Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Haweeney Ra’isul Wasaare ah oo arooskeeda u baajisay ka qeyb galka shir Awgii

$
0
0

Haweeney Ra’isul Wasaare ah oo arooskeeda u baajisay ka qeyb galka shir Awgii

 
 Ra’isul Wasaaraha dalka  Denmark, Mette Frederiksen ayaa mar kale dib u dhigtay xaflada arooskeeda, waxa ayna markan shaacisay in sababta arooskeeda dib uga dhacay tahay ka qeyb galka shir muhiim ah owgiis.

Mette Frederiksen, ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebooka ku sheegtay in ay ka qeyb galeyso shir muhiim ah ay isugu imaanayaan madaxda Midowga Yurub, shirkan ayaana looga hadlayaa saameynta uu yeeshay Covid-19 iyo arimo kale.

Arooska haweeneyda Ra’isul wasaaraha ka ah dalka Denmark iyo ninka ay u doonan tahay ee Bo Tengberg ayaa qorshuhu ahaa in uu dhaco 18-ka bisha July, hasa ahaatee shirka ay yeelanayaan Madaxda Midowga Yurub ayaa dhacaya 17-ka ilaa 18-ka july.

 

Ra’isul Wasaare Mette Frederiksen, ayaa sheegtay in ay ku qasban tahay ilaalinta danaha dalkeeda, waxa ayna sheegtay in arooskooda dib u dhacay sababo la xiriira shirka dhacaya, waxa ayna xustay in ninka ay guursaneyso uu yahay mid dulqaad badan.

“Waxaan aad u rajeynayaa inaan guursado ninkan cajiibka ah. Laakiin sida caadiga ahba, taasi ma aha inay noqoto wax iska sahlan, shirka golahaha wuxuu dhacayaa Sabtida bisha July ee aan ku ballansaneyn xafladda arooska.” ayey tiri Mette.

Haweeneyda Ra’isul Wasaaraha ka ah dalka Denmark iyo ninka ay u doonan tahay ayaa qorshuhu ahaa in markii ugu horeesay arooskooda dhaco sanadkii hore, hasa ahaatee arooska ayaa u baaqday doorasho dalkaasi ka dhaceysay owgeed.

Jeg glæder mig så meget til at blive gift med den her fantastiske mand. Men helt let skal det åbenbart ikke være, og nu…

Posted by Mette Frederiksen on Thursday, 25 June 2020


Warbixinaha Ay Warbaahinta Dunidu 26 June 1960 Ka Qortay Xorriyadii Luntay Ee Somaliland

$
0
0

26 Juun 1960, waxay dadkii wakhtigaa ku dhaqnaa geyigan Somaliland u ahayd guul iyo gobanimo. Waxay ahayd habeenkii u horaysay ee ay ku seexdaan xorriyad dhulkooda ay ku maamushaan, kadib markii ay 12 habeennimo xaqiijiyeen gebagebaynta habeenkii dheeraa ee ay muddada 86-ka sannadood ah la halgamayeen, dhulkana soo dhigeen calankii Gumeystihii Ingiriiska, dabadeedna ay ku seexdeen farxad, nayaayiro, qiiro, xamaasad iyo gobanimo.

Habeenkaas 26 June, 1960 waxa ka soo wareegay 60 sannadood. Waxay ahayd Dharaar qiimaheeda, shucuurteeda, dareenkeeda iyo jawigeeda ay sawiri karaan dadkii u soo joogey ee habeenkaa ka ciyaarayey ama damaashaadayey Fagaaraha Beerta Xorriyadda Hargeysa oo laga qotomiyay calan Somali leedahay oo xor ah kii ugu horeeyay. Waxaana sida loo sugayey, sida loo soo dhoweeyey iyo xiisaha loo qabey dharaartaas lagu sajaley ama lagu qoray bogagga suugaanta iyo murtida dhaxal-reebta ah oo ay ka dheehan karaan jiilashii ku garaadsadey, kuwii ku dhashay xorriyadda iyo jiilasha soo socdaba. Hase yeeshee, gobanimadaa aad loo sugayay iyo dowladnimadii Somaliland ka qaadatay Ingiriisku kuma negaan Hargeysa iyo dhulka Somaliland, waxayna ku hafatay qiiradii iyo jibadii loogu halgamayey in la xorreeyo, kadibna meel la isugu keeno 5tii Soomaaliyeed oo kala ahaa Soomaaliya oo Talyaanigu gumeysanayey, Jabuuti oo Faransiisku gumeysanayey, dhulka Soomaalida Itoobiya iyo gobolka NFD oo la raaciyey Kenya. Sidaa darteedna, 4 maalmood ka dib waxay Somaliland Calankii ay ka sudhay Hargeysa la tagtay Muqdisho oo xorriyadda ka qaadaneysey Talyaaniga 4 maalmood kadib, si ay bud-dhig ugu noqdaan Soomaaliweyn; waxaana July 1 lagu kulmiyey xorriyadda Soomaaliya iyo midnimada Somaliland iyo Soomaaliya.

Wargeyskii la odhan jiray Daily Herald oo xilligaas ka soo bixi jiray magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa cadadkiisii soo baxay 29th June 1960, waxa uu wax ka qoray xorriyadda ay Somaliland heshay iyo siday ugu tuurtay wadan kale oo aan weli qaadan madaxbanaanidiisii. Wargeysku waxa uu ciwaan ka dhigay The Colony That Rejected Freedom oo macnaheedu tahay Mustacmaradii diiday xorriyadda. Wargeysku waxa uu ciwaan hoosaad ku xusay qoraal kooban oo uu macnihiisu noqonayo, Saddex maalmood ka hor, waxa ay heleen madaxbanaanidoodii, Jimcihiina dib ayay isu dhiibeen. Warbixinta uu Wargeysku ka qoray madaxbaanidaas Somaliland ee luntay oo aanu idiin soo turjunay, waxay u qornayd sidan: “Somaliland oo ahayd mustacmarad ingiriisku gumaysto ku dhawaad 80 sannadood ayaa madaxbanaani qaadatay Axadii la soo dhaafay, islamarkaana jimcihii afar maalmood ka dib madaxbanaanideeda ayay mustacmaradani dhiibtay lana midowday walaasheed Somaliya. Somaliland waxa ay go’aansatay in aanay ka mid noqon ururka barwaaqo sooranka. Somaliland oo ku taala marinka bari ee qaaradda Afrika waxay ahayd saddex cisho ka hor mid aanay saxaafadda caalamku haba yaraate soo hadal qaadin. Hase yeeshe imika waxa ay noqotay meel muhiimad taariikhi ah leh, sababtuna waxa weeye la midowga ay Somaliya la midowday oo ah mid naadir ah, waayo Somaliya lafteeda ayaan weli xor ahayn.” Sida laga dheehan karo jariiradan, dunidu aad ayay ula yaabtay reer Somaliland, waxaanay bulshada caalamku isweydiinaysay ujeedada halgankii Somaliland, mar haddiiba ay maalmo kooban ka dib xoriyadii qaaliga ahayd ku tuurtay Somaliya oo aan xilligaas qaadan xorriyadda. Jibadii iyo caaddifaddii waxay ku burburtay Isu-taggii 1dii July, balse lagama hadhin, waxase himiladaasi si dhab ah u dhimatay, luxudkana u qabatay 17 sannadood kadib, markii Jabuuti oo ku hadhsanayd gacanta Gumeystihii reer Yurub ay qaadatay 27 Juun 1977 xorriyad iyo dowladnimo ay gaarkeed isugu taagtey, isla markaana ay diiddey inay ku soo biirto labadii dal ee midoobey. La Midowgaas Somaliya ee deg dega iyo salfudaydka ahaa, waxa ay Somaliland ka dheefsatay dhibaatooyin isugu jiray siyaasad, dhaqan iyo weliba dhaqaale. Ugu horayn dawladii markii la midoobay la dhisay waxa ay muujisay sawirka dhabta ah ee reer koonfureedka, waxaana Madaxweyne noqday Aadan Cabdule Cismaan oo ka soo jeeday koonfurta halka uu Raysalwasaare noqday Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isna ka soo jeeday goboladaas koonfurta ee ay Somaliland la midowday. Iyadoo Somaliland-na laga qadiyay mansabyadii sare ee dawladii ay dhisteen labadii gobol ee midoobay.

Somaliland waxay ku qadday muxubadeedii. Waxay ku hungowdey himiladeedii. Waxayna baraarugtey iyada oo badhtanka ugu jirta badweyn aanay ka bixi karin, taas oo u sii taxaabtay inay u gacan-gasho talis naxariis-darran oo ay dadkeedu kala kulmeen cadaadis iyo colaad aanay kala kulmin Mustacmarkii Ingiriiska ee muddada 86-ka sannadood ah u talinayey. Shacabka Somaliland, mar labaad ayay bilaabeen halgan ay dib ugu soo celinayaan xoriyadoodii, waxaanay dib u bilaabeen halgan ka xanuun kulul, ka khasaare iyo burbur badan, kana qallafsan kii ay iskaga xorreeyeen Ingiriiska. Soddon sannadood kadib xorriyadeeddii ay ka qaadatay Ingiriiska ayay Somaliland mar kale u dabbaaldegtey oo ay ku soo hoysey halgan qadhaadh iyo dagaal socdey muddo 10 sannadood ah, kaas Tobannaan kun oo qof ay ku dhinteen, Boqollaal kun oo kalena ku barakaceen, hanti aan la qiyaasi karina ay ku baaba’een. Waxaanay mar kale Somaliland u dabbaaldegtey xorriyadeeda 18ka May, taas oo la xusayey 29kii sannadood ee u dambeeyey. Laakiin, inkasta oo ay Somaliland dib u soo celisay xoriyadeedii, haddana ma aha mid beesha caalamku aqoonsan tahay, sidii loo aqoonsaday xorriyaddii aan la mahadin ee 26kii June 1960.

Si kastaba ha ahaatee, xorriyaddii 26kii June 1960 way luntay, farahana kuma jirto. Waxaana isweydiin leh; maalintani ma waxay noqonaysaa mid lagu xuso Farxad iyo gobanimo? Mise mid lagu xuso Murugo iyo ciil.? Wax kasta oo lagu xuso, waa taariikh, waxaana laga baran karaa cashar weyn oo ah in khaladka qofka caadiga ahi galo lagu sixi karo muddo yar, laakiin, khaladka siyaasadeed ee ay galaan hoggaamiyayaashu sixitaankiisu uu qaato ugu yaraan Qarni dhibaato badanna loo maro. Somaliland waxay hadda ku maraysaa Nus Qarni iyo jarjar sixitaanka khaladkii ay gashay 60 sanadood ka hor, kaas oo ahaa xoriyadii sida fudud u luntay.

Geeska

Sanaag:Khasaaraha ka dhashay Dagaal ka dhex qarxay Laba Beelood

$
0
0

Sanaag:Khasaaraha ka dhashay Dagaal ka dhex qarxay Laba Beelood

Inta la xaqiijiyay lix ruux ayaa ku dhaawacantay, dagaal beeleed saaka oo Sabtiya ka dhacay Degaanka Cawsane oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

Dhaawaxcyada ayaa la kala geeyay magaalooyinka Badhan, Carmo iyo Boosaaso, balse weli lama soo werin wax dhimasho ah oo ka dhashay dagaalkaas.

Isbitaalka Carmo, waxaa la geeyay afar ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba, halka magaalooyinka Badhan iyo Boosaaso midkiiba la geeyay hal qof oo dhaawac ah, sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta Caafimaadka.

Dad ku sugan gudaha degaanka Cawsane, ayaa ka soo warramaya in dagaalka labada beelood dhexmaraya uu salka ku hayo muran ka dhashay dhul beereed ku yaalla degaankaas, oo dhinacyadu isku hayaan.

Dagaalka ayaa la soo sheegaya in uu markii dambe istaagay, waxaase weli is hor fadhiya dhinacyadii dagaallamay, iyadoo mararka qaar la maqlayo Rasaas goos-goos ah, islamarkaana ma jirto cid weli kala dhex gashay labada beelood.

Dagaal Beeleed koobsaday Khasaare Dhimasho & Dhaawacba leh oo lagu dilay Wasiir hore 

$
0
0

Dagaal Beeleed koobsaday Khasaare Dhimasho & Dhaawacba leh oo lagu dilay Wasiir hore

Dagaal sababay  qasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay  deegaanka Xananbuure oo dhaca waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ku dhowaad  5 qof  ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen  oo uu ku jiro wasiirkii hore ee shaqada iyo shaqaalaha Galmudug Daahir Shidane Cabdi oo dhaawac ka soo gaaray dagaalka u geeriyooday tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli is-horfadhiyaa maleeshiyaadki dagaalamayay labadi maalin ee la soo dhaafay.

Galgaduud oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ku soo laa-laabta dagaallo sokeeye oo u dhexeeya maleeshiyaad beeleed ku wada sugan gobolkaasi

Is-qabqabsiga Firqooyinka Diimeed iyo Dawlad Deegaanka Somali Itoobiya.

$
0
0

 

Dawlad deegaanka Soomaali Itoobiya(DDSI), waxaa ka curtay sanadadii danbe dawlad hanaankeedu u dhawyahay dawlad shacabka taageersan. Waxaa taladii laga tuuray keli-taliskii weynaa ee Cabdi Maxamuud Cumar, Ina-lay. Waxaa awoodoodii daciiftay maamulkii ku dhisnaa ilaa heer qabaley ee ka amar qaadan jiray Ina-Ilay, waxa sida buska kale yaacay ciidankii liyuuga oo amarkiisa uu lahaa kaadiriyiin ka amar qaata Ina-ilay. Waxaa la beddelay dawlad heer gobol ilaa heer qabaley awood dhammaystirana leh. Waxaa meesha ka baxay amaro aan isla xisaabtan lahayn oo goor kasta dadka lagu qabqaban jiray. Waxaa dhulku la ogay boqolaal basaas oo dareenka dadka ka ganacsan jiray. Waxaa ugu danbayn Shacabka DDSI waayeen qaab dhismeed dawladeed oo isku xidhnaa, guud ahaana shacabku mahadin jireen dheef iyo dhibaataba.

DDSI, waxay la dagaalami jirtay guud ahaan faafinta, dhigista, gudbinta iyo barashada heerka sarraysa ee diinta islaamka. Waxay go’doomiyeen xeeladkasta oo qofkastaa ku noqon karo macalin ama sheekh diimeed oo dadka aqoontiisa iyo wacdigiisa soo gaadhsiin kara. Waxaa wadanka joogay xoogaa wadaado xeraw ah oo wadanka gudihiisa cilmi ruug ku ahaa. Waxaa iyana wax sii baray wadaado kale isla wadanka wax ku bartay, sii ba xarumaha xerta oo aan cilmigoodu ku dhisnayn baadhis iyo kale shaandhaynta diinta iyo aaraada kolba wadaadka markaas kitaabka marinaya iyo wadaadka kitaabka katibay. Wadanka waxaa ku yaraa adeegsiga internetka iyo kitaabada gelaaya. Sidaa daraadeed, qofkasta oo wadanka soo gala saansaan diimeedna leh sida gadhka, khamiiska, surwaalka gaaban, waxaa loo aqoonsanaa argagixiso ka soo tallaabtay xuduuda. Qofkaasna waxa uu ku amranaa in lagu rido bac ilaa inta laga gaynayo xarumaha baadhista denbiyada.

Sidaa darteed, waxaa baxsi galay wadaadadii cilmiga lahaa waxaa la waayey wadaad diin dhammaystiran xambaarsan oo xuduuda ka soo tallaaba. Waxaa isku soo hadhay huubo shaatigoodu diinyahay iyo wadaado qunyar socod ah cidkasta oo xuduuda ka soo tallaabtana u aaminsan bidci Hargeisa iyo Burco wax lagu soo baray, balse, deegaanku waxa uu ka nabad qabay isqabqabsiga iyo xafiiltanka firqooyinka.

Markii dalwaddii mayalka adkayd ee Ina-ilay dayaantay waxaa soo ifbaxay boqolaal wadaad oo baxsi ku ahaa wadamada jaarka ah, waxaa tuulo kasta tegay wadaad u dhashay oo meelo badan wax ku soo bartay, waxaa wadanka soo galay wadaado xambaarsan aaraada Shuyuukhdooda oo u haysta cilmi diimeed, waxaa siyaasaddii ku milmay wadaado ganacsato ah oo kuwii hore ka aragti iyo mad-hab duwan. Waxaa taagan muran u dhexeeya wadaadadii kal hore dawladda la safnaa iyo wadaado kal hore cidhib lagu haayey oo deegaankoodii ku muransan.

Labada wadaad murankoodu waxa uu ku dhisanyahay sidatan; ‘Wadaadada danbe waxay taaganyihiin ama aaminsanyihiin in wadaadadan Xerta ahi yihiin bidcoolayaal, waagii horena ay dawladdu uun taageersanayd, in deegaankooda iyo ubadkii ay wax barayeen aanay cilmi saxa barin oo iyaga laftoodu u baahanyihiin in wax la baro, in wadaadadu yihiin daroogaystayaal shaarica iyo makhaayadaha ku ruuga Qaadka, in wadaadada laftoodu aanay weligood shaqaysan ee ay dheecaanka iyo xoolaha agoonta si xaqdarro ah ku cunaan’. ‘Wadaadada horena waxay taaganyihiin ama aaminsanyihiin in dhulkii ay joogeen ku soo duuleen bidcoolayaal lacag sita oo dibada laga masruufo, in lagu soo wariday macalimiin kitaab gaaba oo deegaankii ay joogeen la yidhi wax ka dhiga doolarna dibada looga soo shubo, in ay dagaal iyo dil ka xigaan oo ay naftooda badbaadinayaan’.

Ugu danabyn, markii taliskii xooga badnaa ee amarkiisa lagu shaqayn jiray meesha ka baxay waxaa qabalee kasta iyo degmo kasta muran ka dhex taaganyahay wadaado kal hore meesha iska xuurtaystay iyo wadaadado wakhtigu u hiiliyey oo cilmi iyo aqoon ba ka waafisan kuwii hore. Dawlad deegaanku waxa uu ahaa barta kaliya ee ka badqabtay is-qabqabsi diimeed maanta se, Qabaleeyo badan waxaa ka suurtawda in gacan ka hadal diimeed ka dhaco.

Sadam Osman Kaabash.

Email. Kaabash99@gmail.com

Xasuusin: Sideedaba fikradaha iyo maqaalada ku soo baxa ma aha qaar ka socda ama matalaaya shabkadani ee waa mid ku kooban akhristaha kor ku xusan

Iska horimaad khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Adis Ababa

$
0
0

Iska horimaad khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Adis Ababa

 

Wararka ka imaanaya magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa sheegaya in iska hor imaad khasaaro geestay oo u dhaxeeyay ciidamada booliiska federaalka iyo budhcad hubeysan uu ka dhacay xaafad ka tirsan Adis Ababa.

Booliiska ayaa la sheegay in ay ku baxeen xaafad ay dhac ka geesanayeen budhcad hubeysan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 8-nin kuwaa oo  dhacay ka waday xaafado dad shacab ah degan yihiin.

Ciidamada booliiska ayaaa ku amray budh in ay hubka dhigan balse budhcada ayaa dagaal kala hor yimid ciidamada booliiska sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal katirsan booliiska Adis Ababa.

Inta la xaqiijiyay iska hor imaadka ka dhacay magaalada Adis Ababa ayaa lagu dilay mid kamid ah kooxdii budhcada ahayd,halka mid kalana lagu dhaawacay, booliiska ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay lix nin oo kale oo budhcadaasi katirsaneyd.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in budhcadan marar badan dhac ka geysteen xaafado kuyaala magaalada Adis Ababa iyaga oo ku qadhaaban jiray direyska ciidanka booliiska, waxa ayna booliiska sheegeen in budhcadan mudo baadi goob loogu jiray.

Magaalada Adis Ababa ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilalka iyo dhac ay geystaan kooxo budhcada ah, waxaana booliiska marar badan ku guul dareysteen wax ka qabashada budhcadaasi hubeysan.

Daawo:Xukumada S/land oo Albaabada u laabtay Xarunta TV-ga Universal ku leeyahay Hargeisa

Daawo:Ku Naso Heesta aanu Maanta ku soo naqaynay


BBC Somali Service: The Decline of a Prestigious News Outlet

$
0
0

BBC Somali Service: The Decline of a Prestigious News Outlet

The BBC Somali service was launched in 1957 for the listeners in the Horn of Africa to provide news and other variety programs for Somali people. Unlike the local radio stations, BBC Somali Service was the only news outlet for the entire region. It was reliable, truthful, accurate and unbiased in reporting news and delivering other social and entertainment programs. It was staffed with well respected professional cast members who were regarded as celebrities and loved by their listeners. Their professionalism and their dedication to produce a substantive educational programs and news items earned them respect in the community. People used to congregate in large numbers outside restaurants and shops during the news hours especial at five-thirty pm. It would be so quiet one could hear a needle drop during this thirty minute news broadcast.
Unfortunately, today’s BBC Somali service has failed to deliver reliable news and other so- cial service programs in multiple areas of concern including poor linguistic proficiency in Somali language. It is common to see a cringe in one’s face or hear critiques by elderlies and other Soma- li language scholars during the broadcast disapproving the usage of certain terms wrongfully. Most anchors do not proofread the news script before they come to the microphone. One could tell from the stuttering and the hesitation when reading from the teleprompter. Besides the poor delivery techniques, it also failed in delivering unbiased news information, which is a violation of the journalism principles and professionalism. At times, it is hard to distinguish the BBC Somali Service news from that of a social media opinion-based platforms or a local national radio station from Mogadishu. In addition, during round table discussions, they limit themselves to a handful of so called expertise and predictable guest speakers.
The political atmosphere of the Somali community, both in the region and abroad, is polar- ized due to the past and ongoing grievances amongst themselves; unfortunately, the BBC Somali Service failed to remain neutral. In fact, they are so biased they became the mouth-piece for So- malia Federal government by promoting its agenda and ridiculing opposition groups on certain penal discussions. Furthermore, they hardly cover or try fact-finding reports in certain portions of the region. Sometimes their bias reporting go beyond regional politics and it lands them at clan level.

Sadly, social media has replaced BBC Somali service as it became irrelevant to vast majority of Somali listeners and viewers. I hope that the network would reinvent and redeem itself and earn back the respect of their loyal listeners and viewers again.

By Mohamed Adan Samatar Madan.samatar01@gmail.com

 

 

As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com

 

Calan Huudhaydha iyo Ciddaha Reer Xamar

$
0
0

Calan Huudhaydha iyo Ciddaha Reer Xamar.

Maanta oo kale 28-06-1960 waxa Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho Ka dul babanaayey oo calan u ahaa calanka talyaaniga, maxaa yeelay May ahayd dal xor ah oo calan ay iyagu leeyihiin hoos hadhsanaayey,
Dhanka kale Maanta oo kale 28-06-1960 waxa Jamhuuriyada Somaliland iyo Caasimada Hargeysa Ka dul babanaayey calan ay iyagu samaysteen oo Xor ah , oo hees iyo muusig u samaysteen, oo Suugaan lama ilaawaan ahna ku calan saarteen ama ku calan sudheen ,
Sareeyow Manusqaanow
Sidduu yahay bal aan eegnee
Kana Siib kana Saar!.
Sidda Ku cad tixdaa abwaan Timocade illaahay naxariistii janatul Fardowsa haka waraabiyee,
Sidduu yahay waa la arkay markii Reer Somaliland qadiyadii ay u hindiseen ee ahayd Soomaali-weyn Ku hungoobeen kalana kulmeen hagardaamo, dhib iyo halaag, oo waatii 18-05-1991 isna la siibay ee lasaaray mid aan weligii dhacahayn oo weligii labadalahayn oo Tawxiid kuyaalo iyo Tiirka koowaad ee Islaamku.
Hadaba jibadii Soomaali-weyn ee Reer Somaliland lixdankii qaaday ee ay kusoo hungoobeen haddii Reer Soomaaliya Maanta damceen inay jilaan qadiyad aan ku duxin oo Dareen aanay u hayn waa u ayaandaro, maxaa yeelay shantii Soomaaliyeed ee Xiddigta Shanta-gees leh loo hindisay in laysku keenaa cirkaa loo eekeysiiyey Calankaa Huudhaydhka ah intuu jiro ayey jiraan isku keenka Shantii Soomaaliyeed ama Soomaali-weyn ee af goobaabsiga iskadaaya oo warka xamarna iska dhaafa Somaliland waa dal jira iyo Dawlad Calan leh, waxna iskuguma kiin jirin, waana dal jiray Soomaaliya oo jirin, wuuna Jiridoonaa intuu illaahay jirsiiyo ee jaw nabad gelyo, ordoo Soomaalida itoobiya dhankooda u jeesta ama ta kiiniya u jihaysta bal jees inaad noqotaan, jabuuti horay udiidee.
Hadal iyo dhamaan Callal laga Baxay Ciddi kuma noqoto, idinka illaahay haydinku asturee, iska sii sita Calankaa HUUDHAYDHKA ah Ciddaha reer Xamarow.
Isbaranaye Iskeen baalmari.
Fuad Fartaag
fartaagmuwaadin@gmail.com

Degdeg:Daawo,Xildhibaan Tushuush Ku furay Barlamaanka+Siday u dhacday Codeyntii Labada xubnood ee Waddani & Ucid u soo xuleen Komishanka Doorashooyinka S/land

Gudoomiye Cirro oo ka hadlay ansixinta Labada Xubnood ee Ucid & Waddani u xuleen Komishanka Doorashooyinka S/land

$
0
0

Daawo:Xisbiga Waddani oo ka hadlay Arimo xasaasiya & Soona Bandhigay Maandooriye Halisa oo Dalka la soo gashay

Daawo:Gudoomiyaha Ururka Solja Oo Cambareyey Qabka Loo maray Xayiraada Tiifiiyada Universal & Star,Hadalkii Wasiirka Warfaafintana duray

UN-ka & EU oo War cusub ka soo saaray Doorashooyinka Somalia & warbixintii Komishanka Doorashooyinka 

$
0
0

UN-ka & EU oo War cusub ka soo saaray Doorashooyinka Somalia & warbixintii Komishanka Doorashooyinka

 

Qaramada Midoobey ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay hanaanka doorasho oo ay soo bandhigeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo ay hogaamineyso Xaliimo Yareey,

UN-ka waxey dhinacyada Soomaalida ku boorisay in la yeesho wadatashi dhexmara hogaamiyayaasha siyaasadda si loo tiigsado wadar-ogol, sidii horay loogu sii dhaqaaqi lahaa iyo shirka la filayo inuu dhexmaro dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Dhanka kale Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicholas Berlanga ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran, isagoo ku adkeeyay baahida loo qabo is afgarad siyaasadeed oo ku saleysan mabaa’diida la isku raacay in la furo saaxada siyaasadda, laga soo bilaabo min xulasho illaa doorasho, iyo doorashada waqtigeeda.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ay shalay Baarlamaanka ka hor-jeedisay warbixinta doorashada 2020/21, kaasoo ahaa mid la wada sugayay.

Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa caddeysay in doorashada habka diiwaan gelinta ay ku dhici karto muddo 13 bilood gudahood laga bilaabo bisha July 2020 illaa bisha Agosto 2021.

Waxaa ay sheegtay doorashada nooca diiwaan gelinta aysan ku qabsoomi karin bisha November ee sanadkan oo ah xilliga Baarlamaanka waqtigiisa dhamaanayo,

Sidoo kale waxaa ay xustay in doorashada ku dhaceyso hab diiwaan gelinta ay ku dhici karto illaa bisha Agosto 2021.


Daawo:Xildhibaankii Buuqa & Sawaxanka ka dhex istaadhey Fadhiga Barlamaanka S/land oo ka hadlay ujeedku ka lahaa

Xog-Xasaasiya:Shirkado & Ganacsato lacago badan & Deymo Muddo dhaafa ku leh madaxtooyada Soomaaliya oo cabsiyi soo foodsaartey

$
0
0

Shirkado & Ganacsato lacago badan & Deymo Muddo dhaafa ku leh madaxtooyada Soomaaliya oo cabsiyi soo foodsaartey

Qaar ka mid ah ganacsatada iyo shirkadaha ka howl gala Muqdisho ee ka shaqeynayay Madaxtooyada Soomaaliya seddaxdii sano ee lasoo dhaafay ayaa ka cabanaya shaqooyin badan ay qabteen lacagtooda aan la siin si aan wanaagsaneyna loola dhaqmayo.

Shirkadahan iyo Ganacsatada qaar ayaa sheegay in ay ka cabanayaan Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xersi (Fuursade), oo is hortaag ku sameeyay in ay helaan lacagaha deynta ah ay ku leeyihiin Madaxtooyada looguna qabtay shaqooyin kala duwan.

Agaasime Nuur Fuursade ayey sheegeen ganacsatana in uu diidan yahay bixinta lacago deyman ah oo lagu leeyahay Madaxtooyada Soomaaliya oo shaqooyin loogu qabtay inta uusan xilka qaban iyo inta uu xilka hayay .

Waxa ay sheegeen shirkadaha iyo ganacsatada lacagaha deynta ku leh Madaxtooyada Soomaaliya in arintooda u gudbiyeen Xildhibaano iyo dad kale oo galaan gal u leh Madaxtooyada balse agaasimaha been u sheegayo kuna qancinayo in la bixin doono.

”Anagana Madaxtooyada waxaa ka shaqeynayay muddo seddax sanno ah waxaa lasoo shaqeynay agaasimayaashii Nuur Fuursade ka horeeyay oo ay ugu danbeysay agaasime Aamina Saciid ,wax dhib ah kuma qabin agaasime Aamina dhankasto ha noqoto mid macaamil wanaag  ama mid lacag bixin intaba, laakin laga bilaabo markii lasoo magacaabay agaasime Nuur waxa uu diiday inuu bixiyo lacagaha deynta ah ee ku taagan xafiiska Madaxweynaha muddada sanadka ah xataa inuu fursad na siiyo aan kula kulano waa diiday waxa uu dhahay agaasimihii hore waxii la xariiro la igalama hadli karo.  Walahi waxaa walwal xoogan ka qabnaa waqtiaga dowlada oo gabagabo ah iyo xiliga kala guurka ah in ay ku dhumaan xoolahena ama lagaga faaiideysto xiligan adag ee wadanka iyo guud ahaan aduunka ka jirto.” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada lacagta ku leh Villa Somalia

Ganacsatada iyo Shirakadaha Deymanka ku leh Madaxtooyada ayaa isugu jiro kuwa laga qaaday baabuur, alaabo furniture-ka, stationary, shidaal iyo shirkada dhismaha iyo kuwa qurxinta xafiisyada iyo waliba hoteelo leh lacago dad la seexiyay oo madaxtooyada marti u ahaa.

Shaqooyin badan oo ka socday Madaxtooyada Soomaaliya sida dhismayaal iyo qurxin ayaa istaagtay kadib markii agaasimaha Madaxtooyada ka biyo diiday in uu bixiyo lacagaihii hore ee deymanka lagu lahaa Villa Soomaaliya .

Dadkan xoolaha ka maqan yihiin ayaa ka codsaday in arintaan uu soo fara galiyo Madaxeynaha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdulahi farmaajo, waxa ayna sheegeen in aaminaad wax ugu qabteen Madaxtooyada balse hada ay shaleyto ka joogto.

Dowlada fadaraalka ayaa markasto ku faani jirtay in wax lacag deyn ah lagu laheyn oo uu kordhay dhaqaalaha wadanka, taasna waxaa Meesha ka saaray cabashadan hadda taagan oo caqabad ka dhigi karta deyn cafinta  Soomaaliya .

Halkan ka dhegayso dood taariikhi ah oo lagu qaadaa dhigaayo sidii ay ku timid israacii Somaliland iyo Somalia

Qarannimadii Lagu Hungoobay

$
0
0

QARANNIMADII LAGU HUNGOOBAY: QEYBTII 2

Lixdan sannadood ka dib maalintii koonfur Soomaaliya ka xoroday gumeysigii, ayaa maanta bulshadaasi weli raadgoobaysaa oo hadba ciddii hoggaan u noqotaa ku hadaaqayaan midnimo Soomaaliyeed.

Midnimada loo hanqaltaagayaa waa tii goof xamar ku yaal ku dhacday 1dii Juulay, 1960. Cidda aan weli quusanna wakhtiga ayaa si fiican u qancindoona, Soomaaliyana waxa la gudboon in ay la yimaadaan farsamadii ay kaga gudbi lahaayeen dhibaatada dalkooda ka aloosan iskana illaawaan wax loo gu yeedho “Midnimo Soomaaliyeed” oo dib loo yagleelo. Waxa haboon in wixii aan berri ka maalin laga fursan doonin in hor laga yeelo. Qasab, juju ub, iyo sundulayn midna lagu helimaayo in mar dambe Somaliland iyo Somalia qarannimo wadaagaan. Sababtuna waxay tahay mar haddii lagu hungo obay rajadii laga qabay SHANTOO ISWEHESHADAY, waar kala quusataye Soomaali koonfureed qoomamo la’aaday. Maalinta aad u dabaaldegeysaan sannad guuradeedii sagaal iyo afartanaad midhihii laga dheefsaday waxay noqdeen in maanta ummaddii Soomaaliyeed ee lixdankii isu soo hilowday kala dhaqaaqdo oo dib la isugu soo dabaali mkariwaayo. Intaa markaan halkaa ku dhaafo, bal dib an u eegno maalintii 1da Juulay, 1960, iyo qaskii iyo majarhalowgii madashii labada dal ku midoobi lahaayeen hadheeyey iyo sidii wax loo maamulay.

ISDHEXYAACII 1da JUULAY 1960

Laba dal oo ka xoroobay laba maamul gumeysi oo dhaqanka iyo xeerarko odu kala duwanyihiin midayntooda si loo maareeeyaa aad ayey u adagtah ay haddii aan marka hore laga baaraan degin iswaafajinta distoorada iyo shuruucda ka farcanta, midaynta maamulka guud, dhaqaalaha, caddaala da, waxbarashada, Ganacsiga, Bangiyada iyo Lacagaha, iwm. Taasina waxay u baahnayd in mudo dheer looga hawl galo ka hor intaan xiligii gobanimada la gaadhin. Hadaba iyadoon wax daraasad cilmiyeysan ah la samayn ayaa wakhti kooban gudihii la damcay in wax loogu yeedho “Jamh uuriyad Soomaaaliyeed” la dhoob dhoobo. Halka sartu ka qudhuntay waxay ahayd khaladaad farabadan oo dhacay maalinataa bisha Juulaay 1dii 1960 ayaa markale khaladaad kuwii hore ka sii daran la doonay in wixii khaldamay dib loogu saxo.

MUGDIGII 1da JUULAY, 1960

Madmadowga ku gadaaman dhacdooyinka taariikhiga ee la jaanqaaday dhalashadii “Jamhuuriyadda Soomaaliya” iyo sidii sharciyaddiisa loo meel mariyey waxa lafa guridoona garyaqaanada ku xeesha dheer arrimahaas. Sida ku cad dhammaadka distoorkii koonfur Soomaaliya, waxa jirey shan qodob oo dheeraad ah kuna tilmaamnaa Qodobo ku Meel Gaadh iyo Qaar kama Dambeys ah [Transitional and Final Provisions]. Qodobka koowaad [Fulinta Awoodo Ku Meel Gaadh ah], Faqraddiisa 2, ayaa dhignaa sidan soo socota:

“Ka dib marka la saxeexo heshiiska Midowga Somaliland iyo Somalia ayaa Golaha Wakiilada qaranku si deg deg ah udoorandoona Madaxweyne ku-meel-gaadh ah si waafaqsan Distoorka Soomaaliya qodobkiisa 70, faqraddiisa 2; Madaxweynahaas oo xilka heyndoona ka hor inta la soo dooranayo Madaxweynihii u horeeyey ee dalka, amaba la dooranayo Madaxweyne ku-meel-gaadh ah oo kale sida uu qeexayo qodobka IV, faqradiisa1 ee qodobada ku meel gaadhka iyo kama dambeysta ah.”

Haddii la is waafajin lahaa labadii distoor iyo labadii xeer midow ee labada dal, meesha waxa ka dhalan lahaa qaran waara oo ‘Seddexdii Maqnaana’ ku soo hirtaan. Himiladaasina waxay u dhicisoowday oo caqabad ku noqday loolankii adkaa ee siyaasiyiintii koonfureed ugu jireen awood qaybsiga.

F.G: Ereyada Dowladdda Soomaaliya ee ku Meel Gaadh iyo Dowladda Fede raalka Soomaaliya ee ku Meel Gaadh ah, ee ilaa hadda ay Soomaali koonfureed ku dheggantahay waxay salka ku haysaa Qodobadaa ku meel gaadhka iyo kama dambeysta ah ee distoorkoodii 1960; welina waxay raadgooboyaan Dib-U-Midayntii labada dal! Bal akhristo eeg lifaaq Distoorkii la mustafeeyey ee December 31, 1963.

Hadaba iyadoo sidaasi jirtey, markaynu sooyaalka taariikhda dib u raadra acno, qodobkaa isaga ah siduu u dhignaa ma loogu dhaqmay? Jawaabta oo koobani waa MAYA, sabtuna waxay tahay: Iyadoon la isla meel dhigin hashiisyadii labada wadan ku midoobi lahaayeen, ayaa 1dii Juulay, 1960, labadii Gole Sharci dejineed Md. Adan Abdille Cismaan, uu doorteen Madaxweyne ku Meel Gaadh ah.

Waxa xussid mudan in dhammaan wax yaabaha la isla ogolaaday ee la damacsanaa in labada dal lagu mideeyo waxay u qornaayeen qaabka:

1. Heshiisyo mabda’iyan la isugu raacasanyahay; “Agreements in principle”;
2. Heshiisyo laba geesood ah; “Bilateral Agreements.”

Kolayba waxa hubaal ah in aan Heshiis Mabda’iyan ah iyo Heshiis laba geesood ihi isku awood ahayn marka laga eego dhinaca sharciyadda. Iyadoo sidaasi jirto bal an is weydiino Sua’aalahany: Ma jiraan heshiisyo kama dambeys ah oo labada dal isku raaceen? Noocey ahaayeen? Xilima ayey dhaqan galeen? Ayaa labada dal wakiil uga ahaa goobtii heshiisyada lagu saxeexay?Jawaabta oo kooban waxa weeye: Wax heshiisyo ah oo la isla meel dhigay haba yaraate ma jiraan oo waafaqsan sida uu qeexayo xeerka Caalamiga ah ee Heshiisyada laba Geesoodka ah.

Halka muruga iyo ismaandhaafku ka jiraa waa sharciyadda lagu meel mariyey israacii labada dal sidaan hore u soo sheegay oo waafiqiweydey xeerarka caalamiga ah, fasiraadda waxaynu u daafi garyaqaanada arrimahaas aqoonta u leh.

Habeenimadii ay Soomaali konfureed u diyaargaroobaysey xoriyadeedii, ayaa waxa soo shaac baxay xeer labada dal ku midoobaan oo si weyn u khilaafsan kii Somaliland ayey soo bandhigeen. Marka xaal halkaa marayo, ayaa Golihi xukuumadda Somaliland wuxu go’aansaday bishi Juun 30ii 1960:

1. In aan la saxeexin “Xeerka Midowga SOMALILAND IYO SOMALIA.’’
2. In xeerka midowga mabda’ ahaan la ogolaado, aanse la saxeexin;
3. In labada dowladood [Somaliland iyo Somalia] diyaariyaan xeer Labada dal ku midoobaan;
4. IN Xeerka midowga labada dal la hor geeyo labada Gole sharci dejineed si kama dambeysna loo Ansixiyo.

Sida la wada ogsoonyahay madax bannaanida koonfur Soomaaliya waxay horey ugu mudeysnayd 2 Bisha Decembar, 1960. Hada si ay ula midowdo Somaliland ayaa Ururka Qaramada Midoobay soo dedejiyey madax bannaanidii koonfurta lloguna cayimay Bishii Juulay 1dii, 1960. Sidaa ayey koonfur Soomaaliyana ku noqotay gobolkii labaad ee gumeysiga ka xoroobay in kastoo qaar ka mid ah qaryaaqaanada ku xeesha dheer qawaaniinta adduunku ay tibaaxayaan in Koonfur Soomaaliya aanay madaxbaanni iskeed u helin haba yaraate ee ay ka dhextoostay “Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

DHACDOOYINKII 1da JUULAY, 1960

Halkaa markay marayso ayaa subaxnimadii Juulay 1dii,1960 labadii Gole Sharci Dejineed mabda’ ahaan isugu raaceen dhalashadii JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA, isla fadhigaa laftiisa ayaa MD. Aaden Cabdille Cismaan Dacar loogu doortay madaxweyne ku-meel gaadh ah. Isla maalintii 1 Juulay, 1960 ayuu Aaden Cabdille Cismaan wareegto madaxweyne ku meel mariyey “Xeerka Midowga Somaliland iyo Somalia-Wareegtada Tirsigeedu aha: 1 ee 1da Juulay 1960.”

Su’aal: wareegtadaa madaxweynuhu iyo distoorkii koonfur Soomaaliya ma is daboolayaan? Dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee isla wareegtadu ka dhawaajisay iyo distoorka la dhaqan geliyey ma iswaafaqsanyihiin? Intaba jawaabtoodu waa MAYA.

Distoorkii koonfur Soomaaliya ee 1 Juulay 1960, qodobkiisa 63, faqradda seddexaad ayaa u dhignayd:

“Haddii aan xeerarka wareegtoyinka ah muddo shan maalmood gudohood ah loogu bedelin xeer, waxa lumidoodoona ku dhaqankooda laga soo bilaabo maalintii la shaaciyey.”

Wareegtadan oon distoorkii koonfurta laftarkiisa waafaqsanayn iskeed ayey isu burisey maxaa yeele shan maalmood gudohood Golihi Sharci dejinta laguma hor geyn si xeernimadeeda loo ansixiyo.

Sida taariikhda ku xussan mudadii u dhexaysay 1960-1965 dalkii la isku odhan jirey Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa lagu maamuli jirey Wareegto madaxweyne[Presidential Decree], Wareegto Sharci dejineed [Legislative-Decree], Xeer Barlamaan[ Laws], Wareegto Wasiir [Ministrial-Decree] iwm.

Sida la wada ogsoonyahay todoba bilood kadib markii xornimada la gaadhay ayaa la dareemay mugdigii iyo madmadowgii ku gadaanaa midowgii labada dal. Bishii Jan. 18, 1961 aya mar labaad GOLIHI Sharci dejinta la horkeentay xeer labada dal ku midoobaan oo cusub ka dib marka afti loogu codeeyo; bishii Jan. 31, 1961 wakiiladii labada dal aya xeerkii ansixiyey. Tixraac xeerka tirsigiisu yaha lambar 5 ee 31 January 1961, laguna daabacay Wargeyskii Rasmiga ah, tirsigiisa Lambar 2, 1961. Daqan galka xeerkani wuxu ka soo bilaabmayaa Juulay 1dii, 1960? Haddaan meesha jahawareer hadhayn, maxaa sabab u ah in sharciyaddii midowga [Waa haddiba ay jirteye] mar labaad la baadi goobo?

SHARCIYADDII MIDOWGA

Bal dib aynu u yara raadraacno qoraalo iyo cilmi baadhis ay sameeyeen garyaqaaano iyo aqoonyahano ay ka mid yihiin Dr. Xaaji N.A. Nuur Muxamed, John Drysedale, Rajagopal and Carroll, iyo Yuujiin Qudraan, Garyaqaano ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Koonfur Afrika, Weftigii xqiiqo raadinta ahaa ee Midow Afrika iyo qaar kaleba waxa ay tilmaamayaan in aanay jirin qqab sharciyeysan oo Somaliland iyo Somaaliya ku midoobeen.

Ugu horeyn aynu eegno sida uu qoray garyaaqaanka la yidhaa Yuujiin Qudraann bal laba qodob aynu ka soo qaadano xeerkii midowga ee Cusbaa:

Qodobka sagaalaad faqradihiisa 1 iyo 2 ee xeerka midowga ee cusub ayaa u dhignaa:

1. Qodobada xeerarka Soomaaliya amaba Somaliland, oo uu ka mid yahay Distoorka Somaliland, oo ka hor imanayaa distoorka Jamhuuriyadda Soomaaliya, dhammaantood waa la laalay;
2. Qodobada xeerka midowga Soomaaliya iyo Somaliland iyana dhammaantood waa la laalay, marka laga reebo qodobka 11, faqaraddiisa 4.

Qodobka sideedaad ee Xeerka Midowga cusub ayaa tibaaxaya:

“Sharciyadii lagaga dhaqmi jirey Somaliland iyo Somalia xiligii la aasaasay Midowga sidoodii ayey u shaqeyndoonaan iyaga oo waafaqsan qodobada Distoorka, Xeerka, iyo Xeerarka mustaqbalka.”- Tixraac wareegtada Madaxweynaha lambarkeedu yahay 19, kuna taariikhaysan Oktoobar 11, 1960, laguna daabacay Warkeyska Rasmiga ah lifaaqyadiisa 1-4, 1960.

Distoorka Somaliland ee la laalay wuxu qeexayaa qab dhismeed dowladeed oo u kala qaybsanaa: Fulin, Sharci Dejin, iyo Garsoor. Sida aynu ogsoonahay garsoorka waxa hoos imanaya dhammaan Xeerarka iyo shuruucda dalka u taal.

Sual: Haddii Distoorkii iyo Xeerkii midowga ee Somaliland lahayd gebi ahaan noqdeen qaar lid ku ah Distoorkii Soomaali koonfureed samaystay oo loo dhaqan geliyey in uu noqdo distoorkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, sidee ayey labada dal ku midoobeen? Dalkan Distoorkiisii iyo Xeerkiisii Midowgaba la deedifeeyey sow ma noqonayo dal xaqiisii jiritaan, qaranimo, iyo taariikheedba la tirtiray oo ku dhex milmay mataantii dhigiisa ahayd ee madaxbannaanaata Bishi Juulay 1, 1960?

AFTIDII DISTOORKA: 20kii JUUN 1961

Iskusoo wada xooriyo, iyada oo laga duulayo xeerkii Bishii January 31st, 1961 ee tirsigiisu ahaa lambar 5, ayaa dalkii la isku odhan jirey Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxa laga hirgeliyey afti guud oo ka koobnayd laba qaybood oo is xambaar ahaa: Distoor/Xeer Midow xalaaleeya israacii labada dal. Aftida waxa loo mudeeyey in ay dhacdo 20th June, 1961, waxay ahayd isxambaar ka kooban Distoor/Xeer Midow. Waa halka la yidhaa Hal xaaraan ihi, nirig xalaal ah ma dhasho.

Xisbigii SNL oo xiligaa uu hoggaaminayey Allah ha u naxariitee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxu u ololeeye in aan loo codeyn aftida Distoorka, waanu ku guuleystey oo aqlabiyadda dadka reer Somaliland intii codeysey waxay ku codeeyeen MAYA, in badan oo bushlada ka mid ihina mabay codeyn. Xukuumaddii dhinaca koonfureed ka rarnayd marnaba may tixgelin xaqiiqada jirtey. Bishii September, 1961 ayaa natiijadii aftida xeer lagu dhaqan geliyey oo Wargeyskii Rasmiga ahaa lagu daabacay, waxan qalinka ku duugay Md. Aden Cabdille Cismaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmarke oo ahaa madaxweynihii iyo Raiisul-wasaarihii xiliga. Markaa ma wax la meel mariyey natiijo labadii dalba aqlabiyad ugu codeeyeen, mise waxay ahayd mid dhinaca koonfureed ka raran?

Oodobka Afraad, faqraddiisa 1, ee Qodobadii Ku Meel Gaadhka iyo Kama Dambeysta ahaa aynu hore usoo sheegnay wuxu ka hadlayaa Natiijada, waxanu u qorna sidan soo socota:

” Haddii natiijada Aftidu ka hortimaado daqan galka distoorkan, Golaha Sharci Dejinta ayaa shan iyo toban maalmood ka dib marka ay Maxkamadda Sare ku dhawaaqdo natiijooyinka, ayaa doorandoona madaxweyne cusub oo ku meel gaadh ah, kii horena aanu xilka sii heyndoonin; Golaha Sharci Dejinta ayaa ka hawl gelidoona daqangelinta distoor cusub oo afti loo qaado lix bilood ka dib magacaabidda madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee cusub.”

Meelmarinta natiijo aftiyeed oon waafaqsanayn xeerarka Caalamiga ayaa noqonaysaa waxba kama jiraan. Waa marka u horeyse eh tiro koob rasmi ah laguma hawl gelin; goobjoogayaal Caalami ihi markhaati kamay ahayn; natijada qaabka loo turjumayo heshiis laguma ahayn. Waxaan marnaba isqabanayn laba dal ayaa midowgoodii qiil loo raadinaya iyo waxa ay dowladdii xiligaa talada haysay la shir timid. Iyadoo sidaasi xaqiiqadii jirtay tahay, bal an eegno xeeldheerayaasha haya keydka taariikhda iyo siyaasadda Soomaaliyada ee la kowsatay Aftidii la qaada 20 Juun 1961, iyaguna waxay isxambaarka aragti ahaan uga yidhaahdeen:

“Waabaa beryey bilicsan; waxa mar qudha daaha loo rogay taariikhdii gumeysiga iyo wixii ka horeeyeyba. Qaarada Afrika waxa ku soo kordhay dal cusub oo la magic baxay: JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA, midaysnaandoona tan iyo inta suurta laga affuufayo, sida ku qeexan Xeerka Dib-U-Midowga Qodobkiisa ^&, faqraddiisa *#!!’’. Hawraarsan weeyaan haddan kontonkii sannadood ee u dambeeye wixii dhacay aan warkooda la wada heyn; nin ka been abuuriyo iyo mid sideeda u sheegaba ha joogtee, waxaan marnaba lagu murmeyn laba erey oo suugaanta afka Soomaaliga ku soo kordhay aftida dabadeed: “Walaweyn” iyo “Aaden Yabaal” oo tilmaamaya cod isdabamarin iyo sanaaduuqdii oo la cabbeeyey- “Vote Rigging and Ballot Stuffing.” Labadaa tuulow iyagana nasiib darrodaa taariikhiga ah aya ku habsate kow dheh.

Waxa isla sannadkaa 1961 Wargeyskii Rasmiga aha lagu daabacay qodobadii “Xeerkii Midowga Somaliland iyo Somalia” ee xukuumaddii Somaliland koonfur ula tagtay!!!

Bishii December 10th, 1961 ayaa Saraakiishii Ciidanka Somaliland (Somaliland Scout) oo uu hoggaaminayo Allah ha u naxariistee Xasan Cabdille Walanwal isku dayeen afgambi in ay qaranimadii Somaliland dib ugu soo ceshaan. Nasiib darro afgambigaasi wuu dicisoobay. Saraakiishaas waxa lagu soo oogay dacwad dil ah oo socotay Bishii December 10th, 1961 ila Bishii Abril, 1963; ka badbaade oo xeer tiirka qabadsiiya waa loowaayey iyadoo xeerarkii Jamhuuriyadda Soomaaliya ku midoobeen iyo distoorkeediiba waxba kama jiraan noqdeen.

Wa taciyahaa udunun waaciya

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
Email: asabeyse@hotmail.com

To: Hon James Swan, United Nations Ambassador to Somalia

$
0
0

To: Hon James Swan, United Nations Ambassador to Somalia
To: Hon Donald Yukio Yamamoto, United States Ambassador to Somalia
To: Hon Nicolas Berlanga, European Union Ambassador to Somalia
To: Hon Ben Fender United Kingdom Ambassador to Somalia
To: Hon Mehmet Yilmaz, Turkish Ambassador to Somalia
To: Hon Mohamed Ali Guyo, IGAD Special Envoy to Somali
To: Hon Musa Behi Abdi, President of the Republic of Somaliland
To: Hon Yassein Haji Mohamoud “Faratoon”, Foreign Minister, Republic of Somaliland
To: Drs Adna Adan Ismail, Head of Somaliland negotiations Team

Your Excellencies,

Contrary to the ire and the innuendos of a so-called Northern Somali Unionist Council, the dialogue between the Republic of Somaliland and the Federal government of Somalia is a bilateral issue on the final disposition of a purported union dating back to 1960. The said union failed to meet the minimum legal requirements of international bilateral agreements. To that end, fringe organisations operating on the periphery of civility have no place at the negotiations table. The tune of the language of the letter of NSUC addressed to the international community is incendiary, inflammatory, and seditious intended to create communal strive and instability in Somaliland.

The recent conference between the Republic of Somaliland and the Federal Government in Djibouti, struck a raw nerve among the fellow UNIONIST compatriots. The mere mentioning of TWO STATES in the final communique of the said conference, sent the UNIONIST ZEALOTS into a perpetual tailspin. The ensuing shenanigans and the vitriolic diatribe do not change the date of reckoning with reality-The final dissolution of an entity that wreaked havoc in the Horn of Africa.

A fact-finding commission of the African Union visited Somaliland from April 29th to May 4th 2005. The commission concluded that the said union was never ratified in the form of a legally binding document. The commission also found that the issue does not involve the redrawing of colonial boundaries existing at the time of independence. In 2003 similar team from the Republic of South Africa made a similar conclusion.

I, the undersigned Ahmed Ali Ibrahim Sabeyse, do hereby send my heart felt and sincere condolences to the members of the Northern Somali Unionist Council on the sudden demise of the beloved Somali State. I can feel the anguish, the pain, and the suffering that befell on the group.

The Somali state had been in a comatose condition for the past twenty years; sustained by the miracles of modern medicine- A life support machine gave it a modicum of sustenance for so long. With the unexpected failure of the vital organs, the medical team finally switched off the life support system and declared the death of a patient that had been in a semi-putative state.

The deceased will be accorded a befitting burial at his birth place-HARGEISA, SOMALILAND. A plot of 1 Hectare has been assigned as memorial site. A 20 meter by 20 meters by 100 meters grave will be dug at the center of the plot. A slot of 2 meter by 3 meters and 100 meters deep- enough to lower the sarcophagus containing the remains of Somali UNITY. Immediately after the completion of final rites, the grave is filled with 50,00 tons of steel wire mesh and 100,000 tons of cement lest the devil rears its ugly head ever again. The inscription on the cenotaph will:

“​HERE LIES FORE-EVER THE REMAINS OF THE DEMON THAT HAD TORMENTED THE SOMALI SOCIETY.”

GOD BLESS THE REPUBLIC OF SOMALILAND,

AHMED ALI IBRAHIM

asabeyse@hotmail.com

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>