Gud. Xisbiga Waddani UK-Iyo Xildhibaan Bidhi oo baaq wada jir ah u diraya
Weerar lagu laayey Dad hor leh oo ka dhacay dalka Ethiopia
Wararka ka imaanaya caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa sheegaya in weerar sababay dhimashada 9 qof uu ka dhacay degmada Metta Wolkitte oo 100-KM u jirta caasimada dalkaas.
Weerarka oo ka dhacay dhismaha buundada degmada Metta Wolkitte ayaa imid kadib markii kooxda fulisay ay ku amreen shaqaalaha inay joojiyaan dhismaha buundada, taasi oo ay iska dhago tireen, sida ay sheegen qaar kamid ah ehelka dhibanayaasha
“Dagaal-yahanada ayaa u sheegay shaqaalaha dhismaha buundada iney joojiyaan, laakiin way sii wadeen shaqada, maadaama uu ka baqayey inuu waayo shaqadiisa,” ayuu yiri mid kamid ah ehelka dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay weerarkaas.
Dadka la dilay oo u badnaa shaqaalihii ku howlanaa dhismaha buundada ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Nin la sheegay in uu cabitaanka bunka ah uu ku iibinayey wadada hareeraheedda.
Faah-faahin intaas ka badan weli lagama hayo weerarkaan, hase yeeshe waxa uu qeyb ka noqonayaa qalaalasaha amni darro ee ka jira Ethiopia, tan iyo markii uu bilowday dagaalka qowmiyaduhu.
Dhacdadaan ayaa Saraakiisha qaar ay sheegen inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin doorashada dalkaas oo maanta loo dareeray, maadama ay isasoo tarayaa walaac dhanka amaanka ah.
Gabadha Amiirka Dubai ee la la’aa oo war cusub laga helay
Gabadha Amiirka Dubai ee la la’aa oo war cusub laga helay
Waxaa soo baxay sawir muujinaya Amiirad Latifa, oo ah gabadha Amiirka Dubai, taas oo bilihii la soo dhaafay aan la arkin isla markaana aan warkeeda la maqlin.
Sawirkan oo la soo dhigay barta Instagram ayaa muujinaya Amiirad Latifa oo garoonka Madrid kula sawiran qof ay saaxiibbo yihiin.
Bishii February, BBC ayaa baahisay muuqaal ay soo duubtay Amiirad Latifa oo ay ku sheegeyso in lagu hayo guri ayna u cabsaneyso nolosheeda.Muuqaalka ayaa sababay in Qaramada Miodobay ay dalbato in la caddeeyo inay nooshahay iyo in kale.
Khubarrada xuquuqda aadanaha ee QM ayaa sidoo kale dalbaday in gabadhaas si degdeg ah loo sii daayo.
Imaaraatka Carabta ayaa mar dambe sheegtay in Latifa “lagu xannaaneynayo guriga”.
Murashaxiin Soomaali ah oo ka tartamaya Magalaada Adis-ababa Kuraasta Barlamaanka Federalka Itoobiya & Golaha Degaanka Caasimada
Murashaxiin Soomaali ah oo ka tartamaya magaalooyinka waa weyn ee Itoobiya

Saxarla Cabdullaahi, waxay ka sharaxan tahay magaalada Addis Ababa, waxeyna u tartameysaa baarlamaanka federaalka Itoobiya, waana gabadha keli ah ee Soomaali ah ee Addis ababa ugga tartameysa baarlamaanka federaalka.
Fa’isa Maxamed Cumar, iyaduna waxay ka sharaxan tahay Addis Ababa, waxay u tartameysaa Golaha Maamulka magaalada Addis Ababa, iyadoo ah gabadhii uggu horeysay oo Soomaali ah oo baarlamaanka magaalada Addis Ababa isu soo sharaxday.
Labadan habloodna waxay matalayaan xisbiga talada haya ee PP ama Barwaaqo. Soomaalida kuma badna iney inta badan iska sharaxaan magaalooyinka waa weyn ee dalka Itoobiya.

Degdeg:Daawo,Xisbiyada Waddani & Ucid oo shaaciyey Musharaxiinta Shirgudoonka ay u doorteen Golaha Wakiilada (Gudomiye,Ku-xigeenka 1 & 2aad)+Nuxurka Khudbahay Jeediyeen
Daawo:Gudoomiye Cirro oo ka hadlay Go’aamadii ka soo baxay Shirkii Xisbiyada Waddani & Ucid 3-da cisho u socday
Daawo:F.C.Waraabe oo shaaciyey inuu hor istaagey Xildhibaan Ex-M/weyne Rayaale u soo xushay Gudoomiyaha Wakiilada+Sababtu u xushay Cumar & Cali
Abdikarim Ahmed Mooge 15’Talo aan la wadaago

In aad tahay rajadii dhallinta iyo rajadii shacabka ee aan inta badan ka dhur sugaynay ayaa igu dirqiyaysa in aan ka fakero sidii aad hoggaaminta DHH ugu guulaysan lahayd. Waxa aan u arkaa haddii aad fadhilanto in dhallinyarta oo dhan fashilkaasi gaadhayo, sidaas na kalsoonidii iyo rajadii shacabku god ugu dhacayso anna sawirkaas weyn aniga oo dhawraya ayaan talooyin kan iyo kuwa kale oo saaxiibnimo oo aan hoos kuu odhan doono ba igu dhaliyay. Lix sanno ayaan DHH wax ka qorayay sababtuna in aan Soltelco necbaa maaha e waa in aan garanayay hay’adda Dawladda Hoose Ee Hargeysi doorka ay noloshayda ku leedahay. Si kasta ba ha ahaatee, qodob badan baan dan mooday in aan kula wadaago.
1. Haki dhismeyaasha iyo galalka dhulka ee socda dhammaantood si aad fakaag ugu hesho samaynta qorsheyaasha dib u karaarinta shaqada cusub.
2. Haddii aad ka dhawrsato xoolaha ummadda waxa kuu fududaan hoggaaminta iyo jahaynta xildhibaannada. Sida oo kale dad weynaha ayaa fursad ay kugu soo gaadhaan kuu heli doona.
3. Xilku waa awood iyo dhaqaale kulmay waana bartaas halka rag badan oo markii hore wanaagsanaa ay ku turunturoodeen adna waxa aan kaaga digayaa in aad ka foojignaato.
4. Warbaa laga shaqeeyaa DHH waxaana jooga shakhsiyaad xumaha ku takhakhusay oo darsay sida madaxda loo marin-habaabiyo iyagana ka taxadir.
5. Shaqaalaha dawladda hoose inta aanad culays shaqo ku soo kordhin horta waxa aad sare u qaaddaa mushaharkooda iyo niyad-samaantooda. Intaas kaddib ayay kuu suurto-geli kartaa in aad la xisaabtanto, tusaale; Joomitirku celcelis ahaan wuxuu qaataa 50$ waxaanu ka garnaqaa dhul qimahiisu gaadhayo Malyuun doolar sideen qofkaas uga sugi karnaa shaqo wanaagsan iyo caddaalad?
6. Shirkadaha xashiishka gacanta dawladda hoose ku soo celi, waxay la wareegeen adeeg ka mid ah kuwii dawladda hoose shacabka u qaban lahayn, xashiishka waxa ay ka qaadaan Hargeysa isla Hargeysana way ku qubaan.
7. Raadso dadka aqoonta u leh basrinta khashinka caafimaadka “Medical west management” xilli aan daba-gal ku sameeyay raadka khashinka caasimadda ayaan ogaaday halista caafimaad ee khashinkaas dadka ku haya. Dhakhtarrada Hargeysa Adna oo keliya ayaa leh hannaan gaar oo khashinkaas loo maamulo xataa dhakhtarka weyn ee Hargeysi ma leh.
8. Karasharka iyo agabka DHH suuqa ayaa lagaga shaqaystaa iyana waxaan ku soo jeedin lahaa in aad GPS ku xidho nidaam na u samayso si aad ula socoto dhaqdhaqaaqooda.
9. Diwaan-geli tirada guryaha DHH leedahay ee kiraysan, lacagta ay ku kiraysan yihiinna dib u eegis ku samee oo go’aan ka gaadh, sababtuna waa in qaar faras magalaha ku yaal 40$ ku kiraysan yihiin.
10. Dawladda Hoose xafiis xogta luugu yimaad oo gaar ah ma leh” Data center” waxaanan u arkaa bar bilawga dardar-gelinta shaqada.
11. Waxa ayaan-badnaan ah in xildhibaannada golahaaga rag badan oo nadiif ah, karti leh oo hawl-kar ahi ku jiraan fadlan uga faa’iidayso mid kastaa wuxuu ku wanaagsan yahay.
12. Hadalkaagu ha yaraado, wacyi-gelinta hay’adda dawladda hoose na yay kala go’in.
13. Hargeysi waxay leedahay odayaal guurti ah oo raggii kursiga aad ku fadhido soo maray dhammaantooda talo u doonteen, dhismaha magaaladana wax weyn kala qabtay, kuwaas oo aan ka xusi karo Xaaji. Aadan Axmed Diiriye “ Aadan-baradho” waxa aan kuu soo jeedin lahaa in u talo doonato.
14. Shirkadda gaar ah ee dhulka GIS gelisaa waxay gacanta ku haysaa adeeg hay’adeed sharcina kuma dhisna heshiiskeeduna xalaal maaha, qiimaha ay dadka ka qaadaanna waa mid aad iyo aad u sarreeya oo damiirka nooli diidayo fadlan gacanta DHH ku soo celi.
15. Shaqada degmooyinka u dhaadhici si xarunta dhexe culaysku uga yaraado.
FG: Rabbi waxa aan ka baryayaa in golaha deegaanka ee Cusub guulaysto oo ummadda si wanaagsan ugu adeego. Si ay u dhawaato Rajada ah in hoggaaminta dalka dhawaan dhallinyaro la wareegto.
Abdinaasir Ahmed Ibrahim
Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani ma ah qaar anaga naga socda ee waa aragtida mid ka mid ah akhristayaasha kuna cabiraaya rayigiisa u gaarka ah
Doorashooyinka Somaliland waxa laga barankaraa
DOORASHOOYINKA SOMALILAND WAXA LAGA BARAN KARAA AWOODA SHACABKA IYO QIIMAHA AY LEEDAHAY.
Nidaamka siyaasadeed ee dalku qaatay waa nidaamka dimuqaradi ah oo ah habka ururada iyo axsaabta badan ee siyaasadeed , dadka ayaa awooda leh oo si toos ah ugu soo doorta doorashooyin hogaanka dalka , iyo dhamaan kuraasida goleyaasha ee doorashooyinka ku yimaada.
Dooradjoyinku wax hadda cusubna maaha ee waa nidaam soo shaqeeyey oo dalka hore ugu soo caano maalay kaasi oo soo hanoqaaday mudo dheer na soo socday , hadda may ahayn markii ugu horeysay ee ay muuqato awooda dadku oo ay axsaabta mucaaridka siiyaan codka ugu badan ee waxa ka horeeyey doorashooyin kale oo isbadel siyaasadeed keenay waxaana ka mid ah ;
Doorashadii golaha wakiilada ee sanadkii 2005 waxa ay dadku u codeeyeen mucaaridka oo aqlabiyada dalka helay isla markaana noqday shirgudoonkii golaha wakiilada maadaama ay haystaan tiradii ugu badnayd golaha oo ahayd 49 mudane axsaabta mucaaridka Somaliland ee Ucid iyo Kulmiye halka uu helay xisbigii talada dalka hayey 33 mudane sidaasina lagu muquuniyey.
Nidaamkaasi waxa uu abuuray in caalamku Somaliland kalsooni weyn ku qabo doorashooyinka ay qabsatayna ay yihiin qaar heerarka ugu wanaagsan aduunka ku jira , waxa kale oo bogaadin noqotay in xisbigii xukuumada lagaga guuleysto aqlabiyadii golaha waa wax aan inta badan hore uga dhicin gobolka geeska Africa oo la yaab leh.
Waxa Somaliland ka faaiidey in goleyaasha baarlamaanku ay noqdaan goleyaal la aqoonsan yahay sida goleyaasha dalalka kale , waxaana uu golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ka mid ahaa goleyaasha wakiilada Africa oo leh isku xidhnaan iyo kala faaiideysi, sidoo kale waxa uu ka helay goluhu aqoon korodhsi iyo dhaqaale u gaar ah oo uu ku shaqeyn karo.
Sanadkii 2010 waxa doorasho lagaga adkaaday xukuumadii talada dalka haysay waxaana ay noqotay markii ugu horeysay ee xisbi talada dalka haya xisbi kale kala wareego ilaa intii hanaanka axsaabta badan dalku u guuray sanadkii 2001 , waxaana ay noqotay taariikh iyo dhacdo kale oo ku sii biirtay wanaag iyo qiimeyn badan oo aduunku Somaliland u hayey dalkana ka dhigtay mid qaaday jidkii horumarka.
Doorashadii ugu dambaysay ee 31-05-2021 dalka ka dhacday waxa ay noqotay doorasho kale oo la mid ah doorashooyinkii hore ee isbadelada ka keenay dalka waxaana aqlabiyadii helay xisbiyada mucaaridka Somaliland oo ku guulaystay 52 mudane oo ah golaha wakiilada iyo aqlabiyada dhamaan goleyaasha deegaanada dalka , waxaana ay hadda haystaan 5 mayor oo ka mid ah 7 degmo ee A da ah .
Waa taariikh kale oo tilmaamaysa in hanaanka dimuqaradiyadeed ee somaliland in uu socdo oo ka soo kabtay mudo kordhino badan oo dalka ka dhacay oo doorashooyinka dib loogu dhigayey kuwaasi oo sababay in hanaanka dimuqaradiyadeed ee dalku in uu ragaad noqdo dadka jamhuuriyada Somaliland ka niyad jabaan hanaankii doorashooyinka .
Doorashooyinku waxa ay soo saareen awooda shacabku leeyihiin iyo in dadka jamhuuriyada Somaliland bisil yihiin , waxa aan hubaa hadii doorashooyinka xiligooda lagu qaban lahaa maanta dalku meel wanaagsan ayuu mari lahaa wax badana waa laga gudbi lahaa.
Doorashadan ugu dambaysay ee labada doorasho mar lawada qabtay waxaa ka soo baxay faaiidooyin waaweyn oo ay ka mid tahay:
1- In dalka doorashooyinkiisa hal mar lawada qaban karo kuwaasi oo Somaliland ku haya culeysyo badan oo dhaqaale iyo dalkii oo marwalba doorasho u joog ahaa waxaana meesha ka baxay xiligii waxqabadka.
2- Waxa koobmay oo soo yaraaday hanaankii qabiilka iyo nidaamkii qabyaaladeed wallow goleyaasha lagu soo xulay tartamayaasha hab beeleed haddana way ka culeys yarayd qabyaaladii qaawanayd ee wada xanafta ahayd.
3- Waxa markii ugu horeysay soo baxay murashaxiin lagu doortay rabitaanka shacabka oo aan hanaan qabiil loogu codeyn kuwaasi oo noqday mucjisadii doorashada , waxaana ay kala yihiin mayerka caasimada Cabdikarim mooge iyo xildhibaan barkhad batuun oo loo doortay golaha wakiilada .
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
The History of Chauvinism-Created Union
The History of Chauvinism-Created Union
[This is 12 year-old article published on Hiiraan Online in 2009. It is about Somaliland`s fanatical, hasty unification with Somalia in 1960 and how Somalia doomed the union with political deprivation (1960-1982) and atrocities (1982-1990). It also states reasons of why the union is not revivable. In this article, North is referred to Somaliland and South is referred to Somalia as used in the three decades of the union.]
by Ibrahim Hassan Gagale
Saturday, February 21, 2009
A union, when it is about countries, is an act of uniting two or more countries with the objective of enhancing strength and advancing common interest. However, any union succeeds only if its initiative is fully deliberated, its constitution is well- thought of and defined and all sides respect and abide by it with real commitment to put it forward. The voluntary unification that took place between Somaliland and Somalia on July 1st, 1960 was driven by chauvinism (Blind patriotism) from the part of Somaliland people who failed to foresee that such hasty act in Africa without deliberations on possibilities could result in devastating consequences as happened in the 1980s. The successive, South-centered governments throughout the history of the union clearly indicated that Somalia was not ready for the unity but just took advantage of the fanatical patriotism of the North which carelessly threw its independence to unwelcoming place. On 20 July 1961 and through a popular referendum, Somalia ratified a new constitution, which was first drafted in 1960. The new constitution was rejected by Somaliland.
In the thirty years of the union (1960-1990), Somaliland people have learned a lot from Somalia that dismisses any chance of reviving the doomed union in the future. The following past actions of Somalia that failed the union and make it impossible to revive in the future are:-
When the first government was formed in 1960 for the New Republic of Somalia, emerging from former British Somaliland and former Italian Somalia, the South took the president, Mr. Aden Abdulle Osman (1960-1964), the prime minister, Mr. Abdirasheed Ali Sharma`arke, the ministers of foreign affairs, interior, finance, Commander of the National Armed Forces, and the National Police Chief. The union parliament was sham too for the South taking unfair number of seats. This political hijack by the South was the first political blow to the power-sharing of the freshly formed union. Mr. Mohamed Haji Ibrahim Egal, who was prime minister of the North at the eve of unification, was denied of the premiership which he had as a right after the South took the presidency. President Aden Abdulle Osman was re-elected in 1964 (1964-1967) and repeated the same political blunders by giving the prime minister to Mr. Abdirizak Haji Hussein (South-born) and other major cabinet posts to the South again.
The North was treated as an ordinary region in Somalia like Mudug or Benadir ignoring the fact that the North became independent state, taking independence on June 26, 1960, before the South, which became independent on July 1st, 1960, and that the North initiated the unification of the two newly independent countries in the Horn of Africa. The political betrayal and humiliation by the South angered the politicians, traditional leaders, intellectuals, business community as well as military officers of the North. This deep resentment influenced North-born young military officers, at the command of Hassan Kayd, to lead the unsuccessful military coup in Hargeisa on December 10, 1961 to reclaim independence and dignity of the North from the South-breached union. Instead of addressing the grievances that led to the Northern mutiny and starting national dialogue for reconciliation, president Aden Abdulle Osman immediately transferred South-born military to North and North-born military to South to suppress and repress Northern people socially and politically to punish them for the rightful military mutiny. The Southern troops turned Northern Regions into semi-colony of the South with no freedom at all. Northern people were forced to travel to Mogadisho for school certificates (Even middle school certificates), passports, healthcare, business licenses etc.
In such situation of political deprivation and lack of investment in the North, General Siad Barre (South-born) overthrew the civilian government of the shaky union through bloodless coup on October 21, 1969 dissolving the constitution and the parliament immediately after the assassination of president Abdirasheed Ali Sharma`arke (South-born) on October 15, 1969. Many people believed that president Abdirasheed (1967-1969) was murdered for giving prime minister post to the North and that is why General Siad Barre toppled Egal`s two-year old government too (1967-1969). President Abdirasheed gave the prime minister to the North to control the damage inflicted on power-sharing by president Aden Abdulle Osman. General Siad Barre ruled Somalia for 21 years with iron-fist dictatorship (1969-1990) that curtailed all civil liberties. He continued the political deprivation and suppression of the North and strengthened the political domination of the South.
Worse than South-centered civilian governments, General Siad Barre grossly breached the agreement of the union which was shared between the North and the South only by making it a union shared by all Somalis in the five Somali-territories (Somaliwein) in the Horn of Africa. He gave special political and military privilege to the Ogaden tribe inhabiting in Western Somalia (Occupied by Ethiopia) and in Somalia Northeastern Region (Occupied by Kenya) thus adopting refugees as citizens and making citizens, especially those in the North, as second class citizens. General Bile Rafle, born in Somali Galbeed, became the governor of Hargeisa and Burao in the 1970s, and General Aden Gabyow, born in N.F.D, Kenya, became once the minister of defense of the then Republic of Somalia. These citizen-turned refugees widely participated in the atrocities and displacement of the central tribes in Somaliland (Isaaq Clan) during civil wars. Northern officials in South-owned governments were symbolic and powerless. Their posts were intended to mislead Northern public perception to believe in power-sharing that did not exist. If the Northern officials in the government had real power, they would prevent injustices and crimes committed against the North.
During the disastrous union, Darod and Hawiye clans dominated the government. Isaaq clan (The biggest clan in the North) was alienated throughout the union to eliminate political rivalry from North. It was also political hostility focus for challenging the hijacked union. The middleland clans and the minorities were not in the radar of the political system of the union. Southern governments also practiced “divide and rule” policy in the North turning native clans against each other politically before the civil wars and finally arming them against each other during civil wars.
After all talks and negotiations between Northern leaders and Siad Barre`s regime to reverse the anti-North policies failed, the Northern people had no choice but to challenge the unabated injustices of the South with armed resistance. A group of Isaaq emigrants living in London founded the Somali National Movement (SNM), with political and military wings, in April 1981 to overthrow Siad Barre`s dictatorship. The military wing of SNM waged relentless attacks against Southern troops of oppression, suppression, and repression based in the North. It launched its first operation, operating from bases in Ethiopia, in February 1982 against the government troops. These military operations of SNM successfully continued and devastated the government troops until the major offensive of SNM in 1988. Claiming that all Isaaqs were supporters of the SNM guerrilla movement, Siad Barre`s government unleashed all sorts of human rights abuses against them such as killings, detentions, rapes, torture, unfair trials, confiscation of private properties, curfews and checkpoints in cities, towns, villages and rural areas in the North. Constraints on freedom of movement and employment and business discrimination against Isaaq were also common. Even Isaaq community living in the South suffered the same human rights abuses equally. Siad Barre also sent Northern prominent leaders and politicians such as Mohamed Haji Ibrahim Egal, Omar Arteh Qalib, Ismael Ali Aboker, top military officers and scholars to prison arbitrarily.
The military wing of SNM launched major offensive against government forces based in Hargeisa and Burao in May 1988 destroying most of the troops and arsenal stationed there and crippling Siad Barre`s administration in the North. In Response to SNM offensive, Siad Barre declared all-out war against Isaaq clan and started bombarding Hargeisa and Burao brutally and indiscriminately with artillery, tanks and war planes, some of them piloted by mercenaries from former Rhodesia, forcing the population of these cities to flee into Ethiopia for sanctuary leaving Hargiesa and Burao in ruins. Tens of thousands of civilians were murdered, massacred or executed summarily. on July 17, 1989, Forty-seven (47) people, mainly from Isaaq clan, were slaughtered at Jasiira Beach near Mogadisho by Siad Barre`s Red Berets. In February 2000, the bodies of more than 700 people were discovered in mass grave near the Airport of Berbera. Other mass grave sites were also found at Malko Durduro in Hargeisa, near Burao, Gabiley and Erigavo. These mass graves held Isaaq victims of massacres and mid-night executions carried out by troops loyal to Barre`s regime in the years 1988 and 1989. It was brutal military campaign of ethnic cleansing against the entire Isaaq clan. In January 1991, the heroic armed struggle of SNM and USC finally ousted Siad Barre and his dictatorship simultaneously in the North and in the South. Siad Barre fled the country on January 26, 1991.
Having seen the political deprivation and atrocities against the North and its people, the Northern Congress held in Burao on May 18, 1991 unanimously proclaimed the withdrawal of the North from the union with the South and reclaimed its independence of June 26, 1960 renaming itself: Somaliland Republic. The referendum held in Somaliland on May 31st, 2001 reaffirmed Somaliland sovereignty from Somalia. Somaliland is not a secessionist or breakaway region from Somalia as anti-Somaliland groups claim. It just withdrew from the union it joined as an independent state on July 1st, 1960 after it failed in the hands of Somalia. Djibouti became independent state in 1977 and rejected to join the union after witnessing how the South mistreated the North. Somaliland, Somalia and Djibouti are independent with equal status and legitimacy.
Why Somaliland does not want to share another Union with Somalia
———————————————————————————————
The Somaliland people shall not revive the doomed union with Somalia for the following 7 reasons:
1. The above history of political deprivation and atrocities committed against Somaliland people during the union have no justification or excuse at all.
2. Somalia does not admit those injustices and heinous crimes against Somaliland people. It purposefully denies or covers them up by claiming that the people of Somalia suffered equally. What they do not want to hear is that they were responsible for the injustices and atrocities in Somaliland but the destructive civil wars in Somalia were self-inflicted. President Aden Abdulle Osman and General Siad Barre can not be blamed for the injustices and crimes against the North alone because they were supported by Southern politicians, military commanders, troops and tribes loyal to Siad Barre`s regime.
3. Any government shared with the tribes inhabiting in the most northern and in parts of central regions of Somalia is unlikely to survive long because they are power-obsessed, self-aggrandizing and uncompromising. Some of these tribes hijacked the union in the first decade of its age while others supported and defended Siad Barre`s brutal dictatorship.
4. Somalia still believes in government shared by Somaliwein (Government shared all Somalis, from Somalia, Somaliland, Djabouti, Somali Northeastern Region (Kenya) and Western Somalia (Ehtiopia). This is no man’s land and man’s government that leads to political anarchy, chaos and socio-economic setbacks. Somaliland belongs to Somalilanders only.
5. The place is Africa where democracy, fair elections and rule of law are not respected. Chronic tribalism, brutal dictatorships and crippling corruptions are common and normal practice of the day. Any federal government shared between Somalia and Somaliland can be easily overthrown at any time by military coups, just like General Siad Barre did, with the immediate dissolution of elected parliament and constitution. No one can guarantee or trust that this will not happen again.
6. Neither Somaliland people nor the people of Somalia can afford to have another risky unity that leads to brutal dictatorship or despotic turned-elected governments that plunge both peoples into other violent, atrocious civil wars. They need to have separate, safe, sisterly states with mutual relations like the 18 Arab countries that also share religion, color, language and culture but living in peaceful, prosperous independent states, respecting each other’s borders. Both nations must reject blind patriotism that led them to devastating civil wars in the past.
7. The place is Africa where the laws of the jungle rein, where tribalism and localism are more important than nationalism and patriotism and where poverty and ignorance drive people to seek living in tribal corrupt or dictatorial governments instead of making sacrifices and hard work for better life and for self-sufficiency.
The critics of Somaliland independence, who advocate for reviving the disastrous unity, are either blind or indifferent to these political betrayal and appalling atrocities in this article. Their reckless, chauvinistic approach for another unity must be rejected by Somaliland people.
Ibrahim Hassan Gagale
Saturday, February 21, 2009
#Hiiraan Online
Copyright © 2008 Hiiraan Onlin
Siyaasi Cali Guray oo ka hadlay Khilaafka F.C.Waraabe & Wiilkiisa C/naasir Qodax

Muddo 20 sanadood ka badan CabdiNasir oo xildhibaanada UCID ee Gobolka Maroodijeex ka mid ahi wuxu ahaan jiray gacanta midig ee Gudoomiye Faysal. Sadex goor oo Faysal uu u tartamay Madaxwayne oo sadexdaba uu dhacay CabdiNasir marna kamuu baydh Faysal. Xildhibaan CabdiNasir oo hankiisu yahay in uu u ordo Gudoomiye xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada qof ahaan iyo aqoon ahaanna u bisil una qalma jagadaasi waxa laga yaabaa in caqabad ugu wayn uu ku noqdo heshiiska labada xisbi ee mucaaridku. Shirgudoonka codka lagu dooranayaa maaha sidii Dawladaha Hoose cod haldheeri ah ee wuxu noqonayaa cod badnaanshe-buuxa ah(absolute majority) oo ah kala badh tirada guud ee xildhibaanada Golaha iyo hal cod oo noqonaya (42cod).
Xogo u dhuundaloola isbahaysiga mucaaridka ayaa tibaaxaya in Gudoomiyaha loo wado Xildhibaan Cabdirazaaq Khaliif oo WADDANI halka labada ku xigeenna la siinayo UCID balse heshiiska labada xisbi yahay in ay kala noqdaan Xildhibaan Cumar Jaamac iyo Xildhibaan Cali Xaamud oo ka soo kala jeeda gobolada Sanaag iyo Awdal. Hadii ay sidaasi run tahay Xildhibaan CabdiNasir iyo Guddoomiyaha xisbigiisu waxa muuqata in aanay wada socon ee ay kala socdaan taas oo noqonaysa markii ugu horeysay ee ay labadoodu talo ku kala baydhaan. Si kastaba xaalku ha ahaado eh Xildhibaan CabdiNasir heshiiska labada xisbi kuma qasbi karo in uu ka hadho tartanka ee sharci ahaan isaga ayaa xaq u leh in uu tartamo iyo in uu tanaasulo labadaba.
Sheekh Caan ka ah Dhulalka Somalidu degto oo ka hadlay sida looga hortagi karo afduubka Haweenka
Sheekh Caan ka ah Dhulalka Somalidu degto oo ka hadlay sida looga hortagi karo afduubka Haweenka

Weli waxaa socoto raadinta laba gabdhood oo kale oo la la’yahay. Mid ka mid ah gabdhahaas weli la la’yahay oo lagu magacaabo Xafsa Cabdi, waxay la socotay Xafsa Luqmaan oo Axaddii la soo badbaadiyay.
Xafsa Cabdi Axmed, waxay ahayd gabadh ka ganacsata qudaarta ka soo go’da beer ay iyada leedahay oo ku taalla deegaanka Bura oo ka tirsan Tana River, Gobolka Xeebta ee Kenya.
Sida guud, xaafadda Islii waxaa laga hadal hayaa afduubkaas gabdhaha, tas oo walwal ku abuurtay dad badan. Siyaasiyiinta iyo culimada waxay shacabka u sheegayaan in ay feejignaadaan, iyagoo ka wacyigelinaya dhibaatada afduubka.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaalida ayaa si weyn uga hadlay falalkii afduubka ahaa ee dhawaan ka dhacay Nairobi iyo Mombasa, wuxuu shacabka u soo jeediyay talooyin ku aadan sidii ay iskaga dhowri lahaayeen afduubka.
Sheekha wuxuu Soomaalida uga digay bunbuuninta ku aadan dhacdooyinka la xiriira afduubka, oo ah arrin dhallin karta cabsi iyo welwel, sidaas darteed in shacabka ay iska ilaalaan faafinta wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan arrintani.
Sheekh ayaa ka hadlay waxyaabaha la is dhihi karo wey ka dambeeyaan afduubka:
Waxyaabaha horseeda afduubka
Amniga – Wuxuu sheegay in falalka afduubka ah ay ka dhashaan amni darro. Tusaale ahaan wuxuu soo hadal qaaday dad la waayay halkii jaan iyo cirib ay dhigeen oo markii dambe meydkooda la helay, welina aan wax wayn laga qabanin wixii ku dhacay.
Arrin dhaqaale – Sheekha ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in mararka qaar afduubka uu ka dhasho xifaaltan iyo loolan dhanka ganacsiga iyo dano dhaqaale lagu raadiyo. Wuxuu soo hadal qaaday in arrintan ay soo ifbixi karto marka gaajada iyo baahida ay korodho.
Madaxfurasho – Wuxuu shacabka uga digay in ay bixiyaan wax madaxfurasho ah maadama ay arrintaas horseedi karto in ay sii bataan falalka afduubka oo lacag madaxfurasho ah laga dalbado qoyasaska ay dadka ka maqan yihiin.
Xifaatal dhanka siyaasadda ah – dadka uu tartanka siyaasadda ah ka dhexeeyo waxay isku adeegsan karaan arrintani.
Kufsiga – Sheekh Maxamed Cabdi Umal wuxuu sheegay in tacadiyadda dhanka jinsiga iyo kufsiga haweenka iyo in gabdhaha loo afduubto in shahwada laga guto ay keeni karaa afduubka.
Sidee looga hortaggi karaa afduubka gabdhaha?
Sheekh Maxamed Umal, oo ka mid ah culimada Soomalida ee Kenya, wuxuu shacabka kula taliyay in ay raacaan talooyinka soo socda si looga hortaggo afduubka.
- In qofka uusan afka ka bixin xuska Alle iyo ducada oo aanan xirsi-xirka laga tegin. Wuxuu ku baaqay in carruurta iyo dumarka la baro ducooyinka iyo adkaarta.
- In qofka uu feejignaado oo uu iska ilaaliyo goobaha halista ah iyo in qofka uusan soconin xilliyada qaar.
- In lala dagaallamo shabakadaha afduubka geysta iyo in dadweynaha laga wacyigeliyo dhibaatadiisa.
- In aanan la bixinin madaxfurasho. Wuxuu Sheekha ka digay in haddii ay arrintaas dhacdo ay horseedeyso in ay kordhaan falal afduubka ah.
- In aanan gabaad la siinin dadka afduubka geysta.
Soo furashadii Xafsa Luqmaan
Axaddii booliska Kenya waxay sheegeen in ay ku guuleysteen soo badbaadinta Xafso Maxamed Luqmaan. Waxaa lagu hayay guri cidla oo mugdi ah oo ku yaalla xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi.
Qoraal ay laanta dambi baarista Kenya soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in nabarro dhanka wajiga iyo gacmaha uu ka muuqdo sidaas darteedna la geeyay isbitaal si xaaladdeeda loo daryeelo.
“Haweeneyda waxaa wajigeeda iyo gacmaheeda ka muuqday nabarro, durbadiiba waxaa loola cararay cisbitaalka si loo daweeyo”, ayaa lagu yiri qoraalka booliska Kenya.

Waxay booliska qabteen nin 24 sano jir ah oo la sheegay in uu qeyb ka ahaa dadkii afduubay Xafso Maxamed Luqmaan.
“Nin 24 sano jir ah oo ka qeyb ahaa dadkii afduubtay Xafsa ayaa la xiray. Waxaa su’aalo weydinayaa baarayaasha si uu sharraxaad oga bixiyo falalka afduubka ah, si uu uga caawiyo in la soo qabto dambiilayaasha kale,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay booliska.
Booliska waxay digniin u direen qof kasta oo damacsan in uu ku kaco falal la mid ah dambigan, isla markaana ay dadaal kasta ku bixinayaan sidii loo soo qaban lahaa dadka arrin noocaas ah ku lug leh.
‘Salaad ayay ku jirtay markii la afduubanayay’ Xafsa Luqmaan
Sakariye Maxamed Luqmaan oo la dhashay Xafso ayaa BBC-da u sheegay in walaashii markii la afduubayay ay salaad ku jirtay.
“Saaxiibteed ayaa u waday mel la yiraahdo Kayole. Salaaddii Maqribka ayaa la gaaray. Iyadoo sujuud ku guda jirta ayay laba nin soo galeen oo ay xoog ku wateen oo qashin ayay afka uga gureen si aysan u qeylinin, wayna ceejiyeen. Dhaawaca ay qabta, markii la afduubayay ayuu soo gaaray,” ayuu yiri Sakariye.
Xildhibaanka deegaanka Kamakunji ee magaalada Nairobi, Yusuf Xasan, ayaa maanta ku booqday isibitaalka ay ku jirto Hafsa Maxamed Luqman.
Yusuf Xasan, isbitaalka wuxuu kula kulmey qoyska Hafsa, oo uu kamid yahay aabaheed iyo walaalahee
Daawo:Wararkii u danbeeyay ee Dil sababay Gadood Shacab oo ka dhacay Wajaale
Daawo:Murashaxiin ku hadhay Tartankii doorashada Golaha Wakiilada oo sheegay in xisbiyada Ucid & Waddani dhaceen Codadkoodii
Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo shaaciyey dacwadaha la xidhiidha Doorashadii Golaha Wakiilada & Degaanka ee soo gaadhay+Dacwooyinka Xisbi kasta & Gobol Waliba soo gudbiyey
Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo saaciyey Dacwadaha la xidhiidha Doorashadii Golaha Wakiilada & Degaanka ee soo gaadhay+Dacwooyinka Xisbi kasta & Gobol Waliba soo gudbiyey
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo sheegay in 23 dacwadood, oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd, ee golaha Wakiillada ay mudaysay Maxkamadda Sare dhagaysiga dacwadahooda, fadhigii koowaad ee lagu dhagaysanayana maanta la guddo-galay.
-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan cabashooyinkii murashaxiintu u soo gudbiyeen Maxkamadda Sare, waxaanu sheegay in dacwadaha shalay la mudeeyay oo ay taariikhdu ahayd 22/06/2021, maantana si rasmi ah ay maxkamadu u gudo gashay dhagaysigooda.
Ugu horayn guddoomiyuhu waxa uu warbixin kooban ka bixiyay ansixintii natiijada doorashada golayaasha deegaanka dalka oo shalay soo dhamaaday, taasi oo labadii todobaad ee u danbeeyay ay ansixinayeen maxkamadaha gobolada dalku, maadaama ay iyagu awood u leeyihiin ansaxinta iyo ka garnaqida dacwadaha ka yimaada golayaasha deegaanka sida uu dhigayo qodobka 153-aad farqada 2aad ee xeer lr 91/2020. Guddoomiyuhu waxa uu ku amaanay guddoomiyayaasha iyo garsoorayaasha maxkamadaha gobolada dalka, sida wanaagsan ee ay u guteen waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan, waxaanu xusay kaalinta laxaadka leh ee ay ka qaateen maxkamadaha gobolada dalku dadajinta ansixinta natiijada rasmiga ah iyo dhaarinta golayaasha deegaanka dalka. isagoo dhinaca kalena u hambalyeeyay mudanayaashii loo doortay 20-ka degmo doorasho iyo maayarada iyo ku-xigeenadoodii, waxaanu Alle uga rajeeyay in uu ku asturo xilka loo dhaariyay.
Geesta kale guddoomiyuhu waxa uu sheegay in khamiistii 17/06/2021 ay ku ekayd wakhtigii la qabanayay cabashooyinka murashaxiinta Golaha Wakiilada, kuwaasi oo ay tiradoodud dhamayd 25 cabasho oo 2 ka-mid ahi ka noqdeen, halka 23-kii cabasho ee kale loo gudbiyay Guddida Doorashooyinka Qaranka oo iyaguna 21/06/2021 ka soo jawaaay cabashadii ay Murashaxiintu kaga cabanayeen, waxaanu sheegay in shalay loo mudeeyay maantana si rasmi ah loo bilaabayo dhagaysiga dacwadaha.
Mar uu guddoomiyuhu sharaxaad ka bixinayay cabashooyinka iyo sida ay u kala leeyihiin Xisbiyada Qaranka iyo gobolada dalku ayuu yidhi “25-kaa haddaan u kala sheego sida ay xisbi ahaan u kala leeyihiin iyo sida ay gobol ahaan u kala leeyihiin, Xisbiga Waddani 4 cabasho ayaa ka yimid, Xisbiga UCID waxa ka yimid 7, halka xisbiga Kulmiye ay ka yimaadeen 12 cabasho. Marka gobol ahaan loo eego, gobolka Awdal waxa ka yimid 6 cabasho, gobolka Sool waxa ka yimid 5 cabasho, gobolka Togdheer waxa ka yimid 4 cabasho, gobolka Sanaag waxa ka yimid 2 cabasho, gobolka Saaxil waxa ka yimid 1 cabasho halka gobolka Maroodi-jeexna ay ka yimaadeen 5 cabasho.”
Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa tilmaamay in dharaaro kooban Maxkamadu ku soo af-jari doonto dacwadaha la xidhiidha natiijada hordhaca ah ee golaha Wakiilada JSL oo ay Maxkamad Sare ee Dastuuriga ah awood u leedahay sida uu dhigayo Qod. 152 faqrada 1aad ee Xer.Lr 91, 2020, taasi oo ay hore ugu soo gudbiyeen Guddida Doorashooyinka Qaranku, waxaanu xusay in marka ay soo af-jaraan dacwadahan hadda soo gudbay, kadib ay Maxkamadda Sare sida ugu dhakhsaha badan ugu dhawaaqi doonto natiijada rasmiga ah ee golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, maalintaa ay ku dhawaaqdo maxkamadu go’aamada doorashada laga bilaabo ilaa 30 maalmood gudahoodna, waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu iskugu yeedhayaa golaha Wakiillada la doortay, sida uu dhigayo qodobka 44, faqradiisa koobaad Dastuurka JSL.
Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu u mahad celiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, hay’addaha dastuuriga ah ee qaranka dhammaantood, guddida doorashada qaranka, wasaaradda arrimaha gudaha iyo axsaabta qaranka sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen qabsoomida doorashada iyo dhamaystirkeeda, waxaanu ku tilmaamay doorka ay ka qaateen in uu ahaa door shariif ah.
Daawo:M/weyne-Xigeenka S/land oo daahfuray Shirweyne muhiima
Gaadhi Nooca Xamuulka Qaada oo xanibay Isusocodka Gaadiidka Waddada iskuxidha hargeysa & Berbera
