Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Milicsiga Hal-Ku-Dhegyada Xusuusta Reebay Ee Madaxweyne Daahir Rayaale Iyo Marxalada Maanta

$
0
0

Milicsiga Hal-Ku-Dhegyada Xusuusta Reebay Ee Madaxweyne Daahir Rayaale Iyo Marxalada Maanta

 

Hargeisa-(Qaran-news)-Khudbadihii uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, jeedin jiray wakhtiyadii lagu jiray ololihii doorashada madaxtooyada ee lagaga guulaystay, ayaa qaarkood waxay noqdeen kuwo mahadho ku reebay shacabka.

slnyo iyo rayaale

Madaxweyne Rayaale, oo ahaa nin ay khudbadihiisu aad u koobnaayeen, ayaa weedhihii uu jeediyay maalmihii ololaha doorashada lagu jiray waxa uu isku dayay inuu shacabka Somaliland si sarbeeb ah ula hadlo. Tusaale ahaan maalin isagoo ka hadlaya mid ka mid ah fagaarayaashii wuxuu yidhi, “Shacabyahoow waxaan idinka codsanayaa inaydaan aniga ii dooran reer ahaan, waayo haddii aad reer ahaan codka igu siisaan Madaxweyne idiin noqon maayo ee waxaan idiin noqonayaa Suldaan. Markaas qaran ahaan codka igu siiya.” Isla maalintaas isagoo ka hadlaya xisbigii UDUB, wuxuu yidhi, “Xisbiga UDUB maaha xisbi caadifadeed ee waa xisbi arrimaha aad uga fiirsada.”

Daahir Rayaale Kaahin, waxa kale oo uu maalmahaas ka hadlaya hoggaamiyaha wanaagsan, waxaanu yidhi, “Hoggaamiyaha wadan hoggaamin karaa waa ninka aad uga fiirsada arrimaha.”

 

Khubad kale oo uu Rayaale 3 June, 2010 oo ahayd maalmihii ololaha doorashada  ka jeediyay fagaaraha beerta xorriyadda ayaa wuxuu kaga hadlay erayga isbedel oo ahaa eraygii uu KULMIYE ololaha doorashada ku galay,  waxaanu Rayaale yidhi “Axsaabta mucaaradku waxay had iyo jeer ummadda ku beer laxawsadaan ereyga “IS BEDEL …. IS BEDEL”. Sidaa awgeed, waxa lagamamaarmaan ah in ummadda Somaliland aan dareensiiyo xaqiiqada dhabta ah ee jirta.

 

Odayaasha mucaaradka ah ee is-bedelka ku doodaya badankoodii waa Wasiiraddii xilka waayay ee xukuumaddihii kala dambeeyay, haddii ay horumarka ay ugu baaqayaan ummadda u keenayaan maxay ugu samayn waayeen shalay markay kuraasida fadhiyeen?. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye miyaanu ahayn Wasiirkii Maaliyadda ee xukuumaddii Cigaal ee anigu Madaxweyne Ku Xigeenka ka ahaa ee dhaqaale uu soo kordhiyo iska daayoo ku guuldaraystay inuu dalka miisaaniyad u sameeyo?

Waxyaabaha kale ee laga xasuusto khudbadihi Daahir Rayaale Kaahin, waxa ka mid ahaa khudbadii uu jeediyay maalintii uu xilka ku wareejinayay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Qayb ka mid ahayd khudbadiisa wuxuu yidhi Daahir Rayaale, isagoo la hadlaya Madaxweyne Siilaanyo, sidan, “Waxaan maanta kugu wareejinayaa dal iyo dad midaysan.”

 

Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, aad looma dhuuxi jirin khudbadihiisa, waxase laba sannadood ka dib la dareemayaa macnaha khudbadihii uu jeedin jiray maalmihii u dambeeyay hoggaamintiisa iyo ujeedooyinkii uu ka lahaa.

 

Qarannews

Xigasho:Geeska


Xoogaga Al-shabaab oo soo riday markii u horeysay Taariikhda Diyaarad nooca wax basaasa ah (Drone) oo reer Galbeedku leeyihiin.

$
0
0

Xoogaga Al-shabaab oo soo riday markii u horeysay Taariikhda Diyaarad nooca wax basaasa ah (Drone) oo reer Galbeedku leeyihiin.

Buulo-mareer-(Qaran-news)-Diyaarad yar oo nooca la hago ama Drones-ska loo yaqaano ayaa xooggaga Al-shabaab ku soo rideen agagaarka Mgaalada Bulo-mareer ee gobolka Shanabeelada Hoose  maanta gelinkii hore.

Sida xogaha Qarannews soo gaadhaya sheegayaan diyaarada ayaa in muddo ah gubanaysay ka dib markii baal lagala helay gantaal,aakhirkiina dhulka ku soo dhacday.

Goobta diyaaradaasi ku dhacday ayaa waxaa isku gedaamay xoogaga Alshabaab oo ka horjoogsadey dad shiciba oo ku soo qamaamay si ay u daawadaan.

Geesta kale diyaaradan Drone-ka ah ayaa la xaqiijiyey inay tahay nooca reer galbeedku wax ku basaasaan,waxaana la sheegay inay ku rakiban yihiin kamaradaha Nooca GPS-ku ku raiban yahay.

Wixii warara ee ku soo kordha dhacdadan isha ku hay Qarannews.com

Qarannews

Hargeisa

Khayraadka Dabiiciga Ee Afrika Waxa Uu Kor U Qaadi Karaa Isbadal Dhaqaale UN report

$
0
0

Afrika waa inay boodhka ka jaftaa Khayraadkeeda dabiiciga ah ee Wax Soo Saarka Beeraha, Macdan Qodida iyo Khayraadka Tamarta si ay u kordhiso koboc dhaqaale, sidaasi waxa lagu sheegay Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay. Dhaaalaha Qaarada Afrika ee 2013-ka ayaa tilmaamaya in wadamada Afrikaanku qaadaan talaabo buuxa oo ay kaga faa’iidaysanayaan Khayraadka dabiiciga ah iyo Qaniimada ku duugan si dhakhso loogu dhaqaaqo koboc xaqiijiya hanaan ay kaga faa’iidaystaan dadka Afrikaanku. Waxaana sidoo kale walwal leh in si wada jir ah looga shaqeeyo Siyaasado Bulsheed oo dhamaystiran oo baadi gooba in la yareeyo faraqa weyn ee Qaarada. “Hadda waxa la joogaa wakhtigii la samayn lahaa Isbadalo dhaqaale, sidaa darteed waa in dhaqaalaha Afrika uu noqdaa mid si aad ah tartan u gali kara oo abuura shaqooyin badan oo faa’iido leh”. Sidaasi waxa lagu sheegay Warbixinta, waxaana intaa ay ku dartay “Fidinta dhaqdhaqaaqyada dhaqaale waa aasaaska loo wajahayo caqabadaha”.

Warbixintu waxa ay iftiimisay saadaasha dhaqaalaha qaarada Afrika ee sanadka 2013 iyo 2014 oo ay ka muuqato ididiilo fiican, taas oo dhaqaalaha uu ku iman doono koboc 4.8% sanadka koowaad iyada oo uu sare uga sii socon doono 5.3% sanadka ku xiga. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay arimahaasi hoosta ka xariiqayaan in koboc dhaqaale oo kaliya aanu ku filayn in hoos loo dhigo Fakhriga, waxna laga qabto shaqo la’aanta, oo ka turjunta sinaan la’aan dakhli iyo walwalka heerka Caafimaadka iyo waxbarashada. “Koboc kuma fila oo kaliya” sidaasi waxa yidhi Mario Pezzini, oo ah Madaha Organisation for Economic Co-operation and Development (OECD). “Wadamada Afrikaanku waa inay sida ugu saxsan suuqyada ku soo galiyaan Khayraadka dabiiciga ah iyaga oo u badalaya Shaqooyin abuurma, kuna niyad san dakhliga uga soo xarooda khayraadka iyaga oo ka qaadanaya Cashuur, kana saacidaya maalgashadayaasha iyo dadka gudaha ku nool sidii ay iskugu xidhmi lahaayeen”. Marka loo eego warbixinta, waxa lagama maarmaan u ah afar qodo Koboc dhaqaale oo buuxa ayay tidhi. Kuwaas oo ka kooan in si sax ah iyo xaalad wanaagsan uu ku yimaado isbadal ku dhaca Adeegyada asaasiga ah oo abuura suuqyo badan oo tartan ka dhexeeyo; Iyada oo la hir galinayo hanaan cashuureed oo shaqaynaya iyo sidoo kale iyadoo la hor marinayo maamulka dhulka; lana hubinayo in faa’iidada laga helo khayraadka dabiiciga ah lagu maalgaliyo mashaariic faa’iido u leh bulshada; iyo iyadoo si horumarsan oo shaqaynaya loo sameeyo dhaqaale kala duduwan. “Gabogabadii, Isbadal macnaheedu waxa weeyaan in daboolka laga qaado fursado ay dadku shaqooyin ku heli karaan, in la abuuro ganacsi, sidoo kale la maalgaliyo Caafimaadka, Waxbarashada iyo daryeelka cuntada. Si loo horumariyo bulshada,”. Sidaasi waxa war ay soo saareen ku yidhi Barnaamijka Horumarinta ee UNDP.Waxa Warbixintan Sanadeedan Soo Saaray African Development Bank (AfDB), the Development Centre of the Organisation for Economic Cooperation and Development (OECD), the Economic Commission for Africa (ECA) and UNDP.

Ogaysiis: Xaflada soo dhawaynta gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Seattle WA

$
0
0

Waxaa Dhamaan la ogaysiinayaa Jaaliyada Reer Somaliland ee

Ku nool Gobolka Washington. In Gudoomiyaha xisbiga kulmiya

Muj. Muuse Biixi Cabdi. Uu imanayo Magaalada Seattle, WA

Halkaasna uu Kula Kulmi Doona Jaaliyada Reer Somaliland. Goobta Xafladu ka dhacaysa waa Tukwila Community Center.

Taariikh: June-01-2013

Wakhtiga: 7-30 PM – 1:00 AM

Tukwila Community Center

12424 42nd Ave S

Tukwila WA 98168

Wixii Faahfaahin Dheeraad ah Fadlan kala Soo Xidhiidh

Khadar Barabiyaan:206-861-2116

Mohamed Ali : 206-307-7155

Xoolaheenu waa laf’dhabarta dhaqaalaheena

$
0
0

AbdiraxmaanMElmi

Bulshada reer Somaliland xoogoodu waxa ay ku nool yihiin miyiga waana xoola dhaqato reer guuraaya (nomadic pastoral) ama beeralay xool dhaqato ah ( agro pastoral), waxaynu ognahay in dhaqaalaha Somaliland wuu ku tiirsanyahay 60% dhoofinta xoolaha nool , Xoolaheena nooli waa lafdhabarta dhaqaalaheena, xoolaheena waa tiirka wuu ku tiirsan yahay nolasha dadkeena iyo hormarka dalkeenuba, hormarka iyo hiigsiga dhaqaale ee wuu doonaayo dalkeenu in wuu ku talaabsado waxaa wuuu ku xidhan yahay sidaynu u dhaqaalayno una kobcino xoola heena nool ee aynu munaafacaadsano.

Waxaynu la soconaa in manta dadkaanii xoola dhaqatada ahaa ay ku soo qul qulayaan magaalooyinka iyaga oo ka soo yaacaya ama ka soo barakacaaya miyigii , waxaad arakaysaa sida ay xooolo dhaqatudu u sii yaraanayso una sii dabar go,ayaan, qoysas badan oo ku nolaa miyiga ayaa ka soo guuray una soo guuray magaalada, in badan oo waxtar u lahaa dalka wax soo saarkiisa dhaqaale ayaa iska baabiiyay xolahoodii kana door biday nolol magaalo iyo u digarogosho tuulo.

Sababa dhawra ayaa keena in xoolo dhaqatadeenu ka yimadaan miyigii kana soo diga-rogtaan noloshii miyiga iyaga oo ka door bidaaya nolosha magaalada aan mid iyo laba xuso qodobadaas .

1. Abaaro soo noq-noqday oo samayn xoogan ku yeeshay reer miyigii iyo roobabkii di jiray xiliyada GUGA iyo DAYARTA oo yaraday, ayaa keenay in ay ka niyad jabaan kana qancaan rafaadka iyo silica ku haysta miyiga iyaga oo sanadadii ugu danbeeya ay soo food saartay biyo la,aan xoogani taas oo kentay in ay galaan marxaladii aynu u naqaanay gaadhi gaadhi saar.

2. Qodobka kale ee keeni kaara in ay reer miyigeeni ku soo qol-qulaan magaalooyinka waxa weeyi. Dawladeena oo ka gaabisay gabtayna dadkeena xoola dhaqatada ah siina adeegii ay u bahnayeen xoola dhaqatadeena ama xoolo dhaqata beeralaydeenu, waxay u baahan yihiin in ay waxbartaan(education), waxay u baahan yihiin in ay helaan adeeg cafimaad(health canters) ,waxay u baahan yihiin in loo daryeelo xoolahooda haday ahaato xag caafimaad iyo xag kalaba intaaba ma haystaan.

Isku soo wada xooriyoo in ay ka soo hayamaan miyigii soona galaan magalooyinka waxa ku kalifay duruufoo aynu uga garaabayno, waajibna ku ah dawlada in ay wax ka qabato, una hagar baxaan sidii ay wax-tar muuqda u tari lahayeen reer miyigeena inoo dhaqaaleeya xoolahanee wuu ku tiirsan yahay dhaqaalaheenu .

kor u kaca iyo hoos u dhaca dhaqaalaheenu waa mid xidhiidh togan(positive relation) la leh xoolaheena nool ,tusaala ahaan hadii 2% kordhaan xoolaheena nooli waxaynu tibaaxi karnaa in dhaqaalaheenuna kordhay 2% madaama wax soo saarka xoolaha nooli wuu ka yahay dhaqaalahena 60%(Livestock production contributes 60% of GDP) sidoo kalana waxaynu ka dareemaynaa dhaq-dhaqaaqa suuqyada xoolahaneena nool.

dalkastaa waxa wuu leeyahay wax wuu dhaqaalahiisu wuu ku tiirsan yahay ama laf-dhabar u ah, tusaale ahaan dalalka carabeed intoooda badani waxa wuu dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dhoofinta shidaalka iyo khayraadka saliida,ahmiyada iyo doorka ugu horeeyana waxa ay siiiyaan sidii ay u xoojin lahaayeen una hormarin lahayeen khayraadka wuu dhaqaalahoodu wuu ku tiirsan yahay . si aynu u helno xoole waara sii jiri karana waqti dheer ugana ilaalino dayaca iyo silica haysta waxa aynu u baahanahay in aynu helno qodobadan soo socda

1. In sare loo qaado caafimaadka iyo baadhista xoolaheena

2. In lahelo xaanaano xoolo oo shaqaynaysa kana turjumaysa baahida loo qabo iyo dhakhaatiirta xoolaha nool si aynu u helno dhakhaatiir aqoon balaadhan u leh cilmiga xoolaha oo ku filan dabooli karan baahida loo qabo aqoonta xoolaha nool.

3. In aynu ilaalino kuna ilaalino meelaha ay ku dhaqan yihiin dhawrnana daryeelka dadka dhaqa xoolaha haday ahaato daryeel caafimaad iyo mid waxbarashaba si aynu u helno reer miyi ku niyad san xoola dhaqashadooda

Si kastay ahaataba waxaynu ognahay in xayiraadii badh ka mida dalalka carabtu ay ku soo rogeen xoolaheen wuu samayn balaadhan ku yeeshay heerkii dhaqaalha ee dalkeena iyo dadkeenba , waxynu dareen-sanahay in xoolaheenu yihiin wadnaha dhaqaalaheena(heart of our economy).

Guntii iyo gunaanadkii waxa inala gudboon in aynu u guntano sidii aynu u horumarin lahayn xoolaheena madaama ay xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaheena.

W/Q : A/rahiim Mohamed elmi (ina-dhago dheere)

Email: hirsi1994@gmail.com

m/maqaalka: Xoolaheenu waa laf-dhabarta dhaqaalaheena

Hargeisa,Somaliland

Hargeisa club to re-open with extended pub and dance hall

$
0
0

Our sources from Hargeisa have reported that the old Hageisa officers club is soon to be re-opened with a pub – spirits and beer sales counters with a dance stage . The club has originally been built by the British during colonial era and was accessible only on membership basis .
It was later changed into military officers club with limited access to the civilians by the socialist military government of Siyad Barre after the 1969 military take over . Lodging areas were also added during the early 1980s after the Somali tourist agency was given the lease to run the club.
After secession from Somalia , Hargeisa club was turned into a hotel and leased to the private agencies by the Somaliland government.
Religious leaders in Somaliland will object to the opening of a dance hall in the country let alone opening a pub. The only dance hall that had existed for months was located at Ming Sing near Hargeisa club but was attacked on several occasions by religious leaders with the help of the local police. The hall was eventually closed by the management of Ming Sing restaurant after continuous harassment and night raids .
Alcohol is prohibited in Somaliland although it is sold by smugglers through out the country in the black market . Most of the black market alcohol comes from Ethiopia while some legally come from Djibouti for NGOs , diplomatic missions and the elites.
Our sources have reported alcohol selling points next to Hargeisa main police station , Darooraha and the Sha’ab area. Police often ignore the illegal dealers with in the capital because of clan protection but clients taking away alcohol from the illegal sales points often get caught and are imprisoned for the minimum of 6 months. Those who can afford get home delivery through mobile taxi services while some travel to the Ethiopian side of Wajaale 40 minutes away from Hargeisa for weekend socialising and beer drinking.
However it may come , it is obvious that opening Hargeisa club with alcohol services is a distant future regardless of the rumour of it’s opening. Alcohol and non Islam religious propagation in Somaliland is currently a crime offence in the country unless new rules are introduced to change that. A case that is currently ongoing at Hargeisa courts against 3 Ethiopians accused of spreading Christianity in Somaliland reflects on how Somaliland will not tolerate any one trying to spread other than Islam in the country . Anything similar could anger the religious leaders throughout the country .

Source Medeshi

Wasiirka A.Debeda S/land oo ka qeyb galay shir Somaliya uga socda Nairobi oo uu gudoominaayey Wasiirka Maaliyada Somaliya!

$
0
0

Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland oo maanta ka qeyb galay shirka dibudhiska iyo Maalgashiga Somaliya ee ka socda Nairobi  oo uu gudoominaayey Wasiirka Maaliyada Somaliya!

Nairobi-(Qaran-news)-Wasiirka arimaha debeda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa maanta si rasmiya uga qeyb galay shirkadinudhiska iyo  Maalgashiga Somaliya oo ka socda magaalada Nairobi oo ay si wadajira u qabanqaabiyeen Rugta Ganacasiga Somaliya iyo Rugta Ganacsiga Kenya ,waxaana sida la sheegay shirka maalgelisay shirkad la yidhaahdo Harvard Africa  oo uu madax ka yahay nin reer Muqdisho ah oo la yidhaahdo Xasan Nuur.

bajaaj

Shirkan ayaa waxaa gudoominaayey Wasiirka Maaliyada iyo Ganacsiga Somaliya Maxamuud Xasan, waxaana madaxdii ka qeyb gashay ka mid ahaa safiirka somaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameeriko,safiirkii hore ee Kenya u fadhi jiray Muqdisho Maxamed Afey iyo wasiirka arimaha debeda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar. Sidoo kale waxaa shirkan goobjoog ka ahaa safiirka maraykanka u fadhiya Kenya,siyaasiyiin,ganacsato,shirkado maalgashi  iyo diblomaasiyiin reer galbeeda.

 

Geesta kale sida ay Qarannews u sheegeen ilo wareedyo rasmiya oo ku sugan magaalada Nairobi ,una dhuun daloola shirka maalgashiga  Somaliya wasiirka arimaha debeda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar keligii iyadaan cid Somaliland ahi  wehelin ayuu ka dhex muuqday shirka marka laga reebo wakiilka Somaliland  u jooga dalka Kiiniya oo isagu aaminsan mabada Somaliweyn horena u ahaa raysal wasaare ku xigeen xukumadii Somaliya ee tan ka horaysay, Sifir ayaa Somaliland ku soo laabtay markii uu Axmed Siilaanyo oo ay isku beel yiihiin uu dalka madaxweyne ka noqday, taasi oo ay dad badni ay ka shakisanayaayeen Sifir ayaa maanta rumowday in uu xidhiidh la leeyahay kooxda Muqdisho ee ku qadhaabata magaca Somaliya.

Sida uu Qarannews u soo tebiyey Ganacsade asal ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ku dhashay dalka Kenya,ganacsi mug weyna ku leh Nairobi hase yeeshee  ka gaabsadey in magaciisa warbaahinta la geliyo waxaa qaar ka mida hayadihii warbaahinta Somaliya ee madasha shirka ku sugnaa weydiiyeen Wasiir Maxamed Cabdulaahi Cumar wuxuu shirkan ka soo doonay maadabay Somaliland qaadacday shirkii London iyo shirarka Somalidu arimaheeda kaga hadlayso,weliba shirkana lagaga hadlaayo dibudhiska iyo maalgashiga somaliya  hase yeeshee wuxuu wasiirka arimaha debeda Somaliland sheegay in shirarka noocan ah xukumadoodu ogoshahay in laga qeybgalo,shirkuna aanu siyaasad ku lug lahayn ee arimo dibudhis, maalgelin iyo ganacsi looga hadlaayo.

Sidoo kale mar wasiirka arimaha debeda Somaliland Maxamed cabdilaahi mar la weydiiyey cida soo casuuntay iyo sababtuu wasiirkii ganacsiga Somaliland u soo kaxaysan waayey wuxuu sheegay in Rugta Ganacsiga Somaliya iyo Rugta Ganacsiga Kenya si wadajira u casuumeen,Dawlada Ingiriiskuna ku dhiirigelisay inay shirkaas ka qeyb galaan taas darteedna Madaxweyne Siilanyo isaga u soo igmaday, martiqaadkaana ajiibeen!.

Xukumada Somaliland ayaa hore u qaadacday shirkii London ee kaalmada loogu ururinaayo Dawlada Somaliya ,shirkaas oo ay wadajir u gudoominayeen ra’iisal wasaaraha UK David Camaroon iyo Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ,Hase yeeshee shirkan dibudhiska iyo Maalgashiga Soomaliya ee maanta wasiirka arimaha debeda Somaliland ka qeyb galay waxaa soo agaasimay rugta ganacsiga Somaliya oo kaashanaysa rugta ganacsiga ee Kenya, waxaana shirka gudoominaayey wasiirka Maaliyada iyo Ganacsiga Somaliya  Maxamuud Xasan.

Sidoo kale waxaa hagaayey shirka wasiirka maaliyada iyo Safiirka Somaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameeriko,halka aanu wasiirka arimaha debeda Somaliland Maxamed cabdilaahi Cummar wax saameyna iyo kaalin muuqata midkoodana ku lahayn shirka inkastoo la arkaayey isagoo ku milmay ama iska dhex fadhiya madasha, islamarkaana dhex fadhiya wasiirka ganacsiga iyo maaliyada Somaliya iyo safiirka somaliya u fadhiya kenya.

 

Sawirkan wuxuu muujinayaa wasiirka arimaha debeda Somaliland Maxamed Cabdilaahi oo dhex fadhiya Madasha shirka lagaga hadlaayo maalgashiga Somaliya oo ka socda Nairobi,kaas oo la filaayo inuu soo gebageboobo Arbacda berito ah.

Isku soo wada duuboo warbaahinta xukumadda Somaliland iyo kuwa taageera ayaa markii uu wasiirka arimaha dibada ee Somaliland uu shirkani uu Kiiniya u tagaayay iyagu shicibka marin habaabinaahyay oo sheegaayay in uu wasiirku uu la soo garanqsan doono qaramada midoobay oo iyagu u guuri doona magaalada Muqdisho taasi oo been ahayd isla markaana shirkani Somaliland lagu sheeganaayo ka qayb qaatay isga oo ka mid ah xukmada taagta daran ee Muqdisho lagu ilaaliyo

Qarannews

 

La jiifiyaana Banaan la joojiyaana Banaan

$
0
0

MaxamedCabdilaahiNayroobi

Waxaa kasoo wareegatay mudo 13 Casho markii dhamaan umada reer Somaliland meelwalba aynu joogno u dabaal degeynay qadiyada gooni isu taaga Somaliland, Waxaa taa dheer wax ay ahayd 7 may markii aynu ka cudurdaaranay ka qeyb galkii shirkii Somali Conference in London, hadaba waxaa u baahan in leys weydiiyo maxaynu ka doonay shirka Maalgashiga Somalia, Yaa mihiimsan shirka Nairobi ee Maalgashiga Somalia iyo kii London ee dib udhiska Somalia, waxaad kaloo ogaataan shirkan Nairobi waxa uu kamid yahay go,aanadii hab shaqeedka lagu gaadhay London.

Waxaa is weydiin leh hadayna nahay  reer Somaliland hadii aynu saxiixnay 8 Points ee London Agreement ee ay ka mid ahayd in ay Somalia ka baxdo dawlad ku meelgaadhka ah, oo aynu taageernay dawlada Somalia , maxaynu u Diidaynaa in ay hawada Somaliland xukumaan ilayn waxaynu ka midahayd dadkii wax ka saxiixay in dawlada ku meelgaadhka laga baxo miyaanay ahayn Contradiction Foreign Policy. Waxaa kaloo is weydiin leh yaa sareeya Protocol ahaan Somalia Ambassador Cali America iyo Wasiirka armaha debeda Somaliland Mudane Maxamed Cabdullahi Cumar . Waxa uu ahaa nin marti ah oo ka hooseeya darajo ahaan xaga shirka Ambassador Cali America.Miyaanay arinkeenu ahayn Lajiifiyaana Banaan la joojiyaana banana.

Tolow maxaa laga rabay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe markii uu salaanta ugu tegey Madaxweyne Xasan Shiekh Maxamed, Waxaase su,aal weyn aynu weydiinaynaa Wasiirka Warfaafinta Mudane Abiib timacade in uu sawirkan ku faraxsan yahay iyo inkale , Waxaan dhawraynaa shirkaagii jaraaid oo kale in aad qabato.

Waxaa mihiim ah  in Sida ugu dhaqsaha badan ay ugu yeedhaan golayaasha qaranka Mudane Maxamed Cabdullahi Cumar, ogow halka uu Cali America uu ka watay Flag Somalia oo uu ku dheganaa jaakadiisa, Mudane Maxamed Cabdullahi ma uu wadan calanka Somalilaland . Sheekadu waxa weeye meeshii sanqadh lacag ka baxdo waa la tegayaa, shacabkana waxa la tubayaa bacadka iyaga oo u dabaaldegaya qadiyadooda. Siyaasada arimaha debeda ee

Maxaa Maxamed u diiday calankiisa , maantana ma safiir buu hoos fadhiistay? Maxaa loo banaan baxayey? Bal adba

debeda Somaliland ma cada horaan u sheegay waase laysa soo gaadhi maalin uun. Sikastaba ha ahaatee golayaasha Somaliland bay u taalaa in ay shaqadooda gutaan iyo inkale. Waxaan ku soo gunaanadayaa intee in leeg baa ganacsigan socon?

Maxamuud Raage

Birmingham


Sawirka Todobaadka: Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland iyo calanka Somaliya

$
0
0

MaxamedCabdilaahiNayroobi

Sawirkani waa wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Dr Maxamed C/lahi Cumar oo aad aragtid in uu ka qayb qaadanaayo shir ay xukumadda Somaliya ku marti qaaday ganacsatada caalmka oo ka dhacay dalka Kiiniya, waxa aad aragtaa isga oo ku sawiran calanka Somaliya oo xaga danbe ka xiga

Waa nasiibdaro in madaxweyne Siilaanyo uu wasiirkiisa arimaha dibada uu qadiyadii Somaliland uu maanta dhulka Jiido oo hoos geeyo xukumada Somaliya oo inha sheeganysa, muwaadin bal is waydii waxii shirkii London loo diiday ee kan Nayroobi loo dhex fadhiista ee waliba calankoodii la isku sawiraayo?.

bajaaj

Meeday maqaamkii sare iyo qadiyadii Somaliland ee uu wasiirku sheegi jiray in la inagu qaabilaayo marka uu shirarka xaaraanta ah uu ina geeyo, ee lagaga soo hor jeedo qadiyada Somaliland?

Xildhibaan toogasho ku dilay Qof shiciba+Mawduuca ugu hadal haynta badan Hargeysa Maanta!

$
0
0

Xildhibaan toogasho ku dilay Qof shiciba+Mawduuca ugu hadal haynta badan Hargeysa Maanta!

Hargeisa-(Qaran-news)-Xildhibaan ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa ayaa xalay saqdii dhexe toogasho ku dilay nin shiciba magaalada Hargeysa gudaheeda.

mus

Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir oo ka tirsan xildhibaanada golaha degaanka Hargeysa,lagana soo doortay Bariga Hargeisa ayaa toogtay marxuum Cabdirashiid Aadan Warsame (Cabdirashiid Dheere)oo ay isku beel ka soo jeedaan,dabadeedna isa soo xidhay sida xogaha Qarannews heshay sheegayaan.

Ilaa hadda lama hayo sababta dhabta ah ee xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir ku keliftay inuu toogto marxuun C/Rashiid hase yeeshee war jiraaba cakaruu iman!.

Isku soo wada duuboo maydkii marxuumka ayaa yaala Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ,sidoo kalena dilkan ayaa noqday mawduuca ugu hadal haynta weyn hargeysa maanta!.

Qarannews

 

 

Ma anigaan wax dhaadayn! By Boobe

$
0
0

Ma anigaan wax dhaadayn!

 

“Miyaan dheelalaysnahay,

Mise waan dhadhabayaa,

Dhammaan guulahaygii,

Riyo iyo ma dholol baa,

Ma dhibaad nin bixiyaa,

Ma runtaan dhacdo ahayn,

Dhagax-tuur ma been baa,

Labadii dharaarood,

Mee ninkii is-dhinac sudhay,

Miyaan daayay dhagartii,

Mise dhiilladaan jirin,

Mise tolow dhalooshaa,

Dhidibkeedu adag yahay?

african union

Maansadii Jiitama, Hadraawi, 1984kii

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Haa………….Waa run. Maalin Isniineed habeennimadeedii ayay ahayd. Bil ammaara bishan idman ee Meey ee aynu ka yeelannay bilihii baas 27dii ayay ahayd. Gurigayga ayaan joogay. Waa caways iyo xilliyadii wararka. Waxaan daawanayay wararkii TV-yada. Saa waa warkii oo kooban. Qodobkii ugu horreeyay ee warkuba waa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Somaliland oo madaarka Berbera ku sugan.

Markii aan daalacday sawirkiisii isaga oo qolkii dhowrsoonaa (VIP) fadhiya ayaan is-illoobay oo hoos isu idhi: “Ha beenaan.” Meel aan joogo, goor aan joogo iyo goobta aan joogayba waan illoobay. Waxaan u qaatay haba iska habsaamo e’ in uu u ambo-baxayo Addis-ababa oo dhacdadii Qarnigu ka socotay maalmahan ugu dambeeyayba – 50-guuradii Midowga Afrika. Warkii oo fidsan ayaa soo galay. Show Wasiirkan I farxad geliyayba wuxu ku socday Nayroobi. Illeyn wadnuhu kuma go’o. Ka dibna wuxu ka sheekeeyay wax aan loo fadhiyin iyo xidhiidhka Somaliland iyo UN-ka ka dhexeeya. Belo ku degtay. Tabtii Hadraawi, ayaan is-lahaa: “Nimankaad is-hayseen, kala hoyatay guushii.”

Caku! Waxaan soo xusuustay maansaadii Deelleeydii ee Cabdi Cali Weyd. Waxaan soo xusuustay tuduc ku jiray oo ahaa:

“Ninkii dabin libaax dhigay,

Daf u tidhi sakaaradu,

Markuu soo dul joogsaday,

Wuxu yidhi umaba daban,”

Alleylehe shacbiga reer Somaliland ayaan u daban saacadahan la joogo ayaa Nayroobi loo baxayaa. Nayroobina maxaa inoo yaal ee laga waayay Addis-ababa. Maxaa inoo soo arkay? Meelaha inoo qaaliban kumaba jirto e’. Waxaan soo xusuustay beri Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo Maxamed Faarax Caydiid, labadoodaba Ilaahay ha u naxariisto e’, la isugu geeyay Nayroobi huteel ku yaal oo Serena huteel la yidhaado. Waa 1994kii. Daniel Arap Moi ayaa labadaba casuumay. Looga-qaateenkii wefdiga ka midka ahaa ayaa iiga sheekeeyay badhtamihii bishii Ogos 2012kii. Labadii odey waa is-mari waayeen. Cigaal wuxu u taagnaa in Somaliland la ictiraafo, Maxamed Faarax Caydiidna wuxu u taagnaa midnimadan madhan ee meelahaa aanay runtu oollin lagaga hadaaqo ee ereyga ‘Muqaddas’ ee dhowrsoon lagula kufo. Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa markii dhowr iyo toban maalmood la is-hor fadhiyay u tegay Daniel Arap Moi oo ku yidhi: “Waanu is-mari weynay ee na soo dhex gal.” Codsigaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, wuxu Daniel Arap Moi kaga jawaabay: “Maxamed Faarax Caydiid ayaanu xuduud wadaagnaa, idinku waad iga fog tihiin.” Sidaas ayaanay sheekada Kismaayo mid dhow oo fudud u ahayn, Nayroobina intaa Daniel Arap Moi sheegay ayay inoo jirtaa.

Hadda dagaalladii sokeeye innagu uma aynaan qixin Kenya oo Danieel Arap Moi waa runtii. Innagu Itoobiya ayaynu u qaxnay, ilaa maantadaa aynu joognana ku xidhan nahay. Waa dalka keliya ee Hargeysa ku leh xafiis diblomaasiyadeed. Waa dalka keliya ee baasaboorkeenna shaabbadaha la dhaca ee aan kala xishoon ee aan kala maagin cidna ugu habran isla markaana sida dawladaha qaarkood warqad la shaabbadeeyay aan baasaboorkeenna dhex gelin, sida Ingiriiska iyo wax la mid ah.

Maalin dhaweyd oo sii qoyanba oo malahayga laba toddobaad ka danbeysay, Ra-iisal Wasaaraha Itoobiya innaga oo aan ka hawl-gelin, wuxu si cad oo badheedh ah u sheegay in u Somaliland difaacayo. Goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo dadkiiba dhabankii iyo gacmihii isku engegeen ayuu Madaxweynaha Somaliland hiilkaa ka mahad-celiyay. Ciyi waa ka beryay ayuu ahaa, waxaana u dhaantay in uu iskaga aammusaba.

Dawladdii hore ee UDUB ee Daahir Ra’yaale Kaahin hoggaaminayay haddii ay fursaddaa 50-guurada heli lahayd guulo la yaab leh ayay ka soo hoyn lahayd. Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal haddii uu noolaan lahaa oo uu fursadahan heli lahaa, cadowga Somaliland sankooda ayuu caano ka lisi lahaa. Labadaa hoggaamiye midkoodna ma taageeri jirin oo la igu xaman maayo. Ereyga xaqa ah se waa la odhanayaa. Maalin dhaweyd qaar yar yar ayaaba qalin-daraaleynayay gabay-dheeg maansadii Qaasin oo laga sheegayay:

“Allow yaa Darwiishkii Cigaal, arrin dareensiiya,

Allow yaa dalluuntiyo qabriga, dib uga soo saara,

Allow yaa Darmaantuu jeclaa, duqa u heenseeya,

Allow yaa duleeddada Togdheer, uga damaashaada,

Allow yaa dadkaagii yidhaa, kuu darsade maanta,”

 

Bal dawladdii Itoobiya ee awalba inoo jajabnayd oo immikana sidaa badheedhka ah u muujisay taageerada ay Somaliland u hayso ayaan cidina dheg jalaq u siin. Durba miyaa illowdeen Wasaaradihii Arrimaha Dibadda ee Cigaal iyo Ra’yaale iyo wacdarihii ay shirarkaa ka geysan jireen. Maxaa maanta dhacay? Maxaa cusub? Ee aan ahayn in ay dawladahaa hore tageen oo ay timid mid cusub oo baadi-soocdeeda la garan la’ yahay.

Su’aalaha la is-weydiinayaa waa ay badan yihiin. Maxay dawladihii hore ugu suuro-gashay in ay galangal la yaab leh ku yeeshaan shirarka goboleed iyo kuwa qaaradeedba, ee xukuumaddeennan maanta jirta fadhiidka ka dhigay! Xukuumaddeennu si ay uga qayb-gasho 50-guurada Midowga Afrika oo Addis-ababa ka dhacayay kor iyo hoosba waa loogu sheegay, bal se dan kama ay gelin.

Shirarka adduunaydu ka qayb-gal aad madasha rasmiga ah fadhiisato oo keliya ma aha. Adiga oo aan madasha si rasmiya u fadhiisan ayaad luuqyada (corridors) ka adeegan kartaa, oo aad qaddiyaddaada iyo ujeeddooyinkaaga oo qoran ku qaybin kartaa. Saxaafad iyo ergooyinba waad la kulmi kartaa. Haddii aad fursaddaa weydo, hudheellada magaalada ee wufuuddu ku degtay ayaad kireysan kartaa oo aad fadhiyada kula kulmi kartaa. Shirarka lagama qayb-galo oo keliya ee waa la kulaalaa, waa la dugsadaa, waa laga ag dhawaadaa, waa la quudaa, waa la hungureeyaa, waa la uumiyaa. Soomaalidu waxay tidhaahdaa: “Qudhaanjana qoodho qaniintay.” Joogitaanka aad magaalada shirka joogto ayaa cadwgaaga iyo inta aan ku rabinba culays ku ah. Wargeysyada dalkaa ka soo baxaya oo aad aroortii ka muuqato ayaa wajigooda gubaysa oo xaajadooda oo dhan kala daadinaysa. Ilaahay ha inoo sahlo e’ innagu waxaynu doonayno iyo waxaynu diidayno la garan maayo. Saaxiibbadeen iyo dunidii ina taqaannay ee ina taageeraysayba, dhabankii iyo gacantii ayaa isku engegay.

Wufuuddeennu waa laba mid, aan wax ka dhexeeyaa jirin. Wasiir keligii shandad la ordaya oo isagu keligii wax walba isu ah, wax walbana keligii yaqaanna oo aan Ilaahay mooyaan e’ cid kale wax la ogeyn. Haddii uu wefdigeennu sukahaa ama kelidaa noqon waayo waa habqan is-daba yaac ah oo meel qaaddaba la waayo. Habaqlihii Koonfurta Soodaan, habaqlihii London iyo habaqlayaal badan oo kale. Labadaa miyaan wax ka dhexeyn karaa jiri karin. Waa su’aalaha ugu badan ee la is-weydiiyo.

Bal dabbaal-degyadii 22-guuradii Meey u fiirsada. Intaas oo wefdi ayay xukuumaddeennu dibadaha u dirtay oo xoolo maraakiib gooya sii qaatay. Intaas oo wufuud ah oo kale ayay dibadaha ka keentay oo xoolo baabuur gooyaa ku baxeen. Annagu yaabnaye, xukuumaddeennu taajirsanaa. Qabyadeennu badanaa, hanti-hurkeennuna macno-daranaa oo qiimo-la’aa. Wufuudda xukuumaddana wax laga jecel oo wixii lagu sii siiyo ama lagu soo siiyo ‘Risiidh’ lagaa weydiin maayo. Halkan marka aad ka tegayso khasnadaha xukuumadda ayaad sii faaruqinaysaa, markaad dibadaha tagtana daasadda qarafada ayaad la dhex meeraysanaysaa duluglaha halkaa ku nool oo bakhtiguba xalaal u yahay. Waa boob iyo dawarsi laba eef ah. Waxa dhegehaaga ka badanaysa wefdigii hebel ayaa lacag loo gurayaa. Mid hudheel ku degaa waa habeenkii xalay ahaa ee tegay. Mid waliba mid reerkooda ah ayuu furaash la dhigtaa. Haybadda, milgaha iyo karaamada qarannimo macno caynkaas ah uma samayso. Waxyaabaha la sheegayo waxa ka mid ah xataa haddii aad kharashka qaadato oo aad dhoofi weydo amaba soo dhoofi weydo cidina wax ku weydiin meyso. Subxaan! Hindida London ayuun baan ka maqli jiray ‘Free Money.’ Dab liqaanu idin nidhi.

Haddana waa kan Wasiirkeennii Arrimaha Dibaddu halkii uu Addis-abab ka tegi lahaa,  ka hillaacay magaalada Nayroobi. Oo tolow maxaa halkaa ka jira? Haddii aad dhex-qaaddo mareegaha ku caan-baxay tebinta wararka, maanta oo ay taariikhdu tahay 28/5/2013ka, hal dhacdo oo keliya ayaa ka aawan Nayroobi, taas oo ah: Shirka Maal-gelinta Somalia.

Bal hadda aan ku yar hakanno shirkan:

  • Madasha: ‘Kenyatta International Conference Centre’ oo Nayroobi ku yaal,
  • Maalmaha: 28ka – 29ka Meey, 2013ka,
  • Magaca: ‘The Somali Reconstruction and Investment Conference and Exhibition,
  • Wuxu noqon doonaa shirkii ugu horreeyay ee ay Qaybta Gaarka ah (private sector) ee dhaqaaluhu qabanqaabiso oo lagu maal-gelinayo Somalia,
  • Waxa abaabulka shirkan ku jira Wasaaradda ganacsiga iyo Somalia,

Maanta, Guugguulihii Geeska Afrika ayaa arrintan dadka u dacal-saaray. Is-weydiintu se waxay tahay: Waa maxay danta Nayroobi maanta laga helay ee laga waayay Addis-ababa oo 70 Madaxweyne wax ku dhawi 50-guurada u yimaaddeen?

Waa ayaan-darro. Wararkii cawayska ee caawa waxa lagu sheegay in Wasiirkeennii Arrimaha Dibaddu uu ka qayb-galay shirkaas aynaan shuqulka ku lahayn ee Somaliya loo qabtay. Waxa ayaan-darro kale ah in uu keligii dhex fadhiyay boqollaal qof oo xilal ka haya Somalia. Waxa ka sii darnayd in uu weliba shir-jaraa’id qabtay. Maxaa kallifay. Weligay indh-adayg intaa le’eg. Ma maqli jirteen: “Maba dhalan ee dhowrtaysan ogaa.”

Tan aynu manta arkaynno:

“Dib baa looga sheekayn,

Ka-daraa u-magac-bixin,”

 

Dhammaad

Dhammaad

Qaabka Deegamaynta Berbera Oo Noqday Mid Casri Ah, Guulwade Cali Xoor Xoor Oo Gacantiisa Ku Bireeyay Saaxil+Dhalintii Oo Tahriib Miiciinsatay.

$
0
0

Qaabka Deegamaynta Berbera Oo Noqday Mid Casri Ah, Guulwade Cali Xoor Xoor Oo Gacantiisa Ku Bireeyay Saaxil+Dhalintii Oo Tahriib Miiciinsatay.

 

Waxaan indhaha laga qarsan kariin dhawaaqa shacaabka berbera  oo marayaa meel aan laga amuusi kariin isla markaana waxaa qofkaasta waajib ku ah in waixii taagtiisa ah haday tahay adiin iyo haday tahay qoraalba.waxaa la guudboon in uu fikirkiisa ka soo dhiibto,

Isla markaana aan lo dul-qadankariin qaabkan ay wax uu socdaan,waxaa jirta qorshe ay sheegaty xukuumada tahriibta lagaga tashado balse kamay feekerin intaanay ku baaqin shirka waxaa sababay tahriibta .ma qabyaaladba ma cadaalad-dara ma musuq-masuq shaqaa;

 

Waxaa kale oo ay xukuumadan siilaanyo ku caan baxday shay ka daran musuq-masuqa  oo la yiidha cadaalad-daro iyo qabyaalad,kuso aan ku koobnayn deegaan kali ah balse ay ku jiihay-san tahay qorshayaal dhabar jabku ah dalka oo dhan,waxaa ka mid ah deegaamaynta berbera oo maraysa meel adag isla markaana  waxaay maraysa in boosaskii kuuliga ahaa ee dekedda Berbera la ibiiyo dadkasoo jeeda juufada siilaanyo,  waxaana fuudaydiiya dadka kasoo jeeda deegaanka balse xilka ay hayaan awgii ay ugala way tahay daanta dadka uu meteelo,

Waxaana wayaadan xadka goo”stay isla markaana waxaay

badi dhalinyaradii reer berbera ayaa waxa maalin kasta laga soo sheegaa iyaga oo qaar loogu xidh xidhay dalka libya, qaarna ay ku madheen bad weynta u dhexaysa libya iyo atlyaaniga, tahtiibta dhalinyarada reer berbera ayaa waxay la kowsatay mudadii uu xilka qaranka uu la wareegay madaxweyne siilaanyo, iyada oo dhalinyarada reer berbera aan haba yaraatee wax dheef ah laga siin saabigii ay ku lahayeen xukuumada hadii ay noqon lahayd in xilalka qaranka loo magacaabo ama dhinaca shaqada wax laga siiyo, iayda intaasiba aysan jirin ayaa hadana intii joogtay shaqooyinka waaxaha dawlada laga eryay iyada oo aan ilaa hada aan la garanayn cadaawada dhabta ah ee ay xukuumada uu siilaanyo hogaamiyaa u qabto dhalinyarada reer berbera, akhriste waxaan aan ku sheegayaa waa dhab oo hadii aad is tidhaa xukuumadan siilaanyo ka dhex baadhan tirada dhalinyarada reer berbera ama reer saaxil ee kaag jirta xukuumada waa wax aad u tiro yar ama kow iyo laba la odhan karo, hadii aad akhriste aad is tidhaa oo maareyihii dekeda ayay leeyihii sow ma ogid in maareeyaha dekedu uu shaqaale daacad ah u yahay siilaanyo oo uu adeega niman uu ka mid yahay

cali gadh-dheer, oo ka mid ah

Danbeeya Xukuumada Uu Gadhwadeenka Ka Yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) . Qorshahaas Oo Lagu Soo Dajiyay (SHIRKII GAR-ADAG) Ee Beesha Madaxwayne Siilaanyo U Qabsoomay Waaggii Cahdigii Xukuumadii UDUB Ee Uu Madax-wayne Rayaale Ka Madaxda Ahaa, Shirkaas Oo Beeshu isku tustay haddii ay madaxtinimada dalka ku guulaystaan , in ay ka faaiidaystaan kursiga

Gabo gabadii waxaan kusoo guunaanadin

Tiix ay beryahayn tiirinayeen kooxda xamaalinta ah ee geelayaasha lo yaqaan

Berbera dhiishaha

Hargeisa dhuuraha

Burcana dhaafahaa

Yiirobe dhiisahaa

halkii dhaadhan lehba

ninkiisa dhigtaha

qaabyaaliga dhbta ah allow dhoowr. Qallinki C/casiis Bashiir Nuur

info@xogreebnews.com

tel 0634144434

Hargeysa /Somaliland,

Axmed Mire: Taariikhda 25 guuradii Duulaankii Burco lagu galay

$
0
0

AhmedMire
25 sanadood ka hor ayay ahayd markii ay Mujaahidiintii SNM haleeleen Guushii ugu horeysay ee dib u xoraynta wadanka, ka dib markii Xoogagii ururku 27 Bishan May ee sanadkii 1988 o ku beegnayd doraad ayaa weerar Naf hurid ah oo ay ka soo qaadeen meel la yidhaahdo Bali Samatar Axmed ku soo galeen Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo ahayd Al-baabkii furashada wadanka iyo Magaaladii ugu horaysay ee SNM gacanta ku dhigto.

Mujaahidiintii Ururka SNM ee Maalintaasi galay Magaalada Burco oo isugu jiray Rag iyo Haween, ahaana Guutadii la baxday Madiina oo uu hogaaminayay Mujaahid Axmed Mirre Maxamed oo ka mid ahaa Saraakiishii Ururka SNM, ayaa lagu tilmaamay inay guushoodu horseeday xorayntii dalka, iyadoo ilaa 31 Bishaa May ee Isla sanadkaasi Dhaqdhaqaaqii SNM qabsadeen Magaalooyinka Hargeysa, Caddaadley iyo Deegaamo kale oo ku yaala Xeebta iyo Buuraha Sheekh.
Muj. Axmed Mirre oo Hogaaminayay Faracii SNM ee Burco galay, ayaa ka waramay Taariikhda ay Maalintaasi leedahay iyo qaabkii ay ugu suurto gashay qabsashada Magaalada Muhiimka ah, waxaanu tilmaamay inay dharaartaasi muddo yar uun ka dambeysay markii laga bedelay Taliyaha Taliskii Ciidankii SNM, ka dibna laga dhigay Taliyaha qeybta Madiina oo deegaamaada Bariga ka soo gashay wadanka
“1986-kii ilaa 1988-kii ayaan ahaa Taliyaha ciidanka SNM, dabadeed waa layga Bedelay, waxaana lay dhiibay Guutadii Madina ee Bariga, halka Muj Ibraahim Dhego-wayne laga dhigay Taliyihii Faraca Maka ee Galbeedka, waxaanay ahayd xiligaasi wakhtigii noogu qorsheyaasha badnaa oo annagoo joogna Meel xuduudka ah ayay Labadii Dawladood ee Somaliya iyo Itoobiya noo Heshiiyeen, dabadeed waxaanu samaysanay toban qorshe oo midba mid ka duwanyahay oo aanu isnidhi hadii midi idinka kadibo kanbaa idin anfacaya”ayuu yidhi oo ka hadlayay xaflad jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriisku ku qabteen magaaladda London.
Muj. Mirre ayaa intaasi ka dib gudo galay, sidii ay ku suurto gashay qabsashadii Magaalada Burco waxaanu yidhi “26 May, Lixdii Maqribnimo ayaa Ciidankii SNM ee soo galay Magaalada Burco aan ku tujiyay Baliga Samatar Axmed, Ciidankaa waxa ku jiray Kooxo Dumar oo halganka ka qayb-qaatay, kuwaasoo intaan ku idhi Meeshaa raga tegayaa maaha rag soo noqonayee iska jooga igu qanciyay inaanay ka hadhayn Ciidanka, markii aanu halkaa Salaadii maqrib ku tukunay Ciidanka waxaan ku idhi Shidaalka aynu haysanaa Burco wuu ina Gaadhsiinayaa, laakiinse Inaga soo celin maayo, Hubka aynu haysanaa raaca hore hadaynu kula dagaalano Raaca dambe inaga Difaaci maayo, Shidaal, Hub iyo Gobanimoba waxay yaalaan wadankeenii oo aynu xorayno”ayuu sheegay.
isagoo ka sii waramaya Taariikhdaa wuxuu yidhi “dabadeed sidiibaanu ku soo dhaqaaqnay, gidi habeenkii waanu soo soconay, salaadii hore ayaanu Koonfur ka soo galnay Magaalada Burco, waxaanan ku soo hagaagnay oo aanu soo galnay meeshii taliska Milaterigu ku faani jiray ee Barta, dabadeed Ciidamadiisii ayaa arkay dadkan iska soconaya ee aan joogsanayn, dabadeed way yaabeen oo waxay moodeen in laga dambeeyo oo Magaaladiiba laga qabsaday, waxay nagu soo rideen Baasuukayaal , annaguna waxaan ku idhi ha u Jawaabine ee iska daaya oo socda, markaanu ka joogsan waynay ayay dabadeed dib u yaaceen oo Magaaladii soo galeen, halkaasaa markaanu soo galnay Magaalada Dagaalku ka bilaamay, ilaa galabtiibaanu socday.
“Dagaalkaa runtii Mujaahidiin badanbaa ku dhintay, Haweenkii nala socday maalintaa badankoodu way ka badbaadeen oo way noolyihiin Maanta, waxay ahayd maalintii Nabarkaa wayn ee Madaxa igaga yaalaa igu dhacay, nabarkaasi markuu igu dhacay runtii waan nafisay oo Hurgumadii Madaxa iga buuxday ayaa iga timi, waayo Maanu seexan toban habeen Daal iyo rafaad ayaa jidhku nala dubaaxinayay, dabadeed markaan dhaawacmay ee dhiigu iga yimi Jidhkiibaaba i kala fur-furmay oo waan nafisay, wax culays ahna maan dareemayn”.
Axmed Mirre isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay “Adigu Dagaalkii maalintii markaanu galnay gudaha magaalada Taliskii ka bilaabay Maxkamado, oo saraakiil badan la xidh-xidhay ee ay maxkamado galeen, waxaanu go’aansanay inaanaan Magaalada ka bixin inta cad-ceedu soo jeedo, dabadeed markii ay cad-ceedu dhacday ayaanu ka baxnay Gudaha Magaalada, annigoo dhaawac ah ayaa dabadeed ciidankii aan ku soo tegay intaan saraakiishii oo dhan la sii dar-daarmay, waana lay soo qaaday aniga.
“Runtii Ciidankii aan watay ee Madiina way tashadeen Talis cusub ayay samaysteen oo ay ka dhigteen Ninkii ugu da’da weynaa, ugu waayo aragsanaa, kaasoo ahaa Muj xamdule, markaa hawl-galkaasi sidaasi dhacay Burco aanu ku qabsanay, maalintii xigtayna Mujaahid Maxamed Cali iyo Ciidankiisii ayaa galay Ceel-gedis, oo Xuseen Dheere ayaa qabsaday cadaadle, ilaa 31 May-na wuxuunbaa lagu jiray Guul iyo xorayntii Magaalooyinka dalka oo Burco ka soo bilaamay shantii maalmood ee kalena wuxuunbaa SNM qabsanaysay Magaalooyin kale gudaha ah”ayuu yidhi.
Muj, Axmed Mirre oo ka waramayay sooyaalkii Maamul iyo Marxaladihii kala duwanaa ee ay SNM u soo martay Guushii dalka lagu xoreeyay, wuxuu sheegay in Madaxdii Ururka u kala dambeysay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ilaa Cabdiraxmaan Cali Faarax mid walba heer soo gaadhsiiyay Yoolkii Ururka iyo dib u xoraynta Wadanka, isagoo si guud iyo si gaar ahba u amaanay mujaahidiintii Ururkaasi ee Qoriga siday iyo kuwii qorshaha ururka dejinayay.

TVSLE

Wasaarada Daakhiliga Iyo Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Isku Khilaafsan Qaadashada Taysarada

$
0
0

Hargeysa(Qaran news)- Wasiirka arimaha gudaha Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur ), ayaa meesha ka saaray in ardayda fasalda afaraad ee dugsiga sare iyo jaamacadaha lagu qasbi doono taysarooyinka dawlada hoose, waxaanu sheegay inay bilaabi doonaan hawlgal muwaadiniinta qoonsiyadooda lagu siinaayo ayna wakhti qaadan doonto cidna inta ka horaysa qaadashadiisa aan lagu qasbi karin.

Halka maayar ku xigeenka dawlada hoose e Hargeysa hana ku simaha maayarka Md.Cabdicasiis Maxamed Xaashi, uu ka sheegay inay sameeyeen taysarooyinkii isla markaasna ay ku xidhnaan doonaan imtaxaanada fasalka afaraad iyo jaamacadaha oo uu codsi u jeediyay.

Ugu horayntii maayar ku xigeenka oo taysaradaas ka hadlayaa waxa uu yidhi “ Maadaama oo aanu ku jirno dakhi ururin iyo olole cashuureed waxaanu soo saarnay wareegtooyin faro badan, waxaanu ka dawlad hoose ahaan soo saarnay taysaradii, waxa jira waxyaabo badan oo ku xidhan oo imtaxaanka ardayda galaaska afaraad ah la’aantii ma fadhiistaan,jaamacadaha dawlada iyo kuwa gaarka loo mleeyahayba waxaanu ka codsanaynaa iyagana inay kaadhka dhalashada ardayda ku xidhaan,waxa dhici doonta hudheelada la seexdo in aanu qofku hudheel kaliyaata seexan hadaanu qofku kaadhka dhalashada sidan ha noqdo mid Hargeysa ah hanoqdo mid Berbera ah,Burco ama gobalada kaliba, waxaanu ka codsanaynaa qolyaha hudheelada in wakhtigaas aanu shaacinay ay sameeyaan.”

Intaas ka dib wasiirka arimaha gudaha Duur oo laanta afka Somaliga ee BBC-du ay waydiisay arinkaas ayaa meeesha ka saaray “Marshuuca aan wadanaa waa diiwaangalintii in dadka oo dhan ay wad haystaan aqoonsigii taasina wakhti dheer ayay qaadnaysaa wax maanta arday imtaxaan galaysa lagu xidhaayana maaha, hawlgal balaadhan oo dhawr sanadood qaadna kara weeye ka ay wasaaradu wado, kan kale ee dawlada hoose aqoonsiga ay baxinaysana waxaan filayaa in qofkii rabaa uu qaadna karo, kan kale ee arday waxbaa lagu xidhaynaa ma jirto.”

Geeska

Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo Irbadbuu ku dayaa qormadii 12′aad

$
0
0

Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo Irbadbuu ku dayaa ,Siilaanyo-na Deegaamaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda.
Qormadii 12′aad:

Durduro geelbaa ku jabay damaacina waa xun yahay dantuna waa lama huraan.
Saaxiibayaal waxaynu wada og nahay deegaameynta aan qorsoodiga ahayn ee la kowsatay xukuumada madaxweyne siilaanyo ee ku baahsan gobolada bariga iyo badhtamaha somaliland oo uu qaarkeed uu dhiig ku daatay sidii deegamayntii kalshaale oo kale .
Hadaba akhriste hadii mashruuca deegaamaynta aynu meel ku yara tiirino waxaynu maanta is bar bar dhigaynaa maxamed siyaad barre markii uu safarada dalalka dibeda u bixi jiray wasiiradii uu kaxaysan jiray kuwa ay ahaayeen iyo siilaanyo marka uu safar dibadeed u baxayo wasiirada uu kaxaystaa kuwa ay yihiin , maxamed siyaad barre mudadii uu hayay xukunka xukuumadii milateriga ahayd ma kaxaysan jirin wasiirada mareexaanka kaga jira xukuumadiisa halka madaxweyne siilaanyona hadii aynu soo qaadno safarkii ugu danbeeyey ee uu ku tegay dalka maraynkanka wuxuu kaxaystay laba wasiir oo qoyskiisa ka soo jeeda oo kala ah wasiirada madaxtooyada iyo macdanta iyo biyaha waxaanu shir u qabtay siilaanyo jaaliyada somaliland ee dalka maraykanka.
Hadaba markii shirkaasi la isugu yimid waxaa dadkii soo hor fadhiistay siilaanyo oo madaxweyne ah iyo laba wasiir oo qoyskiisa ka soo jeeda oo hadana dawlad ah cajaa’ib !!! , waxaa hore loo yidhi waxaa hore loo yidhi biyo sare tegay waa la sugayay fadeexadii halkaa ka dhacdayna waxay ahayd mid aynu wada ogeyn maxamed siyaad barre wuxuu ahaa kaligii taliye hadana marka uu safar dibedadeed u baxayo iska dhaaf wasiirada mareexaanka kaga jira xukuumadiisa eh waxaa koobnaan jiraywasiirada kaga jira beelaha kale ee daarood ee uu isaguna ka soo jeedo hadaba su’aasha maanta taagani waxay tahay siilaanyo hadii loo doortay in uu noqdo madaxweyanhaa somaliland maanta wuxuu taagan yahay odey beeleed oo qoyskiisa oo kaliya madaxweyne u ah kadibna waxaan xasuustay qisadan soo socota.
Allla u naxariistee Aw Muuse Jaamac Cali wuxuu ahaan jiray odey reer burco ah waxaanu hawdka magaalada burco ku dhashay sanadkii 1895-kii labo sano kadib markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee dunida oo ahayn 1920-kii ayuu u dhoofay ama u tacabiray dalka ingiriiska magaalada London isaga oo ka shaqeeyey maraakiibta ,iyada oo ay markaa ay da’diisu tahay 25 jir dhaqan yaqaan ahaa diinta islaamkaan wax abdan ka yaqaanay soomaliduna xiligaasi wey ku yarayd dalka ingiriiska sidaa darteed Aw Muuse Jaamac Cali Waxaa loo doortay in uu noqdo odeyga soomaalida ee dalka ingiriiska oo dhan mudo kooban markii uu xilkasi hayay soomaaliduna ay ku soo abdatay ingiriiska waxaa dhacday in beelihii soomaalidu sida daaroodka,Hawiyaha ,Sheekhaashta ,SAMAROONTA Iyo beelihii soomaalida oo dhan marka laga reebo beesha isaaq oo kaliya ay beel waliba ay samaysatay odey hawlahooda fuliya oo ay kaga kaaftoomaan xilkii uu Aw Muuse U Hayay markii hore .
Hadaba markii uu Aw Muuse Mudo kooban ahaa odeyga isaaq ee dalka ibgiriiska dadkiina ay soo bateen beel waliba waxay samaysatay odey u gaar ah oo hawlahooda fuliya marka laga reebo beesha Garxajis oo kaliya halkaa iskumay taagine mudo yar kaDIB Aw Muuse wuxuu ku soo dhacay in uu noqday odey habar yoonis ah , halkaa isumay taagine Aw Muuse Wuxuu hadana ku soo dhacay odey ismaaciil caro ah xilka ama darajadii saarnmayd Aw Muuse marba hoosbay u sii socotay oo waxaa ka go’ayay bulshadii uu odeyga u ahaa manay ahayn karti daro isaga ka timi iyo qabyaalad uu isticmaalay sida siilaanyo oo kale waxaanu Aw Muuse Ku soo dhacay in uu noqday Odey Cabdalle Ismaaciil ah ,xilkii saarnaa Aw Muuse wuxuu hoos u sii socdaba wuxuu ku soo dhacay odey xirsi cismaan ah , mudo yar kadibna wuxuu hoos ugu soo dhacay odeyga reer caynaanshe ee dalka ingiriiska ,hadaba rag talo kama dhamaatee sanadkii 1992-kii markii Aw Muuse is arkay in markii hore loo doortay odey soomaaliyeed maantana uu taagan yahay odey reer xirsi caynaasha ah wuxuu go’aansatay in uu iskaga tago dalka ingiriiska oo inta nolashiisa ka hadhay uu ku qaato magaalada burco ee uu dhalasho ahaan ka soo jaaday si isku arkin isaga oo cidlo taagan ee uu halkaa ku xakameeyo taytalkisii hoos u socaday kuna geeriyooda isaga oo ah odey reer xirsi caynaanshe ah waxaana Allaha u naxariistee Aw muuse Jaamac Cali uu kiu geeriyooday laguna aasay magaalada burco sanadkii 1993-kii iyada oo ay markaa ay da’diisu tahay 98 sanno .
Hadaba saaxiibayaal hadii aynu miisaan saarno siilaanyo markii la doortay waxaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha somaliland oo uu qarankana si sinaan ah iyo cadaalad ah u hogaamiyo wuxuu se ka doorbiday fursda uu maanta haysto uga faa’iideeyo beeshiisa oo wax kale iska daaye aan loo sinaanin wufuuda u raacaysa siilaanyo safarada dibada iyo marka lala hadlaayo ama heshiis lala galaayo dal kale oo uu siyaad barre ka xishoon jiray in waftigaa ku daro wasiirada mareexaan siilanyana uu maanta taagan yahay hadii wada hadalka somaliya aanay ku jirin wasiirada beeshaydu qalinka la igu xadayaa waana sababta uu xirsi u noqday xabadii turubka ahayd ee la odhan jirey meel walba gale ee ciyaar walba raaci jirtay ,waxaana muuqata in siilaanyo uu maanta yahay odey qoys ee aanu ahayn madaxweyne qaran madaxtooyadii umadani wada lahaydna ay noqotay guri ay beeli leedahay oo marka siilaanyo iyo saleebaan gaal madaxtooyada isu yimaadaan isma weydiiyaan waxay umada somaliland dani ugu jirto waxay se is weydiiyaan kuna go’aan qaataan waxay beehooda dani ugu jirto.
Hadaba isku soo wada duuduuboo Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayao Irbadbuu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegeemaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda:

Hadaba saaxiibayaal waxaan idinku dhaafayaa mid ka mid ah heesihii ku jiray riwaayadii shabeel naagood ee uu curiyey Abwaankii Xasan Sheekh Muumin codkoodana ay ku wada qaadaan Abdi Muxumed Aamiin iyo Hibo Maxamed( Hibo Nuura) oo khusaynaysa mwduucan aynu ka hadlayno iyo tayo la aanta xukuumada siilaanyo.

DAB DHAXMOODAY!!!

Doc kastoo la eego

Nolosha dunidu waa dabkee

Haddu dabkii dhaxmoodo

Maxaa lagu diiriyaa?

Waa tilmaan la daahoo

Degdeg kuma haboonee!

Adoo deggan u fiirsoo

Ujeedada ideeqsii.

Ruux haddii la doortoo

Darajada la saariyo

Xilkii daryeeli waayo

Dab dhaxmooday weeyee

Waa su aal da weynoo

Madaxa daalinaysee!

Wixii lagu diirinaayo

Dad weynahaa la weydiin

DUR DUR OOMAY !!!

Durdurkaa laga cabbaa

Biyihiis lagu dabaashaa

Hadduu harraad dareem

Darkee laga waraabshaa?

Waa tilmaan la daahoo

Deg deg kuma haboonee

Adoo degan ufiirsoo

Ujeedada ideeqsii!

Ruuxa duunyo haystee

Dahabkana barkanayee

Wixiisii deeqi waayaa

Durdur oomay weeyee

Waa su aal da weynoo

Madaxa daalinaysee!

Darkii laga waraabin

Dadweynahaa la weydiin.

DAWO BUKOOTAY !!!

Qofkii cudur dilaayo

Dawadaa bogsiisee

Haday dawo bukooto

Maxaa lagu dabiibaa?

Waa tilmaan la daahoo

Degdeg kuma haboonee

Adoo degan ufiirsoo

Ujeedada ideeqsii.

Dalaalimada diintiyo

Distoorka iyo xeerka

Haddii dabool lasaaro

Dawo bukootay weeyee

Waa su aal da weynoo

Madaxa daalinaysee

Wixii lagu dabiibi

Dadweynahaa la weydiin

DUFAN BASAASAY !!!

Subaga dufankiisa

Dadku ku dhaashadaane

Hadduu dufan basaaso

Maxaa duxdii ka qaaday

Waa tilmaan la daahoo

Deg deg kuma haboonee

Adoo deggan ufiirsoo

ujeeddada i deeqsi

Isku soo wada duuboo

La Soco Taxanaha qormooyinka danbe.

Qalinka:C/risaaq Suudi Nuur

tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland


Maxaad kala socotaa shaabuuga cusub ee Beesha Ciidagale

$
0
0

Maxaad kala socotaa shaabuuga cusub ee Beesha Ciidagale

 

Waxaan akhristayaasha sharaf leh la wadaagi lahaa arin ku cusub dhaqanka iyo milgaha reer Somaliland oo ah  cunsurinimada uu wasiirka wasaarada hawlaha guud Mr xaabsade kula kacay beesha karaamada leh ee daauud ismacil garxajis       ( ciidagale wayne ).

Wasiirkan oo noqday shaabuuga kaliya ee beesha lagu garaaco marka dadka xumaantooda ka shaqeeya ay rabaan inay hor istaageen horumarka Beeshaasi.

Mudo badan dhaliyarada,cuqaasha,salaadiinta iyo wax garadka kale ee beeshu waxay indhaha ka qarsanayeen gefafka wasiirkan iyaga oo xeerinaaya dhaqankii iyo xidhiidhkii wacnaa ee ka dhexeeyay beesha daauud ismacil iyo dhul bahante ee uu bilaabay ha alla ha u naxariistee Suldaan Cabdilahi iyo Jaambiir Kaahin.

Waxa hadaba cadaatay in wasiirkaasi aanu waxba xeerinayn isaga oo si badheeedh ah weerar gardaro ugu soo qaaday beeshan iyo degaankeeeda.

Khaladaadka Wasiir xaabsade ka galay beesha Ciidagale wayne waxa ka mid ah

1: markii uu ahaa wasiirka warfaafinta inuu eryay oo uu ka takhalusay shaqaalihii

 

Ugu cadcadaa wasaarada ee ka soo jeeday beeshan isaga oo lagu adeeganayo

 

indhahana Ka qarsanaya shaqaalaha isku wada beesha ah ee wasaaraadaasi .

 

2: Waa wasiirki koowaad ee yidhaahda booska maareeyaha korontada waa loo

 

Tartamayaa iyada oo dhaqankaasi uu ahaa mid ku cusub Somaliland.

 

3: tartankii loo galay booskaasi waxa ilaahay cadaaladiisa darteed ku soo baxay

 

Mar labaad wiil dhalinyaro ah oo beesha ka tirsan kaasi oo labadii imtixaanba \

 

Ugu sareeyay ,halkii ay ahayd in loo hibeeyana lagu yidhi ku xigeen qaado nin

Kale oo beesha madaxweynaha ahna laga keenay qurbaha

 

4: Ugu dambayn shalayto ayuu si badheedh ah isu hortaagay mashruuc dhul dan

 

Guud ah guryo looga dhisi lahaa barakacaayasha maxamed mooge, isaga oo laga

 

Dhex hadlayo halka laga soo diray ee horumarka degaankan laga diidan yahayna

 

cid walba ay si fiican u garanayso.

 

Hadaba dhamaan beesha ciidagale wayne waxaan kula talin lahaa inay dhamaaatay wakhtigii xishoodku,wasiir xaabsadena aanu ahayn wasiir wax xeerinaya oo wax reebaya,waxaan idinkula talin lahaa inay gaadhay wakhtigii aynu meel uga soo wada jeedsan lahayn wasiirkan jihaysan.

faarax cigaal jama

(falaadh333@gmail.com)

Sheeko Kale Keen: Kaatunkii Boqorka Prof. Cabdisalaam Yaasiin

$
0
0

 

 

 

Sheeko Kale Keen: Kaatunkii Boqorka

Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Boqor baa inankiisii  kaatun uu lahaa siiyay. Kaatunkii ayaa inankii ka lumay. Isaga oo ka xun kaatunkii aabihii lahaa ee uu siiyay, oo sidii uu heli lahaa ka fekeraya, ayaa wuxu la kulmay lataliyihii boqorka.

“Werer iyo murugo ayaa ka muuqata; ee maxaa ku helay amiir?” Ayuu lataliyihi weydiiyay ina boqor.

“Kaatun uu boqorku leeyahay ayuu i siiyay. Kaatunkii ayaa iga lumay. Waxan ka xumahay kaatunkaa aan dayacay; waxanaan ka fekerayay sidii aan u heli lahaa.” Ayuu u celiyay amiirki.

“Ha wererin amiir,” ayuu yidhi lataliyii, “insha Allah weynu helaynaa kaatunkii. Meel fogna ma jiree golahan boqortooyada ayaa lagu hayaa.”

Amiirkii oo faraxsn ayaa yidhi, “Ma golahan boqortooyadaa lagu hayaa!?”

Lataliyihii oo ay ag joogaan madaxdii boqortooyadu; hadalka lataliyaha iyo amiirkana ay maqlayaan, ayaa u celiyay, “Haa. Ninka kaatunkii boqorka hayaa golahan ayuu joogaa. Waxanaad ku garan doontaa ninkaasi gadhkiisa saxar baa saran.”

Markuu amiirki eegay madaxdii golaha joogtay, ayaa ninkii kaatunka hayay gadhkiisii gacanta ku masaxay. Amiirki intuu ninkii is hor taagay ayuu yidhi, “Ninkan ha la baadho.”

Ninkii baa la baadhay oo laga soo saaray kaatunkii boqorka.

Amiirki in uu ninkii kaatunka boqorka helay ee qarsaday ciqaabo waxa ilawsiiyay in uu ogaado siduu lataliyihu ku gartay ninkan kaatunka qarsanayay. Wuxu lataliyihii ku yidhi, “Waxad ii sheegtaa sida aad ku garatay ninka kaatunka qarsaday.”

“Qofka dembi falaa,” ayuu yidhi lataliyi, “haddii uu damreemo in la ogaaday, wuu kardhadaa. Madaxda kale iyo ninkan kaatunka qarsanayay midna gadhkooda saxar ma saarayn. Hasa yeeshee, ninkii kaatunka qarsanayay waxay la noqotay in gadhkiisa saxar saaranyahay. Isaga oo aan is ogayn ayuu gadhkiisii masaxay si aanu noqon ka saxarku saaranyahay. Falakaasi isaga oo gubgubanaya uu sameeyay se, waa ka caddeeyay in uu kaatunkii boqorka qarsanayo!!!”

Saraakiil Ka Tirsan Wasaaradda Maaliyadda Burco Oo Xabsiga Loo Taxaabay .

$
0
0
Saraakiil Ka Tirsan Wasaaradda Maaliyadda Burco Oo  Xabsiga Loo Taxaabay .

 

 

Burco-(Qaran-news)-Wasaaradda Maaliyadda Burco ee xarunta gobolka Togdheer ,gaar’ahaan Cashuuraha bariga ayaa dakhigeedii hoos u dhac ku yimi ka dib markii ay ku habsatay maamul xumo ragaadisay.

 

Hoos u dhacan dhaqaale ee Wasaaradda soo food-saaray oo mudooyinkii u danbeeyay isa soo taraayay ayaa xoogaystay ka dib markii maamulaha cashuuraha Bariga Burco Cabdirisaaq Jaamac Maxamed xabsiga u taxaabay sifo sharci-daro ah sarkaalkii madaxa cashuur ururinta gobolka Togdheer Siciid Warsame Weyne isl markaana uu ku fashilmay maamulidda shaqaalaha dakhli ururinta  sida uu Qarannews u xaqiijiyay sarkaalkaasi .

 

“ 2010 ayaan bilaabay shaqadda cashuuraha bariga Burco waxaanan ugu imi maamul garanaaya shaqadda Wasaaradda iyo dakhli ururintaba ,waa la bedelay waxaana lagu soo bedelay nin Tanbareeri ah oo aan aqoon u lahayn shaqadda ,itixaana galin sidaa awgeed waxyaabihii aan aqoon ahaan ku dhaamay markii aan u sheegay ee shaqada Wasaaradda hagaajinaayay ayuu xabsiga ii taxaabay sifo sharci-daro ah iyadoo aanu waaran iisoo jarin maxkamadana soo marin .

 

Markaa xadhiga kama xumi oo ragu wuu gayaa laakiin  arintani waxay cadaynaysaa maamul xumada Cashuuraha bariga Burco ku habsatay ee shaqaalaha haysata ,shqaduna ay ka socon la’dahay markaa waxaan leeyahay Wasaaaradda guud arintan wax ha ka qabato oo meeshan maamul shaqada garanaaya ha la keeno hadii kale way xidhmaysaa “ Sidaasi ayuu yidhi Siciid Warsame.

 

Sidoo kale Sarkaalkan ayaa cadeeyay dakhliga cashuuraha bariga Burco in uu hoos u dhac ku yimi bilihii u danbeeyay waxaanu yidhi “ Dakhligu hoos ayuu u dhacay waayo ma garanaayo aqoona uma laha maamulahani cashuur ururinta iyo nidaamkeeda toona “ .

 

Geesta kale maaha markii u horeysay ee sidan oo kale  dhacdo balse cabashooyinka shaqaalaha ee ku aadan maamulka cashuuraha bariga Burco ayaa mudooyinkii u danbeeyay isa soo taraayay.

Qarannews

Burco

Xukuumada Siilaanyo iyo ka qayb-galka Shirka Nairobi wuxuu ka dhigan yahay: Bakhtiga ma cunee fuudkiisaan cabaa.

$
0
0

7dii Bishan May ee haatan sii galbanaysa waxaa Magaalada London lagu qabtay shir caalami ah oo dhaqaale iyo maalgashi loogu raadinayay Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya. Shirkaasoo ay wada hagayeen Raysal Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska, Hon David Cameron iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Shirkaas waxaa ka soo qayb-galay sida la sheegay ilaa kontameeyo wufuud ah oo isugu jiray dawlado iyo haayado Caalami ah. Shirkaasi wixii uu daarnaa waxba ku tiigaali mayno oo in badan ayaynu hadal hayntiisa ka maqlaynay saxaafada Soomaalida iyo goobaha kale ee arrimaha Soomaalida lagu falanqeeyo.

Waxaynu ka dheregsanahay mawqifkii shirkaas xukuumada Somaliland iska taagtay iyadoo weliba xoghayaha u qaabilsan arrimaha Afrika Wasaarada Arimaha Dibeda ee Boqortooyada Ingiriiska Mr Mark Simonds si gaar ah loogu diray inuu Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa ku qanciyo ka qayb-gelida shirkaasi London. Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo arrinkaas wuu ka gaws-adaygay, waanu ku gacansaydhay. Arrintaasi runtii may noqon mid ay dawlada Ingiriisku la dhacday, hase yeeshee, way ku qasbanaatay inay masiirka ummada reer Somaliland ixtiraamto.

Go’aankaasi Madaxweyne Siilaanyo qaatay ayaa ahaa mid guud ahaan shacabka reer Somaliland ku diirsadeen, waxaanu kaga kasbaday qaybaha kala duwan ee shacabka iyo Xisbiyada Mucaaridkaba hambalyo iyo bogaadin. Go’aankaasi wuxuu shacabka reer Somaliland geliyay yididiilo cusub iyo in Madaxweyne Siilaanyo garwaaqsaday in Siyaasadan arrimaha dibeda ee soofdaran haboowday la gaadhay wakhtigii didibso la odhan lahaa, lana soo celin lahaa karaamadii, higsigii, himiladii iyo hayaankii muddada dheer loogu soo jiray Ictiraaf raadinta qadiyada gooni isutaaga Somaliland.

Ka dib markii shirkaasi London lagu soo gebagebeeyay, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo wakhti la qaadanayay Jaaliyadiisa ku dhaqan dalkan Ingiriiska uu yimid magaalo Madaxda 2aad ee carigan Ingiriis ee Birmingham ayaamo ka dib. Halkaasoo uu dabcan kula kulmayay Jaaliyada balaadhan ee ka soo jeeda wadanka aynu deriska nahay ee Soomaaliya. Haddaba waxaa iyana isla maalintaasi magaalada Birmingham ku sugnaa madaxda xisbiga Qaran ee UCID oo ay hogaaminayeen labada ilma Cali Xuseen waa Gudoomiye Faysal iyo Musharax Madaxweyne Jamaal eh. Waxaa dhacday sida xaqiiqdu tahay, in goobaha labada xafladood lagu qabtay aad isugu dhawaayeen.

Waxaa kaloo iyana jirtay in koox aan xilal muuqda ka haynin xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisaba laakiin ka dubaalad dheer kuwa xilalka ku magacaaban oo weliba si toos ah ugu xidhan aqalka madaxtooyada Somaliland oo uu hogaaminayay nin ay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali isku xaafad hoose yihiin oo ku sugnaa xafladaa Madaxweynaha Soomaaliya loo qabanayay oo dhamaantood ka soo kala jeeday xaafada Madaxweyne Siilaanyo iyo xaafada Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland ay ka soo shaqeeyeen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Faysal Cali Waraabe is arkaan. Waynu ogayn qayladii Xukuumada Kulmiye ka yeedhay iyadoo Faysal Cali Waraabe meel walba lagu qaanabay, kaliftayna inuu mar walba jawaab ka bixiyo salaantaasi koobnayd ee dhex-martay isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa intaasi ka dambeeyay isla bishan May, iyadoo xafladii 18ka May loo damaashaadayo oo shacabka reer Somaliland dalka iyo adduunka dacaladiisa uga dabaal-degayaan maalintaasi qiimaha wayn u leh ummada reer Somaliland inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qoladan xukuumada Kulmiye ku faani jireen inay wax ka dhiseen, kuna tiraabi jireen in la hadalkiisu qiimo weyn ugu fadhiyo ictiraaf loo helo Somaliland uu ‘dhirbaaxo lama filaan ah” indhaha u saabiyay xukuumada Somaliland iyo shacabkeedaba isagoo ku tiraabay kuna tilmaamay qadiyada gooni isu-taaga Somaliland ” Caadifad”, uguna baaqay inay iska ilaabaan wixii hore oo dib u soo noqdaan, midnimada Soomaaliyana tahay mid lama taabtaan ah.

Runtii halkan laguma soo koobi karo khaladaadka daba-taxanka noqday ee xukuumada Siilaanyo iyo siyaasadeeda arrimaha dibeda. Fadlan hoos ka dhugta shirka uu Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Cumar kaga qayb-galay magaalada Nairobi bishan 28 iyo 29 keedii iyo wuxuu daaran yahay shirkaasi. Shirkan oo ahaa mid daba-socda ujeedooyinkii laga lahaa shirka London oo maalgashi loogu raadinayo dawlada Soomaaliya miyaanu ka dhignayn ”Bakhtiga ma cunee fuudkiisaan cabaa”. Maxaa London loo tegi waayay, haddii shirarka noocan oo kale ah laga qayb-gelayo.

Arrinka kale ee is waydiinta lihi waxa weeye, Wasiirkan arrimaha dibeda ee Somaliland miyaanu wax kale aqoon oon ahayn daba-fadhiisiga shirarka Soomaaliya loo qabto ee ay iyagu soo habaystaan?. Muxuuse Somaliland oo 22 sanadood xasilooni iyo nabadgelyo buuxda haysatay ugu filan yahay haddii aanu iibin karaynin waxay Somaliland qabsatay muddaasi dheer.

Fadlan fahan, shirkan maalgashi ee uu ka qayb-galay waa mid ay dawlada Federaalka Soomaaliya endorse garaysay ama hagaysay, waana meeshaa maalin kasta madaxtooyadeeda iyo ag-agaarkeeda la isku qarxiyo ee aanay nabadu ku jirin. Taasi oo kaliftay in shirka lagu qabto magaalada Nairobi iyadoo dabcan targetka shirku ahaa dalka Soomaaliya, taasna waxaa kalifay xasilooni darada ka jirta Soomaaliya. Markaa miyaanay sida shamsi yaa daalac u cadayn in Xukuumada Somaliland tahli kari wayday inay iib-gayso nabada, xasiloonida iyo fursadaha maalgashi ee ka jira dalka Somaliland. Miyaanay shamsi yaa daalac u cadayn in CVgii Somaliland uu Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somaliland hoos dhigay ka Soomaaliya oo ku suntay Al-shabaab, qax iyo qaraxyo is-daba-jooga oon weli maaro loo helin.

Waxaan ku soo dabrayaa qoraalkan, maye Wasaaradihii iyo haayadihii kale ee kaga haboonaa haddiiba la tegayo shirarka noocan oo kale, sida Wasaarada Ganacsiga, Wershadaha, Dalxiiska iyo Rugta Ganacsiga ee Somaliland oo shirkan aad u khuseeyay.

 

Organised By:

http://www.hanvard.com/Fully Endorsed By:

http://www.soric.so/somalia-reconstructions-and-investement-summit# http://www.soric.so/somalia-reconstructions-and-investement-summit#

Somali Reconstruction and Investment Conference & Exhibition

In Association With:

http://www.soric.so/somalia-reconstructions-and-investement-summit# http://www.soric.so/somalia-reconstructions-and-investement-summit#

‘Building for the Future’

About the Conference and Exhibition »

As Somalia and Somaliland looks to build a secure and prosperous future, the first Somali Reconstruction and Investment Conference and Exhibition (SORIC), will be held in Nairobi, Kenya on 28-29 May 2013 at the Kenyatta International Conference Centre.

This ground breaking event will be the first of its kind to bring together key policy makers from the Government of Somalia and Somaliland, top decision makers from international and regional development organizations, and participants from the public and private sector. It is the only event of its kind fully endorsed by the Federal Government of Somalia and supported by the Ministry of Trade, the Somali Chamber of Commerce and Industry, and the Kenya National Chamber of Commerce.

 

 

A new era has dawned on Somalia and Somaliland and the country is embarking on a dynamic path of political and economic renewal after long-running civil strife and political turmoil. After 22 years of civil war that ravaged the country, peace is finally returning.

There are encouraging signs of progress and hope. The Somali government has been recognised by the United States of America, Great Britain, the European Union, Turkey, United Arab Emirates, the African Union, World Bank and IMF. The diaspora is returning home. The federal government and government of Somaliland are cooperating and engaging each other, registration of political parties has started in puntland, and normalcy is finally returning.

This change in fortunes calls for a paradigm shift in how investors and the international community approach Somalia and Somaliland. Almost all sectors and industries need rebuilding from scratch, presenting limitless opportunities for genuine and meaningful investment that benefits the Somali people.

Somalia PortThis is the first private sector led Somali Reconstruction and Investment Conference and Exhibition. As the first of its kind, the conference will provide all participants with unique opportunities- from interactions and networking, to open and frank discussions on engagements, business opportunities and future agreements. The conference will be a complimentary to all efforts aimed at stimulating reconstruction and investment efforts in the country. The thematic content of this summit will include a detailed and carefully designed agenda that will aim at achieving the expectation of the participants in both short and long term goals.

Combined with the already modest peace and stability in Somaliland and Puntland, unique opportunities for investments in energy, banking, health, water, food security have opened up as so much of such investments are indeed basic necessities that are urgently needed. For example, Mogadishu city is likely to be populated by 2 million (if not more) civilians by the second quarter of 2013 and yet there is no reliable electricity or clean water.

The Objectives of this conference and Exhibition will be:

  • To create an opportunity for increased reconstruction and investment in Somalia and Somaliland,
  • To increase trade and investment flows to the country and various sectors such as agri-business, Social services, logistics, trade, financial services, and tourism
  • To show case reconstruction productions and business in the exhibition.
  • To build regional and international confidence in participating in the reconstruction and investment of the country.
  • To market investment projects and opportunities in Somalia and Somaliland.
  • To present success stories to support a positive perception of Somalia and Somaliland as investment destinations of choice.
  • To present the new and unique modalities in promoting and undertaking reconstruction and investment in Somalia and Somaliland.
  • To shed light on the major positive changes which have taken in the country with regards to the prospects a renewed hope and in terms of business and investment climate and the reforms which have made them possible.
  • To create a better understanding of the appropriate frameworks that can lead to mutually beneficial and fruitful business relations with the Somalia and Somaliland and economic growth
  • To open dialogue between and create a platform of interaction for international, regional and Somali private sector, businessmen and government officials from various countries, regions and international organizations.
  • To address immediate challenges in Somalia and Somaliland and promote related reconstruction and investment opportunities

Expected Delegates and Participants:

  • International business leaders with current and potential investment in East Africa
  • Ministers, policymakers, political leaders, senior government officials from Somalia and Somaliland and regional Government, Asia, Europe and beyond
  • Analysts/ economists/ legal experts/ academics/ risk professionals
  • International organizations and multilateral agencies- African Union, DFID, World Bank, IMF, IFC, IGAD, East African Community.
  • Senior representatives from African Investment Promotion Agencies
  • Leading local, regional and international Media

Participation and setup:

Leading senior Somali government delegation from various important institutions, top and vibrant Somali private companies and actors, reputable- long established and emerging regional and global business managers and decision makers, leaders from national and international organisations will be participating in this conference and banquet. The participants will for the first time have a head-on acquaintance and interaction among one another. Separate thematic presentation and discussions will be arranged. There will also be an opportunity to book specific meetings on a particular business case.

The conference and exhibition will take place at the Kenyatta International Conference Centre Nairobi on the 28th & 29th May 2013. This event will provide an unrivalled opportunity for the participants. As the ideal method for uniting senior decision makers and international solution providers, we maintain a high level of selectivity, opening the events to senior level executives only who are individually selected and qualified. This commitment to quality ensures relevant and productive networking leading to real business opportunities for all participants.

Somaliland Iyo Qar-qarsiguu Qabiilku Baday?

$
0
0

Somaliland Iyo Qar-qarsiguu Qabiilku Baday?

Waxaa hubaala in mushkiladda maanta mergiyada  jartay somaalida saldhigeedu yahay salaw qabiil iyo sedbursi doon. aragti ahaan waxaa bulshada caalamku iyo somaliduba si weyn isugu  waafaqsan yihiin in qabyaaladdu tahay aafada ugu culus iyo masiibada ugu darran ee somalida kala irdheysay ee joog iyo jifba u diiday  meelkasta oo ay ku nool yihiinba.waxaa taariikhdu maragka tahay in burburkii somaliya iyo qaran jabkii dhacay   in ay udub dhexaad u ahayd  qabiil wax ku goosasho,eexaysi  iyo aragti reereed taas oo dhaxal siisay halaag iyo hungo aan cidina mahadin.shacabka Somaliland waxay ku qaadatay in ay soo ceshadaan  dawlad nimadii ay u hibeeyeen koonfur  in  ay ku bixiyaan  halgan nafhura iyo maal  wixii ay lahaayeen ka dib markii ay u adkaysan waayeen  dulmigii iyo qabiilaysigii indho la’aanta ahaa ee horaarkii  Siyaad Bare ku hayey shacabka reer Somaliland taas oo gaadhay qabiil wax ku goosashadu heer qofkasta oo damiir leh waxbadan ka yaxyaxo.

 

Wuxuu ahaa hanka iyo himilada shacabka somailand inay dhisaan qaran xoogan oo ay muwaadiniintu kuwada nooladan sinnaan iyo cadaalad iyada oo beelaha wada daga geyyiga Somaliland dhamaantood isku raaceen ama isla qaateen in la unku qaran madaxbanaan oo ka turjumaya doonista dadka reer somailand waxaana Allah uu u dhabeeyey hamiladoodii inay ku guulaystaan oo ay dhisaan  waxbadan  haykal kii dawladnimo lagu yaqaanay waxana    qofkasta oo reer Somaliland ah yuhuuntiisu   ahayd in maalin uun lagaadhi doono somaliland oo   ka quwad badan qolo qolaysi iyo qarjiidh reereed  lakiin waxaa nasiib darro iyo ayaan daro ah in maanta oo Somaliland 22 jirsatay  in  qabiil ku  awood bato  nadaamka dawladnimo taas ay oo ay   ku suntanaato Somaliland  waxaa loo yaqaan (fragile state) oo ka dhigan qaran aan lugo-adag ku tagneyn oo burburi kara wakhti kasta . waxaanay keeni kartaa  taasi  in maalgashadayasha aduunku ay ku dhiiran waayaan  in ay maalkooda ku aaminaan qaran awooda qabiilku hogaamiso,    sidoo kalena waxay tani samayn togan  ku yeelan kartaa kuna leedahay ilaa hada in aduunyadu ay kacaga  jiito  aqoonsiga oo ah himilda shacabka Somaliland.

 

Qabyaladu waxay Somaliland geyeysiisay in haddii qof xil loo doranayo lagu qiimeeyo qabiilka uu ka soo jeedo , meel aqoontii, kartiidii, dacadnimadii lagu xulan lahaa qofka qaran matali kara shuruud looga dhigay horta qabiil ma leedahay, meel loo kala sareeyo oo loo kala badsado tun weynanta qabiilka. Sidaas darted muwaadin  haddeynu rabno in aynu  dhisno  qaran waaritaan leh oo  ay ka dhaxlaan jiilasha soo socdaa nadaam toosan oo horseeda horumar miyaanay ahayn   in shacabku iska  saaraan shaadhka qabiilka, waxana hubaal iyo xaqiiq biyo kama dhibcaana ah inaan  lasadalin  Karin mustaqbalka wadanka haddii aan wax laga badalin hunguri waynaanta qabiilka.

 

 

 

 

 

Waxaan ku soo afmeerayaa maqalkan kooban tallo ku socota  shacabka  iyo hogaanka wadanka.

 

1.     In madaxdada wadanku shacabku u horseedaan cadaalad iyo sinaan si’loo helo kalsoonida shacabka.

 

2.     In la dejiyo si hal-abuuritaan lehna loo dhaqan-geliyo istaraatejiyad cusub oo si macquul ah ula socota lana jaan-qaadaysa duruufaha cusub ee ku gadaman geyiga Somaliland.

 

3.     In wax laga badalo golaha fulinta ee hab beeleedka lagu soo xulo oo lagu badalo   gole tayo leh oo ka kooban   dhalin yaro aqoon yahanaa oo firfircoon kuwaas  oo  waxbadan soo kordhin kara.

 

4.     In xukuumadu latimaado qaab maamuleed hufan oo leh laxisaabtan qeexan (Tranesprency) and Accountipilty)

 

5.      In shacabka somaliland cod dheer ugu sheegan xukumada hadba talada haysa in lasuuliyo dhaqan kan dibudhac iyo curyaaminta u horseeday qarankan curdinka.

 

 

 

W/Q: C/raxman Colad Cumer Jeex (Salafi)

 

Email: rafiiq2@hotmail.com

 

Tell: 0634177118

 

 

 

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>