Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Daawo:Wararkii ugu danbeeyay ee Dagaalka Itoobiya+Ra’iisal wasaare Abiy Axmed oo soo saaray War cusub


Daawo:F.C.Warabe oo Dhaliilo culculus ku saydhsaydhay Wasiirada S/land & Maayarada Gobolada

Daawo:M/weynaha Dawlad-degaanka Somalida oo ka hadlay Dadkii lagu Xasuuqay Jaamac Dubad

Abiy Axmed oo shaaciyey inuu bilaabmay wejigii u dambeeyay ee Dagaalka  Gobolka Tigray+Kumanaan Ciidamo is-dhiibay

$
0
0

Abiy Axmed oo shaaciyey inuu bilaabmay wejigii u dambeeyay ee Dagaalka  Gobolka Tigray+Ciidamo is-dhiibay

Dagaalka Tigray
Kumannaan qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaalka Tigray

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa shaaciyay inuu bilowday wejigii u dambeeyay ee duulaanka ay ciidamada Federaalka ku hayaan gobolka Tigray, kadib markii ay dhammaatay 72 saac oo uu u qabtay inay isku soo dhibaan TPLF.

Waxa uu ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Mekelle inay guryahooda ku sugnaadaan, maadaama la filayo in dagaal culus oo halkaa ka dhaco.

“72 saac ee la soo dhaafay, waxaa isa soo dhiibay kumannaan ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Tigray, maleeshiyaadka u dagaallamaya iyo dhalinyaro badan oo arkay dhagarta ay wadaan TPLF,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Farriintaas ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay intii karaankooda ah ilaalin doonaan noolasha dadka rayidka ah ee lagu qiyaasay nus milyanka qof ee ku nool Mekelle.

Taangiyada iyo hubka kale ee culus ee milateriga Itoobiya ayaa la filayaa inay galaan magaaladaas xarunta u ah taliska TPLF ee dagaalka kula jira xukuumadda Addis Ababa.

Xaqiijinta sheegashada dhinacyada dagaallamaya ayaa aad u adag, maadaama ay xaddidan yihiin wararka la heli karo, halka telefoonnada iyo internet-kana ay go’an yihiin.

Dhex-dhexaadinta

Waxaa Addis Ababa gaaray ergo ka socota Midowga Afrika oo loo xilsaaray inay ka shaqeeyeen sidii loo joojin lahaa colaadda Tigray.

Saddexdan mas’uul ayaa kale ah: Madaxweynihii hore ee Mozambique, Joaquim Chissano, Ellen Johnson Sirleaf oo hogaamin jirtay Liberia iyo Kgalema Motlanthe oo muddo kooban madaxweyne ka ahaa Koonfur Afrika.

Abiy
,Abiy Axmed

Ergadan ayaa la filayaa inay kulan la qaataan ra’iisal wasaare Abiy si loo soo afjaro colaaddan todobaadkii afaraad gashay.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa horay u qaadacday dedaallo lagu dhex-dhexaadinayo Federaalka iyo maamulka Tigray.

Wefdigan ayaan loo oggolaan doonin inay gaaraan Mekelle, sida uu sheegay lataliye ka tirsan xafiiska Abiy, waxaana laga dursugayaa sida ay xiisadda u qaboojin karaan.

Qarax ruxay Markab ku xidhnaa dekad ku taalla Dalka Sacuudiga

$
0
0

Qarax ruxay Markab ku xidhnaa dekad ku taalla Dalka Sacuudiga

Qarax xooggan ayaa Arbacadii ruxay Markab saliidda qaada oo ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Greece, kaasi oo ku xidhnaa dekedda Shuqaiq ee dalka Sacuudi Carabiya, waxaa sidaas sheegay saraakiil Greek ah.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa weerarkan ku eedeeyey kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen.

Markab Agrari, oo sita calanka dalka Malta, ayaa “waxaa weeraray koox aan la garaneyn” isaga oo isku diyaarinaya inuu ka shiraaqdo dekedda Badda Cas ku taalla ee Shuqaiq, sida ay sheegtay shirkadda Greek ee TMS ee maamusha.

Shirkadda waxay sheegtay in wax khasaare dhaawac ama dhimasho ah aysan ka dhalan weerarka. Markabka ayaa waxaa saarnaa 25 shaqaale, oo toddoba ka mid ah ay u dhasheen dalka Greece.

Waxaa socda baadhitaan ay mas’uuliyiinta Sacuudiga ku sameynayaan dhacdadan, inkasta oo ay ku eedeeyen kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Markabka ma sidin wax saliid ah markii uu weerarka dhacay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Greece.

Xuutiyiinta ayaa dhowr jeer ka fuliyey dalka Sacuudiga weeraro khasaare xooggan gaystay, ayaga oo sanadkii tegay weeraray xarumaha shidaalka laga soo saaro ee magaalada Riyadh.

Kanada:Xoggo ku saabsan Weerar abaabulan oo lagu dilay Wiil Somaliya,Mid kalena lagu dhaawacay

Dagaalka faraha lagaga gubtay oo ka dhacay garoon diyaaradeed oo ku yaalla Gobolka Tigray

$
0
0

Dagaalka faraha lagaga gubtay oo ka dhacay garoon diyaaradeed oo ku yaalla Gobolka Tigray

Ethiopian media reporting the attack on Aksum airport
Qoraalka sawirka,Warbaahinta itoobiya oo ka warratay duulaanka garoonka diyaaradaha Aksum

Garoonka diyaaradaha ee muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Aksum ee waqooyiga Itoobiya ayaa noqday goob dagaal oo ay isku hayaan xoogagga iska so horjeeda ee colaadda Itoobiya.

Ilo wareedyada taabacsan milatariga dowladda Itoobiya ayaa sheegay in milatariga ay gacanta ku hayaan maamulka garoonka, balse sida muuqato taasi kama horistaagin xoogaga gaarka ah ee Tigray inay weeraraan garoonka dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay oo ay burbur xoog leh gaarsiiyaan dhabbaha ay ku ordaan diyaaradaha.

Iyadoo isgaarsiintu ay wali go’an tahay ma ahan mid sahlan in la xaqiijiyo sheegashada laba dhinac.

Balse waxaan eegnay muuqaalka weerarka la sheegay in lagu qaaday garoonka, waxaanna barbardhignay sawirrada garoonka oo lagu qaaday dayax gacmeedka si aan qiyaas uga qaadanna sida ay wax dhaceen.

Dagaalka garonka Aksum

Xoogagga Itoobiya ayaa qabsaday garoonka 11-kii November, sida ay dad taabacsan dowladda ku qoreen baraha bulshada.

Wixii intaasi ka horreeyay waxay gacanta ugu jireen xooggga gaarka a ee TPLF.

Balse waxay u muuqataa in gacan ku haynta garoonkaasi iyo deegaannada ku xeeran aan lagu kala bixin taariikhadaasi sida ay ku doodeen taageerayaasha dowladda.

Maalintii Khamiista ee 19-ka November ayaa hoggaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael, waxa uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in magaalada Aksum ay iyaga wali gacanta ku hayaan, balse ma cadda in garoonka uu ku jiray gacantooda iyo in kale.

”Akusm anagaa wali gacanta ku hayna, ciidammo ayaa la soo diray si ay noola dagaalamaan. Balse dagaal ayaa wali socdo”, ayu yiri Debretsion

bbc

Maalintii Jimcaha oo ku aadanayd 20-ka November, dowladda ayaa daaha ka rogtay inay la wareegtay magaalada Aksum, balse ay TPLF dhaawac ballaaran gaarsiisay kaabayaasha magaalada.

Axaddii oo ay taariikda ku beegnayd 22-kii November, ayay warbaahinta dowladda waxa ay daabacday muuqaal iyo sawirro muujinayay burbur soo gaaray dhabbaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka Aksum iyo godad u muuqday dhufeysyo laga qoday gudaha garoonka.

M
Muuqaal ay daabacday dowladda oo muujinaya burburka Aksum

Si aan u oggaano in muqaaladani ay dhab yihiin iyo in kale, waxaan eegnay sawirro lagu qaaday dayaxgacmeed oo muujinaya xaaladda garoonka ka hor iyo ka dib weerarka.

Satellite imagery of Aksum Airport from 19 November
Muuqaalka dyax gacmeedka ee 19 November, ka hor inta aan la weerarin garoonka

Khamiistii ee 19-ka November, waxay u muuqatay in garoonka uusan qabin wax dhaawac ah marka la eega sawirrada laga qaaday hawada sare.

Balse sawirrada lagu qaaday dayax gacmeedka Isniintii 23-kii November, ayaa tusaya xariiqimo taasoo malaha xaqiijin u ah sheegashada dowladda ee ah in dhufeysyo laga qoday garoonka si aysan diyaaradaha ugu dagin.

This satellite imagery from the 23 November shows the airport after the attack
Muuqaallada lagu qaaday dayax gacmeedka 23 November, ayaa muujinaya sida garoonka u ekaaday weerarka ka dib.. waxaa la arki karaa wax u muuqdo godadka iyo dhagxaan la dhigay garoonka

Baaritaanno kale ayaa ka marag furay caddeymahan.

Dowladda Tigray wax jawaab ah kama soo saarin sida ay wax uga dhaceen garoonka.

Mr Debretsion ayaa haseyeeshee beeniyay in xoogagiisa ay burburiyeen garoonka balse waxa uu xaqiijiyay in jidgooyooyin la dhigay garoonka

Sawirrada marin habaabinta ah xilli xogta la xayiray

Iyada oo uu qadka internetka go’anyahay , xiriirka isgaarsiineed ee taleefonadana ay ka maqanyihiin gobolka Tigray, ayay aad u adagtahay in sawirro sax ah laga helo waxyaabaha dhacaya.

Warbaahinta dowladda ayaa ah mid gebi ahaanba dowladda ay gacanta ku hayso, iyada kaliyana ay galaangal u leedahay deegaanada dirirta ka socoto, iyada oo ay intaasi dheertahay in baraha bulshada ay ka buuxaan sawirro marin habaabin ah.

Markii lasoo sheegay in ciidanka militariga ay qabsadeen garoonka diyaaradaha, baraha ay maamulaan dadka dhanka dowladda dhexe u janjareera waxa ay bilaabeen in ay baahiyaan sawirro hore oo aanan wax xiriir ah la lahayn dhacdooyinka hada socda, kuwaas oo ka dhigaya in ciidanka ay garoonka ku suganyihiin.

Old photos of an Ethiopian pilot - unrelated to the current conflict
Sawirro hore oo duuliye itoobiyaan ah oo aan la xiriirin colaadda hadda tagan

Xaqiiqda waxa ay tahay in sawirro ay yihiin kuwa ku saabsan weerar lagu qaaday garoon ku yaala dalka Liibiya sanadkii 2014-kii.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa dowladda Itoobiya ugu baaqday in ay dib usoo celiso xiriirka isgaarsiineed.

An image from a bombed Libyan airport from 2014 has been wrongly attributed to the attack in northern Ethiopia
Sawirrada garoon ku yaalay Liibiya oo la duqeeyay 2014-kii oo si khaldan loola xiriiiyay colaadda Itoobiya

Muxuu muhiim u yahay garoonka magaalada Aksum

Itoobiya waa dal aad u weyn oo ay muhiim tahay in garoomada shaqeeyaan si saanadaha loo mariyo ciidanka militariga ah.

Gobolka Aksum waa goob muhiim u ah sababo la xiriira xagga taariikhda facaha weyn ee uu leeyahay.

Agaasimaha Iskuulka Arrimaha Caalamiga ah ee Balsillei, Prof Ann Fitz-Gerald ayaa tiri ” Aad ayuu muhiim u yahay sababtoo ah garoomadii kale ee Baxar Daar iyo Goondhar waxaa la gaarsiiyay burbur, wuxuuna muhiim u yahay dhanka amniga iyo daabulista ciidamada, iyo sidoo kale in la helo qadad lagu wada xiriiro oo la taaban karo.”

„Haddii ciidamada heerka goboleed ay iyaga haysan waayaan garoomada, talaabada xigta waa in ay qalqal galiyaan in cid kale isticmaasho”.

WHO urges African countries to ramp up readiness for COVID-19 vaccination drive

$
0
0

WHO urges African countries to ramp up readiness for COVID-19 vaccination drive

As the race to find a safe and effective COVID-19 vaccine is showing increasing promise, a new World Health Organization (WHO) analysis finds that Africa is far from ready for what will be the continent’s largest ever immunisation drive.

All 47 countries in the WHO African Region have received WHO’s Vaccine Readiness Assessment Tool which is intended to be used by Ministries of Health, with support from WHO and UNICEF. It provides a roadmap for countries to plan for COVID-19 vaccine introduction and covers 10 key areas: planning and coordination, resources and funding, vaccine regulations, service delivery, training and supervision, monitoring and evaluation, vaccine logistics, vaccine safety and surveillance and communications and community engagement.

Forty countries have updated the tool and provided data to WHO. An analysis finds that based on the self-reports by the countries, the African region has an average score of 33% readiness for a COVID-19 vaccine roll-out, which is well below the desired benchmark of 80%.

“The largest immunization drive in Africa’s history is right around the corner, and African governments must urgently ramp up readiness. Planning and preparation will make or break this unprecedented endeavour, and we need active leadership and engagement from the highest levels of government with solid, comprehensive national coordination plans and systems put in place,” said Dr Matshidiso Moeti, WHO Regional Director for Africa.

WHO together with Gavi, the Vaccine Alliance, Coalition for Epidemic Preparedness Innovation and other partners is working to ensure equitable access to vaccines in Africa through the COVAX facility, the vaccines pillar of the WHO Access to COVID-19 Tools Accelerator. When vaccines are licensed and approved, COVAX will work to secure enough doses to provide protection to an initial 20% of the African population.

However, the WHO analysis of the country readiness data finds only 49% have identified the priority populations for vaccination and have plans in place to reach them, and 44% have coordination structures in place. Only 24% have adequate plans for resources and funding, 17% have data collection and monitoring tools ready and just 12% have plans to communicate with communities to build trust and drive demand for immunization.

“Developing a safe and effective vaccine is just the first step in a successful rollout,” said Dr Moeti. “If communities are not onboard and convinced that a vaccine will protect their health, we will make little headway. It’s critical that countries reach out to communities and hear their concerns and give them a voice in the process.”

WHO estimates the cost of rolling out a COVID-19 vaccine on the African continent to priority populations will be around US$ 5.7 billion. This does not include an additional 15% – 20% cost for injection materials and the delivery of vaccines, which require trained health workers, supply chain and logistics and community mobilization. This cost is based on COVAX facility estimates of the average vaccine price at US$ 10.55 per dose and that a two-dose regimen will be needed.

WHO and partners recently released guidance on COVID-19 vaccination planning and deployment for national governments, aiming to help them design strategies for the deployment, implementation and monitoring of COVID-19 vaccines and better integrate their strategies and financing to boost efficiency.

Dr Moeti spoke during a virtual press conference today facilitated by APO Group. She was joined by Professor Helen Rees, Executive Director, Wits Reproductive Health and HIV Institute at the University of the Witwatersrand, Chairperson, African Regional Immunization Technical Advisory Group (RITAG) and Chairperson of the South African Health Products Regulatory Authority. Other speakers were Professor Pontiano Kaleebu, Director Uganda Virus Research Institute (UVRI) and MRC/UVRI and London School of Hygiene and Tropical Medicine Uganda Research Unit; and Professor Fredrick N Were, Perinatal & Neonatal Medicine, University of Nairobi and Chief Research Scientist, Kenya Paediatric Research Consortium


Geeska Africa iyo xaaladaha uu galay

$
0
0

GEESKA AFRICA IYO XAALADAHA UU GALAY EE SIYAASADEED, DHAQAALE , COLAADEED IYO AMNI XILI LA FILAYEY HORE U SOCOD HORUMAR, DOORASHOOYIN XOR IYO XALAAL AH !!

Gobolka Geeska Africa waxa uu galay xaalado aad u adag oo keeni kara burbur iyo halaag, marka aad eegto duruufaha adag ee siyaasadeed, colaadeed, dhaqaale iyo amni ee xiligan taagan;

1- Dalka Somalia waxa la isku diidan yahay doorashada soo socota iyo qaabka loo galayo, waxaana ay mucaaradka dawladu aad uga qayliyeen awooda dawlada oo loo adeegsado si baal marsan shuruucda dalka iyo qawaaniinta u yaalla, waxa kale oo la isku diidan yahay gudiga doorashada oo isaguna ah halbowlaha doorashada iyo in la helo doorasho xor iyo xalaal ah , waxaana lagu eedeeyey in ay xukuumadu taladii maroorsatay.

Xaaladahani hadii ay sii socdaan waa qaar magaalada Muqdisho ku celin kara marxalado adag oo amni iyo xaalado ay ka soo gudubtay, waxaana muuqata in aan la isku garaabayn oo ay xukuumada Somalia ka talisaa cadaadis saartay cidkasta oo ay u aragto in ay ka soo horjeedo danaha ah in Madaxwayne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo soo laabto.

Waxa laga warqabaa in ay Somalia joogaan argagixisada aduunka ugu halista badani, sidoo kale waxa jooga ciidamada nabad ilaalin ah oo kor u dhaafay 30 kun oo askari oo ah ciidamo kala duduwan, waxa ay warbaahinta dunidu qoreysay in xalay lagu dilay Somalia sarkaal sare oo ka tirsanaa C.I.A oo loo aanaynayo ururada argagixisada ee ka dagaalama dalkaasi.

2- Dalka Ethiopia , waxa dhamaaday sadex maalmood iyo sadexdoodii habeen ( 72 saacadood ) oo dawlada Ethiopia u qabatay in ay isku soo dhiibaan xoogaga Tigray iyo Ururka TPLF oo ka dagaalamaya waqooyiga dalkaasi, maanta waxa soo baxday in ay dawlada Ethiopia dib u bilaabayso dagaalkii deegaanada Tigray gaar ahaan Caasimada Makelle .

Arimahani waxa ka dayriyey ururada xuquuqda aadamaha iyo hay’adaha gargaarka binu adenimada ee qaramada midoobay , iyaga oo dad ku dhow 40 kun ay ka gudbeen xadka u dhexeeya Ethiopia iyo Sudan oo qaxooti ah una badan dumar iyo caruur ka barakacay dagaaladaasi iyo saameyntooda xun ee ay ku yeesheen dadka aan waxba galabsan ee shacabka ahaa.

Dedaalo badan oo dunidu ku jirtay oo ahaa in nabadgalyo lagu soo dhameeyo xaaladaha colaadeed ee ka taagan deegaankaasi, dawlada Ethiopia way ku gacan saydhay qoraal ay shalay soo saartayna waxa uu Raisal wasaare Abiy Axmed ku doodayaa in aan la soo farogalin dalkiisa , waxaana uu diiday waan waan kasta oo nabadeed iyo in wadahadal lagu soo dhameeyo xaaladaha ka taagan waqooyiga Ethiopia.

Dawladaha jaararka ayaa iyagu ah qaar dagaalkaasi ku garab taagan Ethiopia iyo Abiy Ahmed , Dawlada Djibouti iyo Madaxwayne Ghuelle ayaa yidhi Abiy Axmed waxa u yaalla laba wado oo ah in uu wadahadalo la galo Tigray kuwaasi oo fursad goosi noqon kara iyo in uu Xoog ku soo celiyo midnimada Ethiopia oo uu ciqaabo kuwa kala goynaya , sida uu qorey wargeyka (Africareport ) waraysi dhinacyo badan oo uu siiyey Madaxwayne Ismail Omer Ghuelle .

Halka Somalia na ay xaaladani galaafatay wasiirkii arimaha dibeda Somalia oo go’aan dawlada Farmaajo ku taageeraysay Ethiopia ku sheegay in aanu aheyn war rasmiya oo xukuumadeed, dabadeedna xilkii lagaga qaadey.

Somaliland ayaan iyadu arinkaasi waxba ka odhan dawlad ahaan isla markaana isaga gaabsatay xaaladaha dagaalka dawlada Ethiopia iyo Gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi oo ay maamulayeen TPLF oo dalka Ethiopia ka talinaysay 27 sanadood iyaga iyo isbahaysigoogii EPRDF oo sanadkii 2018 kacdoon shacab talada lagagala wareegay .

3- Dalka Djibouti oo ay doorashadiisa ka hadhay mudo 5 bilood ah isla markaana uu haysto Madaxwayne Ghuelle 1999 kii dalkaasi ka talinayey oo xataa inta uu dhaafay mudadii sharciga ahayd loo badelay dastuurkii dalkaasi , taasi oo ku abuurtay niyad jab dadka reer Djibouti, iyaga oo ku nool dal aan dimuqaradi aheyn oo cabsi iyo Xoog lagu maamulo shacabkiisa .

Madaxwayne Ghuelle oo horumar badan ku talaabsaday dhinacyada kale ee dekekadaha iyo mashaariicaha dalkaasi ka socda ee la rabo shaqo abuur iyo isku filaansho ayaa mar wax laga weydiiyey tartanka ganacsiga dekedaha ee Somaliland, iyo Erateria, dacwadii Dp world iyo arimo kale uga hadlay si jees jees ah oo aanu cidna waxba isaga tirinayn xaga ganacsiga iyo tartanka Gobolka Geeska Africa.

Ghuelle waxa kale oo uu aad ugu celceliyey in ay hoos u dhacday saboolnimada dadka dalka Djibouti 15% oo uu ku sheegay yididiilo wanaagsan walow dalka Djibouti lagu leeyahay daymo badan oo uu China ugu badan yahay aanu yahay dal aan lahayn wax soo saar kale hadana waxa uu ku adkaysanayaa in uu abuuro wax dadka Djibouti kaga maarmi karaan baahida dunida kale.

Madaxwayne Ghuelle waxa uu ku sheegay Madaxwaynaha Erateria ciilqabe aan waxba ilaawin , waxaana uu yidhi waxaa iiga digey Malez zenawi , isla markaana xidhiidhka Djibouti iyo Erateria waxa uu ku sheegay mid uu xagiisa ka dhameystiray waxii ku xidhnaa markii ay Jeddah ku kulmeen oo uu sii daayey xataa 19 maxbuus oo ay Djibouti ka haysatay Erateria.

Dhinaca kale siyaasada Madaxwayne Ghuelle iyo Dr Abiy Ahmed iyo heshiiskooda ayaa lagu saleynayaa in uu ka werwerayo in dalka Djibouti kacdoono siyaasadeed ka dhacaan , taasi si uu uga badbaado waa in aan dalalka jaarka lagaga soo duulin amaba dadka uu ugaadhsanayaa aanay u baxsan sidii duuliyihii Fu’aad oo kale loo soo dhiibo , heshiiska ay labadan dal ku jiraan waxa uu ka hor imanayaa xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha.

4- Jamhuuriyada Somaliland waxa la isku haystay 3 sanadood sidii dalkani doorasho uga dhici lahayd taasi oo ilaa maanta aan muuqan isla markaana aan la mudeyn goorta ay doorashadu dhacayso qaabka loo galayo, iyo waliba xiliga ururadii siyaasadeed ee Somaliland la furayo .

Somaliland waxa sidoo kale hoos u dhac weyn oo nololeed iyo dhaqaale uu ku dhacay shacabka jamhuuriyada Somaliland, taasi oo ka timid laba dhinac oo kala ah ;

b) Saameynta uu ku yeeshay xanuunka #Coronavirus oo aad u saameeyey dalka iyo dadka jamhuuriyada Somaliland.

t) Xukuumada Madaxwayne Muuse oo dalka nidaam xidh-xidhan u maamusho dhaqaalaha dalka taasi oo sababtay in gabi ahaanba ay istaagaan ganacsiyadii iyo dhaq-dhaqaaqyadii nololeed ee magaalooyinka dalku.

Arimahani iyo nidaamka siyaasadeed ee dalka oo noqday mid istaagay markii doorashooyinkii dhici waayeen ayaa dalka waxa ku soo wajahan in aanu noqon mid degen siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba taasi oo werwer ku haysa shacabka jamhuuriyada Somaliland guud ahaan oo yaaban sida ay wax yihiin.

HALISAHA AMNI , SIYAASADEED, NOLOLEED EE KU IMAN KARA GOBOLKA GEESKA AFRICA XILIGAN ;

Gobolku Geeska Africa isaga oo ahaa marka horeba gobolada xaga saboolnimada, maamul xumada, colaadaha, tahriibka , iyo qaxootiyada ugu badan ayaa hadii maanta uu galo xaalado dagaal waxa sii badan kara dhibaatooyinka aan kor ku soo sheegnay oo dhamaantood ku ah aduunka iyo dadka gobolkaniba khatar weyn.

Gobolka Geeska Africa waxa ku iman kara in ay arimahani hadda taagan iyo murugyada siyaasadeed awgeed ay u soo xoogeystaan ururada ka dagaalama gobolkani sida Al-Shabaab iyo Al- Qaacida oo ay xaalada gobolkani noqoto mid cakiran oo aduunka oo dhana halis ku noqon karta .

Gobolka Geeska Africa waxa saameyn xun ku yeeshay xanuunka #Corronavirus oo dhaqaalihii iyo dhaq-dhaqaaquadii nololeed oo dhan joojiyey, maanta hadii uu Gobolku gallay xaalado colaadeed na waxa hubaal ah in ay dhacayso dhaqaalo daro sababi karta macaluul baahnsan oo ka dhacda Gobolka Geeska Africa.

Waxa iyaguna taagan nidaamyadii doorashooyinka dimuqaradiyada iyo waxyaabihii keenayey in la helo dawladnimo sal adag oo ku fadhida nidaamka sharci , maamul wanaag , Huffman, sigib tirnaan maamul iyo doorashooyin xor iyo xalaal ku dhaca, hadii arimahani la waayona waa halka ay ka bilaabmayso xaalado aan wanaagsanayn oo uu waajaho Gobolka Geeska Africa.

Muxamed Dhimbiil

Mohamed Abdi Jama
I

Nin loo waday in la aaso oo iska soo kacay

$
0
0

Nin loo waday in la aaso oo iska soo kacay

.

Shaqaalaha isbitaalka dalka Kenya ayaa argagaxay kaddib markii nin ay dhakhaatiirta xaqiijiyeen geeridiisa la arkay isagoo nool.

Peter Kigen, oo 32 jir ah ayaa markii hore isagoo gurigiisa jooga istaagga ka dhacay, waxaana loola cararay isbitaalka.

Talaadadii ayey dhakhaatiirta isbitaalka Kapkatet ee ismaamulka Kericho xaqiijiyeen inuu geeriyooday, waxaana markaas kaddib loo gudbiyay qeybta lagu keydiyo meydadka, sida ay sheegeen warbaahinta maxalliga ah, oo ay ku jiraan wargeyska Standard iyo telefishinka Citizen.

Laakiin mar qura ayuu shaqaalihii qeybta meydadka lagu keydiyo ka khalkhaliyay kaddib markii uu soo toosay iyagoo u diyaariyay in la aaso. 

Halkan ka Daawo:-Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Walaalkiis ka yar, oo uu soo xigtay wargeyska Standard ee kasoo baxa Nairobi, ayaa sheegay in mid ka mid ah kalkaaliyeyaasha isbitaalka ay goor horeba u sii sheegtay in Peter uu geeriyooday.

Wuxuu intaas ku daray in isau uu ahaa qofkii Mr Kigen isbitaalka geeyay.

Hase yeeshee, madaxa maamulka isbitaalka, Gilbert Cheruiyot, ayaa warfidiyeenka u sheegay in bukaanka eheladiisa aysan muddo kale sugin in xaqiijin labaad lagu sameeyo geerida Mr Kigen, ayna si iskood ah ugu qaadeen qeybta meydadka lagu keydiyo si loo aaso.

Waxaa lagu soo warramay in bukaankan uu qabay xanuun muddo dheer uu la il-darnaa.

Ninka inuu dhintay loo qaatay balse dib mar kale usoo kacay ayaa qudhiisa waxa uu warbaahinta u sheegay inuu “ku faraxsan yahay noloshiisa, isagoo wacad ku maray in hadda wixii ka dambeeya uu u go’i doono faafinta diintiisa”.

“Ma rumeysan karo waxa dhacay. Sidey ku xaqiijiyeen inay geeriyooday?, Waxaan Ilaah uga mahad celinayaa badbaadinta uu nafteyda badbaadiyay, isaga ayaan u adeegi doonaa inta ka harsan nolosheyda,” ayuu yidhi Mr Kigen.

Telefishinka Citizen, oo ah mid aad loogu xidhan yahay, ayaa hadalka uu ninkan ku yidhi luuqadda Sawaaxiliga kasii daayay kanaalkooda.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaalka ka socday Gobolka Tigray & Xaallada Caasimada Tigrayga+Weriye ku sugan Mekelle oo….

$
0
0

Abiy Axmed
Ra’isal wasaarah Itoobiya Abiy Axmed

Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed ayaa sheegay dagaalka Tigraay inuu galay wajigiisi seddexaad ee uu dambeeyey, ciidamadiisuna ay wadaan dagaal ballaadhan oo ay ku qabsanayaan caasimadda deegaanka Tigraay ee Maqale.

Wuxunna Abiy sheegay ciidamadiisu inuu ku amray dagaalka iney u galaan si taxaddar leh ayna qaadaan wax kasta oo ay ku yareyn karaan qasaaraha dagaalkaasi ka soo gaari kara shacabka rayadka ee magaalada Maqale ku nool.

Jabhadda Xureynta Shacabka Tigraay ee TPLF oo gacanta ku haya magaalada Maqale waxay sheegeen iney dagaalka sii wadayaan oo ay marnaba ciidamada Abiy iisu dhiibeyn.

Qaramada midoobayna waxay ka digtay suurtagalnimada dambiyo daagaal iney ka dhacaan magaalada Maqale inta uu dagaalka uu socdo.

Madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Michele Bachelet oo BBC u warrantay waxay sheegtay dadka magaalada ku nool iney soo wajahday “qatar aad u weyn”.

“Runtii waa mid laga argagaxo xaaladda halista ah ee ay ku jiraan shacabka Tigraay gaar ahaan, dadka rayadka ah ee ku xayiran magaalada Meqale,” ayey tiri.

Waxayna intaa ku dartay “suurtagalnimada iney dhacaan xadgudubyo halis ah oo ka horimanayo sharciyada xuquuqda aadanaha ee caalamiga”.

Hadalkan Abiy ayaa ku soo beegmaya kaddib marki uu dhammaaday seddexdi maalmood ee ay dowladda u qabatay xoogagga TPLF iney si nabad ah dowladda isugu soo dhiibaan.

Haweeney ka mid ah qoxootiga ka qaxay Tigraay
Colaaddaasi ayaa la rumeysan yahay boqollaal qof iney ku dhinteen kumannaanna ay ku barakaceen

Boqollaal qof ayaa lagu soo warramayaa iney dagaalka afarta toddobaad ka socday deegaanka Tigraay boqollaal qof ay ku dhinteen kumannan kalana ay ka qaxeen guriyahooda, xilli ay ciidamada Itoobiya gabsadeen magaalooyin badan oo ku yaalla deegaanka Tigray oo TPLF maamulayeen.

Xaqiijinta sheegashada dhinacyada dagaallamaya ayaa aad u adag, maadaamaa ay xaddidan yihiin wararka la heli karo, maadaamaa ay telefoonnada iyo internet-kana ay go’an yihiin.

Daniel Birhane oo ah wariye isla-markaana ka faallooda arrimaha siyaasadda oo ku sugan magaalada Maqale oo BBC u warramay wuxuu sheegay gudaha magaalada inaan laga dareemeyn saansaan colaadeed sidoodina ay ‘u cammiran yihiin’ maqaayadaha, baararka, huteellada iyo goobaha laga dukaameysto.

Seddex ergo oo ka socota Midowga Afrika oo loo xilsaaray inay ka shaqeeyeen sidii loo joojin lahaa colaadda Tigrayayaa gaaray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Saddexdan mas’uul ayaa kale ah: Madaxweynihii hore ee Mozambique, Joaquim Chissano, Ellen Johnson Sirleaf oo hogaamin jirtay Liberia iyo Kgalema Motlanthe oo muddo kooban madaxweyne ka ahaa Koonfur Afrika.

Balse ergada seddexda ah looma oggolaan iney safar ku tagaan deegaanka Tigraay.

Kumannaan qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaalka Tigray

Cabsida laga qabo dagaalka Maqale

Wariyaha BBC News uga soo warrama Addis Ababa, Qalkidan Yibeltal

Dagaalkan ‘kama dambeysta ah’ uu Dr Abiy ku amray iney ciidamadiisu ku qaadaan caasimadda Maqale ayaa imanaya kaddib marki ay dhammaatay seddexdi maalmood ee loo qabtay xoogagga TPLF iney isku soo dhiibaan.

Wuxuu Abiy Axmed sheegay dagaalkan inuu yahay mid caddaaladda lagu meel marinayo, iyada oo laga taxaddarayo waxyeellada shacabka rayadka ah iyo burbruka hantida shacabka soo gaari karto.

Ciidamada dowladda federaalka ayaa la sheegay iney dagaallo dhuumaaleysi ah ay deegaannaada ku gadaaman Maqale ay kala kulmi karaan.

Taasoo keeni karta inuu dagaalka uu sii daba dheeraado iyada oo ay dowladda dhexe horay u sheegtay iney dagaalka muddo gaaban ku soo gabagabeyneyso.

Ra’isal wasaare Abiy Axmed muxuu sameeyey?

Abiy Axmed wuxuu ciidamadiisa uu ku amray iney qaadaan dagaal ‘kama dambeys ah’ oo ay ku qabsanayaan magaalada Maqale oo ay weli gacanta ku hayaan xoogagga TPLF.

Mr Abiy wuxuu sheegay “in aad looga taxaddarayo” waxyeellada shacabka soo gaari lahayd sidi loo yareyn lahaa isla-markaana caasimadda Maqale burburka dagaalka ka soo gaaraya loo yareyn lahaa

Sawir muujinaya gawaari safaf dhaadheer ugu jirto magaalada Maqale si ay shidaal u helaan
Magaalada Maqale waxaa ku nool 500,000 oo qof

Shacabka ku nool magaalada Maqale wuxuu sida oo kale uu ugu baaqay iney hubka dhigaan guriyahoodana ay ka soo bixin, ayna ka fogaadaan goobaha ay ciidamadu bartilmaameedsan karaan.

“Xaruumaha diimaha, goobaha taariikhiga ah, hay’adaha dowliga ah iyo xaafadaha ay dadka rayadka ah deggan yihiin ciidamada bartilmaameed uma noqonayaan” ayuu yiri Dr Abiy.

TPLF sidey uga falcelisay hadalka Abiy?

Hoggaamiyaha xisbiga TPLF ee deegaanka Tigraay Debretsion Gebremichael, wuxuu sheegay ciidamadiisu “iney diyaar u yihiin iney u dhintaan difaacidda xuquuqda aan u leennahay inaan ismaamulno”.

Askari ka tirsan ciidamada Itoobiya
Boqollaal qof ayaa lasoo tabiyay inay ku dhinteen dagaalka

Ciidamada daacadda u ah TPLF oo isugu jiro booliska gaarka ah iyo maleeshiyaad waxaa tiradooda lagu qayaasaa 250,000 oo qof.

Dadka u dhuundaloola xaaladda dagaal ee ka taagan Itoobiya waxay sheegeen dagaalka inuu u diga rogon karo dagaal dhuumaaleysi ah oo ay sameeyaan xoogagga TPLF, xataa haddii ay dowladda dhexe gacanta ku dhigto caasimadda Maqale.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay ilo ku dhow TPLF waxay sheegtay “dad badan iney magalada Maqale ku abaabuleen, waxayna magaalada ka qodeen dhufeyso iyada dad badanna ay ku hubeeyeen qoryaha AK-47.

Tigray

Gabadh Somaliyada oo Xayeysiisiin jirtay Dharka oo Arintaa ka hadhay+Sababta keliftay

$
0
0

Gabadh Somaliyada oo Xayeysiisiin jirtay Dharka oo Arintaa ka hadhay+Sababta keliftay

Xaliima Aadan oo ku caan baxday xayeysiinta dharka iyo waxyaabaha kale, ayaa shaacisay inay ka hartay tartannada fashion-ka, maadaama uu meel ka dhac ku yahay Diinta Islaamka.

Gabadhan ka dhooftay xerada qaxootiga ee Kakuma, haatanna ku nool Maraykanka, ayaa farriimo ay soo dhigtay baraheeda Twitter iyo Instagram waxay ku sheegtay “inay nafteeda ku dhaliileyso xoogga ay saartay fursadda ay ka heshay fashion-ka, oo ay hilmaamtay waxa uu u horseedi karo,”

Xaliima oo kamid ah gabdhaha ugu horreeyay ee fashion-kooda ku soo bandhiga xijaab ayaa sheegtay in ku tagtay waddo lunsan, mararka qaarna aysanba salaadda tukan jirin.

Farriin kale oo ay soo dhigtay ayaa waxa ay uga hadashay inay garab la’aan ku heshay mihnaddaas, isla markaana aan fahan wanaagsan laga qabin dumarka xijaaban iyo dowrka ay ka qaadan karaan fashion-ka.

Xaliima ayaa sheegtay in hooyadeed ayay marar badan ka codsatay inay ka harto mihnaddaas, waxaana ay tilmaantay in “ugu dambeyn ay ku guulaysatay”.

“Hooyaday waxa ay sabab u tahay guulaha iyo farxadaha aan gaaray. Yoolkeyga cusub ayaa ah inaan farxaddeeda ka shaqeeyo,” ayay barteeda Twitter ku qortay

Ereyadii ugu dambeeyey ee Diego Maradona & Qaabkii uu u geeriyooday+Sawirkii u danbeeyay ee laga qaaday

$
0
0

Ereyadii ugu dambeeyey ee Diego Maradona & Qaabkii uu u geeriyooday

 

Xiddigii hore ee xulka kubada cagta Argentina Diego Armando Maradona ayaa shalay geeriyooday isagoo ahaa 60 sano jir ah, labo todobaad ka dib markii uu ka soo baxay Isbitaalka, iyadoo qaliin looga sameeyey Maskaxda.

Wararka ayaa sheegaya in geeridiisa ay timid ka dib  markii uu wadnuhu joogsady, isagoo oo ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina.

Maradona, ayaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa ebid adduunka, wuxuu ka caawiyay Argentina inay ku guuleysato Koobkii Adduunka ee 1986.

Haddaba waxaa soo baxaya tafaasiil ku saabsan qaabkii uu u geeriyooday laacibkan hore iyo iyo ereyadiisii ugu dambeeyey ka hor geeridiisa.

Waxaa la sheegay in Maradona uu quraacday, isagoo ka dibna wiilka uu adeerka u yahay ee Johnny Esposito u sheegay ineysan xaaladiisu fiicneyn isla markaana uu doonayo inuu seexdo.

Haweeney kalkaaliso ah oo xanaaneyneysay oo xaaladiisa ka shakisay ayaa wacday gawaarida gargaarka deg deg ah iyadoo dhawr gaari ay durbadiiba ka soo jawaabeen codsigeeda ayna yimaadeen gurigiisa.

Laakiin waxaa la sheegay iney yimaadeen xilli uu halyeeyga kubada cagta geeriyooday oo naftii ay ka baxday.

Saacidihii ugu dambeeyay ee nolosha xiddigii hore ee Napoli iyo Barcelona ayaa lagu soo bandhigay warbaahinta Argentina iyadoo meydkiisa baaritaan lagu sameeyay laguna ogaaday inuu u dhintay wadnaha oo joogsaday.

Mid ka mid ah warbaahinta si dhow u la socotay xaalada Maradona ayaa sheegtay inuu subixii soo kacay isagoo maqaarku cadaaday kana cabanayau inuu qabow badan dareemayo.

Waxa uu ku laabtay sariirta ka dib markii uu quraacday waana halka uu ku yiri ereygiisii ugu dambeeyay ee ahaa “Me siento mal” – oo la macno ah “Ma fiicni”

Adeega caafimaadka gargaarka degdega ah ayaa isku dayay inay mashiino ku xiraan balse waxay xaqiijisteen inuu geeriyooday.

Madaxweynaha dalka Argentina ayaa ku dhawaaqay in dalka uu galayo seddex maalmood oo baroordiiq ah iyadoo taageerayaal badan ay isagu soo baxeen magaalooyinka Argentina iyo magaalada Napoli ee dalka Talyaaniga halkaasoo oo noloshiisa qeyb ka mid ah uu ku soo qaatay.

Gabadh Somaliyada oo ka mid noqotay Diiwaanka BBC ee 100 Dumara ee ugu saameynta badan Haweenka Dalalka Carabta 2020-ka

$
0
0

Gabadh Somaliyada oo ka mid noqotay diiwaanka BBC ee 100 Dumarka ee ugu sameynta badan Haweenka Dalalka Carabta 2020-ka

.

BBC waxay soo saartay liiska 100 haween ee ugu saameynta badan dunida sanadka 2020-ka.

Iyadoo dunida uu xilligan saameeyay cudurka Koroona, dumar fara badan oo ku sugan guud ahaan dunida ayaa qabtay shaqooyin ay ku caawinayaan dadka kale halka qaar ay naftooda ku waayeen kaalinta iyo dadaalka ku aadan caawinta bulshada.

Diiwaanka BBC-da ee 100 haweenka ee sanadkan 2020, waxaa lagu xusay Elwaad Elman oo ah gabar soomaaliyeed oo ka shaqeysa arrimaha bulshada iyo 10 kale oo dumar ah oo kasoo jeedo dalalka carabta.

Ilwaad Elman waa gabar Soomaaliyeed oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha bulshada, muddana ka howlgalaysay gudaha magaalada Muqdisho.

Ilwaad oo ku soo barbaartay qurbaha waxna ku baratay ayaa markii dambe go’aansatay inay dalkeeda hooyo dib ugu laabato si ay gacan u gaysato soo kabshada dalka.

Waa gabar hogaamiye ah oosafka hore uga jirta ka shaqeynta arrimaha nabadda ee Soomaaliya, waxayna kaalin ka qaaday arrimaha dib u heshiisiinta iyo u doodidda xuquuqda dumarka.

Ilwaad waxaa dadeelkii aqoonsatay Qaramada Midoobay oo sanadkii 2018-kii u magacowday inay ka mid noqoto la taliyeyaasha dhanka nabadeynta ee Xoghayaha Guud ee Jamciyaddaasi, Antonio Guterres.

.

Dumarka kale waxaana kamid ah.

  1. Nasriin Cilwaan oo kasoo jeedo Ciraaq heysatana dhalashada Britain.
  2. Safraa Qamri oo Suuriyaan ah.
  3. Naadin Ashraf oo u dhalatay Masar.
  4. Iimaan Qaalib oo reer Yaman ah.
  5. Xayaat Murshad oo kasoo jeedda Lubnaan.
  6. Hudaa Abwaz oo reer Morocco ah
  7. Saarah Al Amiiry oo kasoo jeedda Imaaraatka Carabta
  8. Wacd Al Khadiib oo reer Suuriya ah.
  9. Maaqi Jabraan oo kasoo jeedda Masar.
  10. Naadin Kacdaan oo reer Suuriya ah.

Is-barbardhig Tirada & Cududa Ciidan ee Itoobiya & Kuwa tigrayga+Cabsi laga qabo dagaal jabhadeyn ah

$
0
0

Is-barbardhig Tirada & Cududa Ciidan ee Itoobiya & Kuwa tigrayga+Cabsi laga qabo dagaal jabhadeyn ah

Tigray
Maamulka Tigray ayaa leh ciidan awood badan.

Ururka TPLF oo ku dhawaad 30 sano ka talinayay deegaanka Tigray ee Itoobiya ayaa hadda u muuqda inuu isu diyaarinayo dagaal jabhadeyn ah oo uu ciidamada dowladda kula galo dhulkaas buuraleyda u badan.

Hase yeeshee milateriga Itoobiya ayaa rumaysan in duulaanka uu hadda wado uu kaga hortagi karo xaalad noocaas ah, waxaana yoolka dowladdu yahay inay TPLF kala wareegto awoodda, xabsigana dhigto hogaamiyayaasha iyo saraakiisha ciidan ee ururkaas oo tiro ahaan lagu qiyaasay inay ka badan yihiin 70 qof.

Waxaa saraakiishaas kamid ah kuwo dowr muhiim ah ka qaatay jabhadeyntii ay mudada 17-ka sano ah TPLF waday illaa ay ka qabsatay caasimadda Addis Ababa sanadkii 1991. Sidoo kale waxaa ku jira kuwo hogaanka ciidanka iyo sirdoonka Itoobiya soo ahaa illaa uu xukunka la wareegay Abiy Axmed sanadkii 2018.

“Diyaar u ah dhimasho”

Xooggaga TPLF ayaa hub noocyo kale duwan leh oo ay ku jiraan gantaallo ka qaatay saldhigga taliska waqooyi ee ay weerarreen horraantii November, inkastoo uu ciidanka cirka ee Itoobiya leeyahay awood wanaagsan.

Mas’uuliyiin ka tirsan TPLF ayaa sheegay inay qabsadeen qeybo kamid ah taliskaas, maadaama ay u muuqatay in dowladda Federaalka ay duulaan ku soo ahayd.

Weerarkaas kadib, Abiy Axmed ayaa ku eedeeyay TPLF inay ka gudubtay khadka cas, sidaana waxa uu ku amray duqeymo ka dhan ah Tigray.

Laba iyo labaatan maalmood kadib markii uu bilowday duulaanka, ra’iisal wasaare Abiy ayaa shaaciyay in ciidamadiisa ay billaabeen “wejigii u dambeeyay” ee hawlgalka ay kula wareegayaan gacan ku haynta magaalada Mekelle.

Balse hogaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa waraysi uu siiyay AFP horraantii todobaadkan waxa uu ku sheegay: “Waxaan nahay dad mabda’ leh oo diyaar u ah inay u dhintaan difaaca deegaankooda.”

Tigray
Deegaanka Tigray ayaa leh buuro ku wanaagsan jabhadeynta

Dhinacee haysta askarta u badan?

William Davison oo ka tirsan ururka ICG ayaa sheegay in TPLF ay heli karto in ka badan 200,000 oo dagaalyahan oo isugu jira maleeshiyaad tuulooyinka ku sugan iyo ciidamo si gaar ah u tababaran.

“Maadaama ay sanadihii dambe isbedalaysay siyaasadda Itoobiya, waxaa askar qorasho iyo tababarba ay ka socdeen gobolka Tigray,” ayuu u sheegay BBC.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in ciidamada u diyaarsan hawlgalka ee Itoobiya ay tiro ahaan ku dhaw yihiin 140,000 oo askari, intooda badanna ay yihiin ciidanka lugta.

Haddii tirooyinkaas ay sax yihiin, waxa ay ka dhigan tahay in milateriga Itoobiya ay ka askar yar yihiin TPLF, balse xukuumadda Addis Ababa ayaa gurmad ka heli karta ciidamada gaarka ah ee deegaannada dalka.

Durbadiiba markii uu dagaalka bilowday, ciidamada deegaanka Amxaarada ayaa kuwa federaalka gacan ka siiyay qabsashada dhul ka tirsan Galbeedka Tigray.

Amxaara
Xooggaga Amxaarada ayaa ka garab dagaallamaya ciidamada federaalka.

Go’doominta Tigray

Arhe Hamednaca, oo ka qeyb qaatay dagaalladii jabhadaha ay kula jireen dowladdii Mengistu Haile Mariam ayaa sheegay in duulaanka socda ay Addis Ababa uga gol leedahay inay gacanta ku dhigto deegaannada ku teedsan xuduudda Sudan.

“Qaabka keliya ee ay TPLF ku baxsan karto ama ay saad ku heli karto ayaa ah dhanka Sudan,” ayuu yiri.

Sidoo kale, waxaa ka go’an dhanka Eritrea oo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa caqabad ku ah TPLF.

Goobjoogayaal ku sugan Eritrea ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Itoobiya ay isku soo urursadaan, dhaawacoodana ku daweystaan cisbitaallada milateriga ee gudaha waddankaas, inkastoo Addis Ababa iyo Asmara ay labaduba beeniyeen in Eritrea ay ku lug leedahay colaadda Tigray.

“Tigray waa la go’doomiyay. TPLF ma sii wadi karto dagaal toos ah,” ayuu yiri Davison.

Balse taas kama dhigna in ciidamada federaalka ay si sahlan uga guulaysan karaan xooggaga TPLF.

Arhe ayaa sheegay inay jiraan tusaalooyin muujinaya jabhado la dagaallamay ciidamo ka awood badan.

“Maraykanku waxa uu Afghanistan ku haystaa dhammaan noocyada Drones-ka iyo diyaaradaha dagaalka, balse Taliban weli lagama adkaan. Xuutiyiinta Yemen waxa ay ka badbaadeen hubka casriga ah ee Sacuudiga iyo Imaaraadka,”ayuu yiri Arhe.

Davison ayaa sheegay in inkastoo ay milateriga Itoobiya ay ku wajahan yihiin Mekelle, aysan caddeeyn inta degmo ee ay gacanta ku hayaan ama ay soo mareen.

Yey raaci doonaan shacabka Tigray?

Waxaa suuragal ah in qaar badan oo kamid ah shacabka Tigray ay u baxaan tuulooyinka iyo buuraha si ay isugu diyaariyaan dagaal jabhadeyn ah, sida uu ku doodayo Davison.

Dadka Tigray ayaa inta badan taageersan hannaanka federaalka ee ay TPLF Itoobiya ka hirgelisay markii ay xukunka la wareegtay 1991. Ururkan ayaa ku eedeeyay Abiy Axmed inuu doonayo dowlad dhexe oo awood leh.

Tigray
Shacabka Tigray

Hase yeeshee tifaftiraha BBC Tigrinya, Samuel Ghebhrehiwet, ayaa sheegay in aan meesha laga saari karin in shacab badan oo deegaankaas ah ay taageeraan xukuumadda Federaalka.

“Markii uu socday halgankii hubaysnaa ee ka dhanka ahaa Mengistu, shacabka Tigray waxay taageero buuxda siiyeen jabhadda. Balse ku dhawaad 30 sano oo ay TPLF xukunka haysay, qaar badan oo Tigray ah ayaa quus ka taagan musuq-maasuqa iyo dulmiga ka jira deegaanka,” ayuu yiri Samuel.

Waxa uu rumaysan yahay in natiijada dagaalka Mekelle ay go’aamin doonta in TPLF ay duurka gasho iyo inkale. Xitaa haddii uu milateriga Itoobita ka guulaysto ururkaasi, Samuel ayaa rumaysan in qaab keliya ee colaaddan xal looga gaari karo ay tahay wadaxaajood ay dhinacyada ku heshiiyaan.


Maamulka Tigray oo Magacaabay ergo uga qeybgeli doono wadahadallada……..

$
0
0

Maamulka Tigray oo Magacaabay ergo uga qeybgeli doono wadahadallada……..

Qaar kamid ah dadka ka qaxaya Tigray waxay gaareen xeryo ku yaalla xadka Itoobiya iyo Suudaan
Qaar kamid ah dadka ka qaxaya Tigray waxay gaareen xeryo ku yaalla xadka Itoobiya iyo Suudaan

Hoggaanka sare ee maamulka Tigray ayaa sheegay inay soo magacabeen xubno matali doono oo Midowga Afrika iyo beesha caalamka kala hadli doono sidii xabad joojin looga dhawaaqi lahaa gobolka xilli halkaas uu ku dhexmaray dagaal u dhexeeyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Tigray.

Bayaan kasoo maamulka Tigray ayaaa ugu baaqay in la furo marrinada gargaarka lagu gaarsiinayo shacabka isla markaana la sameeyo baaritaano madaxbanaan oo ku saabsan eedeymaha ah in dambiyo dagaal laga geystay gobolka.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa lagu wadaa in uu kulan la qaato ergada ka socda Midowga Afrika balse wuxuu ku gacan seyray baaqyada caalamiga ee ah in wadahadal lagu soo afjaro colaadda.

Dagaallo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo Tigray ayaa ka dhacay deegaano badan oo ka tirsan gobolka balse waxaa lagu soo warramayaa in caasimadda Mekelle ay degan tahay.

Halima Aden: Muslim Vogue model quits runway after she ‘compromised beliefs

Nuxurkii Wixii ka soo baxay kulankii Abiy Axmed &yo Ergada Midowga Afrika?

$
0
0

Nuxurkii Wixii ka soo baxay kulankii Abiy Axmed &yo Ergada Midowga Afrika?

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa la kulmay ergo ka socotay ururka Midowga Afrika kuwaas oo isku dayaya sidii loo dhexdhexaadin lahaa dowladda iyo maamulka TPLF oo ku dagaallamaya gobolka Tigray.

Bayaan maanta kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kaddib kulanka uu la qaatay ergada ayaa lagu sheegay in dowladdiisa ay ku adkeysatay inay xaqiijineyso ilaalinta shacabka, in la furo marinada gargaarka iyo inay soo dhaweyneyso in qaxootiga u qaxay dhinaca Suudaan dib loogu soo celiyo dalka.

Abiy wuxuu sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto tallaabooyinka ka dhanka ah TPLF.

Waxaana ergadan kamid ah saddex madaxweyne oo hore oo kala ah madaxweynihii hore ee Mozambique, Joaquim Chissano, madaxweynihii hore ee Liberia Ellen Johnson Sirleaf iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Kgalema Motlanthe.

Dowladda Itoobiya waxay horraan sheegtay in ergadan aanan loo ogolaan doonin inay booqdaan Tigray.

Ma kala cadda sida ay howshooda ku gudan doonaan waa haddii aysan la kulmin labada dhinac.

Dhacdo Horleh oo Amakaag & Anfariir ku riday M/weynaha Faransiiska

$
0
0

 

Michel Zecler ayaa magaalada Paris kula hadlay wariyaasha

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa “aad uga naxay” muuqaallada saddex sarkaal oo boolis ah oo magaalada Paris ku garaacay nin madow ah oo fannaan ah sida ay ku warrantay warbaahinta Faransiisku.

Mr Macron si cad ugama uusan hadlin dhacdadan, balse wuxuu kala xaajooday arrintaan iyo kuwa ku lugta lehba Wasiirkiisa Arimaha gudaha Gérald Darmanin.

Saddexda sarkaal ee lagu cadeeyay laguna arkay muuqaalka iyagoo garaacaya Michel Zecler ayaa shaqada laga joojiyay waxaana ku socda baaritaan.

Dhacdadaan ayaa horseedday in baaritaanno cusub lagu sameeyo ciidamada amniga.

Xiddigaha kooxda Kubadda Cagta ee Koobka Adduunka ee Faransiiska ayaa ka mid ah tiro dadweyne ah oo ka hadlay carana ka muujiyay ka dib markii muuqaalladaan laga duubay saraakiishaan booliska ah oo gudaha caasimadda Faransiiska ku garaacaya ninkana madowga ah.

Jimcihii maanta warbaahinta Faransiiska ayaa ku warantay in sarkaal ka tirsan madaxtooyada uu ku tilmaamay Mr Macron inuu ka carooday dhacdadaan ka hor wadahadallada uu la yeeshay Mr Darmanin oo ah wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi .

Mr Darmanin wuxuu mar sii horeysay u sheegay telefishanka Faransiiska inuu culeys saari doono si shaqada looga eryo saraakiisha, isaga oo yiri “waxay wasakheeyeen labiskii jamhuuriyada”.

Saddexda sarkaal waxaa hadda ku socda baaritaanno.

 

Khamiistii la soo dhaafay xiddiga kubada cagta Faransiiska Kylian Mbappé, oo ah madow, ayaa ku biiray dad cambaareyay dhacadaan.

“Muuqaal aan loo dulqaadan karin, rabshad aan la aqbali karin. Maya cunsuriyadda,” ayuu ku qoray bartiisa Twitter-ka isagoo isticmaalay sawir wajiga dhiig ku leh oo ah fannaanka la dhaawacy .

Muuqaalladaan oo ay duubtay kaamiradda amniga ayaa lagu daabacay Khamiistii Websit-ka wararka ee Loopsider. Waxaana ka muuqanayay seddex sarkaal oo haraati, feer la dhacaya fannaanka, wuxuuna sheegay in markii hore loo joojiyay inuusan xirneyn maaskarada wajiga.

Mr Zecler wuxuu sheegay in sidoo kale lagula kacay xadgudub cunsurinimo ah intii lagu guda jiray shanta daqiiqo ee la garaacayay.

Ninkaan oo la xiray waxaa lagu soo oogay dacwdo ah rabshad iyo inuu diiday in la xiro,balse dacwad oogayaasha ayaa meesha ka saaray eedahaas taas badalkeedana waxay fureen baaritaan ka dhan ah saraakiisha lagu eedeeyay falka garaaca ah .

Markii uu tagay xarunta booliska maalintii khamiista isaga iyo qareenkiisa si uu dacwad u gudbiyo, Mr Zecler wuxuu u sheegay wariyeyaasha in “dadkii ilaalin lahaa isaga inay dhibaateynayaan . Wuxuuna sheegay in waxa kaliya ee uu doonayo ay tahay in seddexda sarkaal sharciga la marsiiyo.

Duqa magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa sheegtay inay si weyn uga naxday falkaan kuna tilmaantay ” Fal aan loo dulqaadan karin”.

Dhanka kale, dowlada faransiiska ayaa sii wada xoojinta hindise sharciyeedkeeda amniga ee muranka dhaliyay, kaas oo dadka kasoo horjeeda ay sheegeen inuu wiiqi karo awooda warbaahinta ee ah inay baaraan habdhaqanka booliska.

Qodobka 24-aad ee hindise-sharciyeedka ayaa dambi ka dhigaya in la soo dhigo sawirrada booliska ama askarta baraha bulshada kuwaasoo loo arko inay si gaar ah u bartilmaameedsanayaan.

Dowladda ayaa ku doodeysa in sharciga cusub uusan qatar gelin doonin xuquuqda warbaahinta iyo muwaadiniinta caadiga ah ee soo gudbinta xadgudubyada booliska.

Balse markii ay dhaleeceynta kala kulantay dowladdu sharcigaan waxey sameeysay wax ka badal, iyada oo sheegtay in Qodobka 24-aad uu kaliya bartilmaameed ka dhigan doono faafinta sawirrada si cad loogu talagalay in lagu waxyeeleeyo sharafta booliska ama naftdooda.

Dadka lagu helo dambiga waxaa lagu ciqaabi karaa sanad xarig ah ama ganaax lacageed oo gaaraya €45,000

Wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka oo Safar Qarsoodiya Jimcaha Maanta ku yimi Muqdisho+Ciduu la kulmay & Ujeedada safarkiisa

$
0
0

Wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka oo Safar Dhukusaada Jimcaha Maanta ku yimi Muqdisho+Ujeedada safarkiisa

Ku-simaha Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Christopher Miller ayaa Jimcaha maanta ah booqasho aan horay loo sii shaacin ku tagay Soomaaliya, tani oo ah booqashadii ugu horeysay ee xoghaye gaashaandhig Mareykanka ah uu ku tago Soomaaliya. Waa lugtii ugu dambeysay ee booqasho uu Miller ku tagayo afar waddan ee safarkiisan oo ah kii u horreeyey ee dibadda ah tan iyo markii uu Madaxweyne Trump xilkan u magacaabay toddobaadyo ka hor.

Miller ayaa ku sugnaa saacado kooban oo kali ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho, isagoo la kulmay qaar ka mid ah ciidamadii Mareykanka ee halkaas ku sugan, ka dib markii uu ka kicitimay xerada militariga Mareykanka ee Camp Lemonnier ee dalka deriska ah ee Jabuuti.

In kastoo saraakiisha Pentagon-ku ay sheegeen in ujeedada safarku ay tahay in ay la kulmaan ciidamada inta lagu guda jiro munaasabadda Thanksgiving-ka ama mahadnaqqa, waxa ay booqashadani ku soo beegmaysaa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in maamulka Trump uu qorsheynayo in uu Soomaaliya ka soo saaro ku dhowaad dhammaan 700 ee askari ee Mareykanka ah ee hadda ku sugan Soomaaliya kuwaasi oo caawimaad siiya ololaha ka hortagga argagixisada ee Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa tababara isla markaana la taliya ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab oo ah kooxda ugu weyn ee ka tirsan Al-Qaacida.

Milatariga Mareykanka ayaa sidoo kale fuliya duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxda Daacish ee Soomaaliya, iyagoo bishii hore duqeyn ku dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al Shabaab.

Pentagon-ka ayaan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin dhimista ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, laakiin saraakiisha difaaca ayaa u sheegay warbaahinta CNN in dhimis ballaaran la filayo maalmaha soo socda.

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>