Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Beirut:Lamaane Aroos oo Qaraxii Dekeda Beyruut qabsaday xilli ay isguursanayeen+Wixii dhacay


Daawo:Boqorka Beelaha Garxajis Bari oo la caleemosaaray

Daawo:Xisbiga Waddani oo dib-u-dhigay Shirkii Golaha Dhexe & Shirweynihii Xisbiga Labada

Daawo:Xildhibaan Caana oo Hargeisa ugu dhex ololeynaya in Somaliland ictiraafto

Daawo:Weftigii Nabadeynta Gobolka Sanaag oo soo gaadhay Burco+Hadhimo-sharaafeed lagu maamusey & Khudbado laga jeediyey Madasha soo dhaweynta

Degdeg: Qarax xoog leh oo ka dhacay xeebta Liido ee Muqdisho

$
0
0

Degdeg: Qarax xoog leh oo ka dhacay xeebta Liido ee Muqdisho

 

 Qarax xoog leh ayaa goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimaddd Soomaaliya.

Qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan Muqdisho ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay Xeebto Liido ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo qiiciisa iyo uuradiisa laga arkay meelo ka fogfog Xeebto Liido ayaa kadib waxaa bilaabatay rasaas culus oo aan la ogeyn cidda rideyso.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in Qaraxa uu ka dhacay Iridda hore ee hoteelka Elite oo ku yaalla xeebta , iyadoo ay suurtagal tahay in kooxo hubeysan ay weerarka qeyb ka yihiin.

 

Duqa Degmadda Xuddun oo ka Hadlay Xaalada Nabadgelyo ee Deegaanka Xukuumaddana Fariin u Diray

$
0
0

Guddoomiyaha degmadda Xuddun ee gobolka Sool Faarax Cali Ibraahin, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka Jidbaale.
Waxaa kale oo uu soo jeediyay madaxda degmooyinka in aan la siyaasadeyn dhul daaqsimeedka iyado degmana aanay degmo ku xadgudbeyn.
Waxaanu u soo jeediyay beelaha walaalaha ah ee deegaankaasi wada dega daaqa iyo biyaha si nabadgeliyo ah ku wadaagaan iyada oo aan la kala sheegaynayn dhul daaqsimeedka.
Dhinaca kale waxaa uu fariin u diray wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo uu ka codsaday in maayiradda degmooyinka ay ku ilaaliyaan xuduud degmeedkiisa, si aanu maayirna uga talinin dhul uga baxsan deegaanka uu dawlada masuulka uga yahay.
Maayerka degmadda Xuddun waxaa uu sidan ka sheegay wareysi uu siyay warbaahinta dawlada.
Maayerka degmadda Xuddun isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaa jirtay dhawaan shaqaaqo ka dhacday degmadda Jidbaale oo ka tirsan degmadda Xuddun ee gobolka Sool, shaqaaqadaasina waxaa ay dhex martay dad walaalo ah oo isku degaana, arrimaha noocaas ahi markay dhacaana maaha in la siyaasadeeyo, oo deegaankaa degmooyin isku qabsadaan, daaqa iyo ceelasha biyaha bulshada reer Somaliland meelkasta ha joogaane way wada leeyihiin, lamana kala sheegan karro”
Maayerka degmadda Xuddun mar uu ka hadlayay dhibaatada laga dhaxlo muranka dhulka waxaa uu yidhi “Waxaa jira muran siyaasadeed oo degmooyinka qaar ku doodayaan in dhul degmo kale leedahay ku sheegtaan, ama ay dadka ku yidhaahaan dhul heblaayo waxaa uu ka tirsan yahay degmadeena, taasina waxaa ay keenta isku dhaca dadweynaha reer guuraaga ah, waana arrin fool xun in la siyaasadeeyo dhul daaqsimeedka dadku wada leeyahay, degmooyinkuna waa ay kala xadeysan yihiin degma kastaana waa ay taaqaana dhulka ay leedahay”
Maayerka oo hadalkiisa sii wata waxaa uu fariin u diray wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan ka codsanaya wasaaradda arrimaha gudaha in maayerada in ay ku dhaqmaan siyaasada Qaranka ee ah in aan daaqa iyo biyaha la kala sheegan iyo in aan degmana degmo kale ku xadgudbin”
Ugu danbeyn maayerku waxaa uu sheegay in deegaanku nabad yahay gacantana ay ku hayaan arrimaha nabad geliyada, maamulka degmada, ka heer gobol iyo ciidanka Qaranka oo ku sugan deegaanadii ay wax ka dhaceen.

War-saxaafadeed:Maamulka Puntland oo qaadacay Shirka Dhusomareeb,Shuruudo adagna ku xidhay ka qeybgalkooda


Daawo:Wasiir ka tirsan Xukumada Farmaajo & Kolonyo uu watay oo qarax lala eegtay+Khasaaraha

Daawo:Qarax Ismiidaamina Muqdisho oo lagu hoobtay+Agaasimeyaal lagu laayey,Wasiiro ku dhaawacmay+Tirada Dhimashada & Dhaawaca

Qoraal Rasmiya oo uu soo saaray Mulkiilaha Hotelka Elite Muqdisho oo ka badbaaday Qaraxii lala eegtay Hotelkiisa

War-saxaafadeed:Jubbaland oo qaadacday Shirka Farmaajo ugu baaqay Madaxda Maamul-gobolleedyada +Shirkii oo fashilmay

  Faah-faahin: Wasiir Xalay lagu dilay magaalada Jowhar

$
0
0
  Faah-faahin: Wasiir xalay lagu dilay magaalada Jowhar
 

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in magaalada dhexdeeda lagu toogtay wasiir ka tirsan Maamulkaas.

Wasiirkii Beeraha ee dowlad goboleedka Hirshabelle Xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar karaani ayaa la sheegay inay kooxo hubeysan dileen xilli uu kasoo baxay Saaladda Cishaha.

Wasiirka Cabdiqaadir Abuukar Karaani oo dhawaan xilkaan loo magacaabay ayaa lagu dilay Xaafadda Kulmis ee Magaalada Jowhar.

Sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen Warbaahinta Wasiirka ayaa waxaa toogtay kooxo ku hubeysan bastoolado kuwaas oo meesha ka baxsaday markii ay dilka fuliyeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabelle ayaa soo gaaray meesha uu dilka ka dhacay, waxayna durba bilaabeen howlgal lagu baadi goobayo kooxihii dilka fuliyey.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa Xildhibaannada iyo Mas’uuliyinta kale ee Dowladda uga digay inay Al-Shabaab ka geysan karaan dilalkan oo kale deeganada Dawlad Goboledka Hirshabelle, loona baahanyahay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Daawo:Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Somaliland oo qarxiyey Sirro waaweyn oo laf jab ah,Muxuuse Cadaymo u hayaa!

Beesha Caalamka oo cadaadis dul-dhigtey Farmaajo

$
0
0

Beesha Caalamka oo cadaadis dul-dhigtey Farmaajo

Warar ilo xog-ogaal ah oo Warbaahintu heshay ayaa sheegaya in uu socdo dedaalo lagu badbaadinaayo shirka Xukumada farmaajo iyo Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah.

Ergayga Qaramada Midoobey Soomaaliya u fadhiya James Swan iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa xidhiidh kala duwan la sameeyey Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Dowlad goboleedyada, waxaanay wadaan in la helo hab shirku dib ugu bilaabmi karo.

Beesha Caalamka ayaa hadda cadaadiska ugu weyn dulsaartey saacadihii la soo dhaafey Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ka dalbedeen in uu Muqdisho ku soo laabto, saacadaha soo socda si ay shir ugu wada qaataan, wararka diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo laga dalbadey in uu magacaabo raysal-wasaare, sidoo kale shirka soo socda laga qaybgeliyo shirguddoonka labada Aqal, si ay meesha uga baxdo dooda madaxweynaha ee ah baarlamaanka ayaan dib ugu celinayaa qorshaha doorashada ee la isla garto.

Dhanka kale Puntland ayaa ku adkeysatey mowqifkeeda, waxaana ay ergada beesha caalamka u sheegeen in aan la aamini karin Madaxweyne Farmaajo, waxay sheegeen in wax shuruud ah aysan ku xidhin shirarkii hore, si niyadsan uga qaybgaleen, laakiin Madaxweynuhu dafiray wixii ka soo baxay shirkii Dhusuamareeb 2, sababta raysalwasaare Kheyre u rideyna ay tahay burburinta shirka loo balansanaa 15 Agoosto, isaga oo aan qarsana sheegay in aanu diyaar u ahayn heshiis uu galo.

Sidoo kale warbaahinta ayaa ogaatey in maamulka Jubaland soo saaray war-saxaafadeed cusub & Mawqif ka adag kii Puntland,islamarkaana qaadacay Shirka Dhuuso-mareeb


Sannad guuradii koowaad ee Weerarkii Masjidka al-Noor & Ra’iisal-wasaaraha Norway oo  booqday

$
0
0

 Sannad guuradii koowaad ee Weerarkii Masjidka al-Noor & Ra’iisal-wasaaraha Norway oo  booqday

Madaxda dowadda Norway ayaa  booqday masjidka al-noor ee gobolkaasi Alershus kaas oo sannad ka hor uu ka dhacay weerar argagixiso oo fashilmay.

Wafdi heer wasiirro ah oo ay hoggaamineyso r/wasaaraha dalkaasi ayaa booqasho ku jooga masjidkaasi, waxaana ka socota munaasabad lagu xusayo weerarkaasi fashilmay.

Wiil norwiji ah oo lagu magacaabo Philip Manshaus ayaa weerarkaasi ka dambeeyay, waxaana uu sidoo kale soo dilay inta uusan weerarka kusoo qaadin masjidka gabadh “walaashiisa”  oo ay waalidkii soo korsadeen taas oo indha-yar aheyd.

Weerarkiisa masjidka ayuu ku beegay maalin Jimce ah, balse waxaa uu kasoo hormaray xilliga khudbada oo ay masjidku joogeen jameeco aad u yar.

Labo nin oo ka mid ah jameecada masjidka ayaa fashiliyay weerarkiisa, waxaana ay kula dhageen qoriga iyagoo ugu dambeyn dhulka ku hayay ilaa boolisku ka yimaadaan.

Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa hooyada dhashay Philip Manshaus taas oo muujisay sida ay uga xuntahay falka uu wiilkeedu ku dhaqaaqay iyadoo sidoo kale amaan iyo bogaadin u jeedisay maamulka iyo jameecada masjidka.

11-ka bishii juun ee sannadkan ayaa waxaa lagu xukumay 21 sano oo xabsi ah.

Daawo:Muuqaal Baraha Bulshada wareegaya oo lagaga maadsanayo Madaxweyne Trump

Daawo:Lo` Duureed cadheysan oo surwaalka kala baxday haweeney u dhawaatay

Shaki la geliyay muwaadinimada haweeneyda uu musharrax Biden u doortay madaxweyne ku xigeenka

$
0
0

Tan iyo markii uu musharraxa madaxweyne ee xisbiga Dimuquraadiga Mareykanka Joe Biden ku dhawaaqay in Kamala Harrix uu u doortay madaxweyne kuxigeenkiisa ayaa waxaa isa soo tarayay dhanka baraha bulshada shaki la gelinayo muwaadinimada gabadhaasi iyo in ay xaq u leedahay in ay noqoto madaxweyne ku xigeen.

Shakigaasi la isla dhex marayay baraha bulshada ayaa waxaa kusoo biiray oo isna dhankiisa bansiin uga sii shubay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaas oo sheegay in Kamala eysan xaq u laheyn in ay qabato jagada madaxweyne ee dalka Mareykanka.

Trump ayaa arrintaasi u cuskaday in waalidka Kamala eysan haysan aheyn  dhalasho rasmi ah.

Mid ka mid ah waalidka Kamala Haris ayaa kasoo jeeda asal ahaan dalka Hindiya.

Aqalka Cad oo wax laga weydiiyay arrintan ayaa soo soo baadhay wararka la isla dhex marayo , waxaana afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Mark Meadows uu xaqiijiyay in Kamala ay tahay muwaadin dhalad ah, ayna xaq u leedahay in ay qabato xil kasta oo ay doonto.

Kamala Haris ayaa ku dhalatay magaalada Oakland ee gobolkaasi California sannadkii 1964-kii.

Daawo:Nuxurka Khudbadii Ex-wasiir Xaglotoosiye ka jeediyey Shirkii Nabadeynta Beelaha Dhulbahante ee Ceegaag-Buhoodle

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>