Waxaynu la soconaa in Hay’adda Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Somaliland ay tahay shaqaadoodu ilaalinta iyo dabagalka guud ahaan hantida umadda nooc kasta ay tahayba, ayaa hadana waxaad mudooyinkan danbe kasoo ifbaxaya qaylo dhaan ku aadan in xafiiska Hanti-dhowrka ay ka jiraan saddex arimood oo ay ka mid yihiin Maamul Xumo, Qaraabo-kiil, iyo Musuqmaasuq.
Hadaba waxaynu isku dayaynaa inaanu si kooban sharaxaad uga bixino saddex-daas mushkiladood ee haysta Hay’adda Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Somaliland.
1) Maamul Xumo: Madaxweyne Muuse Biixi intii uu magacaabay Axmed Yuusuf Dirir inuu noqdo Gudoomiyaha Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Somaliland ayaa waxaa xafiiska hantidhawrka soo foodsaaray maamul xumo taas oo sababa u ah in Gudoomiye Axmed yuusuf aanuu wax waayo aragnimo ah u lahayn shaqada xafiiska , isagoo hadana isku xeeray shakhsiyaal uu si gaara u dhagaysto maadaama aanuu shaqada loo igmaday waxba kala socon.
2) Qaraabo-kiil: Intii uu xilka hayey gudoomiye Axmed Yuusuf Dirir wuxuu ku kacay fool-xumooyin liddi ku ah qaranimada somaliland isagoo shaqaalada xafiiska u kala qaybiyey si beeelaysan islamarkaasna shaqaalihii iska wada horkeenay intii uu xilka hayeyna magacaabay 8 xil oo lix ka mid ah u magacaabay masuuliyiin ay isku beel yihiin hoostana ka akhri masuuliyiintaas iyo beesha ay kasoo jeedaan:-
1- Lataliyaha gudoomiyaha ( beesha habar Awal — sacad Muuse)
2- Ko-ordinatorka guud ( beesha habar Awal — sacad Muuse)
3- Agaasimaha Qorshaynta ( beesha habar Awal — sacad Muuse)
4- Agaasimaha Diiwaangelinta (beesha habar Awal — sacad Muuse)
5- Agaasimaha Admin iyo Finance ( beesha habar Awal — sacad Muuse)
6- Agaasimaha hayada Madaxa-banaan ( beesha habar Awal — Ciise Muuse)
Halka labada soo hadhay ay ka kooban yihiin somaliland oo dhan.
Hadaba Miyaa la aamini karaa hadii ay xafiiska hantidhawrka guud u shaqaynayso qaab qabiilaysan iyadoo ah hayadii garsoorka dalka lagu xaqsooraysay .
3) Musuqmaasuq: Hantidhawrka guud wuxuu xukumaa dhamaan kharashaadka ka baxa xafiiska miisaaniyadda sanadka 2019 oo dhan 11,421,868,030 sln shilling, waxaanay ku baxdaa hal awood oo ah ta gudoomiyaha hantidhawrka Axmed Yuusuf Dirir , kharashka u baxa sida saxda ah mooyee waxa soo hadha siduu doono u isticmaala tusaale ahaan:-
Sub-head-ka (2110303) hawleedka hantida dawlada oo ah 1, 816,800,000 sln sh iyo sub-head-ka (2211341) barnaamijyada hawlaha shaqo oo ah 6,000,000,000 sln sh, wixii soo hadha waxaa jeebka ku shubta gudoomiyaha hantidhawrka Axmed Yuusuf , shaqaalaha lacagtooda la boobayo maba qaban karaan hawlahooda maalmood.
Hadaba gudoomiye Axmed Yuusuf iyo guud ahaan hanti dhawrka guud wuxuu ka dhigan yahay ninkii boogta lahaa ee yidhi waxbaan dhayayaa ,muxuu dhayi horta tiisa hasoo daweeyo .
Gudoomiye Axmed yuusuf isagoo hantida umadda lunsaday sidee loogu aamini karaa inuu ilaaliyo ama masuul ka noqdo hantida umadda , yaase looga cabanayaa hadii xafiiska hantidhawrka laysku dhex dulmo.
Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka
The International Organization of Migration (IOM), through its African Capacity Building Centre (ACBC) organized a week-long training (1-5 April 2019) in Moshi, the United Republic of Tanzania, on Security Documents and Fraud Detection for nine immigration officials from Somaliland.
According to IOM’s Displacement Tracking Matrix (DTM) figures, [1] Berbera and Bossaso constitute main routes for migrants entering Yemen through the Gulf of Aden irregularly. The reports additionally states that more than 99,000 migrants who have reached Yemen in 2017 made it through Somaliland and Puntland – making the region an important departure and transit point for human smuggling and trafficking.
The training focused on passport examination and detection of fraudulent travel documents with the aim of improving the management of mobility and guaranteeing human security by Somaliland border authorities in the Horn of Africa.
“Improved capacity in document examination is essential to support governments’ ongoing efforts to combat migrant smuggling at sea from the Horn of Africa towards the Middle East,” said El Mois Lideen Alla, Sudanese forensic lab expert and certified document examination trainer at the IOM ACBC during the training.
Understanding the importance and challenges of document fraud, being able to detect fraudulent documents, as well as mastering legal procedures in the event of their detection were the main objectives of this training which was organized under the project “Enhancing Migration Management in African States through Capacity Building on Integrated Border Management and Countering Irregular Migration”, funded by the Ministry of Justice and Security Repatriation and Departure Service (RDS) of the Netherlands.
“IOM is very grateful to the RDS of the Netherlands for funding this project that is positively contributing to the global efforts in combating human trafficking and smuggling,” said Dr. Qasim Sufi, IOM Chief of Mission in Tanzania.
For more information, please contact IOM ACBC: Neil Roberts, Email: nroberts@iom.int , Tel: +255 699 670 001, or Nelson Goncalves, Email: ngoncalves@iom.int, Tel: +255 688 700 090
[1] DTM. Flow Monitoring Yemen. Regional Migrant Response Plan for the Horn of Africa and Yemen 2018-2020, p. 7
Dallad baa la qaataa”……………….. Abwaan Hadraawi (Dibadyaal).
Qormadan Kooban Waxaan kaga Hadli doonaa in aan kaga sheekeeyo Xaalado badan oo ka jira gudaha Somaliland, taasoo qof kasta oo ku dhex jira bulshada dhexdeedu uu dareemi karo in baahiyo badan iyo dhaliilo badan oo ay shacabku tirsanayaan ay jiraan. Halka Aqoonayahan kasta oo bulshada ku dhex jira, lehna hami siyaasadeed oo jecel in uu dorasho mid goole degaan, mid baarlamaan iyo mid madaxweyn-ba inta uu bulshada ku dhex jiro arkaayo, oo uu u fiir fiirsanaayo isla markaana faaqidaayo oo baadhaayo baahiyaha ay bulshadiisu qabto iyo dhaliilaha xukumada markaas taladda dalka haysaa ay leedaha, laakiin nasiib darro jirta awgeed marka qofkaas aqoonyahanka ahi helo mansabkii iyo halkii uu doonaayey isaga oo taageero iyo garab istaag ka helaaya bulshadii uu ku dhex noolaa uu marka dambe, ilawshiyo iyo Masaxaad laga mariyo dhamaan wixii uu dareensanaa ka hor intii aanu noqon masuul sare oo maamulka dalka qayb ka ah.
Duruufaha Jira Ee Bulshadu Dareensantahay: Marka aad baadho oo aad u kuurgasho baahiyaha iyo duruufaha ka jira dalka iyo bulshada dhexdeeda waa kuwo aan qoraal lugusoo koobi karin, duruufahani waa kuwo baddi bulshada ka haysta dhanka nolosha iyo daruuriyaadka muhiimka u ah jiritaanka bani-aadamka.
1. Biyaha: Biyuhu waa nolosha noole kastaa ku noolayahan, Isla markaana aanu ka maarmi karin la’aantood; Somaliland gudaheeda waxaa jira duruuf baahsan oo guud ahaa gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinkuba ka simanyihiin.
Baahidan biyo la’aaneed waxay dalka ka jirtay ilaa wakhti ku beegan markii somaliland xornimada ka qaadatey Maxmiyadii Ingiriiska, laakiin dadka wax faaqidaa waxay aaminsanyihiin in kahor wakhtigii 1990-nadii dadku aanay dareemi jirin biyo la’aan baahsan oo gaadha ilaa xaddka ay maanta taagantahay, sababta taas keentayna ay ahayd dalka oo dadka ku dhaqani tiro ahaan magaalooyinka aanay xaddiga hadda jira ay ka yarayeen tiro ahaan iyo dhismaha dalka gaar ahaan magalooyinka waaweyn oo ahaa kuwo aad u kooban.
Sababta labaad ee wakhtigaas sagaashanadii ka horeeyey loo dareemi waayey baahiyaha biyo la’aaneed ee magaalooyinka dhexdooda ayaa ahayd in cimiladai iyo wakhtiyada roobabka la helaa ay ahayeen kuwo ka duwan sida hadda, oo xiligaas wakhtiga jiilaalka ee biyaha ceelasha iyo baraaguhu ay gudhaan ahayd wakhti kooban.
Hadda Hargeysa gudaheeda inta aan loo gudbin magalooyinka kale ee dalka waxaa ka jira biyo la’aan baahsan, taas oo runtii marka aad aragto hoyooyin iyo caruur yar yar oo safaf dhaadheer ugu jira helida biyo nadiif ah, isla markaana helida biyahaasi ay ku xidhantahay booyad ama gaadhi-ximaar biyoole ah oo wakhti kasta la waayi karo.
Intii ay somaliland jirtay Duruuftan iyo baahidan biyaha magaalooyinka oo isasoo taraaya, wali masoo marin dawlad waxqabad sax ah oo la taaban karo ka qabatay, In kasta oo dawlad kasta oo dalka soo martaa balanqaad iyo hadalo aan waxba ka suurto gelin dadka ugu balan qaado, taas oo marka xilku ka dhamaado dawladii mida xigtaa isla sidii dawladii hore balanqaadyo samayso, laakiin shacabka masaakiinta ahi ay rumaystaan haddalka siyaasiga isaga oo ku fushanaya danno gaar ah oo uu leeyahay.
Miyeyna ayaan darro ahayd dal dhan oo jiritaankiisa ku abtirsada marka laga taggo wakhtiyadii isku biirka somaliland iyo somaliya muddo laga joogo 27 sanno oo ilaa hadda caasimadii, magaalo madaxdii dalku marka saddex melood loo qaybiyo laba meelood oo kamid ahi aanay helin biyo nadiif ah, hoyooyinkii iyo maatidiina la dhiban yihiin habeen kasta u soo jeedka sidii ay u heli lahayeen 1 jirikaan oo biyo nadiif ah; Hargeysa gudaheeda waxaa jira guryo ay deganyihiin madax sar sare oo ka tirsan dawladaha soo maray dalka oo guryahooda iyo xafadaha ay deganyihiin aan laga helahayn wax biyo ah, Halka aad arkayso wasiiro iyo Masuuliyiin maalin walba ka hadlaya wax aan muhiimad u lahayn bulshada iyo shirar aan natiijo lahayn oo hadba ay kaga qayb galaan waddan iyo dal aan aqoon halka ay somaliland ku taalo. Allah ha u naxaristee Abwaan gaariye ayaa laga hayey “Dal waxaan ku noolay nin dilaala mooyee nin daryeel idhaa duli uu kaqoranyahay…….” Miyaanay haddaba taagneyn tan uu abwaanku ka hadlaayey.
Waxaa tan lagaga bixi karaa dawlada shacabka masuuliyada u haysaa in ay dareemaan in qaybtii ugu muhiimsanay masuuliyadoodu ay dayacantahay, Yaan la odhan tani dhaqaale ayey u baahantahay bal fiiri Imisa lacag iyo misaaniyad ayaa sanad walba la Ansixiyaa oo waliba si duuduub ah loo aansixiyaa, hadii milyanada dollarka ah la qorsheeyo beri hore ayey Somaliland noqon lahayd dal isku filan oo aan ictriaaf iyo aqoonsi toona uga baahneyn aduunka.
Maxaa Sababay Xukumada Madaxweyne Biixi In Dhakhaatiirta Ajanibaga Ah Maxkamad U Hor Gayn Weydo, Lakiin Bankiga Djibouti Ee BCIMR Kiiskiisa Maxkamada Geyso!
Iyadoo Fashilka Maamulka Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi Isasii Taraayo ayaa waxaa is weydiin mudan sababta aay xukumadadeenu Dhakhaatiirta Ajanabiga Ah ee wasaarada Caafimaadku qaraarka kasoo saartay in dalka laga mastaafuriyo sababta maxkamad loo hor gayn waayay?
Wasaarada caafimaadku waxay xustay in Dhakhaatiirta Ajanibiga ah ee Cusbitaalada Somaliland ka Hawlgala amaba ka shaqeeya in aanay lahayn xirfadii dhakhtarnimo iyadoo qaar koodna ruqsad haysan!
Hadaba Xukumadeena miyaanay danaynayn Bulshada halista cafimaad dhakhaatiirta aan Xirfada lahayn ee Dadqalatada ah in Maxkamad Loo Horgeeyo Bulshada amaba Umada ku dhaqan Somaliland een laga War hayn wax yeelada caafimaad ee Dhakhaatiirtaas Ajanabiga ahi u gaysteen iyadoon islamaarkana laga war qabin inta Khibrad La’aan Caafimaad aay u Dileen ee gacantooda ku sadqeeyeen madaamayna lahayn Talhasuskii Dhakhtarnimo?
Miyay tahay in Dhakhaatiirtan Ajanabiga ah In dalka Laga Mastaafuriyo Iyadoon Maxkamad La Hor Gaynin Iyaga Iyo Dhakhtarada Gaarka Loo Leeyahay Ee aay Ka Hawl-galayeen toona? Miyaanay ahayn in Sharciga la hor keeno si umadu u ogaato heerka wax yeeladay gaysteen leegtahay iyo halista aay ku sugan yihiin kuwa ka nooli?
Waxaa jirtay in Xukumadu rabtay inay maxkamadaha dalku qabtaan dacwad Khusaysay Ganacsade Axmed Cismaan Geele iyo Banki jabuuti laga leeyahay, hadaba maxay tahay sababta Dhakhaatiirta Ajanabiga Ah iyo Dhakhaatirta gaarka Loo Leeyahay Ee Dalka Keenay sababta Loo Mastaafurinaayo Iyadoon Sharciga iyo Qanuunada Dalka u Yaala Toona iyadoon la Marin?
Umad dhan caafimaad koodi Dhakhaatiirta Wax yeelaysay kuna Khamaartay in Maxkamad La Hor Keeni waayaa miyay idinla Qumantahay halka Shaqsi Qudha Banki aan dalka Somaliland laga lahayn dacwadiisa xukumadu rabto inay ku qaado?
Jawabhaas Umada Somaliland Ku dhaqan Ayaa laga sugayaa.
Ganacsade Axmed Cismaan Geelle & Muuse Biixi oo la kulansiiyey+Qodobo hordhaca oo ay ku heshiiyeen
Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle Oo Kulmay Iyo Qodobo Ay Ku Heshiiyeen.Hargeysa(HWN):-Ganacsatada somaliland ayaa ku guulaystay inay kulan isku hor fadhiisiyaan madaxweynaha somaliland iyo ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo maalmihii ugu dambeeyey khilaaf soo kala dhexgalay.
Kulankan oo ganacsatadu suura galisay ayaa lagu dhagaystay dooda madaxweyne Muuse Biixi iyo ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyada oo laysla gartay laba qodobo oo muhiim ah.
Madaxweyne Muuse Biixi iyo ganacsade Axmed Cismaan Geelle ayaa isla gartay inay dajiyaan xaaladii ka dhalatay dacwadii ay Djibouti u soo waariday somaliland ee la doonayey in maxkamadaha dalka laga furo.
Sidoo kale madaxweynaha iyo ganacsadaha ayaa isla gartay in la joojiyo dacwadii ka dhanka ahayd ganacsade Axmed Geelle ee xukuumadu doonaysay inay ka furto maxkamadaha somaliland, taas oo guud ahaanba laysla gartay in meesha laga saaro.
Sidoo kulankan ayaa layskula gartay in guddida ganacsatada ahi ay sii wadaan kulamada dhex dhexaadinta ah ee ay ku jireen, iyada oo la filayo in maalmaha soo socdana ay kulansiiyaan madax dhaqameedka beelaha Arab iyo madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi oo ku kala fogaaday arintii ganacsade Axmed Cismaan Geelle.
Sidoo kale wararka ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Muuse Biixi iyo ganacsade Axmed Cismaan Geelle ay isla garteen qodobo kale oo la xidhiidha khilaafka u dhaxeeya dawlada Djibouti iyo ganacsadahaasi.
Ganacsatada somaliland ayaa dedaalo ay wadeen maalmihii ugu dambeeyey ku guulaystay inay dajiyaan khilaafkii u dhaxeeyey madaxweynaha iyo ganacsade Axmed Cismaan Geelle
Saddex arrimood oo ku saabsan ganacsade Geelle iyo Jabuuti
Axmed Geelle
Dabayaqadi bishi hore bankiga BCIMR ayaa dacwad ka gudbiyay shirkadda GSK iyo ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo ah milkiilaha shirkadda dacwadda laga gudbiyay.
Markii ay soo baxday arrintan waxaa maxkamadda Jabuuti ay warqad u dirtay Axmed Geelle, madaama uu yahay muwaadin reer Jabuuti ah, si dalkiisa loogu dhageysto dacwaddiisa isagana uu isku diifaco.
Markii uu warqaadda helay ganacsade Axmed waxa uu sheegay in lasoo jaray waaran lagu soo qabanayo isaga taas oo dhalisay khilaaf xooggan.
Af-hayeenka Soomaaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo dhawaan shir jaraa’id u qabtay saxaafadda ayaa sheegay in ay jirto dacwad loo haysto ganacsade Axmed Geelle, oo ka fiuran Soomaaliland gudaheeda.
“Waxaa jirtay dayn lacageed oo shirkadda GSK ee uu madaxda ka yahay ganacsade Axmed Geelle ay ka qaadatay bangiga faransiisku u leeyahay lacag gaadhaysa 20 milyan, isaga oo ah muwaadin Jabuutiyaan ah, lacagtan ayuu u qaatay in uu ku maalgashado dhismihii shirkadda Coca Cola ee magaalada Hargeysa, lacagtan ayaa ahayd mid uu Axmed ku qaatay in uu si hafto ah isaga bixiyo taasina maysan dhicin, mudo yar ka dib waxaa bilaabmay safarro ay Hargeysa ku yimaadeen wafti ka socday bangiga Faransiiska iyo safriirka Faransiiska ee dalka Kenya, dhamaan waxay wadeen dacwada la xariirta deynta ka maqan, ilaa markii danbe dacwadan la soo marsiiyay wasaaradda arimaha dibadda Somaliland, waxaa loo xil saaray mas’uuliyiin si dacwadan loogu qaado Somaliland, halka uu bangigan qabsaday looyar Somaliland ah”, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Af-hayeenka Soomaaliland Maxamuud Warsame Jaamac.
Hantida muranka ka dhashay
Bankiga Beesa-eemer-BCIMR ayaa milkiilaha shirkada GSK Axmed Cismaan Geelle ku edeeyay inuu ku guul dareystay bixinta lacagtii deynta ahayd ee bankigaasi uu amaahiyay.
Mas’uuliyiinta Bankiga ayaa sheegay in dacwad u dhexeyso iyaga iyo shirkada GSK ee ganacsade Axmed la buunbuuniyay.
Hase yeeshee, , wuxuu bangigu ganacsadaha rahan ahaan uga heystay Hanti Lagu Qiyaaso 25 milyan oo doolar.
Ilaa 90% ka mid ah hantida uu leeyahay ganacsadahan ayaa la sheegay inay taallo dalka Jabuuti.
Dhanka kale eedaymaha waxaa iska fogeeyey ganacsade Axmad Cismaan Geelle.
Si ay BBC-da wax uga ogaato arrimahaasi ayaa waxa ay la xirriirtay agaasimaha guud ee bankigaasi waxa uuna sheegay in arrinkan uu yahay mid aan ku salaysnayn siyaasad ayna tahay mid u dhaxeyso ganacsadaha iyo bankiga oo kaliye.
Waxa uuna sidoo kale ku daray in ganacsadaha uu lacagta ku qaatay isaga oo ah muwaadin reer Jabuuti shirkadihiisana ay ka diwaan gishanyihiin Jabuuti ayna dacwad u gudbiyeen maxkamadda Jabuuti ku taalla.
Dacwad taas lamid ah ayey sidoo kale u gudbiyeen maxkamadda jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Afhayeen u hadlay ganacsade Axmad Cusmaan Geele ayaa waxa uu sheegay in hanti badan oo ka taallay Jabuuti si khasab ah looga faramaroojistay.
Si aan waxa uga ogaanno eedeymahaasi waxa ay BBC la xirriirtay Ramis oo ah maamulaha ku meel gaarka ah ee shirkadda GSK, waxa uuna eedeymahaasi ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah waxa uuna yiri.
“Ka dib warar xaqiiqda ka fog oo warbaahinta lagu shaaciyey waxaa muhiim noqotay inaan halkan ka xaqiijinno xaqiiqada jirta, iyada oo uu maqanyahay mulkiilaha, shirkadda GSK iyo shirkadaha hoos taga waxay ku jiraan howl gaabis ah oo halis gelin karta jiritaankooda, iyadoo laga duulayo nidaamka sharci ee dalka ka jira GSK iyo dhammaan shirkadaha kale ee hoos taga waxaa maamulkooda la hoos geeyey maamul ku meel gaar ah kaas oo ah kuwa madaxbannaan oo gudan doono howlaha shaqo ee GSK.”
Muwaadinimada ganacsade Geelle
Jinsiyadda dalka Jabuuti ayaa lagu qaadan karaa laba arrin.
Haddii uu qofka ku dhashay Jabuuti wuxuu noqonaya muwaadin u dhashay dalka iyo tan labaad oo ah in maamulka ay ku siiyaan dhalasho.
Ganacsade Axmed Geelle ayaa la sheegay inuu heysto 2 dhalasho
Marka qof kasta oo jinsiyadda Jabuuti haysta waxaa loo aqoonsanayaa inuu yahay muwaadin dalka xuquuq ku leh.
Ganacsadahan ayaa heysta labo dhalasho oo kala duwan.
Sharci ahaan waxaa u bannaan inuu qaato laba jinsi kana hirgelin karo Jabuuti.
Kala qeybsanaanta
Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbanaanida ee Somaliland ayaa waxa ka hadlay xisbiyada siyaasada iyo qeybaha kale ee bulshada oo dhaleycen u soo jeedinaya dowlada Jabuuti iyo qoyska madaxweynaha.
Balse dowlada Jabuuti iyo xisbiyada dalkaas wali kama hadal arrintan.
BBC-da ayaa la xirirtay masuuliyin dowlada Jabuuti ka tirsan, hase ahaatee way ka gabsaden inay ka jawaabaan dhaleeceynta Soomaaliland.
War saxaafadeed uu oo saaray ganacsade Axmed Geelle oo ka saabsan muranka kala dhaxeeya dalka Jabuuti, wuxuu ku sheegay in uu diyaar u yahay ka qayb galka dhankiisa dacwadan sidii loo maarayn lahaa, ganacsadahan ayaa sheegay in dhankiisa ay ka maqan tahay hanti kabadan mida lagu sheeganayo.
Arrintan ayaa muran baahsan ka dhex dhalisay bulshada Soomaaliland, waxaana soo baxaya dhaliilo laysku marinayo warbaahinta, iyadoo aan wali xal laga gaarin habka loo wajahayo qaadista dacwaddan.
Berisamaadkii degaanku waxa uu ku suntanaa barwaaqo gees-ka-gees hoddantinnimadu wada maanshaysay. Laba gebi oo kasta dhexdood biyuhu galac leeyihiin. Deegaan geddiisu wacantahay oo gabbal dhacay iyo waagiisa xareedu wadhantahay. Gaaxda adhiguna gargaar Eebbe ay tahay, god abees iyo iyo weere dhex dubaaxiyana aan looga baqayn. Udugga ka soo kamkamaya geedaha cagaarani uu gasiin xoolaad ku suntanyahay. Gego madhan, abaar gaag mareebta ah, gaajo iyo harraadna la kale fogaaday. Nasiib na loo helay guul Alle oo aan gedgedoon abaareed suuradeeda lahayn. Caqli ahaan iyo feker ahaan ba ku xasilinaya. Waayeelkuna ardaaga digri bilaa turxaana la fadhiyaan Eebbe baryadiisanu miciin dheeraada u tahay. Waa berisamaadkii, waana beri waayeelka gadh casaaga ah iyo habraha adhaxdu soo liicday ku soo hal-qabsadaan kolka ay deegaankii hore hogo-tusaalaynayaan. Waxa uu ku suntanaa qurux, deganaansho iyo degsiimo insaanka iyo dugaaga khatar ta ahi ku loolamaan. Wax kastaa way is-beddeleen, bartii duurka ahayd waxay noqotay dirri qaaca ka soo baxayaa ilaa dalqada ku qarxinaayo. Bartii geed gaabka iyo jillabku is qariyeyna waxay isu saaftay bar boodhka iyo habaasku sida toxobta kugu dhegayaan.
Waxa hubaal ah in daqiiqad kasta aanay arladani ahayn sidii bersamaadkii mid nabada, feker ahaan, maskax ahaan iyo jidh ahaan ba–xattaa naf ahaan. Waxa qof kastaa halis aan taxadir lahayn ugu jiraa in uu dhibaato maskaxeed, jidheed iyo nafeed ba la kulmo kol iyo kob kasta oo uu ku suganyahay. Mar kasta qofku waxa uu u bandhiganyahay in ay naftiisu u huleesho aakhiro isaga oo aan ogayn asbaab kasta oo sababi karta in uu dhinto. Dhimashada iyo arrimaha qaybka khuseeeya marka aynnu ka nimaadno, inta badan bulshadeennu waxay la asqaysantahay haliso badan oo aanay dhaaddanay. Tusaale: shakhsiga maanta nooli, waxa si lama filaana u furay Tv-ga waxa ka daldalmaya nin weriye ah oo ka sheekaynaya wax uu ku sheegay war. Waxa uu hordhac uga dhigay , “Siyaasiyiin ka soo jeedda beel heblaayo oo sida fiinta uga qayliyey xilal uu magacaabay masuulka dalka ugu sarreeya ayaa kulan saxaafadeed ku qabtay meel heblaayo iyaga oo ku andacoonaya in beel keliyi u badantahay xilalka dawladda”. Miskiinkii warbaahiya daalacanayey uun baa cadho awgeed labada kood ka hooray dhidid fudadka le’egi. Ceebtii maaha ee waa caadadii. Habeen kasta waxa uu balwad ka dhigtay in uu sida daroogada fiiqsado wax war u eeg oo beeshiisa aan faraxti gelin. Waxa uu si’ joogto ah seexdaa wadnahiisa oo gawda haya, garaaciisuna waa mid kuwada lingaxan xubnaha jidhkiisa oo idil, buste huursan ayuu hoosta ka gelayaa isaga oo sida bambada ciil qarxaaya. Oogga hore ayuu ku waabariista fiirsashada jaraa’idka iyo waxaan dhaamin oo war loo eekaysiiyey. Bartaasna waxa ka bilaabantay fekerka ah siyaasaddii maanta idinkaa majaraheedii haya! Mayee maanta bilo rabaalsanayd bay mucaaridkii idinku soo bilbileen! Mayee maanta waynnu ledaynaa oo siyaasiyiinteennii qoolalkii ay xidhiyeen way sii suryeeyeen!. Ciil joogto ah. Siyaasad isku hore iyo daba noqonaysaysa ayey noloshiisii ku dhisantay. Waxa la soo dersay dhiig-kar, macaan, waxa u sii dheer selel habeenkii hurdada u diiday. Kol uu sidaas ku sugnaa wakhti dheer habeen hurdadu ka raagtay isaga oo xanuunadiisan ka werwersan, waxa uu dib u milicsaday xayaatadii yaraantiisii uu ku naaloon jiray. Waa deegaankii bilaa rabashka ahaa, waa deegaankii nabadda iyo farxadda joogtada ah la deriska ahaa. Waa deegaankii aan marna caloolyaw iyo ciilkaambi midna la la kuududsanayn. Deegaankii quruxda iyo deganaansha nafeed Alle ku mannaystay. Deegaankii ciyaar gudka ku caanbaxay. Kol keliya uun waxa ku soo qub tidhi qalbigiisa mid aanu filayn weligiina ka fekerin. Xaalad uu mooganaa se aanu niyaddaba gashan sidan bay ahaan jirtay. Waxa mar keliya qalbiga uu ka yaqiinsaday in Siyaasiyiinta beeshiisa hoggaamisa; waa kuwa uu hadh iyo habeen u diriro sidii ay mansabka siyaasadeed u fuuli lahaayeen ay yihiin siyaasiyiintii ay soo naas muujisay dawlad berisamaadkii halligantay. Waa siyaasiyiin bartay tabta ummad dhan masiirkeeda loo duwo iyadoo dano dhaqaale, siyaasadeed iyo ammaan ba gabbaad looga dhiganayo. Waa siyaasiyiin dawladdaa halligantay u ahaa dheg ama se’ sirdoon. Kolkii dawladdii soo naas muujisay cahdigeedii dhammaday waxay unkeen habab weji ku macaash ah oo ay dadkii kaga dhex shaqaystaan, waxay samaysteen tabo kale geddisan kuna dhisan taaktiko kale door-roon. Waxay si’ hoose inoo yidhaahdaan, “Waxaannu nahay siyaasiyiinta beesha metela. Waxaanu nahay siyaasiyiin rugcaddaaya oo siyaasadda ku xeel-dheer”. Qaar baa ku macaashay waxaanu nahay siyaasiyiinta beesha metela, qaar daaha ka dambeeya oo siyaasad dhagaraysan maleega. Waxaa uu ogaaday “in siyaasigani uu aaminsanyahay in uu cilmi ahaan, caqli ahaan, arrin ahaan iyo aragti ahaan ba ka sarreeyo inta uu astaanta siyaasadeed calankeeda u haayo. Isagu se’ ma dhaadana aqoon buuxdana uma laha. Tol ahaanna haddiiba uu xaafaddiisa shaxaad la hor istaago cid u tawaabaysaa ma jirto jeer uu sharraxaad abtirsiin u badan ka hor dululubiyo ilaalada gurigiisa. Aakhirkiina wax uu kolba dhinac isu rogo, waxa uu yaqiinsaday in uu daqiiqad kasta oo noloshiisa ahayd ku sugnaa ciil, qamuumyo iyo dagaal qarsoon oo uu siyaasi nolol maalmeedkiisii wataa u sabab ahaa.
Gunta iyo gunaadka, dhibkani waxa uu haystaa qofkasta oo siyaasadda u dhuun daloola, faalleeya ama warbaahinta si’ toosa ugu xidhan. Taasna waxaa qiraaya siyaasiyiinta Somaliland. Habeen aan ka qayb galay dhigane uu qoray Siciid Maxamuud Gahayr, waxa ka soo qayb galay Jamaal Cali Xuseen. Hadaladiisii waxaa ka mid ahaa, “Anigu waan iska daayey daawasashada muuq baahiyayaasha Somalida; waayo warkoodu waa dhiig-kar iyo cadho joog ah”.
Fekerka aqoonyahanka Sadam Osman kaabash Hargeisa, Somaliland. Sadamkabash99@gmail.com
— Name: Sadam Osman Mohamed Phone : 063 4010419 Email: Sadamkabash99@gmail.com Address : mohamed moge village Tittle: Biomedical Scientist / Writer
Dawlada Canada oo shaacisay in Laba Haweena oo haysta Dhalashada Dalkeeda lagu Hayo Xabsiyada Hargeisa + Magacyada la shaaciyey
Dowladda Canada ayaa sheegtay in muwaadiniin u dhashay dalkeeda lagu xidhay meel ka tirsan dalka Soomaaliya.Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Canada oo war saxafadeed soo saartay ayaa sheegtay in 2 Haweena oo u dhashay dalkeeda lagu xidhay Soomaaliya.
Qunsuliyadda Canada ee Nairobi ayaa sidoo kale sheegtay in ay la xidhiidhay Maamulka Soomaalida ee arrintan xidhiidhka la leh.
Dhinaca kale, Jason Jeremiyas oo ah U-dhaqaaqe Xuquuqda Rayidka ee Hay’adda “Callled Price of Silence” oo markii ugu horreysay la xidhiidhay Wargeyska The Globe and Mail ee ka soo baxa dalka Kanada waxa uu magacyadda Haweenkaas ku xidhan Hargeysa ku kala sheegay Maymuum Cabdi iyo Kariima Wattis Cumar.
Wargeyska The Globe and Mail waxa u uqoray inaysan si madax bannaan u xaqiijin karin magacyadda haweenkaasi ku xidhan Hargeysa.
Canada weli faahfaahin dheeraad ah kama bixin sida loo xidhay haweenkaan, Sababta Keentay iyo shaqada ay ka qaban jireen Soomaaliya.
Haweenkaan ayaa waxaa lagu xidhay sida ay Qunsuliyadda Canada ee Nairobi sheegtay Saldhigga Booliska Koodbuur ee Magaalada Hargeysa.
Waqtiga la xidhay haweenkaan ayey safaaradda sheegtay inay aheyd Bishii January isla markaasna ay weli ku xidhan yihiin xabsigaas.
Xisbiyada Kulmiye Iyo UCID-ayaa maalinta Bari ah lagu wadaa in ay ku dhawaaqaan hadal midaysan oo ay ka soo saari doonaan arimaha muranka dhaliyay ee hor taagan in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyinka wakiilada Iyo deegaanka.
Kulankan oo ay Bari isugu iman doonaan xisbiyada Kulmiye Iyo UCID- ayaa timid markii ay sadexda xisbi Qaran ee Somaliland isku aragti ka ahaan waayeen gudiga doorashooyinka oo Xisbiga Waddani uu gabi ahaanba joojiyay wada shaqyntooda kuna sheegeen kuwo aan dhex ahayn, xaga xisbiyada UCID- Iyo Kulmiye ay mar walba mawqif ahaan isku dhawaayeen mararka qaarkoodna ay isku aragti a tihiin.
Hadaba bal waxa aynu isha ku hayn doonaa waxa ay xisbiyada Kulmiye Iyo UCID-ay bari la hor iman doonaan bulshsda Somsliland
ASSALAAMU CLAYKUM BULSHADA REER SOMALILAND GUDE IYO DIBADBA
Waxaan ahay muwaadin u dhabar adayga, u samra ged-gedoonka siyaasada, isla markaana ku adag aragtidiisa uu ku cabirayo kolba waxa ka jira dalka, anigoo waliba caddaynaya inaan Xisbigii UDUB dabadeed aanan galin sadexdan xisbi ee isku soo hadhay midna.
Caawa waxaan jeclay inaan wax ka idhaa, qarannimadii Somaliland-ta oo sii liin baxaysa!
Siday usii liinbaxaysaa weeye su’aashu? Jawaabta su’aashani waa su’aal kale oo ah: Ma ogtay akhristaha sharafta lehoow/leheey inaanay waligeed Somaliland ka dhicin, in madaxdu gaadiidka ay wadato aan loo gacan dhaafin maanta ka hor?
Hadaba, markaad muwaadin ka fikirto dhacdadan oo ku habsatay Gaadhiga Gudoomiyaha Wadani oo sida ay warbaahintu sheegtay Wiish lagu qaaday, in looga gol lahaa ujeedo fog. Haba dhacdee waxaan lasii yaabay, XUKUMADII OO SOO CELISAY GAADHIGII GUDOOMIYAHA XISBIGA WADANAI – CRAXMAN CIRO!!!!
Anigu intaan ka aqaan marmarsiiyaha iyo ulajeedooyinka Tabaha siyaasadeed, ee laysku hujuumo, waxaan kula talin lahaa nimanka ama masuuliyiinta Xisbiga Wadani inay INAY IIBIYAAN GAADHIGAAS SHAASHOOBAY! Waxaanana ku salaynayaa labadan sababood ee hoos ku xusan:
Gaadhiga muraadbaa loo lahaa Ayaan aaminsanay. Muraadkaasina mid technical ah weeye. Cod-duube ayaa lagusoo rakibi karaa, ama Aaladkale oo halis ku ah Amniga Gudoomiyaha iyo karaamada xisbiga labadaba. Qodobkan kale ee Sharafba waanay ahayn in gaadhigii Wiishka lagu qaaday ninkii madaxda ahaa uu dib u isticmaalo, isla markaana ay tilmaan caan ah noqoto, dadkuna yidhaahaan: WAA GAADHIGII WIISHKA DAWLADU DALACAY KAN UU GUDOOMIYAHA WADANI WATAA! GUNAANADKAYGU WUXUU YAHAY: MASUULIYIINTA SARE, OO UU KU JIRO HOGAANKA SARE EE XISBIGA WADANI WAA INAY TOOS U IIBIYAAN GAADHIGAN, MAANTA ADUUNKII DHANKA TECHNOLOGY-GA MEEL XAASAASIYA AYUU MARAYAA. WAA IGA TALO AMA WAA IGA EREY DHAANWADE!
Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal!
SANWAA CUMAR YARE
Freelance Political Commentator Email Address: politicianbynature@outlook.com
Trump oo amray in la baaro “afgambi lala damcay oo dhicisoobay”
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu la hadlay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka si uu dabogal ugu sameeyo meesha uu ka soo ulkamay baaritaanka lagu sameeyay ee caddeeyay in isaga iyo Ruushka aysan wada shaqayn dhexmarin.
Trump ayaa “isku day afgambi” ku tilmaamay baaritaankii uu ku sameeyay Robert Mueller oo horay u soo noqday agaasimaha guud ee hay’adda dambibaarista Maraykanka ee FBI.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka William Barr ayaa isna sheegay in uu rumaysan yanay in dawladda Maraykanku ay si qarsoodi ah ula socotay ol’olihii Trump.
Sirdoonka Maraykanka ayaa horay u sheegay in ay u si qarsoodi ah dabagal ugu sameeyeen dad Ruush ah, balse aysan si qarsoodi ah u dabo galin ol’olihii doorashada ee Trump.
Muxuu yiri Trump?
Madaxweynahan ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa isga oo saxafiyiinta kula hadlaya Aqalka Cad weeraray baaritaankii ay samaysay waaxda caddaaladda ee ku saabsanaa in ol’olihii Trump iyo Ruushka ay wada shaqayn dhex martay si uu ugu guulaysto doorashadii Maraykanka ee sannadkii 2016.
Baaritaankii ayaase caddeeyay in isaga iyo kaaliyeyaashiisu aysan dambi galin, balse baaritaankaas ayaan meesha ka saarin in ay isku dayeen in ay caddaaladda carqaladeeyaan.
Trump ayaa yiri “Arrintaasi isku day afgambi ayay ahayd” tani waxay ahayd isku day xilka looga tuurayay madaxweyne. Waana ka guulaysannay, waanaga ka guulaysannay.
“Warbixinta Mueller, marka ay ka hadashay in caddaaladda la carqaladaynayo waan ka dagaalannay. Ma garanaysaa sababta aan uga dhiidhinay?
“Sababtoo ah waxaan ogaa sida waxan oo dhan ay sharci darro u yihiin. Khayaano ayay ahayd.
“Waxa aan hadda xiisaynayo ayaa ah in dib loo billaabo, sidaas ayaana ka rajaynayaa Xeer Ilaaliyaha Guud. Shalayna wuu soo hadal qaaday.
“Shaqo wanaagsan ayuu hayaa, wuxuuna billaabayaa in uu dib ugu laabto halka arrintani ay ka soo farcantay.
Donald Trump ayaa wakhti dheer ku baaqayay in baaritaan lagu sameeyo baareyaasha dib u eegista ku samaynayay sida uu u dhacay ol’olihii doorashada. Hadda isaga oo gacan ka helaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee uu dhawaan magacaabay, waxaa u rumoobi doonta riyadiisii.