Hal qof oo ku geeriyooday Balli ku yaala Duleedka magaalada Hargaysa
Warbixin ay soo saareen ciidanka dab-damisku, ayaa lagu sheegay in hal wiil uu geeriyooday kadib markii uu ku haftay Balli ku yaala duleedka galbeed ee Hargaysa.
Ciidamada dab-damiska ayaa sheegay in qof ka ag-dhawaa wiilka geeriyooday uu ciidanka usoo sheegay balse ay ahayd xili danbe oo uu dhintay.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidanka dab-damisku ay goobta gaadheen isla markaana ay maydka kasoo sareen Balliga
Wiil kan ayaa noqonaya qofkii kowaad ee ku nafwaaya biyaha tan iyo markii uu bilaabmay xili roobaadka guga.
Afar qof oo Mareykan ah oo ka mid noqday dad lagu laayey Gudaha Israel
Muwaadniin Mareykan ah ayaa ku jira tobaneeyo qof oo lagu dilay, laguna dhaawacay is-buurasho ka dhacday munaasabad diimeed oo lagu qabtay Israel, waxaa sidaas Sabtidii sheegay safaaradda Mareykanka.
Ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay, in ka abdan 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen munaasabadda diimeed ee ay qabsanayeen Yahuudda aadka ugu adag diinta, oo ka dhacday Buurta Meron, habeenkii Khamiista.
Illaa iyo hadda ma cadda waxa rasmiga ah ee sababay is-buurashada, hase yeeshee xogta goobjoogeyaal iyo muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujiyey in qaar ka mid ah ka qeyb-galaaysha oo kasoo dhacay jaranjaro ay xireen waddo yar oo ay marayeen boqolaal qof kadibna la is dardaray.
Wakiil ka tirsan safaaradda Mareykanka ayaa yiri “waxaan xaqiijin karaa in dhowr qof oo muwaadiniin Mareykan ah ay ku jiraan dadka dhintay iyo dhaawaca,” isaga oo aan bixin faah-faahin.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Israel ayaa Jimcihii sheegtay in saraakiisha qunsuliyaddeeda New York ay la xiriireen qoysaska afar qof oo Mareykan ah oo ku dhintay dhacdadan.
Qiyaastii 100,000 oo qof ayaa ka qeyb-gashay munaasabdda, waxaana hadda ay carro xoogan ka jirtaa sababta ay dowladda u ogolaatay munaasabadda, maadaama aan la ogoleyn in da ka badan 10,000 ay meel isugu yimaadaan, sababo la xiriira xanibaadaha cudurka COVID-19
Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa Axadda maanta ah cafis weydiistay qoyska Qasem Soleimani kadib markii warbaahinta loo dusiyay cod sir ah oo uu ku sheegay in taliyaha la dilay uu door aad u weyn ka ciyaaray diblomaasiyadda.
Soleimani, oo ahaa taliyihii qeybta howlgallada dibadda ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka, ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo sanadkii hore uu Mareykanku ka fuliyay dalka Ciraaq.
Warbaahin ka howlgasha dalal ka baxsan Iran ayaa Axaddii hore baahiyay cajalad maqal ah oo muddo saddex saac socotay oo laga duubay Wasiirka Arimaha Dibada Mohammad Javad Zarif, taasi oo dhalisay dood kulul ka hor doorashada madaxtinimada iyo xilli ay Iran wadahadallo lagu soo nooleynayo heshiiskii nukliyeerka magaalada Vienna kula leedahay quwadaha dunida.
Cajaladda maqalka ah, ayuu Zarif kaga hadlay militariga inay saameyn badan ku leeyihiin diblomaasiyada, wuxuuna xusay doorka muuqda ee uu ciyaaray Soleimani.
Zarif ayaa dhaleeceyn kala kulmayay siyaasiyiinta muxaafidka ah iyo warbaahinta kadib markii codkaas la dusiyay iyadoo hadallada Soleimani ay yihiin kuwa aad looga carooday.
“Haddii aan ogaan lahaa in erey ka mid ah meel fagaare ah lagu daabacayi, ma aanan sheegeen,” ayuu yiri Zarif.
“Hadalkeyga … ma yareynin maqaamka iyo doorka aan la beddeli karin ee shahiid Soleimani,” ayuu Zarif ku daabacay boggiisa Instagram.
Taliyaha Ciidanka Booliska S/aland oo u Hanjabay Dadka Dhaliila Shaqadooda
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi ayaa u hanbay dadka dhaliila qaabka shaqo ee ay ciidanku qabtaan shacabka iyo khadyada ka dhaca xilliga ay ku jiraan hawlgallada .
Taliye Dabagale ayaa ku goodiyey in ay talaabo ka qaadi doonan dadka ku foogaan ka hadalka arrimaha ciidanka ,”kuwa booliska dhaliilaya ee caayaya ee ujeedooyinka kale leh laga yeeli mayo taas, ciidanku khalad wuu geli karaa, wanan gelaynaa, waxaan keenaysa shaqada la hayo “ ayuu yidhi
Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (dabagale) waxa uu sheegay in ciidamada Boolisku ay leeyihiin xeerar lagu ciqaabo askariga khaladka gala islamrkaana ay hore talaabooyin uga qaadeen haddana ay ka qaadayaan askriga ku kacay fal khalad ah .
Hadalka taliyaha ayaa kusoo beegmayaa xilli uu guddoomiyaha Xisbiga UCID isaga ku dhaliilay in uu musharixiinta ula dhaqmayo sidi argagixisada.
The President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, has met with a delegation from the State of Qatar.
The delegation which was led by senior Qatari Foreign Affairs official, Dr. Mutlaq Bin Majed Al-Qatlani are in Somaliland on an official visit.
The President and the delegation discussed areas of mutual interest, including closer diplomatic ties, with the possibility of Qatari representative office in Hargeysa.
The Qatari Charity Fund are expected fund various projects in Somaliland.
The new engagement between the two countries comes after years of strained relationship due to the geopolitical struggles in the Gulf Region between, on one hand, Somaliland allies, the United Arab Emirates and Saudi Arabia, and on the other, Qatar.
Somaliland has also been wary of Qatari approaches due to that nations heavy involvement in the affairs of the neighbouring and former union partner, Somalia.
Sources indicate that since the thawing of the tense political situation in the Gulf, this Qatari visits marks a new chapter in the relations between the two states.
Ya isku haya Soomaaliya oo ay Qatar dhexdhexaadineysaa,Waase kuma
Mutlaq Majed Al-Qaxtaani Diblomaasiga Hawshaa loo xilsaaray?
Kulan rai’sul wasaare Rooble iyo wefdiga Qadar
Magaalada Muqdisho waxa maalintii labaad ku sugan wafdi uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Mutlaq Majed Al-Qaxtaani.
kulankoodii ugu horeeyay galinkii hore ee maanta waxay xarunta madaxtooyada kula qaaateen madaxweynaha dawladda federaalka Maxamad Cabdillahi Farmaajo.
Mr Mutlaq ayaa galinkii dambe ee maanta sidoo kale kulan la qaatay ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Labaad dhinac ayaa waxay ka wadahadleen sida ay warbaahinta dowladda sheegtay xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.
Dhanka kale waxaa uu ergeyga kulan la qaaday gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheek cabdirahmaan oo xafiiskiisa ku qaabilay.
Caawana waxa la filayaa inay wafdigu la kulmaan hogaamiyayaasha mucaaradka.
Ergayga gaarka ah ee wasaaradda arimaha dibadda dalka Qatar u qaabilsan arimaha xalinta khilaafaadka iyo la dagaalanka argagixisada Mutlaq Majed Al-Qahtani ayaa waxaa uu horey u booqday magaalada Hargeysa..
Mutlaq Majed Al-Qaxtaani waa dublamaasi u dhashay dalka Qatar islamarkana muddo dheer ka shaqeynayay arrimaha dhexdhexaadinta.
Axmed Sh Maxamed (Axmed Tiir) oo ka faaalooda arrimaha Carabta ayaa sheegay in Mr Mutlaq uu yahay dublamaasi muddo dheer ka shaqeynayay arrinta dhexdhexaadinta Taliban iyo Mareykanka.
“Mutlaq Majed Al-Qaxtaani waa dublamaasi u dhashay qadar oo aad uga shaqeeyay wadahadalada Taliban iyo Mareykanka oo dhexedhexaadinayay muddadi ay sirta ahayd iyo intii ay muuqdeen wadhadalada 2020,” ayuu Mr Tiir,
Waxaa uu sidoo kale imika ku jiraa dhexdhexaadinta wadahadalada dowladda Afqanistaan iyo kooxda Taliban .
Mutlaq Majed Al-Qaxtaani imika waa Ergayga gaarka ah ee wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada.
Waxaa ku guuleystay sanaddii 2020 abaalmarinta dhexdhexaadiyaha ugu wanaagsan caalamka.
“Waxa hadda lagu magacaabaa oo ay Qaramada Midoobey siisay ninka ugu wanaagsan oo dhexdhexaadiyo dagaalo meelo ka socdo marka billadaas ayuu helay,” ayuu Mr Axmed Tiir.
Dhexdhexaadinta Qatar
Wefddiga Qadar ayaa tan iyo intii ay Muqdisho soo gaareen waxay kulamo la yeesheen madaxda sarsare ee dowladda islamarkana waxaa lagu wadaa in ay caawa madaxda mucaaradka la kulmaan.
Balse Dr Axmed Tiir ayaa rumeysan in xilligan aysan jirin cid la dhexdhexaadiyo dalka Soomaaliya islamarkana uu khilaafkii doorashada shalay soo afjarmay.
“24 saac oo shalay ah ayay ku dhammaatay mushaakilkii Somaaliya ka jiray markii uu baarlamaanka ka noqday marka hadda wax la dhexdhexaadiyo maba jiro mucaaradkii iyo xukuumadii waxay u wada jeedsteen doorasho in la qabto oo lagu heshiiyay,” ayuu yiri Mr Tiir.
Dowladda Qadar ayaa lagu tilmaamaa in ay galaangal wayn ku leedahay arrimaha dalka Soomaaliya.
Ahmiyada ay Qatar u leedahay Soomaaliya?
Soomaaliya ayaa la sheegaa inay ku taalo goob istaraatiji u ah caalamka .
Markii dowladaha khaliijka ay cunaqabateynta ku soo rogeen dalka yare ee Qatar ayaa waxay dowladda Soomaaliya sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay murankaasi.
Goobaha laga xiray Qatar waxaa ka mid ahayd hawada taasi oo ku qasabtay diyaaradda qadar Airways inay wareeg dheer gasho.
“Diyaaradda Qadar haddii aysan Somaaliya ahayn Afrika lugta ma soo saarteen oo dulimaadkeedii Afrika oo dhan ayaa go’i lahaa sababtoo ah meel ay soo marto ma lahayn anagu marka meeshaan ku naalno sidaa ayay muhiim u tahay,” ayuu yiri Dr Axmed Tiir.
Dr Axmed Tiir ayaa sheegay in markii Qadar cunaqabateynta ay ku soo rogeen dalalka khaliijka ay Soomaaliya u noqotay albaabka kali ah ee u furan.
“Markii ay cunaqabateynta ay saareen khaliijka, Soomaaliya waxay u noqotay albaabka kali ah ee dhanka hawada ee ay diyaaradaheeda mari kareen,” ayuu yiri Mr Axmed Tiir
Rai’sul wasaare Rooble iyo Mutlaq Majed Al-Qaxtaani
Maxaa xilligan ku soo beegay booqashada Mutlaq?
Booqashadaha Mutlaq Majed Al-Qaxtaani ergayga dalka Qadar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaalanka argagixisada ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah.
Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dhawaan ay ka dhacdo doorasho silamarkana waxaa hannaanka doorashadan ka dhashay muran badan.
Dowladdaha Carabta gaar ahaan kuwa khaliijka ayaa la sheegaa in muddooyiinkii u dambeeyay ay aad ugu lug lahaayeen doorashooyiinka iyo siyaasadda Soomaaliya.
Dowladda Qadar ayaa sida ay sheegeen dadka faaqida siyaasadda waxay doonaysaa inay xiisadda dajiso si ay danaheeda u ilaaliso.
Dr Axmed Sheekh Maxamed Axmed Tiir oo ka faalooda arrimaha Carabta ayaa rumeysan in Qadar aysan xilligan dan ugu jirin in ay arrinta faraha ka sii baxdo.
“In aysan iyaga iyo anagaba dan inoo ahayn in arrinta ay faraha ka sii baxdo marka in ay arrintaa ka hadlaan,” ayuu yiri Dr Ahmed Tiir.
Waxaa uu intaa ku daray in dowladda Qadar ay sidoo kale doonayso inay kalsooni ka raadiyaan hogaamiyayaasha mucaaradka .
“Iyaga oo aan ka hadlin mudda kordhintii oo xitaa aan dhihin wuu qaldanaa inay mucaaradka kala hadlaan ama ay ku qanciyaan in dhinac dowlada aysan kaalmeynayn ama ay ku qanciyaan arrintaa, ayuu intaa ku daray.
Dowladda Qadar oo ka mid ah dowladaha khaliijka ayaa waxaa dadka u kuurgala ay ku tilmaameen in galangal badan ay ku leedahay dalal badan oo caalamka ah.
Koonfur Afrika oo mamnuucaysa libaaxyada Goobaha & Seereyaasha gaarka ah lagu haysto+Sababta
.
Koonfur Afrika ayaa shaacisay qorshe ay doonayso in lagu joojiyo bacriminta lagu tarminayo libaaxa si ay u suurto gasho in la ugaadhsado ama ay dalxiiseyaashu cagabaruurka u gurtaan.
Qorshahan ayaa soo baxay ka dib markii la faafiyey natiijada daraasad socotay laba sannadood oo lagu baadhayey qaabkan bacriminta libaaxa la doonayo in beero gaar ah lagu haysto.
Daraasadda waxa lagu ogaaday in qaabkani halis ku yahay dedaalka ilaalinta duurjoogta xawayaankanna gaar ahaan khatar ugu yahay.
Dawladda Koonfur Afrika ayaa aqbashay talo soo jeedinta khubaraadaas cilmi-baadhista waday, arintaas oo ay ka cadhoon karaan dadka ka shaqaystay ganacsigan bacriminta taranta libaaxa.
“Daraasadda nuxurkeedu waxa ay ka warbixinaysaa libaaxa goobaha gaarka ah lagu haysto si tarantooda loo bacrimiyo. Waxay sheegaysaa in ay waajib tahay in arintaa la joojiyo oo libaaxyadana laga sii daayo goobahaa gaarka ah ee lagu hayo” ayay tidhi wasiirka deegaanka Barbara Creecy.
Laakiin waxay carrabka ku dhufatay in ugaadhsiga libaaxa door joogta ah la ogolaan doono maadaama oo arintaasi waaxda dalxiiska uu ka soo galo dakhli badani.
Khubarada daraasadda samaysay waxa loo xil saaray in ay dib u eegaan siyaasadda iyo xeerarka dalka ee maaraynta libaaxa, shabeelka, wiyisha iyo maroodiga.
Waxay khubaradu ku talo bixiyeen in inta aan la gubin geesaha wiyisha iyo fool maroodiga la soo qabtay dalku la tashado dalalka kale ee dalkaas ay olloga yihiin.
Waxa la rumaysan yahay in 8000 oo libaax iyo dheeraad ay ku jiraan goobo gaar loo leeyahay oo ku yaal Koonfur Afrika, halka ay duurka ku noolyihiin 3500 oo keli ahi.
Dadka difaacaya bacriminta taranta libaaxa lagu hayo goobaha gaarka loo leeyahay ayaa sheegaya in ay arintaas xal u tahay in aan libaaxu dabar go’in, laakiin kuwa arintaa ka soo horjeeda ayaa sheegay in xawayaankaa si arxan darro ah loogu hayo goobahaas.
Hay’adaa daryeelka duurjoogta aduuka ee World Animal Protection la yidhaa ayaa ku tilmaantay qorshan “guul u soo hoyatay duur joogta”.
Dugsiyada Nuuradiin Waa Shamac Ka Dhex Ifaya Waxbarashadda Somaliland
Dugsiga Nuuradiin waxa la aasaasay sanadkii dabayaaqadii sanadka 1995 wuxuuna ka kooban yahay sadex qaybood oo waa wayn Qaybta Barbaarinta Ubadka, Dugsiga Hoose Dhexe iyo Dugsiyada Sare oo (qayb hablaha ah iyo qayb inamada ah). Dugsigan waxa Aasaasay muwaadin reer Somaliland Mahad Ibraahin Maxamed oo 30 kii sano ee danbeeyay kusoo dhex jiray bahda waxbarashada kana soo bilaabay Machad luuqdaha kala duwan lagu barto, maantana ka mid ah dugsiga ugu badan ee ay dhigato ardayd reer Somaliland.
Dugsiyada sare ee nuuradiin-schools wuxuu ka mid yahay dugsiyada ugu waxbarashada tayada fiican dalka ayaa waxay ka soo bilaabeen heerar kala duwan ka dib markii ay kor u qaadeen heerka aqooneed ee macalimiinta duruusta siiya ardayda wax kabarta dugisyada nuuradiin.
Waxa marag ma doona, Sanad kasta Dugsiyada Sare ee Nuuradiin waxay kaalmaha koowaad ka galaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada dalka waana talaabo muujinaysa heerka tayada tacliinta iyo tarbiyada ardayda wax ka barata dugsiyadda Nuuradiin. Dugsiga Nuuradiin waxa uu diyaariyay deegaan ku haboon waxbarashada iyo Aqoon u saamaxda arday wal oo Nuuradiin ka baxay Dugsiyadiisa sare inuu qaadan karo Takhasus wal oo ay Jaamacadaha Maxaliga ah iyo kuwa Dibaduba ay bixiyaan – ardayda dibadda u waxbarasho doonata
Sidaas darteed hadafka waxbarasho ee Dugsiyada Nuuradiin iyo Halgankooda naf-huridda ah waa mid hanaqaaday oo hirgashay si ay bulshada ugu soo kordhiyaan arday ka dhisan aqoon maadi ah, mid diini ah iyo dhaqanka suuban ee aynu ka rabno ardaydeenu in ay yeeshaan.
Hadaba dhacdadii ka dhacday qaybta dugsiga Nuuradiin Boys waxay ahayd kicin bulsho oo dabada ku haysa dano gaara iyo dagaal siyaasadeed oo cid gaar ah ka danabyso oo la rabo in lagu dumiyo mustaqbal ardayda wax ka barata. Xikmad soomaaliyeed ayaa tidhaa Geedku intuu yaryahay ayaa la toosiyaa, waxa taas ka dhigan Dugsigu waa goob tarbiyada ardayga lagu dhiso dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisa lagu wanaajiyo; arday kasta oo ku kaca fal lidi ku ah iskuulka ama ka baxsan anshaxa waxbarashada waa qasab in talaabo laga qaado, iyadoo loo marayo hay,addaha sharciga ee dalka iyo wasaaradda waxbarashada Somaliland. Ma qumana in arday iyo macalinkiisa, ama arday iyo dugsigii uu wax ka baranayay laga dhex shaqeeyo iyadoo dano gaara la wato.
Khamenei oo si adag uga jawaabay Codkii laga duubay Zarif ee uu ku weeraray Jeneralkii Maraykanku dilay Qassem Soleimani
Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa cambaareeyey wasiirka arrimaha dibedda dalkas, oo wareysi sir ah oo la dusiyey ku sheegay in Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ay saameyn isaga ka badan ku leeyihiin siyaasadda arraimaha dibedda iyo xogta Nukliyeerka.
Wareysiga oo uu baahiyey taleefishin fadhigiisu yahay London oo ku baxa luuqadda Persian-ka ayaa Mohammad Javad Zarif wuxuu ku sheegay inuusan haba yaraatee wax saameyn ah ku laheyn siyaasadda arrimaha dibedda Iran.
Ayatollah Ali Khamenei, oo jeediyey khudbad laga baahiyey taleefishinka ayaan magacaabin Zarif, hase yeeshee wuxuu hadalldiisa ka yiri “Tani waxa aheyd qalad weyn oo ay tahay inuusan sameyn sarkaal ka tirsan Jamhuuriyadda Islaamiga ah.”
“Ma jirto meel dunida ka mid ah oo wasaaradda arrimaha dibedda ay go’aansato siyaasadda dibedda. Waxaa jira saraakiil ka sarreysa oo go’aanada iyo siyaasadaha qaata. Dabcan, wasaaradda arrimaha dibedda way ku lug leedahay.”
Iran ayaa ka xanibtay inay dalka ka baxaan 15 qof oo lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin codka la dusiyey oo ay mas’uuliyiintu sheegeen in loogu talo-gala diiwaanka dowladda balse aysan aheyn in la baahiyo.
Zarif ayaa wareysiga kaga ashtakooday heerka saameynta uu siyaasadda dibedda ku lahaa hoggaamiyihii la dilay ee ciidamada Qudus ee Kacaanka Islaamiga, Qassem Soleimani.
Cajaladda maqalka ah oo muddo saddex saac socotay ee laga duubay Mohammad Javad Zarif, ayaa Iran ka dhalisay dood kulul ka hor doorashada madaxtinimada iyo xilli ay Iran wadahadallo lagu soo nooleynayo heshiiskii nukliyeerka magaalada Vienna kula leedahay quwadaha dunida.
Qoraal uu soo dhigay Instagram kadib khudbadda Khamenei ayaa Zarif waxa uu kaga cudur daartay hadalladaas oo ka “carreysiiyey” mas’uuliyiinta sare ee Iran.
“Haddii aan ogaan lahaa in erey ka mid ah meel fagaare ah lagu daabacayi, ma aanan sheegeen,” ayuu yiri Zarif.
“Hadalkeyga…ma yareynin maqaamka iyo doorka aan la beddeli karin ee shahiid Soleimani.”
M/weyne Muuse Biixi oo kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Safiirada UK u fadhida Somalia
Halkan Ka Daawo Muqaalka Warka:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska, Amb. Kate Foster oo uu wehelinaayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland oo dalka ku yimi safar shaqo oo ah safarkii ugu horreeyey maaddaama safiirku cusub yahay.
Ugu horrayn, madaxwweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu safiirka cusub xog-warran ballaadhan ka siiyey hannaanka Dimuqraaddiyadeed ee ha kana qaaday Somaliland intii ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii burburtay ee Soomaaliya oo Somaliland ay ka gaadhay horumar dhinac walba ah oo sababtay inay tusaale u noqoto dalal badan oo ka mid ah geeska Afrika. Iyadoo madaxweynuhu safiirka ku soo dhaweeyey dal qaan-gaadhay oo buuxiyey shuruudihii dawladnimo balse caalamka ka sugaya wixii ay xaq u lahaayeen oo ah ictiraaf buuxa.
Waxaana kulanka lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka labada dal, arrimaha diyaar garowga doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo maalmo koobani inaga xigaan.
Waxa kale oo kulanka lagu lafo-guray deeqaha dalka ingiriisku Jamhuuriyadda Somaliland ku taageero dhinaca mashaariicda horumarineed ee arrimaha bulshada, sidoo kale waxa laga wada hadlay xaaladda amni ee wakhtigan ay ku sugan tahay mandaqadda geeska Afrika.
Safiirka cusubna waxa ay dhinaceeda uga mahadnaqday madaxweynaha iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-ba horumarka, Dimuquraaddiyadda iyo nabadgelyada buuxda ee ay gaadheen muddadaa soddonka sanno ah, iyadoo sheegtay inay ku faraxsan tahay booqashada ay ku timid dalka, ka dawlad ahaanna ay dardar-gelin doonto hawlaha wada shaqayneed ee labada dhinac hore uga dhexeeyey.