Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Daawo Muqaal:Weedhihii laysku saydhay+Garnaqsiga Suldaanka Guud ee Subeer Awal & Boqor Buurmadow+Duurxulkii,Goodiyistii & Hanjabadii Boqor Buurmadow


Daawo Muqaal:Saylaci oo ka jawaabay Hadallo ka soo yeedhay

Daawo Muqaal:Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo sida Fiinta uga qaliyey Aflagaadooyin uu qeyb ka ahaa+Samaxaadna weydiistay Hablaha Garxajis

Vosomwo oo Haweenka Somaliland ka Wacyigeliyey Aafada Tahriibta

$
0
0

Vosomwo oo Haweenka Somaliland ka Wacyigeliyey Aafada Tahriibta

Ururada VOSOMWO iyo hay’adda SIHA Newtowk ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay shir dhalinyarada hablaha ah lagaga wacyigainayo dhibaatada ay tahriibtu leedahay.
Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen dhalinyaro ku bahoobay shabakado maxali ah oo ay ka mid tahay Danjire Network oo ay ku bahoobeen dhalinyaro iskaga kala yimid degmooyinka Caasimada ee Hargeysa ayaa laga soo jeediyey mawduucyo ku saabsan dhibaatada tahriibku uu gaadhsiiso dhalinyarada gaar ahaana Hablaha.
Ugu horayn waxa kulanka Shirkaasi ka hadashay Hibaaq oo ka socotay ururka Haweenka ee VOSOMWO, waxaanay ugu horayn ka warantay waxa uu u taagan yahay ururka VOSOMWO oo ku hadla codka Haweenka Beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland, waxaanay tidhi “Ururka VOSOMWO waxa uu u taagan yahay ururka codka haweenka Beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland, waa urur waddaniya oo la aasaasay 2004-tii, waxaana loo aasaasay sidii loo raadin lahaa xuquuqaadka iyo sidii ay ugu hadli lahaayeen.
Mudadii uu ururkani jiray ururku waxa uu qabtay horumaro la taaban karo oo dhinac walba leh oo ay ka mid yihiin dhinaca Siyaasada iyo dhinaca waxbarashadaba, sidoo kale ururkani waxa uu ka shaqeeyaa sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen siyaasada.
Ururku wuxuu khibradd u leeyahay bulshadan uu u shaqaynayo, waxaanu cilmi baadhiso farabadan uu ka sameeyey duruufaha dhaqan dhaqaale ee haysta bulshadan laga tirade badan yahay eek u dhaqan Somaliland.
Intaa ka dib kulankeenu waxa uu daaran yahay, arinta tahriibka oo muddo dhan ay iska kaashanayeen ururka VOSOMWO iyo Daladda SIHA NETWORK oo ka shaqaysa Geeska Afrika, waa urur ay ku midoobeen ururada Geeska Afrika, waliba Bariga Afrika ee Somaliland, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya, waxaana jiray Tababaro xidhiidh ah oo loo qabanayey Hablo dhalinyaro ah oo iskaga kala yimid Daami, Maxamed Mooge iyo Istaad-House-ka oo ku saabsanaa aafada ay tahriibtu leedahay, dhibaatooyinka laga dhaxlo. Sidoo kale waxa jiray balo la kulmay tahriibta oo tahriibay oo dhibaatooyin ku soo dhaceen, kuwaas oo la-talin la siinayey oo waxa la isku dayayey sidii bulshada ay ugu soo noqon lahaayeen oo mar kale ay bulshada ka dhex muuqan lahaayeen.

Markaa waxa jiray laba urur oo aanu la wadnay hawlahaa oo daladan SIHA ay maalgaalinaysay mashruucan, mid waxa uu ahaa Isir oo ururkaasi waxa uu noqday urur guulaystay oo hawlihiisii waa loo dhameeyey,” ayay tidhi Hibaaq oo ka socotay ururka VOSOMWO.
.waxa isaguna halkaasi ka hadlay Galaal oo ah Aqoonyahan dhalinyar ah, isla markaana u ololeeyaha arimaha dhalinyarada, kaas oo iftiimiyey waxyaalaha keena tahriibta, waxaanu yidhi “Marka aynu usoo jeedsano mawduuca aynu ka hadlayno ee Tahriibta, Tahriibta waxa keena baahi, markaa hadii qofka dhibaato haysata laga horistaago, tusaale ahaan Wiil ama Gabadh mudo geedi waxbarasho soo waday markaa haduu waayo wax uu geedigaa waxbarasho uu kaga nasto ama uu ku naaloodo ama uu ku nasanayo uu waayo, wuu tahriibayaa.
Markaa dhinac walba waa la rogrogay oo Somaliland waa laga qiimeeyey waxa keenaya Tahriibta waliba ay hablo u badan yihiin waxa keenaysaa waa baahi, Baahidii hadii qofka laga joojin waayo wax markaa qofku uu soo kordhinaysaa ma jirto,” ayuu yidhi Aqoonyahan Galaal oo u ololeeya arimaha dhalinyarada.
Dhinaca kale waxa isaguna madasha kulankaasi ay yeesheen ururada VOSOMWO iyo SIHA waxa ka hadlay Nuuradiin oo ah masuulka Dalada SIHA Network u qaabilsan Somaliland, waxaanu yidhi “Hawshani waxay ahayd hawl aynu inbadan soo wadnay anaga oo isla kaashanayna ururka VOSOMWO iyo hadda SIHA, waxaana aanu ku dooranay VOSOMWO in dadka inta dhibtu taabato ay la shaqayso, waxaana mashruucan loogu talo galay in dadkaasi Tahriibaya waxyigalin laga siiyo dhibaatada tahriibka.
Maaha markii ugu horaysay oo hawshan oo kale aanu bilawnay, waxa kale oo jira urur kale oo la yidhaa Danjire Association oo 40 hablood ka kooban oo iyaguna shanta waaxood ee magaalada Hargeysa ka kala socda. Cilmi baadhis aanu samaynay waxa ay muujinaysaa oo mashruucani uu si gaar ah taxadir uga muujinayaa ama uu u khuseeyey inta badan dadkani waa hablahaha ay da’doodu ka hoosayso 14-22 jirka, waa kuwa inta badan u tahriiba xagaa iyo dalalka Carabaha.
Carabaha marka ay dadkaasi tagayaan Puntland ayay maraan kadiban Yemen ayay tagaan waxaanay ku dambeeyaan Sucuudiga, sidaa marka ay tahayna dhibaato badan iyo tacadi badan ayay kala kulmaan,” ayuu yidhi Nuuradiin oo ah Masuulka u qaabilsan dalada SIHA Networka Somaliland.
https://m.youtube.com/watch?feature=emb_title&v=etcGT38maKQ

Degdeg:Daawo,qadiyadii Kornayl Caarre oo la soo afjaray,Tirada Ciidanka & Tikniko uu wareejiyey+Baaq uu u diray M/weyne Muuse Biixi & Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Taani

New Year’s Babies: Over 3,900 children were born in Uganda on New Year’s Day

$
0
0

PRESS RELEASE
New Year’s Babies: Over 3,900 children were born in Uganda on New Year’s Day
In 2020, The Government of Uganda will invest in infrastructure and human resource capacity to improve access and quality of services for women and children
KAMPALA, Uganda, January 2, 2020/ — UNICEF is calling for world leaders and nations to invest in health workers with the know-how and equipment to save every newborn.

UNICEF estimates that 3,916 babies were born in Uganda on New Year’s Day. Ugandan babies accounted for approximately one per cent of the estimated 392,078 babies born worldwide on New Year’s Day.

“The beginning of a new year and a new decade is an opportunity to reflect on our hopes and aspirations not only for our future, but the future of those who will come after us,” said Henrietta Fore, UNICEF Executive Director. “As the calendar flips each January, we are reminded of all the possibility and potential of each child embarking on her or his life’s journey—if they are just given that chance.”

Each January, UNICEF celebrates babies born on New Year’s Day, an auspicious day for child birth around the world.

Over the past three decades, the world has seen remarkable progress in child survival, cutting the number of children worldwide who die before their fifth birthday by more than half. But there has been slower progress for newborns. Babies dying in the first month accounted for 47 per cent of all deaths among children under five in 2018, up from 40 per cent in 1990.

In Uganda, new born deaths have stagnated at 27 deaths per 1,000 live births. The leading causes of new born mortality are complications of prematurity, birth asphyxia and severe infections, while one third of under-five deaths is due to largely preventable or treatable conditions, such as malaria, pneumonia and diarrhoea.

Nevertheless, the country continues to make progress in overall child mortality reduction by investing in delivery of essential and quality health services. Between 2011 and 2016 under-five mortality in Uganda reduced from 90 to 64 per 1,000 live births.

“The Government of Uganda has invested in ensuring child survival through community and facility level interventions hence the reductions we see in child mortality. Additional efforts will focus on bringing services closer to our people through infrastructural development, including advanced care for all newborns by establishing special care units in Hospitals and Health Centre IVs,” said Dr. Jane Ruth Aceng, Minister of Health.

“The Ministry will also strengthen human resource availability and capacity to provide quality care for newborns especially the small and sick babies,” she added.

With the support of UNICEF and other partners, other evidence based high impact interventions to improve access of mothers, newborns and children to timely and quality health care are being implemented across the country. The interventions include: ensuring availability of skilled, competent and motivated health workers through training and skills development, provision of essential equipment, commodities and supplies including blood, installation of water, sanitation and hygiene facilities in health centers to prevent infections and a functional referral system for mothers and children with danger signs, especially those in hard to reach areas.

Globally, UNICEF’s Every Child Alive campaign calls for immediate investment in health workers with the right training, who are equipped with the right medicines to ensure every mother and newborn is cared for by a safe pair of hands to prevent and treat complications during pregnancy, delivery and birth.

“Every year, every decade, lives of millions of children are cut short. Even one life lost is far too many,” said Ms. Noreen Prendiville, Deputy Representative, UNICEF Uganda. “Together, we can change this. With affordable and simple health interventions we can ensure more babies survive to celebrate the first month of life and live into this decade.”

Distributed by APO Group on behalf of UNICEF Uganda.
SOURCE
UNICEF Uganda

UAE Rulers congratulate Chairman of Sudan Sovereign Council on Independence Day

$
0
0
  • PRESS RELEASE
    UAE Rulers congratulate Chairman of Sudan Sovereign Council on Independence Day
    ABU DHABI, United Arab Emirates, January 2, 2020/ — President His Highness Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, sent a cable of congratulations to Lieutenant General Abdul-Fattah Al-Burhan, Chairman of the Sudan Sovereign Council on his country’s Independence Day.
  • His Highness Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Vice President, Prime Minister and Ruler of Dubai, His Highness Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Crown Prince of Abu Dhabi and Deputy Supreme Commander of the UAE Armed Forces, also dispatched similar congratulatory cables to Al-Burhan on the occasion.
  • His Highness Sheikh Mohammed bin Rashid and His Highness Sheikh Mohamed bin Zayed also sent similar cables of congratulations to Prime Minister of Sudan, Dr. Abdalla Hamdok.
  • Distributed by APO Group on behalf of United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation.
    SOURCE
    United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation

Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu laayey dalalka Canada iyo Mareykanka

$
0
0

Askar iyo gaarigooda

Dhalinyaro Soomaali ah oo ku nool dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa lagu soo warramaya in la dilay, kuwaas oo aan la garaneynin sababta loo dilay iyo cida dishay.

Xaafad ku taala Waqooyiga Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka waxaa saacidhii lasoo dhaafay lagu dhaawacay laba wiil oo Soomali ah.

Dhaawaca wiilashaasi ayaa laga helay baabuur ay ku jireen, waxaana markii dambe dhaawaca u geeriyooday mid ka mid ah wiilashaas.

Weerarka lagu qaadaya wiilashan ayaa la sheegay in loo adeegsaday mindi, welina lama shaacin magacyadooda.

Inkastoo aan la ogeyn cidda ka dambeysay dilkaas, welina lama oga in uu xiriir la leeyahay dilalkii horay uga dhici jiray Mareykanka ee ay dhalinyarada dhexdooda isu geysan jireen, waxaana booliiska ay sheegeen in ay wadaan baaritaan ku aadan falkaas.

“Baabuur ay wateen ayaa laga helay, lamana oga waxa sababay dilka iyo dhaawaca, balse booliska waxay shegeen in wiilashaas la tooriyeeyay, waxayan ay dalbadeen in ciddii wax akhbaar ah ka heysa falkan ay kusoo wargeliyaan”, ayuu yiri Cabdiraxman Mukhtaar oo ah wariye madax banaan oo ku sugan Magaalada Minneapolis.

Waxaa kale oo uu Mukhtaar sheegay in meel aan ka fogeyn halka lagu weerary dhalinyarada uu ka dhacay shil baabuur oo aan la garaneyn in arrimahaas ay isla xiriiraan, laakiin hadda, booliska waxay wadaan baaritaan.

Soomaali sidata calamka Soomaaliya

Dhanka kale, Saddex dhalinyaro Soomaali ah ayaa todobaadkaan lagu dilay Magaalooyiinka Edmanton, Ontario iyo Alberto ee dalka Canada.

Dilalkan oo ah kuwa dhalinyarada ay iyagu isu geystaan iyo kuwa loo geysto ayaa waalidiinta dhashay carruurtaas waxay sheegeen “in aysan helin wax caddaalad ah oo la xiriirta dilak carruurtooda”.

“Waxaan ku waayay wiilkeyga curudka ah oo 25 sano jir ah, waxaan ka mid ahay koox is abaabushay, una is-taagay in aan wax ka qabano dhalinyarada ku nool Magaalada Edmanton ee is dilaya, waxyaabaha aan qabanay waxaa ka mid ah in qaarkood aan xabsiga kasii deynay, qaarna aan xabsiga ku booqanay, kuwa kalena waxaan u raadinay meel ay ku noolaadaan. Sida dhibaatadaas lagu istaajin karana waxay tahay in aan isu tagno oo aan dowladdana la kaashano”, ayay tiri Aamina Xusseen.

Dhallinyaro

Yaa dila dhalinyarada? Maxaase loo dilaa? Waa su’aalaha aan wali la helin jawaabtooda, balse Isnina Cali oo ka mid ah hoyooyiinka Soomaalida ee ku nool Canada ayaa BBC-da u sheegtay in dowladda ay ka gaabisay wax ka qabashada arrintan.

“Markaan sheegno oo aan dowladda la wadaagno sida ay wax u dhaceen, wax naga hoos qaado malahan, waxay ila tahay in dhanka Dowladda aanay wax caddaalad ah ka jirin, sababtoo ah dowladda waxay ka koobaan tahay dhowr hay’adood, Soomaalidana kama muuqaato hey’adaas oo ay ka mid tahay maxkamadaha ama caddaaladda, qeybta booliska iyo baaritanaada Soomaalida kama dhex muqato, sidaas awgeed ayaan u maleynaya in ilmaheenna aysan cadaalad u helin”, ayay tiri Isniina Cali.

Balse, Liiban Gabeyre oo ka shaqeeya arrimaha bulshada, kuna nool dalka Canada ayaa sheegay in wax ka qabashada arrintan ay tahay mas’uuliyad wadareed oo cid gaar ah aanan lagu eedeyn karin.

“Ma jirto cid si gooni ah farta loogu fiiqo, waana ayaan darro. Dilalka noocan ah ee Soomaalida badankooda (dadka ka dambeeya) lama soo qabto.”

Inkastoo aan la garaneynin sababta ka dmabeysay dilalkii ugu dmabeeyay ayaa haddana waxaa marar hore dhacday in dhalinyarada qaar ay isdilaan, mararka qaara ay dhibaatooyin kala kulmaan dhalinyaro kale, waxaana falalkan oo muddooyinki dambe aad usoo badanaya kadhahsya in xabsiga loo taxaabo dhalinyaro badan oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu helay in fal geysteen ama booliska ay baaritaan ku wadaan.


Maxaa kala qaaday beeralayda deegaanka Gujarat ee India iyo Ayax ku soo degay daawo

Degdeg:Daawo,Munaasibadii Kornayl Caarre ku wareejiyey Jabhadiisa & Saanadii Ciidan +Gudidii dhexdhexaadinta & Xildhibaano+Khudbadihii laga jeediyey madasha

Booyad gashay guriga siyaasi Warancadde ee Hargeisa

$
0
0

 

 

Booyad nooca biyaha qaada oo maraysay wadada Warancadde Road ayaa markii ay wax yar uun dhaaftay guriga siyaasi Cali Maxamed Warancaade ay booyadaasi dib u soo noqotay kadib markii wadahii booyadaasi uu awoodi kariwaayay in booyada joojiyo kadib markii uu bireegu u shaqayn waayay.

Booyada oo qaarka danbe la gashay dayrka hore ee Warancadde ayaanay wax khasaare ahi ka dhalan, marka laga reebo burbur soo gaadhay dayrka hore ee aqalka Warancadde.

Shilkani ayaa dhacay wax yar uun ka hor salaadii makhrib.

Booyadani ayaa hadii ayna dayrka Warancadde gali lahayn oo sii haynlahayd wadada gaysan lahayd khasaare balaadhan xiligaasi oo ay wadadaasi ay dadku ku badnaayeen.

Mudo kooban ayaa laga joogaa markii isla wadadaasi booyad soo taraartay ay gaysatay khasaare balaadhan oo dhimasho lahaa.

Waxa jira baabuur badan oo tayadoodu ay aad u hoosayso oo magaalooyinka Somaliland ka dhex shaqeeya kuwaasi oo loo baahanyahay in wax laga qabto.

 

Mareykanka oo dilay jeneraal laf-dhabar u ahaa ciidamada Iran

$
0
0

Mareykanka oo dilay jeneraal laf-dhabar u ahaa ciidamada Iran

.Jeneraal Qasem Soleiman

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay duqeyn dhanka cirka ah ku dishay Jeneraal Qasem Soleiman oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds.

Ciidamada Quds ayaa ah ciidan qaabilsan hawlgalada dibadda, kana tirsan ciidamada dalka Iran.

Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in Qasem Soleiman ay ku dileen duqeyn dhanka cirka oo ka dhacday meel aan ka fogeyn garoonka diyaardaaha ee Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Telefishenka Dowladda Ciraaq ayaa sidoo kale baahiyay in Jeneraal Soleimani uu kamid ahaa dhowr qof oo lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah.

Sarkaal katirsan Dowladda Mareykanka ayaa wakalaadda wararka ee Reuters u sheegay in ay fuliyeen duqeynta, laguna bartilmaameedsaday kooxo taabacsan Iran.

Xoogaga taabacsan Iran ee Popular Mobilisation Forces ee dalka Ciraaq ayaa sidoo kale wakalaadda wararka ee Reuters u sheegay in Jeneraal Soleimani iyo hogaamiyaha maleeshiyaad Ciraaq ka dagaalama oo lagu magacaabo Abu Mahdi al-Muhandis la dilay.

Dilka Jeneraalkan ayaa dadka darsa arrimaha bariga dhexe waxay aaminsan yihiin in ay dhalin doonta xiisad horleh, lagana yaabo in Iran ay qaado tallaabo aargoosi ah.

Jeneraal Suleimani waxaa uu laf-dhbar u ahaa Dowladda Iran, waxaana ciidamadiisa Quds ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei.

.

Weerarkan ayaa dhacay maalmo un kadib markii dad dhigayay dibadbax ay isku gedaameen safaaradda Mareykanka ee caasimadda Baqdad, kuwaas oo ay isku dhaceen ciidanka Mareykanka ee jooga dhismaha safaaradda.

Wasiirka difaaca ee Mareykanka, Mark Esper ayaa gelinkii dambe ee shalay sheegay in Mareykanka aanu aqbali doonin weerar lagu qaado shaqaalahiisa jooga gobolka, wuxuuna dalka Iran ku eedeeyay rabshadihii ka dhacay safaaradda.

“Weerar nagu la soo qaado waxaa uu la kulmi doonaa jawaab xilligeeda leh” ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka.

Waxaa kale oo uu Mareykanka dalka Iran ugu baaqay in ay soo afjaraan hawlaha ay ka wadaan dhismaha safaaradda Mareykanka ee Baqdad.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay ugu gooddiyay Dowladda Iiraan, ka dib markii uu ku eedeeyay inay ka dambeysay weerarkii lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee dalka Ciraaq.

Dhismaha saraafadda ee Magaalada Baqdaad ayaa waxaa weerar ku qaaday dad mudaharaadeyaal ah oo ka careysnaa geerida maleyshiyaad lala beegsaday weerarro ay diyaaradaha Mareykanka fuliyeen.

.

Mr Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ugu hanjabay Iiraan, isagoo sheegay “inay magdhow ka bixin doonto” khasaare kasta oo ka dhasha halkaas ama dhimasho.

“Tani ma aha digniin, waa hanjabaad”, ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Hase yeeshee, hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei oo hadalkaas ka jawaabay ayaa sheegay in Mareykanku “uusan waxba ka qaadi karin Iiraan”.

Wuxuu sidoo kale sheegay in naceybka ka dhanka ah Mareykanka uu ku fiday meel kasta oo ka mid ah dalka Ciraaq.

Tehran ayaa beenisay inay wax lug ah ay ku lahayd weerarkii lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee Magaalada Baqdaad.

Daawo:Ujeedada Safar M/weyne Muuse Biixi ku tegay Konfur-galbeed Hargeisa+Kulan dhexmaray…

Fal-naxdin leh:Wiil Somalia oo Aabihii ku dilay Gacantiisa

Daawo:F.C.Warabe oo ka hadlay Mawqifkiisa Heshiiskay gaadheen Jabhada Kornayl Caarre & Xukumada Somaliland


Ethiopia – 50 million to vote in May 2020 election

Degdeg:Jabhadii Caarre oo la qarameeyay,Ciidamada Qarankana lagu wareejay+Xoggo kale oo xasaasiya & Khudbado qiiro leh oo Madasha laga jeediyey

Daawo Muqaal xasaasiya & Sidii Xukumada S/land ula wareegtay Jabhadii Kornayl Caarre & Hubkoodii +Taliyayaashii Ciidnka Caarre oo hadlay

Qaasim Suleeymaan: Sida ay dunida uga falcelineyso dilka janaraalka ugu caansan Iran

$
0
0

Qaasim Suleeymaan: Sida ay dunida uga falcelineyso dilka janaraalka ugu caansan Iran

Janaraal Qaasim SuleeymaanJanaraal Qaasim Suleeymaan

Janaraal Qaasim Suleymaan oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds ayaa waxaa lagu dilay gantaallo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku rideen elaboorka magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq waxaana dilkiisa xaqiijisay dowladda Mareykanka.

Ciidamada Qudus ayaa ah ciidan qaabilsan hawlgalada dibadda, kana tirsan ciidamada dalka Iran.

Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in dilka Qaasim Sulaymaani uu amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

62 jirkan hogaaminhyayay ciidamada Qudus ayaa waxaa loo arkayay inuu ahaa qofka labaad ee ugu awoodda badan dalkaasi Iran marka laga oo tago hogaamiyaha maxkamadda ugu sareyso dalkaasi Ayatollah Khamenei.

Gudaha dalka Iran waxaa uu ka ahaa geesi qaran balse Mareykanka ayaa Janaraal Suleeymaan iyo ciidamadiisa Qudus waxay u yaqaaneen argagixiso.

Sidan ayay dunida uga falcelisay dilka Qaasim Suleeymaan.

‘Argoosi xanuun badan’

Hogaamiyaha Maxkamadda ugu sareyso dalkaasi Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in ”aargoosi xanuun badan uu sugayo dambiileyaasha” ka dambeeyay weerarka, iyadoona dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Iran Javad Zarif weerarkaasi ku tilmaamay ”ficil argagixiso caalami ah”

Madaxweyne Xassan Rowxaani ayaa ku hanjabay in ”dalka weyn ee Iran uu aargoosan doono”. Geerida janaraalka ayaa qabsatay warbaajinta Iran.

Ali Khamenei pictured during a meeting with Afghanistan's President Ashraf Ghani in April 2015.
Getty Images
Severe revenge awaits the criminals (behind the strike)
Ayatollah Ali Khamenei
Supreme Leader of the Islamic Republic of Iran

Ka dib markii uu dhacay weerarka, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyay sawirka calanka Mareykanka.

Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in Suleeymaani uu qorsheynayay weerarro dheeraad ah oo lagu bartilmaameedsanayo diblomaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan Ciraaq ka dib dilkii qandaraaslihii Mareykanka iyo weerarkii safaaradda Mareykanka ee Baqdaad.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa baahiyay muuqaal muujinayay shacab Ciraaqiyiin ah oo wado calanka Ciraaq oo weyn kuwaasi marayay waddooyinka.

Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga Elizabeth Warren ayaa sheegtay in Janaraal Suleeymaan uu ahaa”dilaa”, go’aankii lagu dilayna uu ahaa ”mid aan laga fiirsan”

Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa muwaadiniinta Mareykanka ku boorrisay iney ”sida ugu dhakhsiyaha badan uga baxaan dalka Ciraaq”, weeraka ka dib.

‘Khatarta sare u kacidda xasaradda’

Raysal-Wasaaraha Iran Caadil Cabdul Mahdi ayaa cambaareeyay dilka Janraal Suleeymaan iyo Talihii maleeshiyada Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis oo isagana lgu dilay isla weerakaasi.

Waxa uu sheegay in weeraka uu ahaa ”mid sare u sii qaadaya khatarta ah in Ciraaq uu ka dhaco dagaal ba’an,” sidaasi waxaa soo weriyay warbaahinta dowladda Ciraaq ee Ciraaqiya News.

.

Raysal Wasaaraha ayaa intaasi ku sii daray in weerarkaasi uu baalmaray shuruucdii milatariga Mareykanka ku sugan Ciraaq, waxa uuna ku baaqay in baarlamaanka ay isugu yimaadan kulan aan caadi ahayn.

Madixii hore ee sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa sheegeey ineysan u muuqan, si Iran aysan u qaadi karin tallabo argoosi ah oo loogu aarayo Janaraal Suleeymaani, uuna aaminsan yahay in muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan gobolka ay khatar ku jiraan.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa sheegay in dilka Sulkeeymaani ee Mareykanka uu u muuqdo tallaabo aan laga fiirsan taasi oo horseedi karto iney sare u sii kacdo xasaradda gobolka.

“Suleeymani waxa uu si hagar la’aan ah u difaacayay danaha qaranka Iran. Waxaan u tacsiyeyneynaa shacabka reer Iran,” ayuu intaasi ku sii daray wasiirka.

Shiinaha ayaa dhammaan dhinacyada is haya ugu baaqay, gaar ahaan mareykanka iney dejiyaan xaaladda ka dib geeridii Janaraal Suleeymaan.

Shiinuhu waxa uu xubin joogto ah ka yahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waana mid ka mid ah dalalka ugu iibsashada badan shidaalka Iran.

Wasiirka Midowga Yurub u qaabilsan faransiiska Amelie de Montchalin ayaa iyadana ka hadashay dhacdadan: ”Waxaanu ku waa bariisanay duni ay khatarteedu sii kordheyso”.

Trump oo sheegay sabab yaab leh oo ay u dileen Jeneral Qassem Soleimani

$
0
0

Trump oo sheegay sabab yaab leh oo ay u dileen Jeneral Qassem Soleimani

 Ayada oo laga cabsi qabo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe, ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu sheegay in sababta loo dilay Jeneralkii sare ee Iran ee Qassem Soleimani ay tahay in laga hortago dagaal ka dhaco Bariga Dhexe.

“Waxaan ficilkan u qaadnay inaan joojinno dagaal, uma qaadin inaan billowno dagaal” ayuu yiri Trump oo wax laga weydiiyey cabsida laga qabo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe.

Trump waxa uu sheegay in Soleimani uu qorsheynayey “weerar xun” oo ka dhan shaqaalaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayna ku qasbanaayeen inay ka hortagaan.

“Jeneral Qassem Soleimani waxa uu dilay ama si xun u dhaawacay kumanaan Mareykan ah, wuxuuna hadda qorsheynayey inuu kuwo hor leh dilo, balse waan ku qabanay” ayuu yiri madaxweyne Donald Trump.

“Waxa uu sidoo kale si toos ama aan toos ahayn uga mas’uul ahaa dhimashada malaayiin qof, oo ay ku jiraan tiro badan oo banaan-baxayaal ah oo dhowaan lagu dilay dalka Iran.” Ayuu yiri Trump.

“Muddadii argagixisanimo ee Soleimani waa ay dhammaatay” ayuu yiri Trump.

Madaxweyne Donald Trumo waxa uu sidoo kale sheegay in Mareykanka uusan dooneyn in taliska Iran la beddelo.

“Ma dooneyno inaan is-beddel talis ku sameyno Iran” ayuu yiri.

Iran ayaa ku hanjabtay “aargudasho darran”, waxaana ay sheegtay in Mareykanka uu qaadi doono mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhasha dilka Jeneral Qasem Soleimani.

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku hanjabay “aargudasho darran”, oo ka dhan ah “dambiilayaasha gacmahooda dhiigga la galay,” isaga oo wacad ku maray in “shaqadiisa iyo waddadii uu hayey aan la joojin doonin.”

Dhinaca kale, hoggaamiyaha kooxda Tehran ay taageerto ee dalka Lubnaan ee Xizbullah ayaa maanta ku baaqay in loo aargudo dilka Qasem Soleimani.

“In la fuliyo ciqaabta ku habbon dambiilayaashan wax khaarijiyey, waxay noqon doontaa mas’uuliyadda dhammaan dagaal-yahanada wax iska caabinta ee caalamka.” Ayuu bayaan uu soo saaray ku yiri Hassan Nasrallah.

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>