Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Hayadda WHO oo digniin adag siisay dalal ay Soomaaliya ku jirto oo shaaciyey iney..

$
0
0

Hayadda WHO oo digniin adag siisay dalal ay Soomaaliya ku jirto oo shaaciyey iney..

 

Ha’yadda Caafimaadka Adduunk (WHO) ayaa ugu baaqday Dowladaha Afrika inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan xilli Dalal kala duwan oo ka tirsan Qaaraadda ay dib u fureen duulimaadyada, halka kuwo kalena ay qorsheynayaan iney dib u furaan.

Hadalka hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa kusoo aadaya xilli ay Dowladda Soomaaliya ku dhowaaqday in Maalinta Berri ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 5/7/2020-ka ay dib u furi doonto duullimaadyada gudaha Dalka.

WHO ayaa ku baaqday in si dhab ah loo raaco talooyinka caafimaad ee looga hortaggayo fiditaanka Feyraska Corona’waxanay codsatay in shirkadaha Diyaaradaha ay la socdaan xaaladda rakaabka si loo xakameeyo safmarka.

Madaxa Ha’yadda Caafimaadka u qaabbilsan Geeska Afrika Drs,Matshidiso Moeti ayaa sheegtay in duullimaadyadu ay muhiiim u yihiin dhaqaalaha Dalalaka Gobolka balse loo baahan yahay dhaqan gelinta tallaaboyinka ka hortagga cudurka.

Waxay ha’yaddu ka codsatay saraakiisha Garoomada Diyaaradaha in ay xaqiijiyaan kala fogaanshaha Dadka iyo in ay adeegsadaan dareeraha dila jeermiska.

WHO waxay sheegtay in Dalalka Cameroon, Equatorial Guinea, Tanzania iyo Zambia ay horey u bilaabeen duliimaadyadooda.

 


Warbixin:Maxay isku hayaan Abiy Axmed & Tigreegu?

$
0
0

Maxay isku hayaan Aby Axmed iyo maamul goboleedka Tigreega?

NAZARET
Madaxweynaha deegaanka Tigrey

Khilaaf ka dhashay dib u dhigista doorashada guud ee dalka Itoobiya, waxay uga sii dartay xiisadda u dhaxeysa dowlad deeganaka Tigreyga iyo dowladda federaalka ee Itoobiya uu uu hogaamiya ra’iisal wasaare Aby Axmed.

Maamulka deeganaka Tigreyga ayaa ku hanjabay in ay qabsan doonaan doorasho iyaga u gaar ah, ayna iska indha tiri doonaan go’aanka federaalka iyo guddiga doorashooyinka oo dib u dhigay doorashada guud oo ay ahayd inay dhacdo bisha Agoost ee sanadkan. Haseyeeshee arrintaas ma aanay suurtagelin oo waxaa saameeyay xanuunka corona.

Horaantii bishii Juun, aqalka sare ee Itoobiya ayaa muddo sanad ah ku kordhiyay muddo xileedka ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Taas waxay keentay in afhayeenka Keria Ibraahim oo xil sare ka heysa xisbiga TPLF ee Tigreyga ay iska casisho xilka, iyadoona Abiy ku tilmaamtay “kaligii taliye”.

Xisbiga TPLF oo hadda ka arrimiya deegaanka Tigreyga ayaa lagu eedeeyay inay qoronayaan askar “xilka ka tuurta dowladda federaalka”.

Dibadbaxyo aan horay loo arag

.
Dibadbaxyo ayaa ka dhacay deegaanka Tigrey

Xisbiga TPLF oo horay uga tirsanaa xisbigii EPRDF ayaa dalka Itoobiya maamulayay 27 sano, Way kala boodeen Abiy Axmed markii uu xilka qabtay , iyagoona markii dambe diiday in ay ku biiraan xisbiga cusub ee barwaaqada ee PP.

TPLF ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay hurinayaan dibadbaxyo ka dhacay gobolka Tigrey, waxayna intaa ku dareen in warbaahinta dowladda ay warar been abuur ah ka faafinayaan gobolka, si ay u kala qeybiyaan dowladda deegaanka Tigreyga iyo shacabka deegaankaas.

“Wararka been abuurka ahaa waa arrin guuldarreystay oo warbaahinta ay ku raadinayeen dulduleelo iyo in khilaaf la kala dhex dhigo xiriirka ka dhaxeeya maamulka deeganaka iyo shacabka oo dowladda federaalka madax xanuun ku noqday labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaan doonayaa in saaxiibada iyo cadawga aan u sheego in anaay jirin wax dibadbax ah oo ka dhacay meel kamid deegaanka Tigrey, sidookalena aysan jrin wax amni darri ah oo ka dhacay deegaanka,” waxaa sidaas lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay maamulka sare deeganka Tigre.

Qaar kamid ah dadka ku nool deegaanka Tigrey ayaa meelo kamid ah dhulka maamulka ka dhigay dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan maamul xumi, shaqo la’aan iyo caga-jugleynta dadka mucaaradka.

“Dibadbaxyada waxaa markii hore lasoo tebiyay bartamihii bishii May, waxayna ahaayeen kuwa goosgoos ah. Way adkeyd in si madaxbanaan looga soo warramo bannaanbaxyada”, waxaa sidaas kusoo warramay weriye katirsan wargeyska gaarka loo leeyahay ee Addis Standard.

Haseyeeshee dibabaxyadaas waxay minja xaabinayaan awoodda siyaasdaeed ee xisbiga TPLF uu ku leeyahay deegaanka.

“Xisbiga Tigree ee TPLF waxaa uu isku dayayayaa in uu in uu dadka kala qeybiyo oo uu dadka ka aragti duwna weeraro, hor-istaagana horumarka oo ay kamid tahay dimuqraadiyadda iyo dowlad wanaaga”, sidaas waxaa yiri madaxa xafiiska PP ee deegaanka Tigreega, Nebiy Sihul Mikael oo la hadlayay wakaaladda wararka ee dowladda Itoobiya.

.
Ciidanka Itoobiya

Xisbiga talada haya ayaa ku baaqay in tallaabo laga qaado TPLF, waxa uu na walaac ka muujiyay hab-dhaqanka mamauulka deeganka oo uu sheegay in taas ay gooni u fuquuqeyso dadka shacabka ee ku nool deegaanka Tigree.

“Gooni isutaag”

Xisbiga TPLF ee deegaanka Tigrey ayaa dhowr jeer ku hanjabay inay ka go’ayaan Itoobiya inteeda kale, iyagoo soo daliishada qoddob kamid ah dastuurka Itoobiya oo dhigaya “in shuruud la’an ay xaq u leeyihiin inay ismaamulaan oo ay kamid tahay gooni isu tag”.

“Waa inay jirtaa sinnaan dhanka qabaa’ilka, haddii kale waa in la ogaadaa in dadka Tigree-ga ay xaq u leyihiin inay go’aan,” sidaas waxaa ku goodiyay guddoomiye ku xigeenka gobolka Tigreega, ahna guddoomiyaha xisbiga TPLF.

Dadka indheer garadka ee kasoo jeedaa gobolka Tigree iyo mucaaradka ayaa sheegay in haddii lagu dhawaaqo gooni ustaag ay xaaladda uga sii dari karto oo ay “mussiibo noqon doonta”

“Marka ummad la doonayo in laga adkaado, mukhaadaraad ayaa la dhexgeliyaa.” Sheekh Dirir

$
0
0

“Marka ummad la doonayo in laga adkaado, mukhaadaraad ayaa la dhexgeliyaa.” Sheekh Dirir

Hargeysa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa bulshada uga digay halista mukhaadaraadka, uguna baaqay inay ka feejignaanaadaan isticmaalkiisa, ilaahay SW uga toobad keenaan dadka ku dhacay xumaantiisa.

Khudbadii Jimcaha oo Sheekh Maxamed uga hadlay khatarta maandooriyaha, oo ah wax kastoo caqliga bani’aadamka wax ka bedela, ama aanu ka bedelin, kol haduu caqliga taabanayo, khalkhalna ku ridayo haba yaraatee, ayuu yidhi,

Wax kastoo mukhaadaraad ah, wax la cuno, la cabo ama la isku muddo, waa xaaraan, diinta islaamkuna way xaaraantimmaysay, mowqif adagna iska taagtay, taasoo qofkii isticmaalana loo jideeyey ciqaabta uu leeyahay.

Dhibaatooyinka mukhaadaraadka oo Sheekh Maxamed ka waramay ayaa sheegay inay ka mid yihiin burburinta ummada, taasoo ummada had iyo jeer isticmaasha mukhaadaraadku ku burburto, gaa ahaan dhalinyaradooda. Marka dadku mushkilada doortaana Ilaahay SW wuu dulleeyaa. Sida Ilaahay aayad macnaheeda inoogu sheegay, “Dadku markii ay leexdeen, anniguna waan sii fogeeyey”

Dhibaatooyinka mukhadaraadka wax ka mid ah inuu baabi’iyo dhaqaalaha ummada, oo qofka maandooriyaha isticmaala, caadayste ayuu noqonayaa, oo wuu walfayaa, markuu xaraaradu qabato, ilmahiisa ayuu ku iibsanayaa. Awooda ciidan ee ummad leedahay way baaba’adaa, marka mukhaadaraadku dhexgalo. Sannado badan dalka Shiinaha iyo reer Yurub waxay ku dagaalamayeen mukhaadaraaka Afyuunka, way soo weeraraan, way iska difaacaan, khasab waxay kaga dhigeen inay u soo iibgeeyaan, ciidamadoodana dhexgeliyaan. Marka ummad la doonayo in laga adkaado, mukhaadaraad ayaa la dhexgeliyaa.

Ummadu waxyaalaha ugu qiimo badan ee ay helaan diinta ka dib, wax aka mid ah caafimaadka, waxyaabaha maandooriyahu khatarta ku hayo wax aka mid ah caafimaadka jidhka, dadku marka ay mukhaadaraaka badiyaan cimrigoodu wuu soo gaabtaa.

Qofka maandooriyaha isticmaalaya halis ayuu ku yahay nabadgelyada ummada, had iyo jeer waxyaalaha keena nabadgelyada darada keena wax aka mid ah marka qofku waayo dhaqaalahii mukhaadaraadka, waalidkii iyo ummadaba wuu boobayaa.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey sababaha keena in mukhaadaraadku faafo ayaa sheegay inay ka qeybqaataan dad shisheeye, ama iyaguba faafiyaan ama dad u soo dhiibaan. Waxa ka mid ah dadkoo ay ku yaraato cabsidii Ilaahay SW, sida aayada inoogu sheegay “ qofku markuu hagaagsan yahay, ma halaabo, cidna ma liiciso, laakiin markuu halaabo cid hanuunisa ma helo”

Nebigu CSW waxuu xadiis inoogu sheegay “Ilaahay SW ilaali, wuu ku ilaalinayaa.

Sababaha mukhaadaraadku ku faafo wax aka mid ah, inaan laga fekerin tarbiyadooda, dadka da’yarta marka la korinayo in la eego calooshooda keliya, balse la ilaawo caadifadooda, ruuxdooda, oon la barin casharada tarbiyada, Ilaahay SW waxuu aayad inoogu sheegay “Nafahiina iyo ehelkiina ka ilaaliya naarta” sida looga ilaalinayo waa in ehelka iyo ubadka lagu rabeeyo diinta, oo iimaan iyo aqoon wanaagsan oo ka horistaagta yeesho, Nebiguna CSW taas ayuu innagu adkeynayaa.

Sababaha fududeeya isticmaalka mukhaadaraadka wax aka mid ah qofkoo la saaxiiba dad xun, Nebigu CSW wuu inooga digay xadiis macnahiisu ahaa “Qofku waxuu haystaa diinta saaxiibkii” dhaqanka saaxiibki ayuu haystaa, ha iska ilaaliyo qofkuu la saaxiibayo. Nebiga CSW ayaa lagu amray inuu dadka wanaagsan la fadhiisto.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey sida looga badbaado halista mukhaadaraadka ayaa sheegay inay tahay toobad iyo in Ilaahay SW loo noqdo, oo lagu dedaalo in adoomada la dhaqanceliyo, Ilaahayna furdaamin ayuu siinayaa. Ubadka aynu rabayno sidaa hore aynu u soo sheegnay, goobaha wanaagsan aynu ka agdhowaano, goobaha cilmiga, meelaha wanaagsan iyo dadka wanaagsan, ubadkana lagu rabeeyo oo la geeyo.

Waxyaalaha lagu daaweynayo wax aka mid ah dadka wacdiga iyo waanadu anfaci waayaan in ficil loola tago, oo gacan la saaro, dadka kuwii kitaabka raaci waaya, hubka iyo awoodaa lagu hagaajinayaa, Ilaahay SW waxuu yidhi “Isu-kaalmaysta Alle-ka-cabsiga iyo samo-falka, dembiga iyo xumaantana ha isu kaashanina”


Mohamoud Ali Walaaleye

Freelance Reporter
Hargeisa- Somaliland

Aadan Muuse Jibriil Oo Faahfaahiyay Loolanka Dunida Ka Socda Iyo Geedi-Socodka Diblomaasiyada

$
0
0

Safiirkii hore ee Somaliland u qaabilsnaa Urur Gobolleedka IGAD, Aadan Muuse Jibriil ayaa ka hadlay Dariiqyada Somaliland Beesha Caalamku ku qiimaynayso ee u sahlaya inay hesho Dariiqa loo maro Ictiraafka ay ku raad-joogto.

Aadan Muuse Jibriil waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka dhex maray Somaliland iyo Dawladda Taiwan, waxaanu sheegay in xidhiidhkani aanu ahayn mid cusub, balse uu hadda sii xoogaystay, inkasta oo xilliga uu ku soo beegmay la taagan Xaalad Dunida u diyaar-garoobayso Dagaalkii Qaboobaa isla-markaana loo kala fadhiyo ‘Reer Galbeed iyo Reer Bari’.

Ambassador Aadan Muuse Jibriil oo ugu horrayn ka hadlaya waxyaabaha Midnimada Dadku ka mid tahay ee Somaliland looga baahan ayaa yidhi “Ictiraafku waa inaad dalkaaga Hantidid, midnimada dadkaaga iyo Wada-jirkiisa iyo xaq qaybsigiisa, hadday tahay dhinaca Maamulka, dhinaca dhaqaalaha inay isku dheeli-tiran tahay Maamulka dalkaaga.”

Aadan Muuse waxa kale oo uu sheegay “Innagu Somaliland ahaan 30-kaa sanadood waxaynu ku jirnay halgan ah sidaynu u xoojino Dawladnimadeena, mar walbana Mushaakil wuu jiraa, is-qabad baa jira oo Nolosha ayuu ka mid yahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dunidu waxay eegaysaa oo ay indhaha ku haysaa saddex Waxyaabood, inaad amniga dalkaaga inaad sugayso, Midnimada dalkaagu inay sugan tahay iyo inaad Istaraatiijiyad leedahay, inaad leedahay Qorshe dheer oo meesha uu u socdo la garan karo.”

Aadan Muuse Jibriil oo u warramay Telefiishanka Saab ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan ee dhawaan soo shaac-baxay uu muddo dheer jiray “Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan imika muu bilaabmin Runtii, illaa 20 sano ayuu jiray, laakiin wuxuu ahaa xidhiidh aan la shaacin oo hoose, dhallinyaradeenu Jaamacadaha Taiwan wax way ka dhiganayeen waxay ina siinayeen Waxbarasho (bilaash ah), laakiin kan imika bilaabmay waa mid kii hore ka qoto-dheer oo ka ballaadhan.”

Ambassador Jibriil wuxuu ka hadlay sida muhiimka u tahay in Shacabku ogaado in sida Dunidu sii qaybsamayso isla-markaana qoloba dhinac isku bahaysanayso “Arrinta loo baahan yahay in Dadkeenu ogaado waxa weeyaan markaynu xidhiidhka la samaynay Taiwan Cid baynu dooranay inaynu xidhiidh la samayno Cid kalena waynu ka tagnay, waxa la yidhaahdaa Meesha aad Nin ku qaadanayso Nin baad kaga tagaysaa, taasina aad bay xidhiidhka Arrimaha dibedda muhiim ugu tahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xaalad baa Maanta jirta uu bilaabmayo Dagaalkii Qaboobaa, dunidii way kala safatay, Reer Galbeed iyo reer Bari ayay u kala safatay, dhinac waxa taagan Shiinaha iyo Ruushka oo ah Quwado xoog leh oo imika soo baxay oo Cid walba isha ku hayso, dhinaca kale waxa taagan Dawladihii reer Galbeedka ee Dimuqraadiga ahaa, haddii innaga laga hadlo Somaliland ahaan dal dimuqraadi ah ayaynu nahay, dimuqraadiyadda Xisbiyada badan ku dhisan ayaynu u taagan nahay, waxaad mooddaa Adduunkaa cusub ee samaysmaya inaynu meel ka galayno ama meel ka galnay..”

Daawo:Mudaharaad laga soo horjeedo Farmaajo oo Muqdisho ka qarxay

UK, Denmark and Netherlands approve agreements with Somaliland Government on critical infrastructure to improve people’s lives

$
0
0

UK, Denmark and Netherlands approve agreements with Somaliland Government on critical infrastructure to improve people’s lives
The new agreements, supporting projects on roads, agricultural systems, water facilities and fisheries, will spur economic growth, helping to support a secure and prosperous Somaliland

Construction of Maydh fishing jetty in the Sanaag region
Construction of Maydh fishing jetty in the Sanaag region

Under Phase II of the Somaliland Development Fund (SDF2) programme, the UK, Denmark and the Netherlands have approved four agreements with the Somaliland Government to improve critical infrastructure to support economic growth. These projects were prioritised by Phase II of the Government of Somaliland’s National Development Plan, and will improve the lives of hundreds of thousands of people across Somaliland. The new agreements, supporting projects on roads, agricultural facilities, water systems and fisheries will spur economic growth benefitting the region and helping contribute towards a stable, peaceful and resilient Somaliland while improving its resilience to future pandemics through enhanced water, sanitation and hygiene (WASH) infrastructure.

These projects include:

Project 1:Rebuilding of Burao–Sheikh-Berbera road in Togdheer and Sahil regions
The rebuilding of the Burao to Berbera road will include 82km of full asphalt concrete overlay, the resurfacing of bridges and renewal of drainage systems. Improving connectivity between Somaliland’s port and its second largest city will reduce travel time and costs benefiting the 50,000 members of the public who use this road regularly and contributing to economic development by enhancing service delivery and boosting trade, particularly in the livestock, agriculture, and fishery sectors.

Project 2:Sustainable land management in Awdal and Maroodijeh regions:
The project will improve the agricultural production of small farmers through soil and water conservation, research, extension and farmer training. This project will target the agricultural areas of Durdur Ad Upper Catchment in Awdal and Maroodijeh Upper Catchment in Maroodijeh.

Project 3: Support to the Hargeisa Water Agency, supplying water to the people of Hargeisa.
The SDF2 will continue its support to the Hargeisa Water Agency (HWA), which supplies clean water to the people of Hargeisa. This project will allow HWA to extract an additional 4,000 m3 of water each day from Laasdhure aquifer. This project will increase the water available in Hargeisa by more than 20%, to 23,000m3 per day – enough to meet the needs of an additional 200,000 people.

Project 4: Construction of Maydh fishing jetty in the Sanaag region:
The Maydh Jetty will improve interconnectivity by sea between Berbera and the 750,000 people living in the hinterland of Sanaag and parts of Togdheer, spurring regional economic growth as well as facilitating the transport of fish to markets. This support will boost food security, employment and incomes.

The British Ambassador to Somalia, Ben Fender, said:

The UK is committed to supporting Somaliland lay the foundations for sustainable economic growth. We are announcing today a set of major infrastructure investments in four sectors across Somaliland. We will be upgrading the road from Burco to Berbera, supporting agricultural production in Awdal and Moroodijeh, increasing by 20% the water in Hargeisa, and building a jetty in Maydh to enable exports from Sanaag and Togdheer. These projects will improve the lives of hundreds of thousands of people by creating jobs and unlocking the region’s economic potential. At a time of huge challenges for Somaliland, including tackling COVID-19, this demonstrates the UK’s commitment to the people of Somaliland.

The Danish Ambassador to Somalia, Mette Knudsen, said:

Denmark warmly welcomes the approval of these four important SDF projects and the solidarity shown by the Government of Somaliland and SDF donors to identify priority needs, ensure regional and sectoral balance, and align SDF investments with the priorities of Somaliland’s NDPII. The investments are particularly timely in the face of the Covid-19 pandemic and its economic effects that are only just beginning to emerge. We are confident that these investments will have catalytic effects to spur Somaliland’s economic development and to help support and sustain Somaliland’s economic recovery from this terrible pandemic.

The Netherlands Ambassador to Somalia, Frans Makken, said:

The Kingdom of Netherlands has enjoyed cordial and collaborative relations with the Somaliland Government over many years; and through the projects in the SDF2, the Netherlands is happy to be part of the contribution to strengthening the social contract between the government and its people. These projects will strengthen the positive social and economic growth trajectory of Somaliland.

 

Source Gov.uk

Haweenay Ilaalada Boqortooyada ka Tirsan oo Warkeedu mashquuliyey Dadweynaha Reer Sacuudi Carabiya

$
0
0
.

Sawirka haweeneyda ka tirasan saraakiisha ilaalada Boqortooyada Sacuudiga ayaa noqday mid ay aad u hadal hayaan dadweynaha sacuudi Carabiya ee baraha bulshada isticmaala, waxaana uu horseeday falcelino kala duwan oo u dhaxeeya taageerayaasha in dumarka ay qeyb noqdaan saraakisha sar-sare ee ammaanka iyo mucaaradka diidan fikraddaasi.

Dood kulul oo uu horseeday sawirka haweeneyda ayaa bilaabatay, ka dib markii uu daabacay Amiirka Boqortooyada Sacuudiga Bin Khaled Al Saud.

Sawirka muranka badan abuuray ayaa muujinaya haweeneey xiran dareeska ilaalada Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu bar-bar taagan yahay askari kale. Waxay taagnaayeen albaabka goob la aaminsan yahay iney tahay gudaha Qasriga Boqortooyada ee magaalada Riyaadh.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala barta Twitter-ka ayaa soo dhaweeyay fikradda ah in haweenka ay ka mid noqdaan Ilaalada Boqortooyada sida ragga oo kale, waxayna qorshahaasi ku tilmaameen mid-waangsan oo dhiira-gelin u ah guud ahaan dumarka.

Waxay sheegeen in tallaabadani ay sidoo kale bulashada u horseedeyso sinaanta jinsiga.

Dhanka kale qaar ka mid ah dadka adeegsada barta Twitter-ka ayaa ka soo horjeestay fikrada ah in haweenka ay ku biiraan gabi ahaanba ciidamada ammaanka halka qaar kalana ay ku doodayaan ineysan sinaan ahayn haddii haweenka lagu daro ciidamada Ilaalada Boqortooyada.

Dadka qaar waxay aamisan yihiin in Sacuudi Carabiya aysan weli gaarin heerkii ay ku ogolaan lahayd in haweenka ay ku biraan ciidamada amniga sababtoo waxay aaminsan yihiin in tallaabadaasi ay ka so horjeedo caadada iyo dhaqanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Sannada ka hor, dhaxal-sugaha Sacuudiga Carabiya Maxamed Bin Salmaan, ayaa isku dayay inuu hagaajiyo sumacadda dalkiisa ee caalamka isagoo bilaabay olole ku aaddaan hiigsigiisa 2030-ka, kaasi oo dad badan u arkeen inuu amiirka isbadal badan sameyay oo ay inta badan ka faa’iideen haweenka Sacuuudiga. Waxay heleen xornimo iyo dhaqaaq aysan markii hore haysan.

Diyaarad ka kacday Muqdisho oo shil ku gashay Garoon Diyaaradeed oo ku yaala Somalia+Sawirro

$
0
0

Diyaarad shil ku gashay Garoon Diyaaradeed oo ku yaala Somalia+Sawirro

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi shil ku gashay diyaarad nooca yar yar ah oo ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Diyaaradan oon wali la shaacin waxa ay waday ayaa shil aan khasaaro nafeed geysan ku gashay garoonka diyaaradaha Baardheere, waxaana diyaarada oo nooceedu yahay 5Y-WFC soo gaadhay waxyeelo.

Sida wararka aan ka helay diyaaradan tibaaxayaan xabadka ay dhigatay garoonka diyaarada degmada Baardheere, waxaana diyaaradan shilka gashay iska leh shirkada lagu magacaabo Buff Air .

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay  Wasaarada duuliista hawada Xukuumada Farmaajo oo ku saabsan shilkan diyaaradeed ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Baardheere.

   

 


Shir ay Yeesheen Xubnaha Gudida Fulinta Xisbiga Waddani & Arimaha lagaga Hadlay+Sawirro

$
0
0

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta shir guddoomiyey shirkii fulinta xisbiga oo muddo 4 billood ah aan qabsoomin.

Shirkan ayaa lagaga hadlay Arrimaha qabsoomidda doorashooyinka, xulashada xildhibaannada xisbiga, dar-dar galinta hawlaha xisbiga iyo sidii haweenka iyo bulshada laga tirada badan yahay u heli lahaayeen xuquuqdooda siyaasiga ah ee ka maqan

Sida oo kale waxa la iskaga xog waraystay arrimaha wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, dib u habaynta qaab dhismeedka xisbiga oo ay ugu horeeyaan dib u habaynta Gobollada iyo garabka Dhallinyarada.

Waxa kale oo la iskaga xog waraystay waxqabadka xisbiga ee muddadii aanay shirarku qabsoomin COVID 19 awgii

Berbera:Daawo,Gaadhi lala baxsaday oo Shil galay oo la qabtay+Alaabooyin mamnuuc ka ah S/land oo laga helay

St Lucia Should Follow Taiwan’s Lead And Recognize Somaliland

$
0
0


The World Needs Governments Standing Up for Freedom and Democracy: St Lucia should follow Taiwan’s lead and recognize Somaliland, writes Michael Rubin, a resident scholar at the American Enterprise Institute in Washington, DC and former Pentagon official

By Michael Rubin

St Lucia stands apart. It is not only a Caribbean leader in sustainable development and tourism, but it also remains a beacon for moral clarity. It is, for example, one of only 15 states—and three Caribbean states–that recognizes Taiwan. On October 10, 2019, Prime Minister Allen Chastanet visited Taipei to commemorate the founding of the Republic of China. Edwin Laurent, St Lucia ambassador to Taiwan, explained last that month that despite Beijing’s pressure, he did not see mainland China able to sway pro-Taiwan public sentiment because both Taiwan and St Lucia embraced a common view of “democracy, rule of law, and freedoms.”

St Lucia can use its moral high ground, however, to expand such sentiments further. On July 1, Taiwan’s Ministry of Foreign Affairs announced that it and the East African nation of Somaliland would establish diplomatic offices in each other’s capitals and exchange diplomats. At its independence from Great Britain in 1960, 30 countries—including all five Security Council members—recognized Somaliland. The country then entered a voluntary union with Italian Somaliland to form Somalia. It was not a happy marriage: Somali dictator Siyad Barre waged a genocidal campaign against Somaliland’s predominant Isaaq clan. When he fell in 1991, Somaliland re-asserted its independence, but its previous recognition did not revert.

That has not stopped Somaliland to become the Taiwan of the region. While Somalia descended into state failure, Somaliland remained stable. While Somalia remains a country whose president is selected by a handful of appointed parliamentarians, Somaliland has had five one-man, one-vote elections secured by biometric iris scans. While China pillages Somalia’s offshore resources, Somaliland has, like St Lucia, become a leader in sustainable development and eco-tourism. It has even faced down Emirati royals who tried to illegally smuggle or hunt cheetahs and other wildlife. While Transparency International has ranked Somalia as the world’s most corrupt country for a decade, Somaliland remains business-friendly. It hosts Africa’s second-largest Coca Cola bottling plant and is a leader in digital currency.

Despite its democracy, isolation takes a toll. Because no country formally recognizes it, it remains outside the SWIFT international banking system. In practice, this means all international transfers must go through Djibouti, Ethiopia, or Somalia. Its lack of formal independence also hamper access to international assistance—a public health risk at a time of COVID-19.

Traditional arguments that new country recognition in Africa would open an endless cascade of claimants and border adjustments do not apply, both the British protectorate established its borders by treaty and the international community recognizes them in 1960. Diplomats from its largest neighbor and largest trading partner Ethiopia often quip that they will not be the first country to recognize Somaliland, but they will not be the third to do so either. Gambia also appears ready to act.

St Lucia already pursues a principled foreign policy. By looking beyond the Caribbean as it has done with Taiwan, St Lucia can not only forge new like-minded partnerships and assist a country which also shares historical ties to Britain, but it can also win an instant business and banking partner while also cementing its position as a leader for the democracy bloc on the world stage. Certainly, in these troubled times, the world needs governments standing up for freedom and democracy.

About Michael Rubin

Michael RubinMichael Rubin is a resident scholar at the American Enterprise Institute, where he researches Arab politics, the Gulf Cooperation Council, Iran, Iraq, the Kurds, terrorism, and Turkey. He concurrently teaches classes on terrorism for the FBI and on security, politics, religion, and history for US and NATO military units.

A former Pentagon official, Dr. Rubin has lived in post-revolution Iran, Yemen, and both pre- and postwar Iraq, and he spent time with the Taliban before 9/11. He is the author, co-author, and co-editor of several books exploring Iranian history, American diplomacy, Kurdish studies, and Shi’ite politics, including “Kurdistan Rising” (AEI Press, 2016), “Dancing with the Devil: The Perils of Engaging Rogue Regimes” (Encounter Books, 2014); and “Eternal Iran: Continuity and Chaos” (Palgrave, 2005).

Dr. Rubin has a Ph.D. and an M.A. in history from Yale University, where he also obtained a B.S. in biology.

Dhismaha Dekeda Maydh (The Maydh Jetty)

$
0
0

Dhismaha Dekeda Maydh (The Maydh Jetty)

Reer Sanaag Fursadan Mar Labaadka soo martay, ma ka faaiidaysan doonaan?

Gobolka Sanaag oo ah Gobolka ugu balaadhan uguna Hodansan Gobolada Dalka Somaliland waxaa haysta caqabado kala duwan oo curyaamiyay in laga faaiideysto Khayraadka balaadhan ee ku jira Badda iyo Berriga iyo Buuraha gobalkaas mucjisada ah oo ay ku duuggan yihiin Taariikho iyo culuun dhaxal-gal u ah Ummada Somaliland iyo guud ahaan Dunidaba.

Marka aynu hoos ugu soo degno Mawduucan dhismaha Dekeda Maydh waa mid ay ku hamiyaan Dadweynaha ku dhaqan Gobolkaasi Sanaag, waana mid ay Muhiimad weyn siinayeen Xukuumadihii kala danbeeyay ee soo maray Somaliland gaar ahaan Xukuumadihii KULMIYE ee Madaxweyne Siilaanyo oo Mashruucan ku dartay Wajigii hore ee (SDF) Sanduuqa Horumarinta Qaranka ee socday Sanadkii 2013 ilaa 2018. Waxaa kale oo Xukuumadan KULMIYE ee Madaxweyne Muuse ee imika talada haysaa ay mar kale ku dartay Wajigan labaad ee SDF ee bilowday 2018 socona doona ilaa 2023, kaas oo imika la sii daayay afartii Mashruuc ee u horreeyay oo ay Dekeda Maydh ku jirto.

Hadaba waa maxay Sababta dib uga riday in Mashruucan Dekeda Maydh uu ku hir geliwaayo wejigii koowaad SDF 2013/2018, suurto galse ma tahay in ay reer Sanaag ay ka faaiidaysan doonaan Fursadan labaad ee imika soo martay?

Aniga oo aan ku tiigaalayn kuna talax tegayn sababta Mashruucaas ragaadisay ee uu ku hirgeli waayay xiligii loogu talo-galay oo ay nagu kaliftay in aanu ku talino waagaas in dib loogu soo riixo Wajigan Labaad ee SDF2 ee imika, maadaama uu wakhtigii hore riday murano iyo khilaafaad u dhexeeyay Wasaarado iyo ashkhaas dano gaar ah ka dhex raadinayay inay hawshaasi fusho.

Hadaba Maanta ayay Fursad kale hor timi Gobolka Sanaag oo mar kale loo Ansixiyay dhaqaalihii lagu dhisi lahaa Maydh taasi oo ka markhaati kacaysa Muhiimada ay Qaranka u leedahay Dekeda Maydh iyo helista Afaaf Dakadeed laga galo Badda si loola soo baxo Khayraadka Kaluunka iyo Nimcooyinka kale ee ku jira badda, loona helo meel uu Gobolku kaga xidhmo Gobolada kale ee Dalka.

Waxaan usoo jeedinayaa Shacbiga reer Sanaag iyo Guud ahaan Xukuumada Somaliland inay Tab iyo Taagba isugu geeyaan sidii mashruucaasi u hir geli lahaa, loogana hor tagi lahaa in ay dano shakhsi ah iyo xoolo-cirdoonimo danbe iyo is qab-qabsi Wasaaradaha dhexdooda ka abuurmaa uu mashruucaas fashiliyo. Kalsooni buuxda ayaanan ku qabaa Wasaarada Qorshaynta iyo Xukuumada Somaliland inay hawshaas fulinteeda dhexda u xidhan doonaan.

Ugu danbayn aad ayaan ugu faraxsanahay in aanuu Mashruucaas muhiimka ahi ka lumin reer Sanaag ee mar kale fursad loo siiyay dhisida Dekeda Maydh. Waxaan aad ugu Mahadnaqayaa Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Masuuliyiinta Xafiiska SDF ee hawshan u hir geliyay sidii ku talo-galku ahaa.

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland

Xaglotoosiye oo ku sugan Buhoodle oo Dagaal Beeleed ka qarxay+Kulan uu la yeeshay siyaasiin ka yimi Garoowe

Itoobiya oo soo bandhigtay khasaarihii ka dhashay Rabshadihii  ka qarxay Dilka Fanaankii Hachalu hundessa

$
0
0

Itoobiya oo soo bandhigtay khasaarihii ka dhashay Rabshadihii  ka qarxay Fanaankii Hachalu hundessa

 

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay khasaaraha ka dhashay rabshadihii xooganaa ee dhowaan ka dhacay dalkaasi, kuwaas oo ka dhashay toogashadii loo geystay Haacaaluu hundeessa oo ahaa fanaan caanka ah wadankaasi.

Taliye ku xigeenka Booliska deegaanka Oromada, Girmaa Galaan ayaa sheegay in rabshadahaas ay ku dhinteen 166 ruux, sidoo kalena ay waxyeelo soo gaaray 167 kale.

Girmaa Galaan ayaa xusay in dadka dhintay ay isugu jiraan 145 qof oo shacab ah iyo 11 askari oo ka mid ahaa ciidamada ammaanka ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Booliska ay xireen intii ay rabshadaha socdeen iyo kadib illaa 1,084 qof, kuwaas oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah.

Dhimashada ayuu sheegay inay timid, kadib rasaas ay ciidamada ammaanka ku fureen dibad-baxayaasha iyo sidoo kale isku dhac dhex-maray dibad-baxayaasha iyo Booliska.

Xaaladda Itoobiya ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay aheyd mid degan, balse waxaa jidadka Addis Abab ku sugan ciidamo dheeraad ah oo xoojinayo amniga magaaladaasi.

Madaxda Maamul goboleedyada Somalia oo iclaamiyey shir Xukumada Farmaajo debeda ka tahay+Goorta & Goobta lagu qaban doono 

$
0
0

Madaxda Maamul goboleedyada Somalia oo iclaamiyey shir Xukumada Farmaajo debeda ka tahay+Halka lagu qaban doono

 

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda maamul goboleedyada ay isugu imaanayaan shir aysan qeyb ka aheyn Madaxda dowlada federaalka si ay uga arinsadaan xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Khilaafka dowlada iyo maamulada qaar iyo arimo kale.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa la sheegay in telfoon kuwada xiriireen ayna isla garteen in shir deg deg ah isugu yimaadaan si kaligood uga wada arinsadaan xaaladaha murugsan ee hada taagan.

Sida aan wararka ku helnay shirkan ayaa la filayaa in 8-da bishan ka dhaco magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ,waxaana shirkan qeyb ka noqon doonin Madaxda sare ee dowlada federaalka.

Qaban qaabada shirkan cusub ay isugu imaanayaan Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa timid kadib markii uu fashilmay shir uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyada oo la filayay in shalay furmo.

Kulanka Madaxda maamul goboleedyada kadib ayaa la filayaa in ay soo saaraan War Murtiyeed wadajir ah ay uga hadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan tan doorashada oo khilafa xoogan ka jiro nuuca doorasho ee dhaceysa iyo waliba waqtiga.


Daawo:Wasiirka Gaadiidka Somaliland oo ka hadlay qalab Cusub oo Badqabka Gaadiidka lagu baadhayo oo la daahfuray

Daawo:Muqaalada Daahfurka Qalabka lagu baadhayo Gaadiidka+Khudbada M/weyne-xigeenka S/land ka jeediyey Madasha Furitaanka

Daawo:Wasiirka warfaafinta Somalialnd oo ka hadlay Astaamaha Qaranka

Daawo:F.C.Waraabe oo shaaciyey in Maayarada Gabiley & Berbera Qabyaalad kaga tageen+Arimo xasaasiya oo ku saabsan Doorashada la filaayo

Daawo:Weriye Coldoon oo baaq u diray M/weyne Muuse Biixi

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>