Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Daawo:Sheekh Cabdicasiis Samaale oo ku haftay Su’aalo darandooriya oo Warbaahintu ku miistay


Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Salaad “Oomaar” oo bilaabay Musuqmaasuqida arimaha Xajka sanadkan 2019.

$
0
0

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Salaad “Oomaar” oo bilaabay Musuqmaasuqida arimaha Xajka sanadkan 2019.

Sida aynu la wada socono, sanadkii hore ee 2018ka waxa habsaan iyo dib u dhac weyni ku yimid safaradii ay Xujaajta Soomaalidu ku tagi lahaayeen Xajka iyo Xaramka, iyaga oo kuba sigtay inay sanadkaa ka hadhaan Xajka. Sidoo kale waxa aad u yarayd (marka loo eego sanadihii hore) tiradii nasiibka u heshay inay tagaan Xajka sanadkaa maadaama wakhti dambe la bilaabay xaraynta visayaasha Xujaajta.

Dib u dhacaa, habsankaa iyo tiro yaraantaa Xujaajta waxa masuuliyadeeda koowaad lahaa Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Salaad (Oomaar) oo isagu xanibay shirkadihii waaweynaa ee Daallo Airlines iyo Jubba Airways kuwaas oo muddo dheer qaadi jiray Xujaajta Soomaalida. Taa badalkeeda, Wasiirku waxa uu watay shirkado isagu heshiis la galay, qaarkoodna uu lacag laaluush ah ka qaatay isaga oo magacyada shirkadahaas u gudbiyey Hayada Duulista Madaniga ah ee Sucuudiga una sheegay inay shirkadahani yihiin kuwa soo qaadaya Xujaajta Soomaalida sanadkaa.

Dawlada Sucuudigu waxay aad iyo aad ula yaabtay Wasiirka, sababta oo ah shirkadahaa uu sheegay rukhsad ama ogolaansho kamay haysan Sucuudiga, ma jirin wax duulimaad ah oo ay hore ugu tageen Sucuudiga, ma jirin codsiyo ay ku dalbadeen ogolaansho (permission), xafiisyo ama wakiilo kumay lahayn Sucuudiga isla markaana may ahayn shirkado laga yaqaan ama maqlayba dalka Sucuudiga. Sidaa daraadeed, Wasiirku waxa uu diidmo kala kulmay Hayada Duulista Sucuudiga oo qorshihiisii waxba kama jiraan ka dhigtay, waxaana si toos ah loogu sheegay in Daallo Airlines iyo Jubba Airways ay yihiin shirkadaha rasmi ahaan loo aqoonsan yahay inay qaadayaan Xujaajta Soomaalida.

Hadaba, Wasiir Oomaar oo sanadkii hore hungo iyo fadeexad kala kulmay qorshihiisii hungurigu hagayey, waxa uu sanadkan xilli hore sii bilaabay una sii diyaar garoobay siduu u musuqmaasuqi lahaa arimaha Xajka. Wasiirku sanadkan waxa uu wataa shirkado yaryar oo laga leeyahay dalka Kenya kuwaas oo uu doonayo inuu magaca Soomaaliya huwiyo si ay uga mid noqdaan shirkadaha qaadaya Xujaajta Soomaaliya. Waa dhuumasho dhabarku muuqdo. Sidoo kale Wasiirku waxa uu isku dayayaa inuu si khaldan ugu shaqaysto guddi uu magacaabay oo la yidhaahdo Guddida arimaha Xajka, isaga oo raba inuu daaha dabadiisa ka hago hawshiisa musuqmaasuqa ku salaysan.

Wasiir Oomaar waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi “Farmaajo” u sheegay in Wasaaradiisu ay si buuxda ula soo wareegtay maamulka hawada taasi oo been cad ahayd maadaama ilaa maanta ay hayada ICAO gacanta ku hayso masuuliyada hawada Soomaaliya kana maamusho Muqdisho. Arinkani waxa uu sababay in Wasiirku canaan kala kulmo Madaxweynaha isla markaana lumiyo/waayo kalsoonidii Madaxweynaha loona arkay Wasiir aan daacad ahayn. Intaa waxa dheer, Wasiirka waxa lagu eedeeyey inuu sameeyey musuqmaasuq balaadhan ka dib markii shirkad uu isagu leeyahay uu siiyey qandaraasyo aan dadka loo soo bandhigin oo ay bixinaysay Wasaarada uu masuulka ka yahay (Xigasho Goobjoog) arinkaa oo uu aad uga cadhooday Raysal-Wasaare Khayre. Arimahaa iyo kuwo kale oo jira awgeed, Wasiir Oomaar maanta waxa uu ogsoon yahay in wakhtigii uu ka sii mid ahaan lahaa dawlada Khayre inay soo gaabatay isla markaana gabogabo ku dhaw dahay, sidaa daraadeed waxa uu taagan yahay “Nin qoyani biyo iskama dhawro” waxaanuu ku dadaalayaa in wakhtiga yar ee uu sii joogo Wasaarada inuu helo lacagta ugu badan ee suurtogal ah si uu uga qabgalo tartanka Madaxtinimada Jubbaland kaas oo dhici doono badhtamaha bisha August ee sanadkan.

Guntii iyo gabogabadii, musuqmaasuqan uu faraha kula jiro Wasiir Oomaar waa mid ka mid ah sababaha ay Soomaaliya u noqotay dalka ugu musuqmaasuqa badan aduunka oo dhan. Ugu danbayntii waxaan Wasiirkan “Lacag daydayga ah” xasuusinayaa inuu illaahay ka baqo, ummadana ka xishoodo oo faraha kala baxo musuqmaasuqan uu ku hayo arimaha Xajka.

Qore: Cabdikariim Cali

baarjeex1979@gmail.com

Somaliland: Edna Proves that Women Can Save the World

$
0
0

Can women save the world? By looking at the life Edna Adan Ismail, Somaliland’s former Foreign Minister and former First Lady, the answer would be a resounding, ‘YES.’ Labeled the ‘Muslim Mother Teresa,’ Edna has taken everything she learned through these prominent positions to save the lives of untold numbers of women and children.

Edna Adan Ismail
As the current director and founder of the Edna Adan Maternity Hospital in Hargeisa , her mission is to help improve the health of the local inhabitants and, even more urgently, to decrease Somaliland’s extreme levels of maternal and infant mortality, which are among the highest in the world. This non-profit making charity and midwifery teaching hospital, which Edna built from scratch, is also training student nurses and other health professionals. ‘I am just doing what needs to be done,’ Edna says, reflecting on her decision in 1998 to sell her home and car, as well as donate her U.N. pension, to fund the hospital.

Edna Adan Maternity Hospital
Officially opened on March 9, 2002, the Edna Adan Maternity Hospital was built on land donated to her by the regional government at a site formerly used as a garbage dump. The region lacked trained midwives/nurses to staff the hospital – as most had either fled the country or been killed during the Somali Civil War , which destroyed Somaliland’s entire health infrastructure. Edna recruited more than 30 candidates and began training them while the hospital was still under construction. Now completed, it houses two operating rooms, a laboratory, a library, a computer center and a university dedicated to training nurses and midwives as well as other health professionals. As of 2018, the university hospital has grown to 200 staff members and 1500 students. ‘Due to our training, our country now has the largest number of midwives per capita, and we have been able to reduce infant mortality significantly,’ Edna says proudly. The hospital’s historical survival rate is 75% higher than the national average.

This facility is also the address where Edna calls home, having moved into the only room that had a door and a shower/toilet during construction. ‘I was born into this,’ she says, recalling that, as a child, ‘the problems of the world came to my father’s door.’ Edna witnessed her father, a prominent physician, display compassion, generosity and devotion to his patients throughout her childhood. ‘His patients came before his own needs,’ she recalls. ‘I brought this level of dedication to my diplomatic career, and now to this hospital.’

The first woman Minister of Social Affairs (August 2002 – June 2003), Edna then became Foreign Minister, and found she was able to more powerfully present the case for supporting Somaliland not only as a diplomat, but as a woman. ‘Being a woman, I am allowed to be forceful and angry and show sorrow for my people. I am allowed to express pain and sorrow and anger. I can be motherly and I can be tenacious. I can also shed a tear or two,’ Edna adds. ‘I can also share emotions I feel by witnessing the pain and Injustice my country has suffered.’ Further, as the Foreign Minister of Somaliland, Edna purposely hosts delegations at the hospital. ‘I do this so that I can prove to everyone that if this site is good enough for my patients, it is also good enough for me to live in, and it is also good enough for those who wish to associate with me.’ As the only woman in the delegation, she has also had to remind other dignitaries that she is the head of the delegation. ‘If I bang on a table or shed a tear, don’t try to appease me, I tell them. When I express anger, don’t tell me to cool down,’ she continues. ‘Don’t try to impose a different emotion to what I am expressing at that moment. I will know when I want to cool down, and I will tell you what I need. If I wish to show my emotions, it is because I have chosen to do so.’

Yet one of the most memorable stories she tells is of an experience that occurs time and time again, and often just before a woman is about to die. ‘Since a woman in our society does not have the authority to sign for her own surgery when requiring a Caesarean section, she must have a male (father, husband, brother or son) do it for her. Sometimes, when we tell the husband that we must have his consent immediately (because of a time-sensitive emergency) or his wife will die, he will refuse, or will want to wait to decide. But we cannot afford to wait. So I summon a policeman, and on the back of the form I write, ‘I want my wife to die, ‘ when she is in danger of dying without the surgical intervention that she needs. I then ask him if he wants to sign that instead. The husband approves the surgery for a C-section every single time. If not,’ Edna adds, ‘I would have taken the risk and signed it myself, which could cause me to go to prison if his wife did not survive the surgery. Fortunately, no one has ever called my bluff.’

Yet it doesn’t stop there. ‘My battle against female genital mutilation (FGM) has been the biggest battle of my life,’ Edna says. A victim of FGM herself, she was the first woman to speak out against it. ‘These young girls have survived measles, whooping cough, chronic diarrhea and other life-threatening diseases, and when they reach the age of seven or eight, when they are learning to jump and learn and talk…they are subjected to FGM.’ ‘It is not only cutting. It is total mutilation!’ she adds. Edna believes that fathers have to be educated about the dangers of FGM as well, so she is working on publishing an animated book about it since so many in her country cannot read.

Based upon so many of Edna’s accomplishments, one would think there wouldn’t be anything she could fail at. But there is. ‘I want to get my country internationally recognized. That is my unfinished book,’ she says. ‘The world is losing the presence of a democratic country in Somaliland. We have managed to demobilize our militia with our own resources, we have a functioning, democratically elected government and we generate all taxes from our own country. While the international community is spending billions of dollars to try to bring peace in Somalia, they are ignoring the peace we have already achieved in Somaliland. We gain from peace and stability,’ she adds, ‘They gain from lawlessness.’

By Lori Sokol

About the author: Lori Sokol, PhD, is Executive Director and Editor-in-Chief of Women’s eNews. Her book, #SheIsMe: How Women Can Save The World, will be published in the Spring, 2020.

MENAFN2704201902070000ID1098445245

Xarun lagu xanaaneeyo caruurta naafada ah oo laga hit galiyay Hargeysa daawo

Waa Kuma Hanti Dhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir(Xoggo Badan Halkan Kaga Bogo)?. Q:2’aad.

$
0
0

Akhiristayaal waxaad qaybtii koowaad ku soo aragteen dhacdooyin badan oo yaableh oo xaqiiqo ah oo dul hoganaya Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, musuq maasuqii kala duwanaa ee uu sameeyay xiliyaddii uu Xilalka kala duwan kasoo qabtay Maamulka Dekeda Berbera, lacagtii Taagga lagu soo iibinayay ee uu cunay iyo hantida badan ee uu ka dhaqday Xoolihii Umadda ee lagu aaminay, waxa kale oo aad ku soo aragteen markii uu Siilaanyo xadhiga u diyaariyay cidda ka hawlgashay ee Siilaanyo ka ladqabaysay,taasi oo ay kuusii Xaqiijinayso xilkan isagoo tuugga ah lagu abaal mariyay ee mar kale Xoolihii u madda loogu loogay.

Waa Kuma Mar Kale Axmed Yuusuf Dirir?, Hantiisu intay leeg tahay?

Maanta Hanti dhawraha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir waxa uu ka mid yahay dadka ugu tujaarsan Magaalooyinka Berbera & Hargeysa, waxa uu ku leeyahay Dhismayaal aad u badan oo iskugu jira huteelo waa weyn iyo goobo ganacsi magaalooyinka Berbera & Hargaysa umaduna ay wada ogtahay, oo aan cidna ka qarsoonayn, waxaana uu hantidaasi ka dhaqday Xoolihii umadda ee lagu aaminay. Musuqa ugu badan waxa uu gaystay wakhtigii kala wareegga Dekeda Berbera ee ay Shirkadda Dp-World la wareegtay isagoo hanti badan oo iskugu jirtay Lacag cadaan ah iyo gaadiid iyo hanti kale oo uu Cali Xoor Xoor ku wareejiyay afka iska mariyay, meel ay jaan iyo cidhib dhigeenna aanay ciddi garanayn, markii ay Xukuumaddii hore ku ogaatay ee ay damacday in Xabsiga loo taxaabana waxaa difaacay Madaxweynaha Maanta oo wakhtigaasi ahaa Gudoomiyaha Kulmiye kaasi oo dano badan ku qabay islamarkaana sida uu sheegay Axmed Dirir, ay qaybsadeen Lacagtii Malaayiinka ahayd ee Taagga ee la waayay ee uu Axmed Dirir sida badheedhka ah AKAWNKA Dekedda ugala baxay. Sidoo kale Waxa uu Axmed Dirir ku leeyahay dhismeyaal dhaadheer Magaalada Dubai. Axmed Dirir waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka intay xoolihii umada boobeen hadana umadii kala xishoon waayay ee xaaraantii ku furtay goobo ganacsi, iyo dhul, dhismayaal maalin walba la iibsado.

Magacaabistii Xilkan Uu Hadda Haye Ee Hanti Dhawrka Iyo Dareenadda Ku Gadaanaa!!!

Markii uu Madaxweyne Muuse Biixi Xilka Madaxtinimadda Dalka ku guulaystay, ee uu Xilka la wareegay waxa uu xilka Hanti dhawrka Qaranka u magacaabay Axmed Yuusuf Dirir oo illaa imika haya. Dad badan ayaa aad ula yaabay Madaxweyne Muuse Biixi sababta uu tuuggii uu Xukuumaddii hore ka ladqabeeyay uu xilkan culus ugu abaal guday, waxaase dadka intaasi ka sii xog ogaalsane ay iyana jawaabteeda ku siinayaa jawaabteeda oo uu nuxurkeedu noqonayo inay Ninkani Madaxweyne Muuse Wax baddan isku qarsanayaan.

Markii Uu Xilka Hanti Dhawrka La Wareegay Iyo Baadhisihii Uu Bilaabay + Fadeexadaha.

Haddaba Markii uu Axmed Yuusuf Dirir la wareegay xafiiska hanti-dhawrka ee Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay, in yar kadib waxa uu baadhis ku bilaabay dawladaha hoose ee wadanka dhamaantood. Baadhitaanadaasi waxa ay Hanti Dhawrku ka bilaabeen Xafiisyadda Dawladdaha hoose ee Magaalooyinka Boorama Gebiley, Hargaysa, Berbera & Burco. Waxa dhamaantood wada baadhay hal Tiim oo uu si gaar ah ugu xil qarsanayay Axmed Yuusuf Dirir, waxaana tiimamkaasi haystay oo uu Madax uga dhigay Cali Bilyan. Dhamaan magaalooyinkaasi meel kaliya oo wax laga qabtay may jirin marka laga reebo Boorama oo la soo eedeeyey Maayarkii, xilkiina lagaga qaaday?.

Akhri Dareenada Iyo Fadeexadaha Ka Soo Ifbaxay Baadhisahaasi?

Waxaynu ku dul istaagaynaa oo aan ku hakanaynaa Baadhisahan oo ahaa kuwii ugu horeeyay ee uu Sameeyay Axmed Yuusuf bilawgii Muddo Xileedkiisa iyo fadeexadihii kasoo noqday.

Dabo-gal iyo faham gaar ah oo aan galiyay sida uu hantidhawruhu uu shaqada baadhistaa Hay’addahaasi u bilaabay iyo halka wax ka khaldameen ayaa waxa noo soo baxay qodobadan:

1. In Dhamaan Maayirada Magaalooyinka Hargaysa, Gebiley & Berbera Laga Qaatay Laaluush.

2. In Heshiis Joogto Ah Lala Galay Oo Bil Walba Ay Lacag Bixin Doonaan.

3. Iyo In Aan Culays Danbe La Saarin Ee Siday Doonayaan Ay Sameeyaan Oo Ay U Icticmaalaan Kharashka Mar Hadii Heshiis La Yahay.

Bulshooy ilaahaybaan idinku dhaarshee ma waxaasi ayaa baadhitaan ah? In la yidhaa mayarkii boorama oo kaliya ayaa la qabtay oo dhamaan maayiradii kale waa wada nadiif inaga oo og maanta hargaysa waxa ka taagan ma waxaan aqbali karnaa?.Waxaan ognahay markii la baadhayey dawlada hoose ee Berbera toban cisho intaaynay gaadhin mudadii la hayey faylashooda ayaa habeen madaw inta hargaysa laga qaaday la geeyey Berbera inta qalinkii akhtarka ahaa loogu saxay. Ma waxaas ayaa baadhis ah?

Muxuu Ku Badeshay Baadhisahaasi?

Waxaanu ogaanay in dhamaanba dawladahaasi hoose ee uu baadhay uu Axmed Dirir ka qaatay laaluush iskugu jira lacag iyo dhul, meesha kaliya ee uu ka waayay waxaasina ay ahayd Boorama isagiina la eedeeyey, waana tii uu Xilka ku waayay maayarkii Boorama. Ma waxaas ayaa cadaalada ama baadhis aan odhan karnaa ? waa ninkaa hantidhawraheena guud ee maantu bulshooy.

6. Kooxo Uu Ku Shaqaysto Oo Uu Samaystay & Haykalkii Xafiiska Oo Uu Baabiiyey.

Axmed dirir mudadii uu joogay hantidhawrka waxa uu sameeyey in uu shaqaalihii hantidhawrka kala qaybiyo, oo dadkii khibrada lahaa ee mudad dheer soo shaqaynay uu waxba u dirsan waayo ama ka qaado goobihii ay joogeen. Waxa uu samaystay laba kooxood oo beeshiisa ah oo uu u dirsado meeshii uu doonayo in la baadho si ay ugu soo ururiyaan laaluushka uguna fudaydiyaan musuqa uu doonayo, waxaad arkaysaa mar meel koox baadhis ah loo diro in 5 ama 6 qof ee goobtaa loo diro ay isku beel wada yihiin oo dawladnimadii meesha laga saaray, sobabta ugu waynina ay tahay musuqa uu doonayo si aan loo fahmin.

Waxa kale oo dhacday in uu baabiiyay hawkalkii dawladnimo oo dhamaanba waaxyihii kala duwanaa ee xafiiska hantidhawrka uu ka dhigay wada beeshiisa dadkii kale oo dhana uu meesha ka saaray.

7. Miisaaniyadii Xafiiska Hantidhawrka Iyo Sida Uu Ugu Tagrifalo!!!

Waxa uu sameeyey in uu musuqay miisaaniyadii xafiiska ee loogu talo galay in la siiyo shaqaalaha Hantidhawrka si meesha looga saaro in aanu ninka hantidhawrha ah ee wax baadhayaa aanu waxba waydiisan Masuulka uu baadhayo. Lacagtaasi Axmed Dirir wuu ka duudsiyey shaqaalihiisa, lacagtaasi oo dhan milyan iyo laba boqol oo kun oo dollar sanadkii waxa uu ku shubtaa akoon gaar ah oo sadexdii biloodba loogu shubo lacag gaadhaysaa 3 boqol oo kun oo dollar. Taasi haddii aad rabto waxa aad boqataa Xafiiska Hanti dhawrka, waxaanad ka ogaan kartaa Shaqaalaha laftooda iyo masuuliyiinta halkaasi ku sugan ee dulman.

Halkan U Fiirso Oo Fahan Buuxa Ka Qaado?.

Lacagtaasi ma laha wax xisaab celin ah ee waxa uu ula baxaa sida uu doono, shaqaale waxba kama siiyo marka laga reebo kooxaha uu samaystay oo uu waxyar ka siiiyo iyaga. Madaxweyne ma dawladnimadaa in hantidhawrihii wax sixi lahaa uu isagii boobayo lacagtii shaqaalaha lagu tayayn lahaa? Wasaaradaada maaliyaduna ay si toosa ugu fudayso musuq oo akoon ugu shubto inaga oo ogsoon in hay’adihii kale iyo wasaaradihii dawladu ay foojar isticmaalan?

Gebo-gebadii Madaxwayne waxay umadu kaa sugaysaa in aad si degdeg ah talaabo u qaado oo aad keento qof nadiifa oo umadu ay ku kalsoonan karto, musuqna aan hore u soo samayn oo baadhitaankii lagu qanci karo.

Mudane Madaxweyne ma tuuganimadii ayaad ku abaalmarisay? Ma xoolihii umada ee uu sifaha khaldan uu adeegsaday ayaad abaal gud uga dhigtay goobtii la doonayey in aad gayso nin nadiifa oo umadu aamini karno, waxa uu soo qabtana lagu qanci karo? Madaxweyne, Ilaahaybaan kugu dhaarinee miyaanad umada Somaliland ka xishoonayn markaad ninkaa tuugaa ee aad ogtahay aad aad u magacaabayso meeshi musuqa lagala dagaalami lahaa?!!! Maxaad madaxweyne umada caqligooda u caayaysaa?!!!

Somaalidu waxay ku maahmaahdaa: Hal xaaraani nirig xalaala ma dhaso! Oo macanaheedu maanta noqonayo nin tuug ahi baadhitaan sax ah ma samayn karo.

Shacab Somaliland-na waxaan leeyahay waa ninkaa hantidhowraha maanta ina leh waxbaan saxayaa. Waa kii la horgayn lahaa cadaalada ee xoolihii umada ee uu dhacay laga soo celin lahaa. Ilaahow cadaalad ayaan ku waydiisanay iyo dad sharaf iyo karaamo leh oo hantida umada lagu aamini karo.

Lasoco Qaybo Dambe ….

Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2000@gmail.com) , London.

Virus-free. www.avast.com

Gunmen Kill One Man In Northern Ethiopia

$
0
0

Unidentified gunmen opened fire on a bus heading to Mekele City of north Ethiopia carrying football players and killed one wounding several, the state broadcaster said.
The car carrying Tigray Police Walta Football Club players was attacked yesterday in Afar Region of Ethiopia around Gewane town, according to ETV Sport news aired this afternoon. Football player Amanuel Berhane was killed while other wounded by the attack are taken to a hospital for treatment

So far, no detail is released about motive of the gunmen. The report stated that the Afar Regional State is carrying out investigations to bring to justice those who attacked the footballers. The Afar Regional State is one of the nine regional states of Ethiopia, and is the homeland of the Afar people.

Source NBE

China’s initiative is a game changer: Dubai-based global ports operator DP World is a leading investor in Africa with presence in Egypt, Djibouti, Algiers, Algeria, Somaliland….

$
0
0

The UAE will consolidate its position as a key transit point for Chinese exports to African and European countries under the Belt and Road Initiative (BRI) as billions of dollars in trade will pass through the region.

Due to its strong potential, the China-Africa Belt and Road Initiative through the Gulf region is termed as the 21st century Silk Road, benefitting all the countries in terms of fresh investments, job creation, GDP growth and human capital development.

Led by the UAE, Gulf states have already recognised the importance of African countries and invested in agriculture, ports, infrastructure, mining and other strategic sectors. Similarly, China also pumped in billions of dollars in aid, loans and investments in diverse sectors. This will further strengthen the trade on the 21st Century Silk Road.

Latest figures show that bilateral trade between the Gulf and Africa increased more than nine-fold over the last two decades and in 2018 it stood at over $65 billion. The UAE-China trade reached $53 billion last year, an increase of 17 per cent.

His Highness Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Vice-President and Prime Minister of the UAE and Ruler of Dubai, is currently visiting China to participate in Belt and Road Forum.

Highlighting the strong trade ties between the Gulf countries and Africa, Knight Frank stated that the UAE has been a key contributor to the trade growth with bilateral trade growing almost 4,000 per cent over the last decade. Currently, the UAE accounts for over 50 per cent – $34 billion – of the Middle East’s trade with the African continent. The UAE is followed by Saudi Arabia with $16 billion, Kuwait with $1.7 billion, Oman with $1.5 billion and Bahrain with $700 million worth of trade.

Dubai-based global ports operator DP World is a leading investor in Africa with presence in Egypt, Djibouti, Algiers, Algeria, Somaliland, Rwanda, Mozambique and Senegal. Similarly, UAE’s largest telecom operator etisalat has international operations in Morocco, Egypt, Mauritania, Mali, Gabon, Burkina Faso, Benin, Cote d’Ivoire, Togo, Niger and Central African Republic.

According to fDi Markets data, the Middle East has 33 foreign direct investment (FDI) projects accounting for five per cent of total FDI into Africa, but the UAE is leading the way by a considerable distance and is the ninth largest investor in Africa with 19 FDI projects in 2017. These projects have created an estimated 74,000 jobs.

Vijay Valecha, chief market analyst at Century Financial, said BRI is primarily aimed at increasing trade and stimulate the economic growth.

“From the Middle East’s perspective, proposed sea route connecting China’s coastal regions to Europe via Mena region is all set to benefit this part of the world. With proposed investments of about $1 trillion, the major sectors that would benefit include ports, transportation, roads, railways, airports, and telecommunication,” he said.

During last year’s Ministerial Meeting of the China-Arab States Cooperation Forum, Valecha said, China had pledged $23 billion in loans and aid to Arab states. “This would envision money flowing into building of new oil and gas pipelines, railroads, ports and other infrastructure facilities.”

“The UAE is set to play a big role in China’s Silk Road initiative due to its world-class infrastructure. With over 20 per cent of Arab-China trade already coming to the UAE and more than 25 per cent Chinese exports to Arab world going through it, the UAE is naturally positioned to reap rich dividends from this initiative,” he said.

“Egypt is another country that is set to benefit considering the strategic location of the Suez Canal along the maritime routes. Furthermore, cluster of projects have been announced from Chinese side which would see industrial parks being developed in Oman, Saudi Arabia, Egypt, the UAE along with other major African nations like Djibouti, Kenya and Ethiopia,” he added.

Taimur Khan, research manager for Middle East at Knight Frank, said the UAE-based airlines also fly to 20 African countries facilitating commerce with the rest of the world.

“A third of the world is accessible within four hours and two-thirds within eight hours of flights from Dubai International airport. Infrastructure investments and transport links not only strengthen the historic ties between Africa and the Gulf states but are crucial for the potential of Africa to be fully realised,” he said.

– waheedabbas@khaleejtimes.com

Arin mucjiso ah oo lagu arkay gabadh yar oo Laascaanood ku nool daawo


Jilaa caana oo guursaday gabadh soomaaliyada oo ay muddo wada socdeen

$
0
0

Jilaaga caanka ah ee reer Britain Idiris Elba ayaa shalay ku guursaday magaalada Marrakech ee dalkaasi Marocco gabar soomaaliyeed oo ay in mudo ah wada socdeen taas oo lagu magacaabo Sabrina Dhowre.

Mr. Idiris ayaa guurkan ka dhigaya kiisii saddexaad, iyadii kan kii ka horreeyay ay wada joogeen xaaskiisii labaad afar bilood oo qura, waxaana uu leeyahay labo carruur ah oo kala jira da`da 4 iyo 17 sano.

Xafladda arooska ayaa ka dhacday hotelka lagu magacaabo Ksar Char Bagh ee magaalada Marrakech, waxaana ay socotay muddo saddex casho ah.

Labo sano ka hor ayay aheyd markii uu lasoo banbaxay jilaagan gabadhan soomaaliyeed ee modalada ah, waxaana uu sheegay in sannadkan bilowgiisa oo nikaaxsaday.

Su’aal waa maxay xoriyadu? What’s the freedom?

$
0
0

Suaal waa maxay xoriyadu?
What’s the freedom?

Afeef wadanigu reer maaha.

Qofba sibuu u yaqaanaa maanta xoriyada iyo raaxada nolosha.

Xoriyadduna waa inuu qofku ka xoroobo wax kasta oo garbaduub ku ah awoodda aadanaha iyo wax-soosaarkiisa jireed iyo maskaxeed labadaba, waxaa soo galaya inuu qofku iska rogo heeryada gumaysiga , meeshana uu ka saaro cadaadiska dusha ka saaran iyo Sandulleynta uu ku jiro.

Waddaniyada xoogda badnayd iyo guubaabadii wax-garadka waxaa ka dhashay dhalinyaro naftood hurayaal ah oo wax kasta oo qaali ku ah u bixinaya waddanka , wax kastana wadanku uuga muhiim sanayahay, tusaale; Xalane waxa uu ahaa halyay soomaaliyeed , waxa uu soo arkay dhibaatada gumaysigu leeyahay , neecowda xoriyadda wuu la kowsaday , bal aan isla yara eegno taariikh kooban oo uu inooga tagay.
Maxamed Cabdulle Xalane Hilaadii 1943-kii ku dhashay Magaalada Ceelbuur, wuxuunna Ciidamada Dalka Somalia ku biiray bishii Juun 20-keeddii 1960kii. Waxaa lagu dilay dagaalkii kowaad ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1964.
Wuxuu ahaa geesi aan gaban mayal adag oo soomlinimadu lafya iyo dhiiga raacday.
Qisadiisii ugu layaabka iyo taariikhda fiicnayd waxaa qaadaa dhigay oo tafatirey
AHUN Maxamed Siyaad Barre oo ka hadlaya taariikhda Maxamed Cabdulle Xalane, wuxuu yiri
Aan ka taariikheeyo Maxamed Cabdulle Xalane, wuxuu ahaa nin askari ah oo Amxaaradu ku dishey Tog-wajaale; wuxuu ka mid ahaa horay joogtey; waxay ahayd koox ay cadowga is-hor fadhiyeen, waxaa dhacday in kooxdii la laayey; saddex qof keliya baa ka haray; meesha kooxdaasu joogtey oo ay go’doonka ku noqdeen waxay ahayd meeshii calanka Soomaaliyeed uu ku mudnaa; Maxamed Cabdulle Xalane markii raggii la baabi’yey oo ay ogaadeen in ayan meeshii hayn karin, inay colkoodii weynaa ku durkaan mooyee, ayuu wuxuu diidey calankii inuu meesha kaga tago. Markaas ayuu qaatay calankii oo xariggiisii soo degsaday si uus ula tago oo uusan gacan cadow ugu dhicin; Maxamed Cabdulle Xalane way arkayeen cadowgu, markaasay ku fureen boobe naftiisii gooyey; Maxamed isaga oo calankii ku duuban oo aan sii deynin ilaa ay nafta tii u dambeysey kabaxday ayuu la soo gurguurtey; naftiina waxay kaga baxday markuu calankii ku soo ridey godkii labaad; hadalkii markii naftii ka sii baxaysay uu reebay ee lama illoobaanka ah oo da’ walba da’da ka dambeysaa ay dhaxlidoonto wuxuu ahaa: CADDOWGU BIRLAB KAMA SAMAYSANA.

Maxamed wuxuu ku soo simay colkii si uusan calanku cadow gacantiisa u gelin. Inkastoo naftiisii uu waayey ceebtii waa ka soo hoyiyey calankiisii Maxamed. Xasuusta uu reebay darteed, maanta nin dhintay iyo nin nool, waa isaga keliya, nin lagu xasuustaa Billad Dahab ah Maxamed Cabdulle Xalane, tan iyo maanta dalkeenna; waxaa kaloo lagu xasuustaa Xiddigle-nimo uu ku qaatay dagaal geesinnimo ah; tan saddexaad oo lagu xasuustaa waxa lagu magacaabay Xarunta Tabbbarka Kacaanka; Xarunta Xalane.

In la idiin ka taariikheeyey mooyee xaaladdeenna iyo tan cadowgu sida ay kala ahaayeen (xagga tirada hubka iyo raashinka), cadowgaa gumeysi xoog badan dabada ku hayey ‘Soomaali in la baabi’yaana taladoodu ahayd. Kuweennu godkii ay galeen say ugu jireen baa dagaalku ku dhammaaday; saddex bilood baa korkooda ku go’day. Anigu waxaan shaahid ka ahay inaan nimankii dhalinyarada ahaa oo dharkii iyo dhidid dhawrkiiba ka dhammaadeen ugu tagay godkii; cunnadooduna bariid garcadde ah bay ahayd, dawadana daciif baan ka ahayn. Haddana uma ay suuragelin cadow dalka inuu cagta soo dhigo. Waad ogtihiin waanad maqasheen baan u malaynayaa kuwaa dhaawac ah oo xabbadi ku taal inay inta qorigoodii qaateen ka baxeen isbitaalka oo ay yiraahdeen kolleyba haddaan dhimanaynno, intaan sariir ku dhiman lahayn; aan goobta ku dhimanno oo dagaal ku galeen sidaas kuna biskoodeen; waana joogaan qaarkood haddeer.

Markii aan ugu tagay godadka oo aan iri qaarkood: “waryaa waa adiga qaawane sidee ugu adkaysanaysaa qorraxda iyo dhaxanta?”, waxay igu jawaabeen: “waxaa i illowsiiyey dhaxanta iyo qorraxda sharafkayga iyo waddankayga iyo immaankayga; ma xanuunsanayo: adaa moodey inaan xanuunsanayee ha ka biqin meeshayda laga soo geli mahayo iyadoon maydkayga laga tallaabsan”

La soco qaybaha dambe….

QM oo shaacisay Liiska Ururo iyo shaqsiyaad Soomaali ah oo ay xayiraad dul-dhigtay

$
0
0

QM oo shaacisay Liiska Ururo iyo shaqsiyaad Soomaali ah oo ay xayiraad dul-dhigtay

 

QM ayaa shaaca ka qaaday magacyada shaqsiyaad iyo ururo Soomaaliyeed oo xayiraad laga saaray inay soo dalbadaan qandaraasyada hay’adda horumarinta QM ee UNDP iyo ururada kale ee QM.

Go’aankan ayaa ka dambeeyey kadib markii ay talooyin usoo jeediyeen gudiga qiimeeyaan soo dalbashada qalabeynta iyo keenista adeegyada iyo badeecada u baahan yihiin xafiisyada UNDP.

Cunaqabateynta UNDP ay saartay dadkaas iyo ururada waa mid looga hortagaayo xatooyo qarsoon iyo musuq maasuq lagu kacay oo shaqsiyaadkan iyo ururadan lagu eedeeyey, waxayna UNDP la wadaagtay arimahan taagan hay’ado caalami ah, deeq bixiyayaal iyo Qaramada Midoobe xafiiskiisa ugu sareeyo si talaabadan loo hirgaliyo.

Xanibaada la saaray shirkadaha iyo shaqsiyaadka dambiyada lagu eedeeyey, waxaa lagala laabtay heshiisyadii lagula jiray iyo qandaraasyadii horey loo siiyey iyo lacagihii la siin rabay waxayna cunuqabateyntan saameyneysaa qof walbo oo kasoo muuqday liiska.

Shirkadaha ama shaqsiyaadka laga mamnuucay inay UNDP la shaqeeyaan qaybta iibka iyo qalabeynta waxay dib u dalban karaan la shaqeyn cusub oo gudiyo kala duwan qiimeyn doonaan marka uu dhamaado mudada cunaqabateynta la saaray ku eg tahay.

Shakhsiyaadka iyo Hey’adaha Soomaalida ee Liiskaan ku jiro waxay kala yihiin:

  • Centre for Research & Policy Analysis (CERPA), waxaa lagu eedeyey Khiyaano iyo Been Abuur
  • Halima Daud Khalif, waxaa lagu eedeyey Khiyaano
  • We Are Women Activists (WAWA), Waxaa lagu heystaa Been-Abuur
  • Hawa Ali Jama, Waxaa lagu helay Been-Abuur
  • Zainab Mwazige, Waxaa lagu helay Been-Abuur
  • Zeinab Ayan Ahmed, Waxaa lagu helay Been-Abuur
  • Intercooperation Social Development India (ICSD), waxaa lagu helay Khiyaano iyo Been Abuur
  • Joy Elamon, waxaa lagu helay Khiyaano iyo Been Abuur
  • Mohamud Isak, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • Gargaar Relief and Development Organization (GREDO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • Tanaad Relief & Development Organization (TARDO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • Ali Mohamed Mohamud, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • Shabelle Relief and Development Organization (SHARDO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • Mohamed Shukri Moallim, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • Hiran HIV/AIDS Prevention and Child Protection Organization (HAPO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • Abdirizak Yusuf Mohamed waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • Emergency Pastoralists Assistance Group – Kenya (EPAG-K), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • Abdullahi Gessey, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • ​Youth & HIV/AIDS Network (YAHAN), waxaa lagu eedeeyey Habdhaqanka Been-abuurka
  • ​Mr. Mohamed Abdirahaman Jama, oo sidoo kale loo yaqaan Mr. Muhammed Abdurahman Jama, waxaa lagu eedeeyey Habdhaqanka Been-abuurka

Muxuu Golaha Guurtidu Faraha Uga Laabtay Khilaafka Heerkii Ugu Sareeyay Maraya Ee Xisbiyada Siyaasadda ?

$
0
0

Muxuu Golaha Guurtidu Faraha Uga Laabtay Khilaafka Heerkii Ugu Sareeyay Maraya Ee Xisbiyada Siyaasadda ?

Xisbiyada Siyaasadda ee Somaliland waxa kala irdheeyay khilaaf riiq dheeraaday oo soo taagna 13-kii bilood ee u dambeeyay. Khilaafka waxa udub dhexaad u ah kala dirista Komishanka doorashooyinka iyo in ay noqdaan guddi xisbiyadu ku leeyihiin tiro siman. Inkasta oo ay jiraan culaysyo ka imanaya beesha Caalamka oo doonaya in xisbiyadu isu tanaasulaan, inkasta oo waxgarad, ururo bulsho iyo madaxweyne xigeennadii hore ee dalka oo mar is xil qaamay arrinta ku guuldarraysteen waxaan wali arrintan dhex gelin Golaha Guurtida Somaliland oo lagu yaqaanay marjaca Somaliland isula noqoto marka ay arrimuhu murgaan.

Bishii ina dhaaftay ayey dalalka beesha caalamka ee Somaliland ka caawiya dhinaca doorashooyinka ay ku cadaadiyeen saddex-da Xisbi inay wada haddalada soo celiyaan oo ay ka heshiyaan waxay isku khilaafsan yihiin, walow ay canaantaa beesha caalamka ugu timi awgeed u bilaabeen wada haddaladii dib saddex-da Xisbi, balse maal-mo ka dib haddana wey burbureen , waxaanay sheegeen inay ku heshiin wayaan iyagoo qolaba qolo ku eedaysay inay tahay in aanay heshiiska ogolayn

Geesta kalene dhawr cisho ka dib waxa war-murtiyeed iyo go’aamo soo saaray isbahaysiga Xisbiyada UCID iyo KULMIYE, waxaanay soo bandhigeen qodobo ay ku heshiiyeen, iyagoo sidoo kale kullan al-baabadu u xidhanayeen ay la yeeshay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Sidoo kale Xisbiga WADDANI ayaa heshiiska KULMIYE iyo UCID ku sheegay mid anbad ah, isla markaana aan soconayn, waxaanu yidhi Guddoomiye Cirro oo arrintaasi ka hadlaya “Waxaan shacbiga Somaliland ugu baaqaya, walaalayaal xukuumaddii aynu dooranay waad aragtaan, labadii xisbina waynu aragnaa, in ay ambadeena waynu aragnaa, Aadan Carab baa tilmaamay dadka ambada oo wuxuu yidhi ‘Nin Ambaday Halkuu aaday way ula eekaatay, anigoo arkaayaan waddadii Eerigo maray’ waxaan leeyahay labada xisbi iyagoo arkayay wadadii Eerigoo Mareen. Somaliland waa la wada leeyahay, taladeeda waa la wada leeyahay, cid gaar u tashan karta ma jirto. Go’aankooda marnaba kumay xusin caqabadihii doorashada hor taagna iyo sida loo qaadayo, waxaa is waydiin leh waxay yidhaahdeen ‘Komishanku ha joogo ilaa 29-ka November’ waxay yidhaahdeen ‘Ogos baanu soo jeedinay in la magacaabo Komishankii cusba’ Maxaa u diidaya in May la magacaabo? Maxaa u diidaya in June la magacaabo? Sharciga kaa u ogolaaday muxuu kan ugu diidan yahay? Haddii doorasho la doonayo talo ha la isugu yimaaddo, doorashadii diyaar baanu u nahay, shacbiga Somaliland na waxaan ku dardaaraya maaddaama aynu aragno xukuumaddii iyo taladeedii, maaddaama aynu aragno labadii xisbi iyo taladoodii midnimadeenu waa muhiim, wada jirkeenu waa muhiim, duruufaha ina haysta ee inagu gadaaman waxaynu kaga bixi karayna midnimo, Somaliland hadday wada hadli kari waydo oo Axsaabtu wada hadli kari waydo Soomaaliya sidee bay ula hadlaysa? Bal idinku is waydiiya?..”

Dhanka kalene khilaafkaa soo jiitamay ee Xisbiyada Qaranka Somaliland u dhaxeeya ayaa u muuqda hadda mid cirka isku sii shareeraya, kaasi oo ay gaas ku sii shubeen go’aamada iyo heshiis-yada ay sheegeen inay galeen labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafkaasi uu dib u dhigi karro doorashada mudaysan ee ay lixda biilood ee qudhi ka hadheen.

Qaar kamid ah culimada waa weyn ee magaalada Hargeysa, ayaa khudbadii saalada jimcaha kaga hadlay khilaafka saddex-da xisbi Qaran , waxaanay sheegeen in loo baahan-yahay mar haddii ay xisbiyadddii heshiin waayeen dhex-doodii in culimada iyo wax-garadka reer Somaliland ay dhex-galaan, isla markaana la xaliyo murankaas, waxaanay ugu baaqeen saddex-da xisbi inay u tudhaan shacabigood oo ay joojiyaan haddalada xanafta leh.

Docda kale Golaha Guurtida Somaliland ayaa sida looga bartay ah kuwo inta badan ka shaqeeya arrimaha nabada iyo wada jirka iyo midnimada Shacbiga reer Somaliland, kuwaas oo inta badan xalliya ismaandhaafka beelaha ,muranada siyaasadeed iyo arrimo kale oo muhiim u ah Qaranka Somaliland, haseyeeshee hadda ayey u muuqdaan kuwo si toos ah uga muquurtay xallinta khilaafkan soo jiitamay mudada ee u dhaxeeya Xisbiyadda Qaranka Somaliland, waxaanay goobaha lagu faaqido siyaasada la isku weydiinayaa sababta ay odayaasha golaha guurtidu u soo dhex-geli wayeen ee ay dhinac-ayada u heshiisiin waayeen.

Golaha guurtida oo xaliyey murano siyaasadeed-yo badan oo dalkan soo maray,kuwaas oo ugu dambeeyeen heshiisiintii ay ka dhex-dhaliyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiyihii KULMIYE ee wakhtigaasi Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo uu dhex-maray is maandhaaf sanadkii 2014-kii, balse golaha guurtida Somaliland ayaa u guntaday, isla markaana Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi kala dhex-dhigay heshiis midho dhalay.

Madaxweyne Biixi ayaa marar badan weerar afka ah ku qaaday Golaha Guurtida oo uu ku dhalliilay wakhtiga dheer ee ay fadhiyeen. Inkasta oo aanu arrintan si toos ah uga jawaabin guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxa jiray xildhibaanno madaxweynaha ugu baaqay in uu ka waantoobo dhalliillidda golaha.

Ugu dambeyna waxa la is waydiinaya sababta Guurtidu doorkooda uga qaadan wayday arrintan culayskeeda leh oo hadda taaggan in beesha caalamku xidhiidhka u jirto Somaliland haddii la xallin waayo khilaafkan sababna uu u noqdo dib dhac doorashada soo socota. Waxa kale oo la is waydiinaya in ay arrintan keentay Madaxweyne Biixi iyo guddoomiye Saleebaan oo aan isku san bannaanayn.

Booliska Oo Heegan La Galiyay Iyo Wararkii U Dambeeyay Dad Loo Xidhxidhay Bambo Ku Qaraxday Wajaale

$
0
0

Booliska Oo Heegan La Galiyay Iyo Wararkii U Dambeeyay Dad Loo Xidhxidhay Bambo Ku Qaraxday Wajaale

Hargeysa(Waaberi) Xildhibaan Iid Xasan Dheere oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley, ayaa ka hadlay shan nin oo habeen hore guri ku yaal Magaalada Wajaale ay ku qarax-day Bombo,kuwaasi oo uu sheegay inay ahayeen kuwa maleegay shirqool oo xamar laga soo shidaaliyey, balse Ciidanka Booliska Somaliland ayaa heegan buuxa la geliyey, sida uu sheegay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay sidan: “18 May ayaa inagu soo haysa foodda illaahay waxaynu ka baryeynaa inuu nabad-gelyo inagu gaadhsiiyo nabad-gelyana inoogu dhammeeyo , waxaa la inaga rabbaa , hawl adag ayeynu gelaynaa ,waa laba qaybood ciidan amniga ka shaqayn doona iyo ciidan gaardiska mari doona, dhammaan ciidan weynaha Bilayska Somaliland waxa lagu wergelinayaa inay diyaar garoobaan illaalinta nabad-gelyada, waxa weeye waad garanaysaan calaamadaa aynu sidaanaa waa qarankii weeye waa in aad haybaddiisa iyo sharaftiisa aad ilaalisaan , iyadoo horeba la idiin faray haddana waan idinku baraarujinayaan .”

Waxaanu intaasi ku daray Taliyuhu “Waxa weeyaan ujeedada aynu iskugu nimid dambiga ka hor tag iyo ka daba tag , haddii uu yahay ciidanka heeganka ah ee xeryaha la dhigayo iyo hadduu yahay ka gaaf wareegaya iyo haddii uu yahay ka suuqa wareegaya, waxa loo baahan yahay anniga oo idiinka mahadcelinaya hawsha adag ee aad qaranka u haysaan waxa la idiinka baahan yahay adkaysi badan iyo in aad dul-qaadateen.”

Geesta Kalena Taliye Fadal ayaa fariin u diray Shacbiga reer Somaliland “Shacabka reer Somaliland ee xariirta ah waxaan ka codsanayaa in aad iyo aad u gashaan feejignaan oo dareenkiinu taagnaado oo aad ka jawaabi karto qofka ku dhaafay oo aad suuradin karto , ayaa loo baahan-yahay .”

Dhanka kaleXildhibaan Iid Xasan Dheere oo ka tirsan golaha deegaanka ee Gabiley, ayaa ka waramay dhac-daasi habeen hore ka dhac-day wajaale , waxaanu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bogga Facbuugsiisa sidan “Illaahay iyagii ayuu inagu furtay wixii ay inala damacsanaayeen, isheenu way shaqaysay, Inkaarteenii ayaa ku qarxisay iyagii waday. Alle ayaa mahaddaasi iska leh, waxay goor dhawayd Bombo ku qaraxday shan nin oo reer Xamar ah, Goobtu waa Guri kuyaala Wajaale. Laba waa la qabtay, midi dhaawac yahay, iyo mid kale, Saddexna waa lagu raadjoogaa. Dadka reer Somaliland ha feejignaadaan, qof walba hala socdo guriga jaarkiisa cidda kujirta, maadaama ay inagu soo fool leedahay Xuskii 18-ka May. Ciidamada Booliiska halagu gacansiiyo Sugida amniga oo yaanay cid cadawgeena ahi inagu dhex dhuuman”.

Geesta kalena waxa la sheegay in ninkii dhaawacmay loo soo qaaday dhanka Magaalada Hargeysa, halka labadii kalena lagu xidhay magaalada Hargeysa, waxaana xogu xuseen in qoyskii guriga ka kireeya raggaasi xabisga loo taxaabay, mana jiro wax war ah oo amuurta ku saabsan oo kasoo baxay Xukuumada illaa hadda

Masuul iscasilay oo Xukumada Muuse Biixi shaacisey inay xilkii ka qaaday

Buubaa oo ka hadlay Kulan uu Farmaajo Qatar kula yeeshay+Wixii ay ka wadahadleen


Cabdillaahi Geeljire Oo Madaxweynaha Ku Eedeeyay In Aanu Dhex U Ahayn Bulshada

$
0
0

Siyaasi Cabdilaahi Geel jire, ayaa Madaxweyne Biixi ku eedeeyey in aanu bulshada dhex u ahayn ee uu dhinac yahay,isla markaana aanu dhaadanay inuu bulshada dhex yahaya, waxaanay sheegay inay ahayd inuu bulshada isku jiido oo isku soo dhaweeyo.

Siyaasi Cabdilaahi Geel Jira ayaa haddalkiisu u dhignaa sidan “ Madaxweyne ayaa meesha jooga oo isagu weli u dhaqmaya inuu dhinac yahay , haddii ay beel tahay beel-nimo ayuu ugu jawaabayaa , haddii ay Xisbi tahay qof nimo ayuu ugu jawaabayaa , haddii ay dumartahay wuu u jawaabayaa isagii keligii ayuu shaqaynayaa ninkii Madaxweynihii ay ahayd inuu ummada isku jiido oo sifo shaqsi ah ayaad moodaa inuu u dareen-san-yahay xilka, ahayd inuu qofka inoo dhaxeeya ee ina hoggaaminaya ee inoo tanaasulaya ee inoo odayga ah uu noqdo ayuu ahaa .”

Maxaa Bahdilay Cabdicasiis Samaale, Ee Meeqaamkiisii Hoos U Celiyay, Ma Dano Dhaqaale, Dano Siyaasadeed Mise Dano Qabiil?.

$
0
0

Maxaa Bahdilay Cabdicasiis Samaale, Ee Meeqaamkiisii Hoos U Celiyay, Ma Dano Dhaqaale, Dano Siyaasadeed Mise Dano Qabiil?.

 

 

 

Sheekh Cabdicasiis Muxumed Samaale waxa uu Siyaasadda kasoo fantay oo uu ka mid ahaa raggii ku ababay Xisbiga Kulmiye wakhtiyaddii uu Mucaaridka weyn ahaa ee uu dalka ka talinayay Madaxweynihii hore ee Daahir Riyaale kaahin, waxaana lagu xasuustaa weedho aan laaqi ahayn oo uu si Jar-Iska-Xoornimo kujirto ugu miisi jiray Daahir Riyaale kaahin kuwaasi oo illaa imika ka dhex guuxa Dad weynaha ku dhaqan Gobolka Awdal oo uu Deegaan ahaa Kasoo jeeday Riyaale.

Waxa uu soo noqday Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Wakiiladda Isagoo ku matalayay Xisbiga Kulmiye, waxaanu si weyn uga dhex muuqan jiray Golaha isagoo ay caawisay Culimanimadda iyo goobaha diiniga ah ee uu kusoo hanaqaaday. Waxa uu door weyn ku lahaa duufsigii Mudanayaasha Golaha Wakiiladdu ay wakhtigaasi u shirabnaayeen Xisbiga Kulmiye waxaanu ahaa shaqsi uu Siilaanyo wakhtigaasi oo uu kursiga madaxtinimadda u ordayay oo uu mucaarid ahaa uu aad ugu kalsoonaa, Isna (Samaale) dhinaciisa waxa uu daacad u ahaa Kulmiye iyo inuu Siilaanyo Kursiga ku guulaysto. Markii Siilaanyo Talada Dalka ku guulaystay waxa uu Siilaanyo u magacaabay Xil Wasiir, waxaanu u dhiibay Wasaaraddii ugu miisaanka Cuslayd ee Maaliyadda isagoo markii uu shan sanno ku dhawaad hayay Xilkaasi iskii iskaga casilay, isalmarkaana banaanka uga Baxay Xukuumaddii Siilaanyo.

Waxa Samaale ku abuurmay wakhtigaasi Han Musharax Madaxweyne waxaanu dagaal culus u galay sidii uu u banaysan lahaa Musharaxnimadda Xisbiga Kulmiye Siilaanyo dabadii, iyagoo Geesaha isgaliyay Muuse Biixi Cabdi oo isna hanka Madaxweynenimadu mar kuwad abuurantay. Iyadoo ay halkasi marayso ayaa waxa uu Muuse Hiil ka helay Qoyskii madaxweyne Siilaanyo sidaasi ayaanu ku hantay inuu noqdo Musharax aan lagula tartamin Booska kal dambe ee Musharaxnimadda Madaxweynenimada ee Xisbiga Kulmiye Gudihiisa Siilaanyo dabadii. Samaale waxa uu isku dayay inuu dibadda kala dagaalamo Muuse balse Waxa u laqimay oo cagta u dhigay Kooxo jibo Qabiil olole ugu jiray oo ka koobnayd ganacsato kuwaasi oo la sheego inay woxogaa lacag u duuduubeen Samaale. Wixii intaasi ka dambaysay waxa uu muxaafid u noqday Muuse balse dareen gaar ah ayay kuwada socdeen.

Muddo ayuu Samaale saaxadda kabaxay markii uu Muuse Talada dalka ku guulaystay balse haddana dhawaan ayuu ku soo noqday Xayndaabka. Waxaana lagu dhex ararkayay Kulamada Xisbiga Kulmiye yeelanayo ama Xisbiyadda kale la yeelanayo.

Arinta layaabka ku noqotay Taageerayaashii Sheekh Samaale iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye waxay tahay, waxa uu maalin dhawayd kasoo muuqday Shaashada isagoo uu barbar taagan yahay Ku xigeenka Xoghayaha Xisbiga UCID, Arintaasi oo ay saluugeen taageerayaashiisu islamarkaana la iswaydiiyay Xilka uu Samaale ka hayo Xisbiga Kulmiye ee aan muuqan iyo bahdilaada muuqaalkaasi iyo halka uu taagnaa oo aad loola yaabay?.

Haddaba Waxay Iswadiintu Tahay Maxaa Bahdilay Cabdicasiis Samaale, Ee Meeqaamkiisii Hoos U Celiyay, Ma Dano Dhaqaale, Dano Siyaasadeed Mise Dano Qabiil?.

Dad badan ayaa aaminsan inuu Samaale Lacag jecel yahay oo uu hoosta ugaga jiro Muuse islamarkaana waxa bahdilay ee meeqaamkiisii hoos u celiyay ay tahay Danno Dhaqaale, walaw warar hoose sheegayaan inuu bil walba masaariif ahaan u qoray shan kun oo dollar.

Dad kale ayaa aaminsan inuu dano qabiil u gardadaduuban yahay balse arintani waxay ku tiirsanayd wakhtigii ololaha oo waa laga soo gudbay, waxaanay wax waliba iskugu aroorayaan Dano Dhaqaale. Sidoo kale danihii siyaasiga ahaa hadda ma shaqaynayo oo majoogto wax shax siyaasadeed ah oo la ciyaarayaa. Sheekh Samaale waxaa gardaduub u xidhay dano dhaqaale waxaanu ka mid yahay dadka lacagta jecel ee mar walba ka agdhawaada dhariga, sida hadda ka muuqata, waana dadka sharaftooda iyo kartidooda waydaarsada haddii ay meesha taalo lacagi waana tii uu Wasaaradda maalliyadda diiday in laga badelo ee uu iskaga casilay Wasaaradda Waxbarashada.

Diblomaasi Khadar Muxumed Karaash.

hantiile2000@gmail.com

XeerJabiye Aadan Xaaji Cali Haduu sii go’ay

$
0
0

 

Maxamkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali ayaa dhex rafanaya sharci jabin uu baal maray xeerarkii u yaalay Dalka ka dib markii uu waraaq xil ka qaadis ah oo uu jeebkiisa kala soo baxay xilkii kaga qaaday Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Maroodi jeex garsoore Axmed Halac Dalmar oo ahaa gudoomiyihii loogu jeclaa ee waligeed xilkaas soo maray. Sharciga Dalka ayaa dhigaya in Cida magacaabi karta ama xilka ka qaadi karta Gudoomiyayaasha Maxkamaduhu ay yihiin Gudiga Cadaalada oo kaliya. Taasi oo Meesha ka saaraysa waraaqda uu gudoomiye Aadan soo saaray.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland oo markii horeba xilkaas ku yimi sifo khaldan oo xilkaas loo dhiibay isaga oo aan waligii Maxkamad ka shaqayn ayaa la filyay in isaga xilka laga qaado maadaama uu imika Madaxweyne yahay Muuse Biixi oo ay isku hayb yihiin Waxa kale oo Dadweynaha reer Somaliland yaab ku noqday ficilada uu ku kacay Aadan Xaaji Cali ee uu guryaha fooqyada ah kaga dhistay taasoo uu noqday mid ku milmay qabyaalada iyo Dawlada Muuse Biixi ee imika reerka qudha isugu biyo shubatay.

Waxaa laga war sugayaa Gudiga Cadaalada ee Qaranku jawaabta ay ka bixiyaan Goaanka sharci darrada ah ee uu ku kacay Aadan Xaaji Cali.

 

Posted by Xuseen Xasan Salah

Inkastuu is daaxuuriyoo duubcas kolanyaysto……(Gabay Muuse Biixi):

$
0
0

Ma Muusaha wax duudsinahayee degelka boobaaya
Ee derisyadii kala raree dacarta beeraaya
Ee suu isagu doonayuun diiradda u taaga
Ee damalkii uu geli lahaa dogobka saaraaya
Ee damaca qaawani hagiyo doonis keliyeedku
Ee tii dorraatuun dhacduun weli dubaaqaaya
Ma dalbuu xukumayaa haddaan dulucda kuu dhiibo
Mise waabu kala diri intii dani walaalaysay?

Duufaanta fooruhu wadee digaydu yeedhayso
Ninka doonta aan haguhu wadin moolka dalaqsiiyey
Ee aan dabaashana aqoon Diiriyena reebay
Inkastuu is daaxuuriyoo duubcas kolanyaysto
Oo dacafka uu taago oo dibinta uu ruugo
Waa daahir yaa shamis inuu degayo saw maaha?

By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji).

dalmarbilaal@gmail.com

image.png

Photo-news:Sawirka Todobaadka

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>