dugsiga,
Â
Dugsiyada Noradin waxa ay mudadaas aad ka u dheer ee ay soo jireen ardaydooda u diyaarinayeen buugaag daabacan oo waafaqsan manhajka J/SL, tayadooduna aad u sarayso oo lajaan qaadaya tacliinta casriga ahi halka ay maanta marayso si ay ardaydoodu u helaan aqoon tayo sare leh u lana tartamaan caalamka. Buugtaasi waxa ay kala yihiin Text books iyo work books, qiimaha uu dugsigu ardayda ka siiyaa celcelis ahaan waa $ 2.5 buugiiba, Halka ay HEMA kasiiyaan ardayda danyarta ah $ 3 buugiiba, waxaanay ku soo sheegeen maqaal ka ay ku eedaynayaan Dugsiyada Noradin in ay siiyaan buugta  HEMA $ 1.5, Noradin na $3.6  taasina waa been abuur cad oo aan sal iyo raad mid na lahayn, waxaana ka qiimo jaban buugta sida halkaa ka muuqata buugta Dugsiyada Noradin.
Dugsiyada Noradin waxay buugta u soo daabacaan ardaydooda oo kali ah, kama ganacsadaan cid kallena uma daabacaan, cidda buugta ka ganacsata ee ummada sida arxan darrada ah u dhiig miiranaysaa waa shirkada HEMA.
Â
Sidoo kale waxa ay shirkada HEMA ku aflagaadeeyeen maqaalka ay ku eedaynayeen Dugsiyada Noradin Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo ay yidhaahdeen macalimiinta imtixaanka qaranka dejisa waxa uu shaqo kasiiyaa Mahad Dugsiyadiisa. Aflagaadadaas ay ku sameeyeen xafiiska imtixaanku maaha markii koobaad ee waa arin ay caadaysteen HEMA.
Waxaan halkan ku cadaynaynaa in macalimiinta ka dhiga Dugsiyada Noradin aanay Dejin haba yaraatee Imtixaanaadka Qaranka, ee Xafiiska Imtixaanka Qaranku u dirto macalimiin u gaar ah oo u dejiya imtixaanka. Macalimiinta ka hawlgala dugsiyada Noradin waa macalimiin aqoon, karaamo, masuuliyad iyo waayo aragnimo leh, ardaydoodana ugu dhiga si hagar laâaan ah, taasina waxa ay ka muuqataa tayada ardayda sanad walba ka baxaysa dugsiyada Noradin. Dadaalka wadajir ka ah ee Maamulka, macalimiinta, waalidiinta iyo ardayda Dugsiyada Noradin oo ay ALLAH la kaashadeen ayaa u sabab ah in ardayda Dugsiyada Noradin ka baxayaa sanad walba ay noqdaan kuwa ugu sareeya Jamhuuriyada S/land. Waa warkii wax ma garatada iyo garaad gaabka waxa ay ku hadleen shirkada HEMA. Guusha ALLAH ayaa bixiya oo ay gacantiisa ku jirtaa. Â
Â
Shirkada HEMA sida aan ku soo bilaabay qormadan heshiis aan xalaal ahayn ayay ku heleen qandaraaska daabacaada buugaagta qaranka, tartan waraabe u taag ah oo ay marka horeba sii dooraayeen oo aanay wax ba ka jirin ayay lagaleen madbacadaha kala ah (Asal, Baabusalaam, Sundus iyo Sagal jet), waxay tartan kaas waraabe u taaga ah kaga guulaysteen shirkadihii kale eex, laaluush, qaraabe kiil iyo xidhiidho culculus oo ay lalahaayeen xukuumadii hore. taasoo ay ujeedadoodu ahayd in ay albaabada u xidhaan muwaadiniintii maal ka gashaday wadanka ee iska lahaa madbacadaha wadanka gudihiisa wax ku daabaca, dhaqaalahana wadanka dib u galinayay oo ay keligood kooto ku haystaan daabacaada buugaagta qaranka mudo (15 sanno ah).
Kadib markii ay arkeen Shirkada HEMA BOOKS tayada aqooneed, hufnaanta iyo horumarka ay xambaarsan yihiin buugaagta ay daabaceen dugsiyada Noradin, markii ay arkeen bulshada aqoon yahanka ah ee wadanku sida ay ula dhaceen ee ay ugu kalsoon yihiin ayay argagax iyo u qaadan waa ku noqotay oo ay u arkeen inaanay soconaynin buugta ay soo saareen, Â waxaanay bilaabeen in ay dagaal, dacaayad iyo sumcad ka dil ku sameeyaan Dugsiyada Noradin iyo buugta ay soo saaraan waxaanay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuuleen sidii ay u dabar goyn lahaayeen daabacaada iyo soosaarida buugta Dugsiyada Noradin, iyagoo u gudbinaya Wasaarada Waxbarashada iyo xukuumadda dacwado iyo qoraallo been abuur cad ah oo ay ugu talo galeen in ay ku cambeerayaan kuna ceebeeyaan Dugsiyada Noradin, u jeedadooduna ay tahay siddii ay shirkadihii wadaniga ahaa hadh cad u baabiyeen in ay Dugsiyada gaarka ah na u baabiiyaan una beegsanayaan hadda Dugsiyada Noradin, waxa ay ka xun yihiin Horumarka ay sameeyaan Dugsiyada Gaarka ah iyo sida ay wax uga tareen baahiyihii wax-barasho ee bulshada. Waxa ay rabaan in iyaga mooyee cid kale aanay muuqan oo aanay wadanka waxba ka qaban. Waa kootadii ugu foosha xumayd abid ee soo marta tacliinta qaranka Soomaaliland. Waxaan leenahay ââtacliintii qarankan soomaaliland waxa ay gashay afduub iyo kooto bulshooyââ!!!!!!!!!. Â
Â
Waxa Ayaan darro ah in ay maamulka shirkada HEMA BOOKS ay ka garaad iyo naxariis liitaan Hayâadihii ajnabiga ahaa ee aynaan isku diinta iyo dhaqanka ahayn ee buugta inoo daabici jiray sababahan awgood.
Â
- HEMA BOOKS waxa ay goâaansatay in ay si arxan darro ah uga ganacsato dadkii danyarta ahaa ee aan waxba awoodayn oo ay ka mid yihiin caruurtii askarta, agoontii mujaahidiinta iyo dadkii duruufaha adag ladaalaa dhacayay ee ay sixir bararka iyo abaaruhu saameeyeen. Halka ay Hayâaddahii Ajaanibka ahaa ay buugta ugu qaybin jireen dugsiyada Hoose/Dhexe lacag laâaan.
Â
Â
Â
- HEMA waxa ay u badheedheen qaladaad buugaagta ku jira oo diin ahaan, caqiido ahaan iyo qaar taariikhdii waddankani soo maray baabiinayaba leh, qaladaadkaasi oo aanay mar-na ku kicin hayadihii Ajnabiga ahaa ee soo daabici jiray Manhajka ee inaga caawin jiray. NB. Markii qaladaadkaas lagala hadlay Shirkada HEMA BOOKS iyo Agaasimaha Manaahijta, waxay ku jawaabeen khasaare ayaa nagu dhacaya haddii aanu bedelno.
Â
Â
Halkan waxaan ku soo koobayaa qaar kamid ah qaladaadka ku jira buugaagta ay daabaceen HEMA.
Â
- Meel-ka-Dhaca xagga Diinta Islaamka:
Â
Buugga Fasalka Labaad ee Biolojiga waxa si weyn loogu faahfaahiyey aragtidii ALLAH-diidka ahayd ee Charles Darwin oo loo yaqaan (Darwinâs Theory of Evolution). Aragtidaasi waxa ay rumaysan tahay in ay Dadku ka yimaadeen asalkoodii daayeerka Chimpanzee. Si aad u hubsato arrintaa eeg bogagga (172- 174). Waxaan halkan ku soo minguurinayaa (quoting) qoraallo ka mid ah buuggaa Fasalka labaad ee Dugsiyada Sare. Bogga 172 waxa uu buugu faahfaahin ka bixinayaa Aragtida Darwin isaga oo ku bilaabay in uu qeexo macnaheeda, hase yeeshee, sidaa kumuu dayn ee faqrada 4aad  waxa uu buuggu isku dayey in uu markhaati u raadiyo in aragtidiisa ay aqoonyahanno kale ku taageereen.Waxa uu magacaabay A.R.Wallace. Waxa aynnu ognahay in dalal badan oo aan Islaam ahayn laga joojiyey dhigitaanka aragtidan gurracan. Waxa aan ka xasuustaa dalalka laga joojiyey dalka USA, Italy, dalal ka mid ah Latin America iyo dhammaan dalalka Muslimka ah oo Turkigu u horreeyo. Waxa nasiib-darro ah in maanta 2018 loo dhigayo ardaydeenna buuggii Darwin, âOn the Origin of Speciesâ. Taasi oo macnaheedu yahay in aan Ilaahay jirin, waxna abuurin!!
Â
Â
- Meel-Ka-Dhaca Xagga Xaq-u- dirirkii Ururkii SNM:
Â
Waxa buugga Taariikhda Fasalka Afraad, bogga 15, faqrada 3, si cad oo aan gabasho ku jirin ugu tilmaamayaa ama sifeynayaa madaxdii ciidamada SNM ee uu ka mid ahaa madaxweynaheennu Muuse Biixi in ay ahaayeen, dagaalkuna ahaa laba mid uun 1- Dagaal qof ujeeddo ka leeyahay ama 2- mid wadaniyadda ka arradan. Waxan halkan idiinku soo gudbin sida ay ugu qoran tahay manhajka ardaydeenna loo dhigo. Hordhaca faqradaasi waxa ay isweydiisey: Kornayladii iyo Janaraaladii u dagaalamayey himilada wadaniyadda Soomaliyeed ee dagaalka ku qaaday Itoobiya sidee bay ugu noqdeen marti dal cadaw ah bilo kaddib. (I am quoting): ââŠ. That Colonels and Generals fighting for searching Somali Nationalistic aspirations and war against Ethiopia have been hosted by the hostile country after months.â  Kaddib qoraagu waxa uu isweydiiyey in ay laba mid uun tahay a- in uu dagaalku ahaa mid shakhsi ah oo dan gaar ah laga lahaa ama b- Somalidu aanay garanayn wadaniyadda . To quote â⊠one manâs desire or Somalis didnât acquire the nationalistic statehoodâ! Dalka uu leeyahay waa âcadowâ waa Itoobiya oo ah dalkii keli ahaa ee inna soo dhaweeyey markii ciidankii Siyaad Barre diyaaradaha iyo dabbaabadaha innagu garaacayey. Maantana waa dal aynnu saaxiib nahay. Ummadda dhammaanteed ka gilgilatay adoonsigii ayuu ku tilmaamay buugga aradaydeenna loo dhigaa in ay ahayd ujeeddo NIN keliyihi lahaa!!!
Waxa ay yidhaahdeen:  âDoodayadu waxa ay ku salaysan tahay labadaa assumption ama malaynood â.  Waxa ay doodoodii ku soo gabagabeeyeen in: Ku- faanka qabyaaladda iyo nidaamka jilibyadu ay ku qotomaan dhaqanka Soomaalida oo ka muhiimsan ummadda. Taasi oo ay ku sababeeyeen in aanay Soomaalidu u kobcin si ay u gartaan waxa ay tahay ummaddu  iyo wadaniyaddu!! Haddaba aan idiin soo minguuriyo sida ay ugu qoran tahay buugga Fasalka Afraad p. 15 â Tribal pride (Isaaqism) and clannish system of behavior which has basics in Somali culture is more important than nation. Lack of maturity in nationhood and state-hood by Somalis is obvious and very clearâ
Bogga 17 Â waxa uu xaq-u-dirirkii ku tilmaamayaa SNM Â â repel groupâ oo ugu dambayntii keenay sida ay u dhigeen ama qoreen â Those opposing forces led to the fragmentation of the Somali forces..,â Â Taasi macnaheedu waxa weeyi in ciidamadii xasuuqay ummadeenna ahaayeen ciidamo Somaliyeed halka SNM ahayd fallaago ama âshufto.â
Waxa buugga ku cad in uu deedifeynayo dagaalkii xaq-u-dirirka ahaa ee aan naf iyo maalba ku weyney. Balse waxaba uu inno arkaa dad burburiyey dalkii Somaliyeed oo aan fahamsanayn waxa ay u dagaalamayeen.
Â
Â
- Waxa kale oo kamid ah in ay wasaarada waxbarashada ka hortaagan yihiin sixida iyo dib u eegista buugta oo ay leeyihiin haddii kuwan la bedelo waanu khasaaraynaa FG. Sidaas darteed khasaaraha gaadhaya diinta, caqiidada iyo taariikhda wadanka waxa kala wayn khasaaraha kooban ee aduunyo ee soo gaadhaya.
Â
Â
Waxa cad oo la taabtay in shirkada HEMA BOOKS lagasoo maalgaliyo wadanka dibadiisa islamarkaasna mulkiilaha shirkadan lihi uu ku noolyahay wadanka dibadiisa, maamulaha guud ee shirkadu wuxuu ka yimid wadanka maraykanka, waxa uu joogay kaliya laba sanno wadanka, waa dad aan wadanka hore ugu noolayn oo aan lasocon duruufihii adkaa ee lasoo maray, dibadana ku maqnaa wakhtigii wadanku duruufahaa adag ladaalaa dhacayay, waxa uu yimid wadanka maanta kasoo kabtay duruufihii adkaa una yimid inuu macaash ka sameeyo buugaagta iyo manhajka Jamhuuriyada S/land ee loogu talogalay dadka tabaalaysan ee duruufaha kala duwan la daalaa dhacaaya.
Halka maamulaha guud ee Dugsiyada Noradin Haji-Mahad ee ay wax ka sheegayaan yahay ninka ummada wax baraayay iyada oo ay rasaastu ka dul dhacayso oo ku shaqaynaayay duruufahaa adag ee lasoo maray.
Waxaan ka codsanaynaa xukuumadda in Shirkaddaas dhiigmiiratada ah ee cagta marinaysa dadkii u soo halgamay waddankan ee ku muquuninaysa awood dhaqaale iyo musuqmaasuq in wadanka laga qabto.
Â
Waxa Qoray: Waalid Maxamed Xasan Cabdillahi Weli
Â
Email: weli2015@gmail.com
Hambalyo Hambalyo HambalyoâŠ.Zeynab Y.Haji Aden.
Hambalyo   Hambalyo    Hambalyo

Aaabo Moxamed Cisman Fadal iyo hooyo Zeinab Yusuf X. Adan
Ayeyo Sirad Nuur  iyo Ayeyo Koos Cabdillahi
Siciid Moxamed Cisman Fadal  xaaskiisa iyo caruurrtisa
Muna Moxamed Cisman Fadal
Filsan Moxamed Cisman Fadal
Sirad Moxamed Cisman Fadal
Amina Cisman Fadal iyo wiilkeeda Yasin Cali Mataan iyo xaaskiisa
Moxamed Moxamoud Cisaman Fadal
Kaltoun Moxamoud Cisman Fadal
Kowsar Moxamoud Cisman Fadal
Hana Moxamoud Cisman Fadal
Ayaan Axmed Bulxaar
Fawzia Cisman Fadal iyo inanteeda Hodo Ibrahim Ciid iyo saygeeda
Axmed Cisman Fadal  xaaskiisa iyo caruurtiisa
Jama Cisman Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa
Cabdirizaq Cisman Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa
Yasin Cisman Fadal iyo caruurtiisa
Ibrahim Cisman Fadal
Khadar Cisman Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa
Cabdi fatax Cisman Fadal
Fadumo Cisman Fadal saygeyda iyo caruurteeda
Nacima Cisman Fadal saygeeda iyo caruurteeda
Waxay halbayo iyo duco u dirayaan
Moxamood Moxamed Muse Ducale iyo Haweya Moxamed  Cisman Fadal oo meherkooda ka dhacay Hargeisa April 6 deedii
Hambalyo taala mida ah waxa diraya
Axmed Yusuf Fadal xaaskiisa  iyo caruurtiisa
Moxamoud Yusuf Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa
Roda Yusuf Fadal saygeeda iyo caruurteeda
Hodan Moxamed Fadal   saygeeda iyo caruurteeda
Samiya Mohamood Fadal  saygeeda iyo caruurteeda
Fardous Moxamed Fadal saygeeda iyo caruurteeda
iyo dhammaan  qoyska reer Fadal Ismaciil meel kasta oo ay joogaan waxay Haweya iyo Moxamood Ilaahay uga baryayaan  inay noqdaan qoyskii hodma isku raaga raaxaysta ubad khayr qabana Ilaahay kala siiyo
Hambalyo   Hambalyo    Hambalyo
Jawahir Yusuf X. Adan iyo hablaheeda Sucaad Ubax iyo Idil iyo caruurtooda
Fawzia Yusuf X. Adan iyo caruurteeda  Amal, Anis, usuf, iyo Fawzia yar
Moxamed Cabdi dheere iyo xaaskiisa Zahra Yusuf X. Adan
Hanad Cabdisalan Saxardeed  xaaskiisa iyo caruurtiisa
Mustafe Cabdisalan Saxardeed
Burhan Yusuf X. Adan iyo wiilkiisa Faisal Burhan
Cali Yusuf X. Adan xaaskiisa iyo caruurtiisa
Muna Yusuf X. Adan saygeeda iyo caruurteed
Aymen Yusuf X. Adan xaaskiisa iyo caruurtiisa
Axmed Yusuf X. Adan iyo xaaskiisa
Mahdi Yusauf X.Adan iyo caruurtiisa
Muraad Yusuf X. Adan xaaskiisa iyo caruurtiisa
Marwaan Yusuf X. Adan xaskiisa iyo caruurtiisa
Hibaq Yusuf X. Adan saygeeda iyo caruurteeda Â
Yasmin Moxamed Yusf X. Adan saygeeda iyo caruurteeda
Hodo Moxamed Yusuf X. Adan
Yusuf Moxamed Yusuf  X. Adan
Idil  Moxamed Yusuf X. Adan saygeeda iyo inanteeda Hodo- Ilwaad
Adan Moxamed Yusuf X. Adan
Muna Moxamed Yusuf X. Adan
Zeinab Moxamed Yusuf X. Adan
iyo dhammaan qoysaska reer  Xaji Adan iyo reer Qabileh meelkasta oo ay joogaan waxay hambalyo iyo duco u dirayaan Haweya iyo Moxamood oo meherkoodu ka dhacay Hargeisa bishan  April 6 deedii
Â
Gudidii 2aad ee Kornayl Muuse Biixi magacaabo Mudadii gaabneyd ee uu xilka hayey & Waxay qabanayaan
Gudidii 2aad ee Kornayl Muuse Biixi magacaabo & Waxay qabanayaan
Ku: Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
Ku: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa
Â
Ujeeddo: Magacaabid Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.
Waxa foodda innagu soo haya Xuska Sannad Guuradda 27aad ee Maalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May, taas oo inooga baahan qorshe iyo u diyaar-garow, maadaama Bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogaan, ay u dabaal-degayaan Xuska 18 May, isla markaana dareenka qarannimadooda u soo bandhigaan Beesha Caalamka.
Sidaa darteed, waxaan masâuuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 27aad ee Maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.
Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil weyn iska saari doonnaan Xuska Maalinta 18 May. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.
Daawo:Dhaantooyinkii+Sidii Raâiisal wasaaraha Cusub ee Itoobiya loogu soo dhaweeyay Jigjiga
Â
Â
Â
Shirkadda Telesom oo Dunida Markii ugu horaysay Ku Soo Kordhisay Technology cusub oo ah Sarifka Lagacaha ee Moobile-ka (Mobile Exchange)Â
The Strategic Implications Of A Possible Russian Base In Somaliland
The Strategic Implications Of A Possible Russian Base In Somaliland
If the unconfirmed reports about a possible Russian base in the breakaway region of Somaliland are to be believed, then Moscow is finally flexing its military muscles beyond Eurasia and signaling its eagerness to return to Africa.
The typically trustworthy Alt-Media information portal South Front republished the claims that have been circulating for the past couple of days about a possible Russian military base in the breakaway region of Somaliland, a development that initially caught many observers off guard but is entirely explainable in hindsight if it actually comes to pass. The report alleges that Moscow has been in talks with the self-proclaimed authorities in Hargeisa to build a small multiuse air and naval facility in the Djibouti-bordering town of Zeila in exchange for formally recognizing the regionâs âindependenceâ. The UAE is already constructing its own base in Berbera despite not officially recognizing Somaliland, but the Gulf State is a rising military power with much more money to throw around than Russia and therefore probably isnât subject to the same conditions as Moscow would be for that simple pecuniary reason.

Somaliland Backgrounder
As a brief but incomplete backgrounder, Somaliland used to be a British colony that was reunited with its ethnic Somali brethren in 1960, after which it separated from ârumpâ Somalia following the overthrow of President Barre and the subsequent multisided civil war that engulfed the country. The de-facto government of Somaliland believes that Barreâs late Cold War-era anti-insurgency policy towards their region constituted what theyâve since termed the âIsaaq genocideâ and therefore entitled them to secede for securityâs sake. Whatever the legitimacy of this move, the undisputed fact is that geostrategically positioned Somaliland has remained functionally independent and largely peaceful since then, which Hargeisa insists should further its claim to international recognition of its independence. Mogadishu, however, maintains that the region should return back to its formal control, albeit in the newly implemented âfederalâ system that it says will prevent past abuses from reoccurring.
Geostrategic Significance
Somaliland, just like equally unrecognized but similarly sovereign South Yemen, sided with the UAE in the War on Yemen and now hosts an Emirati military facility in Berbera that Abu Dhabi plans to pair with its existing ones in Aden and the Socotra Islands to make it the âgatekeeperâ of the strategic Bab el Mandeb chokepoint over EU-Chinese maritime trade. This process is occurring in parallel with the expansion of the Gulf Cold War to the Horn of Africa and the international militarization of the Red Sea in making the region one of the most conflict-prone hotspots in the world today. Itâs with this context in mind that Russia might be considering a dual naval-air base in Somaliland just a few miles away from the USâ one in Djibouti, which if built would complement Chinaâs own to the west of Camp Lemonnier in strategically âflankingâ the Americans.
Russiaâs âPivot To Africaâ
Â

Russiaâs possible base in Somaliland would be about much more than just spiting the Americans, as it would be part and parcel of Moscowâs intended âPivot to Africaâ that was hinted at during the end of last year following the countryâs dispensation of military aid to the Central African Republic and offer by Sudan to set up a military facility on its Red Sea coast. Related to these two developments, there were also signs at the beginning of this year that any African Pivot could see Moscow relying more on mercenaries as the vanguard force in stabilizing conflict-torn countries and creating the conditions for Russia to âbalanceâ intra-state and international affairs across the continent as a result. In this instance, Russia could potentially mediate between Somaliland & Somalia proper and then âbalanceâ between both of them and their much larger landlocked neighbor of Ethiopia.
Ethiopia And The UAE
In connection with this, observers should be reminded of the long-running relations between Russia and Ethiopia that laid the basis for their ongoing rapprochement following nearly three decades of neglect after the end of the Cold War. Ethiopia is Chinaâs top partner in Africa, and the recently built Djibouti-Addis Ababa Railway (DAAR) is essentially an âAfrican CPECâ. Given the military âovercrowdingâ in tiny Djibouti and the relatively long distance between Port Sudan and Ethiopia, Russia might have decided to build a base in Somaliland as a âbackdoorâ to Ethiopia, with whom Hargeisa is allied. Furthermore, Ethiopiaâs joint development of a port in Berbera with the UAE, as well as Russiaâs increasing relations with both of these emerging Great Powers, point to tacit economic-strategic motivations behind Moscowâs possible decision to build a base in nearby Zeila because it could âkill several birds with one stoneâ by strengthening Russiaâs ties with all three parties.
The â19th-Century Great Power Chessboardâ
Nevertheless, any move in this direction would undoubtedly be seen as a âbetrayalâ of Somalia by its one-time Cold War patron despite Russia decisively siding with Ethiopia during the 1978-79 Ogaden War and âtradingâ Mogadishu for Addis Ababa at that time in unprecedentedly swapping regional allies with the US. Just like then, Neo-Realist calculations would be at the heart of this decision, albeit this time predicated on âbalancingâ the â19th-Century Great Power Chessboardâ thatâs become infinitely more complex in the emerging Multipolar World Order than during the âgood âole daysâ of bipolarity. As proof of this policy in action in an African context, one needs look no further than Russiaâs new policy towards Libya that now regards Gaddafiâs overthrow as an âinternal affairâ despite having called attention to it as an internationally significant development in the early days of the âArab Springâ theater-wide Color Revolution.
Concluding Thoughts
The completely unideological and interest-driven foundations of contemporary Russian foreign policy stand in stark contrast to the dogmatic narrative spewed by Alt-Media demagogues who purport that Moscow can only countenance doing the polar opposite of whatever Americaâs allies are, meaning in this case that Russia âwouldnât everâ contribute (whether deliberately or not) to Somaliaâs âBalkanizationâ by building a base in Somaliland alongside the USâ âLittle Spartaâ and in close proximity to the landlocked country that used to be its regional enforcer. The times have certainly changed, proving that the New Cold War is nothing like its predecessor and that the Russian Federation of today definitely isnât anything like the Soviet Union of the past when it comes to its foreign policy âprinciplesâ. Thatâs not necessarily a âbadâ thing, but just a reflection of the international reality in which Russiaâs forced to operate if it desires to advance its interests in the face of considerable multidimensional asymmetric American pressure.