Halkani ka daawo wararkii caalamka
Sudanese opposition name first civilian prime minister in 30 years
Madaxweyne Biixi Oo Laga Reebay Martida Boqorka Sucuudiga
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa laga reebay casuumaddii gaarka ahayd ee boqorka Sacuudigu u sameeyay madaxdii sannadka yimi Xajka.
Casuumaddan ayuu boqorku ku qaabilaa sannadkasta marka uu Xajku dhammaado madaxda caalamka ee Xajka yimi.
Madaxda ka socotay Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa sannadka ka qayb-galay casuumadda boqorka halka madaxweyne Biixi, aanu xaadirin.
Sannadkii hore madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo xajka tegay ayaa kulankan lagu casuumay oo la kulmay boqor Sacuudiga.
Source: ilays
Top Ten of form four students in Noradin Secondary Schools Academic year 2018-2019
War-weyn:Xildhibaan C/qaadir Jirde oo Eedo Culculus ku miisay Xukumada Muuse Biixi,Sirro badana fashiliyey
Barlamaanka Somaliland oo laalay mooshinkii xisbiyadu ku heshiiyeen
Somaliland waa meesha ugu liidata ee ay ku noolaadaan Abwaano Iyo fanaaniin Abwaan Tarabi
Abwaan Aadan Tarabi Jaamac ayaa Somaliland ku tilmaamay meesha ugu liidata ee ay abwaano iyo fanaaniin ku noolaadaan marka la barbar dhigo maamulada kala duwan ee Soomaalida guud ahaan.
Abwaanka ayaa xaalada abwaanada iyo dalkaba ku tilmaamay mid jilicsan waxaanu shacbiga ka codsaday in la gaadhay wakhtigii abwaanada iyo fanaaniinta Somaliland loo hadli lahaa si loo taageero, waxaanu sidan u sheegay tilifishanka Sahan, isagoo yidhi “Waxii dawlad Somaliya ka dhashay haday koonfur tahay,haday Jabuuti iyo Kililkaba tahay magaca Somaliya waxii laysku odhan jiray meel Abwaanada iyo fanaaniinta uga liidata Somaliland ma jirto,waliba inay cidhib go’aan ayay jecelyihiin guryo, gaadiid iyo wax muuqda ayaa la doonayaaye maaha abwaanku inuu hadlo uun, maxuu ku hadlaa waa in isaga horta loo hadlaa waligii ma isagaa cid u hadlaaya, dayac intay qabaan yay waliba kii ugu xumaa qabaan, dadkiina waxay leeyihiin waar abwaanadu maxay u hadli waayeen abwaanada idinku u hadla ilaa maalintay dhasheenbay idiin hadlayeen if iyo aakhraba way idinku seegeene bulshadu haw hadasho abwaanada. “
Waxa uu fariin u diray madaxweyne Biixi “Madaxweynaha fariintaan u dirayaa waxay tahay alle xajkana ha kaa aqbalo hawluuna waa ay faro badan yihiin hadaad sidaas ku sii wado mooji waxay noqon doonto dhaliilo badan ayaa jira ayaan leeyahay halaga tashado oo halaysu yimaado una dhago nuglow umadaadu waxay ku leedahay.”
Geeska
Somaliland: Parliament Rejects Motion To Increase NEC Members
Somaliland: Parliament Rejects Motion To Increase NEC Members
The Somaliland House of Representatives has rejected a motion to increase the members of the National Elections Commission, NEC, from seven to nine.
At a session this morning in Hargeisa, the House whose mandate expired in 2010, and has continued to sit on extension after extension, has blocked the motion which was the outcome of an accord between the three Somaliland political parties.
The agreement between the parties, which was brokered partly by the EU envoy, Nicolas Berlanga Martinez, was to find a resolution to the political impasse pertaining to the scheduled parliamentary and local elections council.
The Speaker of the House, Bashe Farah, suspended the session, when it become evident that the representatives were about to vote down the motion. It is not clear whether it will be resubmitted after mature consideration.
It is quite clear to all Somalilanders and it’s supporters across the globe, that this current House of Representatives and it’s members are one of the main stumbling blocks to holding elections, along with the discredited NEC, the stagnated House of Elders, the opportunistic political parties and the general malaise pertaining to democratic progress.
The House of Representatives has also been struggling with the issue of whether or not to increase the number of seats from the current eighty-two, 82, which had been extensively lobbied for by the regions and communities who feel under-represented.
Qarannews.com
Maxaad ka og tahay Somaliland ta qarsoon ( Darbijiif)
SOMALILAND TA QARSOON !!!
Darbijiif
Waa inamo iyo hablo , waa dad waaweyn iyo dad aad u yaryar , Waxa ay u hoydaan gidaarada iyo dooxyada ( dixda ) , waxa ay quutaan maalinba waxii ay helaan oo waxa ay cunto ka raadsadaan meelo aanad u quudheen qof binu adam ahi in uu cunto ka raadsado , sida meelaha qashin qubka iyo wax aan dhaamin.
Duruufaha iyo daranyada haysata dartood ayaa aanad u kala garanayn wiil iyo gabadh midka uu yahay qofka aad arkaysaa , badhkood waxa laayey gaajo , qaar ka mid ahi waxa ay ku dhinteen balwadaha xun-xun ee nolosha darbijiifnimadu bartay , qaar ka mid ah dooxyada iyo laagaha ayaa qaada marka roobku da ‘o oo ay ku dhintaan.
Intooda badan ehelkood ma noola oo ma haystaan waalidiin, kuwa waalidka lehi waa qaar uu waalidkoodii ay duruufuhu naafeeyeen oo ay ku dareen Somaliland ta qarsoon ee aan indhuhu qaban , wadaad iyo wabiin, madax iyo shacab cid u hadasha iyo cid arkaysaa aanay jirin, waxaana ay ku nool yihiin magaalo kasta oo dalka ah.
Dadka darbijiifka ahi bulshada daryeel iyo diir nax midna Kama helaan oo duruufta haysata iyo nolosha aanay iyagu dooran ee waayuhu baday ayey cay iyo takoor ku mutaystaan, waxaana loogu yeedhaa dibjir iyo xabaglayaal tusaale uu qofwaliba ugu soo qaato ilmihiisu in aanu kuwaasi oo kale noqon !
Waxa ay la daris noqdeen dhaxanta , gaajada , silica iyo darxumada , damqasho way is daayeen oo nolosha dan kama laha , waayo waxa ay arkayeen sidii ay ku baxeen qaybo badan oo iyaga ka mid ahi oo u dhintay duruufaha la dariska ah , waxaana ay isku dhiibeen noloshaa darbijiifnimada ah .
Cidii ay fursad u helaan uma damqadaan waayo mabay arag naxariis iyo cid u damqata, iyagaaba isugu daran oo is dila , waxa ay u nool yihiin sida loo kala itaal roon yahay in la isugu amar ku taagleeyo oo loo kala adag yahay waxii la helana loo kala qaataa.
Noloshan tirsiga maalmaha iyo bilaha iyo ciidaha iyagu way ka baxeen oo kuma jiraan , waxa ugu wanaagsan ama xasuus ku reebta maalinta uu cunto helo laba goor oo ka mid ah sadexda wakhti ee wax la cuno iyo kartoon ama joonyad uu cadceeda ama dhaxanta ka hoos gallo!
Waa dad u dhashay dalkan ay ku nool yihiin oo la xuquuq ah dadka dalka ku nool , dawlad daryeesha iyo cid danaynaysa midna ma arkaan , marka laga reebo ciidamo caydhsada marka ay meelahaa magaalada soo galaan mooyaane, maalmaha qaar waxaa dhacda in qaar ka mid ahi cid dhibaato u geystaan ama olole lagu qaado dhamaantood oo la xidhxidho inta loogu tago goobaha ay ku noolaayeen.
Dadka kale iyo iyagu ma kala wanaagsana , mana kala sareeyaan xaga binu adanimada laakiin duruufaha iyo waayaha ayaa is kor mariyey oo ka dhigay dad kala sareeya oo aan war isku hayn hadana dal iyo magaalo kuwada nool iyaga oo ku kala jira Somaliland ta qarsoon iyo Somaliland ta muuqata wax aan u bixiyey oo kala war la’ a .
Waa dad iyagu hadii ay dhintaan, hadii ay xanuunsanayaan, hadii ay dhibaatooyin kale haystaan cid og iyo cid dareemaysaa midina aanay jirin waayo ; waa dad aan muuqan ama indhaha laga laliyo , dhacdooyinkani iyo noloshani maaha mid xikmad iyo macno la’aan ku socota ee waa imtixaan lagu eegayo dadka inta kale iyo masuuliyada dawladnimo iyo cid kasta oo iyaga dhaanta.
Muhamed Dhimbiil
hormood@hotmail.com
+252634241005
Twitter @dhimbiil
Image
Magaalada Wajaale oo qarka u saaray in xanuuno ka dilaacaan daawo
Magacyada Madaxda Xajka Soo Gudatay Ee Uu Boqorka Sucuudigu Casuumada U Sameeyay Iyo Madaxweyne Biixi Oo Aan Ka Dhex Muuqan
Magacyada Madaxda Xajka Soo Gudatay Ee Uu Boqorka Sucuudigu Casuumada U Sameeyay Iyo Madaxweyne Biixi Oo Aan Ka Dhex Muuqan

Warbaahinta Arab News ee caanka ka ah dalka Sucuudiga ayaa soo bandhigtay magacyada masuuliyiinta dunida Islaamka ee ka qayb galay casuumada uu boqorka Sucuudiga Boqor Salman sannadkan u sameeyay madaxda iyo dadka caanka ah ee ka qayb galay gudashadii waajibaadka Xajka.
Warbaahinta Arab News, ayaa qortay in Boqor Salman uu Isniintii toddobaadkii tagay kulan qaabilaad ah u sameeyay madaxda iyo shakhsiyaadka kale ee caanka ka ah dunida Islaamka ee sannadkan ka qayb galay gudashadii waajibaadka Xajka.
Arab News, wuxuu soo bandhigay magacyada madaxda ka qayb gashay martiqaadka uu boqorku sameeyay oo ka dhacday qasriga Mina ee magaalada barakaysan ee Maka, waxaanay kala yihiin:
1 Madaxweynaha Yemen Cabd-Rabbu Mansour Hadi
Raysalwasaaraha Djibouti Cabdoulkader Kamil
Raysalwasaaraha Guinea Dr. Ibrahim Kasuri Fofana
Raysalwasaarihii hore ee Ciraaq Haider Al-Abadi,
Shaukat Sudhan, Madaxda xisbiga haya dalka dalka Mauritius oo sidoo kale ah madaxa arrimaha xajka
Guddoomiyaha xisbiga Peoples Justice party ee Malaysia Anwar Ibrahim;
Raysalwasaare-xigeenk Malaysia Dr. Wan Azizah bint Wan Ismail, oo sidoo kale ah Wasiirka arrimaha haweenka, qoyska iyo horumarinta bulshada ee Malaysia
Waxa kale oo madasha joogay guddoomiyayaasha baarlamaanada ee dhawr dal oo Islaam ah.
Warbaahinta Arab News, waxa kale oo ay soo bandhigay muuqaalka sawirka ah ee laga qaaday madaxda kulankaas ka qayb gashay, waxaana xusid mudan inaanu Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ka dhex muuqan madaxda kulankaas ka qayb gashay, iyadoo ay xusid mudantahay in wargeyska caanka ah ee Al-Sharqal Aawsat uu sannadkii hore daabacay in Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici uu ka mid ahaa madaxda ka qayb gashay casuumadaas uu boqor Salman sannadkii hore sameeyay. Madaxweyne Biixi ayaa dhawr muuqaal oo laga soo duubay waxa ka muuqda in hab maamuus wanaagsan ay dawladu Sucuudigu u samaysay, waxase la isweydiinayaa sababta u u uga baaqday casuumada Boqorka.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon oo isaguna ka mid ah masuuliyiinta Somalialnd ee soo gudatay waajibaadka Xajka oo uu Geeska Afrika wax ka weydiiyay sababta uu Madaxweyne Biixi uga dhex muuqan waayay madaxda martida u ah Sucuudiga ee uu boqorku casuumay ayaa ka gaabsadya inuu jawaabo.
Madaxtooyada Somaliland ayaa hore u sheegtay in Madaxweyne Biixi uu la kulmi doono masuuliyiinta dawladda Sucuudiga marka uu dhammaysto gudashada waajibaadka Xajka.
Source:- Geeska
Sudan conflict: Army and civilians seal power-sharing deal
Xisbiga UCID- Iyo Xildhibaano xukumadda Iyo xibigeeda Kulmiye Ku eedeeyay in ayna heshiisyadii la gaadhay daacad ka ahayn
Qisadii heestii Yabaal ee Xasan Ganey
Qisadii heestii Yabaal ee Xasan Ganey
Qalinkii Cabdi Cawiye
Nolosha aduunka Kan aynu ku uumanahay waxa jira marwalba dad aad falkooda iyo foolaadkoodaba aad la yaabayso.
Waxaad arkaysaa laba qof oo lamaane ah oo is jecel lkn haddana uu mid ka mid ahi ku kacaayo wax la yaab iyo amakaag ku rida qalbigiisa waana mid inbadan aynu aragno.
Waxaad arkeysaa ruux rag ah oo marka uu reerkiisa la joogo giir iska kicinaaya oo ooridiisa xalaasha u ah aan erey kalgacayleh aan odhanayn ilaa hadalada Soomaalidu ku caanka tahay Monyaane.
Taas oo kale abwaanku isagoo ka waramaaya sida ay heestu ku baxday wuxuu yidhi
” waxa jira dhacdooyin yaab leh oo bulshada ka dhex dhaca, hasayeeshee dadka dhugta ama dhaadaa ay aad u tiro yar yihiin. Sidaa awgeed, waxaad arkeysaa mararka qasrkood, ruux dumara oo dhigeeda ninka ah aad u jecel ku indho kuulata , oo og inuu isaguna jecel yahay aad iyo aad. Hayeeshee , ficiladiisa ayaa noqda wax ay qaadan kari weydo oo ka yaabiya”.
Sida inuu dumar kale iskala kaftamo isagoo aan waxba uga jeedin.
Inuu iska khushuucsanaado iyadoo faraxsan Iwm.
Arrimahaasi waa qaar aad u dhex yaala bulshadeena Somalida
Wuxuuna yidhi sidan
Adigaan ku yaadshaa,
Ku yaboohiyaa weli,
Yuuskana adaa i baray,
Yablas-ciille igu riday,
Adiguna yaqiintii,
Qalbigeenii wada yiil,
Yeelahaad u goysee,
Xageebuu yabaal,
Kaaga yeedhayoo,
U yahoonsan tahay,
Iga yaabsatee?
Adigaan ku yeeshoo,
Kuna yeelan waayoo,
Adiguna yahuuntii,
Yacaygeedii dumisaye,
Anna waxaan yaxoobaa,
Weli yuururaa meel,
Shimbiruhu ka yaaceen,
Halkeebuu yabaal,
Kaaga yeedhayoo
U yahuunsantahay
Iga yaabsataye?
Qalinkii Cabdi Cawiye
+252634115877
Shaywaal12@gmail.com
Golaha Wakiilada: Horaa Loogu Hungoobee, Hiilna Daa Hadalkii.
“Ha targaafo sida toojo geel, tuurin baw qorane.” C. J. Haabiil.
Waxba yaan lagu daalin Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee dantooda ka horaysiiyay danta qaranka ee ilaaway milgahii iyo sharaftii shacabka gobta ah ee codkooda ay ku fadhiyaan mudo 15 sano ah oo laba jeer ka badan mudadii sharciga loo doortay. Qaranku inuu iyaga u dabranaado ayay ka doorbideen dantii guud, waxa la yidhi Sacadbka Maxaa Habeenkii Loo Tumaa Hadaan Xeeladi Ku Jirin. Maalinta doorasho lasoo hadal qaado maxaa arinta Saami qaybsiga looga sanqadhiyaa hadaan xeeladi jirin. Waa xoogsato shuraako ku ah inay qaranka xagal daaciyaan oonay dalka Doorasho ka dhicin.
Heshiiska Xisbyadu wuxuu ahaa badbaado qaran oo lagu soo afjaray murankii Xisbiyada ee xaga komishanka si doorasho dalka uga dhacdo, balse xildhibaanadii Golaha Wakiiladu sidii cadaadada u ahayd buuq iyo qaylo ayay kaga falceliyeen markii Mooshinkii soo gaadhay waxaanay gabi ahaanba ka dareereen fadhigii.
Golaha wakiilada xaalkoodu waxa uu noqday “Waraaboow Adhi Maad Raaci”, oo waxba ma dhaafayaan xataa xeerkii Nabadgalyada Ceelafweyn ayay ka horyimaadeen markii ay dantooda ka arki waayeen. Tan maanta ay ku sheegeen in Heshiiskii 3da xisbi jabay oonu waafaqsaayn Xeer hoosaadka golaha waxay la mid tahay nabadgalyadii Sanaag ee yidhaahdeen maxaa naloo dhiibayaa? Kaliya waxay ka shaqeeyaan fursad kasta oo suurta galinaysa inay kuraasta sii fadhiyaan.
Haatan maxaa dan u ah Qaranka Somaliland? Danta qaranku waa doorasho…! In Komishanka sidaa loo daayo iyo in 2 lagu daro macno wayn samayn mayso ee waxa muhiima in laga wada shaqeeyo sidii doorashadu u qabsoomi lahayd, Komishankii cusubaa la dadajiyo magacaabistooda oo diiwaagalintii la bilaabo oo doorashada hareeraha laga joogo si qaranka looga badbaadiyo hororka iyo halaqa ku hareeraysan.
Ma jiro Gobol qudha oo raba inuu sii fadhiyo xidlhibaankii ay doorteen 15 sano ka hor inuu sii joogo kursiga waayo diba uguma noqonin deegaankii laga soo doortay, baahidoodana maalin ka hadal kolkaa sii joogistoodu cidna dan uma ah kuraastiina waxay ka dhigteen property ama hanti ay leeyahiin oo hadii lasoo hadal qaado way dagaalamayaan. Doorashadan bidhaanteedu inoo muuqataa way ka duwan tahay doorashooyinkii hore waayo niman kuraasta ku daxalaystay ayaa lagaga fujinayaa. Golaha Wakiilada oo labadalo oo gole cusub yimaado ayay ku jirtaa badbaabada umadu. Saami cadaalada in wax lagu qabysado oo gobol walba kuraasta uu xaqa u leeyahay uu helo waa waxaynu rabno, Balse wadadii lagu gaadhi lahaa ma tahay sii fadhiga kuraasta wax ka badan 15 sano? Danta Somaliland kuma jirto dooda saami qaybsiga oo rag dan lihi awrkooda ku kacsanayaan.
#Fuuloow Guuli Kuu Dhowaa……!
Wabilahi Tawfiiq
Maxamed Aadan Dube (Gacayte)
Gacayte09@hotmail.com
Hargeysa/ Somaliland
Xisbiga Waddani oo Eedo culculus Tunka u saarey Muuse Biixi,Kulankii uu Wasiirada Somaliya la yeeshayna si adag u duray
Daawo:Madaxweynaha Puntland Deni oo wadahadal nabadeed & Garnaqsi ugu baaqey Somaliland
Wax Markasta aynu Diyaar u nahay!
Waxkasta waa suuree. Noole kasta, gaar ahaan aadamuhu, waxa uu sugaa waa geeri. Xillisan iyo xilli kadeedaba. Waa meerto noloshu. Waxay ka yagleelantahay sanado, bilo, maalmo, saacado ilaa ilbidhiqsiyo. Naftuna waxay geeddigeeda gelaysa ilbidhiqsiga ay leedahay. Hadaba, naftani intaanay ka bixin jidhkan, waxaa jira kediyayaal kadeed geliya nafta iyo jidhka ay gabbaadsanaysaba. Qofku waxa uu u dayacanyahay ilbidhiqsi kasta in uu soo gaadho kadeed nafeed, maal ama mid jidh. Tusaale, bal ka warran adoo ah askari haddii lagu yidhaahdo amminkasta waxa kugu dhici karta xabad ay soo ridayaan cadawgu ee hal ilbidhiqsi ha libiqsane bartaa shiishka ku hay labada saacadood ee soo foolka leh. Askarigaas wuxuu la kulmayaa kadeed, waxa uu naawilayaa in maruun ay dhafaan labadan saacadood si’ uu digtoonida iyo ilaaladan adag u gabaxo. Nefis iyo wakhti waasicana u helo. Waxa uu is-waydiinayaa haddii uu libiqsado in xabbad dhafooorka laga ga dhufanaayo oo naftiisu halaagmayso. Marka uu jaanis helana waxa uu dareemayaa raynrayn iyo naftiisii nabadtahay oo uu xorriyad u haysto in uu noolaado. Taasina suuragal maaha ee waxa mashquuliyey markii hore waa baqashada nafeed ee soo waajahay.
Sidaas si’ la mid waxa mar kasta qofka ku soo maqan kadeedka adduunyada oo rasaas kaga daran, dhimasho ama nololina ka danbayso. Waxa dhufays ugu jira kii shaydaan ahaa–oo tin iyo baar adduunyadan ka dhigaaya mid nabdoon oo xasarad ka caaggan, waxa jidhkiisa si’ nabdoon ugu nool xayawaan ili-ma-aragtay ah oo markay jaanis u helaan aakhiro ugu tuuraya, waxa xilli kasta shaqada joojin karta xubin ilaa unug jidhkiisa kamid ah oo noloshiisa kadeed adduunyo ama dhimashaba ku keeni kara. Waxa haleeli karta bilo ka soo burqatay mid xaasida–dadkuna il u yaaqaan oo ka dhexmudhtidhi, cillaankiisana loo maaro waayey. Waxaa ku imaan karta bilo dabiiciya oo sida haamadayga leeftay wuu qurux iyo maal lahaa. Intaas oo dhami waxay si’ aan garasho lahayn ugu soo derrin karan qofka isagoon ka warhayn amminta ay soo waajahayaan. Hasayeeshee, qofku waa mid niyad ahaan, degan, mashquula oo aan si’ taxadir leh ugu warqabanin dhibaatooyinkan soo fool ka leh.
Qormadani waxay si’ dhaba kuu xasuusinaysaa xadiiskii rasuulka ee macnihiisu ahaa, Alle ka cabso meelkastood joogto, xumaantaad samaysana wanaag ka daba gee way kaa masaxaysaaye, dadkana kula dhaqan akhlaaq wanaagsan”. Xadiis koobani waxa uu sheegayaa in nafta iyo jidhka aadumuhu markasta aanu ahayn mid nabdoon, balse, nabadgelyadiisu ku xidhantahay saddex shay, Alle ka cabsi, cibaado suubban iyo dadka oo layska dhaafo dhibtooda.
Sadam Osman kaabash
Hargeisa, Somaliland.
Degmada: Maxamed Mooge
War-degdega:Hogaamiye Xirsi oo shaaciyey in Xisbiga Waddani ka baxay heshiis Xukumada Muse Biixi laashey+Eedo uu ku hurgufay & Su’aalo Warbaahintu ku boobtay
Geedi socodkii Qorsheyaasha Higsiga qaranka dhalinyarada JSL ee (2017-2021 ESSP) oo Xukuumadu ku fashilantay
Daraasad dhawaan lagu lafo guray Xaaladaha dhalinyarada JSL ayaa waxaa ka soo baxday in Somaliland dhalinyarada da’doodu ka yar tahay 30 jirka lagu qiyaasay 65%. Ardeyda dhigata dhamaan dugsiyada Somaliland ayaa gaadhay 1 million oo arday oo kala dhigta dugsiyada Somaliland oo kor u dhaafay 1310 dugsi kuwaas oo isugu jira Dugsiyada Hoose oo dhan 700 dugsi,kuwa Dhexe oo gaadhaya 470 dugsi iyo kuwa Sare oo gaadhay 140 dugsi. Ardeyda dhigata 36– ka Jaamacadood ee Somaliland waxay iyana gaadhayaan Ilaaa iyo 50 kun oo ardey, waxaana sanadkii dhamaaday ee 2018 ka qalin jebiyey Jaamacadaha dalka ilaa 8 kun oo Arday kuwaas oo dhamaan ardeydaasi aanu ceelna uqodneyn cidina umaqneyn oo aan qorshe qaran loo samayn. Daraasad kale oo dhawaan iyana lagu sameeyey tiro koobka guud ee dhalinyarada reer Somaliland ee sanad kasta waxbarashada dhameysa ayaa iyana lagu xaqiijiyey in ardeyda sanadkan 2019 dugsiyada sare ka baxaday ay gaadheen 11 kun oo arday marka lagu daro ardeyda ka baxday dugsiyada gaarka loo leeyahay. halka kuwa ka baxay fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe ay iyana gaadheen sandkan 21 kun oo arday marka iyana lagu daro ardayda ka baxday dugsiyada gaarka ah. Waxa Daraasadu hoosta ka xariiqday in aan dhalinyarada waxqabadkooda la dhayalsan Karin maadaama ay yihiin dhalinyarada JSL majooratiga quwada shacabweynaha reer Somaliland.
Daraasadu waxay xustay in tiradaa ardeyda qalin jebisay ee sii badanaysa sanadba sanadka ka danbeeya iyo qorshe la’aanta Xukuumada maanta jirtaa ay yihiin kaaf iyo kala dheeri waxaanay dhalinyardaa tirada badan ee sanad kasta soo baxaysaa ay u baahan yihiin qorshe qaran oo deg deg ah. Waana in Xukuumadu ka shaqeysiisaa Qorshihii higsiga dhalinyarada ee shanta sanadood lagu sar gooyey kaas oo ahaa qorshihii waxbarashada iyo waxqabadka dhalinyarada JSL ee ( 2017- 2021 ESSP )
Waxaa waxgaradku isku wada raaceen in Xukuumadihii kala danbeeyey ee Kulmiye ay ku fashilmeen qorshe yaasha waxqabadka dhalinyarada qalin jebisa, taas oo hada ay shacabka u cadaatey in Qorshe Hawleedkii Higsiga Qaranka ee dhalinyarada SL ( Somaliland Youth, Sport and Cultural National Plan ) ay ku sii fashilantey Xukuumada maanta jirtaa markay ku soo koobtey oo keliya qorshihii dhalinyarada mashruuca shaqo qaran kaas si fiican loo bilaabay biloowgiisii laakiin musuq maasuq, mad-madow fara badan iyo niyad jab ku dhamaaday markii shaqooyinkii 400 ahaa ee soo baxay 100 ka mid ah daaha dabadiisa lagu qortay. Waxay arintani dhalinyaradii JSL ku riday niyad jab hor leh oo u cadeysay in aanay marna Merit iyo aqoontooda waxba ku heleyn inta ay dalka ka jiraan musuqa iyo abaal celinta malaasani.
– Waxay Xukuumadani tahli weyday in ay ka shaqeysiiso oo wax ka bedel iyo kaabis ku samayso shuruucdii lagu hagi lahaa qorsheyaasha dhalinyarada JSL (National Youth Policy) kuwaas oo loo baahnaa in ay ku saleyso waqti dhow iyo mid dheer sida 2 years ama 5 years strategies. Mar hadii ay ka gaabisay xukuumadu howlgelintii qorashaha ee labadii sanadood ee la soo dhaafay ay dhalinyaradu ku laheyd qorshahan ( National Development Plan 2017- 2021 ESSP). Maxaa maanta la gudboon Xukuumadda ? Maxaase laga filan karaa sanadka soo socda, gaar ahaan Wasaaradda u qaabilsan horumarinta dhalinyarada ?
GUNAANAD: Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay dhalinyarada si deg deg ah ugu sameyso istiraatiijiyad ku saleysan toban qodob ( 10 Point Plan ) si dhalinyarada loogu jiheeyo tubta toosan, wadaninimo, shaqo abuur iyo abaabulka ciyaaraha kala duwan oo si joogto ah loo abaabulo si ay dhalinyaradu balwada u yareeyaan oo u shaqo tagaan.
Allaa Mahad Leh-Wa Billaahi Towfiiq.
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.