Xildhibaan Buubaa oo u jawaabay maamulka Farmaajo sheegayna in ay ahayd in xukumadda Muuse Biixi u jawaabto
Somaliland Ma u baa’hantahay External audit police (EAP)?
Hordhac
Waxaa soo muuqanaysa xaalad kala duruqsanaan taas oo u dhaxaysa booliska iyo bulshada Somaliland waxaana booliska lagu eedaynayaa cabudhin iyo xad-gudubyo sharciga baal marsan cabudhintaas oo uu u xidhan yahay Hal-Abuur Cabdiraxmaan Abees . Si kastaba ha noqotee xidhiidhka iyo wadashaqeynta u muuqata mid sii xuub siibanaysa ayaan Qaranka faa,ido ugu jirin marka laga eego dhanka Amniga. Qormadan ayaan ku falanqeyn doonaa xalka iyo maare waara kaas oo soo nooleeya sharaftii booliska. Sidoo kale waxaan diirada saari doonaa baahida loo qabo Guddi madax banaan kuwaas oo la xisaabtana saraakiisha booliska sidoo kalana meesha ka saaraya ku takri falka sharafka iyo awooda booliska qaranka
QARANKEENU MA U BAAHAN YAHAY EXTERNAL AUDIT POLICE (EAP)
Si looga gudbo caqabadaha maanta jira ee keensan kara dib u dhaca amni loona helo xal iyo maare waara loona muujiyo sareynta sharciga ayaa ah in la hirgaliyo saaxad isla xisaabtan taas oo lagula xisaabtamayo saraakiisha booliska lana dabagalayo sifaha xadhig bilaabasho ilaa inta laga gaynayo maxkabada .xalkaas ayaa noqonaya in la helo Guddi loo xil saaro shaqadaa kuwaas oo ah External Audit Police . Guddigan la dagaalamaya ku takri falka awooda iyo sharafka ilaaliyayaasha iyo adeegayaasha Qaranka waxaase muhiim ah si looga hortago kala fogaanshiyaha booliska iyo bulshada waa inay dhinac socotaa isla xisaabtanka barnaamijka ah Community Policing ( Booliseynta Bulshada )
FAA,IDADA EXTERNAL AUDIT POLICE
Faa,idooyinka Auditkan ayaa ah kuwo amniga iyo wada jirka umada ilaalinaysa faaidooyinkaa ayaa ah :-
In la abuuro saaxad isla xisaabtan
In meesha laga saaro ficilada sharci jabineed
In Sarkaal kaste garto awoodiisa dhabta ah kana fogaado tacadi kasta
Inoo ixtiraamo sharciga iyo wada jirka umada
Inuu meesha ka saaro musuqa wakhtiga
Inuu meesha ka saaro laaluusha
Contact
E-mail: Jacobhassam@gmail.com
Tell: +252-63-480-7177
Borama. Awdal, Somaliland
Siyaasada Kaliya ee Lagaga Bixi karo Saboolnimada iyo Abaaraha Soo Noq-noqda !! iyamaa Garaabis leh Beeraleyda iyo Raacatada Xoolaha ee Rafaadsan
Siyaasada Kaliya ee Lagaga Bixi karo Saboolnimada iyo Abaaraha Soo Noq-noqda !! iyamaa Garaabis leh Beeraleyda iyo Raacatada Xoolaha ee Rafaadsan !! Dr.Khadar-Libaaxley.
Dunida horey u martay Dal iyo Dad intaba dhinaca siyaasada, dhaqaalaha, bulsho, cilmiga iyo tiknoolajiyada iyo quwad millatari ee ka Somaliland ahaan xataa Dimuqraadiyadooda hiigsad iyo tiigsiba ku nahay ma’aha dadkoodu Raacato Rafaadsan oo had iyo jeer garaacaya carooga kaalmada iyo gargaar loo dawaro sannad walba ( emergency call of help ) waxa sidan u yaala muuqaalka raacatadeena rafaadsan, ee dawarada iyo qaadhaanka Dawladeena iyo shicibkeenuba uga dawaraan gudaha iyo dibada, inaga oo hoos hoorsaneyna gacmaha si badheedh iyo dhiiranaan leh illeyn weynu la qabsanaye Qaadhaan bixiyayaal shisheeye oo Binu Aadmi sideena ah, kuwaasi oo ka soo gura Qaadhaanka jeebka iyo cashuurta shacabkooda ah ( Xoolo-Dhaqato Beeraley ) ee aan ka cabanin ( Abaaro soo noq-noqda iyo saboolnimo liidata midna ) sababtuna tahay siyaasiyiintoodii iyo Dawladahoodii ayaa raacatadoodii rafaadsaneyd u badashey Xoolo Dhaqato Beeraley maal-qabeeno noqday oo bixiya qaadhaanka aynu u dawareyno raacatadeena rafaadsan ee garaaceysa carooga caawimada iyo macaluusha araga xun.
In Beeraleydu Maal-qabeeno noqon karto waxa daliil u ah ( Suurtul Kahfi , Qisada ku jirta 2da nin ee Beeraleyda ah ee midi u faanayo ka kale ee uu ku leeyahay aniga ayaa kaa maal iyo sharaf badan ka kalena u caqli celinaayo ) tan marka ay fahmeen siyaasiinta reer galbeedku waa habka ay ku hogaamiyeen nolosha ummadahooda ku caan baxay ( Wax-soosaarka Cuntada, Caanaha iyo Cadka ) markay Baahidoodii dabooleen waxa ay habkan xoolo-dhaqato Beeraleynimda ah ku hanteen in wax-soosaarkooda u dhoofiyaan dunida inteeda kale oo ay dhabada cagta saareen dariiqa ( Kobaca dhaqaalaha ee qof-qof iyo guud ahaan wadamadooda ) habkan Xoolo Dhato Beeraleydu waxa uu qayb ka noqday furaha u sahley in jihaynta iyo tallada Dunida illaahay ka sokow iyagu gacanta ku dhigaan .
Xoolo Raacatada iyo Beeraleyda iyamaa Qiil iyo Garaabis leh ?
Jawaab degdeg ah waxa qiil buuxa leh Beeraleyda; tan waxa daliil u ah illaahay markii uu abuurey Nabi Aadam oo dhamaan Aadamuhu ka abb iyo isir qabo waxa uu illaahay dejiyey ( Janada ) janadu waa Beer wax walba oo la quuto yaalaan, maanta miyi iyo magaalo dunida meel ay tahayba Aadmiga ku nooli waxa uu ku noolyahay cunto ka baxday asalkeedu Beer kadina la warshadeeyey, Xoolaha la raacdaa waxa ay ka mid yihiin cuntada Aadmigu quuto Xoolaha laftooda ayaa u baahan Beer looga Beero calafka ay quutan karaan sanadka oo idil, si ay meesha ugu baxdo erayga fool xumada iyo waji gabaxa ba’an dalkeena iyo dadkeena ku ah ee ( abaar, abaar, abaar baa dhacday lagu af-balaadhiyo !! abaar macnaheedu wax kale maaha kaliya waa la’aanta Biyo , Baad Xooluhu quutaan iyo Bur Dadku cuno ) hadii aad maqasho bulsho ku celcelinaysa abaar baa dhacday oo gargaar in naloo fidiyo ayaan dooneynaa waa ummad ku nool qorshe la’aan oo habow iyo baadi ah oo aan ka duwaneyn Xoolaha ay raacaan, mararka qaarna waxa aad is-odhaneysaa dawladeena iyo dadkeena oo aan anigu ku jiro waxaba dhaama qorshe iyo ku tallo-gal ahaan Xayawaanka yar-yar ee ay ka mid yihiin ( jiri-qaaga, Raha, Diin ceelaadka iyo badi xasharaadka roob la dhacda ah iyo in badan oo aynaan badi aqoon intaba ) waayo dhamaantood waxa ay leeyihiin qorshe nololeed miisaaman oo ku sar-go’an mudo roobaadka in ay tabcadaan, kaydsadaan miisaaniyada ku baxaysan jiritaanka noloshooda kaasi oo ku af-dhamaada saban wareega xilliga saxansaxad laydhu soo dhacdo iyo dhibica roobka u horeeya oo ay dhamaantood soo dareeraan oo la arko iyagoon aheyn wax markaa dhashey balse ah noole intooda ku waaweyn oo muuqda oo ka soo dareeray carada hoosteeda.
Gunaanad iyo Gabo-gabo:
Waxa muuqata oo dhab ah dalkeena in kabadan 97% 3da wakhti cunto-cun ee aynu leenahay dhamaantood waa wax-soosaar ummado kale iyo meelo kale la inooga soo dhoofiyo !! waa xaqiiqo aan indhaha laga qarsan Karin balse ummad ahaan dhamaanteen waji gabax weyn inagu ah, hadii bad-xidhan dhaco ama dunida ka qarxaan dagaalo dhawan ba la filaayo garan maayo dalkeena iyo dadkeenu waxa uu miciinsandoono nolol iyo quudashadeed illaahay ka sokow !! si dalkeenu u sameeyo wax lagu tilmaami karo horumar ha dhiiri galiso dawladu wax-soosaarka tacabka Beeraha iyo Beerashada, si loo yareeyo saboolnimda, shaqo la’aanta iyo cunto yarida; waayo ilbaxnimadii xadaarada dunida soo marey ee xataa quraanka ku jira xadaaradahooda waxa saldhig u ahaa tacabka Beeraha oo ay horumar weyn ka gaadheen, si lamid ah kacaankii warshadaha waxa ka horeeyey kacaankii Beeraha, waayo warshaduhu badi waxa ay farsameeyaan wax-soosaarka Beeraha; waxa aan si gaara dawlada ugu dhiiri galinayaa ( in hab dhaqanka raacatada Xoolaha ee rafaadsan lagu badalo Xoolo Dhaqato Beeraley cilmi ku dhisan oo neefka iyo nafta raacaysaba la nasiyo ) oo ah habka kaliya ee dalkan iyo dadkan noloshooda maanta iyo mustaqbalkaba lagu bad-baadin karo , ahna furaha horumarka cid waliba ku riyoonayso, waa habka kaliya ee hadii dunida bad xidhan iyo dagaalo ka dhacaan aad loo saadalinaayo dalka iyo dadkuba ku baxsan karaan.
Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts
2/17/2019
Wasiirka beeraha Somaliland oo u jawaabay madaxweynaha maamulka Puntland
Ku qosle kabtan kufay Abwaan Abees Vs Somaliland
KU QOSLE KABTAN KUFEY! Yaab iyo Amakaag!!, Somaliland waxay noqotey, Meel aan cadaalad ka jirin, Xaalku waa MISKIIN BAA MISKO LA FUULO LEH, Xeer ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex , muddo dheer kadib, oo uu Cadaalad darro u xidhan yahay ABWAAN ABEES, waxay la shir yimaadeen, Gabay uu Curiyey Abwaanku, Xeer ilaa KU QOSLE KABTAN KUFEY ! Xeer ilaaliyuhu waxuu sheegay, in Xukuumadda, Kulmiye ee taladda Dalka haysaa , ay Dhibane ka tahay. Gabayga ABWAAAN ABEES. Xoriyaddda Haddalka distoorka ayaa, siiyey qofkasta oo Shacab ah, Taloow distoorkii Somaliland goormuu Dembi , Noqdey???. waxaynu ognahay xukunka xaqdaradda ah, ee ku dhacay wargeyska FOORE. waxa lagu haystaa waa xoriyadda Haddalka. Yaab! Gabayga Abwaan ABEES uu ka tiriyey 28/12/2018 Hotel Maansoor, waa Gabay toosin ah, Nuxurkiisuna ahaa, waddankeena cadaaaladdiisa, aynu hagaajino, Khaldkeena aan wadda saxno, Runtii Abwaanku BIlad sharaf halkii laga siin lahaa, in xadhig xaqdarro ah lagu rido, waa cadaaladdii Somaliland oo GOD Madow lagu ridey. Wasiirka Warfaafinta ,Dhaqanka, wacyigelinta . wasiir BARWAAQO; wasiirku buug la magac baxay Sooyaal. ayuu qorey, Cay aflagaado ka dhan ah, haweeka ayuu ku xardhey. wixii laga xishoon jirey, ayuu buug ku qorey, Cabasho baddan oo ka dhan ah, ayaa madaxweynaha loo Gudbiyey , kor iyo hoos waa loogu sheegey, Golaha guurtidda ayaa Guddi u saartey, waxa la yidhi bugaas ha la gubo. Dhaqan xumadda ninkaa buugta ku qoraa, waa wasiirkii Dhaqanka, Markale wasiirka waxaa laga hayaa, hadalo dhiif leh, oo shacabka lagu kala qaybinayo : WAXAA LOO KALA BAXAYAA SOMALILAND IYO SOMALILAND-DIID, waana wasiirkii Wacyigelinta ee hadda ogaadda. Yaaab!!! yaa Denbiile ah, ABEES iyo BARWAAQO ??????. Waddanka waxaa Ka jirta, xaalad biyo la,aan , waa Jiilaal, dadkii barkacayaaasha , xaalkooda waa laga deyrinayaaa. Dawladdu waxay inoo sheegtey in dad milyan kor u dhaafaya , xaalkoodu yahay macluul. marka ay sidaa tahay. Wargeyska FOORE waxaa lagu haystaa, Faallo uu ka qorey. waa xoriyaddii haddalka, Maanta ma aha goor qasri cusub laga dhisto xaraf!!!, baahidda kale ayaa ka baddan GURYO la dhista. arinta FOORE xukunka xaqdarradda ah loogu ridey waa intaa…… Yaaab!!!
Kayse Kaahin
keysekahin@gmail.com
Suldaan si adag uga hadlay badda ay ku muransan yihiin Somalia & Kenya+Mudaharaad ka dhana Shirkada DP Wolrd oo uu ku baaqay
Mawqifka & War-murtiyeedyo Mucaaradka Somalia ka soo saareen Xiisada ka dhex aloosan Somalia & Kenya


Muqaal Xasaasiya:Muuse Biixi & Farmaajo Halkay iskala qaadeen,Daawo Bulxanka iyo Yulqanka ka yeedhay Muuse Biixi
Faallo Daynta xukumadda Muuse Biixi la wareegtay
Been fakatay mise run “in Xukuumadda Muuse la wareegtay” $80 Milyan oo dayn ah?Faallo. Saleban Kalshaale
Badheedhihii Xildhibaan Buubaa + Baxaa-degga Wasiir Sacad + Jahawareerka Bulshada iyo seef la boodnimada Mucaaridka, midkee baaqi ku noqon doona Quluubta Shacbiga…?
goormaa lala xisaabtami doonaa Xildhibaanka ama Xukuumadda midka qaranka ku xad-gudbay?
W/Q: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
Tafaftiraha Gobanimonews
Hargeysa/Somaliland
Email: editor@gobanimonews.com
Hargeysa(GNA)-Dad badan oo aqoon u leh arrimaha Dhaqaaluhu waxay isweydiinayaan goorta si dhab ah loo arkayo heerka kor u kac Dhaqaale oo lagu tuhmayo Xukuumadda Muuse inay ku abuurtay, waxaanay aaminsan yihiin in Dakhli badani u uruuray Dawladda muddo sanad iyo badh gaadhaysa, maadaama Madaxweynuhu markii uu talada la wareegay uu dhimay kharashaadkii badnaa ee ay Xukuumaddu isticmaali jirtay, miisaaniyadii 2018-kuna ay ahayd mid tashiil iyo gunti-giijis ku dhisan oo aan Mud iyo dheecaan badan lahayn.
Su’aallo badan oo la xidhiidha Dakhliga ku jira Qasnadaha dawladda, ayaa maskaxda dadka abla-ableeya Dhaqaalaha ka dhex guuxaya, waxaanay taasi hubaanti ka dhigaysaa jiritaanka in ay Dawladdu kaydisay lacag badan muddadaas , taasina sabab u noqotay hoos u dhac ku yimi wareega dhaqan-dhaqaale ee dalka iyo nololsha caadiga ah.
Hase ahaatee, xilli sidaa loogu dheg-taagayo wakhtiga Xukuumaddu soo bandhigayso qorsheyaal horumarineed oo ay ku maal-gelinayso Kharashaadka isticmaalkooda la joojiyey ee Khasnadaha Dawladda buuxiyey, ayaa waxa mar qudha dhegaha Bulshada ku soo duulay hadal uu jeediyey Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada, kaasoo si walaac ku jiro u beyaamiyey inay Xukuumaddu la daalaa-dhacayso Lacag Deyn ah oo uu qadarkeeda ku sheegay $80 Milyan oo dollar ($80,000,000), waxaana xildhibaanka warkani ka soo baxay, iyadoo uu barbar taagan yahay Wasiirka Horumarinta Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire oo ay Shir ka soo wada baxeen Xildhibaanka oo kamida Guddi-hoosaadka daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada.
Wasiir Sacad iyo Xildhibaan Buubaa keebaa run sheeg ah?
Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah Xildhibaanka sheegay deynta Xukuumadda lagu leeyahay, si waafi ah uma faahfaahin sida xukuumadda loogu yeeshay lacagta deynta ah, noocyada ama qaybaha ay ka kooban tahay, waxa ay ku iibsatay iyo wakhtiga ay gashay, hase ahaatee waxa uu si kalsooni badani ka muuqato u yidhi “Inyar haddii aan hoos ugu daadego (waxyaabihii aanu wasiirka ka wada hadalnay), in xukuumadda maanta joogtaa ay deyn dhan $80 Milyan oo dollar ($80,000,000) kala wareegtay xukuumaddii hore, iyadoo la inoo sheegay siyaasiyan markii laga hadlayey xil-wareejintii inaanay xukuumaddii hore wax deyn ah ka tegin, laakiinse ay xukuumaddu iminka la il-daran tahay deyntaas oo culays badan ku hayso”.
Wasiir Sacad oo ah Masuul labadii xukuumaddood ee Kulmiye la soo shaqeeyey, una dhuun-daloolla dhinac walba, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha iyo maamulka Miisaaniyadaha, maadaama uu kamid yahay Wasiirradii ugu aqoonta badan labada xukuumaddood-ba, wax jawaaba kama bixin warka xildhibaanku ka dhawaajiyey ee dhegaha bulshada sida onkodka roobka u gilgilay, waxaanu isagoo aad moodo inuu la dhacsan yahay sheegmada warkaas, dhoola-cadeynayana uu yidhi “Deynta Dawladda lagu leeyahay wax cusub maaha. Dawlad aan deyn geline ma jirto waayo? Dakhliga iyo baahida ayaa had iyo jeeraale kala badan, Xisaab-xidh kasta oo baarlamanka loo soo gudbiyo way ku jirtaa deyn, anianigu maan joogin sanadkii 2017-kii Wasaarada oo laba bilood ayaan joogaa, waxaan balanqaaday in miisaaniyada loo maamulo sida sharcigu dhigayo ayaan balanqaaday” ayuu yidhi.
Shaki iyo shoog ku dhacay bulshada
Hadalka ka soo baxay Xildhibaanka ayaa markii Warbaahinta ka baxay Af kala-qaad iyo yaab ku abuuray Bulshada Somaliland, waxaana ka dhashay dood iyo dareen taageerayaasha Xukuumadda iyo Mucaaridkuba si’ isku dhow u saameeyey oo waydiimo iyo walaac hor leh abuuray, iyadoo su’aallaha shacbiga dhex maaxay ay noqdeen:-
Sababta ay Xukuumaddu u qarisay deyntan markii hore ee loo sheegi waayey?
Maxaa loo caddeyn waayey qaabka loogu yeeshay deynta intaa le’eeg Xukuumadda tan iminka joogta iyo dawladdii hore?
Iyadoo Su’aallahaas iyo kuwo kaleba mujtamaca dhexdiisa ka oogmeen saacado kaddib markii warku dibada u soo baxayba, taageerayaasha Xisbiga Kulmiye-na niyad jab ka qaadeen arrintaas, una muuqato arrin khiyaamo ah, haddii siyaasad ahaan loo qariyeyna ay u arkeen inay Xukuumadda ku tahay “waxaad qarsataaba way ku qarsadaan”, ayaa Wasiir Sacad maalin kaddib shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa wuxuu sheegay in aan haba-yaraatee wax deyn ah Xukuumaddu kala wareegin Dawladdii hore, iyadoo ka hor intaanu maalin kaddib hadlin Wasiirkii hore ee Maaliyada Xukuumaddii Siilaanyo Marwo Samsam Cabdi Aadan ay liishaanka u daruurtay jiritaanka lacag deyn ah oo ay Xukuuamdda Muuse ku wareejisay. Waxa ay sheegtay in iska daa Lacag dayn ahe ay xilka wareejisay iyadoo khasnada Xukuumadda lacagi ku jirto.
Ex-Wasiir Samsam oo la waraystay isla maalinta warka lacagta daynta ahi soo baxay, ayaa hadalkeedu hoos u dhigay dareenka laga qaaday daynta Xildhibaan Buubaa Sheegay, waxaana Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye si weyn uga cadhoodeen laba Afleynta Wasiirka Wasaarada horumarinta Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, kaasoo lagu canaantay sababta uu uga aamusay arrintaasi markii uu dhinac taagnaa xildhibaanka, lana liqi waayey beeninta dayntaasi ee uu Warbaahinta kula wadaagay Shacbiga maalin kaddib markii ay sheekadu soo ifbaxday isagoo goob-joog ah.
Inkasta oo ay siyaabo kala duwan u arkeen ficilka hore iyo fal-celinta dambe ee Wasiir Sacad , falanqeeyayaasha Siyaasadda Somaliland, haddana waxa jira qodob ay ku mideysan yihiin oo ah in uu lumiyey fursad uu Xukuumadda kaga difaaci lahaa lacagta daynta ah ee lagu faddeexadeeyey, waxa kale oo saluug laga muujiyey qaabka maalin kaddib uu uga hadlay arrintaasi oo aan lafteedu si waafiya u deeqin Bulshada, iyadoo aanay wali jawaabtaasi iyo kuwo kale oo arrinka daynta laga yidhi wadada ka duwin jahawareerka ka taagan lacagta daynta ah.
Miisaaniyadaha Dawladda maxaa looga waayey Daynta xaddigaas ah?
Marka arrimahaasoo dhan laga yimaado ee lagu soo dhawaado jiritaanka dayn xadigeedu boqol Milyan ku dhawaad yahay oo Xukuumadda Muuse la wareegtay ama iyadaba lagu yeeshay muddada ay talada haysay, waa arrin laf-dhuun-gashay ku ah caqliga iyo garaadka Shacbiga, oo aan wali tibaaxdeeda iyo tuhunkeedu dhinacna u dhaafsiisnayn Carrabka iyo dibnaha Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, haddii ay jirtana u baahan inay waadixiso cidda xogteedu ka soo baxday ama xaqiiqdeeda ka dheregsani.
Sababtoo ah? miisaaniyada Dawladda ee saddexdii sannadood ee u dambeeyey kama muuqato dayn miisaankaa leh oo qoondo iyo qorshe kale toona loogu daray, waxase jira Kharashaad xilliga kala wareega Miisaaniyadaha dayn ahaan loo diwaan-geliyo oo ah Biilasha ku soo beegma xilliga kala-guurka ah, taasoo loo yaqaanno biilasha taagan.
Deynta noocaas ah, waxa ugu badnaa sida ka muuqata Miisaaniyada 2019-2020 oo ay ku jirto dayn dhan 62,700,000,000Shls oo ka soo wareegtay miisaaniyadii 2018-ka, taasoo u dhiganta marka dollar loo bedelo $6,397,900, waxaana looga qoondeeyey Odoroska Miisaaniyada 2019-ka 3% oo loo jaray. sanadihii ka horeeyey daymaha taagan ee noocan ahi aadbay uga yaraayeen xaddiga sanadkan la socda miisaaniyada sababtu siday doontaba ha noqotee.
Shaxda Kharashka Miisaaniyada 2019-ka oo la soo koobay
Noocyada Kharashka Miisaaniyada
Faahfaahin
Sanadka 2019
Percentage
Kharashka Shaqaalaha
890,685,828,465
49%
Kharashka Hawl-socodsiinta
368,842,270,650
28%
20%
Deymaha
62,700,000,000
3%
Total
1,823,975,720,000
100%
Halkee ayey sirtu ka xidhiidhsami la’dahay
Ceeb maaha dawladdu inay dayn qaadato ama ay bixisaa, balse waxa muhiima inay nidaam sharci ah u marto bixinta iyo qaadashadaba, kuna caddeysaa dhiganeyaasha dhaqaalaha dawliga ah. Waxa kale oo daruuri ah inay Golaha Xeer-dejinta la soo mariyo qaadashada daymaha waaweyn ee Xukuumaddu u baahato iyo dalabka kharashaadka aan ku talo-galka ahayn ee uu culayskoodu saameynayo dakhliga Miisaaniyada ku jira, si uu goluhu u qiimeeyo, uguna jaan-gooyo sababta loogu baahday iyo wakhtiga lagu bixin karo.
Waxa kale oo iyaduna ah arrin iska cad in aanay Dhaqaalaha Dawladda ku dhex dhuuman Karin ama lagu qarin Karin dayn xadigeedu gaadhsiisan yahay 80 Milyan oo dollar oo ku dhow kala-badh Miisaaniyada Qaranka ee ay dawladdu maamusho.
Marka ay sidaa tahay, arrintani maaha mid inta si fudud bulshada loogu soo dhex-tuuray laga gudbi karo’e waa qadiyad u baahan in si waadax ah shacbiga looga qanciyo, dambigeedana lagu ciqaabo cidda yeelata masuuliyada.
Maxaa la gudboon Labada dhinac
Xukuumadda Madaxweyne Muuse, inkastoo ay is-difaacday oo ay caddeysay in aanay wax dayn ah la wareegin, haddana wali xaalkeedu wuxuu ka dhigan yahay “falaadhi gil-gilasho kaagama ba’do, waxaana falaadha ku taagan fursad siiyey Wasiirka Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire oo si ay ka noqotayba habka uu ula tacaamulay arrintani dhaawac weyn u geysatay Kalsoonidii iyo sumcadii uu Shacbiga dhexdiisa ku lahaa.
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa iyo Guddida Golaha Wakiillada ee daba-galka Hantida Qaranka, waxa iyagana looga fadhiyaa inay si hufan shacbiga ugu beyaamiyaan lacagta daynta ah ee ay Xukuumaddii hore ku xidhiidhiyeen, una cadeeyaan qaabka ay ku timi, sida loogu tasarufay iyo sababta loo qariyey, haddii aanay caddeymo u haynin oo warkoodu tuhun iyo wax isu-geyn-geyn ku salaysan yahay-na, waa inay Kalsoonida shacbiga ee ay dhaawaceen dib u dhayaan, una dhabarka ritaan dhibaato kasta oo ay arrintaasi qaranka u geysato.
Haddii labadan qodob midna suurto-geli waayo, waxa ay masuuliyadu saaran tahay Golaha Wakiillada oo loo baahan yahay inay Wasiirka Maaliyada ugu yeedhaan fadhi loo dhan yahay, kana waydiiyaan Su’aallo dayntaasi ama marka hore inta ay guddi xaqiiqo raadin ah u saaraan baadhis ku sameeyaan arrintaasi.
Baadhis dhamaystiran, kaddib haddii ay soo baxdo dayntaasi waxa Hay’addaha awoodda u leh la gudboon inay Khiyaamo Qaran ku qaadaan madaxda ku lug yeellata ee Kiiskaasi ku cadaado, haddii ay waxba kama jiraan noqoto, dayntuna waa in Golaha iyo Hay’addaha amniguba talaabo ka qaadaan Xildhibaanka warkani ka soo baxay, lana mariyo waxa ay xeerarka dasruurka iyo xeer-hoosaadka Goluhu ka qabaan xildhibaan si ula kas ah u abuuray war Qaranka danihiisa iyo dawladnimadiisa dhaawacaya.
Sababtoo, arrintani waxay shaki weyn gelisay bad-qabka Dhaqaalaha Dawladda, xasiloonida dawladnimada iyo Mustaqbalka Qaranka, iyadoo geesta kalena abuurtay walaac soo food-saaray Shirkaddaha dawladda wax ka iibiya, Shacbiga waxqabadka ka sugaya iyo qof kasta oo lexejeclo ka leh Dalka.
Waxa kale oo warkani shaki gelin karaa Dawladdaha caalamka ee Somaliland ka caawiya horumarinta iyo kuwa mucaamilooyinka Ganacsi ka dhexeeyo.
Ugu dambeyn, waxaan isweydiin mudan Badheedhihii Xildhibaan Buubaa, Baxaa-degga Wasiir Sacad, Jahawareerka Bulshada iyo seef la boodnimada Mucaaridka, midka baaqi ku noqon doona Quluubta Shacbiga? Iyo goorta si xaqiiqada ku salaysan looga xisaabtami doono arrinta si dadweynaha looga dejiyo xumadda ay sababtay ee wali ku muddan
Saleebaan Cabdi Cali
curad1986@hotmail.com
Balaadhintii Dekeda Berbera iyo dhamaan Mashaariicdii ku lifaaqnaa oo wada fashil ah iyo DPW oo ku masquulsan dhismaha Saldhiga.
Markeynu ufiirsano nuxurka ku duugan nuqulkii heshiiskii DPW iyo JSL wada galeen 9/5/2016 – “Term Sheets ” in respect of the Concession agreements”.
Waxaa isfahanka Heshiiska qaybtiisa kowaad ee “Memorandum Of Understand ” uu cadeynayaa in mudnaanta kowaad la siin doono Mashaariicda horumarinta bulshada , kuwaas oo laga ilduufay qalinkana lagu xaday oo hada xukuumadu sheegtay in ay iska ahaayeen balan qaad. Mashaariicda horumarinta ee la isla fahmay waxaa ka mid ahaa: Mashruuca Beeraha,Kaluunka, Dhoofka xoolaha, Shaqo abuurka dhalinyarada, horumarinta Dalxiiska, dhismaha Wadadda Berbera Corridor, Dhismaha Keydka haamaha Shidaalka ee Berbera , horumarinta Caafimaadka, Waxbrashada iyo Casriyeynta korontada magaalada Berbera. Waxa ku cad nuqulka isfahanka in heshiiskii labada garab ee Xukuumadii hore ee Somaliland iyo Shirkada DPW isla qaateen uu qeexayey in balaadhinta Dekeda Berbera lagu bilaabi doono laguna dhisi doono mudo sanad gudihiis ah taa soo dhismuhu ku saleysnaan doono sadexdan weji ee hoose oo kala ah:
1- Phase 0 Waxaa la keeni doona Dekeda Berbera 3 Wiish oo Alaabta dejiya (3 Mobile Cranes) 5 Wiish oo raseeyayaal ah (5 reach stackers) 3 Tareele oo containarada qaada (3 empty carriers) New Security system oo dekedu ku shaqeyn doonto oo ku qalabeysan cilmiga tiknolajiyada cusub ee kumbuyuutarka ah.
Wejigani wuxuu ku kacayaa lacag gaadhaysa $62 Million oo Dollar. ilaa iyo hada DPW lagama hayo fulinta wejigan in kasta oo qalab yar oo baali ah ay Dekedooda Jabal Ali ka soo xawawariyeen qalabkaasina uma dhawa umana dhigmo wixii lagu heshiiyey .Waxaa looga fadhiyaa shirkada DPW qalab qiimihiisu yahay $62 million doolar oo dalka dhaxal unoqda.
2- Phase 1 Wejigan wuxuu leeyahay waxaa Dekedii hore lagu kordhinayaa Deked yar oo cusub oo 400m iyo 25 yard ah oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab. Waxaa kale oo wejigan la socda ayey leeyihiin in la keenaayo Dekeda Berbera 7 Wiish oo ah kuwa casriga ah ee qaada isla markaana raseeya kontaynarada (7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejigani lagu maalgelin doonaa lacag gaadhaysa ilaa $170 Million oo Dollar. Wejigan ilaa hada lama bilaabin waxaana ay DPW jebiyeen waqtigii lagu heshiiyey in lagu bilaabo wejigan oo sanad ka hor aheyd.
3- Phase 2 Wuxuu qeexayaa in wejigan hirgelintiisu ay ku xidhan tahay mar kasta sida ay u shaqeeyaan Phase 0 iyo Phase 1, Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo 75% ay markaa hirgelinayaan Phase 2, Taa soo Dekeda lagu sii kordhinaayo 400m Quay and 25yrd kale oo noqonaysa barxad kale oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab oo kale. Qiimaha wejigan 2-aad lagu Maalgelinaayo ayaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $10 Million Dollar.
Isku darka lacagtaa maalgelinta ah ee loo qoondeeyey Balaadhinta Dekeda Berbera ee ku saleysan Sadexdaa weji ee sare ayaa isku noqonaysa $242 Million oo doolar. Taas oo noqonaysa lacag aad u yar marka loo eego lacagta ay Dekeda Berberi u soo xareyn jirtay Qaranka Somaliland sanad kasta.
Mudadaa 2-da sanadood ah ee Shirkada DPWorld Dekeda Berbera maamulaysay waxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo ay ka mid ahaayeen kuwan hoose:
1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro.
2- In Deked cusub oo 800 mitir ah, la kala dhisto laba jeer oo min 400 mitir ah.
3- In Wadada Rajada ee Berbera Corridor la dhisto waa ( Wadadda isku xidhidha Berbera iyo Wajaale ) oo aan weli la sheegin waqtiga la dhisi doono.
4- In Madaar Madani ah Berbera laga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufada imaaraatigu.
5- In ay dalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo heshiiska ku jirtay ku waas oo arimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, Dalxiiska, Beeraha , biyaha iyo waxbarashada
6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah oo ah Suuq balaadhan oo alaabooyinka dalka gudihiisa iyo debediisa tegaaya lagu kala qaybiyo ( free zone )
7- In ay dhalinyarada aqoon yahanka Somaliland Imaaraatka u shaqo tagaan iyaga oo baasaabooradooda Somaliland isticmaalaya. Dhamaan mashaariicdaasi waxay noqdeen mashaariic male-awaal ah oo cilmi feleg ah oo aan markii horeba wadan halbeeg lagu cabiro, qiime sugan iyo waqtiga ay bilaabmayaan iyo waqtiga ay dhamaanayaan midana, ilaa iyo hadana waxba kama fulin oo waabay dafirsan yihiin qaar ka mid ah mashaariicdaas sida dhamaan mashaariicda horumarinta arimaha bulshada oo ay ku leeyihiim heshiiska kumay jirine balanqaad bay ahaayeen.
Waxaa kaaga sii daran arinta sare Khiyaamooyinka maalkii shacabka Soomaaliland lagu sameeyey maadaama mar kasta Raadaarka iyo caqiidada Siyaasadeed ee xukumada kulmiye aanay dhaafsiisneyn duleedka iyo qaado aan qaatee, kula lihi iyo kaa lihi, Boowe ! bal kawarama :
1- Kiradii Saldhiga Ciidamada Berbera oo jeeb khaldan ku dhacday, ummadana loogu sheekeeyey mashariic baynu dhaafsanay ! Mashaariicdee dee ??
2- Kiradii Dekeda Berbera oo Sanado badan la sii qadintay oo aan ku dhicin khasnada dawlada. Maxaa miisaaniyada qaranka loogu dari waayey? ” Timir lafbaa ku jirta “.
3- Saamiga JSL ee DPW ee Dekeda oo ah 30% oo aan ku dhicin khasnada dawlada laakiin la isku raacay in ay ku dhacdo shirkada Somaliland investment Company oo ah Xisaab-socod qarsoon oo khatartiisa leh.
Waxaa Xukuumadu carabkeeda ummadda ugu celcelisay kuna canqarisay sanadadii la soo dhaafay oo dhan in Balaadhinta Dekeda Berbera laba bilood gudahood lagu dhisi doono, lamana dhisin ilaa iyo maantana waxba kama soo naaso cada oo dalkii wuu dhacan yahay oo dulmi ayuu ku jiraa. Waxaa la wada ogyahay in dawlada imaaraatigu ay itoobiya ku maalgeliso lacago faro badan oo gaadhaya $3.Billion doolar halka ay inaga inoo quudhi la yihiin lacagtaa yar ee ay ku balan qaadeen inay Dekeda Berbera ku maalgelinayaan. Khatarta Dahsoon ee Somaliland hada ku iman kartaa waxaa weeye in ay Ciidamadooda soo dejiyaan Saldhiga Berbera dhawaan kadibna shacabka Somaliland ay ku cabudhiyaan.
Fiiro Gaar ah : Kadib markuu aqoon yahanka Somaliland sameeyeen cilmi baadhis cokan waxay isku raaceen in heshiiskani khatar ku yahay Qowmiyada iyo qaranimada Somaliland. Waxaana la ogaaday in Shirkada DPW hore heshiisyo badan u jebisay uguna fashilan tahay oo ay qalabkeedii ka furatay Dekedo badan oo Caalamka ah. sida Dekeda Jabouti, Dekeda Cadan, Dekeda Lebanon iyo Dekeda Senegal, Deked Maleysia ku taala, Deked indonisia ku taal, iyo Deked Mareykanka ku taala.
Anigu Daaha kama Rogin ee Dadkuna Wuu arkaayaa ! Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu geygeyso !!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive Advisor ED BD PA
United Kingdom
London
Siyaasi Kulmiye & Beesha Burco-bari ka soo jeeda oo shaaciyey inaaney Beel ahaan hayn doorkan Musharax u tartama Gudoomiyenimada kulmiye
Beel sida Fiinta uga qalisay Ciidan Hubaysan & Tikniko Wasiirka Daakhiliga Somaliland Kornayl Max’ed Kaahin geliyey,Muuse Biixina…
Madaxweynaha Uganda Musevini oo wiilkiisa u magaacaabay Xil aad u sareeya
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa wilkiisa u magacaabay xilka labaad ee ugu sarreeyo militariga dalkaasi.
Janaraal Kainerugaba Muhoozi ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay qofka baddali doono aabihiis Yoweri Museven oo 81 jir ah balse waxaa uu beeniyay inuu damacsan yahay inuu siyaasadda ku biro.
Lixdii sano ee ugu dambeeysay,Janaraal Muhoozi waxaa la dalacsiiyay ilaa saddex jeer, hadda waxaa loo magacaabay ninka labaad ee ugu sarreeyo militariga Uganda, waxaa hadda ka sarreeyaa oo kaliya ah aabihiis Yoweri Museveni oo ah madaxa ciidammada qalabka sida.
Tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaa uu ahaa la taliyaha madaxweynaha dhanka howlgalada gaarka ah.
Waxaa sidoo kale xilalka la dalacsiiyay in ka badan 2,000 sarkaal oo ka ag dhaw janaraal Muhoozi.
Ganacsatada Qaadka oo ku dhawaaqay in ay joojiyeen qaadkii ay ka keeni jireen Kenya

Ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka ka ganacsada ayaa maanta magaalada Muqdisho waxa ay kaga dhawaaqeen in ay joojiyeen qaadkii ay ka keeni jireen dalka Kenya, sababo la xidhiidha khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Kenya.
Guddiga ganacsatada qaadka ayaa sheegay in qaadkii ay ka keeni jireen dalka Kenya ay iminka u wareejiyeen dalka Itoobiya, haatan wixii ka dambeeyana ganacsiga qaadka uu halkaas u wareegay.
Go’aanka ganacsatada ayaa aad looga war dhowrayay maalmihii la soo dhaafay.
Guddoomiyaha ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka Qooje Maxamuud ayaa shaaciyay in iyaga oo la safan dowladooda ay joojiyeen qaadka ,islamarkaana ay taageersan yihiin difaacidda dhulka iyo badda Soomaaliya.
Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda Kenya dhawaan ay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya, lana baxday safiirkeedii joogay magalada Muqdisho halka kii Soomaaliya u joogay dalkaasina dib u soo celisay.
Waxaa isa soo taraya muranka xuduud badeedka ee u dhaxeeya labada dal kaas oo sii xoogeystay markii Soomaaliya shirkadihii shidaal-sahminta ka sameeyay Soomaaliya ay shir kula yeelatay London si ay ugu soo bandhigaan baaritaanadii ay sameeyeen iyo meelaha uu ku jiro shidaalka.
Ilkaha dabarka leh ayaa idilay!
Ilkaha dabarka leh ayaa idilay!
Qoomiyadaha aduunka ku dhaqan qolo waliba waxay leedahay waxyaabo iyaga u gaar ah oo dhexdooda ay aad u qadariyaan Una qiimeeyaan, oo ay ka dhigtaan astaan quruxda ka qayb ah.
Hadaba Soomaalidu waxay aad u xiiseeyaan oo Qayb quruxda ka mid ah ka dhigaan ilkaha dabarka leh rag iyo haweenba,
Ilkahaa dabarka leh inkastoo deegaamo badan oo Soomaalidu degto dadka ku dhaqan laga helo hadana deegaamo ayaa aad ugu badan yihiin dadka ilkaha dabarka lihi sida deegaamada Togdheer, Saaxil, Sool iyo Sanaag ee Somaliland Taas oo mujtamaca ku nool deegaamada ay Qayb tiro laxaad leh oo bulshada ka mid ahi ay Dabar leeyihiin.
Hadaba horta dabarku waa maxay? Maxaa se keena?
Sidda culimada saynisku sheegaan Dabarku waa midab dheeha ilkaha ku samaysma, Taas oo ay keento maadada Falooraydh ‘fluoride ‘ marka ruuxu cabo biyo ay ku badantahay maadadaa falooraydhku.
Waa maxay Falooraydhku ‘fluoride’ ?
Falooraydh-ku waa maado ku jirta lafaheena iyo ilkaheena, waxa siddoo kale si dabiici ah laga helaa oo ay ku jirtaa Biyaha, Carada, DHirta, DHagaxaanta iyo Hawadaba.
Falooraydh-ku waxtar iyo waxyeelo labadaba wey leedahay,
Wax-Tarka falooraydhka Waxa kamida in ay ilkaha adkayso kana ilaaliso suuska sidoo kale ay dib u kab ilkaha ku samayso, sidaa laajigeed wadamo badan oo maraykanku ku jiro biyaha caadiga ah ee qasabada magaalooyinka ayaa loogu daraa in qiyaasan si dadweynuhu wax tar uga helo siddoo kale dawada lagu Cadaydo iyo ta lagu luqluqdoba waa lagu daraa oo waxtar bay uleedahay fayo-dhowrka afka.
Wax-yeelada Falooraydhka Waxa kamida in marka uu ruuxu cabo biyo ay xadi badan oo Falooraydh ku jirto ay ilkuhu dabar yeeshaan oo Sidda culimada saynisku sheegaan in ay ilkihii si sahlan u falfaliidhmaan ama u burburaan, siddoo kale ay lafaha qudhooda waxyeelo u keeni karaan, waxa afka qalaad lagu yidhaa (skeletal fluorosis) sida lafaha oo aan sax u korin ama qaloocsama Sidda kuwa lugaha oo Wagdo noqda.
Hadaba Dabarku wuxuu ku dhigaa dadka marka ay cabaan biyo ay Falooraydhku ku badantahay inta ay yaryihiin ee aanay ilko-dhacsan kohor Taas oo noqon karta biyo Falooraydhku ku badantahay inay toos u cabeen ama caano loogu qasay siddaa laajigeed markay ilko dhacsadaan usoo baxaan ilko dabar lahi, Hadaba deegaamo Somaliland ka mid ah ayaa ceelasha laga cabo ay ku badan yihiin maadada Falooraydh-ku Taas oo marka hore iyada oo maadadu biyaha ku jirto ayaa hadana laga yaabaa in dhaxaanta dhulka hoose kaga soo duxayso si saa’id ah siddaa awgeed inay sababto dadka ceelashaa biyahooda ku ababay inay yeeshaan ilko dabar leh oo qurxoon kuwaas oo dadka ku ababay deegaamada ceelashaa ka durugsan ee gobolada kale ee ilkaha cadcadi inay si ay u yeeshaan ilko dabar leh ay aysiidh iyo kaabsool ilkaha marsadaan si dabar u yeeshaan ama ilka-case ama ilko-cas loogu naanayso!!.
Se wax walba meeshiisuu mudnaan iyo magac kuleeyey, waatan qurbaha la galay wixii quruxda aynu u naqaanay waatii laysku qoonsaday oo Hablihii ilkaha dabarka dahabiga ah lahaa ee lagu dheegagi jiray iyo wiilashiiba markay qurbaha galeen ee waa maxay waxani? Layidhi halkay u sharixi lahaayeen intay afka gacanta ku dabooleen iga xoqa yidhi ee dabadeed markii quruxda wixii qoomiyad ahaan u ahaa ka qashaafeen ee ilkihii la xoqay ee loo cadeeyey ay qabow iyo kuleel xamili waayey iskadaa wax kaloo neeftii xamili waayey,ee hadana ilkaha ii dadaay ku waashay ee dahaadh faalso ah lagu dahaadhay afkii ilkaha dabarka lehaa ee aan laga ilbidhiqsan jirin ee lagu amaani jiray ee loogu soo hiran jiray ay wax foolal maroodi aad moodo kasoo jeesteen aan la eegi karin! Iyo af gacan lagu hayo uun, maxaa kugu dhacay markaad tidhaahdo waa ilkaha dabarka leh ayaa idilay!, se hubaal waa quruxdii dabarka ahayd adaa dilay ee maad deysatid ilkahaagii dahabka ahaa!.
Dabarkuu daa’in ku siiyey
Haku doorsan wax laga dido.
Fuad Fartaag
Fartaagmuwaadin@gmail.com
Kenya – Somalia Feuds
Wiil African ah oo laga soo tarxiilay Israil oo dalkiisii uu diiday
Layliga Shaqo Qaran Waa Midhaha ,Curdinka ah ee 9 Billood dabadeed u soo go,aya JSL iyo Ummadeed.
Layliga Shaqo Qaran Waa Midhaha ,Curdinka ah ee 9 Billood dabadeed u soo go,aya JSL iyo Ummadeed.
Marka ugu horeysa “Alle ayaa Mahad dhamateed u sugnaatay “.
Waa ku Hambalyeynayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Hindisa Layliga Qaranka ee Da,yarta Waxbarshada Heerka-sare ah dhamaysatay.
Waa Hindisaad u gaar noqonaysa Md Muuse Bixii Cabdi iyo Xukumadisa waanna wax kor u qaadaya Hanaanka iyo Dhisida Qaranka JSL waa na mid laga filaayo Md kasta oo Qaranka Hogaanksisa Qabta inuu la yimaado Hindise iyo Qorshayaal wax ku ool ah o wax ku soo kordhinaya siddii Qaranku hore ugu tallabsan laha ugunna bixi laha baahiya kala duwan ee uu la Nool yahay.
Waa ku ixtraamaynaa Md Muuse Bixii Cabdi iyo Xukumada Hindisaha Layliga Shaqo Qaran ee ay Aas aaska ka yihiin waan Halbawle yaasha u baahna in hore wax looga qabto balse alle iyaga ayuu ka dhigay kuwo garta isla markaan ku dhaqaaqa waxa aan leeyahay Alle Ha idinku guuleeyo.
Waxa aan ka rajayneynaa in la gaadho hadalka Da,yarta Dalka idil ahaanteed ba ku heli karto Layliga Qaranka mid wax-bartay iyo mid aan Barranba oo kaliya aanu (Layliga Qaranku) ku koobnaan inta fursada u heshay inay helaan Heerka-sare iyo ka Dhexe waxbardhada.
Sidda baahida guud ee Da,yartu waa ka weyn tahay inta Waxbaratay, qofka kasta oo Da,yarata ka mid ahina xaq iyo xaquuq ayuu u leeyahay inuu helo Layliga Qaranka ee loo layl yaayo qayb kasta oo waxtar u leh Dalkiisa iyo danta guud ee Shakhsiga.
Hindisaha cusub ee Xukumada muuse Bixii Cabdi Hogaamiyaha la timi waa mid aad iyo aad ugu muhiim ah Qaranka iyo Da,yarta dhinaca kasta oo aad ka eegto.
Layligan hadda intii ugu horeysay ay ila Shalay iyo Doraad ka kala soo ambabaxayeen Gobolada Dalka Da,yarta fa,iidooyin badan oo ila inta ay aduunyada noolyihiin wax weyn ka tari karra ayaa at ka hadlayaan xagga caafimaadka Barshada, Shurucada Dalka, Qarannimada iyo Wadanimadu waxay tahay, Isbarashada ay isbaranyaan Da,yarta mid koonfurta dalka ka yimi iyo Galbeed Bariga fog iyo Waqooyi.
Waxa iyaduna ku jirta fa,iidooyinka xagga Tabbabarka Qalbiyan ah oo aanay hore uga helin dhamaan Heerarka kala duwan ee Waxbarshada ay soo mareen ama ay dhamaysteen ta ugu weyn waxay tahay in Da,yarata dhamanteed mari doonan intii Diinteenu inagu waajibaysay ay ka mid tahay is-difaacida Shakhsiga ah iyo ta difaacida kale Dalkaga iyo meel kasto aad joogto Dagaalk kugu qabsado sidii aad bad-baadinta naftada isugu dayi lahayd iyo Ummada kale meel kugula sugan aad isugu dayi lahayd inaad bad-baadinta Alle ayaa wax bad-baadiye ee ay u gudan lahyeen wajiibka diiniga ah ee ku waajibay qof kasto oo Muslim gaar ahaan marka u yahay Nin dil-gaar ahi sii saaran yahay.
Inta waxa u sii raacaya wax badan oo Dalkooda, ayna ka war hayn bay soo ogaanayaan sidda baahiyo badan oo Qaranku la Nool yahay .
Hasa yeeshe Maanta ka dib ay noqonayaan inay wax ka ogyihiin nooc kasta oo baahiyeed kuwa wax ka mid ah waa ognahay si guud in Dalkeenu ku yaal dhul Xasarado badani ka jiraan sidoo kale Ummad ahaan ay fudud nahay inaynu kunna dhiiran nahay waxyaabo badan oo aan waajib ahayn inaynu u gacan haadino si yar oo fudud inta badan waxa dhibaatad ugu badan ka soo gaadha arimaha waa Da,yarta aan Aqoon dheeraad ah u lahayn Falalka kala gedisa ay ku kacaan ama ba ay ka qayb qaatan sababtuna ay tahay waayo aragnimo la,aan iyo Aqoon iyo garasho la,aan awgeed .
Marka halka ay Maanta ay u baqooleen ee Layliga Shaqo Qaran waxay ka soo barranayaa Aqoon waafi ah oo dhamaanba wax weyn ka tartan Nolashooda si digtoon iyo fejigan ay Barri uga war-qabayan wax ku waajibay iyo waxan ku waajib hasa ahaatee shalay dhici kartay inay si yar oo fudud ugu dhaqaaqan.
Fursadaha Shaqooyinka Qaranka ka banaanada.
Da,yarta Layliga Qaranka qaadanaysa waxa ay noqonayaan hadii Alle idmo kuwa ugu horeeya loo qaato Berri ka Maalin marka shaqooyinka ka soo baxaan qaybaha kala duwan ee Dawlada iyo kuwa kale gaar ka loo yahay ba .
Waxa furr,e u noqonaya meel kast iyo goob kasta uu Shaqo ka doono Layligan Qaranka ee uu soo dhamaysatay uma baahan doono Xildhibaan ,Oday,Suldaan, Iyo Wasiir ay isku qabiil yihiin waxa uu noqonaya qof walba mid damaanad qaaday Qarankiisu layliskiisa soo qaatay ama soo dhameysatay halka wax ka hirgalaya Kalsooni buuxda oo qof ka da,yarta ahi leeyahay iyo aamin buuxa oo aan shaki lahayn aannu hore u lahayn balse Maanta leeyahay.
Waxa aan mar labbada si kal iyo laab ah ugu Hambalyey nayaa dhamaan Da,yarta nasiibka u yeelatay inay noqdaan kuwii ugu horeyey ee lagu furro Layliga Shaqo Qaran Gobolka ay ka yimadeen Alle Ha idinka dhigo Layliga Qaranka ee aad noqonteen kuwii koobad kuwo ka soo baxa kana soo dhalaal sidda ay tahay ee Qarankeen baahida idinku qabo buuxiya dhamanba Kaalmaha kala duwan berri ka Maalin buuxiya aad hadda laydiin sii Tababaraayo.
Alle Ha idinka dhigo kuwii Aqoon,Waayo-aragnimo , Isbarasho guud oo idin dhexmarta horseeda.
Jamhuuriyada Somaliland Iyo Ummadeed Guul iyo Gobbo-nimo .
abokorm@hotmail.co.ukBolton
Bolton UK
Abokor I Mohamud
Alle mahad leh.
Madaxweyne Biixi oo bari u socdaalaaya Itoobiya iyo kulan laga sii shaqeeyay oo dhex mari doona Madaxweyne Farmaajo
Diblomaasiyiin ku sugan Itoobiya ayaa shabakada Qarannews u xaqiijiyay in maalinta barito ah uu madaxweynaha Somaliland safar martiqaad ah oo uu ka helay dawlada Itoobiya uu ku tagi doono dalkaasi, waxana ay diblamaasiyiintaasi u xaqijiyeen shabakada qarannews in sidoo kale uu madaxweyne Biixi la kulmi doono madaxweynaha Somaliya Mr Farmaajo oo hada ku sugan dalka Jabuuti oo uu isna ka soo duuli doono.
Kulankani ayaa ahaa mid in mudo ahba laga sii shaqaynaaya sida ay wararka aanu helaynaa ay xaqiijinayaan, waxna madaxweynaha Somaliya cadaadis siyaasadeed lagu saaray in uu la kulmo madaxweynaha Somaliland si halkaasi looga sii anba qaado wada hadal rasmi ah oo dhex mara Somaliyadii midowday 1960-kii isla markaasina kala maqan ilaa iyo 1991-kii markaasi oo ay Somaliland dib ula soo noqotay xoriyadeedii, dagaalo mudo dheer socday oo lagu hoobtay ka dib.
Lamana garan karo waxa kulankaa labada madaxweyne ka soo bixi doona iyada oo labada masuul ay kala taaganyihiin laba mawqif oo aad u kala gadisan,, hase ahaatee wararka aanu helayno ayaa sheegaaya in madaxweyne Farmaajo ay beesha caalamka iyo Itoobiyaba xooga ku saareen in uu qadiariyo doonista shicibka reer Somaliland oo in mudo ahaba iskood isu maamulaayay
Maansada Murti-Maal
Maansada Murti-maal oo soo baxday 18.2.2019. Waxay diiradda fogaan aragga ku daah-qaadaysa waydiimaha taagan iyo webintii tagtada dharaarihii inna dhaafay. Sheegmada iyo warinta maansada ayaa tebinaysa taariikh, hordhac, waano, heshiis, midnimo, wada shaqeyn iyo is ahaansho qarannimo. Hadaba, saaxiibbayaal ila dhugta qaybo ka mid ah Maansada Murti-maal. Waana sidatan:
Midh Abwaan Ku Tashaa,
Haddii Uunku Dhageysto,
Adduunkoo dhan hagtee,
Rashiidow Alif Maanso,
Hal-abuur Isir Weeye,
Ku Aroora Hideysi,
Anna Heedhe Dhankayga,
Dhaxalkii Labo Awga,
Aslantii Murti-maalka,
Agabkii Hiddaheenna,
Aflow, Cabdi Warfaa Iyo,
Amma Hadalwanaajiyo,
Aw Xaadhiyo, Baadcade,
Ina Mire, Qamaan Bulxan,
Gaariye, Afgudhiyiyo,
Axmed Iyo Hadraawiyo,
Sayidka Iyo Af-Qalooc,
Inta Curisa Suugaan,
Xeer-beegti Idilkeed,
Geeraar Ku ibbo-furay…
Afar kalena Saaxiib,
Asaarka Dhaqanka Iyo,
Allaylehe Samaantiyo,
Is Abaabul Mideynta,
Iska Naarka Ibleyska,
Ixtiraamka Xil qaadka,
Is Ahaansho Xaq-dhawrta,
Dib Amqaalka Dareenka,
Abti Dawlad Adkeynta,
Adigoon ku fogaanin,
Alkumaadda u fiirso,
Eraygayga ka dheeho,
Fasiraadda Ararta,
Afeeftiyo hummaaga,
Asalkiyo wanaagga..
Askum kii Cabbanaanta,
Ku Ujuuro shaqeysta,
Arag Kii Habqankiisa
Axaddiyo Isniinta,
Sabtida Iyo Allaylka,
Tirsiga Iyo Aloolka,
Ku Aroorka habeenka,
Ku Afmeeray dharaarta..
Akram kooxda maqiiqan,
Iyo Aadyar Dhaqaaqa,
Asbax kii Ummadeyda,
Adhaxdeeda Ka dayrshay,
Abshir kii dabshigaaga,
Is Aqool Kala geynta,
Iyo Awliyo diidka,
Ama Awga collaadda,
Ka Arkaaya dantiisa..
Abyan Iyo Warmoogow,
Labo Eef Afmiishaar
Iyo Uufaneys Madhan,
Alwadkiisa Jaan Iyo,
Guntintiyo Urugadda,
Gurgurshaa Aqoonliyo,
Odayadu Ma Dheegtaan….
Kol kalena Arbow Maqal,
Kobta Aragti Maalkiyo,
Agihii Hal-beeg Qaran,
Hawl Lagu Asteeyaa,
La arkaa Is Diidmada,
Oo Fulinno Hawleed,
Iyo Talo Gorfeynteed,
Amma Nooca Loo Qaban,
Muran Iyo Is maan-dhaaf,
Lagu Oogsadaa Goor,
Aniga Iyo aniga iyo,
Awood Jiidashadu Iman..
Kol allooska hadeer,
Isa Seegga Silloon,
Waa La Awday Halkii,
Halkii Aaxdu Ku Tiil,
Abhin baa Ka Danbeysoo,
Ologgii la Yiqiiniyo,
La Adkee Dantii Qaran….
Curiye: Jamal A. Muse,
Agaasimaha Guud ee W. H. Biyaha JSL.