Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Daawo saamaynta khasaaraha ka dhasha roobabka iyo qorsho laanta….


Waa Markii U horeysay ee 18 May La bedelo!!

$
0
0

Waa Markii U horeysay ee 18 May La bedelo!!

Somaliland waa Qaran Madaxbanaanidiisa la soo noqday 18 May 1991 ,
kadib halgan muddo socday oo naf iyo maal ba loo soo huray. Maalintaa
18 may na waa maalin ku astaysan oo qaranka qiimo weyn ugu fadhida
qaranimada Somaliland ku suntan , iyada oo sanad walbana la xuso oo 26
sanadood ee ina dhaafay ba lasoo xusaayey . dhinaca kalena waa maalin
qaran oo dastuuri ah oo ku xusan Dastuurka iyo Xeerarka qarankani
leeyahay. Dastuurka Somaliland Qodobkiisa kowaad iyo Xeerka shaqaalaha
rayidka ahba ku xusan .

Haddaba, Xubno lagu magacaabay gudiga qaban-qaabada Xuska 18 may 2018
, ayaa sheegay inay bedeleen maalintaa oo ay ka dhigeen 15 May, balse
awood ma u leeyihiin inay talaabadaa qaadan iyada oo ay tahay maalin
masiiri ah oo qaranimo ?

Waxay sabab ka dhigeen inay kusoo hagaagtay Ramadaan oo ciidanka oo
sooman ayay ku adkaanaysaa dhoolatuska ay samaynayaan, oo haddii
maalin ramadaana cadowgu ina soo weeraro maxaa la yeeli doonaa?
Dalkan ramadaano ayaa lasoo xoreeyey xaqa markaad ku socotana Alle waa
kuugu gargaarayaa soomkaa la sooman yahay , hadii aanad macsiyo ugu
talo galin maalintaana 18 may …..! waxaanan leeyahay hadalkaa iyo
qiilkaa aad cuska teen maaha wax ummada u cuntamaya waxaanad gasheen
dambi qaran iyo qiyaamo qaran. Nin aan saaxibo nahay oo Ethiopia ka
yimid ayaa waxa uu iisheegay markii ay maqleen shacabka kasoo jeeda
degaanadaasi ay u qaadan waayeen sida dhayalka ah ee loo bedelay
maalintii inagu waynayd, waxa kamid ahaa hadaladoodii; “Hadii ay
bedeleen 18 May way soo dabcayaan oo waxaa ku xigta inay tirtiraan
maalintaa “ ana waxaan leeyahay haddii shakhsiyaad koobani tan oo kale
ku talaabsadeen dalku waxa uu u baahan yahay gurmad degdeg ah oo lagu
badbaadinaayo Qaranimada dhiiga badani kusoo daatay.

Haddii ay Xukuumadii Siilaanyo Caan ku ahayd Waa Markii u horeysay ee
aynu Soomaaliya wada hadal nay !!!! Xukuumadan Biixina Waa markii u
horeysay ee Maalintii Qaranimada la bedelo!!

Wabilahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa,Somaliland

Hirdanka Xaqa & Baadilka,Shalay & Maanta

$
0
0

HIRDANKA XAQA IYO BAADILKA- SHALAY IYO MAANTA (QAYBTA 1AAD)

Buugga: “Halbeeg Hirdanka Fikradaha iyo Habraaca Fahamka)

Dr. Cabdiqani Xuseen Maxammed (Beder)

HORDHAC

Walxaha kawnkani ka samaysan yahay oo ka kooban kuwo la taaban karo iyo kuwo aan la taaban karinba, waxa uu Alle u dejiyey sunne kawni ah oo ay ku shaqeeyaan, walxahaasi qaarkood way is dhammaystiraan oo ma kala maarmaan, halka kuwo kalena ay kala rooraan oo aanay sinaba isu qaadan karin.

Dhaqanka noocaas ah oo kale ayay nooluhuna dabci ahaan leeyihiin, dad baa jira sheedda iyo maqalka fog isku jeclaada oo isla jaan qaada, halka kuwo kalena ay sida bisadda iyo jiirka u kala firdhadaan.

Qaab dhismeedkaa noloshu u dhisan tahay ee is caabinta ah, ayay xaqa iyo baaddilkuna u qaabeysan yihiin.

Sida cufjiidka iyo kala roorku (Gravity and anti-gravity), lagama maarmaan ugu yihiin kownkan, isla markaana la’aanta falkaa, cufjiidka ama isriixiddooda uu kawnkani u burburayo oo kale, ayay xaqa iyo baaddilkuna loollan joogto ah ugu jiraan.

Xataa xaaladaha aanay sida tooska ah isu waajihin, waxa jirta xad sheed-ka-arag ah ama xuduud go’an oo aanay isu soo dhaafi karin.

Taa macnaheedu waxa weeye, sida aanay labada madax ee magnet-ka ah ee kala roorku ka dhexeeyaa isu qaban karin ee ay u kala boodayaan kolka la isu soo dhoweeyo, ayaan xaqa iyo baaddilka la isu oggolaysiin karin, isla jeerkaasna aan la isku toli karin, loona walaalayn karin.

Sidaas oo kale ayaanay maangal u ahayn in xaqa iyo baaddilka ujeeddooyinkooda iyo qorshayaashooda la mideeyaa, isla markaana labadooda hoggaamiye iskudan is garabsada laga dhigaa.

Haa, khayrka iyo samo taliska waxa ku isman oo ku suntan mu’minka Alle yaqaanka ah, sharkana waxa ku calaamadsan oo u heellan hirgelintiisa iyo hagidkiis Ibliis iyo awliyadiisa Aadmiga iyo Jinkaba leh.

Asalka xidhiidhka gaalka iyo Muslimku, waa xidhiidhka sharka iyo khayrka, xaqa iyo baaddilka.

Asalku waa muqaalaba, waa legdan iyo is muquunin.

Way dhacdaa in uu mid guuleysto oo ka kale magantiisa ku macaasho, kuna hoos jiro, in ay se si siman isu garabsadaan oo isu barbar socdaan, waa mid aan qaab dhismeedka nololeed ee dunidan ka suuraggal ahayn.

Sida walxaha magnadka ah ee kala duwani u kala rooraan abuur ahaan, ayay xaqa iyo baaddilkuna is riixriix joogto ah ugu jiraan.

Is caabintaa ka dhexeysa runta iyo beenta, xaqa iyo baaddilku waxa ay soo martay heerar kala geddisan, waxa la isu adeegsaday habab iyo agabyo kala duwan, isla markaana waxa laga dhaxlay natiijooyin go’an, kuwaasoo ay ku suntan yihiin gayllamayaasha labada dhinac kala metelayaa.

Waxa la arkaa dad marka hore u muuqda in ay safka xaqa ku wada jiraan, in ay u kala baxaan kuwo xaqaas ku adkaysta oo Allah fadligiisa ku sugnaada dariiqa saxda ah iyo fahamkiisa toosan iyo kuwo shubuhaadku saamayn ku yeeshaan oo xaqa ka simbiriirixda, safka cadowgana ku ciira, caqiido iyo camalna la wadaaga.

Halka dhinaca kalena la arko kuwo safka gurracan ka soo goosta oo jidka hanuunka soo haleela.

Faqradaha soo socda ee cutubkan ayaynnu ku soo bandhigi doonaa xogo la yaab leh iyo dhacdooyin taariikheed oo ka tarjumaya iscaabinta aan joogsiga lahayn iyo waayaheeda hore iyo weliba muuqaallada joogtaysan ama timaaddadeeda danbe.

 

La soco –

 

Buugga: “Halbeeg, Hirdanka Fikradaha iyo Habraaca Fahamka”

Dr. Cabdiqani Xuseen Maxamed (Beder)

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo ka hadlay Ciidan sheegay inuu ka goostay S/land

Reer Sool oo aflagadooyinkii Wasiirka Maaliyada kula-dulkufay Kornayl Muuse Biixi ku xidhiidhiyey

Saldhig Ciidan oo Mareykanku si qarsoodi ah uga dhisanaayo Somalia,Xageese laga dhisayaa?

$
0
0

Saldhig ciidan oo Mareykanku si qarsoodi ah uga dhisanaayo Somalia,Xageese laga dhisayaa?

Dowladda Mareykanka ayaa dib u dhis iyo ballaadhin ku sameysay Saldhigga Ciidanka Cirka ee Balli doogle oo ku yaalla Gobolka Shabeellada hoose ee Soomaaliya.
Wargeyska Vice News,oo warkan qoray ,ayaa sheegay in uu ka soo xigtay xogtan qandaraaslayaal milatari oo Maraykan ah.
Wargayska ayaa intaas ku daray in ballaadhinta Garoonka Balli doogle ee Somaliya ujeedada uu ka leeyahay Maraykanku ay tahay la dagaallanka Argagixisada.
Mid ka mid ah Qandaraaslayaasha Dhismahaas, ayaa u sheegay Wargeyska in Waaxda Difaaca Maraykanka ay maalgelinayso Dhismahaas.Ugu yaraan 800 oo Sariirood,ayaa ilaa iyo hada la hirgaliyay oo la dhamaystiray.
208-ka mid ah Sariirahaasi waxaa loogu talagalay Ciiddanka Maraykanka ee Barnaamijka Loojistikada Rayidka, halka 600 oo kalena loo dhisayo Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Barnaamijka Nabad-ilaalinta.
Ugu yaraan 6-Goobood ama Barood oo wax laga ilaaleeyo ayaa iyana laga dhisay Saldhigaas sannadkan oo keliya.
Milleteriga Mareykanka ayaa si qarsoodi ah Balidoogle uga dhigay saldhigga 3aad ee ugu weyn Saldhigyada milleteri ee Maraykanku ku leeyahay Qaaradda Afrika waxaana ka weyn saldhigyadiisa ku yaala Jabuuti iyo Niger.
Qandaraaslayaasha Milleteri ee Maraykan ah ee Wargeyska Vice News soo xiganayay ayaa u xaqiijiyay in dhismaha saldhigga Balli doogle uu ahaa mid qarsoodi ah soona billawday Bishii January 2017.
Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika ee loo yaqaan AFRICOM,ayaa waxuu Somaliya ka hawlgaliyay in ka badan 500-Askari oo Maraykan ah.iyadoo ay sare uqaadeen weerarada ay ku beegsanayaan dagaalamayaasha Alshabaab iyo Daacish tan iyo intii uu xukunka Maraykanka la wareegay Madaxweyne Trump.
Members of Naval Mobile Construction Battalion 1 (NMCB-1) take a break while working on a mobile drilling rig being used to drill a water well. The well, near Bale Dogle, is intended to supply an old Soviet air base being used by U.S. and Moroccan personnel participating in the operation.
“The Hangar” at MCAF Beledogle Somalia. Marines from the Air Combat Element (ACE) of Marine Forces Somalia cleared out tons of debris, dirt, and bats that had inhabited the hangar. This structure served as the ACE Headquarters building and maintenance facility.
“The Hangar” at MCAF Beledogle Somalia. Operation Restore Hope. Marines from the Air Combat Element (ACE) of Marine Forces Somalia cleared out tons of debris, dirt, and bats that had inhabited the hangar. This structure served as the ACE Headquarters building and maintenance facility.

Mujaahid Talaata-codle oo Eedo culculus ku miisay Shirkadahii Dalka keentay Shidaalka wasakhaysan & Laabka Shidaalka (Oil Lab)

In the Absence of Honesty and Integrity in a government

$
0
0

In the Absence of Honesty and Integrity in a government

What is Integrity? Random House Dictionary defines it as: “Adherence to moral and ethical principles; Soundness of moral character; honesty, the state of being whole, undiminished; unimpaired or in an acceptably perfect condition”

Integrity in the context of government, is one of the qualities most to be appreciated in public officials. Integrity is generally used as a benchmark against which to measure public conduct. The least that integrity requires of a governing entity
Integrity requires that one not take some action or fail to take some action because of a perceived benefit to oneself, without deceit or dissembling-is at the core of integrity.

For a despot, Integrity in government is not a serious matter. He may be benign or wicked, but because what he does is not dependent on his subjects’ wishes, so far as matters of governance are concerned, integrity has for him only instrumental value. It is however quite otherwise for a democratic government. For it, integrity enables, and a lack of integrity undermines, its democratic nature.

A democratic government has an obligation arising from its democratic nature to practice honesty and faithfulness toward its citizens, those to whom it is responsible.
Integrity requires that government not conceal or beat around the bush simply in order to avoid the citizens’ disapproval and the wrath of the people regarding their activities in darkness, or to avoid embarrassment , of what they did or do or doing.

Bona fide-Good faith which is fair and open dealing in human interactions is required and that requires sincere, honest intentions or belief, regardless of suspicious believes from each other. Good faith encompasses a sincere belief or motive without any malice or the desire to defraud others

Allah said “Who so intervenes in a GOOD cause will have the reward thereof, and who so intervenes in an EVIL cause will bear the consequence thereof. God sees all things.4:85 “

Somaliland leaders Must be clear what Allah and the people of Somaliland wants them to do and what they don’t want them to do, so they are here told just that.
Islam orders the Muslims to be honest to themselves and to others. This order repeatedly comes in the Noble Qur’an and the sayings of Prophet Muhammad (SAWS). Islam orders the Muslim to tell the truth and not to cheat or deceive his people or other people. A Muslim is ordered by Allah to be honest in his words and deeds, privately and publicly alike. Honesty in words implies telling the truth and doing the right things in all cases and under all conditions. No one can hide from Allah, from the wrath of his people and from history.

Bona-fide-Good faith which is fair and open dealing in human interactions requires sincere, honest intentions or belief, regardless of suspicious believes from each other. Good faith encompasses a sincere belief or motive without any malice or the desire to defraud others, Honesty is the opposite of bluffing, the opposite of hypocrisy, the opposite of favoritism, and the opposite of deceit and deception. This virtue was absent in Siilanyo’s administration throughout, that is K-1, however the inheritors of Siilanyo, that is K-2, better watch out for their sake and for the sake of Somaliland

N/B this note is republished. It was written and published in June 15-2015

However, peace and prayers
Ibrahim M Mead

Ottawa, Canada

meadgd@gmail.com


London oo lagu qaban doono laba xafladood oo loogu dabaal degaayo 18ka May oo kala socda

$
0
0

London,(Qaran news)- Tan iyo intii ay Somaliland la soo laabtay xoriyadii luntay 1960’kii ee ay ka qaadtay dawlada Ingriiska, ayaa markii ugu horaysay laba xafladood oo kala socda lagu xusayayaa 18’ka May, magaalada London oo ay deganyihiin qurbo jooga ugu badan ee reer Somaliland labadan xafladood ayaa dhici doona isku maalin oo noqon doonta 11ka May.

 

Kala fogaanshaha iyo kala qaybsanaanta reer Somaliland ee UK- ayaa salka ku haysa doorashadii duuqa hawaan ka dhacday dalka ee dhalisay buuqa reebtayna xanafta. Qaybsanaantani ayaa sidoo kale ka jirta dalka gudahiisa ilaa hadana ma cada talaabooyin wax ku ool ah oo ay qaaday xukumadda Muuse Biixi oo dadka la isugu soo dhawaynaayo

Munaasibad Bilan oo lagu maamusey Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Aqoonyahan Cali Baqdaadi+Wasiiro hore oo ka hadlay

Biyaha sifaysan ee caagadaha oo khatar badan sababa.

$
0
0

Baadhitaan aan ku sammeeeyay Biyaha sifaysan ee mooyo saxadda iyo saameynta ay nolosheenna ku leeyihiin.

Shirkadaha soo saara biyaha sifaysan ayaa tayadoodu aad u hooseysaa, isticmaaalka biyaha oo sii kordhaya, iyo mooganaanta shacabka runtii haddii qaarkood la baadho dad badan oo kalyuhu fadhiisteen ayaa loo qabsan lahaa waxaanna tusaale kuugu filan Biyo ay cabbayaan dadyaw isku mid ah oo haddana ay aad u kala duwan yihiin macdanaha ay ku darayaan tolow saammayn caafimaad oo intee le’eg ayuu ku yeellanayaa inta cabta?

Maxaa loogu kala duwan yahay macdaha lagu daray biyaha?

Miyaannay dad isku mid ahi cabbayn?

Miyaanay shirkaduhu ogayn in dad badan biyaha laga raacay?

Shirkaddanni waxay ka dhigeen macdanaha ay ku daraan biyaha “INGREDEINTS” sidatan:-

Kaliya haddii aad Akhridid oo isku eegtid wax badan ayaad ila arki doontaa….

Biyaha sixa

0. pH. : 6.5
1. Kaalshiyam : 0.12
2. Magniisiyam: 0.21
3. Soodhiyam : 10.804
4. Botaasiyam : 0.445
5. Bikaarboonayt: 21
6. Salfayt : 37
7. Nitrayt : 1.3
8. Kolooraydh : 13
9. TDS : 67

Biyaha Dasani

0. pH. : ma ku cadda waraaqda
1. Kaalshiyam : Ma ku qorna
2. Magniisiyam: 6 mg/l
3. Soodhiyam : 41
4. Botaasiyam : 7
5. Bikaarboonayt: ma ku qorna
6. Salfayt : 14
7. Nitrayt : ma ku qorna
8. Kolooraydh : 18
9. TDS : ma ku qorna

Biyaha Saxansaxo

0. pH. : 7.8
1. Kaalshiyam : 3.4
2. Magniisiyam: 19
3. Soodhiyam : 10
4. Botaasiyam : 0.2
5. Bikaarboonayt: 27
6. Salfayt : 19
7. Nitrayt : 0.4
8. Kolooraydh : 47
9. TDS : 130

Biyaha Maaxda

0. pH. : 7.44
1. Kaalshiyam : 1.0
2. Magniisiyam: 2.0
3. Soodhiyam : 6.03
4. Botaasiyam : 2.03
5. Bikaarboonayt: 6.45
6. Salfayt : 2.38
7. Nitrayt : 1.91
8. Kolooraydh : 7.6
9. TDS : 23

Biyaha Zamzam

0. pH. : 7.5
1. Kaalshiyam : 1.10
2. Magniisiyam: 2
3. Soodhiyam : 6
4. Botaasiyam : 2
5. Bikaarboonayt: 6.4
6. Salfayt : 2.4
7. Nitrayt : 1.70
8. Kolooraydh : 7.4
9. TDS : 25

Biyaha Golis

0. pH. : 7.5
1. Kaalshiyam : 14
2. Magniisiyam: 5.3
3. Soodhiyam : 18
4. Botaasiyam : 2.0
5. Bikaarboonayt: 20
6. Salfayt : 3.0
7. Nitrayt : 3.0
8. Kolooraydh : 14
9. TDS : 124

Biyaha Tayo mineral water

0. pH. : 7.5
1. Kaalshiyam : 1.8
2. Magniisiyam: 8
3. Soodhiyam : 12
4. Botaasiyam : 0.1
5. Bikaarboonayt: 26
6. Salfayt : <5
7. Nitrayt : ma ku qorna
8. Kolooraydh : 47
9. TDS : kuma qorna.

Biyaha Xays

0. pH. : 7.5
1. Kaalshiyam : 18
2. Magniisiyam: 11
3. Soodhiyam : 7.9
4. Botaasiyam : 1.0
5. Bikaarboonayt: 26
6. Salfayt : 5.0
7. Nitrayt : kuma qorna
8. Kolooraydh : kuma qorna
9. TDS : 100

Biyaha Mina

0. pH. : 7.40
1. Kaalshiyam : 6.50
2. Magniisiyam: 2.50
3. Soodhiyam : 5
4. Botaasiyam : 3.5
5. Bikaarboonayt: 21
6. Salfayt : 9.30
7. Nitrayt : 5.30
8. Kolooraydh : 10
9. TDS : 100

Su’aalaha in hor yaalla waxay weeyi waraaqdan miyaa la iskaga qoray macdanahan mise waa sax dhammaantood?

■Dawladdii tayadooda hubin lahayd ma awoodo cid kalena haddalkooda daa?

■Xalku muxu noqonayaa haddii ay sidan ku sii socoto xaaladdu?

■Shacabka maxaa la gudboon?

■Biyahee ugu tayo wanaagsan marka aad sidaa u aragtaan kala duwanaan shahooda?
Shirkadaha maxaa uga qorshaysan kala duwanaan shaha macdanahan?

■Dawladda maxaa uga qorshaysan Shaybaadhka biyaha iyo sharaabka innay keento?
■ Dawladu sidee ayay u hubin doontaa tayada biyaha.

Maxaan ogaaday

■ in macdanuhu aad u kala duwan yihiin
■ in tayada biyahani hooseeyaan
■ in aan dad aan aqoon u lahayni ka shaqeeyaan
■ inaan bulshadu fahansanayn
■ inaan dawladu tayadooda la socon
■ in baahida bulshada laga faa’iideystay
■ in dhibi ka soo gaadho shacabka biyahani
■ in aannay taariikhda biyaha lagu qorin marka laga reebbo 12 bilood ka dib
■ in ay ku jiraan caagag yaryar oo ilma qabati ah kuwaasoo la arko marka biyuhu maalmo yaallaan meel ka dibna la ruxo ayaa la arkayaa.
■ in shirkadaha biyaha si fudud loo sammaysto oo ay isku farabateen.
■ in aannay qaarkood kuba qornayn macdaha lagu daray biyaha

Xal iyo talo bixin
___

■ In dawladu aad ula socoto shirkadaha biyaha soo saara oo ay dabagal shaqo ku sammeeyaan.

■ In shirkaduhu soo saaraan biyo la mida kuwa caalamiga ah.

■In la mideeyo macdahan kala duwan.
■ in tayada biyaha la ilaaliyo
■ In la ilaaliyo baahida bulshada.

Qalinkaagu ha u hiiliyo inta aan xog badan ka hayn waxyaalaha noloshooda saamaynta ku leh.

Waxaan su’aal jawaab ka sugayaa inta aqoonta u leh Shaybaadhka iyo kala duwanaanshaha macdanahan aad arkaysaan…

Rakad Mxd Sultan.

Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi & Xoghayaha dawladda hoose ee Berbera oo ku hawlan Shirqoolo Beeleysan oo ka dhan ah Muuse Biixi & Maxamed Kaahin

$
0
0

Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Xoghayaha dawladda hoose ee Berbera oo ku hawlan Shirqoolo Beeleysan oo ka dhan ah Madaxweyne Muuse Biixi & Wasiir Maxamed Kaahin, Mudaharaadyo lagu dalbanaayo Sii Daynta Boqor Buurmadow iyo dalabka wareejinta Gudoomiyaha Kulmiye…

 

Xoghayaha fulinta dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, ayaa muddooyinkii u dambeeyey kaga mashquulay shaqadii loo diray ee fulinta dawladda hoose ee Berbera, kacdoono Beeleysan oo u ku abaabulaayo Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi.

Dhaqdhaqaaqyadan lidka ku ah Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee Xoghayaha dawladda hoose ee Degmada Berbera ku hawlan yahay, ayaa waxa ku weheliya oo isteerinka u haya, wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, kuwasoo labadii todobaad ee lasoo dhaafay mudaharaado ka dhan ah Xukuumadda cusub ka sameeyey deegaanadda bariga Burco iyo gobolka Sanaag, gaar ahaan degmooyinka Caynaba, iyo Ceel afweyn iyo sidoo kale gar-adag. Xoghayaha dawladda hoose ee Berbera iyo syaasi Maxamuud Xaashi, ayaa ka dalbanaaya Xukuumada cusub inay degdeg xoriyadiisa ugu soo celiso Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, oo dhowaan Maxkamadda Degmada Hargeysi ku xukuntay shan sanno oo xadhig ah.

Haddaba, aan kala qaadno labadan siyaasi ee dawladda Cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi ku abaabulaya kacdoonka Beeleysan, inagoo ku horeyn doono Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi iyo ujeedada uu ka leeyahay kacdoonka beeleysan, isla markaana dambayn doona xoghayaha raad-baradka ku ah Siyaasadda ee weli ku shaqeynayaa amarrada Maxamuud Xaashi.

Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu ham iyo deg leeyahay sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa dumaashada Xisbiga Kulmiye ee gudoomiyenimada, iyadoo uu jagadaas uu Boqor Buurmadow wakiil uga ahaa Maxamuud Xaashi in lagu soo wareejiyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye si u noqdo, waxanu Siyaasi Maxamuud Xaashi caqabad lidku ah hankiisa u arkaa xadhiga Boqor Buurmadow.

Hase-yeeshee waxa wax lala yaabo ah, hab-dhaqanka ka aradda hanaanka masuuliyadeed ee dawladnimo iyo sidoo kale shirqoolada uu faraha kulo jiro xoghayaha dawladda hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan cadde oo isaggu jiif iyo joogba diiday tan iyo maalintii xabsiga loo taxaabay Boqor Cismaan aw Maxamuud Buurmadow, kaasoo shalay oo u dambeysay magaaladda Berbera kasoo abaabuley, isla markaana Warbaahinta u kireeyey laba Xildhibaan oo kasoo jeeda Beeshiisa, kuwasoo shalay Magaaladda Berbera ku qabtay shir saxaafadeed ay madaxweynaha iyo xukuumadiisa ugu hanjabayaan, isla markaana ku eedeynayaan garsoorka dalka cadaalad darro iyo cadaawad ku xukumay Boqor Cismaan aw maxamuud Buurmadow, oo isaggu shir kaga qaybgalay Somaliya, isagoo weliba farogelin ku sameeyey arrimaha xuduudaha ee Somaliland iyo ciidamada qaranka.

Qorshahan uu kaga hadliyey labada xildhibaan xoghayaha dawladda hoose ee Berbera, ayaa yimmi kaddib markii sida la sheegay uu kaga fashilmay isku day uu ku damacsanaa inuu dhinaca bari ee magaaladda Berbera xaafadaha Jaama laaye kaga sameeyo mudaharaad ka dhan ah xadhiga Boqor Muurmadow, hase-ahaatee waxa uu arrin kaas sida xoggaha u dhuun-daloola tibaaxeen markii dambe u arkay inuu ku fashilmaayo oo aanu suuro gelay. Waxanu kaddib u bedelay inuu ka hadliyo labadan xildhibaan oo aan weligood shalay ka hor Warbaahinta lagu arag, balse uu shalay soo istaadhay Xoghaye Cabdikariin.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabooyinkan uu qaadayo xoghayaha dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan cadde, ayaa lidku ah qaranimada Somaliland iyo sidoo kale amniga guud ee dalka, sidoo kale, xoghayaha ayaa dagaalkiisan ula ujeedkiisu uu yahay mid ku aadan Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ay siyaasiyadda wareejinta jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ay iskaga soo horjeedan Siyaasi Maxamuud Xaashi oo isaggu waqtigii uu awoodda madaxtooyadda ku lahaa shaqada xoghayenimo qoray xoghaye Cabdikariin aadan cadde, isla markaana uu weli xoghayahani kasii joogo dawladdii hore, iyadoo badi xoghayayaasha dawladda hoose ee gobolada qaar kood la bedelay mudadii xukuumadda Muuse Biixi jirtay. Halkan hoose ka daawo Warka labada xildhibaan ee u ka hadliyey xoghayaha dawladda hoose ee Berbera Cabdikariin aadan cadde

Siyaasi Luuqad adag kula hadlay Kornayl Muse Biixi iyo Beeshiisa

Cali Xaraare & Wasiirada Kornayl Muuse Biixi ee Beelaha & Gobolada Caaya oo is..

Sawirka Maanta & Berbera

$
0
0

Sawirka Maanta+Fariinta Akhristaha


Djibouti and Somalia sign agreement on air and land transport

Kulan dhexmaray Gudoomiyaha Baanka Dhexe S/land Baqdaadi & Gudida dhaqaalaha Barlamaanka+Waxa kulanku daaranaa

Dadweynaha Reer Burco oo qaadacay in 18 May loo raro maalin kale+Gurigii lagaga dhawaaqay oo Khamriga lagu iibiyo

Fadeexad weyn:Photonews (Ra’isal-wasaare kheyre & Gudoomiyaha Kulmiye Belgium

$
0
0

Fadeexad weyn:Photonews (Ra’isal-wasaare kheyre & Gudoomiyaha Kulmiye Belgium

Somaliland ma waxbaa u dhiman mise waxbaa ka si ah qaybtii 2’aad

$
0
0

 

SOMALILAND MA WAXBAA U DHIMAN MISE WAXBAA KA SI’ AH. W.Q Liibaan Shaadiro Qaybtii Labaad

Qaybta labaad ee maqaalkeenii taxanah ahaa ee “Somaliland ma waxbaa u dhiman mise waxbaa ka si’ ah” oo aynu ku eegi doono arimaha siyaasadda iyo dhaqalah inagoo ku baadi goobi doonaa waxyaalaha inaga dhiman ee tabanaya labada dhinaac ee siyaasadda iyo dhaqaalaha. Walaw aan ka cudur daaranayo soomaliduna hore u tidhi ama afeef hore lahaw ama adkaysi danbe, ana aan afeefto arimaha dhanka dhaqaalaha waa la igag fiicanyahay balse inta garaadkayga iyo aqoontaydu ka gaadhsiisantahay ayaan ka soo qaadna doonaa.

Muddo badan oo dadkeenu lasoo kacaa kufayeen siyaasado ku dhisan nidaam qabaa’il oo aynu ka dhaxalnay siyaasi hubkiisu yahay qabyaalad, hugiisuna yahay qaraaba kiil, dheef tiisuna tahay Tolaay, shacabka Somaliland waxa uu seegay Kalsoonidii uu ku qabay siyaasi isku sheega kala qaybiyay bulshadii. Sidaasi awgeed na waxay bulshadu khaati ka istaageen nidaamka xisbiyada dalkeena ka aas aasan walaw inyar oo wax ma garato ahi oo siyaasi isku sheeguna hor kacayaan ay wali xisbiyadii dabada haystaan, bulshadeena qaybaheeda kala duwanina wali qaarkood u sii sacabo tumayaan, balse wali waxaa maqan soo celintii kalsoonida shacabka intiisa badan ay ku qabi lahayeen nidaamka xisbinimo, nidaamka xisbiguna uu noqon lahaa mid ku dhisan aqoon, aragti iyo maba’adi.

Hadaba, hagaajinteeduna waa wax u dhiman qaran keena barakaysan, kuna xidhan tahay in la helo hogaan u daacad ah oo koriya wacyiga siyaasadeed ee dadwaynaha bulshadana aqoonteeda kor u qaada, meeshana ka saara siyaasi isku sheega aan diirka naxxayn ee danaysataha ah, waxaan xasuustay maansadii Dirsooc AHUN Abwaan Ibrahim Sh. Saleeban (Ibrahim Gadhle) ee uu ku sifaynayay yuu noqonayaa hogaanka hantiyay talada dalku waatan maansadiina:-

Waar hoy dadkaygow, taladii dullaantaa, daadays ka curatoo, maantana dub dheer iyo fool dununuc reentoo, muska degelka saartee, ducataye maxay dhali?

Ma siday dorraataba, markuu sheekhu daakiray, weeraha u ducatay, Maantana dugaag dhali?

Mise daabbad awr iyo rati doobir badan iyo biyo ma daadiyey dhali?

Ma mid aan durdurin oo, daab caloolo yeeshiyo, dambas kama kacay dhali

Mise will dedaaloo, door hore wixii lumay, doondoonayay dhali?

Ma mid dhagax dixeedoo , damman oon la yaabniyo, doqon foororay dhali?

Mise wiil digtoon oo daymada tukaha loo, dad u feejig bay dhali?

Ma mid nooga dara oo, dabka naga baqtiiyiyo, ma habeen dam’ay dhali?

mise waa dilllaacoo, dalka noo iftiinshiyo, duhur iyo cadday dhali

Ma mid doogta kiciyoo, nabarkaan dawee idhi naga sii damqay dhali?

mise wiil digtooroo, naga baanta diiftoo, na dabiibayey dhali?

Sida daallinkii hore, ma mid diinta neceboo, dadka kii waxbarayiyo culimada dilay dhali?

mise doorkan maanta ah, sheekh laga ducaystiyo, weli daahiray dhali

Sida daallinkii hore, mid daaraddiisuun, derejada ku kooboo, inta kale dulmay dhali?

mise doorkan maanta ah, dadku miduu u siman yahay iyo damal la hadhsaday dhali?

Sida daallinkii hore, duul wada walaalo ah, ma mid kala durkinayiyo, beelo kala dilay dhali?

Mise doorkan maanta ah, mid dadkaas is wada nacay, isu soo dabbaaliyo, dermo nabad ah bay dhali?

Sida daallinkii hore, xoolaha dadweynaha, ma mid daanka geliyiyo, doollar urursaday dhali?

mise doorkan maanta ah, mid dhaqaalahaa dumay, dib u soo kabaayoo, way dihintay ciidduye, waxa dahab ku hoos jira, nooga dooxa bay dhali?

Sida daallinkii hore, ma mid dawladaha iyo dewersada adduunkiyo, deyn kama dhergay dhali?

Mise doorkan maanta ah, mid dhaqaalahaa dumay, dib u soo kabaayoo, way dihintay ciidduye, waxa dahab ku hoos jira, nooga dooxa bay dhali?

Xoolaha dadweynaha, ma mid daanka geliyiyo, doollar urursaday dhali?

Mise doogga noo baxa, iyo dallaga beeraha midaan daaqin bay dhali?

Sida daallinkii hore, daawaha agoontiyo, ma mid daaha qaatiyo, dacas kama tagay dhali?

Mise doorkan maanta ah, ubadkaas dalleeddiyo, dibedaha la soo dhigay, wiil daadeheeyoo, noo daryeela bay dhali?

Dhanka dhaqaalaha, wali waxaa u dhiman qaranka barakaysan ee Somaliland, abuurida mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah, dalkasta oo raba in uu gaadho horumar dhaqaale oo run ah wuxuu awooda saaraa warshadaynta dalka, maxaa yeelay waxay kor u qaadaysaa wax soo saarida mujtamaca wadanka, waxay xoojinaysa xoogaga tacab soo saarka. Waxay awood u siinaysaa dallalka horusocodka , iyo inay abuuraan dhaqaale madax bannaan, waxayana kobcinaysaa aqoonta farsamada iyo teknoolojiyada. Hadaba iyado taas laga duulayo waxa haboon si loo buuxiyo waxa udhiman qarankeena si uu horumar la taaban karo u gaadho in qiime wayn la siiyo kobcinta warshadaynta wadanka.

Hadaba, xukumadda haatan joogtaa ma dajisay qorshe isbadal oo ay ku doonayso in ay kobciso dhanka dhaqaalaha iyadoo ka duulaysa kobcinta warshadaynta, dhaqaalaynta xoolaha nool oo ah lafdhabarta dhaqale wadankeen, ka faa’iidaysiga xooga dalka Somaliland oo ah dhalinyarada, La jaanqadida teknoolajiada casriga ah,iyo dhanka arimaha wacyigalinta siyaasadda?. Mahaysaa xukumadu qorshe ka midho dhalineed ilaha kala duwan sida xoolaha nool ee wadanku leeyahay, imisaa Geela, Adhi ah, Lo ah, tiradooda guud, gobolada ayku kala noolyihiin, Kaluunka, noocyada wadankeena ku nool, qiimayaashooda, xirfada ay u bahantahay, iyo dakhliga la galin karo si loo dhoofiyo. Warshadaha, imisa warshadood buu wadanku u bahanyahay, ganacsatadeenu noocyada warshadood ee ay samayn karaan, inta qof ee calaa warshad ka shaqo gali karta, dhaqaalaha ka soo bixi karaa intuu leeg yahay, dhaqlaha lagu kicin karo calaa warshad inta uu noqonayo; iyadoo loogu horaysiinayo warshada sibidhka, ta Ranjiga, ta kaluunka, iyo kuwa kale la midka ah. Idinkaan idiin daayay jawabta hadii jawaabtiinu noqoto Maya taas macnaheedu waa wali Somaliland waxbaa u dhiman, hadiise jawaabtiinu noqoto HAA, taas macanheedu waa anigaa ismoodsiiyay qarankeena barakaysana sidaas hore ha ugu socdo.

Subax walba

Sacad walba

Sadirkaan u barinaa…………………….

La soco qaybaha danbe

Guul iyo Gobanimo

Waxa Qoray: Liban Abdi Hassan (Shaadiro).

Barre sare oo wax ka dhiga Jaamacadaha dalka

Tell: 063-4474429

Email: liibaan_genius@hotmail.com

Hargeysa/ Somaliland

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>