Gaadiidka iyo goobaha caafimaadka oo horba ugu yaraad degmada laas geel ayaa waxa dhawaan ugu deeqday gaadhi Ambalance ah wasiirka wasarada maaliyada Zamzam cabdi aadan gaadhigaasi oo lagu tal galay inuu gargaar iyo caawinmo siiyo dadweynaha ku dhaqan deegaanka hoose yimaada degmada laasgeel ee gobalka Maroodi jeex , balse xaaladii lagu talo galay ee ahayd mid caafimaad waxba kama tarin taas sababteeda waxa iska leh maamulka degmada oo ah mid magac u yaal ah oo shaqadiisi kama mashquulay fadhi ku dirirka magaalada Hargeysa waa ninka gudoomiyaha ka ah degmada laasgeel Mustafe Ibraahim jabiye( kaalay aynu fadhtanee) masuulkana oo u istcimaalay gaadiidkii lagu talogalay badbaadiinta iyo gargaarka hooyada iyo dhalanka inuu kolba cidi aan u baahanay ugu adeego oo hada iyo jeer aad arkayso gaadhigii Ambalance degmada oo reero Hargeysa iyo Berbera u kala sido taas oo dadka qaar ayaa ku sheegaya inayn kiraysteen gaadhiga Ambalance sidoo kale wax u masuulkani u adeegsada gaadiidkii lagu talo galay badbaada shacabka ay abaaraha iyo duruufaha adagi haystaa inuu u ka dhigto salada gurigiisa Hargeysa oo khudrada lagu doono taas wax meel ka dhaca ku tahay xukumada madaxweyne Siilaanyo ,
Ma ahi arintaas oo kaliya balse waxa dayac iyo qaybo badan ka jirtaa adeegyada waxbarashada iyo biyaha taas oo xarunta degmada ee dacarbudhuq ay hayso biyo la,aan taas oo ay foosta biyaha ay ka marayso qiimo dhan 14000 oo shilinka Somaliland oo ugu dhigta 2$ bulshada ku dhaqan deegaankaasi ma awooda cida kaliya ee ay caawimada iyo naraxiista ka sugayaa waa xukumada siilaanyo iyo waxgaradka ka soo jeeda degmada laasgeel .
Qodobada kale ee mihiimka ah ayaa ah inuu maamulkii iyo hanaankii dawladnimo ee hore ugu jiray degmadaasi u faraha ka baxay taas oo ay sababtu tahay iyada oo ay gacanta ka baxday cidii isku xidhaysay xukumada iyo dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi iyada oo ay dhawaan nahay ay soo baxayeen warar iyo xaalada muranka dhulka deegaanka ay bilaabtay taas oo aan jirin wax kala xaday dhulka ama waxa loo qayaan (town plan)
Qalinkii : Muna ahmed (muna qalanjo)
Qalanyo65@gmail.com
Gaadhigii Ambulance-ka ee degmada Laasgeel oo noqday gaadhi daabula caanaha!
Ugaas Ku Xidhan Taageerada Xisbiga Wadani….. Iyo Qurbo jooga deegaankiisa oo taageeray Ugaasnimadiisa Dalabadayna…..
Salaan ka dib….Ugaas Cabdi/raxmaan Diiriye ..Ugaas ka beelaha Cibraan mohammed sheikh isxaaq…waxa uu ku xidhan yahay xabsiga dhexe ee caasimada Hargeisa ..kadib markii uu ku biiray..Xisbiga Wadani kana qayb galay shir uu ku lahaa xisbiga wadani magaalada Burco
Xadhigan iyo xoriyad ka qaad kan ugaas Cabdi Raxmaan Diiriye ayaa noqday …mid aad laga hadal hayo gudaha Somaliland iyo qurba…kadib markii maxkamadu denbi ku wayday ..amar na ku bixisay in la sii daayo…
Hase ahaatee..laga qabtay albaabka maxkamada Maroodi Jeex….mudane Ugaas waxaad u xidhan tahay maanta laga bilaabo madax tooyada..Somaliland..
cid ku sii dayn kartaana ma jirto ..ilaa aad ka noqoto..Taageerada Xisbiga Wadani.. qoraal na ku cadayso….. Ugaas ku wuxu ku adkaystay in uu ka tirsan yahay xisbiga wadani..dibna aanu uga noqonayn..hadii weligii la haynayo..
Ugaas Cabdi Raxmaan Diirye waxa kale oo loo diiday in uu arko caa’lidiisii iyo ama loo keeno dawooyinkii macaan ka…si loogu dirqiyo in uu saxeexo warqad ka noqosho..
Hadaanu nahay qurba joogta …beelaha Cibraan ..waxaan si buuxda u taageersan nahay ..Ugaas Cabdi-Raxmaan Diiriye ..in uu yahay Ugaas la doortay…ugaas la raacsan yahay…Xorna uu u yahay in uu xisbiga uu doono taageeri karo..la dooran karo wax na dooran karo si xor iyo xalaal ah
Wxaanu kale halkan uga mahadnaqynaa..Musharaxa madax wayne..Xisbiga wadani..Cabdi-Raxmaan mohammed cabdillahi..( Ciro)..iyo dhamaan madax da xisbiga wadani oo si mug leh uga hadlay..xornimada muwaadinka reer somaliland iyo xaalaeda Ugaas ka ..dhamaan reer Somaliland…taageerada ay taageereen Ugaas Cabdi Raxmaan diiriye oo ku xidhan xabsiga dhexe ee Hargeisa…kadib markii uu ka qayb galay..shir ay lahaayeen xisbiga wadani ..magaalada Burao gobolka togdheer somaliland
Waxaanu xukuumada Somaliland ka codsanaynaa…in ay sii dayso Ugaas Cabdi-Raxmaan Diiriye….shuruud la’aan.. ka hor in aanay dhaawicin demoqraadiyada Somaliland ku faanta ..kuna soo caano maashay..muddada dheer..
Waxa Mahadsan Cid kasta oo ka qayb qaadato sii daynta Ugaas Cabdi Raxmaan diiriye..oo ku xidhan taageerda xisbiga wadani…xabsiga dhexe ee Hargeisa
Suleiman Adan Dheere
London
Programme for Infrastructure Development in Africa (PIDA) Week 2016 Pens with Calls for Accelerated Job Creation through Infrastructure Development for Africa’s Transformation
PRESS RELEASE
PIDA is a multi-sectoral programme covers transport, energy, transboundary water and ICT
ABIDJAN, Ivory Coast, November 25, 2016/ — Africa has to provide employment opportunities for its youth if it is to harness their potential and contribute to the desired economic growth outlined in the vision of Agenda 2063.
The call was made by officials from the African Union (AU) (www.AU.int), the NEPAD Agency (www.NEPAD.org) and the African Development Bank (AfDB) (www.AfDB.org) at the opening of the second annual Programme for Infrastructure Development (PIDA) Week currently underway in Abidjan, Côte d’Ivoire. This year’s gathering organized under the theme, “Creating Jobs through Regional Infrastructure Development,” has drawn over 250 participants and stakeholders representing Member States, private sector, development partners and project owners.
PIDA, a multi-sectoral programme covers transport, energy, transboundary water and ICT, is dedicated to facilitate continental integration in Africa through improved regional infrastructure.
PIDA week 2016 will showcase and validate the relevance of regional infrastructure (PIDA) projects and the impact thereof on the socio-economic development of Africa and particularly on job creation for the youth.
In her statement H.E. Dr. Elham M.A. Ibrahim, AU Commissioner for Infrastructure and Energy, said, “PIDA should play an important role in narrowing the gap between job creation and unemployment. To that end, public decision-makers and private sector management are urged to actively undertake training and skills acquisition in infrastructure development, particularly in building roads, rail systems, power generation and power transmission systems in order to enable young Africans to be well prepared for the implementation of complex programmes such as PIDA.”
The week’s events intend to build on the achievement of the inaugural event held in 2015 to increase the visibility of PIDA projects, reach out to the global infrastructure investor community, development finance institutions, export credit agencies, project sponsors (public and private) and governments.
NEPAD Agency CEO, Dr Ibrahim Assane Mayaki underscored that if Africa is to be successful in increasing the number of regional and domestic infrastructure projects and their impact, changes are needed in mind-set, policy pronouncements and programme implementation. He indicated that there is a need to continue with the positive streamlining of trans-boundary infrastructure projects as highlighted in PIDA and complementary initiatives.
“Africa stands to benefit from its critical human resources, the young people, who must be nurtured to enable their meaningful participation in national development efforts and I believe that infrastructure development is central to this,” said Dr Mayaki.
In his address, AfDB acting Vice President Stephan Nalletamby, outlined, “PIDA’s continued importance for Africa’s transformation and insisted that the programme was “solid, sustainable and attainable objectives for 2030.”
“We have selected our destination and we are going to get there, as long as we can be assured of excellence in our infrastructure and total reliability in its implementation and operation on the ground. The PIDA programme is at the front of our thinking. We consider it to be critical for Africa’s integration agenda,” Nalletamby told participants. “PIDA has the unique feature of being the first African infrastructure development agenda, designed by Africans and fully owned and endorsed at the highest level by African Heads of State and Government. So it has to succeed,” he concluded.
PIDA Week 2016 will also focus on reporting key achievements. The PIDA Progress Report 2016, shared after the opening ceremony, highlighted the need to de-risk infrastructure and PIDA projects to solicit interest from private sector investors as well as domestic and international investors. The Continental Business Network, CBN, has provided the platform to engage private sectors stakeholders. The 2016 report also give an overview of progress made with the 16 priority PIDA projects agreed upon at the 2014 Dakar Financing Summit.
In addition to progress and successes, the report presents a candid review of the challenges and lessons learnt to ensure continued accelerated implementation of PIDA projects.
Distributed by APO on behalf of African Development Bank Group.
Daawo:Bulshada degaanka Beer (Togdheer) oo sida Fiinta uga qayliyey Badhasaabka Burco &……
Daawo:Bulshada degaanka Beer (Togdheer) oo sida Fiinta uga qayliyey Badhasaabka Burco &……
Gadhwaynaa sheegay Jamaal waa Kulmiye,Waddani yaanu ku daalin!

Daawo Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo gargaar u fidiyay caruur lagaga guuray meel cidlo ah Fadlan Adna Ka Qayb Qaado

Roob laxaadleh oo caawa ka curtay degmada Sabawanaag ee Hargeysa iyo meelo kaleba
Hargeysa,(Qaran-news)-Roobab laxaadleh ayaa caawa ka curtay degmada Sabawanaag ee gobolka Maroodi’jeex, roobabkani oo da’aayay 3 saacadood ayaan ilaa hada la ogayn wax khasaare ah oo ay gaysteen, waxana dad goob joog ahaa oo nala soo xidhiidhay ay sheegeen in roobkaasi uu jabiyay abaartii oo uu aad u biyo dhigay isaga oo aan kala qaadin sadex saacadood oo aan kala go’o lahayn is lamarkaasina uu in badan sii tiixaayay.
Goobaha iyo deegaanada uu ku dayna waxa aanu idiinku soo gudbin doonaa wararkeena danbe, waxa sidoo kale ay wararku sheegayaan in roobab ay ka da’een qaybo ka mid ah gobolka Awdal iyo sidoo kale galbeedka gobolka Gabiilay siiba Dila iyo deegaano ku hareeraysan oo ay ku sugnaayeen dadkii abaarahu ka soo qaxiyeen deegaanada bariga Somaliland, roobabkaasi oo xalay iyo caawaba da’ay waxa ay wax weyn ka tari doonaan dadkla xad dhaafka ah ee ku soo qaxay gobolada Awdal iyo Gabiilay.
Cirka ayaa caawa la qarsoomay daruur modow gaar ahaan caasimada Hargeysa iyo nawaaxigeeda iyo sodoo kale gobolada Maroodijeex,Gabiilay iyo Awdal waxana la saadaalinayaa in roobabku ay curtaan wakhtiyada fooda inagu soo haya, sidoo kale gobolada bariga ayaa laga soo sheegayaa saadaal fiican iyada oo goobo badan uu cirku tusanyahay
Sidoo kale roobabka ayaa hada laga soo sheegayaa in ay ka curteen deegaano ka tirsan degmada Sallaxley. Sida; Balli-ciise, Dogob-cadka, Baha dhamal, Kaam-tuug, Ina-Guuxaa iyo gudaha magaalada Sallaxley iyo gooba faro badan oo ah goobahii ay dadka galbeedka joogaa ka hayaameen.
Hiigsiga: Hiigsigu waa qaabka naftaadu u rabto uguna fikirto
Hiigsigu waa qaabka naftaadu u rabto uguna fikirto, una sawirato gaadhis meel sare oo aanad hadda taagnayn ama helis niyayn in aad heshid waxaad jeceshay.
Waa qaabka aad noloshaada la rabtid inay is bedesho bilaha iyo sanadaha soo socdaba.
Waa qaabka aad u fikiraysid , qorsheynaysid una aaminsan tahay in naftaadu wax ka bedeli doonto qaabka iyo sida imika la yahay.
Haddii aad tahay qof jecel inuu naftiisa wax ka baddalo waxa looga baahan yahay inuu noqdo qof hiigsi sare leh muxuu se hiigsanayaa?
Waxaad hiigsataa waxkasta oo naftaada u dana oo aan cidnaba waxba yeelayn, waxaad hiigsataa wax if iyo aakhiraba wax kuu taraya, xalaal ah lana gaadhi karo, waxaad hiigsataa wax lagu badbaadi karo lagana faa,idi karo dad iyo dawlad iyo caalamba.
Hiigsigu waa qorshaha aad ku gaadhaysid meel ka saraysa halka aad imika taagan tahay ama qaabka aad ub heli lahayd wax aanad imika gacanta ku hayn.
Waana qorshaha markasta ka dhex guuxaya maankaaga iyo maskaxdaadaba.
Si haddaba aad hiigsigaaga u gaadhid waxa lagaaga baahan yahay
1. Riyo joogtaa oo ah waxa aad rabtid.
2. Aaminid in aad gaadhi kartid.
3.jaceyl iyo xiisayn waxa aad ku riyoonaysid.
4. Fulin iyo aragti guud.
5. Samir,Xalin iyo dhaafid carqabadkasta.
5.Ilaalin iyo kormeer.
6.Farxad iyo is amaanid naftaada ah.
7.Mahadnaq Alle iyo ciddii kaa caawisayba.
Farhan Mohamed Sultan (Rakad)
Berbera.
rakadmxd@gmail.com
Ganacsadahan Ku DHex Milmey Saaxada Siyaasadu, Dalkoo Dhan Ma Saaxil ilaa Subuluhuu Moodayaa.
Guuxa siyaasadeed ee mudooyinkan danbe dalka ka taagan ayaa waxa u mixwara kooxo is-huwan Dilaaliin Iyo Ganacsadayaal uu hor kacayo Ganacsadaha weyn Ee Maxamed Aw Siciid Geedi, ayaa Ah mid ka baxsan cadada gobta iyo lagu yaqaano Bina-aadantimada san waayo ma haboona in Bulshada wada dhalatey ee Reer Somaliland la kala qaad-qaado oo kala qoqob iyo suus la dhex dhigo, Hadaba kooxahan kadeedan ee bahdilay saaxadii siyaasada Somaliland ayaa dhamaantood u shaanbadaysan shicibka iyo umada aragtida fiican waxaaney dhamaantood ku tahay boog ama Calaamad aan abid ka baaba,aynin.
DHameeyaaga ama soo gacan-galiyaha weynaadey ee kaadiriintii dalka iyo siyaasiyiintii da,da Yaraa biqilka ku daaqey isagoo adeegsanaya hantidiisa, Maxaa uga shan iyo tobana haduu nin ay isku reer yihiin Madaxtinimo u sharaxan yahay, Ileyn musharax kastaa wuxuu leeyahay ganacsadayaal waaweyn balse kumey milmin Sida Maxamed Aw Siciid oo kale, Hindisayaashiisii ugu danbeeyey in dabinada uu maleegay waxaa ka ah Iibin baabuur kooxo la mustafaynayo, U dhisid guryo, Gudoonsiin kaash iyo nidaamyo fara badan oo uu ku soo xereeyey rag ay isu hayb yihiin.
Sidoo kale Ganacsadahan dambaaba Shirkada Somcableka ayaa qorshayaashiisa ugu badan ku gaalaabixiya bur-burinta Xisbiga wadani, wadooyinka uu u marayaana ay yiiin In Siyaasiyiinta ka soo Jeeda (Saaxil ilaa Subulaha) loo gacan haadiyo laguna qanciyo dabafadhiisiga Ina-adeerkood Muj. Muuse biixi cabdi, waxaan yadna meesha ka maqnayn in ruglayda la galinayo Gudooyimaha ahna Musharaxa xisbiga Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi ka takhalusidiisa dhinaca baarlamaan, taasina waxa kashiftey kulankoodii dirirta iyo cadhada ku dhamaadey ee shalay.
Hadaba waxa isweydiin mudan waa maxay faa,iidada ama danta ugu jirta Ina awsiciid farogalinta intaa leeg tolaw ninkani ma Siidhi wadaha Saaxada Siyaasada Somalilandbaa, Teeda kale ninkani sidaa wax u galayaa miyaanu ahayn Muwaadin Reer Jabuutiya Oo dalkaa jaarkeena fadhigiisu yahay, Waxa kale oo jirta lama oga sababaha ku kalifaya Ganacsadan Xasuuqyada Siyaasada Ee Uu gaysanayo iyo darmooyinka godobta ee uu beeranayo.
Miyaanu odeygu xisaabta ku darsan inuu yahay ganacsade bulshadu u siman tahay oo umadiisa u adeega isagoo ka ganacsanaya, waliba shirkadihiisu ka shaqeeyaan dhamaan dalkoo dhan isla markaana min barri ilaa galbeed dhex u ah oon in gooniya garabka saarin, Mise dalkoo dhan wuxuu ka aaminey soonahaa ubucda Somaliland Ee (Subulaha Ilaa Saaxil).
Hadey jawaabtu haa tahay waxa weeyaan dalkii kale iyo dadkiisii waan ka maarmey waxaaney saameyn taban ku yeelanaysaa ganacsigiisa, sideedaba ganacsaduhu maaha nin wacaal beera ee waa nin sumcad, Suuq, iyo shacbiyad samaysta hadiise dawgaa laga waayo Waa(Hashu maankayga gadee ma maansaar bey liqdey).
Arintani hadii aan laga gurman ganacsadayaasha umada hunguri gaagixinaya ee nina gubaya nina sar u goglaya waxa ka dhalan kara isku dhac iyo colaado sokeeye waayo waxa jira ganacsadayaal ninkan u dhigma hadey umadooda soo fangareeyaan, Dadkaa si xun u coloobi kara iska hor imaadna wuu ka qarxi karaa yadoo aakhirka iyo ficil shidaanku odhan doono ninka Rooni Reerka Haw hadho, markaa waa inaan gurmanaa kooxahaa iyo lacagahoodaa sumeysan, oo dadka laysu soo dhaweeyaa si cadaaladana loo kala baxaa, bilaa mixnad iyo munaafaq.
Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)
Diplotic Annalysis
Gabiley/Somaliland
abdiraxmaanjeesto111@gmail.com
Xaalka Qoys Danyar ah oo Guddoomiye Cirro Ka Faalo-Qaaday Masruufkooda Nololeed iyo Booqashooyinkii Isku Ladhnaa ee Maanta iyo Laba Sanno Ka Hor ay Iskugu Tageen Cirro iyo Wiil Dhallinyaro ah+SAWIRO

Sahal Cabdi Ibraahim oo ah wiil dhallinyaro ah oo ka soo jeeda qoys danyar ah, ayaa lugahiisa ku soo booqday guriga guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo markii hore wiilkaas dhallinyarta ah oo lugaha naafo ka ah hore ugu soo booqday gurigooda oo ku yaala xaafadda DAAMI ee magaalada Hargeysa, balse hada ka bogsaday xanuunkii kaga dhacay lugta qalniino bilaasha oo ay dhakhaatiirtu u sameeyeen awgeed.
Wiilkan dhallinyarta ah oo ah wiil Agoon ah isla mar ahaantaana ay walaalo yihiin Sideed caruura, ayaa booqashadiisan waxa ku wehelinaayey Hooyadii Saado Diiriye Dubbe iyo weli ba sida oo kale xoghayaha Cadaaladda Xisbiga WADDANI Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo ay ka soo wada jeedaan beelaha Gabooye sida oo kale na goob joog ahaa wakhti ku siman laba sanno ka hor oo Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) uu wiilkaas yar ku soo booqday gurigooda sida oo kale na uu wakhtigaas gaadhsiiyey deeq raashin ah.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo markii wiilkan yari soo booqday ku sugnaa gurigiisa , ayaa markii uu arkay wiilkaas dhallinyarta ah, waxa uu fadhiga uga soo kacay si uu u qaabilo, isaga oo ku qaabilay soo dhaweyn dareen taabasho iyo mid farxaddeed ba leh, waxaana uu ka dhunkaday Madaxa iyo labadiisa dhaban, sida oo kale na uu soo gashaday laabtiisa isaga oo madaxa u salaaxaya, maadama oo wakhti hore ay iskugu dambeysay wiilkaas dhallinyarta ah.
Is-xaal waraysi dheer ka dib oo uu guddoomiyahu la yeeshay qoyskaas danyarta ah, waxa ay u sheegeen in xaalkooda nololeed uu aad u hooseeyo isla mar ahaantaana ay noloshoodu marayso xaalad aad u daran oonay haysanin cid ka kaabta dhaqaalaha yar ee qoysku u isticmaalayaan noloshooda, waxaana isla goobtii ba si kedis ah oo mar kale dareen farxaddeed iyo naxariis ba wata uu guddoomiyahu hortooda uga ga dhawaaqay in uu balan-qaadayo in uu bil kasta uu jeebkiisa ka bixinaayo Masruufkooda Nololeed.
Hooyo Saado Diiriye Dubbe oo ah hooyada wiilkan yar dhashay, ayaa si dareen taabasho leh, waxa si farxad ka muuqato ay ugu jawaab celisay guddoomiye Cirro, iyada oo Alle uga bariday in Uu If iyo Aakhiro ba khayr ugu bedelo culayskaas nololeed ee Hooyo ahaan uu ka furtay, maadaama ay ahayd Hooyada kaliya ee u rafaadi jirtay caruurtaas Agoonta iyo Danyarta ba ah. Waxa kale oo ay Hooyo Saado Eebe ay ka bariday in Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI uu ku guuleeyo sida oo kale na uu u rumeeyo hadafkasta oo uu lee yahay.
Ugu dambeyntii, Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo ah xoghayaha Cadaaladda Xisbiga WADDANI, ayaa isna dhankiisa si dareen taabasho leh uga hadlay siddii Murashaxa Madaxweynaha WADDANI uu u qaabilay wiilkaas iyo Hooyadaas danyarta ah.
“Laba sanno ka hor ayaanu ku booqanay Sahal iyo hooyadii Saado gurigooda Hargeysa ee xaafadda DAAMI jooga, Sahal wakhtigaas lugta ayuu naafo ka ahaa muddo 5 sanno ah waana wiil dhallinayro ah oo Agoon ah, wuxuu la dhashay 8 caruur ah isagaa wiilasha u weyn. Maanta ayaa Sahal iyo hooyadii Saado soo booqdeen Murashax Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Cirro, si milgo iyo sharaf leh ayuu gurigisa ugu qaabilay waxaanu ugu bishaareeyey kulankoodii kadib markii uu xaafadooda darsay in biilka agoonta isagu guudka u ritay Sahal yarana waxbarashadisi sii wato.”.Ayuu Barkhad Jaamac Xirsi Batuun
Daawo:Madaxweyihii Hore ee Cuba Fiidal Castaro oo geeriyooday
Daawo:Madaxweyihii Hore ee Cuba Fiidal Castaro oo geeriyooday
F.C.Waraabe oo magacaabay Gudoomiye-ku-xigeenkiisa+Xilal kale
F.C.Waraabe oo magacaabay Gudoomiye-ku-xigeenkiisa


War-weyn:Daawo Xisbiga Ucid Garabka Jamaal oo Hakiyey wadahadaladii u socday Kulmiye+Halka sartu ka qudhuntay
War-weyn:Daawo Xisbiga Ucid Garabka Jamaal oo Hakiyey wadahadaladii u socday Kulmiye+Halka sartu ka qudhuntay
Daawo:Kulmiye Kulmiye ku biiray+Xisbiga Waddani oo ka dareenceliyey masabidaad & xagxagasho ay kula dulkufeen
Daawo:Kulmiye Kulmiye ku biiray+Xisbiga Waddani oo ka dareenceliyey masabidaad & xagxagasho ay kula dulkufeen
Bulshooy ma baabaa innagu xidhan..Qaybtii 7’aad
Akhristayaal waxan alle ka baryayaa inuu abaarta innaga soo qaboojiyo,raxmadiisana mid khayr leh inoo shubo. Waxan dhamaan idinka codsanayaa qof waloow-ba waxaad karayso kaga qayb qaado taakulaynta dad iyo xoolaba inta ka sii luudaysa.
Akhristayaal, hadaan halkii inooga sii amba qormadii 6aad,saqdii dhexe waxa dhacay saymahii siyaasadeed ee lagu gawracay xisbiga qaran ee ucid,waxa kulmay Faysal C.Waraabe oo ah mindidii loo adeegsaday ucid,watana xaashi uu ku dalbanayo in la joojiyo shirka garabka Jamaal hogaaminayo.Wasiirka madaxtooyada ayuu ula tagay,waxa laysla qaatay in dabinkaa uu fuliyo wasiirka arrimaha gudahu,isna waa loo yeedhay waxa amar lagu siiyay inuu warqad joojinaysa shirka garabka Jamaal u geeyo hotelka maansoor oo ahaa goobtii shirka lagu qaban lahaa. Hada la soco dabinadin waxa la fuliyey isla saqdii dhexe,12kii habeenimo ayuu inankii hotelka hayay ee xaashida loo dhiibay nala soo hadlay noona sheegay in wasiirka arrimaha gudahu joojiyay shirkii!!!
Cajiib,tallow weli ma qaaxo ayaynu joognaa mise siyaad bare ayaa dib u soo noolaaday! Bal adba!
Akhristayaal subaxdii xigtay ee 7dii bishan ayaanu geed hoostii ku qabsanay shirkayagii,ogow oo gudoomiyaha guddida diiwaan gelintu waxuu si cad media-yaha uga cadeeyay inay 2da shirba xaaraan yahiin oo aanay xukunkii maxkamada waafaqsanayn.Balse cid umuu soo dirin shirkayagii ee faysal afduubtay ayuu 2ba xubnood u dirtay ilayn isna isla habeenkii hore ayaa madaxtooyada looga yeedhay amarna lagu siiyay inuu ka noqdo go’aankiisii ahaa 2da shirba inay yahiin xaaraan oo uu shirka faysal afduubtay inuu sir iyo caad ku xalaaleeyo! Sidii ayuu fuliyay oo ku dhawaaqay inuu shirka Faysal xalaal yahay. Hada wuu ogyahay,xaadirna gudida ina-ciyaale ka ahaayeen inaanu waafaqsanayn xukunkii maxkamada sare oo garab keli ahi qabsaday! Ergada fadhidayna aanay ahayn ergadii shirweynahii ugu danbeeyay ee ucid fadhiday marka laga reebo 47 ergay oo ka hoosaysa kooramkii,inta kalana ay ahaayeen xubno uu faysal jiica iyo gobolada ka soo urursaday ilayn heshiis xukuumadeed ayaa faraqa ugu guntanaaye.
Akhristayaal halkaa waxaa inoo cadaatay xukuumada,kulmiye iyo faysal oo la adeegsaday inaanay ucid oo keli ah gawracin balse waxay qawrayeen maxkamada sare ee wakiilka ka ah waaxda garsoorka iyo gudidii diiwaangelinta ururada iyo xisbiyada siyaasada.Sababta dhulka loo jiiday garsoorkii qaranka iyo gawracii ucid wax kale maaha ee waa siyaasad xumida kulmiye ee ku salaysan kala qaybinta iyo qabyaalada ay u haystaan in jidkaas uun lagu hanan karo kursiga ay ku dul saqiireen oo ay aragti gaabni-dooda ku hamiyayaan inay mar labaad ku soo noqdaan hogaaminta dalka.Waxaana ku kelifay inuu Faysal u noqdo markhaati doorashada dabadeed.Waana markii taariikhda ugu horaysay ee la kala dhaco musharaxnimo xisbi qaran oo ay xukuumadi qorshaysay sidii geela loo kala dhici jiray!!!
Akhristayaal, dad waxa ugu liita ninka yidhaa(anigaa ugu aqoon badan,anigaa ugu caqli badan,ma jiro cid aan dalka ku aaminaa,maalin walba waxa aan idiin sheegayaa waa biyo dahab ee hadana cay,yasid iyo been aan raad lahayn umada la hor-taagan).Taa waxa ka sii daran maxkamada sare ee Faysal hortooda qiraal ahaa inuu isagu farta u taagay codayntii iyo ansaxintii golaha dhexe ee musharaxnimada Jamaal ee hadana dhegaha ka furaysatay sida xukunkeeda ku cad si ay u fuliso amarka daneed ee madaxtooyada.Kuna darsoo gudida diiwaangelintuna ayadoo og raad xumada ka hadhi doonta go’aamadeedii isku lidka ahaa ee ku saabsanaa xaqsoorida 2da shir ee uu ucid kala qabsaday.
Waxa hubaal ah 2daa talaababa inay saamayn taban ku yeelan doonto kalsoonidii shacaka JSL ku qabay waaxda garsoorka iyo gudida diiwaan-gelinta ururada iyo xisbiyada siyaasada. Waana mid daah madaw huwisay kobcinta cadaalada JSL
Akhristayaal, waxaan ku soo gaba-gabaynayaa dalku waxuu u baahanyahay siyaasiyiin daacad iyo run ku hogaamiya,kuna dhaqa dastuurka iyo shuruucda innaga dhaxaysa ee lagu heshiiyay,Sidaa ayaa horumar aynu ku gaadhi karnaa,cadaaladana sugi karnaa balse inta aynu daba hashlay-nayno siyaasiyiin kuu adeegsada danahooda uun,laguna raacayo uun waa inankayagii oo been iyo qaladba waanu ku raacaynaa ilaahay abaaro iyo aafooyinkii ummadii hore lagu rogay ayuun baynu ku dambayn doonaa..Allahayow abaarta naga qabooji,raxmad khay leh-na noo shub,allahayow naga qabo munaafaqiinta kursigu u muuqdo oo noo door hogaamiye dadka iyo dalka daacad u ah oo khayr qaba.
Xuseen Xasan Badmaax
badmah100@hotmail.com
Hargeysa/JSL
Halgan Taariikheedkii Imaam Axmed Gurey 1506—-1543kii W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir
Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Rabbi naxariis haynagu gallado hana ina karaameeyo hibbo naxariiseedna haynagu kabo raxmada roobna haynoo shubbo. Aamiin Aamiin.
Ilaah idankii maanta waxaynu ka adlaynaa taariikhdii halyaygii somaliyeed ee ahmed guray.
Halgamada Somalidu gashay wxay ahaayeen dhawr laakin dhamaantood waxay lahaayeen hal u eedo oo midaynaysay taas oo ahayd gobonimo iyo xornimo qaran.
Hadaba aynu sidanku bilawno taariikh weyntii ahmed guray nuqul kooban oo soo ururinaya ama koobaya iyada oo aynu ognahy taariikhda halgamaa halyeey ahmed guray inay aad u sal balaadhan tahay
Imaam Axmedd Ibraahim Gurey, wuxuu ku dhashay tuulo ka mid ah gobollada Harar, oo la yiraahdo (Hoobato) sannadku markuu ahaa 1488.
Imam Axmed Guray, wuxuu yaraantiisa ku soo barbaaray magaalada Harar, intuu joogay magaalada magaalada harar, wuxuu galay dugsi qur’aan, halkaasoo uu ka bartay qur’aanka kariimka ah.
Axmed Guray, muddadii uu joogay magaalada Harar, wuxuu ahaa wiil yar, hase yeeshee waxaa la sheegay in uu ahaa wiil firfircoon oo aad ay uga muuqatay ragannimo iyo geesinimo dheeraad ah.
Axmed Guray, isagoo aan weli qaangaarin, ayuu Aabahiis dhintay, dabadeedna waxay hooyadiis ay u soo qaaday magaalada seylac, wuxuuna halkaas ka sii watay barashada quraanka iyo diinta islaamka.
Intii uu joogay Axmed guray, magaalada seylac, waxaa ka sii muuqatay ragannimo iyo inuu yahay wiil dadaal badan.
Markii uu weynaaday, waxaa markiiba ka muuqatay haybad iyo urursanaan, wuxuuna ahaa nin fikrad weyn oo dabiici ah oo dagaalyannimo, leh xeelada ku saabsan nidaaminta iyo ururinta ciidan dagaal.
Axmed Guray, wuxuu ugu horreyntii wuxuu ciidan aan badneyn ku ururiyay magaalada seylac, gadibna, wuxuu usoo guuray gobolka awdal la oran jiray.
Halkaas oo dowlada xoog lihi ka sameysneyd, wuxuuna sii watay ururinta ciidamada, muddo gaaban ka dibna, wuxuu isu keenay ciidan soomaaliyeed oo xoog leh.
Axmed guray, marka uu ururinayo ciidammada, wuxuu la socday in boqorka xabashida heshiis la galay,boqorkii burtaqiiska , si bortiqiisku gacan uga siiyo boqorka xabashida, sidii loo baab’in lahaa dadyowga islaamka ee geeska afrika deggan.
Sidaa daraaddeed, wuxuu dhinaca kale, kaalmo weydiistay dowladdii islaamka ahayd ee Turkiga.
Dowladda islaamka ee Turkiga, waxay ka ballan qaadday in axmed guray iyo dowladdiisa gacan weyn u fidineyso, hase yeeshee, kaalmadiisi uma dhigmeyn kaalmada uu burtiqiisku siiyay boqorka xabashida.
Axmed Gurey dagaalladiisii kuwii ugu horeeyey wuxuu bilaabay 1521kii, hase yeeshe mudda 7 sano ah dagaallada axmed gurey iyo xabashida dhexmaray ma ahayn kuwo waaweyn, waxaase jirtay in goobkasta ay guusha ku raaci jirtay Axmed Gurey dagaalladii ugu waaweynaa ee dhexmaray Axmed Gurey iyo xabashida waxay bilowdeen 1528kii waxayna ka bilowdeen magalada harar geesteeda koonfur beri, wuxuuna go’aansaday axmed gurey inu xabashida dersi fiican siiyo, markaa kadibna xabashida ay Soomaalidu nabadgeliso.
Sidaa darted, Axmed Gurey wuxuu afka saaray oo uu u kicitimay gobollada xabashida lahayd oo ay ka mid ahaayeen sidaamo iyo baali wuxuuna qabsaday labadasi gobol dhib la’aan isagoo ku faafiyay xeerarkii Soomaalida.
Ciidammadii Axmed Gurey, waxay baabi’iyeen cidankii xabashida markii qabsaden labada g obol ee ugu waaweynaa uguna caansanaa dalka boqortooyada xabashida ee ahaa shawa iyo goojaam.
Dowladda Bortaqiiska iyo Xabashida qasaaro weyn ayaa garay ayadoo lagu dilay taliyihii ciidanka bortuqiiska.
Dabadeed, mudo ayey isu ururiyeen ciidan iyo hub xoog leh si ay u aargoostaan, waxayna 1543kii, soo qaadeen weerar dagaal, waxaase jilibka u dhigay ciidammadii axned gurey oo celiyey.
Nasiib darrose ciidammadii Axmed Gurey, uma suurogelin iney jebiyaan ciidammada 2aad ee Bortuqiiska iyo Xabashida, waxaana halkaas lagu dhaawacay Iimaam Axmed Gurey
Dhaawacaasna ugu dambeyntii uu u dhintay isla sanadka 1543kii.
Iimaam Axmed Ibraahim Gurey, kadibna ma aysan ka abuurmin dalka Soomaalida dowlado waa weyn gaar ahaan gesta waqooyi iyo geesta galbeed ee Soomaalidu degto
Dowladihii Seylac, Awdal,Harar iyo meelo kaleba wey baaba’een waxayna noqdeen amiirro iyo suldaanno yar yar.
Xeebaha waqooyi ee soomaalida oo dhan, waxaana gacanta ku qabtay oo xabashida ka hor istaagay dowladii islaamka ee turkiga ee gacanta ku haysay.
Dalalka Masar iyo Suudaan ilaa gumeystayaashii Ingiriiska, Xabashada iyo Faransiiska, xoog u qabsadeen dhulaalkii Soomaaliyeed ee Turkiga kor ka ilaalinayey .
Haddba markii dowladdi weyneyd ee Iimaam Axmed Gurey bur burtay ka dib, waxaa dhulka Soomaalida ka abuurmay dowlado yar yar oo ah suldaamo iyo amiirro dhaxaltooyo ah ay ka taliyaan, oo ay ka mid ahaayeen boqortooyinkii Seylaac iyo Baali.
Ilaa Qarnigii 19 aad gobollada koonfureed ee Soomaaliya, waxaa ka jiray dowlado aad uga horreeya dhaqaalaha iyo ganacsiga, waxaana ugu taariikh dheeraa magaalooyinka:-
Muqdisho, Marka, Baraawe, iyo kuwa kale, balse markii dambe, waxaa qabsaday boqortooyadii Masqat, oo fadhigeedu ahaa dalka Cummaan, waqtigii uu boqorka ka ahaa Sayid Saciid Barqash, kadib boqortooyadii Masqat, waxay u kala jabtay laba boqortooyo , mid xarunteedu tahay masqat caasimadda cummaan iyo mid xarunteedu tahay Sansibaar waxayna magaalooyinka Soomaalida ka mid noqdeen boqortooyadii Sansibaar,waxaana magaalooyinkaasi xukumi jiraiy nin wilaayo ah, oo uu soo magacaabo boqorkii Sansibaar, wilaayo kasta wuxuu lahaa ciidan oo uu isaga maamulo, una madax bannaan yahay ilaa billowgii Qarnigii 20 aad, xukunka gobollada banaadir iyo labada shabeelle wuxuu ku jiraiy boqortooyadii Sansibaar.
Gobolka Bari ee dhulka Soomaalida, waxaa Qarnigii 19 aad ka soo baxay laba boqortooyo oo aan aad u xoog badneyn, oo ay boqorro ka ahaayeen:- Boqor Cali Yusuf iyo Boqor Cismaan Maxamuud.
Gobolka Waqooyi galbeed, waxay ayana qarnigii 19aad, ka mid noqdeen xukunkii dowladdii islaamka ee Turkiga ee xukumayay xeebaha soomaalida ee xeebaha berbera iyo seylac, waxaana laga wada xukumi jiray magaalada seylac, waxaana markii dambe loo wareejiyay magaalada Harar ilaa burburkii dowladdii Turkiga.
…. Wabilaahi Tawfiiq…..
W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir
Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan
Abwaan Dareen Cabirre Ah
Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha
Sheega fikirka xorta ah ee Madaxbanaan
Kafaalooda Arimaha bulshada
siyaasada Somalida Iyo Caalamka
Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah
Dhexdhexaad Xeer-beegti ah
Xil Guudna Sidda.
Email: Ismail1234921@gmail.com
Importances of drinking water early in the morning
You’ve heard it before – drink more water! Obviously, we need water to stay hydrated, but slurping down a glass of water early every morning will do more than hydrate you. Water is essential, but we often forget about its benefits.
Remove toxins
As you probably know, water is essential for pretty much all normal bodily functions, but it has other benefits as well. The American Arthritis Foundation advises that water is the best drink you could choose to remove toxins from your body. Like anti-inflammatory foods, it works to reduce inflammation and also helps keeps your joints “lubricated” to prevent or reduce pain. Since you haven’t had a glass of water since you went to bed, the best time to down it for toxin removing benefits is in the morning.
Hydrates
Since most people aren’t waking up in the middle of the night to hydrate, you probably go around seven or eight hours without hydrating. What better time to get a bit of H2O into your system then first thing in the morning? When you wake up, you are supposed to eat breakfast to jog your system back in gear and energize for the day, but the same could be said for water. It’s the perfect way to start your day on the right path and stay hydrated, especially if you’re also using a diuretic like coffee or tea, which contribute to dehydration, to help give you a morning energy boost.
Lose weight
Glozine lifestyle fitness tips always include drinking water to manage weight. The age old wisdom water helps with weight loss is backed by science. One study divided 84 overweight participants into two groups, both of which received advice about weight loss, but one group was also told to drink about 16 ounces of water half an hour before they ate. After 12 weeks, the participants who drink water before every meal lost more weight – about 9 pounds. Drink up right when you wake up so you can use this tip before having breakfast.
Aids in digestion
To put it simply, water purifies your colon and keeps you regular. According to the Daily Mail, drinking warm water will help activate your digestive system. Drinking hot water can especially help, but even if it isn’t steaming, water, in general, is important to maintaining your system to flush everything out. Not only that, but water helps dissolve what we eat and move essential nutrients from the food we ingest into our bloodstream and to our organs and tissues.
Essential for cell functioning
The USGS Water Science School writes that about 60 percent of our bodies are made of water, and that goes for the smaller parts that make us up. Cells themselves rely on water for healthy functioning, especially our muscle and blood cells, even helping to move our blood cells within out body. Water helps our cells reproduce, grow, and stay healthy. Just how important water is can be seen from studies in athletes – when they aren’t hydrated their performance tanks.
Improves cognition
Water plays a big role in powering your brain. In one study, researchers told 34 participants they couldn’t eat or drink for one night. The next day they were given a test, but some were given a glass of water just beforehand. With water, reaction time increased 14 percent. Pretty much everyone wakes up in this water-less condition, so sipping a glass of water in the morning will help boost your brain into gear.
Increases energy
If you’re feeling sluggish in the morning, don’t reach for the caffeine just yet – you may just need some water. The NHS warns that some symptoms of dehydration might be the same ones you wake up to – dizziness, tiredness, a dry mouth, and headaches. Whether you’re feeling gross in the morning or you just want to prevent those unpleasant symptoms, drinking water is the way to go. If you reach for caffeine, you might just make yourself more dehydrated and hence, more tired.
Water is an amazing source of life and nourishment. It makes our bodies run, helps us stay in shape, and keeps us going throughout the day. Unfortunately, most people don’t drink enough of it. Since it comes right from your faucet and doesn’t cost anything extra, make sure to pour yourself a glass of water when you wake up first thing in the morning to get your day and body starting off in a positive direction.
Writer Abdi Awiye
+252634115877
Shaywaal12@gmail.com
Caawiye17@live.com
Hargeisa somaliland
Qarax lagu hoobtay:Daawo Qaraxii ugu Dhimasahada,Dhaawaca iyo khasaaraha badnaa ee dhaca Muqdisho
Qarax lagu hoobtay:Daawo Qaraxii ugu Dhimasahada,Dhaawaca iyo khasaaraha badnaa ee dhaca Muqdisho…
European leaders warn Theresa May about magnitude of Brexit challenge
Sawirka Todobaadka: Bal Muusoow Kaalay Eeg Dalkii Waddani Ayaa Qabsanaaya Waan Arkaa Waana ii muuqataa Madaxweyne Siilaanyo

Maxaa shaqaalahii u labisay calankii Waddani? Bal adba Muuse