Afar garsoore oo iska casilay gobolka Awdal iyo gudoomiyahii maxkmada rafcaanka ee gobolka Awdal oo shalay is casilay
Cabdikareem Xinif oo ka sasay isbahaysiga Waddani ku biiray
Cabdikareem Xinif oo ah agaasimaha maaliyada komishanka la dagaalanka AIDS ka oo ah nin aan mabda’ lahayn oo hore uuga tirsanaan jiray garabka isbahaysiga Kulmiye oo intuu ka hadhay madaxtooyadu gaadhi qaaliya uugu balan qaaday ayaa halkuu is qarin lahaa ileyn wuu qiima dhacay e, ayuu maanta warbaahinta ku soo qoray habaar uu leeyey waxa laga yaabaa in xisbiga Waddani ee la isugu wada tegay khilaaf ka dhex dhici karo. Xinif waxa u cadaatay kol hadii isbahaysigi Waddani ku biiray in ay Kulmiye kaga guuley-sanayaan doorashada madaxweynaha dabeed sidaa darteed buu la sii qeylinayaa oo wuxuu ogsoonayay in uu kabadhkii qaadka ee uu burco ku lahaa dib uugu laabmi. Cabdikareem Xinif miyaannu ogayn in hadaladii kala jaadka ahaa ee uu ku hadlay markuu sidii hal-laba-geel jecel kolba daan u sii lugaynayay ee laga duubay iyagoo is burinaya in ay Youtube ka ku jiraan. Xinif waxay ahayd in lagu daro liiskii guul-wada yaasha ee xildhibaan nac nac kow ka noqday. Xisbiga Waddani Cabdikareem xinif talo iyo waano midna uugama baahna ee waxa ka sasiyey saaxibadii ay Kulmiye kuwada jireen oo uu garanayo awood dooda ayuu arkay in uu ka hadhay iyaguna ku biireen xisbiga la filayo in uu hogaanka dalka hantiyo. Xisbiga Waddani ma soo dhawaysto xinif oo kale oo kolba daan u talaaba oon sal uu meel ku fadhiyo aan lahayn. Xinif sidaasuu qiiq uuga baxayaa ilaa qiyaamaha ileyn waakii diiday isbahaysiga ee dib uugu laabtay kulmiye e.
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com
Taxanaha Cibrada Nolosha: Qisooyin Cibro Leh Qisadii 10’aad
TAXANAHA CIBRADA NOLOSHA ( qisooyin cibro leh ) qisadii 10aad
Qalinkii Cabdi Cawiye
Sheekadani waxay la xidhiidha dhaqankeenii suubanaa.
Beribaa waxaa is raacay wiil dhalinyaro ah iyo odey guxurshaa ah ama da’weyn oo xidida odeyga weyni wuxuu qabay gabadh ay inanka ilmaadeer yihiin iyagoo sahaminaaya meel baad iyo tigaadba leh si ay reerka ugu raraan maa daama ay abaar noqotay cabaar markii la is daba jaqafsanayey ayuu odaygii su’aal weydiiyey oo yidhi ” adeer ulaha inoo kala badan ” inankii oo yaaban ayaa iska aamusay oo socodkiisii iska sii watey.
Cabaar markii la lugeeyey ayuu hadana odeygii su’aal kale weydiiyey oo yidhi “adeer I qaad ama aan ku qaado ” inankii oo aad u yaaban ayaa yidhi qacligal maaha ee ina socodsii.
Markii hadana cabaar la lugeeyey ayaa waxa ay soo mareen reer geeri ka dhacday oo uu nin ka dhintay markii ay soo dul istaageen ee loo sheegay ayuu odeygii hadana su’aal weydiiyey oo yidhi “adeer ninkani miyuu dhintay mise wuu noolyahay ” inankii oo is yidhi ama aaminey in odeygani waashay ayuu iska aamusay oo iska jaqafsaday. Hadana cabaar ka dib ayey soo gaadheen reer degey oo markaas uun la furey odaygii ayaa yidhi “adeer reerkani miyuu degey ” inankii oo aaminsan inuu odeygu ku dhuftay ayaa yidhi ina dhaqaaji.
Markii ay arkeen meel tigaad iyo naqba buuxda ayaa ay dib isu soo rogeen oo ay reerihii kusoo noqdeen. Markii reerihii lasoo gaadhay ayuu inankii aabihii u tagay oo yidhi aabo odeygii hebel ee aynu xididka ahayn miyir qab maaha ee goormaa tolow la helay.
Odeygii ayaa yidhi “maxaad ku aragtay” inankii ayaa u sheegay odeygii dhamaan su’aalihii layaabka ahaa ee uu odeygu weydiiyey. Odeygii ayaa yidhi su’aalaha uu ku weydiiyey ma su’aasha hore, mise su’aalaha kale su’aasha hore hadii uu inaga Dow bixin waayo xaal ayeynu ka qaadi lakin su’aalaha kale wuxuu kaa jeedey :-
Marka uu kulahaa aan ku qaado ama I qaad wuxuu kaaga jeedey
Ii sheekee ama aan sheekeeyo waayo sheekada ma dareemaysid daal oo waad ku iloobaysaa.
Markuu ku yidhi ninkani miyuu dhintay mise wuu noolyahay wuxuu kaaga jeedey
Ninkani ubad muu ka tegay waayo haduu ubad ka tegay magaciisa ayaa sii jiraaya oo sii waaraya hadii aanu caruur ka tegina maalinta uu dhinto ayaa magaciisa ugu dambaysa.
Marka uu kulahaa reerkani miyuu degey wuxuu kaaga jeedaa meeshu aad ayey u doog badan tahay ee ma biyo fadhiisibaa oo way ka guuri mise waa meel meel ay ku nagaanayaan oo ku Haboon.
Mida hadalku ka joogaa waa Marka uu kulahaa ulaha inoo kala bedel wuxuu kaaga jeedey inanta aan qabo ii bedela oo ta ka yar I siiya. Ee wiilkaygoow arintaa ha inaga Dow bixiyee ina keen.
Markii odeygii loo yimid ee ay arinkii u sheegeen ayuu odeygii yidhi waar ragoow inanta aan idinka guursaday aad ayey u kas gaabantahay ee laba sadex su’aalood ayeynu weydiinaynaa hadii ay ka jawaabto xaal baa I qabta.
Inantii ayaa loo tegay oo uu ku yidhi inaneey waxaad sheegtaa
Geel xeradii
Rag gogoshii
Iyo garaw cinistii
Inantii waxay tidhi ” Geel xeradii waa in ay weynaato
Rag gogoshii waa in furaasha iyo saan weyn uu help
Garaw iidaankii waa subag iyo caan.
May garanin ayuu yidhi ee inanta ka yar inoo geeya
Inantii ka yarayd waxay ku jawaabay
Geel xeradii waa in uu haysto rag u heel an
Rag gogoshii waa nabad.
Goraw cunistii waa in ay gaajo ama caafimaad kuu geeya.
Inankii iyo odeygiiba waxay isku raaceen in uu odeygu gar lahaa.
Waa dhaqankeenii suubanaa ee ka madhnaa mala’awaalka iyo jiljileeca
QALINKII CABDI CAAWIYE
Heshiiska DPW isma hortaagi karo xuquuqda shacabka Somaliland u leeyihiin in ay Cadaalad ka raadiyaan Hayadaha Xuquuqul insaanka Aduunka hadii lagu xadgudbo Bay’ada iyo shaqaalaha Dekeda
Iyada oo lawada ogyahay in Somaliland aany laheyn Xeerar dhameystiran oo qeexaaya maalgashiga lala galo shirkadaha Caalamiga ah.
– Iyada oo lawada ogaa in Heshiiska DPW ee duuduubka lagu marsiiyey Golaha Baarlamaanku uu ahaa warqad yar oo qabyo qoraal ah oo aan heshiis dhameystiran aheyn.
– Iyada oo lawada ogyahay in Heshiiskaasi aanu noqon doonin Maalgashi ee uu noqon doono Maal urursi , kaas oo JSL dhaxalsiin doona halis aanay ka soo waaqsan Karin.
– Iyada aynu ognahay in JSL tahay dawlad yar oo aan aduunka laga ictiraafin, Xubina aan ka aheyn maxakamadaha adduunka ee lagu kala baxo.
– Maadaama Faa’idada heshiisku uu dhinac u ciiray oo DPW ay 65% Faa’idada Mashruuca ay duuduub ku qaadan doonto mudo dheer oo ah 30 ilaa 40 sanadood ah.
– Maadaama aanay JSL lahayn Shuruucda ilaaliya Bay’ada ” Environmental Protection Law ” DPW-na ay tahay shirkad aan waxba xeerinayn oo macaash doon ah
– Maadaama JSL aanay laheyn Caymis” insurance ” ama ka hortag khasaare ” Protection Plan” ama shuruucdii maalgashadaha maalkiisa u ilaalinaayey. Sidaa Daraadeed Mashuurcan DPW ay ina leedahay waa Maalgelin ( investment ) Wuxuu si bayaan ah u noqonayaa ” Aggressive investment ” Maal urursi aan xeerar iyo xeegaano adag ku taagneyn.
– Waxaa laga dhawaajiyey in Maalgashigan DPW sheeganayso aanu si buuxda u waafaqsanayn Shuruucdii maalgashiga ee aduunka iyo shuruucda qabyo qoraalka ah ee Somaliland midna.
Waxaa Heshiiska DPW la gashay dawalada Somaliland uu baalmarsan yahay dhamaan qodoban hoose :
1- Heshiisku sife bayaan ah caadka iyo ciirada ugamuu qaadin Sadexda Mashruuc ee is xanbaarsan sida A) Mashaariicda horumarineed oo aanu muuqeexin kharjaka ku bixi doona.
B) Balaadhinta Dekedii hore ee Berbera muu qeexin lacagta ku bixi doonta. C) Dekeda cusub ee Container terminalka ah ee la dhisi doono lama bayaamin waqtiga la dhisi doono iyo kharjka ku bixin doona midna.
2- Heshiisku si qeexan oo qodobaysan umuu bayaamin xuquuqda shaqaalaha kala duwan ee Dekeda Berbera ka shaqeeya sida: shaqaalaha aan joogtada aheyn ee aan pay role ka ku jirin. Sida Shaqaalaha Geele A iyo Geele B, shaqaalaha Salvatorka, Shaqaalaha geel jiidka, Shaqaalaha Hoos-ugalaha, Shaqaalaha, Xeeb-uyaalka, shaqaalaha Barakataaliga, Shaqaalaha Cows gogolka, shaqaalaha Berbera morning group iyo Saaxil groups.
3- Heshiisku muu qeexin khasaaraha balaadhan ee Saxmada Maraakiibta Containarada qaadaa ay gaadhsiin doonaan dhamaan noolaha badda ” Aquatic ecosystem ” iyo Bay’ada guud ” environment ” gaar ahaan ” Marine Pollution ” khasaaraha waxyeelada Maraakiibtu gaadhsiinayso biyaha badda iyo noola yaasha kala duwan ee badda ku nool sida Kaluunka .
4- Heshiiska kuma qeexna wasakhda iyo fadaraha soo gaadhaaya hawada Degaanka ” Air Pollution” marka maraakiibta qiiqoodu is qabsado.
5- Heshiiska kuma qeexna dhibaatada ay keeni karto saliida maraakiibtu ku daadin doonto khooriga badda Somaliland “oil Spills”
6- Heshiiska kuma qeexna ” Water Pollution ” khasaaraha ka iman kara markaa fadaraha maraakiibtu daadiso “Sewages” Sida bulaacadaha maraakiibta badani ay badda Somaliland ku sii dayn doonaan marka hawshu bilaabanto.
Talo soo jeedin :
a) Waa in liisanka la siinaayo DPW lagu cadeeyaa dhamaan shuurcada ilaalinta Bay’ada ” Environment protection” oo ay ku cadaataa Xakameynta khasaaraha gaadha dhamaan noolaha badda “Preventative Measures ”
b) Waa in dhamaan bad-baadinta Bay’adu ” Environment ” uu waafaqsanaadaa Xeerarka Bay’ada ee Caalamiga ah ” international environmental Law”
c) Waa in shacabka Degaanka gobolka Saaxil la siiyaa Xuquuqdooda Gaarka ah Degaan ahaan ” Indigenous rights ”
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive Advisor ED BD PA
United Kingdom
London
Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Taageero U Muujiyay Heshiiska Dhex Maray Siyaasiyiinta Isbahaysiga Kulmiye iyo Xisbiga Waddani.
Burco,(Qaran-news)-Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka tirsan Aqalka Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Taageero Mug iyo miisaan leh isla garab taagay Heshiiska iyo Midowga Dhex Maray Siyaasiyiinta Isbahaysiga Kulmiye , iyo Xisbiga Waddani.
Xildhibaan Jaamac oo Magaaladda Burco kula hadlay qaar ka mid ah Saxaafadda ayaa Mabaadiida Heshiiskan Xisbiga Waddani iyo Siyaasiyiinta Miisaanka leh ee Kulmiye ga Go’ay ,ay isla qaateen ,ku tilmaamay mid Taariikhi ah oo Dhaxal gal ah ,oo Cududda iyo Guusha Xisbiga horseedi-doona.
Waxaanu si gaar ah u hambaleeyay Xildhibaanku Siyaasiyiinta Isbahaysiga Kulmiye ,Sida Xirsi Cali X. Xasan ,Maxamed Biixi Yoonis iyo weliba Madaxda kale ee isbahaysigooda oo cadeeyay in ay yihiin rag sharaf iyo miisaan dalkan ku leh ,awoodoodana aan la xaqiri-karin.
Sidoo kale waxa uu Xildhibaanku hambaleeyay Hogaanka Xisbiga Waddani iyo taageerayaasha kale ee Xisbiga Waddani iyo weliba dadweynaha ku soo biiraaya maalmaha soo socda.
Xildhibaanada Bariga iyo Koonfurta Hargeysa Oo Mooshin Ka Dhan Ah Maayar Kuxigeenka Caasimada Soo Dhigay+Dareenada Ku Xeeran

Xildhibanada Bariga iyo Koonfurta Hargeysa oo ay weheliyaan xubno kasoo jeeda Xaafadaha kale ee Caasimada Hargeysa ayaa maalmihii ina dhaafay qabanqaabinaayey Mooshin Xilka lagaga Xayuuninaayo Maayar Kuxigeenka Caasimada Hargeysa Md. Cabdicasiis Maxamed Xaashi oo ay ku eedeeyeen inuu ka gaabiyey xilkii uu Golahooda deegaanka iyo Ummadda Caasimada ku nool ba u hayey
Xildhibaanadan oo shirarkii ugu danbeeyey ku lahaa shalay ilaa caawa Guri kuyaala bariga Magaalada Hargeysa ayaa la sheegay inay go’aankii ugu danbeeyey caawa fiidkii ku qaateen sidii ay salaanka uga tuuri lahaayeen Cabdicasiis Cagaweyne oo isaga laftiisu kasoo jeeda deegankan Bariga iyo Koonfurta Hargeysa ee ay u badan yihiin Xildhibaanadan Mooshinka ku qaadayaa
Dhinaca kale ayaa waxa ay wararku tibaaxayaan in tirada Xildhibaanada Mooshinka wadaa ay gaadhayso 18 Xildhibaan kuwaasoo ay wararku xuseen inay aad uga cadhoodeen ka dib markii Maayar Kuxigeenka Caasimadu ku sifoobay Musuqmaasuq iyo xil gudasho la’aan baahsan oo saamaysay xilkii uu goluhu Qaranka u hayey
Eedaha ay Xildhibaanadani dusha usaarayaan Maayar Kuxigeenka Caasimada Mr. Cabdicasiis Cagaweyne ayaa waxa ka mida inuu lunsaday lacago dhawra iyo dhul badan oo danguuda isla markaasina uu Xaafada Masalaha uu ka dhisanaayo guri weyn oo fooq ah oo dhawr dabaq ah kaas oo ay ku baxayso lacag ka badan 500,000$ shan boqol oo kun oo dolar oo Xoolihii ummadda ah
Eedaha Xildhibaanada ayaa sidoo kale la sheegay inay kamid yihiin, Maayar Kuxigeenku ku fashilmay doorkiisa hogaamineed ee golaha isagoo isla markaasi ay ku eedeeyeen inuu ku sifoobay kala qaybinta bulshada wada dhalatay ee Caasimada ku wada nool oo ay sheegeen inuu eex iyo qabyaalad baahsan kula dhexjiro
Isku soo wada duuboo mooshinkan istaadhmay oo maalmihii ugu danbeeyey si weyn looga dareemaayey guud ahaan magaalada Hargeysa iyadoo isla markaasina la filaayo inay seeftu qaado Maayar Kuxigeenka maadaama oo ay maanta Mooshinkan wataan Xildhibaanadii isaga beeshiisa kasoo jeeday ee hore difaaca ugu ahaan jiray
Kulan balaadhan oo ay yeesheen xisbiga Waddani laantiisa dalka Qatar

Kulan aad u qiimo leh oo xalay ay iskugu yimaadeen Gudida xisbiga wadani ee laanta uu ku leeyahay wadanka Qatar.
Kulan aad heerkiisu u sareeyo oo ku saabsanaa dardar galinta iyo shaqada xisbiga iyo horumarintiisa ayuu ahaa iyadoo ay ka soo wada qayb galeen haldoorka dhalinyarada iyo aqoonyahanka jaaliyada reer Somaliland eek u dhaqan dalka Qatar iyo dhamaan xubnaha gudida xisbiga dhamaantood.
Kulankan oo shirgudoominaayey gudoomiye kuxigeenka laanta xisbiga ee wadanka Qatar mudane ahmed siciid ( siyaad ) .
Xoghayaha laanta xisbiga mr hussein Ibrahim hasan , iyo afhayeenka xisbiga mr , abdirashid Hussein yusuf ayaa laga dhagaystay warbixino kala duwan oo waafiya . kabacdi waxaa la gudagalay falaqayn iyo ururin aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sidii loo horumarinlahaa xisbiga laantiisa uu ku leeyahay dalka Qatar , iyadoo la ogyahay in dalka Qatar uu yahay dal taageero balaadhan uu ku leeyahay xisbiga , yahayna xisbiga kaliya eek u suntan JSL ee ka jira wadankan.
Waxaa aad loogu qaadaa dhigay dardargalinta laanta iyo sidii xisbiga hiil iyo hooba layskugu garab istaagi lahaa , shirkaasi waxa uu ku soo dhamaaday guul .
waxa shirkaas hambalyo loogu diray talaabooyinka guusha ah ee xisbigu qaaday .
waxa loogu hambalyeeyey Garabka isbahaysiga kulmiye goaanka heesinimada leh ay qaateen inay ku soo biiraan bahweynta wadani.
waxaana lagu soo dhaweeyey heshiiska taariikhiga ah ee ku dhisan badbaadada dalka iyo dadkaba…..
Afhayeenka xisbiga wadani.
laanta qatar .
Abdirashid Hussein yusuf ( Gahaydhle).
Waa kuma saxiibka wanaagsani?
WAA KUMA SAAXIIBKA WANAAGSANI?????????!!!!!!!!
Saaxiibku waa qof aad nolosha ku rafiiqdeen dhib iyo dheefna kula qaybsada waqtiyada adagna ku garab taagan oo aan waayaha xumaaday idinkala kaxayn, waa qof aan kaaga xumayn kaana xaasidin nimcada uu alle ku siiyo , waa hibo iyo haddiyad uu alle ku abaalmariyo adoomihiisa wanaagsan, Waana qof ku sifaysan astaan iyo edeb wanaag , Qofkasta oo aduunka korkiisa joogaa ma noqon karo saaxiibkaa ama rafiiqaa , waayo?
Waxa sida caadiga ah jira saddex saaxiib oo nolosha caadiga ah soo mara waana mid kamida 3 dan:
1, Saaxiib aad ku saaxiibteen shaqo, ama dano gaara(short-term)
2, saaxiib aad ku saaxiibteen xiliga aad ku jirtaan waxbarashda , ama sabab kale (Mid-term)
3.Saaxiib aad ku saaxiibteen nolosha dhamaanteed (Long term)
Saaxiibka kowaad waa saaxiib waqti yar saaxiib ahaydeen waana sida caadiga ah inaad wada socotaan muddada gaaban dabadeedna aad kala tagtaan halkaana ay ku dhamaato saaxiibtinimadiinii,
Saaxiibka labaadna waa la mid oo waqtigaa aad wada socotaan waa waqti aad ku kooban intaad waxbaranaysid ama aad dantaa isu kiin keentay dhamanayso.
Saaxiibka saddexaadna waa saaxiib aad ku saaxiibteen wareega, iyo socdaalka dheer ee noloshu marayso intay ka dhamaanayso ama xabaashu idin kala qarinayso.
Saaxiibka wanaagsan waa kaad isku raacdeen ,
Dabeecada suuban, dulqaad badanaan, deeqsinimo buuxda, iyo dadnimo wanaag,
Waa saaxiibka aad, Uxiisto, xusto , xasuusato xili kasta.
Waa saaxiibkaad wada leedihiin
Hal himilo, Hal hadaf, Hal Hiigsi, Hal cadow,
Waa saaxiibka aad wadaagtaan
Aragtiyaha togan, fekerada furan , iyo faalloyinkastoo manfacle,
Waa Saaxiibka kugu hagar baxa
Talada, taageerda, tilmaanta, iyo toosinta.
Waa saaxiibka kuu muujiya markaad dhiban tahay,
Naxariista ,naruurada, niyad samaaanta .
Saaxiibka wanaagsan ee noloshu iskiin bartay qalbiyadiinuna iska raali noqdaani waa saaxiibka kufara wanaaga, kaa reeba xumaanta, kugu hambalyeeya guusha, kulana wadagaa guuldarada, waa saaxiibka markaad kufto kusoo qabta kuguna dhiirigeliya halganka nolosha , waa midka aan ka nasan inuu markasta ku xasuusiyo xuska rabigeen si aan maankaagu u qalalin, waa saaxiibka aad ku qabto kalsooni dheerada laabtaadana aad u furtay , waa mid aad ku faanto markasta, iyo madalkasta.
MAANSO SIFAHA SAAXIIBKA
*Saaxiib waad heshaa oo *Siyar baad ku barata
*Saxariirka dunidiyo * Siliciyo xumantiyo
*Samahad ku fahantaa* Inu yahay mid saafiya
* Inu yahay samaan talis *Sikhi iyo mid saalixa *
Saxiibku waa dhowr *waa kala sife garo
*Mid sirtaada qarinkara *Khaladkaga sixi kara
*Samahaad samaysona * Hambalyada salixi kara
*Baahidiyo bukaankaba *Samir kugula bixinkara
*Midkalo an saxnayn *oo saadal xun ba jira
*Waa mid aan samantiyo *Sirta toona ku qarin
*Samo kala talinayn *xumaan ka sagotiyin
*Mar hadiiba samihiyo *Saamayn daruufed
*Safka soo istaagan *ama sahal u murantan
*Sarekaga boodo *Abidkiina kusida
*Aduunyada sideedaba *Silic iyo badhaadhiyo
*Sakaraadba waad arag *Sikastaad unooshahay
*Samo uun hafilanine *Saxiib wanaag badan
*Sahal aanba ku niciin *Simano wanaag jecel
*Sirta iyo wax sheegaba Sahal aan ubixin karin Kasamayso aadmiga
Curinta Maansadan Fardowsa Xuseen Saalax.
W/Q Faysa Xuseen Laguladan
faysalaguladan1@gmail.com
Tacsi ku socota qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum Ibraahin Maxamed xaaji Ibraahin Cigaal
Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Md. Jamaal Cali Xuseen oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diray Qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka Baxay Marxuum Ibraahin Maxamed Xaaji Ibhaarin Cigaal oo uu dhalay Madaxweynihii Seeska u dhigay Somaliland
Hargeysa()-Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid, Jamaal Cali Xuseen waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuum Ibraahin Maxamed xaaji Ibraahin Cigaal oo kamid ahaa saddexdii wiil ee uu ka tagay madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.
“Musharaxa Madaxweyne Rasmiga Ee Xisbiga Ucid, mudane Jamal Ali Hussein, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLA ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo caawa (07.10.2016) ku geeriyooday magaalada Hargeysa. .
Musharaxa Madaxweyne waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN”.
Ecobank renews Partnership with the Global Fund
PRESS RELEASE
A selected high-level audience composed of business leaders and development experts were present at the signing ceremony on September 16 2016, in Montreal, Canada
LOME, Togo, October 7, 2016/ — Ecobank Transnational Incorporated (www.Ecobank.com), the leading Pan-African financial institution, through its Foundation, has renewed its partnership with the Global Fund to Fight AIDS, Tuberculosis and Malaria for a further three years. The relationship between the two organisations began in 2011,and the new agreement formalises Ecobank’s support for the Global Fund’s work in Africa.
A selected high-level audience composed of business leaders and development experts were present at the signing ceremony on September 16 2016, in Montreal, Canada. The event, ‘Changing Africa: Enabling growth through the private sector’, led by the Chief Executive Officer of the Ecobank Foundation, Ms. Julie Essiam, took place on the side-lines of the Global Fund’s Fifth Replenishment Conference. According to the terms of the agreement, Ecobank Foundation will work with the Global Fund to build the partnership into an engagement and advocacy platform for organisations and individuals who share a vision of accelerating the transformation of Africa.
Ade Ayeyemi, Ecobank Group Chief Executive Officer, pledged USD3 million at the Global Fund’s Fifth Replenishment Conference in Montreal. Canada’s Prime Minister Justin Trudeau hosted the event attended by Heads of State, government officials and hundreds of private sector and development leaders from across the globe. The Fifth Replenishment raised USD 12.9 billion with a goal of saving 8 more million lives.
Mr. Ayeyemi said, “Our job as bankers is to build the technical infrastructure that brings tens of millions more Africans into a more formal financial system. Ecobank’s founding fathers established a Pan-African bank to support Africa’s transformation. We are pleased to renew our productive partnership with the Global Fund. I am confident that we are a step closer to enabling prosperity across Africa.”
Through its Foundation, Ecobank will continue to take a prominent role with the Global Fund To Fight against AIDS, Tuberculosis and Malaria on the African continent.
Julie Essiam, Chief Executive Officer, Ecobank Foundation signed the agreement with Mark Dybul, Executive Director, Global Fund. She said, “The Ecobank Foundation is pleased to be part of a historic moment with the Global Fund and what we are trying to do in Africa, which is to create a “thriving Africa”, and a prosperous continent. It is important for the private sector to collaborate to ensure that we use our platforms to unlock funds which will deliver sustainable progress and prosperity to Africa.”
Programmes supported by the Global Fund partnership have put 9.2 million people on antiretroviral treatment for HIV, provided 15.1 million people with TB treatment and distributed 659 million mosquito nets to protect families from malaria.
Mark Dybul, Executive Director, Global Fund said, “We are excited about the Ecobank partnership, which improves the impact of our grants in numerous ways. When you workto advance financial management, all the way down to sub-recipients in rural areas, that’s hugely important for development.”
The Global Fund is an organization designed to accelerate the end of HIV/AIDS, tuberculosis, and malaria as epidemics. As a partnership between governments, civil society, the private sector and people affected by diseases, the Global Fund mobilizes and invests nearly US$4 billion annually to support programmes run by local experts in more than 100 countries and supports attainment of the Sustainable Development Goals adopted by the United Nations.
Distributed by APO on behalf of Ecobank.
Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland oo ka hadlay sababta uu isu casilay gudoomiyahii maxkmada rafcaanka ee gobolka Awdal
Askar Garsooraha Maxkamadda Gobolka Hargeisa Ka Horjoogsaday Galitaanka Xarunta Wargeyska Haatuf Ee Xukuumaddu Albaabada U Laabtay April 2014

Hargeisa,(Qaran-news)-Garsooraha Maxkamadda gobolka Hargeysa Sh. Idiris Axmed Muuse ahna xaakimka ka garnaqaya dacwad ka dhan ah wasaaradda daakhiliga oo uu muduci-na ka yahay mulkiilaha wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ayey askar bilays ahi iska hortaageen inuu galo xarunta wargeyskaasi galinkii hore ee maanta.
Askartaas ayaa is-hortaagooda maxkamadda u cuskaday in aanay madaxdooda ka haysanin amar fasaxaya galitaanka xarunta Haatuf oo ay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ay awood ciidan kula wareegtay April 2014-kii. Dacwadan oo dhagaysigeedu bilaabmay Isniintii hore ayaa mulkiilaha wargeysyada Haatuf, The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-carabi Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uu maxkamadda kaga codsaday in hantidiisa laga dulqaado ciidanka ay xukuumadu ku wareejisay, isla markaana ay dawladu bixiso khasaarihii maaliyadeed ee ka dhashay talaabadaasi, iyadoo uu ku doodayo in si sharci darro ah loo xayiray xarunta saddexda wargeys.
Dacwadan ayaa waxa dhinaca muduciga uga wakiil ah labada qareen ee kala ah Cismaan Askar iyo Xasan Cali Xasan, halka dhinaca xukuumadda uu matalayo xafiiska qaryaqaanka guud ee dawladdu.
Tan iyo intii uu Madaxwayne Cigaal xilka qabtay iyo ilaa wakhtigan xaadirka ah waa markii 2-aad ee maxkamadaha Somaliland ay ka garnaqaan dacwad magdhaw ah oo ay xukuumadu eedaysane ka tahay, taas oo la filay inay dareenka bulshadda aad usoo jiidato.
Wargeyska Haatuf ee lagu qori-jiray luuqada Soomaaliga ayaa maxkamadu 25/6/2014 ku riday xukun ay ku baabiinayso ruqsadii uu kusoo bixi jiray, iyadoo ay maxkamadu ku eedaysay inuu caadaystay cayda masuuliyiinta qaranka.
Maxkamadda oo uu xiligaa gudoominayey ex garsoore Asad Nuur ayaa waxa kale oo ay xadhig saddex sanadood iyo afar sanadood kala ah ku xukuntay mulkiilihii wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tafatirihiisii Axmed Cali Cige.
Inkastoo qaraarka maxkamadda ee ruqsad kala noqoshada uu khusaynayey wargeyska Haatuf ee af-soomaaliga kusoo bixi jiray, hadana xukuumadda Somaliland laga bilaabo April 2014-kii waxay xayirtay labada wargeys ee The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-carabi, iyadoo aanu jirin xukun maxkamadeed oo ay xayiraadaasi u cuskatay.
Halkan ka daawo xildhibaano dhaliilo u soo jeediyay maayarka magaalada Borame
Xisbiga Waddani ee Toronto oo soo dhaweeyay heshiiskii dhex maray xisbiga Waddani iyo isbhaysigii Kulmiye
Guddoomiyaha , Guddigga , Xubnaha & Taageerayaasha xisbigga WADDANI ee Toronto & nawaaxigeedu waxay si diiran u soo dhawaynayaan xubnaha cul-culus ee muga iyo miisaanka badan ee ku bahoobay “ Isbedel-doonka Isba-haysiga Kulmiye “ kuna soo biiray Xisbigga WADDANI. Waa talaabo taariikhi ah oo wax wayn ku soo kordhin doonta diimuqradiyada , horumarka , xasiloonada iyo guud ahaanba mustaqbalka Somaliland, xisbiggana waxay ku soo biiran donaan muruq, maal iyo maskax.Waxa hubaal ah inay guushu raaci doonto xisbigga WADDANI, ilaahayna waxaanu ka baryaynaa inuu shirka Golaha Dhexe ku dhamaado guul, soona doorto hogaan adag oo shacbiga Somaliland gaadhsiiya himilooyinka ay higsanyaan.
Guul & Gobanimo.
Wa bilaahi towfeeq.
Guddigga WADDANI, TORONTO.
Africa: Department of State Welcomes 44 Moroccan and Liberian Girls to the United States for Let Girls Learn U.S. Exchange Program
PRESS RELEASE
Let Girls Learn enables access to quality education for girls around the world
Media Note Office of the Spokesperson Washington, DC October 7, 2016 On October 8, 44 girls and young women between the ages of 13 and 26 from Morocco and Liberia will arrive in the United States for the 2016 Let Girls Learn: U.S. Exchange Program. Launched by President Barack Obama and First Lady Michelle Obama in March 2015, Let Girls Learn enables access to quality education for girls around the world. The First Lady met with the group during her trip to Liberia and Morocco in June 2016, and has invited them to celebrate the International Day of the Girl… Read more
SOURCE
U.S. Department of State
Hordhaca Buuga cusub ee la magac baxay;Diiwaanka Murtida iyo Xigashada
Bismillahai Raxmani Raxiim Salama calaykum;
Illaahay fadligii Maanta oo Tariikhdu tahay 10/6/2016,waxa soo gaba-gabobey Diiwankii Murtida iyo xigashada ee uu curiyay Amiirka Muse M Hagi Duale (Gadhane).Bulshada waxa loo soo bandhigi doona oo xadhiga laga jari doona Sanadka Cususb Insha Allaahu.
Hordhacii Buuga Diiwanka Murtida iyo xigashada.
1-”Aabeheen Nebi Aden C/s,wuxu doortay sidii uu jecla,mana yeelin sidii All’e faray,Janadana waxa ka soo saray doonistiisii iyo xoriyadiisa,,
2-”Illahay wuu cadhoda hadii la baryi wayo,nani’admiguna wuu cadhooda hadii aad baridid sida awgeed qofna wax ha waydiin lakiin Ilbaabka aan ka xidhmayn wax waydii,,
3-”Waa ceeb in aad ku faantid wax aanad samayn Karin,waa ceeb in aad ku faantid quruxdada wayo adigu maad samayn,waana kugu ceeb in aad ku faantid nasabada wayo adigu ma dooran lakiin ku faan akhlaaqdada,,
4-”Dadka been abuurka yaqaan xadhkaha u jar,oo sabab run ah uGu jar,lakiin dadka macquulka ah ee runta sheega haw jarin oo sabab been abuur ah hawgu jarin,,
5-”Waxa Jira xanuun kugu beera murugo iyo mid kugu beera qoraal iyo mid faham iyo isbedel kugu,,
6-”Dadka oo dhan asluub keliya hakula dhaqmin,wayo bukaan jiifkuba dawo keliya ma wada qato,,
7-”Khaladka bani’aadmiga afka ka dhawr,oo ceebahooda ha sheeg shegin wayo adiga laftadu waad ka buuxda khalad dadkuna carabo way leeyihiin,,
8-”Kalgacaylka macnihiisu waa wax tar,waxtarka macnihiisu waa dhismo lakiin nacaybku waa bur-burin,,
9-”Xisbiyadu waa laba nooc mid awood don-donaya oo aan weli hayn,iyo mid haya awoodii oo don-donaya wax kale oo dheerad ah,,
10-”Xisbiyada qaranku waxay u shaqeeyan sida maxabiista iyo sida dadka baaga-mudada wayo dhamantood waxay qodayan Rajo,,
11”Hugaamiya dalku haduu ku dhaqmi wayo Distorka,oo ixtirami wayo xuquuqda bulshada wuxu waya xaqa uu ku leeyahay bulshada, iyo xaqa ay leeyihiin lamaha dawliga ah ee uu soo dorto ee ilaliya kala danbaynta iyo nabadgelyada,,
12-”Isbedel doon markad tahay awoda oo dhan,haku dumin wixii dhisna lakiin wixii dhisan wax ku sii dar,,
13-”Bulshadu waxay rabta in ay ku nolato sida naftu jeclato,naftana waxay dani ugu jirta in aay ku nolato Nabad iyo sida duruufta iyo samanku yahay,,
14-‘Xulashada Hugaanku qiimihiisu waa in uu ahado,waxa ay shakhsiyadiisu ku sifowdo,,
15-”Ibleeysku quluubta bani’aadmiga ma dego,hadii aan loo yeedhan oo laga furin ilbaabka,,
16-”Faqiirnimadu maha lacag la’aan,lakiin waa akhlaaq-xumada iyo dhaqan xumida,,
17-”Qalbigu haduu dhinto waxa taga raxmada,caqligu haduu dhintona xikmada tagta lakiin damiirku haduu dhintu wax waliba way kaa tagan,,
18-”Dublumasi waa kuma? waxan u aqaan in uu yahay ninka kuu sheekeya isago ku neceb,adiguna aad u haysato in uu ku jecel yahay,,
19-”Hadii aad hugamiye tahay dadka u ogolow in ay fekeran way kugu jeclan wanay fekeri doonan lakiin hadii aad tidhaahdid aniga idiin fekeraya waa lagu karhidona oo lagaa hor imaan,,
20-”Go’aan qadasho way culustahay marka aad kala doranay marxalada aad ku sugan tahay,iyo mustaqbalka danbe ee aad hiigsanaysid,,
21-”Huganka dhaqanku hadu damco in uu hadlo,haka fekero hadalkiisa. maslax haduu yahay ha hadlo,haduu ka shakiyo haka A’amuso.imisa saxiibo ahaa aya ku burburay hadal?imisa ca’iladod aya ku kala tegay hadal?imisa dawladod iyo koxood aya Hadal ku dumay?
22-”Waya aragnimadu waa maxay?maha waxii ku soo maray iyo shaqooyin kagii.lakiin waxa weye wixii ku soo maray waxii aad ku xalishay,,
23-”Sharcigu wuxu dha-dhan leeyahay marka marka xukumadu ku dhaqmayso wuxuu ka sii macaan yahay marka Bulshadu ku dhaqanto,,
24-”Hantida umada aan musuqo jabrodhiya yanan siin masakiinta iyo sabolka,iyo agomaha,oo weliba khasabna haku mahad naqdo sidaas waxa ku sifobay xukumada Siilanyo,,
25-”Hugaanka-dhaqanka ee aan ka so jeedin xidadii dhaqanka,wuxu ka dhigan yahay geed aan xidido lahayn,,
26-”dhaqanka ku milma siyaasada,wuxu la mid yahay Biyo iyo Sun laysku milay,,
27-”Isbedelka dhaqanka iyo dabecadaha bulshadu way isbedelan wana korayan durufo adagna way ka gudban kuwo cusubna wax bay ka bartan,,
28-”Bulshada dulmani uma dhintan Gajo,lakin waxay u dhintan waa cadala daro iyo dulmi,,
29-”koxda gadh-wadenka dalka isaga danbeysey,ee hadafkodu noqday urursiga hantida umada ee hadana magac donka ah,waa rag shandado ku cabeyey Hawo magacodiina waxay ku xardheen Biyo,,
30-”Aragtidiina ka fogeeya gondihiina,oo xusuusta malaka-mawdka idiin tagan ilbaabka cimriguna waa ilbidhiqsiyo,,
32-”Caloosha madhani maaha lataliye siyaasiya oo wacan,,
33”Waa daruuri in Bulshadu xamisho,wixii anay jeclaysan ee ka horyimada qadiyada iyo Himiladoda umada,,
34”Jiil kasta waxu leyahay cimilo siyasiya,cimilada siyasadeed ee jiilkan waxa ku habon in lagu xukumo Kitabka Illaahay iyo Sunaha Rasuulka,,
35”Hugaamiye hadii caqligisu keeno marin habow,kan ugu dhowina noqdo fuley xaasid ah Bulshadana u rara Marakiib Been ah Qarankas waxa u soo hoyatey Guuldaro weyn,,
By;Muse Mohamed Hagi Duale.(Gaadhane)
(35 xigasho)waa hordhacii Buuga Diiwanka Murtida iyo Xigashada.
Halkan ka dhegayso maansada bad’xidhan
Shacabka S/Land Wixii Mudo Dheer u Soo Dhibteen oo Xoogoodii & Xoolahoodii & Dhiigoodii u Daadiyeen, ee ay Hantidinii Ku Burburtay
Faysal Cali Waraabe, Xisbigiisii uu Burburinayey, Inuu Somalilandna Burburiyo ayuu Ku Daray
Jabuuti Isaga & Wasiirkii Udub ee Cawil Waxay u Joogaan, oo Ay Kula Shireen Wasiiro Somaliya.
Markii Laga Ka Soo Kabtay, ee Ilaahayna Inala Qabtay ee Wax Ilahaay Mahadii La Taagan Yahay, in aad Yar Rag Xoolo & Kharash ama Dhaqaale
Ku Doonaya, oo Jeebkooda Waxay Ku Shubtaan Kala Weyn Tahay, Dhibaatadii La Soo Maray ee Laga Soo Kabtay, & Qarimada Somaliland.
Waan Shicibka & Dhalinyarada & Hooyooyinka Ama Ku Goblay ama Ku Dhibaatood In Koox Yar oo Madaxtooyada Ka Talisaa Wada Iibsato oo
Wada Xaraashato, oo Deked, Airportyo, Schoolo, Buuro Hantidii Wadankani Lahaa Intay Salyada Wada Dhigatay, oo Lacagaystay ay Sidii
Gafanaha Koox Gaari Ku Naaxdo, Shicibkiina Ka Haraadan Yihiin, oo Caafimaad & Waxbarasho La, Yihiin, Hadana Loogu Daro In Somaliya
Dib Layngu Celiyo, oo Shirar Gaar ah Qarsoodu Loola Galo, oo Imika Faysal Cali Waraabe & Cawi ay Jabuuti Kula Shirayaan Wasiiro Dhalasho
ahaan Ka Soo Jeeda oo Somaliya, Sidii Looga Soo Xuli Lahaa S/Land Gudaheeda, Cida u Metelaysa Somaliya.
Sidaas Darteed, Shicibka S/Land ee Hurda ee Lagu Maaweeliya Weligeed S/Land Ku Biiri Mayso Somaliya Kun Sano Hadaanaan Aqoonsi Hel-
ayna, Bal Imika Faysal Cali Waraabe oo Horaba aan u Qarsan oo Tv,yada Kaga Andacooday Dawlada Xamar Laga Dooranayo Gacan ayaan Ku
Yeelanaynaa oo Waxbaan Ka Dhisanaya.
Horta Faysal Dhuuni Raac ayuu Noqday, oo Halkii Shilin Looga Balan Qaado Wuu Ku Dhex Dhacayaa, Oo Xisbigiisi Ucid wuxuu Ku Burburinayaa
Waa Kharash Madaxtooyada aga Siiyo, oo Isagu Waa Nin Soori Kaa Qaaday, Waa Nin Seefi Kaa Qaaday.
Markaa Shicibka S/Land Haka Feejignaadaan, hirqoolka Dhagaraysan, Ee Siilaanyo & Madaxtooyadu Wataan, ee Faysal Cali Waraabe & Cawil
Loogu Diray Jabuuti, ee Somaliland Gooni Istaageedii Lagu Dhaawacayo, ee Xamar Loogu Xadhkaynayo In Somaliland Gudaheeda Looga
Ololaeeyo, oo Sidii Maamul Xamat Ka Tirsan Laga oo Xulayo Cidii S/Land Meteli Lahayd, ee ay Wadaan, Faysal & Cawil, Madaxtooyaduna
Hoosta Ka Dirtay.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama
ashaa.j@live.nl
Siyaasiyiin miisaan culus ku leh Somaliland oo maanta ku biiraaya xisbiga Wadani iyo…….
Waxa maanta Hotel Ambasador ee magaalada Hargeysa lagu qabnyaa xaflad aad u balaadhan oo xisbiga Waddani ay ku qaabilayaan aqoonyahano,siyaasiyiin iyo wax garad badan oo ka soo jeeda Koonfura Hargeysa, kuwaasi oo baryahanba ay wada hadalo u socdeen xisbiga Waddani.
Xafladani oo aad looga soo shaqeeyay waxa lagu wadaa in ay ka dhex muuqdaan rag miisaan culus ku leh Somaliland oo ay hor kacayaan Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), wasiirkii hore ee Qorsheynta Xukuumaddii Daahir Ra’yaale Siyaasi Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare), Wasiirkii hore ee Xannaanada Xoolaha Xukuumaddii UDUB Siyaasi Aadan Dhoolla-yare, Maxamed Baaruud Cali ,Eng: Yuusuf Gaydh, Cismaan Aadan, Prof: Rashiid Aadan iyo Cabdiraxmaan Jaamac Taarwale.
Waxa kale oo jira aqoonyahano iyo dhalinyaro aan magacyadooda la soo koobi karin isla markaasna ka mid ah hal doorka deegaankaasi oo si balaadhan maanta uga mid noqon doona xisbiga Waddani, waxa sidoo kale maalin ka dib xaflad tani la mid ah ay xusbiga Waddani ku soo dhawayn doonaan garabkii isbadal doonka ee xisbiga Kulmiye ee dhawaan sida rasimiga ah ugu dhawaaqay in ay ku biirayaan xisbiga Waddani, sidoo kale waxa iyana daba socota xaflad aad la isugu arki doono oo la filaayo in ay xisbiga Waddani ku soo dhaweeyaan aqoonyahano iyo wax garad badan oo ku biiri doona xisbigaasi oo ka soo jeeda gobolka Hawd.
Waxa sidoo kale jira wada hadalo qarsoodi ah oo aan ilaa hada dibada u soo bixin oo u dhaxeeya aqoonyahano iyo wax garad tiro badan oo ka soo jeeda gobolka Saaxil oo la filaayo in ay ku soo biiraan xisbigaWaddani.
Somcable iyo Qaraabo-Kiilka (Qabyaalada)…
Qabiil ma xumaan karo, hadaan lagu xumaan falayn.
Marka qabiilkii, qabyaalad loo rogay, ayaa wax walba naga xumaadeen, ka bilaw shaqada dawladeed, kuna
Shirkada Somcable, waa shirkad ganacsi, oo uu iska leeyahay ganacsade Maxamed Aw Siciid, shirkada oo aan lagu lahayn wax share, inta la ogsoon yahay, waa shirkad hoos timaadda maamulkiisa oo kaliya, isaguna cidda uu doorto, uu marba u dhiibo.
Shirkaddu waxa ay eedday dhalinyaro aqoon darrada haysataa, ay u raacday khibrad la’aan iyo waayo aragnimo la’aan. Waa dhalinyarta uu odaygu u soo dirsaday maamulka shirkadiisa, intaa waxa kuu raacda, nin ka mid ah lagu tuhmi maayo in uu ka soo qalin jabiyay jaamacadaha dunida, kaliya waxa la yaqaan in ay qurbo joog yihiin, shirkado magacyadooda aan la aqoonna sheegtaan in ay ka soo shaqeeyeen.
Ma xuma, haddii ay shirkadda qoys iyo qabiil ku sheeganayaan, hase yeeshee, in aad soo xulatid dadka aqoonta iyo khibradda u leh, qalabka shirkadda yaalla, iyo qaabka qalabkaasi u shaqeeyaan, waa mid lagugu amaanaayo. Waa in aad khubarada caanka ah shirkadda ka soo buuxisaa, adiga oo aan u eegayn haybtooda iyo halka ay ka yimaadeen.
Shirkadda Somcable, looguma shaqo doonto, qaabka caanka ah, ee ah inaad marto waaxda shaqaalaha, ka dibna ku qiimeeyaan, ka dibna ay imtixaan kaa qaadaan. Waxa marka koobaad la raadsadaa qof ay isku hayb yihiin mulkiilaha shirkadda, ama cid ka ag dhow oo ay saaxiib yihiin.
Suldaan, Caaqil, Oday, Siyaasi, iyo Ganacsade, ayuunbaa kaa shaqaalaysiin kara shirkadda Somcable. Arrinka koobaad ee la eegayaa, waa haybtaada, iyo qabiilka aad tahay, haddii aad isku juffo hoose tihiin mulkiilaha iyo maamulada shirkadda jooga, galin hore ba waad galaysaa, adiga oo aan imtixaan marin. Haddii aad kala fogtihiin, xaasha, ha u soo dhawaan.
Su’aasha koobaad ee la isku waydiiyo waryasiga waaxda shaqaaluhu kaa qaadaysaa, waa haybtaadu waa ayo, magaalada dhinacee ayaad ka degantahay.
Intaa waxa kuu raacdaa, mushaharka laguu qoraayo, waxa uu ku xidhan yahay, haybtaada, haddii aydaan isku hayb ahayn, ma helaysid mushahar u qalma aqoonta aad soo baratay. Taas oo macneheedu yahay kuma rabno ee iska tag.
Ku dhawaad 500 oo shaqaale ah ayaa ka shaqeeya shirkadda Somcable, 85% shaqaalahaasi waxa ay isku hayb yihiin mulkiilaha iyo cidda ka ag dhow. Ka bilaw guard ka ilaalada ah, kuna dhamee maamulka saree e shirkadda. Waa shirkad ay u soo shaqo tagaan qoys dhamays tiran, oo isugu jira, Aabbaha, hooyada, iyo caruurtuba.
Waa shirkad ku fakaraysa mustaqbalka in ay ka shaqayso dhamaan Somaliland, haddana isku soo koobtay juffo hoose, rabtana in wax kasta oo laga shaqeeyo, iyagu qabtaan.
Waxa shirkaddu ku caan baxday 2 dii sano ee u danbeeyay, in ay caydhiso dhamaan inta aanay isku haybta ahayn ee ka shaqeeya shirkadda, qaabka ay doontoba ha u caydhisee, mushahar yaraan, amar ku taaglayn aan meelnaba loo soo marin, iyo xumaan kale oo loo muujinaayo qofka.
Marka shirkadaha ganacsi qaabkaas noqdaan, waxa soo if baxda, in la is maqli waayo. Shirkadda Somcable-na caan ayay ku tahay is maqal la’aanta, waxa aad arkaysaa guard, ama darawal ama qof caadi ah oo shaqo aan tiisii ahayn qabanaaya, isaga oo adeegsanaya kalmadda ah, “annaga ayaa shirkadda iska leh”.
Haddaba intiinna ku han-wayn, in ay shaqo u raadsato shirkadda Somcable, wax bdan ka fiirso, mustaqbal aqooneed iyo mid shaqo midna ka heli maysid.
La Soco Qaybaha Dambe
Somcable iyo Aqoon-Xumada
Maxamed Fariid
mofariid@gmail.com