Qiso yaab leh:Haweenay Laba Mijood oo Qaada Laba wiilo loo siiyey
Rasaas Teelteela oo Laga Maqlay Guriga Saylaci Ka Degan Yahay Magaaladda Hargeysa Iyo Sababta Dhalisay..

Dadka Danyarta ah ee hareeraha ka degan Guriga Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uu ku leeyahay Xaafadda Shacabka ee Magaaladda Hargeysa ayaa barqonimadii shalay waxa ay dhagaxaan la boobeen Gurigiisa,waxaana rasaas dadkaasi danyarta ah ugu jawaabay illaaladiisa iyagoo dadkaasi qaar ka mid ah Xabsiga u taxaabay.
Dadkan danyarta ah ayaa sida Wargeyska Foore loo xaqiijiyay ka cabanayay Daad xoogleh oo roobkii weynaa ee Habeen hore ku da’day Magaalada Hargeysa uu soo rogay,kaasi oo dhinac walba uga baxay Guryihii ay deganaayeen,waxaanay habeen hore oo dhan gacmaha kaga dhuriyeen biyaha iyagoo aroornimadii shalayna ka hor mudaharaaday Guriga Madaxweyne Ku xigeenka oo ay kaga cawdeen inuu ku xidhay biyahaasi oo awal dhaafi jiray islamarkaana ay sheegeen inay biyahaasi Khasaare culus u gaysteen oo ay illaa Wakhtigaasi ay mudaharaadayeen uu daad badani dhex jiigay Guryahooda. Dadkan danyar ah ayaa intooda badan waxa ay dhinaca Koonfureed iyo jihada xagga Galbeed kaga toosan yihiin Guriga Madaxweyne ku xigeenka,waxaanay muujiyeen sida uga xun yihiin in daad uu iska Moosay Saylici uu fadhiisto guryahooda islamarkaana aanay wax gar gaar ah ka helin,oo ay Habeen hore oo dhan u soo jeedeen oo aanay hurdo ladin.
Ciidanka Illaalada Madaxweyne ku xigeenka ayaa dadkan Danyarta ah oo dhagax tuur samaynayay Rasaas ooda kaga qaaday,iyagoo qaar ka mid ah Dadkaasi oo uu ka mid yahay Nin lagu magacaabo Cumar xagaa,Xaaskiisii iyo Laba wiil oo uu dhalay Xabsiga U Taxaabay. Majiro wax khasaare ah oo dadkaasi danyarta ah ka soo gaadhay Rasaastaasi ay Ciidanka Illaalada u ah Saylici ku fureen si ay ukala dareeriyaan. Sidoo kale markii ay rasaastu dhacday waxa goobta la keenay Ciidamo badan oo ay ka mid yihiin illaalada Madaxtooyadda Somaliland iyo saraakiisha Sare ee Hawlgalinta Ciidanka Bilayska Somaliland.
Diyaarad laga leeyahay Imaaraadka oo lagu xayiray Boosaaso,Maxaa laga helay,Maxaase lagu qoonsaday
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso halkaa ku xayireen diyaarad laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.
Dad ku sugan Boosaaso ayaa warbahainta u sheegay in loo diiday diyaaradaha in ay ka duusho garoonka kaddib markii ay diideen saraakiishii la socotay diyaarada in la baadho ka hor inta aysan duulin.
Warka arintan ku saabsan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay qaar ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.
Is afgaranwaa ayaa dhex maray ilaalada garoonka iyo dadkii raaci lahaa diyaarada waxaana weli xayiran diyaaradaasi kadib markii ay ka madax adaygeen saraakiisha imaaraadka carabtu in la baadho boorsooyinka iyo waxyaalaha kale ee ay wateen.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso oo la xidhiidha xayiraada diyaaradan loo geystey.
Tallaabadan ay qaadeen ciidamada ilaalada garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa imanaya xili Axadii ina dhaaftay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho lagu qabtay diyaarad siday lacag dhan $ 9.600.000 (Sagaal milyan iyo Lix boqol oo Kun oo dollar) oo ka timid dalka iskutaga Imaaraadka Carabta.
Daawo Muqaalka sidii Xoghayihii Guud ee Xisbiga Waddani Uurcade xilka looga qaaday oo faahfaahsan
Shirwaynaha Beelaha Garxajis Oo DIb Loo Dhigay Iyo Wakhtiga La Qabanayo
Shilalka Gaadiidka iyo Masiibooyinka ay sababaan
Shilalka Gaadiidka: W/Q Farxaan Maxamed Sultan (Rakad)
Shilalka gaadiidka ayaa noqday dhibaatooyinka ugu badan ee maalinkasta ka dhaca gayiga aynu ku noolnahay, shilalka gaadiidka ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur maaliyadeed taas oo aan ilaa hadda loo hayn xal iyo ka hor tagtoonna.
Dawladda Haatan tallada Haysa ee uu hoggaaminayo Madexweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa warbixinteeddii dastuuriga ahayd ku soo dartay waxka qabashadda Shilalka gaadiidka iyadoo sheegtay innay wax ka qaban doonto shilalka gaadiidka se tan iyo maalintaa wali hal tallaabo lama qaadin.
Shilalka gaadiidka ayaa inta badan waxa sabab u noqda dad aan sharciyadda waddo marista aqoon ama aan aqoon u lahayn qaababka saxda ah ee loo waddo gaadiidka ama waxa ay sammeeyaan dadka inta badan shilalka galaa khaladaad aan la ogolayn wakhtiyadda gaadiidka la waddo.
Haddii la rabo in shilalka gaadiidka la yareeyo waxay taladaydu noqonaysaa:-
1. Ciidamadda taraafikadda oo la badiyo
2. Sharciyadda waddo marista oo la adkeeyo
3. Waddooyinka oo la calaamadiyo
4. Cunista iyo cabista saacadaha wadista oo la-ga digo.
5. Waddooyinka oo la dayactiro
6. Wacyi-galinta oo la badiyo
7. Ciddii khalad gasha oo ganaax adag lagu qaado.
8. Xawaaraha safarka oo la xadido.
9. Xawaaraha magaalooyinka oo la xadido
10. Gaadiidka oo la saaro alaab uu qaadi karo iyadoo laga digayo cidda saarta Alaab aannu qaadi karin.
11. Hubinta Licenceka wadista oo imtixaan laga qaado.
12. Gaadiidka oo la hubiyo Machinekooda iyo dayactirkooda.
13. Gaadiidka Buseska oo albaabadooda laga dhigo midiglayaal.
14. Isdhaafka deg-dega ah oo laga digo.
Qofkastaaba xalbuu hayaa qofkastaaba sibuu u arkaa xalka markaa waa in la hellaa Hay’ad u gaara xal u helista shilalka gaadiidka oo ka shaqo gasha dalkeenna.
Haddii tallaabooyin deg-dega la qaadi waayo waxa aynu la kulmi doonnaa Shillalka gaadiidka oo dhaawac iyo dhimashaba saacadkasta sababa.
Shilkan aad arkaysan ayaa maanta ka dhacay magaaladda Berbera goob wado laba haad leh halkaas oo aan khasaare dhimasho ahi ka dhicin se dhaawac iyo bur-bur maaliyadeed uu ka dhacay.
Sidoo kale shil kale ayaa dhacay waxannna ku dhintay 3 qof iyo nin caddaana waxaanna ku jiray taliyihii Waaxda tababaarka ee Ciidanka Badda inaalilaahi wa inaa ilayhi raajucuun.
Saacadkasta, maalinkasta, waa dhaawac iyo dhimasho taagan insha Allah xalka waynu helin haddaynu is dhagaysanno.
Gmail: farxaanmxd@gmail.com
Rakad Mxd Sultan
BERBERA
Suuriya:Maxaad kala socotaa khasaaraha ka dhashay & Goobaha ay duqeeyeen xulufada Mareykanka+Sawirro

Dowladaha Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya ay u adeegsatay deegaanka Duumaa ka fuliyay gudaha waddanka Suuriya, hadaba maxaad kala socotaa goobaha ay bartilmaameedsadeen iyo khasaaraha ka dhashay?
In ka badan boqol gantaal oo qoorkood ay hawada ku bur-buriyeen ciidamada Suuriya ayaa lala beegsaday goobo la sheegay in lagu sameeyo amaba lagu baadho hubka kiimikada, waxaana goobahaasi ka mid ah xarunta lagu magacaabo Scientific Research ee ku taal deegaanka Barzeh.
Sidoo kale waxaa ay xulufada Mareykanka beegsadeen saldhigyo ciidan oo ku yaal magaalada Homs.Wali lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay weeraradaasi, balse waxaa la bur-buriyay goobaha la weeraray.
Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa sheegay in ay ku guuleysteen weeraradaasi, islamarkaana ay si hubaal ah u beegsadeen goobihii ay cayinteen.
Waxa ay sheegeen in ay soo afjareen weerarka ay ku iclaamiyeen Suuriya islamarkaana laga gaadhay natiijiadii laga rabay.
Ruushka oo isagu garab taagan dowladda Suuriya ayaa sheegay in uu ka fal-celin doono weerarkaasi.





Garaadka Guud ee Dhulbahante Garaad Jaamac oo eeddo culculus ku miisay Siyaasiyiinta….
Somaliland Recognition, each of the Ex- presidents did what? — what is next?
Somaliland Recognition, each of the Ex- presidents did what? — what is next?
When a territory declared itself as a state, the first step that is needed is to make sure that it is eligible to claim as sovereign state according to the minimum standards for statehood specified by the customary international law: It must have a defined territory. It must have a permanent population. It must have a government with all its status; capable of interacting with other states. However, Somaliland state was established and declared that it withdrew from the unification with Somalia and standing as an independent state. It ensured the world that it meets or marches the qualifications and conditions of statehood; and it has the right to declare itself as an independent country. This was achieved during the period of ex-president Marxuum Abdurrahman Ahmed Ali.
Somaliland designed its flag, money, Passport and national anthem. It established its own government with its legislative body, judiciary sector, all institutions of the executive body headed by a president, security forces and national army force. It prepared and implemented internationally acceptable financial and monitory systems; using a national budget. It prepared its own National Constitution approved by a national referendum that 97% of the voters voted in favour and support of the constitution. It took the democratic system that its leaders and MPs come through elections. It established all institutions needed for the work of its democratization and elections, as well as all concerned regulations and procedures. the world knows that Somaliland established itself as a state free from violence, wars, terrorism and political instability with its territorial integrity. Somaliland benefited from these developments and nation building efforts. These were achieved during the period of ex – President Marxuum Mohamed Ibrahim Egal.
Though not recognized by anyone; the international community allowed dealing with Somaliland as a de facto state. Somaliland established a multi-party system, with three national parties, to avoid that one party often has a chance of gaining power alone. Somaliland held several peaceful national elections like local councils, Parliamentary and presidential elections. Somaliland developed its foreign policy lopping in the AU meetings, in U.K. in the EU. It persuaded several countries in Africa and Europe, MPs of foreign countries and even international organizations to advocate for Somaliland sovereignty. Really Somaliland reached in front of the recognition gate. All these successes were taken during the period of ex-president Dahir Rayaale Kahin.
From there, it was needed from Siilaanyo Government to go forward to the next step of seeking recognition for the country; bargaining with all the above developments made by the previous governments; That was to make efforts to persuade some countries that Somaliland deserves recognition; to continue working with Somaliland’s friends in Africa, and Europe; to increase lopping in the AU, EU and IGAD. But unfortunately, president Silanyo turned from that strategic path that could be a short cut to reach recognition. Instead Kulmiye government stopped communicating with all Somaliland international supporters and advocators. It shut some very important representative offices in Africa like South Africa, Senegal, Ghana and others. It diverted the foreign policy of seeking friends and recognition to a new policy of opening talks with Somalia. The talks and meetings with Somalia were going on throughout Silanyo’s seven years rule; Somaliland benefiting nothing but loss of time. In the seven years of Kulmiye rule, Somalia recovered much of its problems including its recognition as the republic of Somalia, besides playing a humiliating tactics with Silanyo’s government. Here we are, facing the most politically critical situation ever. These retarding diplomatic failures that slowed down or hindered Somaliland’s progress to recognition were experienced during the period of ex- president Ahmed Mohamed Silanyo.
Every day is a new opportunity for Somaliland. A government can build on yesterday’s success or put its failures behind and start over again; so what to expect from Kulmiye’s new government headed by President Musa Bihi Abdi? Picking up Somaliland out of these political failures it is now experiencing? Or digging and putting Somaliland deeper in to the bottom of the muddy pool?
Adam Ali Younis
Email: aayonis@hotmail.com
Waqti iyo Waxqabad
Nin baa waxa uu yidhi: “Waqtigu waa wax aynu aad u jecel nahay, haddana waa waxa keli ah ee aynu khasaarinno.” Waa run oo waxa laga yaabaa haddii ay qofka hanti badani ka lunto in uu mar uun helo hantidii ka luntay mid le’eg amaba ka badan. Laakiin haddii uu qof ama ummad waqti ka khasaaro, waqtigaas dib looma soo celin karo, dibna looma heli karo oo waa tii hore loo yidhi: “Qof shinkii dhammaadiyo, shalay miyaa la soo celin?”
Waqtiga oo laga faa’iidaystaa waa arrin fiican oo aynu wada garanayno isla markaasna aan cidna loo sheegayn. Waqtigu waa wax degdega oo aan daqiiqad keli ah hakanin. Qofka marka ay maalini dhaafto waxa ay ka dhigan tahay in ay qayb noloshiisii ka mid ahi tagtay. Mar haddii uu waqtigu yahay wax aynu aad u jecel nahay waxa fiican in aanu dhayal inagaga khasaarin ee aynu si fiican oo khayr leh uga faa’iidaysanno.
Waqti qof ka khasaaraa murugada uu keeno waxa la garan karaa marka la arko qof xilligii uu xoogga lahaa aan adduun iyo aakhiro midna u shaqaysan oo markii uu guudku caddaaday ayaamihii dhaafay dib u goconaya. Waqti qof ka khasaaraa murugada uu keeno waxa la garan karaa marka la arko arday waxbarashadiisii sannad dib uga dhacay ama imtixaan ku guuldarraystay oo fursadihii uu dayacay mar kasta dib u xasuusanaya. Waqti ummad ka khasaarayna waxa la garan karaa marka la arko bulshoweyn uu kelitaliye ku habsaday ama ummad burbur ku dhacay oo ay haddana quwado kala duwani jiif iyo joog ba u diideen sida Soomaalida oo kale!
Waqtiga iyo sida looga faa’iidaysto dadku waa uu ku kala duwan yahay. Waxa aynu tusaale yar u soo qaadan karnaa laba qof oo uu midkiiba haysto shan saacadood oo firaaqo ah. Labadaa qof mid baa laga yaabaa in uu shantaa saacadoodba shaqo qabto ama uu wax akhristo oo uu aqoon badan kororsado. Midna waxa suurta-gal ah in muran iyo qaylo aan loo baahnayn uu ku daalo oo ay sidaa saacadihii kaga dhammaadaan. Midi waxa uu hoyanayaa isaga oo wax qabsaday ama macluumaad badan faa’iday, midna isaga oo daalay oo aan waxba korodhsan.
Si aanu waqtigu u khasaarin waxa fiican in la xasuusnaado lama arrimood. Labadaa arrimood midi waa in wax kasta loo fiirsado oo si fiican loo qiimeeyo, waayo hawluhu qiimaynta kama soo hadhaan, qiimayn xumina waxa ay keeni kartaa natiijo xun. Nin caqli badan ayaa beri magaalo uu degganaa gees uga yar baxay oo fadhiistay meel u dhow mid ka mid ah waddooyinka magaalada laga soo galo. Isaga oo halkiisii fadhiya ayaa waxa soo maray laba nin oo doonayey in magaaladan uu ninkani deggan yahay ay u soo guuraan. Labadii nin mid ka mid ah iyo ninkii caqliga badnaa waxa dhex maray su’aalahan iyo jawaabahan:
— Dadka magaaladan ku nool dabeecadahoodu waa sidee? Waxa aan doonayaa in aan magaalada soo dego oo aan ka soo guuro ta aan deggenahaye?
—Horta magaalada aad ka soo guurayso dadka deggani waa dad noocee ah?
—Waa dad naxariisdaran oo xaasidiin ah
—Halkanna haddaba waxa ku nool dad kuwaa aad sheegtay la mid ah!
Halkaa markii ay arrini maraysay ayaa waxa hadlay ninkii kale oo kan su’aalaha bilaabay ag taagnaa, waxanu ninkii caaqilka ahaa ku yidhi: “Aniga dadkii aan magaaladaas aan ka soo guurayo degganaa waxa ay ila ahaayeen dad wanaagsan oo naxariis badan”. Caaqilkii ninkan danbe isna waa uu u jawaabay oo waxa uu hadal ugu soo koobay: “Dadka aad halkaas wada degganaydeen kuwa la mid ah ayaa halkanna ku nool”.
Laba wax ayaa sheekadan yar ku jira. Labadaa wax midi waa in aanay dadka caqliga badani haddii wax la weydiiyo jawaabta ama talada markaaba ku degdegin, ee ay qofkii wax weydiiyey dib wax u su’aalaan si ay xog u helaan, waayo waa tii hore loo yidhi: “Xog helaa talo hela.”
Arrinta kale ee meesha ku jirtaa waxa weeyi marka ay dadku wax qiimaynayaan in ay qiimayntooda ku saleeyaan aragti marka horeba maskaxdooda ku jirta taas oo laga yaabo in ay marar badan xaqiiqada jirta ka fog tahay.
Waxqabad
Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa waxa ay mararka qaarkood meelahaa ka sheegsheegaan in ay bulshadu u baahan tahay in wax loo qabto. Marka ay sidaas leeyihiin waxa ay inta badan indhaha ka laliyaan waxqabadyo kala duwan oo la qabtay oo ay qaarkood yihiin qaar waaweyn, waxayna carrabka ku adkeeyaan in loo baahan yahay in wax weyn oo muuqda la qabto.
Ha weynaado ama ha yaraado ee wax kasta oo la qabto in la qiimeeyo ayaa muhiim ah. Wax kasta oo la qabtaa xataa haddii uu yar yahay waa lagama maarmaan. Waxyaalo yar yar oo kala dudduwan oo xilliyo kala danbeeya la qabto ayaa waxqabad weyn noqon kara.
Waxa fiican in ay dadkeennu ogaadaan ama fahmaan in aan hal mar la samayn karin waxqabad weyn oo buur la’eg, ee uu waxqabadka weyni yahay natiijo ka dhalata waxqabadyo yar yar oo la isku dardaray.
Nin goor aroor ah meel xeeb ah marayey ayaa waxa uu arkay nooc kalluunka ka mid ah oo boqollaal gaadhaya oo inta ay mawjadihii baddu aad u kaceen ay xeebta ku soo tuureen. Kalluunku waa uu noolaa, hase yeesho ee haddii uu daqiiqado yar halkaa sii oolli lahaa, fallaadhaha qorraxduna ay ku dhici lahaayeen naftu waa ay dayn lahayd.
Ninkii markii uu arkay xaaladda uu kalluunku ku jiro ayaa uu xaggii kalluunka u dhaqaaqay, dabadeed kolba mid ayaa uu qaadaa oo uu badda ku tuuraa si uu u noolaado.
Meel isaga ka danbaysa nin joogay oo sheedda ka soo eegayey oo ninkan kolba xabbad kalluun ah badda ku tuuraya la yaabbanaa ayaa u yimid oo weydiiyey: “Waar boqollaal kalluun ah oo aanad wada bedbaadin karayn ayaa meesha yaalla, ee maxay xabbad yar oo aad badda ku tuurtaa taraysaa?” Ninkii ma uu hadal ee inta uu dhawr tallaabo qaaday ayaa uu mid kale oo kalluunkii ka mid ah qaaday oo uu badda ku tuuray. Markaas ka dib buu jawaabay waxana uu yidhi: “Kan u danbeeyey, tusaale ahaan, waxtar weyn ayaa ay u tahay oo waa kaa bedbaaday ee nool”.
Maahmaah qalaad ayaa ahayd: “Rooma maalin laguma dhisin!”
Qalinka: Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
Taariikh Nololeedkii Sheekh Cali Ibraahim Xirsi 1905-1984. W/Q:C/raxmaan Axmed Koosaar Qaybta Koobaad

Taariikh Nololeedkii Sheekh Cali Ibraahim Xirsi 1905-1984. W/Q:C/raxmaan Axmed Koosaar Qaybta Koobaad
من المؤمنين رجال صدقوا ما عا هدا الله عليه فمنهم من
قضي نحبه ومنهم من ينتظر وما بد لوا تبديلا
Weedha Qoraaga.
Bismilaahi Raxmaani Raxiim, ilaahay baa leh Mahad dhammaanteed iyo shukriba ilaaha swt ku gaar yeela cidduu doono ee adoomihiisa ka mida Hibooyinka sare & Deeqaha waawayn ee siiya qofkuu doono Asraar Qarsoon & tu muuqataba ee Awliyadiisa u arooriya ilaha Deeqda & sharafta Badan,naxariiis & nabad gelyona kor kiisa ha ahaato khalqiga Ilaahay oo dhan kii u khayrka badnaa sayidkeenii Muxammad csw isaga & Ehelkiisii & Asxaabtiisii Suubanayd ba.Intaasi ka dib, Aniga oo aan mudnayn inaan sheikh Cali Xaaji Ibraahim Noloshiisii & Cilmigiisii toona wax ka qoro oo aanay misana xagayga ka imanin ee ay Ikhwaanku ii soo jeediyeen in wax ka qoro ka dib markii dalabkaasi soo noqnoqdayna aan aqbalay Ilaahayna swt waxaan ka baryayaa inuu ii furo ina waafajiyo ujeedada laga rabo qoraalkan aniga iyo inta jecelbana if & aakhiroba noogu naxariisto Barakadiisa isaga ayaa awood lehe.,Hadaba aniga oo ilaahay talo saaranaya waxaan halkan uga mahad naqayaa kuna tix raacayaa Afar qof ee sababta ugu wayn u ahaa inaan sheikh cali xaaji ibraahim u yeesho intan yar ee kooban ee ka mida xayaatadiisa & cilmigiisii aan la koobi karayn afartaasi qof laba ka mida waan waraystay labana waxaan akhriyay qoraalo kaygan ka horeeyay oo ay sheekha ka qoreen.Ugu Horeyn Labada aan sheekha muddo ka waraysanayay.
1. Xaaji Xuseen Sheekh Ismaaciil Darwiish Allah yarxamuhu
2. Axmed Jaambiir Kaahin.
1. Xasan Axmed Faarax .
2. Cumar Sh. Ibraahim Cammir Allah Yarxamhu.
Hadaba , waxaan ka cudur daaranayaa hadii ay dhacdo in wax khalad ah nooc kasta ha noqdee lagu arko qoraalkan in uu yahay mid uu sababay aqoon yaraantayda iyo daciifnimadayda ee aanay shaqo ku lahayn sheekha iyo dadkaasi sharafta mudan ee aan tix raaca ku sameeyay midkoodna wixii wanaag ahna waxa iska leh Ilaahay swt..Sidaasi darteed waxaan ka codsanayaa akhrista ay indhihiisu qabtaan wax nuqsaan ah inuu I ogeysiiyo ileen nin habari dhashay hal ma seegi waayee.
Shakhsiyadda sheikh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi, Barbaaridiisii iyo wax barashadiisii.
Sh. Cali xaaji Ibraahim Xirsi oo hooyadiina la odhan jiray khadiija Axmed wuxuu ku dhashay Deegaanka Oodwayne meel la odhan jiray Balliga Guuleed Xaaji 1905, quraanka Kariimka ah wuxuu ku bartay meeshaasi miyiga ah markii uu quraankii dhammeeyay wuxuu tagay Magaalada Berbera oo uu aabihii xaaji ibraahim ku haystay Ganacsi waxaanu magaalad berbera ka sii watay tacliintiisii isagoo wax ku bartay iskuul uu lahaan jiray nin soodaaniya oo la odhan jiray Sayid khayra lah,halkaasi oo uu ku bartay culumta xadiiska,Tafsiirka,iyo faniyada kala gedisan ee luuqada Carabiga, waxa xusid mudan in uu aabihii qayb wayn ku lahaa in waxbarashada wiilkiisu kaalin gasho waxaana markhaati u ah isagoo xaj ka tagaya ayuu tuducyadan ku dhiiri geliyay.
Qabrigii Rasuulkiyo xajkiibaan Qalab u haystaaye
Calaw qayb khadkiyo looxu waa qawl ilaah dhigaye
Markii uu si fiican u dhamaystay dugsigii Soodaaniga wuxuu u kicitimay Magaalada Bullaxaar oo waagaasi aad u camirnayd culimo badan oo akhriya faniyada kala gedisan ee cilmiga diiniga ahina ay ku sugnayd halkaasi ayuu si fiican ugu dhex galay fiqiga iyo luuqada af carabiga isagoo baaric ku nocday noocyada kala gedisan ee afka carabiga sida naxwaha sarfiga balaaqada noocyadeed Bayaanka & Badiica iyo Cilmiga Diintana sidoo kalena wuxuu aad u bartay cilmiga xisaabta sida Handasada Jabrada & jajabka ka ,sidoo kale wuxuu aad u bartay cilmiga Mandiqa Cilmiga Falaga Iyo taariikhda & juquraafiga..
Hadii aan Tacliintiisa Is raaciyo sheekha waxa suudaan u dirtay Dawladii Ingiriiska halkaasi oo ku maqnaa laba sanadood kuliatu Diraasaadka islaaamiga kana soo qaatay Diktoorah, xili uu aad u yaraa ayuu kaalin galay waxa dadka ku hareeraysan uga muuqanayay bidhaamo iyo calaamado muujinaya Raganimo dheeraad ah ilaa intii uu yaraa waxbaa lagu halaynayay barakona waa laga arkayay aad na wuu u dhawrsoonaa caqli aad u miisaaman ayuu ilaahay siiyay oo xili iyo kasta iyo goob kasta oo uu joogo uu arimaha la soo dersa ee noloshu keento ku xalilayay.
Sheekh Cali xaaji ibraahim wuxuu ahaa bad wayn cilmiya oo aan la soo koobi Karin waxaanu noolaa nolol cibro ugu filan qofkii milicsada oo misana lagu dhammayn Karin qoraal u kooban sidan oo kale :- qofka codkiisa maqlaa wuxuu odhan lahaa waa sheikh caalim ah, ka taladiisa arkaa wuxuu odhan lahaa waa hogaamiye qawmi ah, ama siyaasi xeel dheer, qof ka kutubtiisa iyo qasaaidkiisa arkaa wuxuu odhan lahaa waa qoraa Islaamiya, ka nolol la qaybsadaa ee la fadhiistaa ee arka karaamooyinka ilaahay siiyay ee uu qarinayo wuxuu odhan lahaa waa wali awliyada ilaahay ee waawayn ka mida, qofkii cilmi baadhis rasmi ah ku sameeya noloshiisa ee arka siday uga buuxdo kifaax & dadaal, iyo dheefta iyo dhaxalka uu ka tagay ee aan duugoobayn wuxuu yaqiinsanayaa inuu ahaa halayay uu ilaahay ummadan ka soo saaray, oo ay adag tahay in la helo dhigiisii, wuxuu kaalin galay isaga oo aad u yar waxaanu koobsaday cilmiyo fara badan oo dhinacayo badan leh, wuxuu noolaaday isagoo sharaf leh oo tusaale fiican u ah siday ay tahay iyo macnaha dhabta ah ee ay leedahay suufinamada dhabta ah, wuxuu ku toosnaa dariiqa saxda ee daahirka shareecada, laabtiisuna saafi ayay ahayd, intuu noolaa cidna gacanta muu hoorsan, ee wuu shaqaysanayay, waxaanu u shaqaynayay dalkiisa dadkiisa & diintiisa, isagoo da’ ah habeenna kama fadhiisan shaqada diinta , intaasi oo aad isku gayso iyo in kale oo aan la soo kobi karaynin ayuu dhab ahaan ahaa Sheekh cali Xaaji Ibraahim ( wal xaqu yuqaal) wixii xaq ah waa la sheegaa .
Laso qaybaha danbe……
C/raxmaan Axmed Koosaar.
Mobile :- 063 4109607
Email :- abdikoosaar@gmail.com
Xuseen Axmed Caydiid oo sheegay in sifo sharciya xilika lagaga qaaday Uurcadde
UAE disbands training mission in Somalia
Somalia
ABU DHABI, 15th April, 2018 (WAM) — The UAE has decided to disband its military training programme in Somalia which started in 2014 to build the capabilities of the Somali army.
The decision comes in response to Somali security forces’ seizure of a UAE-registered civil aircraft at Mogadishu Airport and confiscation of money destined to pay the soldiers.
The UAE and Somalia are bound by historical relations based on mutual respect and the UAE Forces had carried out a number of training missions for thousands of Somalis to build up their capabilities. In addition, the UAE has been paying the salaries of 2407 Somali soldiers and built three training centres, a hospital, and dispatched Emirati medical teams for treating Somalis.
The UAE is supervising the counter-piracy maritime police force in Puntland where the UAE has been effectively contributing to leveraging the capacities of the Somali military and security facilities while supporting efforts to fight terrorism in collaboration with a number of international parties and the African Union’s forces in Somalia.
The UAE has expressed its denunciation of the seizure incident which flies in the face of diplomatic traditions and ties between world countries and contravenes the agreements signed by both countries.
WAM/Hatem Mohamed/Tariq alfaham
Somaliland Investment Company. Qaybtii Labaad
Waxaynu ka soo hadalnay 12 bisha mowduuc ku saabsanaa Somaliland Investment Company , waxaynu faahfaahinay sida loo abuuro shirkad gacansi dowli ha ahaato ama gaar haloo lahaado , ka dib waxaynu eegnay Somaliland investment company , waxaynu hoosta ka xariiqnay meelaha madmadowgu ku jiro , iyo sida aan loogu kalsoonaan karin shirkadaas .
Maantana waxaan jecelahay inaan idinla wadaago daraasad dheer oo ku dhisan Sadex(3) Suaalood oo aan ka dhaliyey Mowduuca hore ee ah Somaliland Investment Company si Faahfaahsan Sidam Hoose:
Su’aasha 1aad : (Waxay khusaysaa meesha laga diiwaangaliyey Somaliland Investment Company ) sidan Hoose:
——————————————————————-
*Dubai International Financial Centre (DIFC), Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah ee Dubai maxay tahay?, Yaa dagan ama ka diiwaan gashan?, Maxaa lagaga ganacsadaa ?,liisanada ama ogolaanshaha ganacsi ma DIFC ayaa bixisa mise Dubai financial Authority ayaa bixisa ?.
___________________________________________
JAWAAB:
Dubai International Financial Center(DIFC) : Waa xarun ku dhextaala magaalada Dubai oo caalamiya , oo ka madaxbanaan , kuna kulmaan shirkadaha waawayn ee caalamka gaar ahaan kuwa maaliyada iyo shirkadaha adeega siiya shirkadaha maaliyada , waa xarun maaliyadeed oo madax banaan , waxaanay ka duwantahay maamul ahaan , iyo qanuun ahaanba wadanka intiisa kale ( UAE).
Waxaa la aasaasay 2014 kii , ka dib daraasad dheer ,muddo socotay , kuna saabsanayd in la helo xarun ganacsi maaliyadeed oo isku xidha Africa ,asia , midhle east , Europe ,America ,oo laga wada adeegto ,fududaysana isdhexgalka dhaqaale ee caalamka, waxaana ku guulaysat hirgalinteeda wadanka uae gaar ahaan imaarada dubai .
Sharciga imaraadka waxa uu dhigayaa qof ganacsi ka abuuraya dubai ama shirkad waa 51% muwaadin yeeshaa . Xaruntani DIFC laguma dhaqo sharcigaas , waa laga dhaafay , qofka abuuraya shirkad noocay doonto ha noqotee isagaa iska leh 100% , ta labaad waxay ka dhintay cashuurta ,oo inta hore aan wax cashuura laga qaadahayn ,markay shirkadu soo gasho ama laga diiwaan galiyo DIFC.
(DIFC is one of Dubai’s independent free-zones, which means it offers companies100% ownership without the need for a local partner. The district is governed by a common-law framework distinct from the UAE legal system with laws and regulations issued in English. DIFC offers clients a 50-year guarantee of zero taxes on corporate income and profit).
Waxa ka diiwaan gashan ama xafiisyo waawayn ku leh oo degen shirkadaha noocyada kala ah:
1. Shirkadaha maalgashiga iyo maamulka hantida ,( Whealth management companies / asset management companies ) oo ah shirkadaha lacagta ka soo qaada dadka ama dowladaha ee maamula ee ku maal galiya meelo kale ,hadhowna dadka u celiya hantidii iyo faa’iidadii oo wada socda ama ugu shaqeeya mudho dheer.
2. Waxa kale oo degen shirkadaha dilaaliinta ah, ee u dhaxeeya maalgaliyayaasha iyo shirkadaha la maalgashanaayo, (Brokerage Companies ),
3. Shirkadaha caymiska ,( Insurance Companies ),
4. Bangiyada iyo hay’adaha maalgashiga ku shuqulka leh (Banks &Other Institutional Investors ),
5. Shirkadaha gaarka loo leeyahay ,maamul ahaan iyo raasamaal ahaanba (Proprietary trading,and investment companies), Somaliland investment company waa halka u soo galaayo .
6. Shirkadaha waawayn ee caalamiga ah ee dhaqaalaha oo xafiisyo ku leh (corporate offices).
7. Shirkadaha Adeegyada siiya kuwaas sare ku xusan, ( Professional Service Providers like Audit Firms, Consultant Firms, Hutels ,Security Firms , Law Firms etc) , kuwaas ayaa ugu waawayn inta ka hawlgasha.
Waxaa jira laba waaxood oo waawayn oo intaas ku ilaalisa shuruucda maaliyadeed ee dajisan , iyo xalinta waxii khilaafaad ah ama muran ah ee dhexyimaada xarunta . sidan hoose :
i).Dubai Financial Service Authority oo shaqadeedu tahay inay xakamayso dhamaan shirkadahaas maaliyadeed iyo caawiyayaashooda ,kuna ilaaliso sharciga caalamiga ah ;
ii). Dispute Resolution Authority, waaxdani waxay u xilsaarantahay xalinta iyo gorfaynta waxii khilaafaad ah ee yimaada , waxaanay xaq u leedahay go’aan ka gaadhida ugu danbaysa waxii muran ah ee yimaada .
Xarunta waxay leedahay maxakamad u gaar ah oo dhex degen ,oo ku shaqaysa hanaan caalamiya ,kana madaxbanaan makamadaha wadanka , looguna talo galay inay u shaqayso hab caalamiya.
Dubai International Financial Centre waa xarun maaliyadeed /suuq maaliyadeed ,waxaana lagu kala gataa saamiyada kala duwan ee maaliyadeed sida saamiyada , curaarta ,lacagaha iwm.
(DIFC is a place, where trading of securities including equities, bonds, currencies and derivatives occurs).
Shirkadaha ka diiwaan gashan waxay u diiwaan gashan yihiin laba nooc :
A. Shirkadaha xakamaysan , ee la ilaaliyey ,la hubiyey hantidooda iyo jiritaankoodaba/xafidan (highly Regulated Companies), kuwaas waxa ogolaanshaha(CBC) ugu danbeeya siiya Dubai financial Authority , waxaana soo tasdiiqa dowlada imaaradka .
B. Shirkadaha aan xakamaysnayn /la hubin lacagtooda , maamulkooda , (Unregulated Companies), waxayna u badanyihiin shirkado gaar loo leeyahay ,dad waliba ajaaniba, una badan had iyo jeer lacago la soo dhacay ama aan si sharciya loo helin , si markaas lacagahaas loo sharciyeeyo, ayaa waxa lagula dhuuntaa shirkadahaas aan xakamaysnayn, lacagtaas loogu bedelo lacag sharciya .
Badanaa waxay u badanyihiin lacago laga soo dhaco dowladaha soo koraya , badi Africa , lacagaha lagu helay heshiisyada sharci darada ah .
Dadkaasi markaas waa dad lacag sita oo raba maalgalin , si lacagtu u marto channels ka lacagaha sharciga ahi maraan, una sharciyoobaan.
Waxay markaas ka samaystaan shirkado ujeedadoodu qarsoontahay ,dushana magac maal galineed ka wata , hoostana ajande kale ku jiro ( Engagement of money laundering activities and converting illegal cash transactions into legal cash ). Waxay shirkadahaasi hoos yimaadaan noocan (Proprietary trading & investment companies) . oo dhamaantooda ah shirkado aan la xakamayn, ujeedooyinkoodana qarsoonyihiin.
Somaliland Investment Company waxa uu hoos imanayaa noocan lagu dhaco ama noocan ah , qof ama group lacag sita oo raba inay suuqa maal gashadaan macno ahaan, waa shirkad waxeedaba gaar loo leeyahay , shuruudaha lagu diiwaan galiynayo way ka fududyihiin marka loo eego kuwa la xakameeyey.
Marka la eego aduunka sanadkii iibabka ka dhaca, waxa ugu horeeya isku badalka lacagta approximately 7Trillion ayaa aduunka la kala gataa ama lacag laysku bedelaa, 4trillion oo ka mida waa lacagta la maydho ama (illegal cash circulation), xarunta ugu weyn ee money laundering waa London , ta labaadna waa dubai, oo lagula dhuunto wax alaale waxii lacag la soo dhaco.
PTIC ,Waa shirkadaha aan lacagtoodu marin chanel sharciya ee , lagu gudbiyo boorsooyinka , diyaaradaha , sida lacagaha imaaradka ama hay’adihiisu siiyaan yemen , somaliland , somalia .iwm.
Somaliland investment fund/company markaad aragto catogoriga ay ku jirto ayaad ka garanaysaa inay tahay shirkad ujeedooyin kale leh , waxay u eegtahay noocii shirkadihii tuugada ,ee intay dowlado bilaa awooda iyo shacab lacag ka soo dhacaan, caalamka kaga macaasha.
Aan taas halkaas ku dhaafo.
Su’aashii 2aad: (Waxay khusaysaa maalgashi)
————————
2. Waxay inoo sheegeen Somaliland investment Company waa shirkad maalgashi oo dowliya .kow,Maalgashi muxuu yahay horta ? Maxaa la maalgashanayaa?, Ma dalka ayaa la maal galinayaa mise Dubai?, Mise shirkadu waxba maal galinmaysee , maalgalin ayay raadinaysaa ?.
————————————————————————
JAWAAB:
(Maalgalin ), waa hanaanka lagu howlgaliyo lacag si faaiido looga helo.
(Investment is the action or process of investing money for profit). Maalgalin waxa sameeya ;
*Shirkadaha waawayn sida bankiyada , shirkadaha caymiska ,etc,( banks and corporate financial institutions , insurances etc),
* Waxa kale oo maalgalin sameeya,dad ku takhasusay ka ganacsiga lacagta iyo howlgalinteeda ,oo dadka intay lacag ka soo qaadaan ugu shaqeeya oo u maal galiya , hadhowna faa’iidadooda u celiya (Professional Wealth/Asset management Institutions, Like Mutual Funds , Pensions Funds etc.)
* Waxa kale oo maalgalin sameeya dowladaha , oo marka dakhligoodu uu ka badanyahay kharashkooda ee ay helaan dheeraad , lacagtaa dheeraadka ah ayay caalamka ku maal gashaadaan.
(When the National Revenue earned /collected by the Government is more than the National Expenses incurred, the excess of money is said to be (surplus).Governments invest their surplus fund internally and externally). Tusaale , Kuwait fund, Saudi fund , abu dhabi fund , qaarna waxay raaciyaan investment Authority sida Qatar investment authority , waa hay’ado maal galin sameeya , laguna shubo lacagaha dheeraadka ah ee dowladuhu helaan ,
Somaliland Investment Fund, Sanduuqa Horumarinta ee Somaliland , waxa laynoogu soo shuubaa deeqo dowlado shisheeye, waqtigan xaadirka , hadhow hadaynu dhaqaale yeelano oo surplus helno inagaa ku shubanayna ,markaas maal gashi ayuu samayn karaa.
* Waxa kale oo maalgalin sameeya hay’adaha la wada leeyahay ama aduunka ka dhaxeeya , ama qaaradaha ka dhaxeeya , ama gobolada (All international ,continental, regional and religious Organisations ), sida QM, Bankiga aduunka ,midowga Africa , midowga wadamada muslimka , urur goboleedyada etc.
Waxa la maal gashadaa noocyada kala duwan ee ganacsiga ee, saami leh, guryaha, caafimaadka , waxbarasho , isgaadhsiin , waxsoo saar , dhulka, xoolaha , macdanta , ganacsiga caadiga ah wax kasta oo loo arko inuu faa’iido leeyahay, lacagina ka soo noqonayso , lacagtuna lacag dhalinayso , dhaqaalaha mujamaca , cashuurta dowlada , iyo adeega bulshadaba kor u qadaaya .
SOMALILAND INVEST MENT COMPANY intaas meelna kama soo galo, haday ina odhan lahaayeen , khayraad keena ayaanu iibgaynaynaa oo maal galin u raadinaynaana , waaba lagu qanci lahaa ,laakiin wadadeedii ma hayaan .
Waxa jira oo dalalku leeyihiin Organisations iib geeya ,fursadaha maalgashi ee dalkaasi leeyahay (National Professional Resource Marketing Group, selling the National profile and latent comparative advantage of the Country).
Dowladaha wax maal gashada iyo shirkadaha caalamiga ah ayay u gubyaan fursadaha dalkooda yaala iyo waxay u baahanyihiin in loo maal galiyo , waxay raadiyaan maal galin caalamiya .
Tan haday noqon lahayd , waxay noqon lahayd wax la fahmi karo ,yaanayba suuro galin,laakiin isku day wacan (attempted performance ), iyadoo aanay suuro gal ahayn Somaliland hada , oo aanay haynin wadadeedii , oo ah inaanay diyaar sanayn waxii lagu qanci lahaa , ee maal galiyayaashu ku qanci lahaayeen, dhanka shuruucda , degenaanshaha lacagta ,degenaansha siyaasada, caymisyo ,hanaanka dowladnimo iyo isku halaynteeda ,bangiyo, damaanado , aqoonsi iwm .
Su’aashii 3aad: (Khusaysaa SIC)
————————
3.Marka la sharaxo DIFC, ee hadana loo kuurgalo macnaha (Maalgalin) iyo waxa ay tahay ,ee la fahmo, lasoo qaato warbixnta intaynu ka hayno shirkadaas Somaliland investment company,Somaliland Investment Company muxuu yahay ? siduu noqonayaa marka lagu eego indha curfiga saxda ah ee Ganacsiga iyo gaalgalinta ?.
———————————————————————-
JAWAAB:
Markaad qiimayso waxa kuusoo baxaaya , Somaliland investment company inay tahay shirkad loogu talo galay in lacagtii dalka Somaliland iyo cashuurtii umada ,lagu lunsado ,lagagana howl galo dubai, dalkana khayraad kiisa lagu dilaalo oo xaqulqalin lagu badasho . wax maalgalina oo shirkadaasi keeni karto , cid aaminaysa iyo waxay caalamka ka dhaadhicin kartaa midna ma jiro , aan ahayn inay lacag Somaliland ka rarto ,uu u rarto dubai , dad gaarina ay ku shaqaystaan hantidii la wada lahaa. Waxay u eegtahay shirkadaha lacagaha maydha ee lacagaha sharci darada lagu helay ,u badasha sharci .
Abdirashid Hussein Yusuf.
Email.gahaydhle@live.com,
Doha, Qatar.
Xamaas oo laga burburiyay waddadii & Godkii ugu dheeraa oo ay qorsheyneysay inay ka weerto Israa’iil+Inta Sano ee dhismaheedu socday+Sawirro cajiiba
Israa’iil ayaa burburisay wado dhulka hoostiisa ka qodeen uurka Xamaas ee la dagaalama Yuhuuda, wadadaasi oo gudaha u gashay Israaiil.
Sida uu sheegay wasiirka difaaca Israa’iil Avigdor Lieberman in wadadani ay ahayd tii ugu dheerayd oo ay israa’iil ogaato isla markaana burburiso, isagoo intaa raaciyay in la qodayay tan iyo sanadkii 2014-kii si dagaalyahanada Falastiiniyiin ugu soo weeraraan Israa’iil.
Wadadaan dhulka hoostiisa marta ayaa ka bilaabado deegaanka Jabaliya oo ku taallo waqooyiga Gaza kuna dhamaata agagaarka magaalada Nahal Oz ee Israa’iil.
Wadadaan ayey Israa’iil sheegtay in aan loo sameyn meeshi looga bixi lahaa, maadaama goor dhow la dhameeyay oo ay u hadhsaneyd in loo furo afkii looga bixi lahaa..
Ilaa 30 wado oo dhulka hoostiisa mara ayaa laga burburiyay ururka Xamaas, oo ay ka weerari jijen Yuhuuda.

Macallin Jaamacadeed Iyo Sarkaal Boolis Oo Lagu Dilay Muqdisho
Gaaska Puntland oo si farshaxnimo ah u duray Kornayl Muuse Biixi,Boqor Buurmadowna u….
Siyaasiin Reer Awdala oo Eedo culculus ku miisay Wasiirka Beeraha & Ka Biyaha Xukumada Kornayl Muse Bixi.
UK’s Armed Forces Minister visits East Africa
PRESS RELEASE
UK’s Armed Forces Minister visits East Africa
Armed Forces State Minister Mark Lancaster has reiterated the UK’s commitment to Africa following his East Africa visit
ADDIS ABABA, Ethiopia, April 16, 2018/ — Rt Hon Mark Lancaster MP, Minister of State for the Armed Forces of UK visited Eastern Africa from 6 to 13 April to witness the full spectrum of UK Defence activity across the region. During his tour he visited Rwanda, Somalia, Kenya, South Sudan and Ethiopia.
Mr Lancaster’s visit to Ethiopia focused on where the UK and Ethiopia work together on peacekeeping. From mission specific training to a large peacekeeping deployment, the minister has seen the breadth of the UK’s role in Africa. In Somalia, the minister saw the AU’s highest priority mission; in Kenya he visited the UK’s primary training facility in Africa; whilst in South Sudan he was able to meet members of the largest deployment of UN peacekeepers, and in Rwanda he saw further key aspects of the UK’s defence engagement.
The minister met members of Britain’s armed forces who are currently engaged across Africa with bilateral and multilateral partners, and are playing a critical role in addressing security and stability challenges to help achieve a safe and more prosperous Africa. He highlighted the role they are playing in underpinning the British government’s role as a member of the P5, the EU and the Commonwealth.
On the final leg of his trip, whilst in Ethiopia, the minister met General Samora Yonus, Chief of Staff of Ethiopian National Defence Force and discussed a wide range of topics of co-operation. The minister acknowledged Ethiopia’s continued commitment to AMISOM and its regional leadership, particularly in regards to South Sudan. Both sides agreed that they would continue to co-operate and, where appropriate, enhance bilateral defence ties.
Rt Hon Mark Lancaster TD MP, Minister of State for the Armed Forces said:
“I have much enjoyed my visit to East Africa and to Ethiopia. The visit has provided me with a welcome opportunity to reinforce the UK’s continued support to the Ethiopian National Defence Forces with training for peacekeeping support operations. I have been extremely proud to see the way Britain’s global influence is being exerted to support our partners in East Africa.”
The minister also visited the Ethiopian Peace Support Training Centre and heard how Ethiopia prepares and manages its contribution to peace support operations.
Throughout the visit the Armed Forces Minister met with government ministers and higher officials to help deepen defence relationships, and discuss shared interests and regional challenges.
Distributed by APO Group on behalf of British Embassy Addis Ababa.
SOURCE
British Embassy Addis Ababa
South Africa is opposed to the air strikes being conducted in the territory of Syria
PRESS RELEASE
South Africa is opposed to the air strikes being conducted in the territory of Syria
From the onset, when the Syrian crisis broke out, South Africa has consistently and constsantly called for a peaceful resolution of the conflict
PRETORIA, South Africa, April 16, 2018/ — The South African Government has noted with grave concern the airstrikes conducted by the United Kingdom, the United States and French military in the territory of the Syrian Arab Republic.
From the onset, when the Syrian crisis broke out, South Africa has consistently and constsantly called for a peaceful resolution of the conflict.
The alleged use of chemical weapons in Syria cannot be a justification for military airstrikes in a territory of a sovereign state without the authorisation of the UNSC. In the same vein, South Africa condemns the use of chemical weapons by any party in the Syrian territory.
We remain steadfast in our principled position that the issue should be resolved in the Organization for the Prohibition of Chemical Weapons (OPCW) and the United Nations Security Council (UNSC).
We urge all members of the UNSC to shoulder their UN Charter mandate for the maintenance of international peace and security and double all efforts towards a peaceful non-military solution that respects and guarantees the sovereignty, independence and territorial integrity of Syria.
Distributed by APO Group on behalf of Republic of South Africa: Department of International Relations and Cooperation.
SOURCE
Republic of South Africa: Department of International Relations and Cooperation