DP World Somaliland and Ethiopia big Winners as Berbera port opens frist phase
Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan
Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada arimaha dibada ee Somaliland oo si qoto dheer uga waramay ahmiyada dekada Berbera iyo isku xidhka ganacsiga gobolka
Maxaa lagu xasuusan doonaa Doorashadii ka qabsoomtey Soomaliland 2021?
Maxaa lagu xasuusan doonaa Doorashadii ka qabsoomtey Soomaliland 2021?
Somaliland oo ku caana maashey deganaan iyo kala dambeyn iyo weliba
Doorashooyin xor ah oo Dadka reer Soomaaliland ay u muujiyeen Caalamka
in ay yihiin Dad aaminsan Diimuqraadiyadda iyo Hanaanka xisbiyadda badan.
Hore waxa uga qabsoomey Somaliland Doorashooyin u dhacey si xor ah,
waxa xasuus mudan in 2010 ay qabsoomtey Doorashadii Madaxtooyada loogu tartamaayey,
uuna ku guuleystey Xisbiga Kulmiye oo markaa xisbul mucaarad ahaa.
Waanan wada ognahey sidii xaragadda laheyd ee Xukuumaddii markaa jirtey
iyo madaxweyne Daahir Rayaale u aqbaleen Natiijadda.
Sidoo kale maanta Doorashada qabsoomtey waxa lagu xasuusan doonaa
Madaxweynaha iyo Guddida Kommishanka qaranku oo muujiyey dhexdhexaadnimo,
Runtiina Guusha Doorashadani Ogolaashaha Eebe kadib ay madaxweynaha iyo
Komishanka Qaranka ayaa iska leh .Dhexdhexaadnimadaa aan looga baran Doorashooyinka
ka dhaca inta badan Caalamka dunida saddexaad ayey muujiyeen taasina waxey sobotey
in ay Xisbiyadda mucaaradku ku guuleystaan Kuraasidii Golayaasha ee loo
tartamaayey badankooda oo ay Dadku sidaa u codeeyeen.
Waxase Guuldareystey Qaar ka mid ah wasiiradda xukuumadda hadda ka
mid ah oo si qeyrul masuul ah oo u eg tabihii kaliddii taliyihii Stalin ku dhaqmey.
Dadka wey u caga juglenayeen, xidhxidhayeen ,cabudhinayeen iyo weliba
iyakoo farayey Odayaasha qabiilooyinku in ay Habaaraan
Xildhibaanadda Xisbiyadda Mucaaradka ah ka tartamaya,
aakhirkiina Xisbul xaakimka dhaxalsiiyey Guul darro aanu ka Istaahilin Shacabkiisa.
Madaxweyne Ragaa haddii ay Xukuumadda kasii mid ahaadaan waxey ku noqon
bar madow iyo magac dil Doorashadaa sida quruxda badan aad u agaasinteen.
Abdi Elmi Jama
cilmi91@yahoo.com
Qofka doonaya in Ilaahay SW Arsaaqada u balaadhiyo, cimrigana u dheereeyow……
“Qofka doonaya in Ilaahay SW arsaaqada u balaadhiyo, cimrigana u dheereeyow, qaraabadaada xidhiidhi, waa xadiis” Sh Maxamed Sh Cumar Dirir
Hargeysa- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa kula dardaarmay bulshada in qof kastoo doonaya inuu Ilaahay SW arsaaqada u badiyo una balaadhiyo, oo cimriga u dheereeyow, qaraabadaada xidhiidhi, sida Nebigu CSW xadiis inoogu sheegay
Khudbadii Jimcaha maanta oo Sh Dirir kaga hadlay qodobadda lagu kasbado xalaasha ayaa hadalkiisa ku bilaabay, marka aynu arrin ka hadlayno waa caam, cid gaar ah looma jeedo, laakiin qofkii xeynaadkaa isku arka waa inuu ku dedaalo ka fogaanshaheeda.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in mowduuca khudabdu ku saabsna tahay xalaasha iyo sida loo kasbado, khudbadii hore waxay ku saabsanayd sida xaaraanta la isaga ilaaliyo ee dadkii hore wanaagsanaa xalaasha u raadsan jireen, iyo in qofku aanu han yaraan, oo isagoo xalaal heli kara, aanu xaraan ku dhicin, waxaanu yidhi,
“Khudbadeenu waxay la xidhiidhaa dariiqooyin qof kastoo mara xalaasha iyo maal barakaysan ku kasban karto. Wa aarrin kulminaysa qofka aduunyo doonaya iyo qofka aakhiro doonaya, labadaba.
Sheekh Maxamed oo sii faahfaahinayey mowduuca khudbada ayaa sheegay in asbaabaha risqiga lagu raadsado yihiin laba nooc, sababo muuqda iyo kuwo qarsoon, waxaanu yidhi,
“Sababaha muuqda cid walba way taqaanaa, inuu ganacsi samaysto, inuu beero qoto, inuu xirfad uu ku shaqeysto barto. Sababaha qarsoon dadku ma wada yaqaano, qofkii Ilaahay SW waafajiyo ayaa og ee diintiisa ku camal falaya, kuna dhaqmaya. Ilaahay SW waxuu ballanqaaday in arsaaqda sababahaa lagu raadsado la helayo.
Asbaabaha lagu heli karo maal badan oo barakaysan waxa ka mid ah inuu qofku istiqfaarta (Dembi-dhaafka) badsado. Nebi Nuux CS ayuu Ilaahay SW ka waramayaa oo qoomkiisa waaninaya, una tilmaamaya sidii ay maal barakaysan u raadsan lahaayeen, oo ku yidhi qoomkiisa “Ilaahay SW dembi-dhaaf weydiista, waxuu idin siin doona roob aad u badan, xoolo, wiilal, beero,” aayada Ilaahay SW waxay tilmaamaysa inuu xoolo badan (amwaal) siinayo.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in asbaabaha arsaaqda lagu helo ka mid tahay taqwada, Alle SW ka cabsiga, taqwadu waa in adoomadu Ilaahay SW ka cabsadaan, sida quraanku inoo sheegayo, “Qofka Ilaahay SW ka cabsada, faraj ayuu uga samaynayaa waxii ku adkaada, meel aanu ka filayna, arsaaqad ayuu ka siiyaa. Sidoo kale Ilaahay SW waxuu aayad kale inoogu sheegay “Dadka aduunyada ku nool hadday Ilaahay SW ka cabsadaan cir iyo dhul waxaan uga soo furi lahaa barakaat.”
Asbaabaha kale lagu helo arsaaqad barakaysan waxa ka mid ah in Ilaahay SW la tallo saarto, tawakalku waa in adoonku Ilaahay SW talo saartaan oo arrimahooda u dhiibto. Sida Ilaahay SW inoogu sheegay aayad “Qofkii talo saarta, Ilaahay SW wuu ku filan yahay,”
Nebi Maxamed NNKH waxuu yidhi, “Hadaad Ilaahay SW talo saaran lahaydeen, talo saarasho dhab ah, waxuu idiin arsaaqi lahaa siduu shimbirta u irsaaqo, ee subaxii u wada kalahaan, galabtiina soo noqdaan iyagoo wada dheregsan”
Waxa ka mid ah asbaabaha inaad cibaadada Ilaahay SW qofku u far-baxo oo markuu gudanayo aanu qalbigiisu meel kale jirin, balse uu u soo jeedo cibaadada. Xadiisal-qudsi saxeex ah waxuu Nebigu SCW ku yidhi, Ilaahay SW waxuu yidhi “Inna bani’aadam cibaadadayda u soo jeeso oo u far-bax markaad I caabudayso, Qalbigaaga Qanninnimo ayaan ka buuxinayaa, faqrigaagana waan oodi doonaa.. riwaayad kale waxay sheegaysaa, gacmahaaga arsaaqad ayaan ka buuxin doonaa. Hadaad sidaa diidana qalbigaaga mashquul ayaan ka buuxin doona, faqrigaagana wuu kugu soo butaaci.”
Waxa ka mid ah inuu qofku Xajka iyo cumrada badsado haduu awood u leeyahay oo asbaabaha badiya arsaaqada ka mid ah. Nebiguna CSW sidaa ayuu xadiis saxeex ah inoogu sheegay, “Xajka iyo cumrada badsada qofkii awooda, sannad walba ha wado, waxay meesha ka saaraan oo ka reebaan qofka dembiga & faqriga, sida buuxinta dabku uga saarto qashinka”
Waxa ka mid ah asbaabaha arsaaqad barakaysan lagu helo xidhiidhinta qaraabadda, sida Nebigu CSW ku xusay xadiiskii Bukhaari ku jiray “Qofka doonaya in arsaaqada loo badiyo loona balaadhiyo, oo cimriga loo dheereeyo, qaraabadiisa ha xidhiidhiyo.” Qaraabada waynu naqaanaa meelaha ay ka timaado. Dadka qaar ayaa isweydiinaya cimrigu wuu qornaa, side loo badinayaa? Laba siyaabood-ba, mid waa barako, waxa badan waxa barakada leh ayaa ka muhiimsan, oo Ilaahay SW ayaa u barakaynaya, midna waa inay hore ugu qornayd hadu qaraabada xidhiidhiyo inuu cimrigu u kordhayo, Ilaahay SW waxuu yidhi “Ilaahay SW waxuu doono wuu sugaa, waxuu doonana wuu tiraa, kitaabkuna agtiisa ayuu yaalaa”
Waxa ka mid ah asbaabaha arsaaqad barakaysan lagu helo in meelaha kheyrka ah wax lagu bixiyo, taasoo qofku qanni ku noqon karo, maal barakaysan ku heli karo. Sida Ilaahay SW inoogu sheegay quraanka “Wax alaale waxii aad bixisaan, annigaa bedelkeeda idiin keenaya-weliba bedelku wuu ka badan yahay”
Xadiis Muslim ee Abu Hureyra werinayo waxuu Nebigu NNKH yidhi, xadii-qudsi waxuu Ilaahay SW ku yidhi “Ibna Bani’aadamow bixi, anniguna waan ku siin”
Xadiis Bukhaari waxuu tilmaamayey in labo malag maalin walba duco iyo habaar u taagan yihiin, mid odhanayo Ilaahow qofkii wax bixiya bedel sii, ka aan bixinna ku habaarayo Ilaahow ka qaad”
Xadiis saxeex Muslim ku sugnaa nin ayaa maqlay daruur laga dhex hadlayo ‘beerta hebel waraabi’ beeraha kale maaha, way iska ba’ayaan, laakiin beertan ayaa bixi doonta. Daruurtii beer keliya ayey ku da’day, nin dhextaagnaa ayuu wareystay, maxaad samaysaa? Markaa ayuu ninkii beerta lahaa ugu jawaabay ‘beerta waxii ka soo baxa saddex meelood ayaan u qeybiyaa, meel dib ayaan beerta ugu celiyaa, meelna waan sadaqeystaa, meelna maasriif ayaan ka dhigtaa.”
—
Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter
http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland
Daawo:Xildhibaan ka socda Dawlada Kenya oo Khudbad ka jeediyey Munaasibada Xuska 26ka Juun
Daawo:Nuxurka Khudbadii Gudoomiyaha Guurtidu ka jeediyey Munaasibada Xuska 26-ka Juun
Daawo:Nuxurka Khudbadii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada S/land ka jeediyey Munaasibada Xuska 26-ka Juun
Daawo:Sheekh Caan ka ah Somaliland oo duray Direyskay xidhaan Hablaha dhigta Dugsiyada S/land
Daawo:Nuxurka Khudbadii M/weyne Biixi ka jeediyey Xuska Munaasibada 26-ka Juun 2021+Eeddo uu Tunka u saaray Maamulka Xamar
Daawo:Muqaalka Guud ee Munaasibada Xafladii loogu dabaaldegay Xuska Maalinta Xoriyada S/land 26-ka Juun 2021
Xaaladda Qalafsan ee soo wajahaday Soomaalida ku sugan Gobolka tigray ee collaaddu ka oogan tahay
Xaaladda Qalafsan ee soo wajahaday Soomaalida ku sugan Gobolka tigray ee collaaddu ka oogan tahay

Muddooyinkii u dambeeyey waxaa laga deyrinayey xaaladda gobolka Tigray ee dalka Itoobbiya. Gobolkaas, waxaa ku sugan arday Soomaali ah oo halkaa wax ka dhigta. BBC-da ayaa ka war doontay xaaladdooda iya sida uu u saameeyey dagaalkii maalmihii u dabeeyey ka taagnaa gobolkaas,
Colaadda gobolkaas waxaa ku dhintay kumannaan qof, waxaana ku barakacay dad ka badan laba milyan oo qof.
Ardayda Soomalida ee ku sugan halkaas ayaa gaaraya boqollaal, waxaanay u qaybsamaan kuwo ka yimi deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobbiya iyo kuwo deeq waxabarasho ka helay gobolkaas oo iyana ka yimi deegaammada kale ee Soomaaliya.
“Magaalada Makelle ayan joognaa, mana jirto weli cid gaar ah oo nasoo raadsatay laakiin cabsi ayaannu qabnaa haddannu nahay ardayda Soomaaliyeed” ayuu yidhi Siciid Macallin Bahsiir.
Waxaana Siciid cabsidaas ku sheegay in ay ka welwelsan yihiiin weerarro ugu yimaadda dhinacyada isku haya gobolka.
“Illaa hadda wax dhibaata ah nama soo gaadhin se cabsidaasi way iska jirtaa oo mar walba su’aalo ayay ku weydiinayaan. Tusaale, ka warramo ciidammo Soomaali ah ayaa dagaalka ka qayb galay oo Ererteriya ku tababaranayay? markaa annaguna marwalba waxaan dhahnaa waxaasi ma jiraan. Se kollayba dadkii qalbigooda waxaasaa ku jira oo dad badan baa jira oo dadkoodii wax gaadheen arrinkaana dareemaya oo cuqdadi ku jirto, illaa hadda se wax nagu dhacay ma jiraan.” ayuu yidhi arday kale oo isaguna halkaa ku sugan oo lagu magacaabo Maxamed Shire
Kooxda TPLF ayaa khilaaf aad u weyn kala dhaxeeyey raysal wasaare Abiy Axmed ka dib isbaddalkiisa siyaasadeed, in kasta oo qabsashadii saldhigyadii militariga federaalka ee Tigray uu horseed u ahaa duulaanka lagu qaaday halkaas.

Kooxda TPLF ayaa wixii intaa kadambeeyay waxay kubiirtay xoogaga kooxaha kale ee ku sugan gobolka si ay udhisaan jabhada kacaanka ee difaaca (TDF).
Dhanka kale waxaa maalmihii u danbeeyey laga soo sheegayay gobolka macalluul aad u daran, iyaga haayadaha xuquuqda aadamuhu ku qaylo dhaamayeen in la gurmado dadka halkaasi ku sugan.
“Way jirtaa cunnayaridaas waana la dareejmayaa oo maciishaddii aad bay u qaaliyawday. Sannadihii u danbeeyey lacagta naloo soo diro waxaannu ku iibsan jirney kor bay u kaceen oo waa ay labanlaabmeen” Ayuu yidhi Siciid.
Ardayda Soomaalida ayaa dhanka kale ka sii werweraya sida uu xaalka noqonayo.
Xaaladda guud ahaa ka taagaan deegaanka
Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa si kulul u cambaareeyay duqeymaha la sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka gaysteen gobolka Tigray taasoo sababta ay daraasin dad ah ay ku waxyeeloobaan.
Midowga Yurub ayaa dhacdadani ku tilmaamay mid welwelkeeda leh iyagoo sheegay in ”si ula kac’ ah rayidka loo bartilmaameedsanaya.
Miltaraiga Itoobiya ayaa beeniyaay in rayid la bartilmaameedsaday, balse xaqiijiyay inay jireen duqyemo.
Mareykanka ayaa ku baaqay baaritaan deg deg ah oo madax banaan

Tobanaan qof ayaa lagu soo warramayaa inay dhinteen ama dhaawaceen ka dib markii ciidamada cirka ee Itoobiya ay duqeeyeen suuq ku yaal gobolka waqooyiga ee Tigray.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay BBC-da in ciidamada cirka ee Itoobiya ay Talaadadii duqeeyeen magaalada Togoga, oo 25 km u jirta magaalo madaxda gobolka, ee Mekelle.
Milateriga Itoobiya ayaa beeniyay inay bartilmaameedsadeen dadka shacabka ah, iyagoo sheegay inay weerarrada u qaadeen si ay uga hortagaan “argagixisada”.
Afhayeen u hadlay milateriga Itoobiya, Korneyl Getnet Adane, ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay dagaalyahanno oo keliya, balse aanay jirin dad rayid ah oo ku dhintay Togoga.
Dhakhtar caafimaad oo ka howlgala isbitaalka weyn ee Mekelle ee Aider ayaa BBC-da u sheegay in ugu yaraan 60 qof ay dhinteen in ka badan 40 kalena ay dhaawacmeen.
Waxaa jirta cabsi laga qabo in tirada ay intaa kasii badato.
Mr Abiy oo Isniintii la hadlayey BBC-da ka dib markii uu codkiisa ka dhiibtey doorashadii qaranka ee labada jeer dib u dhac ku yimid, ayuu sheegay inuu la shaqeynayo ciidamada ku sugan dalka deriska la ah ee Eritrea si ay dalka uga baxaan balse wuxuu sheegay inuusan “dibedda u riixayn.”
Waxaa lagu eedeeyay inay geysteen xasuuq, kufsi wadareed iyo xannibaaddo dhanka gargaarka bani’aadamnimada – eedeymahaas oo ay Eritrea beenisay.
Nin Soomaali ah oo Saddex Qof ku Diley,Shana ku dhaawacay Toorri Jarmalka
Nin Soomaali ah oo Saddex Qof ku Diley,Shana ku dhaawacay Toorri Jarmalka

Nin toorey dheer ku hubeysan ayaa sedex qof ku diley halka 5 kalena uu ku dhaawacay oo qaarkood dhaawacoodu daran yahay magaalda dhinaca koofureed ku taala dalka Jarmalka ee Wurzburg jimcihii shaley ka hor intii aysan boolisku toogan isla markaana xirin.
Ninkan ayey boolisku ku sheegeen 24 jir Somali ah oo ku noolaa magaaldaas, dhaawiciisa ayaan aheyn mid daran sida ay boolisku sheegeen.
Sarkaal sare oo ka tirsan booliska oo lagu magacaabo Joachim Hermann ayaa sheegey in dadka dhaawacmey uu ka mid yahay wiil yar kaasoo aabihii ay u badan tahay inuu ka mid yahay dadka dhintey
Ninka falkan geystey ayey boolisku sheegeen inuu daawo dhinaca dhimirka ah qaadanaayey ka hor intii uusan weerarkan geysan, isla markaana ay boolisku la socdeen, ma jiro wax badan oo laga ogyahay sababta ii ninkani weerarkan u geystey.
Muuqaal bogaga inyternetka la soo galiyey ayaa muujinaayey dadweyne isku dayaaya in ay ninkan joojiyaan weerarkiisa iyagoo ulo iyo kuraasidii ay ku fadhiyeen u adeegsanaya.
Khudbad Xasaasiya:Daawo,Sida Dadka xanuunku ugu dhaco ayuu Dawladahana ugu dhacaa…….Maayarka Cusub ee Burco
Daawo:Beesha Habaryoonis oo shaacisay in Xoog lagaga qaaday Geela Australia ku dhaqan,Kuna baaqday in dib loogu soo cesho
Is Somaliland a safe country?
Somalia: A boost to women-headed businesses despite COVID-19 effects
Somalia: A boost to women-headed businesses despite COVID-19 effects

The International Committee of the Red Cross (ICRC) supports low-income families in starting, restarting, or expanding existing small businesses that can contribute to the family’s income and result in a better and more sustainable livelihood.
Business skills training is also provided to improve business management. To ensure proper interaction during the training, participants are grouped according to their location and business type. Costing and pricing, marketing skills, record keeping, and basic business management are among the topics covered during the course.
After the training, business owners are each given a sum of 500 US dollars in cash to help them develop their businesses. Since 2021, over 200 women were supported to boost and improve their businesses.
Eight women-led businesses in Hamar Weyne, Mogadishu city.
Clothing and tailoringHamar Weyne, with its busy market full of retailers selling food stuffs, clothes and beauty products, is the oldest district in Mogadishu city. 56-year old Asli Salad Farah used to sell secondhand clothes but is now selling new clothes.
“I own a clothing stall in Hamar Weyne district in Mogadishu city. I am a mother of 10 children and the breadwinner of my family” she says.
She sells both women, men and children clothes. She gets busy during festive events such as Eid and weddings where many people flock to buy new clothes
Maryan Abukar Haji is Hamar Weyne’s only female tailor and her specialty is designing and sewing women clothing. Most of Somali clothing is custom-made which makes tailors come high in demand.
“Women make up the majority of my customers. They come to me because it is more comfortable for them to get their measurements taken by a fellow woman,” she explains.
Maryan tailors’ women’s clothing such as baati, a loose-fitting, short-sleeved cotton housedress worn by Somali women. She also sews hijabs, the head scarf worn by Muslim women. © ICRC/ Ismail Taaxta.
Small shopsConvenient stores, which sell food, groceries, and house detergents, are many in Hamar Weyne district.
Maryan Mohamed Yusuf is the owner of one of the shops in the neighborhood. She sells soft drinks, tea leaves, sugar, candy, milk, rice, and soap detergents among other goods.
Maryan has been the owner of the shop on a side street near Hamar Weyne district for the past two years. “With my shop income I am able to support my five children with food and school fees” she says. © ICRC/ Ismail Taaxta.
Ebla Mukhtar Guhad has been running her shop for the past 30 years. The location of her shop has moved around Mogadishu many times over the years. The shop is currently at a prime position, bringing in a steady stream of customers.
Ebla sells mangoes and bananas, as well as milk, cold drinks, balloons and candy. Her husband runs a laundry business, and the two of them are raising their seven children with both their income. © ICRC/ Ismail Taaxta.
Café and restaurantsRestaurants and eating places have been affected by COVID-19 restrictions, notably by limiting dining together with friends and family.
Duniyo Mohamed Ahmed, 36, has owned a food shop in Mogadishu for the past seven years, where she prepares Somali snacks and meals.
“This business is my only source of income and I can feed my daughter and husband who is without a job now” she says. © ICRC/ Ismail Taaxta.
Faduma Mohamed Abdirahman is a baker who makes sambusa and mashmash – (a sweet pastry made of flour and sugar). She has been in the baking business for 30 years now.
Every day at 6:00 a.m., she opens her café to cook the pastries. Early mornings and late afternoons are her busiest hours, as Somalis enjoy their pastries with Shaah – a cup of hot spicy tea
“I make the best mashmash in town” she says
Faduma’s bakery opens for breakfast at 6:00 a.m. She then serves pastries with tea. © ICRC/ Ismail Taaxta.
In the streets of Hamar Weyne, Hawa Ibrahim Ali sells roasted groundnuts. She is the mother of ten children and raises four of her brother’s children as well.
Groundnuts are a tasty snack that goes well with tea. Hawa sells both skinned and skinless peanuts. © ICRC/ Ismail Taaxta.
Beauty parlourHenna has long been a popular way for Somali women to decorate their hands and feet for special occasions like weddings, Eid, and other social gatherings.
Faduma Ahmed, 22, is the owner of a salon that specializes in hair styling and henna application.
“I am pleased and delighted to see my customers leave my salon feeling beautiful and smiling,” she says.
Faduma sees a lot of business during the wedding season and the Eid festivities. People are frequently lining up at her salon. © ICRC/ Ismail Taaxta.
Haldoorkee baad is-leedahay wuu ku haboon yahay in lagu Maamuso Shirgudoonka Golaha Guurtida S/land ee soo socda
Haldoorkee baad is-leedahay wuu ku haboon yahay in lagu Maamuso Shirgudoonka Golaha Guurtida S/land ee soo socda

Ali Fayr Xuseen Waa Khabiir-Dhaqan oo 25-kii sanadood ee ugu danbeeyay ku fooganaa Hawlaha Nabadeynta,Dibu-heshiisinta & isu-soo-jiid jiidka Beelaha Gudaha & Deriskaba oo mararka Qaar xiisado & isku-dhacyo koobani ka dhex Aloosmaan,Ku darsoo waxaa taa garab socda ka Ergeynta Hawlaha Dhaqanka & Shirarka siyaasadeed ee lagu Furdaaminayo ama lagu baadigoobayo Xal Qadiyad Murugtay.
Waxaa Oday Cali Fayr Intaas u dheer isagoo saaxiib dhow la ah Madax-dhaqameedka & Haldoorka Somaliland ee ku suntan Xalinta khilaafyada & Hawlaha Nabadeynta Dalka Gudihiisa & Deriskaba,Wuxuuna Ergo & Safaro Nabadeyna ku tegay Gobolada Dalku ka kooban yahay Badidood & Deriskaba.
Filo Dhawaan Xoggo intaas ka badan
Diyaarad siday madaxweyne oo rasaas lala dhacay
Diyaarad siday madaxweyne oo rasaas lala dhacay

Waxaa la rasaaseeyay diyaarad siday madaxweynaha Colombia xilli ay mareysay meel u dhaw hawada xadka Venezuela.
Madaxweyne Iván Duque ayaa ku wajahnaa gobolka Norte de Santander, waxaana diyaarad la saarnaa wasiirada gaashaandhigga, arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha gobolkaas.
Afhayeen u hadlay madaxweynaha ayaa sheegay in cidna aysan waxyeello kasoo gaarin weerarka.
Madaxweynaha Colombia Iván Duque ayaa dhacdada ku tilmaamay ‘weerar fuleynimo ah’
Wuxuu intaas ku daray in aysan ka nixinin weerarka argagixisada ah.
“Gobolkeena waa mid awood leh, Colombia waxay awood u leedahay inay ka hortagto halista noocan ah” ayuu yiri madaxweynaha.
Wuxuu sidoo kale sheegay in laamaha amniga la faray inay raadiyaan kooxihiin ka dambeeyay weerarka lagu qaaday diyaaraddaas.


Wargeys maxalli ah oo lagu magacaabo Semana ayaa ku warramay in la maqlay dhawaaqa rasaasta isla markaana ay u muuqato in rasaasta ay haleeshay matoorka diyaaradda xilli ay soo dageysay.
Ciidamada qaran ee xoreynta ee u jaanjeera dhinaca bidixda ELN ayaa ka howlgalaa gobolka Catatumbo iyo deegaanada xadka Colombia uu la wadaago Venezueala.
Waxaa ururka ELN la aasaasay sanadkii 1964, waxay u diriraan ka hortagga sinaan la’aanta dhanka dhulka iyo kheyraadka, kooxda ELN waa jabhadda ugu weyn ee ka howlgasha Colombia.
Dowladda Colombia, Mareykanka iyo Midowga Yurub waxay ku tilmaameen urur argagixiso.
Horraantii bishan, ELN waxay beenisay inay ka dambeysay weerar lagu qaaday saldhig militeri oo ku yaalla gobolka Cúcuta. waxaana weerarkaas ku dhaawacmay 26 qof oo ay kamid yihiin 2 kamid ah militeriga.
Bilyaneerka ugu da’da yar UK ee bilaa xafiiska ah
Bilyaneerka ugu da’da yar UK ee bilaa xafiiska ah

Johnny Boufarhat wuxuu muddo 2 sano gudahood ku sameeyay in ka badan $ 5.6 bilyan oo doolar kadib markii u furtay shirkad qaabilsan qabashada shirarka Online-ka.
Wuxuu shaqaaleysiiyay in ka badan 500 qof, dadkaas intooda badan weligood ma aysan la kulmin ninkan maadama uusan laheyn wax xafiis ah.
Sida laga soo xigtay wargeyska The Sunday Times oo soo bandhigay liiska dadka ugu taajirsan UK, Johnny Boufarhat oo 27 jir ah wuxuu noqonayaa bilyaneerka ugu taajirsan UK.
Ninkan ayaa wuxuu jecel yahay in uu soo bandhigo shaqooyin kheyrul caadi ah.
Shirkaddiisa ma lahan xafiis, wuxuu shaqada ka qabtaa hadba halka uu tego, Johnny Boufarhat ma lahan xitaa guri joogta ah.
“In shirkaddeyda ay shaqeyso iyadoo aysan xafiis ah laheyn waxay inoo suurogelisay in aan sameyno waxyaabo aysan horey u qaban shirkadaha kale” ayuu yiri Johnny Boufarhat.
“10 sano ka hor ma awoodin in aan sameeyo arrintani sababta oo qalabka Online-ka ee suurtogeliyay ganacsigan ma jirin, xitaa waxaa adkeyd in si wanaagsan laisugu dhex diro Email-lada” ayuu yiri Boufarhat.
Wuxuu intaas ku daray in laga shaqeeyo meelo ka baxsan xafiisyada waxay noqotay arrin waxtar weyn soo kordhineyso isla markaana horseedeyso in ganacsiga uu ballaarto.
Wakhtiga ugu haboon
Shirkaddiisa Online-ka ee Hopin wuxuu sanadkii 2019-ka ku bilaabay lix shaqaale ah oo kaliya ah balse wuxuu dhaqaale badan sameeyay kadib saameynta ka dhalatay safmarka Karoona taas oo horseeday in uu hakad galo ganacsiga adduunka.
Shirkaddiisa waxaa uu suurtogashay inay qabato in ka badan 80,000 oo shirar ah tan iyo sanadkii 2020, wuxuu la shaqeeyaa hay’ado iyo shirkado sida Qaramada Midoobey, gaashaanbuurta Nato, Slack iyo Unilever.
Haatan uma yaallo wax qorshe ah oo ku aadan in uu wax ka baddalo sida uu hadda u shaqeeyo.

Wuxuu qaaday dhabbo ganacsi oo casri ah oo muujin kara in mustaqbalka la hirgelin karo shirkado u shaqeeyo noocan.
Wuxuu shaqaalihiisa ka kooban 500 bil kasta u qabtaa kulan Online-ka ah oo wax laisaga weyddiyo waxa u qabsoomay iyo caqabadaha taagan .
“In laga shaqeeyo meel aan xafiis aheyn waxay inoo suurtogelisay in aan shaqaaleysiino dad kala duwan oo caalamka ku sugan” ayuu yiri Johnny Boufarhat.
‘Wuxuu ii horseeday isbaddalkan’
Sheekadiisa waa mid dhiirogelin leh-waxay fikraddan aasaaska shirkadda Hopin ku bilaabatay markii uu ku xanuunsaday London.
Qoyskiisa waxay kasoo jeedaan dalka Lubnaan balse wuxuu ku dhashay kuna soo barbaaray Australia ka hor inta uusan soo aadin London isaga oo da’yar.
Wuxuu sanadkii 2015-kii u safray Koonfur Bari Asia kadib markii uu ka qalin jebiyay jaamacadda Manchester gaar ahaan kuliyadda Injineernimada.

“Wuxuu xanuunka ii horseeday in la yimaado isbaddal, xitaa guriga kama bixi karin, muddo ka badan sanad, waxaan go’aansaday in aan noloshaas go’adoonka ah aanan kusii jiri karin”
Wuxuu in muddo ah ku shaqeynayay shaqo aan joogto aheyn oo ku saabsan barnaamijayada ganacsiga ee Online-ka si noloshiisa uu ugu dabaro.
Sanadkii 2019 waxaa ugu dambeyntii u suurogashay in uu hirgeliyo shirkaddiisa Hopin taas oo uu ka macaashay kadib saameynta ka dhalatay safmarka Karoona.