Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Weerarkii woolwich iyo weedhahii xanafta lahaa ee ay ku tiraabeen labadii nin ee dilka gaystay

$
0
0

Weerarkii woolwich iyo weedhahii xanafta lahaa ee ay ku tiraabeen labadii nin ee dilka gaystay

London-(Qaran-news)-Raysal wasaaraha Ingiriiska David Cameron oo booqasho ku joogay magaalada Paris  ayaa safarkiisa soo afjaray  markuu maqalay dilka askariga ingiriiska ah,wuxuuna sheegay in wadankiisa uusan marnaba u dulqaadan doonin weerar argagaxina.

woo

Dilkan ayaa waxaa geystay labo nin oo madow oo la sheegay inay muslin yihiin, kuwaasi oo dilay Askari Militari ah oo ku sii jeeday xarunta Militari oo ku taala xaafada Woolwich.

woolwich

Telefishinada caalamka iyo jaraa’idka ayaa isla markiiba soo qaatay sawirada nimanka dilka geystay oo gacamahooda dhiig ka da’ayo, kuwaasi oo ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah Ingiriiska.

Dilkan ayaa noqday mid argagax ku rida shacabka, waxaana la yaab noqotay nimanka dilka geystay oo ku hubeysnaa faasas iyo mindiyo,waxayna dadkii ag-tubnaa u sheegeen in dagaalkani uu yahay mid u dhaxeeya Gaalada iyo Islaamka.

Waxayna ku tirabayeen  Weedho ay ka mid ahaayeen “Mar naba Nabad ma heli doontaan, intaad dileysaan dadkeena, qofkii qof naga dila waanu dilaynaa”.

 

Qarannews

Hargeisa


Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay Inaan La Qaadi Doonin Xayiraadda Ay Somaliland Saartay Diyaaradaha Qaramada Midoobay

$
0
0

Hargeysa(Qarannews)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa cadeeyay inaanay Somaliland ka noqon doonin go’aanka ay xayiraadda ku saartay duulimaadyada hay’adaha Qaramada Midoobay ee iman jiray Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa qoraal kooban oo uu 19 May, ku qoray barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu kaga hadlay go’aankaas  Somaliland ee la xidhiidha hay’adda ICAO oo ku wareejinaysa hawada Somaliland iyo Somaliya, dawladda federaalka Somaliya. “Xayiraadda ay Somaliland saartay duulimaadyada Qaramada Midoobay, lama qaadi doono ilaa aanu heshiis ka gaadhno.” Sidaas ayuu Madaxweynuhu ku yidhi qoraalka kooban ee uu ku qoray bartiisa twitterka.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo isla maalintaas Twitterka geliyay, farriin kooban oo uu u diray beesha Caalamka, “Bulshada caalamku waa inay fahantaa inaan rabitaanka iyo himilooyinka reer Somaliland la iska indho tiri karin.”

Go’aankan uu Madaxweyne Siilaanyo ku ladhay xayiraadii uu wasiirka duulista iyo hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, saaray duulimaadyada Qaramada Midoobay, ayaa u muuqda mid uu Madaxweyne Siilaanyo ku sii adkaynayo xayiraadaas, islamarkaana uu ku muujinayo inuu go’aankaasi yahay mid rasmi ah oo ay hirgelintiisu dawladda Somaliland ka go’antahay.

 

Geeska

 

Dabaaldeg lagu taageerayey Jubaland oo ka dhacay Badhan Xilli Wasiir Xukumada Siilanyo Ka Tirsani Deegankaa Ku Sugan yahay +Wasiirkoo lacag madax-furasha bixiyey!

$
0
0

Dabaaldeg lagu taageeraayo Jubaland oo ka dhacay Badhan Xilli Wasiir Xukumada Siilanyo Ka Tirsani Deegankaa Ku Sugan Yahay +Wasiirkoo lacag madax-furasho ah laga qaadey!

wa

Badhan-(Qaran-news)-Waxaa maalintii shalay magalada Badhan  ka dhacay isu-soo baxa lagu taageerayo maamulkii dhowaan lagaga dhawaaqay jubooyinka ee juba-land

120

Munaasibadii iyo banaanbixii lagu taageerayay maamulkaa Juba-land ayaa waxa goob joog ka ahaa masuuliyiinta iyo madaxda maamulka Punt-land u soo magacaabay  Badhan

Magaalada Badhan iyo degaano la xidhiidha ayaa mudooyinkii dambe si yar uga sii sinqaayay Gacan ku haynta xukumada Somaliland  iyadoo masuuliyiinta maamulka Badhan u qaabilsan xukumada Somaliland  haatan u muuqdan kuwo aan saamayn sidaasa ku lahayn.

 

Arintu si kasta ha ahaatee waxa haatan deegaanada Badhan ku sugan wasiir ku xigeen ka tirsan xukumada Siilanyo Cabdisalaan Maxamed Xasan oo ah  wasiir ku xigeenka macdanta iyo biyaha Somaliland ,dhalasho ahaana kasoo jeeda deegaanada Badhan,  balse sida ilo xogogaal ahi Qarannews u xaqiijiyeen in mudo ah ku sugan halkaas, hase yeeshee Kolkii uu ku sii jeeday Badhan ciidamada puntland dhexda u galeen,gacantana ku dhigeen,kuna sii daayeen lacag madax furasho ah ka dib markii Odayo beesha ahi u kala dabqadeen wasiirku xigeenka iyo Cabdilaahi Cumar Canshuur oo  ah Taliyaha ciidamadii Puntland ee Aaga Badhan oo ciidamadiisu Gacnta ku dhigeen.

34

Geesta kalena wasiir Cabdisalaan ayaa ku suntan wasiirka mashaariicda ugu badan ee xukumada Siilanyo bixiso u daabula deegaanada Sanaag bari balse haatan u muuqda inaanu wax saamayn iyo awood ah ku lahayn saaxada is qalaaba gediga siyaasadeed eeBadhan kasoo if baxday .

 

Qarannews

Ceerigaabo

 

© 2013 Mic

Ciyaartoy Ka Tirsan G/Togdheer Oo Maanta Shir-Jaraa’id ku Qabtay Burco

$
0
0

Qaar ka tirsan ciyaartoyga G/Togdheer oo Maanta Shir-Jaraid ku Qabtay Hotel
Nasiye ee magalada Burco ayaa eedaymo baladhan dusha u huwiyay Wasiirka Wasarada
Dhalinyarta iyo ciyaraha Cali Siciid Raygal, maayirka degmada Burco Maxamed
Muraad,isu-duwaha Wasarada ciyaraha ee G/Togdheer, Fagadhe.
tagnaa gudaha wasarada ciyaraha ee G/Togdheer, waxaana sidoo kale tilmameen in khilaafkani
baladhan ee ka jira wasaradaasi ay lugta kula jiraan shakhsiyaad aan xil muuqda
ka hayn- xukumada.
Ugu horaynba waxa halkaasi ka hadlay Maxamed Cabdi Maxamed
(Cadho) waxaanu shegay inuu khilaafkaasi ahaa mid muddo badan soo jitamayay isla
markaasna uu yahay mid ay waxqabadkiisa ku fashilmeen dhamaanba madaxda
wasaradaasi,
Waxaanu sidoo kale shegay Mr Cadho in khilaafkani baladhan ay
lugta kula jiraan Wasiirka Ciyaraha, Maayirka Burco iyo isu-duwaha ciyaraha ee
G/Togdheer.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Farxaan Axmed
(Farxaan-Gaab) iyo Ciyaartoy kale oo aad badan waxaanay dhamaantod shegeen in
Wasarada Ciyaraha Ee G/Togdheer ay Tahay mid wakhtigani Uu istaagay howlihii
shaqo ee ka socday Gudaha Wasaradaasi.

Si kastaba ha ahatee dhawaan ayay ahayd markii uu magalada Burco yimi wasiirka ciyaraha S/land isla markaasna uu wax ka qaban-kari waayay khilaafkaasi ba-an ee ka jira gudaha ciyaartoyga
G/Togdheer.

faysal maxamed (fayo_4@hotmail.com)

Dadka Xanuunka Dhimirka Qaba Oo Ku Soo Badanaya Caasimada, Duruufaha Naxdinta Leh Ee Ku Gadaaman Iyo Qorshe La’aanta Xukuumada

$
0
0

Hargeysa, (Qaran news)– Dadka xanuunka dhimirka qaba oo iskugu jira Rag iyo Haween oo bilihii u dambeeyay ku soo batay caasimada dalka ee Hargeysa ayaa cabsi badan ku haya dadka ka adeeganaya faras magaalaha iyo suuqyada xaafadaha kala duwan ee Hargeysa, kuwaas oo walaac badan ku haya gaar ahaan dumarka iyo caruurta. Muddoyinkii u dambeeyay ayaa magaalada Hargeysa waxa ku soo kordhayay kooxo rag ah oo xaga maskaxda ka xanuunsanaya oo sita birro iyo budhadh oo saqaafaya suuqyada, halka ay jiraan kuwo lugaha ku jiidanaya silsilado oo magaalada habeen iyo maalin wareega, taas oo mararka qaarkood la arko haween cararaya oo ay erayanayaan. Dadka dhimirka qaba ee ku soo badnaya magaalada ayaa keeni kara hadaan wax laga qaban khataro badan oo amni daro haddii aansi dhakhso ah loogu helin qorshe dadkaasi xanuunsanaya lagaga xereeyo suuqyada, taas oo ay muhiim tahay in xilligan oo dumar badan oo dhimirka qaba ay ku soo kordheen magaalada loo baahan yahay in magaalada laga xakameeyo, isla markaana ay helaan daryeel caafimaad oo wax lagaga qabto xaaladaha qalafsan ee ay ku sugan yihiin dadkaasi oo loo baahan yahay dawlad, ganacsato iyo qaybaha bulshadu inay u naxariistaan dadka xanuunka dhimirka qaba ee tiradoodu marba marka ka dambaysa isa soo taraya sidii loogu gurman lahaa, isla markaana daryeel caafimaad loogu fidin lahaa.

Haatuf

Wasaaradda Ciyaaraha Oo Bilawday Olole Nabad-gelyo-daro Oo Ay Iskaga Horkeenayaan Ciyaartoyga Gobolka Togdheer.

$
0
0

Wasaaradda Ciyaaraha Oo Bilawday Olole Nabad-gelyo-daro Oo Ay Iskaga Horkeenayaan Ciyaartoyga Gobolka Togdheer.

Burco-(Qaran-news)-Wasaaradda ciyaaraha Somaliland ayaa magaalada Burco ka dhex bilawday olole xasaradaysan oo khatar ku ah nabad-gelyada gobolkaasi oo ay iskaga horkeenayaan bahda Isboortiga gobolka Togdheer.

images

 

Ololahan oo ay masuuliyiinta Wasaaradda ciyaaraha  gobolkaasi ay  ku kala qaybiyeen kooxaha isboortiga gobolka Togdheer  ayaa khilaaf  horleh ka dhex kiciyay ciyaartoyga   magaalada Burco ,kaasi oo laga cabsi qabo in uu magaaladaasi arimo nabad-gelyo daro ka dhex qarxiyo iyo guuldarooyin dhinaca ciyaaraha ah .

Falkan foosha xun  ee Wasaaradu ka bilawday  gobolka Togdheer oo si weyn looga dareemay magaalada Burco ayaa waxa cambaareeyay qaar ka mid ah ciyaartoyga gobolka Togdheer oo shalayto shir jaraa-id oo ay Saxaafadda kula hadlayeen ku qabtay  magaalada Burco .

Ciyaartoygan ayaa ku eedeeyay Wasiiraka Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal iyo Masuuliyiintiisa Wasaaradda Burco oo isku reer ah in ay qabyaalad ka dhex bilaabeen ciyaartoyga gobolka ,kaasi oo ay ku doonayaan in ay xulka gobolka uga qaybgalaaya ciyaaraha goboladda iyo hugaankooda isku qoys ka dhigaan isla markaana beeshooda ka soo xulaan .

Sidoo kale ciyaartoygan warbaahinta la hadlaayay  ayaa ugu baaqay Xukuumadda sare in ay arinta Burco ee ciyaaraha soo farogaliyaan isla markaana waxay xuseen  arintan hadii wax laga qaban waayo cawaaqibka ka dhasha in uu tuurta ku qaadan doono wasiirka ciyaaruhu .

Khilaafkan ba’an ee la dhex dhigay ciyaartoyga gobolka Togdheer  oo bilihii u danbeeyay soo xoogaysanaayay ayaa circa isku shareeray ka dib markii uu Wasiirka Wasaaradda ciyaaraha oo todobaadkan Burco yimi uu arintan indhaha ka qarsaday isla markaana uu ku fashilmay in uu wax ka qabto.

Badhasaabka gobolka Togdheer oo dhawr jeer isku dayay in uu xaliyo xiisadan ciyaartoyga gobolka isla markaana isboortiga mideeyo ayaa waxa is hortaagay Wasaaradda Ciyaaraha ,taasi oo imika u muuqata in ay gobolka falal amnidaro ka dhex wado maadaama uu wasiirka maamulaa kala garanwaayay  nidaamkii maamulka ciyaaraha iyo shiiko qabiisha.

Qarannews

Burco

Madaxweyne Siilaanyo Hoos Ha U Eego Masuliyiinta Xukuumadiisa Ee Aan Aqoon Hanaanka Dawladnimo Midna Aqoon.

$
0
0

 

Madaxweyne Siilaanyo Hoos Ha U Eego Masuliyiinta Xukuumadiisa Ee Aan Aqoon Hanaanka Dawladnimo Midna Aqoon.

dawladnimadu waa hab isugu jira wada shaqeyn iyo fahamka hanaanka maamul ee markaa lagu dhiibo,iyada oo marka qof masuul meel looga dhigo looga baahan yahay in uu yaqaano hanaanka shaqo ee hayada loo dhiibay isla markaana waa in uu yaqaano sida looga shaqeeyo madaxda dawlada ,inkasta oo uusan qofna ku soo dhalan isaga oo wax kasta yaqaana hadana soomaalidu waxay ku maah maah daa Hadalna La Kala Odhan Og Ilahayna La Kala Baryi Og, taa macnaheedu waxaa weeyi inaad fahamto nidaamka dawladnimo.

317

 

hadaba waxaa jirta masuuliyiin uu siilaanyo uu xilala sar sare u dhiibay oo fashilkoodii bulshadu ogaatay,iyada oo ay muhiim tahay in uu madaxweyne siilaanyo-na uu talaabo ka qaato masuuliyiintaasi.

 

sida agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta somaliland oo tan iyo markii la soo magacaabay ku haftay shaqada wasaaradaasi iyada oo ay jirtay in markii ugu horeysay isaga oo aan todobaadba xilka heyn soo saaray warsaxaafadeed uu amar ku siinayo hayadaha dawlada in uusan soo bixi kari wargeyska Hubaal isaga oo ku dooday in uusan waregyskaasi haysan sharci u saamaxaya in uu soo baxo,iyada oo isla subaxaasi wargeysku soo bandhigay shahaadada ogolaanha ah ee uu haysto,taasina waxay muujisay faham darada ka ahysatay agaasimahaasi hanaanka dawladnimo iyo sida uusan u faham sanayn hanaanka shaqo ee loo igmaday ,inkasta oo ay dadweynu u arkayeen marka horeba in uusan lahayn wax khibrad ah oo ku saabsan arimaha warbaahinta,waayo wuxuu ahaa ganacsade ka shaqeeya samaynta ciladaha ku dhaca Mobile-da isaga oo tukaankaasi ka shaqeynsan jirya ,balse lagu soo dhex tuuray warbaahin uusan aqoon u lahayn iyada oo la sheegay inay magacaabistiisa ka danbeysay nidaam qabyaaladeed waayo beesha madaxweyne siilaanyo iyaa marka horeba lagu eedeyanyay inay wada qaateen,iyada oo tiraba afar wasiir oo masuul ka ah wasaaradaha ugu miisaanka culus loo dhiibay,.

 

inkasta oo wasiirkii hore ee warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaalle uu sheegay in lagu balamiyey sidii uu agaasimahaasi u tababari lahaa ayaa hadana iyada oo uusan qaadan tababarkaasi wasiirkii xilka laga qaaday taasina waxay keentay in uu ku dhaco tababar la’aan.

 

waxa kale oo dhacday in agaasimahaasi kala garan waayay shaqadisii iyo tii shaqaale hoosaadka wasaarada ,waxa jirtay in uu isla xiligaasi agaasimahasi fara-geliyey shaqadii wariyaasha ka hawl gala idaacada radio hargeysa isaga oo hadba barnaamijka baxaya iyo qofka soo saaraha ah kula xisaab tamayay xiliga uu keenay barnmaamijkaasi iyo habsanka barnaamijka ,inkasta oo ay ahayd shaqadaasi shaqadii madaxa barnaamijyada iyo agaasimaha idaacada hadana aqoon daro awgeed ayuu u fara-geliyey agaasmihu,waxa kale oo jirtay in maalintii 18 may uu agaasimuhu shaqaalaha uu isagu gaadhigiisa ku gurayay isla markaana in uu sidaasi yeelo kaga faanayay wargeysi ay idaacadu la yeelatay isaga oo tilmaamay in uu ilaa todobaadkii oo dhan uu gaadhigiisa ku gurayay shaqaalaha oo uu aad u shaqeeyey, akhriste way fiican tahay in uu agaasimuhu shaqeeyo laakiin dee waa goorma, waayo may jirin baahi keenaysay in uu agaasimuhu isagu shaqeeyo oo waxaa jira agaasime waxaade shaqadiisu tahay sidii uu shaqaalaha u kala guri lahaa balse dee sowkan agaasimihii ku qabsaday.

 

waxa kala oo dhacday in uu agaasimaha guud ka daba hadlay oo uu hambaylo u diray saxaafada somaliland,iyada oo uu madaxweyne siilaanyo oo hortii saxaafada somaliland hambaylo u diray sidii wanaagsanayd ee ay uga qayb qaateen tebinta xuskii weynaa ee 18 may.dhinaca protocol-ka waa ka mamnuuc in agaasime ama wasiir qodob uu madaxweyne ka hadlay isna la hadlo.

 

hadaba madaama oo uu agaasimahaasi uu ilaa hada garan laahayay shaqadisii waa waajib in uu madaxweyne siilaanyo uu talaabo ka qaado isla markaana uusan eegan masuuliyiinta nocaasi ee fadeexadaha u soo jiidaya madaxweyanah.lasoco

 

Qalinkii:C.casiis Bashiir Nuur

 

Tel:4144434

 

Email:info@xogreebnews.com

 

Hargeysa/Somaliland

Sky News Interviews Abdirashid Duale Ceo Dahabshiil Group Holdings


London Borough of Southwark announces its new mayor

$
0
0

Cllr Abdul Mohamed was announced as the new Mayor of Southwark at Council Assembly last night. Cllr Mohamed was Deputy Mayor last year, and replaces outgoing Mayor Cllr Althea Smith.

Cllr Mohamed was born in Kenya’s rift valley to Somaliland parents. His grandfather had immigrated to Kenya as a soldier with the King’s African Rifles camel corp.

He is married to Caroline McDonald, an Australian, and they have one son Farah Mohamed (16) They have lived in Peckham for 25 years.

Cllr Mohamed graduated from Leeds University in Yorkshire where he trained with the former National Coal Board as a mining engineer. He then left to work as a mining engineer in Africa, where he spent some time in the Copper belt in Zambia.
He has also worked in inner city regeneration since the late 80s. He has worked for several London boroughs carrying out regeneration work, including Haringey and Lambeth Council, on various large inner city estates such as Broadwater Farm and the Angel town estate.

He has been an active trade union member, being shop steward (UNISON) for his Public Service workplace. He has been one of the Faraday ward councillors since May 2002.
Cllr Mohamed, a previous Cabinet member, has been a Chair of the Walworth Community Council and the Democracy Commission and has served on the New Deal for Communities and Creation Trust Boards.
The new Mayor is a keen cyclist who champions cycling in Southwark. In his new role he has committed to making less use of the Mayoral car and more use of public transport and his bicycle.

Cllr Mohamed said:”It is an honour for me to be elected Mayor and I am really looking forward to representing Southwark in this important role. As Deputy Mayor I was fortunate enough to meet many local people who never failed to impress me with their sense of community and compassion for the most vulnerable in society.
“They are the epitome of the fairer future philosophy this council subscribes to. I hope that I can continue to work with everyone in Southwark to celebrate the love we share for a corner of London that is forever England while also being home to the nations of the world.”

At the Annual Meeting of Council Assembly on 22 May 2013, the new Mayor announced that his chosen charity for the year will be the Evelina Children’s Hospital.

Submmited by A/Rahman Fidhinle
Intensive Education PA
London UK

Booqashada wasiirada Siilaanyo ee Boorama ku batay maxay baadhayaan‏!.

$
0
0

Booqashada wasiirada Siilaanyo ee Boorama ku batay maxay baadhayaan‏!.

Reer Boorama waxay la yaaban yihiin booqashada is daba jooga noqotay ee wasiirada hargaysa boorama ku yimaadaan.waxa la arkaa baabuur badan oo sanka isku haysa dadka saaran waa dhamaan maamulka degmada.maamulka gobolka.shaqaalaha dowlada.odayaal.kooxo dhalin yara.dadkaa iyo gaadiidka ay wataani waxay joog sanayaan meel u dhow magaalada Goroyo cawl waxay sugayaan wasiir hargaysa ka imanaya marka uu soo gaadho wasiirku goobtii lagu sii sugayay wuu soo degayaa qosol iyo dhoolo cadayn ayuu bilaabaya koodhka uu xidhan yahayna wuu yara hag hagaajisanayaa dadkii oo safdheer ku jira ayuu mid mid u salaamayaa.waanu faraxsan yahay ninkaa wasiirka ah ee sida balaadhan loo qaabilay.

reer boorama waxay is waydiiyaan maxaa wada wasiirada oo loo soo diray dadka qaar waxay ku doodaan madaxwayne siilaanyo ayaa imanaya oo ragani waa gogol xaadh.kuwa kalana waxay qabaan in xaalku siilaanyo jiq ku yahay oo odayga lagu soo jabiyay siyaasadii dibada miciinsi iyo is mar marin ay ka tahay boorama ay tahay halka laga raacay. badhna waxay u dhigayaan gaar ahaan raga siyaasada iba salaaxaayi ka waawayn wuxuu soo wataa in boorama shir lagu qabto oo ay ka soo qayb galaan dowlad federaalkuna, igad iyo jabuuti is af garadna dhaco.

suxufi madaxbanaan daahir axmed jirde.

boorama

la

soco qaybaha danbe

Dahir Jirde (dahirjirde@yahoo.com)

 

sawirka Todobaadka

$
0
0

sawir kartoon ka waramaya xaalada dhabta ah ee Magaalada kismaanyo ku sugan tahay maanta iyo afarta madaxweyne ee is bokhray iyo mid waliba daliisha uu u cuskanaayo madaxnimadiisa

muqdisho

 

iyo Sawir kale oo ka tarjumaya  jihaday u rakaabsatey ama u dhaqaaqday dawlada Xasan Sheikh Maxamuud

dawlada somalia

Qarannews

Hargeisa

 

War Weyn: Ujeedooyinka rasmiga ah ee Safarka Wasiir Duur ku joogo Boorama.

$
0
0

War Weyn: Ujeedooyinka rasmiga ah ee Safarka Wasiir Duur ku joogo Boorama.

Boorama-(Qaran-news)-Xoggo Qarannews ka heshay Hawl wadeeno ka tirsan wasaaradaha arimaha gudaha Somaliland  ,aadna ugu dhuun daloola safarka wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur maalmahanba gaafwareegayo gudaha Boorama ayaa xaqiijiyey in safarka wasiirku daaran yahay ama la xiriiro arimo doora oo isbarkan oo xukumada Siilanyo indhawaaleba la baaxadegaysay furdaamintooda.

duur

Wasiir Duur ayaa sida xogaha Qarannews heshay tusmaynayaan arimaha uu ibo-furkooda u tegay Boorama aynu ka xusi karnaa bixinta Magta (xaqa) wiil dhalinyaro ah oo dhawr bilood ka hor Ilaalada Gaarka ah ee  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylaci ku dileen gudaha Boorama, xilli Madaxweyne ku xigeenka,Hogaanka Kulmiye  iyo wasiiro la socday mudaharaad lagala hor yimi hase yeeshee ilaalada Saylaci dadkii mudaharadayey Rasaas ugu jawaabeen,halkaas ku dileen wiil dhalinyaro ah.

Sidoo kale waxay xoguhu intaas ku dareen in Wasiir Duur hore u sii qaadey Magta Gabadh iyadana la sheegay in baabuurtii Weftiga Madaxweyne Ku xigeeenka Saylaci jiidheen markay Boorama ka baqoolayeen eek u sii jeedeen Hargeysa.

wasii

Geesta kale waxay xogaha ka soo kordhaya safarka Wasiir Duur tibaaxayaan in mucda safarkiisu daaran tahay sidii madax-dhaqameedka beesha Samaroon uu ugu qancin lahaa inay bismilaystaan Magta Nin ku baxay ama lagu dilay iska horimaad iyo shaqaaqooyin ka dhacay degmada Xariirad dhawr bilood ka hor,Ajiibana in la sii daayo Oday dhaqameed ka soo jeeda Beesha Ciise oo muddo dhawr bilood ku xidhan xabsiga Boorama oo qaarkood xaalad caafimaadaro oo halisa asiibtay,jeelka gudahiisana ku ildaran.

boo

Isku soo wada duuboo waxay xoguhu tilmaameen in safarka wasiir Duur ku joogo Boorama oo gebagebo ku dhawi u dhaw yahay inuu fashilmo hadaan cagta loo dhigin oo degdeg, fudaydka iyo hanjabaadaba laga dhawrin.

Qarannews

Hargeisa

 

MAQAAL XIISO LEH:SAW IMA BARATAAN ???

$
0
0

SAW IMA BARATAAN ???

Duur joogta waxa ugu dhaqan xun waraabaha (dhurwaaga) bakhtiga ayuu cunaa -lama aamini karo oo lama rabaysto-waa saqajaan oo mulaca dhaafi maayo – wuu musuq maasuq badan yahay oo wuxuu isaga kaa dhigayaa inuu kaa tegey isagoo muska kuugu dhuumanaaya .
Haddii aad aragto ba , raq buu ka yimi ama ku socdaa .
Maalin maal maha ka mid ah , ayuu dhurwaagii isla sheekeystay isagoo hurda .
Wuxuu iswaydiiyay : Magac yadan faraha badan ee loogu yeedho ee kuligood mid laqaato lahayn , sidii uu isaga bedeli lahaa . oo magac fiican isugu bixin lahaa . duur joogta kalena ugu war gelin lahaa .
Wuxuu isu bixiyey AAMIN  , aad baanu ula riyaaqay magacaa .
Hadaba waa inuu duur joogta u sheego magaciisa cusub oo uu ku war geliyo , aad buu caloosha uga qosley .HAHAHAKAKAKA.
Waraabihii ayaa kaloo wuxuu iswaydiiyey : bal hadduu habar dugaag u bandhigo in uu isbedeley oo uu iska daayey bakhtigii uu cuni jirey , si sharaf lehna uu u ugaadhsan doono (sida libaaxa oo kale ) oo ilaa uu neefka nafta ka saaro aanu cuni doonin , halkii uu isaga oo nool goo goosan jirey . laakiin habar dugaag tolow may ka rumaysan doonaan arinkan .
Wuxuu isu sheegey in laga yeeley , aad iyo aad buu caloosha uga qosley .HAHAHAKAKAKA .
Isla sheekay sigiisii ayaa waxaa maqley duurjoogtii habar dugaag .
Kabacdi waxay ku yidhaahdeen waraabihii : AAMINAW aanu ku tijaabinee oo aanu kala ogaano bal isbedelka aad tidhi wuu igu dhacey inuu run yahey iyo in kale ee : waxaanu kaaga tegeynaa AMAANO , waxaanu dooneynaa inaanu BERITO kuugu nimaadno , adigoo ilaaliyey AMAANADAN aanu kuu dhiibnay .
Waraabihii aad iyo aad buu u farxey , calooshana uga qosley .
Wuxuu isugu jawaabey :waayahey waa inoo berito .
Maalintii danbe ayaa habar dugaagii waraabihii u yimaadeen oo ay waydiiyeen : meedey AAMINAW HASHII iyo NIRIGTEEDII aanu kaaga tagney shaley .
Wuxuu yidhi waa kuwaa , isaga oo QOSLAAYA ::: iskana sii dhaqaaqay …
Habar dugaagii waxay arkeen NIRIGTII oo labada bishmood la maqan yihiin oo la goostey iyo HASHII oo candha la goostey (laga cuney ) iyadan .
Waxay waydiiyeenWAAR aaminaw MAXAA DHACAY ???
Waraabihii isagoo aad iyo aad u qoslaaya  HAHAHAKAKAKA , ayaa waxa uu ku jawaabey :
SAW IMA BARATAAN .  kabacdina wuu toosey isagoo qoslaaya oo aad u faraxsan .
BAL ADBA GARO OO FASIRO .
 CALI MAXAMED BIIXI
 caliwwelli@hotmail.co.uk

Somaliland Oo La Filayo Inay Ka Baxdo Wada Hadalada Ay La Bilowday Somaliya Iyo Sababaha Loo Aanaynayo

$
0
0

Hargeysa(Qaran news)-Dawladda Somaliland ayaa la sheegay inay qorshaynayso sidii ay uga bixi lahayd wada hadalka ay la bilowday dawladda Somaliya, ka dib markii ay dawladda Somaliya jebisay qaar ka mid ah qodobadii lagu heshiiyay.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahi, haddana warar uu Geeska Afrika ka helayo ilo xogogaal ah ayaa tibaaxaya, suurtogalnimada inay Somaliland dhawaan ku dhawaaqdo inay ka baxday wada hadaladii ay la lahayd dawladda Somaliya, iyadoo daba socota hadal uu Madaxweynaha Somaliya ku beegay 22 guuradii ka soo wareegtay madaxbanaanida Somaliland oo uu qadiyadda Somaliland ku sifeeyay dareen caadifadeed. Dhawaaqan Madaxweynaha Somaliya, wuxuu toos uga hor imanayaa mid ka mid ah qodobadii ay labada dawladood ku kala saxeexdeen Turkiga oo dhigayay in laga dheeraado luuqad kasta oo dhaawacaysa wada halada Somaliland iyo Somaliya.

Sidaas darteed, waxa la sheegay inay dawladda Somaliland xidhiidho la samaysay qaar ka mid ah dawladaha sida weyn ugu lug lahaa wada hadalada Somaliland iyo Somaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu mawduucan wax ka weydiiyo ayaanay u suurtogelin.

Dad badan ayaa aaminsan in Madaxweynaha Somaliya, uu qaaday olole diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Somaliland tan iyo wixii ka dambeeyay shirkii Turkiga oo natiijadii ka soo baxday ay dood ka dhex abuurtay Baarlamaanka dalkiisa. Xasan Sheekh Maxamuud, arrimaha uu ku talaabsaday wixii ka dambeeyay shirkii Turkiga waxa ka mid ah qorshaha uu ku doonayo inuu kula wareego hawada, taas oo ay Somaliland kaga jawaabtay inay duulimaadyada qaramada midoobay ka mamnuucday garoomadeeda.

Geeska

Tacsi:Gudoomiyaha Xisbiga Wadani

$
0
0

Xisbiga WADDANI

Date: May 25 , 2013

Tacsi

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, dhamaan G/Fulinta, G/Dhexe  iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay iyagoo ka tiiraanaysan tacasi u diryaan Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga WADDANI Md Shiine muxumed Idiris geeridii ku timi walaalkii

 

Marxuuma Kaamil Muxumed Idiris  oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

Waxaanu Eebe uga baryayna innu ja’nadii fardowsa ka waraabiyo,dhamaan xaasaskii, caruurtii, eheledii,qaraabadi ee uu  ka baxay. Marxuunku samir iyo iimaan inga wada siyo.

 

Md . Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI

 

Yasmin Raygal

General Director of WADDANI Party

Cell Phone:  00252-2-4-427304

Office TEL:  00252-2-518338

Hargeisa  – Somaliland

 

 

 

 

 

 


Dulmiga Qarsoon ee Hadana Muqda Ee Beesha Dhexe Ku Hayso Beelaha La Daga Somaliland

$
0
0

Dulmiga Qarsoon ee Hadana Muqda Ee Beesha Dhexe Ku Hayso Beelaha La Daga Somaliland

Marka hore waxaa mahad iska leh ilaha wayn ee ina siyay nabadgalyo taam ah iyo waliba  qaran 22jirsaday inagana dhigay umad islam ah kuna taal bogcad muhiim u ah umada islamka meel kasto ay joogto waxaan mar labaad u hanbalyaynayaa shacabka reer Somaliland  ee kala jooga dafaha dunida sidii qimaha iyo qayaha lahayd ee ay u xuseen 18MAY oo ah malintii dhidibada loo tagay qaranka Somaliland  hadaba aan u daadago dulucda qoralkayga oo ah ciwaanka sare ku xusan oo mujinaya dulmiga muqda hadana la qarinayo ee ay ku sifoobeen beeshe dhexe ee Somaliland oo aan waliba ka tirsanahay waxa laga yaba akhriste in aad is waydinayso waa maxay dulmiga qarson  ee hadana la qarinayo ee ay beesha dhexe ku haysaa belaha la dagan Somaliland  akhriste ogow in qaranka Somaliland ka dhexeyo belo kala duwan oo ku nool dhul waynaha Somaliland kaasi oo lagu heshiyay in belaha kala duwan ee ku nool Somaliland ay dhistaan qaran madax banan oo ay dib usala soo noqdaan madaxbananidoadi  goankaas oo la gadhay sanadku markuu ahaa 1991 oo ay belaha Somaliland ku qateen goankii  shirkii dhidibada loogu tagay Somaliland shirkaas oo ay u dhanayeen belaha daga Somaliland hadaan xusno belaha shirka ka qayb galay ee u qaranka Somaliland ka dhexeyo balse aan helin xaqood iyo sadkii ay  ku lahayeen qaranka 22 jirsaday ee ka hana qaday geeska Africa

  • Samaroon (Gadabuursi)
  • Dhulbahante
  • Warsangali
  • Madigan
  • Akisho
  • Belwaynta la hayb soco
  • Ciise

Bal hadaba akhriste hadi aad ka mid tahay besha dhexe ee Somaliland waxan ku waydinayaa hal sual oo kaliya waxa weyan belaha aan kor ku xusay ma heleen sadkii ay ku lahayeen Somaliland  iyo waliba  dulmiga jogtada ah ey ay ku hayso beshadu ee anay modayn  in   cidi la ledahay qaranka Somaliland ee kaligeed uun is ku koobtay waxii qarankani lahaa ee loo sinaa waxan filayaa in muwadin kasta oo ka tirsan beesha dhexe ee akhrista qoralkani fahmi dono dulucda maqalkayga oo ah in hadii la donayo in qarankani noqdo mid waara oo hana qada oo ka mid noqda dawladaha calamka in aan ka tanaasulo dulmiga cad ee  muqda ee qof kasta oo Somalilander  ahi arkayo ee aan ku hayno belaha kale ee aan walaha nahay dalkuna inaga dhexeeyo

Mahmaah somaliyeed ayaa odhanaysay

Nin ku Yidhi Sinaan Mayno Adna diid Sarayntisa Ma Sagashanbaa Tiisu  Sadka waad wadagtaane

Dalka Waan Wada lenahay Inta Macna Waan Ka leyahay

Waxan filayaa in ay beshaydu taasi wado waxanan leyahay inta aad sidaa wax u wadaan in Somaliland qaran jira noqoto lagama yaabo waana wax aan dhacayn ee yaan lagu daalin bal aan u daadago awood  qaybsiga beesha dhexe iyo sida ay uga haqab beshay xilalkii qaranka iyo khayraadkii dalka ee la wada lahaa

  • Madaxwaynaha Dalka —————- ISAAQ—– H/jeclo
  •  G/golaha gurtida        —————–ISAAQ——-H/jeclo
  • G/golaha wakilada   ——————-ISAAQ—–H/YONIS
  • G/maxkamada sare——————–ISAAQ—-AYUUB
  • T/cidanka qaranka———————ISAAQ—-H/AWAL
  • T/cidanka boliska———————ISAAQ—-ARAB
  • T/cidanka ilaalada bada————ISAAQ—–CIDAGALE

Akhriste intaas aan kor ku xusay waa inta xil ee dalka ugu saraysa waana intii ay ha bonayd in belaha Somaliland wada dagani ka muqdaan oo ay si cadalad ah loo qaybsado bal iyana aan u fiirsano wasaradaha  ugu tunka wayn dalka iyo sida loo qaybsaday iyagana

  • W/maliyada ——————–ISAAQ—-H/AWAL
  • W/arimaha gudaha———–ISAAQ—–H/YONIS
  • W/waxbarashada————– ISAAQ—H/AWAL
  • W/arimaha dibada———– ISAAQ—-H/AWAL
  • W/qorshaynta qaranka——–ISAAQ—H/AWAL
  • W/madaxtoyada —————-ISAAQ—H/JECLO
  • W/dulista iyo gadidka cirka—-ISAAQ—H/JECLO
  • W/warfaafinta iyo dhaqanka—ISAAQ—H/AWAL
  • W/macdanta iyo khayradka dalka–ISAAQ–H/JECLO

Iyo waliba  kuwo kale oo aad u badan ayaa jira akhriste waxan filayaa in dulmiga ay manta ku kacday beesha dhexe ee anay garawshiyo ka bixinanayn uu ahaa kii ay SNM ka dagalamaysay ee ay ku riday dawlada Somalia ee halka ay manta tagantahay aad ka dharagsantihiin waxaase nasiib daro ah mar hadii madaxwanaha  dalka oo ahaa hogamiyihii xogagii SNM ugu mudada dhere dulmiga iyo xanuunka ay ledahay sadka aad ledahay oo lagu siin waayana darensan horena usoo arkay oo duurka u galay sidii uu xaqiisa usoo dhacsan lahaa u ku sifobay qabilaysi waxana inoo cadaynaysaa shaxdan hoos ku qoran oo iyaduna cadaynaysaa bal isagii oo kursigii dalka ugu sareyay ku fadhiya  ayuu  hadana beesha uu ka tirsanyahay ugu daray xilalki ugu mihiimsanaa ee ahaa labeenta sare mamulka iyo wasaradaha ugu misanka culus somaliland

Hees somaliyeed ayaa odhan jirtay

Dawo haday buukoto maxa lagu dabiiba

Bal madaxwayne hadii u noqdo qabilaysi halke ayay  wax ka saxmi !!!!!! ? waxaan u dhafayaa suashaa jawabteed  umada Somaliland ee jecel in qarankani hana qaado

 Sida uu imika awrku u raranyahayna ma ficna ee halaga ilaaliyo dheliga oo hala isku misaamo dhilaha saran awrka dushisa

 Beesha dhexena wax haka badasho samiga ay iyaguun isku koobeen waa hadii la donayo in Somaliland noqoto qaran waara khasatan beesha uu madaxwayahu ka tirsanyahay ha iska dhibto xilalka saidka ku ah madama ay haystaan kursigii dalka ugu sareyay waliba waxan is idhaahda mar marka qaarkood malaha beesha madaxwayahu  hadi dalka oo dhan la siyo waxba may so celiyeen waxana ku cadaynaysaa hadalkayga shaxda hoos ka soo bix donta ee mujinaysaa xilalka ay ku darsadeen kuraasta dalka oo  dhan ee waliba ah labeenti dalka (xilalka ugu qimaha badan dalka) bal u fiirso belaha aan  walalaha nahay ee inala dagan wadanka kuna dulman iyo sida ay besha madaxaynahu uga haqab beeshay Xilalki wadanka ugu sareyay waxaad moda in ay naqaysteen oo anay jirinba cid kale allaw sahal umuraha  ku ildoogso xilalka besha madaxwaynaha Somaliland    allaw belwaynta Isaaq  xaqa garansii oo dulmiga naga ilaali

  • Madaxwaynaha dalka ———–ISAAQ—H/JECLO
  • G/golaha gurtida —————–ISAAQ—-H/JECLO
  • T/sirdonka qaranka————–ISAAQ—-H/JECLO
  • W/madaxtoyada—————–ISAAQ—–H/JECLO
  • W/dulista iyo gadidka circa—–ISAAQ—H/JECLO
  • W/dhalinyarada iyo ciyaraha—ISAAQ—H/JECLO
  • W/macdanta iyo khayradka —-ISAAQ—H/JECLO iyo

kuwo kale oo badan ee bal u firso shaxdan kor ku xusan ee uu dugsanayo madaxwayahii dalku ee waliba loo han waynaa caruur iyo ciroolaba hoostisana ceebi sidaa u hoos wadhantahay ax ax ax ilahay ha garansiyo belaha dhexe dulmiga ay ku hayaan belaha kale ee dalka la daga Waxaan filayaa in aynan kuso kobi Karin qoralkan iyo

Wa Bilaahi Tawfiiq

Guled Abdi Abdilaahi  (amaano)

Email :amaano1@hotmail.com

Phone. 0634412389

 

 

 

In prison, Somalia’s pirates become a source of government wrangling

$
0
0

This is how it ends for a Somali pirate: not with the bang of a rifle, but with a quiet fadeout into a sewing class, a vegetable garden and a basketball court.

At least 34 convicted pirates are locked away in the remote city of Hargeisa, capital of the self-declared nation of Somaliland, where the United Nations is trying to teach them useful trades: tailoring, welding, brick-making, computer skills and gardening. In their leisure time, the pirates play basketball in the dusty prison yard.

Somalia’s pirates were once the scourge of the seas, holding more than 1,200 hostages in 2011 and inflicting $18-billion in damage to the world economy. But over the past year, a massive European-led naval operation, combined with armed guards on cargo ships, has foiled almost every hijacking attempt by Somali pirates.

Today the number of pirate attacks is down sharply – but the dilemma now is what to do with the convicted pirates, who have become a diplomatic bargaining chip and a source of government wrangling.

The pirate prisoners – who continue to deny their guilt, insisting they were “just fishing” when they were captured near the Seychelles – agreed to be transferred to Hargeisa’s prison because it has Somali guards and a familiar language and culture. But now they say the prison conditions are much worse than in the Seychelles.

Somaliland prison officials complain bitterly about a lack of financial support from the UN Office of Drugs and Crime (UNODC), which had promised to help provide food, medicine and other basic support for the convicted pirates. The budget shortfall is as much as $72,000 annually, the prison officials say.

Two of the pirates, 25-year-old Mawlid Ahmed Abtidon and 29-year-old Abdi Fatah Ahmed Abdullah, lounge casually in the office of the prison commander as they field questions from The Globe and Mail. They complain about the shortage of prison food and the absence of promised phone calls to their families in Mogadishu, although both appeared well-fed and healthy. They also say that they were never allowed to appeal their trial verdicts.

“Life in this prison is not good,” Mr. Abtidon said. “We are requesting you to convey the message that our rights were neglected.”

Most of the 34 pirates here, who are serving prison terms of up to 25 years, were previously held in the Seychelles, close to where they were captured in 2009 and 2010. Several other pirates are being held in other Somaliland prisons. The breakaway region in northern Somalia agreed to accept the pirates as a gesture of international co-operation – and unofficially in hopes of winning diplomatic recognition for its independence.

Although it is an oasis of peace and democracy in the Horn of Africa, the enclave of Somaliland has failed to gain any international diplomatic recognition so far. To bolster its cause, Somaliland has agreed to accept up to 60 pirate prisoners – a valuable offer to the UN, since most countries are unwilling to accept the pirates, and the prisons in southern and central Somalia are not considered secure enough to hold the pirates safely.

Two agencies of the United Nations spent a reported $1.5-million to complete the construction of the Hargeisa prison in 2011 so that it could house the pirates. But now the UN is accused of breaking its promises to support the pirates.

“When I hear the word ‘UNODC,’ it makes me angry,” said Abdullahi Dahir, a senior official in Somaliland’s prisons agency. “The UNODC is failing to provide basic needs for those who were transferred from the Seychelles and those who were captured here.”

Current spending by the Somaliland government is only $1.20 a day for food and medicine for each prisoner, the UN acknowledges, but it insists it is working on a plan to provide more of these supplies to the prison. “The process is under way to deliver these items in the near future,” one UN official said in an e-mail.

He said the UNODC is encountering difficulty in the “delivery and storage” of sheep, beans and oil to supplement the prison food.

The UN also acknowledges that most of the pirates have not been allowed any phone calls to their families, although it blames the Somaliland government for this decision.

The pirates are among 409 inmates at the Hargeisa prison. The prison commander refused to allow photos of the conditions in the cells, but he allowed a brief visit, showing that the cells are crowded, although each prisoner has a bunk bed.

While officials squabble over their food and medicine, the pirates say they should be transferred to a prison in Mogadishu, close to their families. They say they haven’t talked to their families since they were transferred to Somaliland.

In the meantime, the pirates are kept busy with the UN’s vocational job programs at the prison. They weld chairs for an orphanage. They make bricks for the construction of a government ministry. And they build bunk beds for the next group of arriving pirates from the Seychelles.

Globe and Mail

Dr Muha Dahir Jire eesh calaa gacanqabasho Maareeyaha TVga Horyaal, wuu u baahnaa.

$
0
0

Dr Muha Dahir Jire eesh calaa gacanqabasho Maareeyaha TVga Horyaal, wuu u baahnaa.

Waxaan saaka qaar ka mid ah Warbaahinta Websiteska ee laga leeyahay Somaliland ku arkayay inanka TVga Qaranka Maareeyaha ka ah iyo Maayorka Caasimada Hargaysa oo la kulmay saraakiil Ethiopian iyo reer Camaroon kala ah kuwaasoo ay weriyaha TV Qaranka u fadhida Ethiopia Dr Muha Dahir Jire isugu duba-riday. Dr Muha muddo ayay hadda ku sugnayd dalkaasi Ethiopia iyadoo shahaadada sare ee Doctorate ka ku qaadatay cilmi aan weli la xaqiijin iyo Jaamacad lafteeda calaamad weyni saarantay.

xxxx

Hablo buurbuuran oon slim ahayn sideeda, oon Ingiriisina ku hadli aqoon baan beryahaaba maqlayay oo is waydiinayay su’aalo Afka Carabiga u badan oo ahaa (doktor bi mihna eeh? min jaamicati eeh?  iyo wax la halmaala.

Hablahaasi waxaanay fahmin in inanta shahaadada Doctorateka ay ku maamuuseen sida la sheegay Dawlada iyo Jaamacadaha dalka Mauritus. Sidaad hoos ka aragtaana waxaa shahaadada gudoonsiiyay Jerry Rawlings, oo ahaan jiray Captain ciidan oo mar madaxweyne ka ahaa dalka Ghana, casrigii Militariga.

Hablahaasi Allaahida ka baxay ee Af-carabiga ku hadlayoow Dr Muha ha ku mashquulinee ordoo shaqo raadsada haddaad sideeda u qurux badan tihiin una shaqo wacan tihiin, waydin gaadhi halkaas, haddii kale Niqaamkiina dee iskaga jira oo Muha iyo qayrkeed amaan ha idinka helaan.  Kol haddii aydaan Camaroon daanyeer ku quraacday iyo Xabashi hilib caydhin cunay aydaan la kalaami karaynin, waxba sheegi maysaan, Somaliland iyo Ictiraaf raadinta waxba uguma filidin.

 

Amba haddaan Jerry Rawlings iyo Dawlada Mauritus  aan ahaan lahaa Doctorateka kama xaasideen ee si wacan baan ugu taagi lahaa. Dr Muhana waxaan leeyahay,dheg ha u dhigin makhruuqiintan kugu mashquulay.

 

Aan dib ugu soo noqdo ujeedada qoraalkee, waxaynu dhamaanteen ka war qabnaa in hoos u dhac badan oo dhan walba ahi ku yimid TVga Qaranka  tan iyo intii ay isaga dambeeyeen Dhuxul Horyaal iyo Taksiile Gaas. Labadan nin ayaa aakhiro u diray qiimihii iyo horumarkii TVga Qaranka isagoo hadda ku suntan TV xaafadi leedahay oo ka aradan aqoon iyo nidaam saxaafadeed.

 

Waxaase laga yaabaa haddii hablaha Internationalka ah ee caanbaxay ee xaafadu ay hadda u guntadeen inay Mr Gaas gacan qabtaan, isna gartay inaanu khibradooda ka maarmin in wax iska bedeli doonaanTVga Qaranka iyo sumcadiisan galbatay.

 

 

Si arrinkasi u hirgalano waxaa haboon in Mr Gaas shaqaalaysiiyo hablaha kale ee xirfadlayda ah sida Sagal Mustafe, Abni Maxamed Cali iyo Nimco Samriye. Waxaan hubaa in TVga Qaranku markaa duuli doono, sumcad xumadan Mr Gaas hadda dhex fadhiyena uu ka bixi doono.

 

Waxaan leeyahay Dr Muha hawl wacan baad wadaaye, inanka dhan walba kala dadaal,  inaad gacan qabataana waa waajib ku saaran, waanad ka soo baxday. Eesh calaa inan dheh.

 

Sahra Jaamac Sugaal

 

sahrajs96@gmail.com

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Bulshada SL.Oo Walaac Ka Muujiyey Tahriibka Dhalinyarada Oo Faraha Ka Baxay

$
0
0

WasiirMaxmuudAhmedBare

Hargeysa,(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Md Maxamuud Axmed Barre (Garaad)

Ayaa sheegay inay tahriibtu tahay aafo qaran oo dhiig bax ah oo ku habsatay Somaliland, dhalinyaradiina ku dhamaatay walina socota, oo dhibaato laxad leh ku haysa dalkan, wuxuuna xusay in waalidiintii Ubadka dhashay lagu khasbayo inay hanta wixii ay hayeen xaraashaan, qaran ahaana dhibweyn nagu hayso , isaga oo intaa raaciyay in waxaasi meel ay ku dambayn doonaan aan la garanayn.

Wasiirku wuxuu tilmaamay dhibaatooyinka qarsoon ee soo gaadha dadka tahriibay markay ka tagaan Somaliland ilaa ay raacayaan doonta kuwaas oo ay ka mid yihiin Gaajo , Haraad, Daal iyo Jahawareer, iyada oo ay u dheer tahay inay la kulmaan Afduub layska xidho oo aan la siidaynayn ilaa laga bixinayo Lacagta ay dadkaa Afduubay Codsadeen ,waxana taas dheer iyada oo qofka waxaas oo hawla la kulmay uunaba gaadhin meeshi uu hiigsanayay oo tii Allaba ku timaado wax uu korosadayna aanu jirin If iyo Aakhiraba.

Md Garaad isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Aniguba waalid baan ahay oo waan garanayaa Beer wax dhalay inaanu adkaysanayn, laakiin waxaan Waalidiinta ku boorinayaa inay Ubadkooda ka waaniyaan khatarta Tahriibka , intayna tahriibin ka hor.

Wasiirka Wasaarad Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu wuxu intaa ku daray inay Xukuumad ahaan diyaar u yihii inay wax ka qabtaan Arrintaa Tahriibka, geesta kale wuxu ka codsaday Laanta Socdaalka Somaliland iyo Hay’adaha ku shaqada leh Amniga inay u fiirsadaan dhalinyarada xuduudaha ka gudbaya oo ay hubiyaan waxa ay u socdaan.

Dhanka kale wuxu Wasiirku ka codsaday Dawladda Itoobiya inay u soo celiyaan dhalinyarada ka yaacaysa dalka ee sii dhexmaraysa dalkaas, isagaoo sheegay in xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo labada dal sidaa awgeedna ay fiican tahay inay ka wad shaqeeyaan arrimahan oo kale.

Ramaas

Mo Ibrahim Foundation and African Development Bank to co-host live-streamed event on leadership and governance in Africa

$
0
0

The Mo Ibrahim Foundation and the African Development Bank will co-host a high level event in Marrakech, as part of the AfDB’s annual meetings.

The event, ‘’The critical role of leadership and governance for Africa’s transformation’’, will be streamed live on Wednesday 29th May from 11.00BST-1.00BST at: http://live.moibrahimfoundation.org/.

The panelists, including Dr. Donald Kaberuka, President of the African Development Bank, and Dr. Mo Ibrahim, Chairman of the Mo Ibrahim Foundation, will discuss the relevance of leadership and governance for Africa’s transformation; the challenges of measuring progress in governance; and the way forward.

The session will use three country-specific case studies, drawing on evidence from the Ibrahim Index of African Governance: Mauritius, Mozambique and Liberia.

Other high level representatives speaking at the event include:

· Abdoulie Janneh, Executive Director – Liaison with Governments and Institutions in Africa, Mo Ibrahim Foundation; Former Under Secretary-General, UN and Executive Secretary of UNECA

· Nathalie Delapalme, Executive Director – Research and Policy, Mo Ibrahim Foundation

· Honorable Charles Gaëtan Xavier-Luc Duval, Vice-Prime Minister and Minister of Finance and Economic Development, Mauritius

· Honorable Manuel Chang, Minister of Finance, Mozambique

· Honorable Amara M. Konneh, Minister of Finance, Liberia

· Mr. Raju Jaddoo, Managing Director, Board of Investment, and Secretary General, Mauritius Chamber of Commerce and Industry and Industry

· Mr. Emmanuel Mbi, First Vice President and Chief Operating Officer, African Development Bank

· Dr. Aly Abou Sabaa, Vice-President, African Development Bank

The discussions will inform and advance the support of the Mo Ibrahim Foundation and the African Development Bank to Africa’s transformation.

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>