Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Dawlada Somaliland oo raashin gaadhsiisay degmada Dhahar

$
0
0

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kaalmo raashin ah gaadhsiisay degmada Dhahar ee gobolka Badhan, raashinkaasi oo loogu tallo galay kun iyo laba boqol oo qoys oo ka mida dadka degaanka, gaar ahaan macalimiinta kala duwan ee iskuulada dawladda, dugsiyadda gaarka loo leeyahay iyo macalimiinta Qur’aanka.

Kaalmadan oo uu degmada gaadhsiiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Sahal Maxamed Jaamac, islamarka ay u wakiisheen guddida ka hortaga xannuunka safmarka ah ee Karoona-fayras.

Dhinaca kale maamulka degmada Dhahar iyo macalimiinta kaalmadu gaadhay ayaa xukuumadda Somaliland uga mahad celiyay gacanta ay u fidiyeen, islamarkaana ka codsaday in baahiyahooda kale ee jirana wax laga qabto.

Ugu horeyn wasiir Sahal oo ka hadlaya kaalmada uu wareejiyayna waxaa uu yidhi. “Waxaan goobtan u imid in aan duqa magaalada Dhahar iyo taliyaha booliska ku wareejiyo raashinkii covid19-ka, kaas oo ay ugu deeqeen guddida heer Qaran ee ka hortagga xannuunka Covid-19 oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), macalimiintii laga kala diray malcaamahadaha Qur’aanka iskuulada iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay, maanta waxaan doonaya in aan kun iyo laba boqol oo qoys raashinkood ku wareejiyo duqa magaalada Dhahar, tuulooyinku waa mar danbe laakiin imika waa degmada Dhahar, innagu sidii leynoogu dhiibay ayaynu ugu wareejinaynaa duqa iyo taliyaha iyagana ayaana ka masuul ah, iyagana ayaana gaadhsiinaya ciddii ay khuseysay”

Duqa degmada Dhahar Cabdirashiid Ducaale Cali oo ka hadlay baahiyaha degmada ka jira iyo kaalmada la gaadhsiiyay ayaa yidhi. “Baahiyaha degmadu wasiir waa badan tahay waa degmadaadi, wixii aad keentayna waanu kaa guddoonay wixii maqan oo kalena waynu iska wareysaneynaa wixii baahiyahayaga ahna qoraal ayaanu kuugu soo guddbin doonnaa, madaxweynaha iyo xukuumadda ayaad naga gaadhsiin doontaa, waa rejaynaynaa in wixii dhiman sidii horeba ay wax noogu qabteen imikana ay noogu qaban doonaan”

“Waxaan joogna Dhahar waxaa na soo gaadhay deeq raashina, taas oo guddida ka hortaga xannuunka covid-19 ay noo soo direen, anigo ka mida macalimiintii Qur’aanka ee ay malcaamaduhu ka xidhmeen xannuunkii safmarka ahaa Karoone awgii, imika kaalmadaasi waa ay na soo gaadhay oo macalimiintu ay busaaradsadeen”Ayuu yidhi mid ka mida macalimiintii ardayda Qur’aanka barayay ee uu saameyay xannuunka safmareenka ah ee Karoona fayras.


Sawiro naxdin leh oo laga helay saldhig booliis oo ay musiibo ka dhacday

$
0
0

Sawiro naxdin leh oo laga helay saldhig booliis oo ay musiibo ka dhacday

Sawirka ayaa muujinaya askar dhulka ku nabeysa maxbuuska

Xaaska nin u dhashay dalka Slovakia oo ku dhex dhintay xabsi ku yaalla dalka Belgian ayaa waxaa lagu baaqay in baaritaan cusub lagu sameeyo ka dib markii ay soo baxeen sawiro cusub oo naxdin leh oo gudaha xabsiga laga qaaday.

Jozef Chovancova ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha Charleroi 2018 ka dib markii uu buuq ka dhex sameeyay duulimaadkii uu saarnaa.

Markii la xiray ninkani ayaa waxaa uu bilaabay in uu darbiga madaxa ku garaaco ilaa uu dhiig ka yimaado.

Koox askar ah ayaa ka dib la arkayay iyaga oo dhulka ku nabaya oo madaxa uga fadhiya.

Chovancova ayaa isbataalka loo qaaday, balse kooma ayuu galay islamarkana maalinkii xigtay ayuu dhintay.

Sawirada xabsiga laga soo qaaday ayaa muujinaya dhowr askari oo ku qoslaya maxbuuskani halka mid kale salaanta ay caanka ku yihiin Naasiyiinta uu saarayo.

Waxaa sidoo kale la arkayay askari kale oo feeraha uga fadhiya Chovancova taasi oo qaadatay muddo 18 daqiiqo ah sida muuqaalka la duuban uu muujinayo.

Kiiskiisa ayaa noqday mid la mid ah kii George Floyd, oo geeriyooday bishii May ka dib markii uu askari uu qoorta kaga qabtay luqunta.

 

“Waxaan doonayaa in inaan ogaado waxa dhacay iyo sababta ay booliiska falkaasi ugu kaceen,” waxaa sidaasi ay u sheegtay xaaskiisa oo lagu magacaabo, Henrieta, wargeyska Het Laatse Nieuws, oo isagu helay sawirada..

Ka hor inta uusan dhiman, Chovancova waxaa uu ahaa milkiilaha qora muwaadiniinta reer Slovakia ee ka shaqeeya dhismooyiinka mashaariicda dalka Belgium.

Qoyskiisa ayaa waxay sheegeen in aysan ogeyn sababta xanaaqa iyo buuqa u ugu kacay markii xabsiga la dhigay.

Labo sano ka dib geeridiisa ayaa waxay wali booliiska dalka Belgian baarayaan sababata geeridiisa isalmarkana xaaskiisa ayaa imika qabsatay qareen cusub.

Shirkadda Apple oo Taariikh ka dhigtay Gudaha Mareykanka

$
0
0

Shirkadda Apple oo taarikh ka dhigtay gudaha Mareykanka

Tim Cook, Madaxa shirkadda Apple
Tim Cook, Madaxa shirkadda Apple

Shirkadda tiknolojiyadda ee dalka Mareykanka, Apple ayaa noqotay shirkaddii ugu horeysay ee gudaha Mareykanka qiimaha ay ku fadhido ee suuqyada saamiyada uu gaaro laba tiriliyan oo doollar.

Guushan ayay Apple gaartay laba sano un kadib markii ay noqotay shirkaddii ugu horeysay ee qiimaheedu uu gaaro hal tiriliyan oo doollar sanadkii 2018-ka, waxaana hadda qiimaha saamiga shirkadda uu gaaray 467.77 doollar.

Shirkadda kale ee qiimaheedu uu gaaray laba tiriliyan ayaa ah shirkadda saliidda ee dalka Sacuudiga ee Aramco.

Haseyeeshee qiimaha shirkadda Aramco ayaa hoos ugu dhacay oo waxaa uu haatan marayaa 1.8 tiriliyan halka Apple na ay sare u kacday.

Dhammaadka bishii July, waxaa ay noqotay shirkadda ugu qiimaha wanaagsan caalamka.

 

Iibka wanaagsan

.
Taleefoonada ay sameyso Apple

Saamiga shirkaddan sameysay taleefoonada gacanta ee iPhone ayaa sare u kacay boqokiiba 50 inkastoo uu saameeyay xanuunka dunida ka dilaacay ee corona iyo cadaadis siyaasadeed oo ahaa in ay xirto bakhaarada ay ku leedahay dalka Shiinaha sababa la xiriira xiriirka kala dhaxeeya dowladda Shiinaha.

Walow horraantii sanadkan shirkado badan ay khasaareen, haddana Apple waxaa ay faaido wanaagasan ka sameyneysay alaabo ay sameysay oo ay kamid yihiin taleefoonada, kombyuutarada iyo qalabka kale ee tiknolojiyadda ee ay soo saarto.

Apple oo loo arko inay tahay shirkad guuleysatay ayaa xilligan waxaa sare u kacay dalabka adeegyada ay bixiso inkastoo wali dalka Mareykanka uu ku jiro soo kabasho dhaqaale.

Laga soo bilaabo bartamihii July, waxaa sare u kacay dakhliga soo galo shirkadda kadib markii ay dib usoo laabteen dalabka adeegyada ay bixiso.

Shirkadda kale ee laga leeyahay Mareykanka, Amazon ayaa noqotay tan labaad ee ugu qiimaha badan gudaha Mareykanka, waxaana qiimaheedu uu gaarayaa 1.7 tiriliyan oo doollar.

Paolo Pescatore oo ah khabiir wax ka qora arrimaha tiknolojiyadda ayaa sheegay in qiimaha saamiga ee Apple ay muddo gaaban ku gaartay meel aan la maleysan karin.

“Bilihii ugu dambeeyay waxaa la dareemay isticmaalka tiknolojiyadda, macaamiil bandanna waxaa ay doorbideen inay iibsadaan qalab tayo wanaagsan, maadama Apple ay tahayna shirkad dhankaas ku wanaagsan, waxaa muuqata inay leedahay fursad wanaagsan oo ay horumarto.” Ayuu yiri Paolo Pescatore.

Shirkadda oo saameyn ay ku yeelatay xiriirka aan wanaagsan ee Mareykanka iyo Shiinaha ayaa haatan laga dhowrsugayaa soo bandhigidda adeegga intarnetka ee 5G, taas oo la aaminsan yahay inay sii xoojin doonto dalabka shirkadda.

Qolka dad badani ku badbaadeen oo aan Rasaastu karin,Al-Shabaabna Geli kari waayeen oo ku yaalla Hotelka Elite-Muqdisho ee la qarxiyey

$
0
0

Qolka dad badani ku badbaadeen oo aan Rasaastu karin,Al-Shabaabna Geli kari waayeen oo ku yaalla Hotelka Elite-Muqdisho ee la qarxiyey

.

Maamulka Hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho, oo dhawaan la weeraray, ayaa sheegay inay dayactir ku wadaan hoteelka, dibna loo furi doono.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ah milkiilaha hoteelka Elite ayaa sheegay in uu heer gabo gabo ah marayo dadaalka dib u habeynta loogu sameynayo hoteelka uu qaraxa ka dhacay dhowr maalmood ka hor.

“Waan sii wadaynaa howlihii aan wadnay namana niyad jabineeyso dhacdadii lagu beegsaday Hotel-ka elite,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdullaahi.

16-kii bishan ayey koox hubeysan qarax iyo weerar ka fuliyeen hoteelka, halkaasoo ugu yaraan 16 ruux ay ku geeriyoodeen tiro kalena dhaawacyo kasoo gaadheen.

Qolka aysan rasaasta karin

.

Milkiilaha hoteelka, ayaa BBC-da uga warramay qol la sheegay in uu hoteelka ku yaallo, kaasoo aysan rasaasta karin.

Wuxuu xaqiijiyay arrintaas iyo in isaga iyo dad kale ay ku badbaadeen qolkaas intii uu weerarka socday.

“Waddanka aan ku nool nahay iyo waaqica in la fahmo aad bay muhiim u tahay. Marka wuu jiray ku talagal loo sameeyay qol aysan rasaasta karin, waana meel loogu talagalay dhinaca badbaadada, dad badan ayuuna Alle sabab uga dhigay inay ku badbaadaan. Dhowr iyo labaatan qof baan ahayn dadkii ku jiray”, ayuu yidhi.

Cidamada sida gaarka u tababaran ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay weerarkaas soo afjaraan. dadka dhintay ayaa la sheegay in 5 ka mid ah ay ahaayeen kooxdii weerarka fulisay.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi M. Gulaid, oo kulan la qaatay laamaha amniga dalka ayaa faray inay baaritaan saxan oo dhammeystiran ku sameeyaan dhacdadii weerarka hoteelka, waxa uuna sidoo kale ku adkeeyay in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan amni la isku halleyn karo.

Qaabkii uu ku baxsaday Mucallimuu

Mucallimuu ayaa ka mid ahaa dadkii ka badbaaday qaraxa
Mucallimuu ayaa ka mid ahaa dadkii ka badbaaday qaraxa

Maxamed Ibraahim Macallimuu oo horay uga tirsanaa BBC-da ayaa ka mid ah dadka ka badbaaday qaraxa hoteelka Elite, kaasoo uusan wax dhib ah kasoo gaadhin.

Mucallimuu wuxuu ka badbaaday dhowr qarax oo hore, oo uu kamid ahaa mid uu ku dhaawacmay 21-kii January 2016, ayaa tafaasiil ka bixiyay qaabka uu uga baxsaday Elite Hotel.

“Aniga horey kama cararin ee waxaan husbaday sida ay wax u socdaan iyadoo wadnuhu sida durbaanku ii garaacayo. Waxaan gacanta ku qabsaday labadii telefoon ee aan watay waxaanan goostay inaan ka boodo gidaarka dhanka xeebta oo noo dhawaa ,laakiin rasaasta ayaa meel walba ku dhaceysay,”

“Go’aan ayaan qaatay waxaan u booday dhanka badda, funaanad aan xirnaa oo cagaar aheyd ayaan iska bixiyay sababtoo ah midabada qaar sida casaanka iyo cagaarku dadka badan ee cararaya waa lagaa dhex toogan karaa,” ayuu yiri Macallimuu.

Weriyaha ayaa sheegay inuu markii uu badbaaday uu billaabay baadigoobka saaxiibkii Cabdirisaaq, kaasoo loo sheegay in meydkiisa uu yaallo cisbitaalka Umma. Waxa uu tilmaamay in geerida ninkaasi ay si weyn u taabatay oo ay uurkutaalo ku reebtay.

 

Shan saacadood ayey ciidanka amniga la tacaalayeen weerarkaas.

Jeneral Cabdiraxmaan Maxamud Tuuryare, taliyihii hore ee NISA ayaa BBC-da u sheegay in Al-Shabaab ay markasta weerarradooda xoojiyaan xilliyada kala guurka ah.

“Dowlad kasta marka xillegeedu dhamaan rabo, weerarrada iyo hawlaha ay fulinayaan [Al-Shabaab] waa ka badan yihiin mararka kale. Marka lixda bilood ee soo socota aad ayay khatar u yahay,” ayuu yiri Jen. Tuuryare.

Daawo:Agab Iyo Deeq Xisbiga Waddani Gaadhsiiyey Degmada Dacar-budhuq

Daawo:Sidii Jeelka Muqdisho Hubka loo geliyey,Cidii Gelisay & Dad loo hayo oo la soo bandhigay

Qorshaha fog ee Imaaraadku ka leeyahay codsigii uu u gudbiyey Dawlada Somalia ee la soo diiday

$
0
0
Qorshaha fog ee Imaaraadku ka leeyahay codsigii uu u gudbiyey Dawlada Somalia ee la soo diiday

Dabayaaqadii Bishii June, Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya weydiistay in ay ka qeyb-gasho dagaalka Yemen iyadoo ku badalaneysa dhaqaale iyo in dib loo furo Isbitaalka Sheikh Zayed ee ku yaalla magaaladda Muqdisho, taasi oo Soomaaliya ay diiday.

Diidmadda Soomaaliya waxaa sabab u ahaa xiriirka u dhexeeya Abu Dhabi iyo Muqdisho oo waayihii dambe xumaa.

Hadaba, maxay tahay sababta uu Imaaraadku arrintaas uu Soomaaliya ugu soo bandhigay? Jawaabtu waxay u baahantahay in la eego istiraatiijiyadda mudada dheer ka sokoow geesinimadda dagaalka ee militariga Soomaaliya.

Arrin aad wax looga qoray ayaa ah in Ciidanka Qaranka Soomaaliya ay hoos uga dhaceen maqaamkii ahaa ciidanka ugu woodda badnaa Geeska Africa, oo ay sanado ka hor ahaayeen. Waxaa socda dadaallo la doonayo in dib loogu soo celiyo militarigii waddanka iyadoo la raacayo Qorshaha amniga Qaranka.

Tababar tayadiisu sarreyso oo ay bixiyaan Maraykanka iyo Midowga Africa iyo dalal kale ayaa Ciidanka Qaranka Soomaaliya u ogolaaday in ay guulo muhiim ah ka gaaraan Al-Shabaab, guulahaas oo ay ka mid tahay dib u qabsashada magaalooyin iyo tuulooyin.

Si kastaba, ciidanka Soomaaliya wax badan ma awoodaan haddii uusan Maraykanku siineyn sirdoonka iyo saanadda marka ay qaadaan howlgaladda gaarka ah. Warbixin uu dhowaan soo saaray Pantgon-ka Maraykanka ayaa lagu sheegay in uu liito horumarka howgalkii badbaado ee militariga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ay ku doonayeen in ay Al-Shabaab uga qabsadaan deegaanadda koofureed.

Xiriir kala go’ay

Badownimo ayey noqon doontaa haddii lasoo qaado in Imaaraadka Carabtu uusan ogeyn xaaladda ay hadda ku sugan yihiin Ciidanka Soomaaliya iyo awoodda yar ee ay wax uga qaban karaan colaadda Yemen.

Tani waxay sidoo kale kaalmo bani’aadanimo u fidineysaa muhaajiriinta Soomaalida ah ee laga qabto inta u dhexeysa dhinacyada dagaalamaya ee Yemen islamarkaana ku ay xad gudbaan kuwa gacanta ku haya. Imaaraadku arrintaas si fiican ayuu u ogyahay sababtoo ah ka kor intii aysan bilaaban xasaradda Gacanka bartamihii 2017-kii, waxaa uu taageero weyn siin jiray ciidanka militariga Soomaaliya.

Sanadkii 2014-kii, Imaaraadku waxay billaabeen barnaamij ay ku tababarayeen ciidanka Soomaalida. Heshiiskaasi waxaa uu dhamaaday markii ay Muqdisho diiday in ay ka qayb qaadato go’doomintii Qatar. Arrintu waxay cirka isku-shareertay markii ay Soomaaliya qabatay $9.6 million bishii April 2018-kii taasi oo ay siday diyaarad ka timid Imaaraadka. Ka sokoow sheegashadii Imaaraadka ee ahaa in ay lacagta mushaar u siinayaan ciidanka, Muqdisho waxay tuhuntay in lacagtaas loo adeegsan lahaa dano qarsoodi ah.

La kulan mucaaradka Soomaaliya

Abu Dhabi way ogtahay awood yarida ciidanka Soomaaliya, waxay sidoo kale ogeyd in codsigeedii ahaa in Muqdisho ay ku lug yeelato coladda Yemen lasoo diidi doono. Kas okoow walaalnimadda Soomaaliya kala dhexeeysa deriskeeda Gacanka Caden, hadana arrintaasi waxaa ay muujineeysa xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya kala dhexeeya labo dal oo aad uga soo hor jeeda Imaaraadka.

Si kasta, taasi waxay is bedeli kartaa marka wadanku uu joogo meel uu isagu qabsan karo doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa Madaxtooyadda.

Farmaajo iyo xisbigiisa, mucaaradkooda ugu weyn waxaa uu u muuqdaa Madasha Xisbiyada Qaran. Waxaa la sameeyay sanadkii 2019, bsihii November, waxaana xulifada ku mideysan lix xisbi siyaasadeed kuwaas oo sheegay in ay kasoo horjeedaan ku xad gudubka dastuurka iyo shuuruucda kale ee ay wado Dowladda hadda talada heysa.

Siyaasiyiinta Madasha Xisbiyadda Qaran waxaa ka mid ah laba Madaxweyne oo kala ah Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Labaduba xiriir fiican lama lahan Qatar.

Kadib markii loo doortay Dowladdii ku meel gaarka ahayd, Dooxa waxay Sheekh Shariif ku boorisay in uu wadahadal la furo Al-Shabaab, Sheekh Shariif ayaa isla waqtigaas waxaa uu Qatar ku eedeeyay in ay taageerto Al-Shabaab.

Ka sokoow maal-gelintii doorashaddii Xasan Sheekh ee sanadkii 2012-kii, Doxa waxay lumisay dulqaadkii ay u lahd Dowladiisa iyadoo ku eedeysay in uusan u fir-fircooneyn sida kuwii ka horreeyay.

Imaaraadka iyo dalalka kale ee ay ku mideysan yihiin go’doominta Qatar waxaa ay xiriir la leeyihiin dhaq-dhaqaaqa mucaaradka si ay u taageeraan marka doorashadda la garo. Madasha Xisbiyadda Qaran waxay u dagaalami doonaan in ay doorashadda ku guuleystaan si ay u fuliyaan codsiga Imaaraadka.

Sida ay sheegeyso Xarunta Siyaasadda Imaaraadka, haddii mucaaradku ay ku guul darreystaan in ay ku midoobaan hal Musharax, taasi waxay awoodda ku siiheyneysaa Madaxweyne Farmaajo.

Hase yeeshee, haddii ay hal musharax ku midoobaan una ku guuleystaan doorashada ayada oo Imaaraadka uu taageerayo, waxay Imaaraadka Carabtu heli doonaan maamul ay ku abaal sheegan karaan, waxaana ujeedka codsigooda ku aadan dagaalak Yemen uu yahay mid ku socda maamulka iman doono ee ma ahan mid hadda wax dan ah laga leeyahay.

Iran oo qabsatay markab uu leeyahay UAE+Ciidamada Imaraadka oo dilay Laba badmaax oo Iran u dhashay & xiisad cusub oo aloosan

$
0
0

Iran oo qabsatay markab uu leeyahay UAE+Ciidamada Imaraadka oo dilay Laba badmaax oo Iran u dhashay & xiisad cusub oo aloosan

Ad by Valueimpression

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa qabsatay Markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo toddobaadkan kusoo xadgubay biyaheeda, waxaa sidaas maanta sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Iran.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in ilaalada xeebaha Imaaraadka Carabta ay dileen laba kalluumeysato oo Iranian ah.

Xiisad ayaa sare uga sii dhex kaceysay labadan dal tan iyo toddobaadkii tegay markii Imaaraadka Carabta ay Israel la galeen heshiis ay ku aas-aasteen xiriir diblomaasiyadeed.

“Isniintii, Markab Imaaraati ah ayaa waxaa qabtay ilaalada xuduudaha Iran, waxaana la xabisay shaqaalihii saarnaa sababo la xiriira inay kusoo xadgudbeen biyaha dalkeena,” waxaa sidaas lagu sheegay bayaan laga aqriyey taleefisihinka dowladda Iran.

“Isla maalinkaas, ilaalada Imaaraadka Carabta waxay dileen laba kalluumeysato oo u dhashay Iran, waxayna qabsadeen doontooda.”

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Iran ay u yeertay wakiilada Imaaraadka Carabta ee Tehran, si loogala hadlo dhacdadan.

Wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta way diiday inay jawaab ka bixiso dhacdadan.


Ruushka: Hoggaamiye mucaarad oo la sumeeyay, Cisbitaalna la dhigay

$
0
0

Hogaamiyaha mucaaradka dalka Ruushka Alexei Navalny ayaa la sheegay in isbataalka la dhigay isaga oo miirdaboolan islamarkana waxaa looga shakisan yahay in la sumeeyay, sida ay sheegtay haweeneey afhayeen u ah.

Alexei oo ah nin si wayn ugu ololeeya ka hortaga musuqmaasuqa ayaa xanuunsaday xilli uu safar duulimaad ah ku jiray.

Diyaaradda ayaa si degdeg ah u caga dhigatay, si loo eego xaaladda hogaamiyaha waxaa sidaasi barta Tweetar-ka ku sheegtay Omsk, Kira Yarmysh oo afhayeenka Alexei.

“Waxaan u malaynaynaa in la sumeeyay islamarkana shaah wax loogu daray,” ayay tiri.

Mr Navalny ayaa ah nin si wayn u dhaliila madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin.

“saaka ayuu Mr Navalny waxaa uu ku soo laabanayay magalada Moscow isaga oo ak yimid Tomsk,” waxaa sidaasi barta Tweetar-ka ku soo qortay Ms Yarmysh.

Ms Yarmysh ayaa markii dambe sidoo kale sheegtay in Mr Navalny la dhigay qeybta xaaladda culus.

Ilaa iyo imika ma jirto cid ka madaxbanaan Ms Yarmysh oo xaqiijisay warkan ay ku andacootay.

Sanadkii 2011 ayaa xabsiga la dhigay Mr Alexei Navalny islamarkana uu ku jiray muddo 15 maalmood ah, xilli ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo ku aadanaa in doorashada uu Putin ku shubtay.

Bishii June waxaa uu isbadalkii dastuurka lagu sameeyay ku tilmaamay “Afgembi” iyo “in lagu tuntay dastuurka”.

Isbadalkaas dastuurka lagu sameeyay ayaa Mr Putin u ogolaaday in uu xafiiska sii joogo laba muddo xileed oo dheeraad ah.

Fitnooyinka Diinta (3) – Qisadii Dhaliinyaradii Godka

Daawo:Suldaanka Guud ee Beelaha Gadabuursi oo Gabay ku karbaashey Beelaha Sool & Sanaag Dagaalada ka ooga

Daawo:Hogaanka Dhaqameedka Beelaha Hawiye oo Digniin u diray Farmaajo,Doorashadana sheegay in waqtigeedii lagu qabto

Daawo:Boqorka Guud ee Beelaha Habarjeclo Bari oo Caleemo-saarkiisa la shaaciyey+Goobta & Goorta

Goorta,Goobta & Sida loo qabanayo Doorashada Somalia oo Madal Puntland & Jubaland ka maqan yihiin lagu go’aamiyey

$
0
0

Goorta,Goobta & Sida loo qabanayo Doorashada Somalia oo Madal Puntland & Jubaland ka maqan yihiin lagu go’aamiyey

Villa Somalia
Madaxweyne Farmaajo oo saxiixaya heshiiska

Waxaa lasoo gabagabeeyay shirkii qaar kamid ah dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka uga socday magaalada Dhusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku shirsanaayeen.

Shirkan oo qoddobada looga hadlay ay kasoo shaqeeyeen guddi farsamo oo ka kala socday maamul goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka ayaa waxaa ay guddigaas maalmihii lasoo dhaafay ku shirsanaayeen magaalada Muqdisho, walow markii dambe ay tageen Dhusamareeb.

Madaxdii tagtay Dhusamareeb waxay shegeen in markii ay si qotodheer ay uga wadatashadeen qaababka doorasho ee ay soo jeediyeen guddigaas ay isla qaateen deegaan doorasho, waxaana qoddobadii shirka kasoo baxay kamid ahaa:

1. In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid deegan doorasho ah

2. In guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka oo kaashanaya maamulada dowlad goboleedyada fududeeyan dhisida guddi xulis oo loo dhan yahay oo ka kala imanaya odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga.

3. In ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imaneysa beesha kursiga wadaagta.

4. In dowlad goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu

5. In codbixiyeyaasha 3-dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaalla la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhammaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas.

6. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah.

7. Guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah.

8. In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban.

9. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka iyagoo kaashanaya maamulka dowlad goboleedyada iyo bulshada rayidka ah.

10. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan.

11. In Baarlamaanka dowlad goboleedyadu doortaan xubnaha Aqalka Sare.

12. In heshiiskan loo gudbiyo golaha Shacabka si uu sharci u noqdo.

13. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la go’aamiyey in guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka uu dardargaliyo hirgelinta doorashada.

14. Madaxda shirka waxa ka go’an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada dowlad goboleed ee shirka ka maqan.

15. In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka

Villa Somalia

Shirkan oo aysan kasoo qeybgelin maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa qodobada kasoo baxay waxaan la ogeyn sida ay uga falcelin doonaan nooca doorasho ee lagu heshiiyay.

Dhanka kale dowladda Mareykanka oo horay u sheegtay inay aad uga war dhowreyso waxa kasoo bixi doona shirka Dhusamareeb 3 ayaa war kooban oo lagu daabacay bogga Twiter ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu ka shaqeeyay sidii aragti loo dhan yahay loo geyn lahaa wadahadalada Dhusamareeb.

Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in aanay caawin karin kuwa ka maqan shirka.

Dad uu ku tilmaamay inay yihiin qaswadayaal ragaadinaya ka qeybgalka shirka ayuu Mareykanka sheegay inay ku gorgortamayan dimquraadiyadda iyagoo buu yiri eeganaya damacooda gaarka ah.

Villa Somalia
Madaxda ku shirtay Dhusamareeb

Sidoo kale dhinacyada ka qeybgalaya shirka ayuu sheegay inay u baahnaan doonaan inay horay u socdaan, ayna isku waafaqaan nooc doorasho oo wakhtigeeda ku dhacda, taas oo saacado kadib warka soo baxday.

Magaalada Dhusamareeb ayaa waxaa maalmahanba ku shirsanaa madaxda maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeele, guddoomiyaha gobolka Banaadir, madaxweynaha Galmudug oo martigelinaya shirka iyo Madaxweynaha dowladda federaalka , kuwaas oo maalmahanba ka war sugayay in shirka ay yimaadaan maamulada Puntland iyo Jubaland oo la aaminsan yahay in tabasho ay ka qabaan dowladda federaalka aanay uga qeybgelin shirka.

Inkastoo shirkan kii ka horeeyay loo maleynayay in labada dhinac ay isu soo dhawaadeen ayaa haddana waxaa muuqata in nooca doorashada ee Dhusamareeb looga dhawaaqay uu waafaqsan yahay tii markii hore ay soo jeediyeen maamul goboleedyada.

Daawo:Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Xoolaha & Kallumysiga S/land Siciid Sulub oo Agab & Deeq Gaadhsiiyey Degmada Sallaxley


Mareykanka oo digniin culus u diray Siciid Deni & Axmed Madoobe oo uu ku sheegay Qas-wadayaal 

$
0
0

Mareykanka oo digniin culus u diray Deni & Axmed Madoobe oo uu ku sheegay Qas-wadayaal 

Dowladda Mareykanka ayaa diginin u dirtay dhinacyada ka maqan shirka Dhuusmareeb 3, oo ka socda xarunta maamulka Galmudug, kaasi oo la doonayo in heshiis looga gaaro doorashooyinka Soomaaliya.

Safaaradda Mareykanka ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku sheegtay inaysan waxba u qaban karin kuwa ka maqan wada-hadalka, oo macnaheedu yahay inay lumiyeen awooddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen go’aanada lagu gaarayo Dhuusmareeb.

Safaaradda ayaa sidoo kale ereyga qas-wadayaal u adeegsatay dhinacyada ka maqan shirka.

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay ka shaqeysay in dhammaan aragtiyada lasoo saaro miiska shirka Dhuusarameeb 3, balse waxba uma qaban karto kuwa maqan. Qas-wadayaasha diidan ka qeyb-galka waxay damacyadooda shaqsiyadeed ka hormarinayaan dimqoraadiyadda,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

“Dhinacyada waxay u baahan yihiin inay ku dhaqaaqaan inay isku raacaan hab [doorasho] oo waqtigeeda ku dhacda.”

Erdogan oo shaaciyey war farxad leh wax weyna ka beddelaya Taariikhda Turkiga

$
0
0

Erdogan oo shaaciyey war farxad leh wax weyna ka beddelaya Taariikhda

 

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ku dhowaaqay inay heleen keyd weyn oo gaaska dabiiciga ah oo ku yaalla Badda Madow ee ku dhow xeebaha Turkiga.

“Turkey waxay sameysay shaac ka qaadistii ugu weyneyd ee gaas dabiici ah oo laga helo Badda Madow,” ayuu yiri madaxweynaha Erdogan oo shacabka kala hadlay qasriga Dolmabahce Palace ee Istanbul.

Markabka saliidda qoda ee Fatih ayaa helay qiyaastii 320 bilyan oo cubic meter oo gaas ah, sida uu sheegay Erdogan, oo shaaca ka qaaday war wanaagsan oo uu shacabka u ballan-qaaday horraantii toddobaadkan.

Turkey ayaa qorsheyneysa inay gaaska u diyaariso shacabka sanadda 2021, sida uu sheegay madaxweynaha, isaga oo intaas ku daray in gaas kale oo dabiici ah oo laga helo goobo kale oo ka mid ah Badda Madow ay suurta-gal tahay.

“Gaaskan waxaa laga helay kaliya hal ceel, waana qeyb ka mid ah kheyraad hodan ah,” ayuu yiri Erdogan, oo sheegay inuu filayo in war kale oo wanaagsan laga helo sahmin ay ka wadaan badda Meditareeniyaanka.

Markabka Fatih ayaa shaqadan billaabay 20-kii July.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Turkey ay dooneyso inay noqoto dal dhoofiya tamarta. “Turkey ma istaagi doonto illaa gaaska ay dhoofiso uu ka bato midka ay soo dhoofsato,” ayuu yiri.

War-saxaafadeed:Puntland & Jubaland oo qaadacaday Qodobadkii ka soo baxay Shirkii Dhuso-mareeb

Germany:Wiil Soomaaliya oo Meydkiisa laga helay Gurigiisa,Magaciisa,da’diisa+Macluumad kale

$
0
0

Germany:Wiil Soomaaliya oo Meydkiisa laga helay Gurigiisa,Magaciisa,da’iisa+Macluumad kale

Booliska Magalada Hamburg ayaa ku soo wargaliyay jaaliyada Soomaaliyeed ee magaladaasi in uu gurigiisa ku geeriyooday wiil Soomaaliyeed .

 

Wiilkaan marxuumka ah ayay boolisku sheegeen in bilowgii bishaan uu geeriyooday.

Wiilkan ayaa horay u deganaan jiray magaalada pinneberg oo ka tirsan gobolka Schleswig-Holstein, wuxuuna dhawaan u soo wareegay magaalada Hamburg.

Boolisku waxa ay inoo sheegeen in wiilkaan meydkiisa laga helay suuliga guriga uu deganaa dhexdiisa.

Jaaliyadda Soomaalida Hamburg ayaa isu diyaarinaysa sidii loo aasi lahaa Marxuumka.

Waxaase laga codsanaynaa haddii ay jirto cid garanaysa Marxuumka ehelkiisa inay kala xidhiidhaan Insha Allah. +49 163 8442931 / +49 176 61839684

halkan ka akhri macluumadka wiilka geeriyooday:

Magaca Zakariya Khalil Abdi
Dhashay 09 09 1998
Ku Dhashay Kismaayo Somalia
Adredkiisa :Ehestofer Heuweg Hamburg
21149 Hamburg .

Mahadsanidiin
C/rashiid Ali.
G.Kuxigeenka Jaaliyadda Soomaalida Hamburg.

 

Buufimooyin ay ku jiraan walxaha qarxa oo Kooxda Xamaas ku riday Israel oo sababay inuu dab ka kaco Keymaha Israel

$
0
0

Buufimooyin ay ku jiraan walxaha qarxa oo Kooxda Xamaas ku riday Israel oo sababay inuu dab ka kaco Keymaha Israel

Buufimaha ay ku jiraan walxaha qarxa ayaa waxay dhaliyeen in keymo ku yaalla Israa'iiluu dab ka kaco
Buufimaha ay ku jiraan walxaha qarxa ayaa waxay dhaliyeen in keymo ku yaalla Israa’iiluu dab ka kaco

Hogaamiyayaasha Israa’iil ayaa uga digay kooxda Xamaas in xaaladda iska horimaad ee Qaza ay sii ballaaran doonto haddii aysan joojin gantaalada iyo buufimaha ay ku jiraan walxaha qarxa ee ay xudduuda ku soo ridayaan.

Wasiirka gaashaandhiga Israa’iil Benny Gantz ayaa sheegay in kooxda Xamas ee gacanta ku haysa Qaza ” ay khasaaro daran la kulmi doonaan “.

Balse afhayeen u hadlay Xamas ayaa wacad ku maray “inaysan ka laba-labeyn doonin inay dagaal la galaan haddii Israa’iil ay soo weerarto islamarkana ay go’doominta sii socoto “.

Kooxda Xamaas ayaa waxay 12 gantaal ku rideen dhanka Israa’iil.

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa dhankooda fuliyay saddex weerar oo ay Qaza ku qaadeen.

Tan iyo toddobaadkii aanu soo dhaafnay, tiro madaafiic ah iyo buufimo walxaha qarxa ay ku jiraan ayaa laga soo riday dhanka magaalada Qaza.

Israa’iil ayaa ku jawaabtay duqeyn ay sheegtay inay la bartilmaameedsatay saldhigyo ay Xamas leeyihiin.

 

Israa'iil ayaa fulisay dhankeeda dhowr weerar
Israa’iil ayaa fulisay dhankeeda dhowr weerar

Israa’iil ayaa sidoo kale mamnuucday in doomaha kaluumaysi ay ka sameyaan badaha islamarkana waxaa ay ogolaanayaan oo kali ah doomaha wada gargaarka bina’aadnimo iyo kuwa badeecooyiinka u sida magaalada Qaza.

Maadaama uusan shidaal jirin waxaa go’an korantidii ay isticmaali jireen shacabka magaalada Qaza.

Shacabka ku nool magaalada Qaza oo ay tiradooda dhan tahay 1.9 milyan oo qof ayaa waxay maalinkii koranta helaan 4 saacadood oo kali ah.

Tirada gantaalada laga soo riday magaalada Qaza Khamiistii iyo subaxnnimadi Jimcaha ayaa ahaa kuwii ugu badnaa oo 24 gudahood ah la soo rido tan iyo intii isku dhacyadan ay bilaabmeen.

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>